25.5 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

TRUMP oo wada qorshe xasaasi ah oo dadka GAZA loogu rarayo laba dal kale

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Sabtidii soo bandhigay qorshe uu ku tilmaamay mid “lagu nadiifinayo” Gaza, isagoo sheegay inuu doonayo in Masar iyo Urdun ay qaataan dadka Falastiiniyiinta ah ee ku nool deegaankaas, taas oo uu sheegay in ay qayb ka tahay dadaallada lagu xaqiijinayo nabad waarta oo ka dhalata Bariga Dhexe.

Trump, oo Gaza ku sifeeyay “goob burbur xooggan uu ka muuqdo” kaddib dagaalkii u dhexeeyay Israa’iil iyo Xamas, ayaa shaaca ka qaaday inuu arrintan kala hadlay Boqorka Urdun, Cabdalla II, isla markaana uu rajeynayo inuu Axadda maanta ah la xiriiro Madaxweynaha Masar, Cabdifataax Al-Sisi.

“Waxaan jeclaan lahaa in Masar ay qaadato dadka. Sidoo kale, waxaan jeclaan lahaa in Urdun ay dadka qaadato,” ayuu Trump u sheegay weriyayaasha isagoo la socday diyaaradda Air Force One.

“Waxaan ka hadlaynaa qiyaastii hal milyan iyo bar qof, waxaan dooneynaa inaan gebi ahaanba meeshaas ka sifeyno khilaafaadka. Waad ogtihiin, qarniya badan waxaa ka dhacayay iska hor imaadyo isdaba joog ah. Marka, waxaan qabaa in tallaabo degdeg ah loo baahan yahay,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Inta badan 2.4 milyan oo qof ee ku nool Gaza ayaa ku barakacay, marar badan, dagaalka oo ka dhashay weerarkii Xamas ay ku qaadday koonfurta Israa’iil 7-dii October, 2023-kii.

Trump waxa uu sheegay in dadka reer Gaza dib u dejin loo sameyn karo “si ku-meel-gaar ah ama mid waqti dheer ah.”

“Xilligan la joogo, waa goob gebi ahaanba burbursan, dhismayaashii way dumeen, dadkuna way ku dhimanayaan,” ayuu yiri. “Marka, waxaan doorbidayaa inaan arrintan kala kaashado qaar ka mid ah dalalka Carabta, isla markaana aan guryo uga dhisno meel kale oo ay nabad gelyo ugu noolaan karaan, si isbeddel loo helo.”

Xabad-joojin iyo heshiis maxaabiis is-dhaafsi ah oo dhex maray Israa’iil iyo Xamas – kaas oo la saxiixay maalintii ugu dambeysay ee maamulkii Madaxweyne Joe Biden, balse uu Trump sheeganayo inuu isagu hormuud ka ahaa – ayaa gashay toddobaadkii labaad.

– Hub loo fasaxay Israa’iil –

Maamulka cusub ee Trump ayaa ballanqaaday “taageero aan kala go’ lahayn” oo uu siinayo Israa’iil, iyadoo aan weli la shaacin faahfaahinta qorshaha maamulkiisa ee ku aaddan siyaasadda Bariga Dhexe.

Trump waxa uu Sabtidii xaqiijiyay inuu faray Wasaaradda Gaashaandhigga ee Maraykanka (Pentagon) inay fasaxdo shixnad hub ah oo ka kooban bambooyin culeyskoodu yahay 2,000-lb oo loogu talagalay Israa’iil, taas oo uu hor istaagay Madaxweynihii isaga ka horreeyay, Biden.

“Waan fasaxnay. Maanta ayaan fasaxnay,” ayuu yiri Trump. “Kharashkooda way bixiyeen, muddo dheerna way sugayeen.”

Duqeymaha aargoosiga ah ee Israa’iil ayaa burbur laxaad leh gaarsiiyay dhulka Falastiin, iyadoo ay burbureen kaabayaashii asaasiga ahaa, waxaana Qaramada Midoobay ay ku qiyaastay in dib-u-dhiska uu qaadan doono sannado badan.

Bishii October, xilligii uu ku guda jiray ololihiisii doorashada madaxtinimada, Trump ayaa sheegay in Gaza oo dagaal uu halakeeyay ay “ka qurux badnaan karto Monaco” haddii “si habboon dib loogu dhiso.”

Wiilka uu soddogga u yahay Trump, isla markaana horey uga soo mid noqday shaqaalaha Aqalka Cad, Jared Kushner, ayaa bishii Febraayo soo jeediyay in Israa’iil ay dadka rayidka ah ka daadgureyso Gaza si looga faa’iideysto fursadaha dhaqaale ee ka jira “dhulka xeebta ku teedsan.”

Dhanka Falastiiniyiinta, isku day kasta oo looga rarayo Gaza wuxuu dib u xusuusin doonaa dhacdooyin murugo leh oo taariikhda ku suntan, kuwaas oo ay Carabtu ugu yeeraan “Nakba” ama masiibo – barakacii ballaarnaa ee Falastiiniyiinta xilligii la dhisayay Israa’iil 75 sano ka hor.

Israa’iil ayaa beenisay inay hayso wax qorshe ah oo ay dadka reer Gaza ugu qasbeyso inay ka baxaan deegaankooda.

Hase yeeshee, qaar ka mid ah xubnaha xag-jirka ah ee ka tirsan dowladda Israa’iil ayaa si cad u taageeray fikradda ah in dadka reer Gaza ay si ballaaran uga baxaan dhulka Falastiin.

Mukhtaar Maxamed Shariif oo lagu xukumay xabsi 17 sano ah kadib dhacii $250 milyan

Minneapolis (Caasimada Online) – Mukhtaar Maxamed Shariif, oo udub-dhexaad u ahaa qorshihii dhaca hantida dadweynaha ee ugu baaxadda weynaa taariikhda Mareykanka ee la xiriira COVID-19, ayaa Jimcihii lagu xukumay 17 sano iyo bar oo xabsi ah, xukunkaas oo ah mid ka mid ah kuwa ugu culus ee kiiskan ilaa iyo hadda.

Shirqoolka dhaca hantida dadweynaha ee barnaamijka “Feeding Our Future” oo lagu qiyaasay $250 milyan, ayaa lacagihii loogu talagalay in lagu quudiyo carruurta baahan u weeciyay dhanka iibsiga gawaarida raaxada, hantida ma-guurtada ah, iyo maalgashiyo dibadeed.

Toddoba toddobaad oo maxkamadeyn ah oo ka dhacday Maxkamadda Federaalka ee Degmada Minneapolis bishii Juun 2024, taas oo ay guddoominaysay Garsoore Nancy E. Brasel, ayaa Mukhtaar Shariif lagu helay dambiyada afar eedeymood oo kala ah: shirqoolista fal-dambiyeed xagga isgaarsiinta ah, fal-dambiyeed xagga isgaarsiinta ah, shirqoolista been xalaaleyn lacag, iyo fal-dambiyeed been xalaaleyn lacag.

“Inaan ogaado in ficilladaydu ay wax u dhimi karaan sumcadda bulshadaas, ayna xitaa kicin karaan aragtiyo taban oo ku saabsan isla bulshadaas, waa culeys weyn oo aan xambaarsanahay,” ayuu yiri Mukhtaar isagoo ilmaynaya.

Si kastaba ha ahaatee, raalligelintiisa shucuurta leh wax badan kama beddelin mowqifka Garsooraha Federaalka ee Nancy Brasel.

“Markii dunidu ay ku jirtay xaaladdii ugu nugleyd, ma aadan ahayn gargaare; waxaad ahayd tuug,” ayay tiri Garsoore Brasel, iyadoo carrabka ku adkeysay “ixtiraam-darrada baaxadda leh ee uu Mukhtaar u hayo sharciga.”

Garsooraha ayaa ku dhawaaqday xukunka 210-ka bilood ah, oo ay ku jiraan saddex sano oo sii-deyn kormeer leh iyo waajib ah inuu bixiyo magdhow dhan $48 milyan oo dollar.

Taageerayaasha Mukhtaar, oo in ka badan 100 ka mid ah ay buux-dhaafiyeen qolka maxkamadda iyo goobaha ku teedsan, ayaa si shucuur leh uga falceliyay xukunka 210-ka bilood ah.

Qaarkood waa ay ooyeen, halka kuwa kalena ay muujiyeen caro. Nin ayaa ku dhawaaqay, “Caddaalad ma jirto,” taasoo ku kalliftay garsooraha inay dalbato nidaam iyo kala dambeyn.

Xeer-ilaaliyeyaashu waxay sidoo kale ku eedeeyeen inuu carqaladeeyay caddaaladda, isagoo tirtiray barnaamijka Signal-ka oo duubay marag-furka goob-joogayaasha intii ay socotay maxkamadeyntiisa. Garsoore Brasel ayaa ficilladiisa, oo ay ku jirto inuu wax ka ogaa faragelinta xeer-beegtida, ku tilmaantay “ixtiraam-darro aan hore loo arag oo loo hayo sharciga.”

Barnaamijka “Feeding Our Future” oo ay maamusho Waaxda Beeraha ee Mareykanka ayna fuliso Waaxda Waxbarashada ee Minnesota, ayaa lacagaha ku celin jiray ururada kafaala qaada, iyadoo lagu saleynayo tirada cuntada la bixiyay.

“Feeding Our Future”, oo ah urur aan faa’iido doon ahayn oo kafaala qaaday goobo ay ka mid yihiin kuwa Mukhtaar, ayaa door weyn ka ciyaaray fududeynta sheegashooyinka been abuurka ah iyagoo ku beddelanayay lacago laaluush ah.

Xeer-ilaaliyeyaashu waxay sheegeen in Mukhtaar iyo saaxiibbadiisii dhagar-qabayaasha ahaa ay been-abuureen tirada cuntada, qaansheegyada, iyo diiwaannada imaanshaha si ay u sheegtaan malaayiin dollar oo lacag celin ah oo loogu talagalay cuntooyin aan weligood la bixin.

Kaaliyaha Xeer-ilaaliyaha Guud ee Mareykanka, Lisa Kirkpatrick, ayaa qorshahan ku tilmaamtay “xatooyo bareer ah” oo lagu sameeyay lacagaha canshuur-bixiyeyaasha ee loogu talagalay in lagu quudiyo carruurta.

Mukhtaar, oo 34 jir ah, ayaa soo noqday Maamulaha Guud ee Shirkadda Afrique Hospitality Group, shirkaddan uu u adeegsaday inuu ku leexiyo lacagihii laga soo xaday Barnaamijka Nafaqada Carruurta ee Federaalka.

Xeer-ilaaliyeyaashu waxay sheegeen in Mukhtaar uu jeebkiisa ku shubtay in ka badan $1.3 milyan oo dollar, isagoo soo gudbiyay sheegashooyin been abuur ah oo ku saabsan inuu quudinayo ilaa 3,500 oo carruur ah maalin kasta goobo aan jirin, isla markaana uu sameystay shirkado been abuur ah si uu been xalaaleeya lacagaha.

Kaaliyaha Xeer-ilaaliyaha Guud ee Mareykanka, Joe Thompson, ayaa qorshahan ku tilmaamay mid “xatooyo bareer ah,” isagoo yiri, “Qorshahoodu wuxuu ku lug lahaa cuntooyin been abuur ah, carruur been abuur ah, qaansheegyo been abuur ah – balse lacag dhab ah ayaa ku lug lahayd.”

Thompson ayaa sidoo kale diiday doodaha difaaca ee ah in Mukhtaar uu ahaa ka-qaybgale yar oo ku lug lahaa dhaca. “Uma dhaqmaynin sidii hoggaamiye bulsho – wuxuu buuxsanayay jeebkiisa,” ayuu yiri Thompson, isagoo dalbaday xukunka ugu badan ee 22-sano ah ee hoos yimaada tilmaamaha federaalka.

Fadeexaddan, oo ay ku lug leeyihiin 70 eedaysane, ayaa gilgishay gobolka Minnesota. Dhaca ayaa wiiqay kalsoonida dadweynaha, wuxuuna dhaawac weyn u geystay sumcadda bulshada Soomaali-Mareykanka. Hoggaamiyeyaasha bulshada ayaa walaac ka muujiyay sida kiiskani u sii xumeyn karo aragtiyaha taban ee bulshada Soomaalida laga haysto.

 

Maxay aheyd hadiyaddii Xamaas ay siisay haweenka Israa’iiliyiinta ee la sii daayay?

Gaza (Caasimada Online) – Axaddii, saddex haween Israa’iiliyiin ah oo Xamaas maxaabiis ahaan u haysatay ayaa lagu sii daayay qayb ka mid ah heshiiskii maxaabiis is-dhaafsiga, waxaana la siiyay wax u muuqday “boorsooyin hadiyad ah” oo ay siiyeen dagaalyahannada ururka Falastiiniyiinta.

Xamaas ayaa baahisay muuqaal muujinaya saddexda maxbuus oo kala ah – Doron Steinbrecher, Emily Damari iyo Romi Gonen – oo la siinayo boorsooyin warqado ka samaysan, kuwaas oo la sheegay inay ku jireen waxyaabo xusuus u ah waayihii ay maxaabiis ahaan ugu jireen Gaza.

Muuqaalka la baahiyay, haweenka ayaa lagu arkayaa iyagoo dhoollacaddeynaya oo la kaftamaya ragii hayay, kuwaas oo boorsooyinka loogu magac daray ‘hadiyadaha’ ka siinaya daaqadda gaari, iyagoo inta badan ka duwan shaashadda.

Boorsooyinka ayaa waxaa ku sawirnaa astaanta garabka hubeysan ee Xamaas ee Al-Qassam.

Maxaabiista oo weli dhoollacaddeynaya, ayaa kor u haya boorsooyinka buniga ah ee la sheegay inay ku jireen “hadiyado iyo xusuus” lagu xusayo sii deyntooda.

Muuqaallada ayaa muujinaya in ugu yaraan hal shay oo boorsooyinka ku jiray uu ahaa shahaado gaar ah, oo mar kale ay ku sawiran tahay astaanta Al-Qassam, oo cinwaan looga dhigay ‘Heshiiska Sii-daynta’ oo ku qoran luuqadaha Cibraaniga iyo Carabiga labadaba, iyadoo warbaahinta Israa’iil ay sheegtay in dukumiintiga ay saxiixday Hay’adda Laanqayrta Cas xilligii maxaabiista la wareejinayay.

Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in boorsooyinka ay sidoo kale ku jireen sawirrada maxaabiista xilligii ay xabsiga ku jireen, khariidadda Marinka Gaza, iyo silsilado wata calanka Falastiin.

Maxaabiista Israa’iiliyiinta ah ayaa 471 maalmood ku qaatay maxaabiis ahaan gudaha Gaza, kaddib markii lagu qabtay weerarkii lama filaanka ahaa ee Xamaas 7-dii October 2023.

Warbaahinta Israa’iil ayaa “boorsooyinka hadiyadaha” ku tilmaantay fal dacaayad ah oo ay Xamaas soo agaasintay.

Hase yeeshee, qaar ka mid ah isticmaalayaasha baraha bulshada ayaa is barbar dhig ku sameeyay tilmaanta muujinaysa naxariista iyo guud ahaan muuqaalka caafimaad iyo farxadeed ee maxaabiista Israa’iiliyiinta, iyo xaaladda maxaabiista Falastiiniyiinta ah ee ay sii deysay Israa’iil, kuwaas oo in badan oo ka mid ah ay ka muuqdeen calaamado muujinaya dayacaad iyo suurtagalnimada in si xun loola dhaqmay xabsiyada Israa’iil.

Mas’uuliyiinta Israa’iil ayaa sidoo kale weerarro ku qaaday guryaha qoysaska dhowr maxbuus oo Falastiiniyiin ah oo la sii daayay, iyagoo ka hortagayay in la sameeyo wax dabaaldeg ah.

Ku dhowaad 300 Falastiiniyiin ah ayaa lagu sii daayay heshiiskii maxaabiis is-dhaafsiga, iyadoo intooda badan lagu hayay xabsiyada Israa’iil iyadoo aan wax maxkamad ah la soo taagin ama xitaa wax dacwad ah aan loo soo jeedin.

Abaabulkii ugu xooganaa oo ka socda Hiiraan kadib markii…

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Gobolka Hiiraan oo aheyd halkii uu ka bilowday gulufka dagaal ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa haatan ka socda abaabulkii ugu dambeeyay.

Taliyaha ciidanka nabad-sugida iyo sirdoonka qaranka Cabdullaahi Sanbaloolshe, Taliyaha ciidanka dhulka Sahal Cabdullaahi iyo ergeyga madaxweynaha u qaabilsan ciidanka Macawiisleyda Cali Jeyte ayaa abaabulkii u dambeeyay howl-galka Al-Shabaab ka wada gobolkaasi.

Mas’uuliyiinta oo maalmahii lasoo dhaafay ku sugnaa furimaha hore ee dagaalka ayaa haatan waxay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka u sheegeen inay u diyaar garoobaan dagaalka Shabaab looga xoreynayo qeybaha ay kaga sugan yihiin Hiiraan.

Taliye Sanbaloolshe oo dhawaan ku guuleystay in si nabad ah gacanta dowladda loogu soo celiyo xaruntii gobolka Hiiraan ayaa ciidamada iskaashanaya ubsheegay in la joogo xilligii lasoo afjari lahaa kooxda.

“Waxaa la idinka doonaya inaad qeyb muhiim ah ka qaadataan dagaalka lagu xorreynayo dalka, waxaa lagama maarmaan ah inaan iska qabano dadka ku dhexjira Al-Shabaab ee anagana nagu dhex jira, waxaan rabna cadawga inaan meelaha uu joogo ugu tagno, kuwa dhibaatada ay ku hayaana aad ka xoreysan,” ayuu yiri Sanbaloolshe.

Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Ergey Cali Jeyte oo iyagna la hadlay ciidamada ayaa sheegay in dowladda ay diyaarisay wax walba oo ku baxaya sidii dalka loo xoreyn lahaa, islamarkaana laga sugayo guulo la taaban kara inay kasoo hoyaan dagaalka Al-Shabaab ee markale dib uga bilaabanaya Hiiraan.

“Maanta fursad baad haysataan, shalay hawshii billaabatay oo xooga hakatay darteed cadowga waa soo duulay oo soo noqday,” ayuu yiri taliyaha ciidan dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed.

Waxa uu intaas kusii daray “Maanta waxaa fursad ah dowladdii Soomaaliyeed oo ciidankii xoogga dalka iyo nabad-sugidda dhamaan garabkiina la yahay, waxaana diyaar u nahay haddaad saad, hub, rasaas iyo wax kaste oo ku baxayo nimankaas Khawaarijta dalka looga saarayo.”

Abaabulka ciidan ee ka socda gobolka Hiiraan ayaa imanaya xilli dhawaan lagu guuleystay qaadista isbaaroyinkii yaalay magaalada Beledweyne iyo hareeraheeda, taas oo culeys amni iyo mid dhaqaale ku ahaa dadka deegaanka.

Itoobiya oo ka walaacsan tallaabada ay qaadeen DF Soomaaliya iyo Masar

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda feraalka Itoobiya ayaa haatan si weyn isha ugu hayso fulinta heshiiska ay wada gaareen dalalka Soomaaliya iyo Masar oo dhowaan bog cusub u furay xiriirkooda.

Itoobiya oo weli Masar ay isku hayaan arrinta wabiga Nile ayaa haatan walaac xooggan ka muujineyso tallaabada ay qaadeen Soomaaliya iyo Itoobiya oo sii xoojiyay iskaashigooda milatari.

Labada madaxweyne Xasan Sheekh iyo Cabdifitaax Al-siis ayaa dhowaan isku afgartey in xiriirka labada dal la gaarsiiyo heer iskaashi-istaraatijiyadeed oo xooggan.

Waxay sidoo kale qalinka ku duugeen heshiisyo muhiim ah, taas oo ka tarjumaysa xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo sidii loo kobcin lahaa dhinacyada waxbarashada, garsoorka, siyaasadda, amniga, isku-socodka iyo dhaqaalaha.

Sidoo kale, waxbarashada, Jaamacadaha Masar, gaar ahaan Jaamacadda Al-Azhar Alshariif ayaa kordhinaya deeqaha waxbarasho iyo tababarrada ardayda iyo xirfadlayaasha Soomaaliyeed, si loo kobciyo aqoonta iyo xirfadaha kala duwan.

Dhanka waxbarashada, Jaamacadaha Masar, gaar ahaan Jaamacadda Al-Azhar Alshariif ayaa kordhinaya deeqaha waxbarasho iyo tababarrada ardayda iyo xirfadlayaasha Soomaaliyeed, si loo kobciyo aqoonta iyo xirfadaha kala duwan.

Si kastaba, Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa si weyn ugu loolamayo gudaha Soomaaliya, waxaana labada dal ay sidoo kale qayb ka noqon doonaan howlgalka cusub ee AUSSOM oo Soomaaliya ka bilowday sanadkan 2025.

Imaaraadka oo diyaarad qaas usoo direy Cirro + Sawirro

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminaayo ayaa maanta booqasho rasmi ah ugu baxay dalka Isku-taga Imaaraadka Carabta.

Safarka madaxweynaha Somaliland ayaa imanaya kadib marti qaad rasmi uu ka helay dowladda Imaaraadka Carabta, iyadoo u soo dirtay diyaarad khaas ah oo ah Royal Jet.

Safarka Cabdiraxmaan Cirro ayaa noqonaya safarkii ugu horeeyey ee uu dalka dibadiisa ugu baxo intii uu xilka la wareegay.

Madaxweynaha Somaliland ayaa waxaa safarkan ku wehlinaya wasiirka arrimaha dibadda, wasiirka madaxtooyada, wasiirka maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha, taliyaha sirdoonka, la-taliyaha sare ee madaxweynaha ee arrimaha dhaqaalaha, madaxa xafiiska madaxweynaha iyo hawl-wadeeno kale.

Sidoo kale safarka madaxweynaha waxaa ku wehlinayey marwada koowaad ee Somalia Marwo Farduus Maxamed Rooble.

Madaxweynaha iyo waftigiisa ayaa waxay ku sugnaan doonan dalka Imaaraadka Carabta muddo saddex cisho ah, waxayna kulamo kala duwan la yeelan doona madaxda dawladda Imaraadka Carabta, iyagoo kala hadli doona arrimo mudnaan u leh labada dowladood iyo labada shacab.

Muddada uu madaxweynuhu booqashada rasmiga ah ku joogo dalkaasi wuxuu sidoo kale kulan la yeelan doona jaaliyada reer Somaliland ee ku sugan dalka Imaraadka Carabta.

Guddiga doorashooyinka qaranka oo gaaray maamulkii u horeeyay + Qorshaha

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Wafdi ka socda guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka qaranka iyo soohdimaha ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud kusoo dhoweeyay wafdiga guddiga doorashooyinka qaranka.

Xubnahan guddiga doorashooyinka qaranka ee gaaray magaalada Baydhabo ayaa halkaasi u tagay dardar-gelinta doorashada qof iyo codka ah ee la filayo in dalka ay ka dhacdo.

Guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka qaranka ayaa dhawaan shaaciyay jadwalka doorashada, iyagoo ku dhowaaqay inay furan tahay diiwaan-gelinta ururrada siyaasadda.

Diiwaan-gelinta ururrada siyaadadda ayaa bilaabatay 20-kii Janaayo, iyadoo socon doonta illaa 31-ka Maarso 2025. Muddadaas ayuu guddiga sheegay in ururrada siyaasadda lagu siin doono shahaadada aqoonsiga ah, islamarkaana ay saxiixi doonaan shuruucda lasoo kordhiyay ee doorashooyinka.

Guddiga ayaa horey u sheegay inuu gaari doono goobo lasoo sahmiyay, si dadka halkaas ugu nool ay u helaan xuquuqdooda codeynta oo ay ku dooran karaan qofka ku metala siyaasadda si looga gudbo doorasho dadban.

Arrimahan ayaa imaanaya xilli dalka ay haatan ka taagan tahay xiisad culus oo ka dhalatay sida loo wajahayo hannaanka doorashooyinka dalka oo ay weli isku hayaan dowladda federaalka Soomaaliya, xubnaha mucaaradka iyo qaar kamid maamullada dalka.

Sawirro: Bandhiggii awood ee caalamka ka yaabiyey ee Xamaas ay sameysay

Gaza (Caasimada Online) – Toddobaad gudihiis, markii labaad ayay Xamaas u adeegsatay munaasabadda wareejinta la haystayaasha Israel ee ay ku wareejinaysay Hay’adda Laanqayrta Cas (Red Cross) si ay u muujiso in ay weli tahay xoog weyn oo ka arrimiya Marinka Gaza, inkastoo 15 bilood oo dagaal ah uu khasaare naf iyo maalba ah gaarsiiyay kumanaan ka mid ah dagaalyahanadeeda iyo dad rayid ah, magaalooyinkana uu burburiyay.

Wareejintii afar la hayste oo dhacday Sabtidii ayaa ka sii bandhig badnayd tii Axaddii hore, markaas oo la sii daayay saddex haween ah oo la hayste ahaa.

Sabtidii, Xamaas ayaa masrax ka taagtay Fagaaraha Falastiin ee badhtamaha Magaalada Gaza – oo ah deegaan ay aafeeyeen duqeyntii cirka iyo duullaankii dhulka ee Israa’iil.

Masraxa ayaa waxaa ku dhegganaa boor ay ku qoran tahay farriin luuqadda Hibrew-ga ah oo u qornayd: “Sahyuuniyaddu ma guulaysan doonto”. Boqolaal dagaalyahanno huwan maaskaro, xiran tuute, iyo dad rayid ah ayaa isugu soo baxay goobta agagaarkeeda.

Masraxa dushiisa, Xamaas ayaa ku qabatay munaasabad saxiix ah oo u dhaxaysay mid ka mid ah xubnaheeda iyo wakiil ka socday Hay’adda Laanqayrta Cas, oo markii dambe la wareegtay afartii la hayste.

La haystayaasha, oo dhammaantood ahaa askar ka tirsan ciidanka ilaalada xuduudaha, kana howlgeli jiray saldhig ku yaalla xadka Gaza, laguna afduubtay saldhiggaas 7-dii Oktoobar 2023, xilligii weerarkii ay Xamaas horkacaysay ee lagu qaaday Israa’iil, ayaa fagaaraha yimid iyagoo la socda kolonyo ka kooban gawaari SUV ah oo kuwa dhexdhexaadka ah.

Waxaa lagu soo kaxeeyay masraxa, iyagoo xiran dareys ciidan, taasoo u muuqatay in loogu talo-galay in lagu muujiyo in la haystayaashani yihiin askar, ee aysan ahayn rayid.

Dagaal-yahanno sita kaamarado qaali ah ayaa daba socday la haystayaasha, iyadoo laga yaabo in ay duubayaan muuqaal lagu baahin doono baraha bulshada.

Masraxa dushiisa, la haystayaasha ayaa dhoollacaddeeyay oo u gacan haatiyay dadweynihii farxadda la qaylinayay ee u sacbinayay, halka dagaal-yahanada Xamaas ee hubaysan ay garab taagnaayeen.

Hay’adda Laanqayrta Cas ayaa sheegtay inaysan wax faallo ah ka bixinayn hawlgallada socda.

Admiral Daniel Hagari, afhayeenka ciidamada Israa’iil, ayaa sheegay in Xamaas ay caddaysay “arxan-darradeeda” intii lagu jiray wareejintii Sabtidii, taas oo uu ku tilmaamay “munaasabad ujeeddooyin siyaasadeed leh.”

Saraakiisha Israa’iil ayaa sheegay in Xamaas ay ku qasabtay la haystayaasha inay dhoolla-caddeeyaan oo ay gacan haatiyaan, taasoo qayb ka ah ol’ole borobogaando ah oo loogu talo-galay in lagu gudbiyo farriin ah in kooxdu ay si wanaagsan ula dhaqmayso maxaabiisteeda.

Wareysi dhawaan ay siisay telefishin Israa’iili ah, Chen Goldstein-Almog, oo ahayd la hayste Israa’iili ah oo la sii daayay November 2023, ayaa sheegtay in markii iyada iyo gabadheeda, Agam, la sii daayay, lagu wareejiyay gaari ay lahayd Hay’adda Laanqayrta Cas oo ay ku hareeraysnaayeen dad badan.

“Waxaan xasuustaa in Agam ay igu tiri: ‘Hooyo, maanta ayaynu dhimaneynaa’,” ayay tiri, iyadoo dib u xasuusanaysa dhacdadaas. “Waxay ahayd arrin cabsi badan ilaa daqiiqaddii ugu dambeysay.”

Wareysi uu bixiyay kadib sii-dayntii la haystayaasha ee Axaddii hore, Yves Daccord, oo ah agaasimihii hore ee guud ee Hay’adda Laanqayrta Cas, ayaa sheegay in wareejinta la haystayaasha ay tahay inay ka dhacdo meel deggan, oo ka fog dadweynaha.

“Guud ahaan, sida ugu habboon waa in aysan jirin dad badan,” ayuu yiri Mr. Daccord. Sii daynta la haystayaasha goob fagaare ah oo ay dad badan isugu soo baxeen, ayuu raaciyay, waxaa ku lamaanan khataro iyo xaalado lama filaan ah.

Dhakhaatiirta reer Israa’iil ee u dooda la haystayaasha Gaza ayaa ka digay in hab-maamuuska wareejinta oo fawdo ah ay kicin karto xusuus xanuun badan oo ku saabsan waayihii ugu horreeyay ee la haystayaasha ay ku qaateen Gaza, markaasoo dagaal-yahanada qaar ka mid ah ku soo dhex mariyeen dad qeylinaya.

“Sii dayntu waxay dib u soo noolaynaysaa, ilaa xad, xanuunkii afduubka,” ayuu yiri Dr. Hagai Levine, oo ah madaxa kooxda caafimaadka ee Madasha Qoysaska La Haystayaasha iyo Dadka La La’yahay, oo ah urur Israa’iili ah.

Tan iyo markii heshiiskii xabad-joojinta ee u dhexeeyay Xamaas iyo Israa’iil uu dhaqan galay Axaddii hore, Xamaas ayaa si weyn u dadaalaysay sidii ay u muujin lahayd in ay weli tahay xoogga ugu weyn ee Falastiiniyiinta ee ka jira Gaza, iyadoo dagaal-yahanada ay dhoolla-tus ku marayeen badhtamaha magaalooyinka, saraakiisha booliiskuna ay joogaan isgoysyada.

Ma cadda tirada dagaalyahannada, saraakiisha booliiska, xafiisyada dawladda, iyo hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee ka badbaaday dagaalka, laakiin iyadoo munaasabadda wareejinta si fagaare ah loo muujiyey, Xamaas ayaa si cad u sheegtay inay weli ka taliso qaybo ka mid ah Gaza oo ay ka dhaceen qaar ka mid ah duqeymihii ugu khasaaraha badnaa ee dagaalka.

Gobolka Tigray ee Itoobiya oo qarka u saaran dagaal cusub

0

Mekelle (Caasimada Online) – In ka badan labo sano kaddib markii heshiis nabadeed uu soo afjaray dagaalkii ba’anaa ee ka socday gobolka Tigray ee Itoobiya, ayaa loolan awoodeed oo ka dhex aloosan xisbigii hore u awoodda badnaa ee TPLF waxa uu dhaliyay eedeymo “khiyaamo qaran” ah iyo inqilaab militari.

Suurtagal ma tahay in xiisadahan soo kordhay ay horseedaan rabshado cusub xilli goor dhow uun laga soo kabtay mid ka mid ah colaadihii ugu dhimashada badnaa qarnigan, kuwaas oo ay ku naf waayeen dad lagu qiyaasay 600,000 oo ruux?

– Waa maxay TPLF? –

Jabhadda Xoraynta Shacabka Tigray (TPLF) ayaa maamulaysay guud ahaan Itoobiya ku dhawaad soddon sano, illaa uu Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, oo aan ahayn Tigray, xukunka la wareegay 2018-kii.

La wareegiddii xukunka ee Abiy ayaa dhalisay bilooyin ay xiisad ka dhex taagnayd isaga iyo hoggaanka TPLF, taas oo ugu dambayn ku kalliftay Abiy inuu ciidamo u diro Tigray bishii November 2020, isagoo ku eedeeyay ciidamadooda inay weerareen xeryo ay lahaayeen ciidamada federaalka.

Tani waxay hurisay dagaal labo sano socday oo u dhexeeyay fallaagada Tigrayga iyo ciidamada dowladda oo ay taageerayeen maleeshiyaad iyo ciidamada Eritrea, kaas oo ugu dambayntii lagu soo afjaray heshiis nabadeed bishii November 2022, oo loo yaqaan Heshiiskii Pretoria.

Maamul ku-meel-gaar ah oo cusub ayaa laga unkay Tigray, waxaana hoggaamiye looga dhigay ruug-caddaa TPLF ka tirsan, Getachew Reda, iyadoo ay kormeeraysay dowladda federaalka.

Hase ahaatee, bilooyinkii u dambeeyay waxaa soo ifbaxay khilaaf u dhexeeya Getachew iyo hoggaamiyaha TPLF, Debretsion Gebremichael.

– Maxay isku hayaan? –

Getachew ayaa wajahaya dhaleecayn la xiriirta dib-u-dhac ku yimid dhaqan-gelinta heshiiskii nabadda — gaar ahaan ka saarista ciidamada Eritrea ee dhulka Tigrayga iyo dib-u-celinta hal milyan oo qof oo dagaalka ku barakacay.

Ciidanka Difaaca Tigray (TDF) ayaa markii hore dhexdhexaad ka ahaa is-qabqabsiga u dhexeeya Getachew iyo Debretsion.

Balse warqad la shaaciyay Talaadadii, ayaa “hoggaanka sare ee ciidamada hubaysan ee Tigray” waxa ay ku eedeeyeen maamulka ku-meel-gaarka ah “in uu meel iska dhigay danta qaran ee shacabka Tigrayga, isla markaana uu ku kacay falal khiyaamo qaran ah”.

Khabiir ajnabi ah, oo diiday in magaciisa la xuso, ayaa ku qiyaasay in ku dhawaad 200 oo taliye ay taageersan yihiin warqadda.

Warqadda, waxay ku taageereen go’aan ay soo saartay TPLF sannadkii hore, kaas oo loogu baaqayay in Getachew laga xayuubiyo xilka hoggaamiyaha gobolka — mooshin ay xannibtay dowladda federaalka ee Abiy.

Getachew ayaa sheegay in warqadda cusub loogu talagalay “in si cad loogu dhawaaqo afgambi, isla markaana lagu wiiqo Heshiiskii Pretoria”.

Kjetil Tronvoll, oo ah cilmi-baare khilaafaadka ka faallooda, kana tirsan Kulliyadda Jaamacadda Bjorknes ee Norway, ayaa sheegay in “khilaafka siyaasadeed ee ka dhex jira TPLF” iyo “wax-qabad la’aanta dowladda federaalka ee ku aaddan fulinta Heshiiskii Pretoria” ay sii xoojinayaan xiisadaha.

Waxa uu u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in saddexda arrimood ee ugu waaweyn ay yihiin “laba-wajiilenimo awoodeed, kala aragti duwanaansho dhanka mabda’a ah, iyo gacan ku haynta kheyraadka,” gaar ahaan dahabka.

– Xaaladdu intee bay ka sii dari kartaa? –

Ilo-wareed dhanka ammaanka ah, oo codsaday inaan la magacaabin, ayaa u sheegay AFP in “kooxda taageersan Debretsion ay dhaqdhaqaaqyo samaynayso, balse khatarta amni ay xaddidan tahay — ma filayo in rabshado baahsan ay qarxaan, dadku aad bay uga daaleen dagaal.”

Tronvoll ayaase rajo xumo ka muujiyay, isagoo ka digay in khilaafku uu “isu rogi karo rabshado”.

“TDF ayaa horay u kala qabatay labada dhinac, waxa ayna uga digtay inay sii hurinayaan colaadda, balse hadda waxa ay u muuqataa in khilaafkii siyaasadeed uu dhex galay TDF,” ayuu yiri.

Khabiirkii ajnabiga ahaa ee aan la magacaabin ayaa sheegay in xaaladdu ay tahay “mid aad looga naxo”.

“Dhinaca Getachew waxa uu u arkaa mowqifka militariga mid ah iclaamin dagaal — dadkuna waxay bilaabeen inay lacag kala baxaan bankiyada, ayna kaydsadaan raashin,” ayay tiri, iyadoo intaa ku dartay in mowqifka Ra’iisul Wasaare Abiy uu u badan yahay inuu noqon doono mid go’aan qaadasho leh.

Jonah Wedekind, oo ah cilmi-baare ka tirsan machadka Arnold Bergstraesser ee Jarmalka, ayaa sheegay in xaaladdu ay labada dhinacba ka dhigi karto kuwo tabar-daran.

“Ma cadda in TPLF ay weli awood ku leedahay inta badan shacabka, iyo in maamulka ku meel gaarka ah loo arko mid si sharci ah u matala dadka Tigray marka la eego dowladda federaalka,” ayuu yiri.

“Muuqaalka siyaasadeed ee Tigray hadda waxa uu u muuqdaa mid kala daadsan si aan horay loo arag.”

Mas’uul ka tirsanaa maamulka GEDO oo qarax lagu dilay

0

Beled-xaawo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in qarax lagu dilay guddoomiye ku xigeenkii amniga iyo siyaasadda ee degmada Beled-xaawo Cabdifataax Nuur Mataan, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Cabdifataax Nuur Mataan iyo askar la socotay ayaa qaraxa miino shalay lagula eegtay gudaha degmadaasi, isaga oo xalay u geeriyooday dhaawacii soo gaaray.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, dhaawaca soo gaaray guddoomiye ku xigeenka ayaa loo waayay gurmad de-deg ah, si loogu soo qaado magaalada Muqdisho, sababo la xiriira ciriiriga ka jiray dhanka diyaaradaha, iyada oo mar dambe suuragashay in diyaarad qaas ah loo diro taasi oo shalay galab keentay Muqdisho oo uu ugu dambeyn ku geeriyooday.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya inay jirto dhimasho iyo dhaawac kale oo gaaray askartii la socotay mas’uulkaasi oo haatan la xaqiijiyay geeridiisa.

Gedo ayaa waxaa haatan ka jira dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed iyo kuwa ciidan oo ay ka dhex faa’iideysaneyso kooxda Al-Shabaab oo weli ku xooggan gobolkaasi.

Horay maleeshiyaadka kooxda ayaa qarax ugu dishay saraakiil iyo mas’uuliyiin sar sare, waxaana kamid ah taliyihii NISA ee Gedo Marxuum Bakaal Kooke oo sidaan oo kale qarax miino ay kooxda ugu dishay dabayaaqadii 2022-kii, xilligaas oo uu gobolku kacsanaa.

PUNTLAND oo soo saartay go’aan culus oo ka dhan ah dadka Ajaaniibta

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha gudaha ee maamul goboleedka Puntland oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa go’aanno culus dul-dhigtay dadka ajaaniibta ah ee ku sugan deegaannada maamulkaasi iyo kuwa imaanaya, xilli haatan uu dardar xoogleh ku socdo dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish oo ay ku jiraan ajaaniib badan.

Puntland ayaa gebi ahaan mamnuucday in qof ajnabi ah oo sharci darro ku jooga deegaannadeeda in aan guri laga kireyn karin maanta kadib, sidoo kalena aan la shaqaaleysiin karin.

Sidoo kale waxaa laga mamnuucay tuugsiga goobaha dadweynaha, iyada oo dhanka kale shirkadaha la faray in qof ajnabi ah oo aan haysan sharci aanay u furin karin Sim-Card.

Waxaa kale oo la joojiyay ganacsiyada yaryar ee lala wareego waddooyinka iyo xaafadaha, sida lagu sheegay bayaanka kasoo baxay warsaaradda arrimaha gudaha Puntland.

Hoose ka akhriso:-

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland iyada oo xeerinaysa nabaddgelyada iyo badqabka dadka iyo hantidooda waxay soo saartay qodobada hoos ku xusan:-

  1. Iyada oo laga duulayo khataraha amni ee jira waxaa reeban inay ajaaniibtu Puntland ku soo gasho sifo aan sharci ahayn.
  2. waxaa la mamnuucay dhammaan tuugsiga waraaqaha lambaradu ku qoranyihiin in lala istaago goobaha dadweynaha sida masaajidada, waddooyinka iyo goobaha ganacsiga hortooda.
  3. waxaa la mamnuucay in shirkadaha isgaarsiinta ay Telefoono u furaan ajaaniibta aan haysan aqoonsi rasmi ah iyo damiin la yaqaan. Waxaa la farayaa shirkadaha isgaarsiinta in ay si deg deg ah u xiraan akoonada iyo Lambarada lagu tuugsado hadda shaqeeya.
  4. Laga bilaabo maanta oo taariikdu tahay 25 Janaayo 2025, qof aan si sharci ah ku joogin Puntland, guri lagama kirayn karo, Lambar looma furi karo, lamana shaqaalaysiin karo. Cidkasta oo hawlahaas fududaysana waxaa loo aqoonsanayaa inay faldambiyeed gacanta kula jirto.
  5. Waxaa la mamnuucay ganacsiyada yar yar ee aan sharciyeysnayn ee suuqa lala wareego.

Daawo: DF xog xasaasi ah ka bixisay dagaalkii Mesagawaa oo lagu jebiyey Al-Shabaab

0

Mesegawaa (Caasimada Online) –Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo faahfaahin ka bixiyey dagaalkii maanta ka dhacay deegaanka Mesegawaa ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay in Al-Shabaab jab culus lagu gaarsiiyey maanta.

Afhayeenka oo shir jaraa’id ku qabtay meel duur ah ayaa sheegay in weerarkii Al-Shabaab ay fashiliyeen dadka deegaanka oo xogtooda u soo gudbiyey ciidanka.

Sidoo kale, Afhayeenka Gaashaandhigga Soomaaliya wuxuu xaqiijiyey in dadka deegaanka ay ka qeyb qaateen dagaalka, taasi oo fududeysay in Shabaab ay dagaalka ku jabaan.

Kooxda Al-Shabaab ayaa weerarkaas qaaday waaberigii hore ee saakay, balse waxaa la sheegay inay ku soo dhaceen fariisimihii ay ku ogaayeen ciidanka oo loo baneeyey.

Al-Shabaab waxaa u qorsheysneed inay dagaalka bilaabaan inta aan la gaarin salaadii subax ee saakay, balse ciidanka oo ka aag bedeshay goobihii ay horay u deganaayeen ayaa jebiyey kooxda.

Dagaalka ayaa u bilowday markii ay qoraxdu soo baxday sidii ay u qorsheeyeen ciidamada xoogga dalka oo garab militeri iyo mid xooraan ka helaya dadka deegaanka, waxaana u suurtagashay in kooxda ay jebiyaan.

Khasaaraha ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka ka soo gaaray ayaa ahaa mid aad u kooban, sida ay saraakiishu noo xaqiijiyeen, halka Al-Shabaab ay ku baaba’een dagaalkii maanta, maadaama uu fashilmay qorshihii ay dejiyeen.

Sidoo kale, Ciidamada Xoogga waxaa saaciday diyaaradaha dagaalka oo kor ka tooganayey firxadka Shabaab-kii weerarka soo qaaday.

Maanta oo dhan waxaa aagga deegaanka Mesegawaa ee gobolka Galgaduud ka socday baacsiga firxadka Al-Shabaab, waxaana dhulka howdka ah daadsan meydadka maleeshiyaadkii kooxda oo jab culus kala kulmay dagaalka.

Hoos ka daawo

Jeesow oo u jawaabay Cali Jeyte, kana horyimid qorshaha macawiisleyda Xawaadle

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow ayaa ka hor yimid in ciidamada macawiisleyda beesha Xawaadle loo diro galbeedka gobolka Hiiraan, halkaas oo la qorsheynayo in maalmaha soo socda laga xoreeyo kooxaha Khawaarijta ah.

Taliyaha NISA, Hoggaamiyaha Ciidamada Macawiisley Cali Jeyte, Taliye ku xigeenka ciidanka Dhulka Jeneraal Khaalid iyo masuuliyiin kale ayaa ku sugan aagga degmada Buuloburde, halkaas oo maanta looga dhawaaqay dagaal ka dhan ah argagixisada.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow ayaa ka horyimid qorshaha socda, wuxuuna sheegay in macawiisleyda beesha Xawaadle ay khatar ku yimiin beeshiisa Gaaljecel.

Wuxuu sheegay in dad iyo deegaan toona aysan dhaafi doonin ciidamada beesha Xawaadle, hadii wabiga ay uga talaabaan dhinaca galbeed.

Jeesow ayaa ku dooday in Hooyadii iyo walaalihii ay degan yihiin deegaanada ay joogaan Al-Shabaab, isla markaana ciidamada beesha Xawaadle aysan cafi doonin, isagoo ka niyad jabsan in shacabka iyo Shabaab isku si loo dilo.

Sidoo kale, Xildhibaanka ayaa u jawaabay hoggaamiye Cali Jeyte oo maanta ku baaqay in Shabaab la iska soo afjaro, isagoo toos ugu hanjabay dadka ku dhex nool kooxda Al-Shabaab.

“Al-Shabaab Hooyadey iyo Aabaheey ayaa la joogo, kamana tirsana, hadalka Cali Jeyte waa kicin, Macawiisleeydii isbaaradu u tiilay deegaanada bari ee gobolka Hiiraan, in hadana la dhaho Galbeed ayaa loo soo rarayaa oo isbaarooyin kale ay dhiganayaan fikir saliim ah ma ahan” ayuu yiri Jeesow.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo wareysigaan siiyey TV-ga Shabeelle ayaa tusaale u soo qaatay labo wiil oo ka soo jeeday beesha Gaaljecel, kuwaas oo macawiisleyda beesha Xawaadle ay xaniyaha ka jareen, iyagoo ku eedeynaya Al-Shabaab.

Sidoo kale, arrinta isbaarada oo macawiisleyda aad loogu eedeeyo ayuu walwal ka muujiyey Xildhibaan Jeesow, “Dhib ka dulqaad oo dhib kale urar ayaa heysata dadkeyga,” ayuu yiri Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow.

Ra’iisul Wasaare Xamza oo xil sare u magacaabay Aamina Axmed

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo digreeto soo saaray ayaa maanta xil sare u magacaabay Marwo Aamina Axmed Samatar (Keyf), taas oo noqotay Isu-duwaha Arrimaha Haweenka ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XJFS (Gender Coordinator OPM).

Aamina oo ah gabar dhalinyaro ah oo firfircoon ayaa horay uga shaqeysay hay’ado kala duwan oo dowladda ah, waxaana hadda loo xushay arrimaha haweenka.

“Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa u magacaabay marwo Aamina Axmed Samatar Isu-duwaha Arrimaha Haweenka ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XJFS (Gender Coordinator OPM)” ayaa lagu yiri wareegtada.

Dhinaca kale waxaa magacaabistaan ka dhalatay hadal-heyn xooggan, waxaana ka fal-celiyay qaar kamid ah dadweynaha isticmaala baraha bulshada.

Seerjito Looyaan ” Maxaa qasab ka dhigaya Geneder maxaa loo isticmaali waayey *WOMEN* Ra’iisul wasaaraha dhiiqadan yaa gelinooyo?”.

Axmed Cabdi “Haweenka xafiiska jooga oo la isku duwaa mindhaa tiro badanaa”

Xaakim Cadnaan “Masha allah hambalyo agaasime Aamin Keyf Axmed waad u qalantaa booskaan qof kaaga habboona ma lahan guuleyso habo”.

Kamaal Xuseen “Dadka mushaarka toos usiiya maxa noo bareesiin”.

Raage Aadan Cali “Oo odaygu ma xafiis haweenka loogu soo aruuriyo buu leeyahay”.

Wafdi ka socda DF Soomaaliya oo ka qayb-galay dabaal-dega aqoonsiga…

0

Jigjiga (Caasimada Online) –  Wafdi heer wasiir ah oo ka socda dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qayb-galay munaasabad loogu dabaal-degayo aqoonsiga Xeerka Soomaaliyeed ee xeer Ciise oo ay dhawaan aqoonsatay Hay’adda UNESCO.

Xubnaha ka qayb-galay munaasabaddan ayaa waxaa kamid ahaa Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala iyo Wasiir ku-xigeenka Macdanta iyo Batroolka Soomaaliya, Cabdiwahaab Cumar Caananuug, kuwaas oo khudbada ka jeediyay xafaladda oo ka dhacay magaalada Diridhabe ee Dowlad Deegaanka.

Munaasabaddan oo halku-dhig looga dhigay “Xeer Ciise waxa uu gundhig u yahay sinnaanta, caddaaladda iyo midnimada”, ayaa waxaa sidoo kale kasoo qayb galay boqolaal qof, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen madax ka kala socotay wadamada Itoobiya, Soomaaliya, Jabuuti iyo Kenya.

Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo madasha ka hadlay aqoonsiga xeerkan uga mahadceliyay hay’adaha iyo dadkii ka shaqeeyay, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay ilaalinta iyo horumarinta dhaqamada soo jireenka ah.

Dhankiisa Madaxweynaha DDS Mudane Mustafe Muxumed Cumar ayaa  guud ahaan bulshada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay soo dhoweynta munaasabadaan Xeer Ciise.

Xeerkan ayaa xeer gaar u ah Beesha Ciise ee Dir, Ciisaha ee degta dalka Jabuuti, waxaana ka dhashay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, sidoo kale Beesha Ciise ayaa degta qeybo badan oo kamid ah gobolka Awdal ee waqooyiga Soomaaliya iyo qeybo kamid ah dhulka dowlad deegaanka Soomaalida.

Xeerka Beesha Ciise waxaa si wadajir ah u aqoonsaday dawladaha Soomaaliya, Ethiopia iyo Jabuuti.

Sidoo kale Xeerka Bulshada Ciise waxaa aqoonsatay Hay’adda UNESCO ee Qaramada Midoobey, wuxuuna kamid noqday xeerarka laga tixgeliyo qeybo kamid ah caalamka.

Xogta nin ajnabi ah oo iska leh guriga qaraxyada laga soo qabtay Boosaaso

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland oo weli sii wada howlgallada ka dhanka ah kooxda Daacish ayaa maanta beegsaday guriga nin ajnabi ah oo kooxda ka tirsanaa, kaas oo xalay la dilay, isaga oo miino ku aasayay waddo ku taalla Boosaaso, waxayna gacanta kusoo dhigeen qaraxyo iyo agabyo kale oo halis ah.

Taliska ciidanka booliska oo ka warbixiyay howlgalkaasi ayaa sheegay in lagu xaqiijinayay amniga, ayna soo qabteen qaraxyo, bambooyin iyo agabyo kale, kuwaas oo laga helay guriga ninkii ajnabiga ahaa ee ay xalay ciidanku ku dileen gudaha magaaladaasi.

Xogta ninkan oo ajnabi ah ayaa waxaa soo gudbiyay dadka shacabka ah, isla markaana sidaas ay ku howlgaleen ciidamada ammaanka, kadibna ay toogteen ninkaasi oo qarxiyay miinada, markii uu isku dayayne inuu baxsado la dilay.

“Ninka oo Ajenebi ah ayaa markuu arkay in Ciidanku soo aadeen qarxiyey miinadii uu aasayay isagoo isku dayay in uu fakado , Balse markiiba Ciidanka ayaa toogtay,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska ciidamada booliska ee maamul goboleedka Puntland.

Sidoo kale taliska qeybta Booliiska Gobolka Bari ayaa bulshada Boosaaso ugu baaqay in ay taxadaraan, soona sheegaan cid walba oo ay kaga shakiyaan in ay ammaanka lid ku tahay.

Dhinaca kale waxaa maanta howlgal kale oo culus uu ka dhacay aagga Calmiskaad, kaas oo lagu beegsaday talis ay Daacish ku lahayd halkaasi, kaas oo gebi ahaan la burburiyay.

Sidoo kale ciidanka ayaa la wareegay saldhigaas oo ku yaalla deegaanka Warisoor, aaga Turmasaale ee Calmiskaad, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay ciidanka difaaca.

“Ciidanku waxay la wareegeen Taliskii Argagixisada Daacish ku laheyd deegaanka Warisoor, aaga Turmasaale ee Calmiskaad. Sawirada iyo muuqaalada goordhow” ayaa lagu yiri qoraalka.

Puntland ayaa haatan dagaal adag kula jirto kooxda Al-Shabaab, waxayna ciidamada isku sii fidinayaan dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, waxaana ugu dambeysay shalay oo ay si buuxda ula wareegay taliskii argagixisada ee Tuulada Tuurmasaale ee gobolkaasi.

Maxay Xamaas ku bedelatay afarta askari ee maanta u gudbisay dhanka Israel?

0

Gaza (Caasimada Online) – Xamaas ayaa maanta sii deysay afar haween ah oo ka tirsan ciidamada Israel, kuwaasi oo ay ku bedelatay ilaa 200 oo maxaabiis Falastiiniyiin ah.

Is-dhaafsigan oo qeyb ka ah heshiis xabbad-joojinta ah oo la doonayo in lagu soo afjaro dagaalka 15-ka bilood ka socday Gaza.

Afarta qof ayaa la geeyay fagaare ku yaal magaalada Gaza oo ay ku sugnaayeen dad badan oo Falastiiniyiin ah, waxaana hareeraha ka taagnaa tobanaan ka tirsan ciidamada Xamaas oo hubeysan.

Waxa ay gacan haadinayeen dadka iyagoo dhoola-cadeynayayay ka hor intii aan la kaxeynin, waxaana lagu qaaday gawaarida hay’adda ICRC oo u geeyay ciidamada Israel.

Askartan oo kala ah; 1- Karina Ariev, 2- Daniella Gilboa, 3- Naama Levy iyo 4- Liri Albag, ayaa dhamaantood ka howl-galayay aag ku yaalla agagaarka Gaza, waxaana afduubay dagaalyahannada Xamaas oo xoog ku qabsaday xaruntooda intii uu socday weerarkii Xamaas ay ku qaadday Israa’iil 7-dii October, sanadkii 2023-kii.

Waalidiintood ayaa markii ay shaashadda ka arkeen sacab iyo farxad la ooyay, iyagoo si toos ah sii deynta uga daawanayay saldhig ciidan oo ku yaalla xadka.

Magaalada Tel Aviv, boqolaal Israa’iiliyiin ah ayaa isugu soo baxay fagaaraha lagu magacaabo Hostages Square, iyagoo muujinayay farxadda sii deynta askarta oo ay ka daawanayeen shaashad weyn.

Askarta la sii daayay ayaa qoysaskooda dib ula midoobay wax yar ka dib, sida laga soo xigtay militariga, waxaana loo qaadi doonaa isbitaal ku yaal bartamaha Israel, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Israel,

Farxadda sii deynta haweenkan ka tirsanaa ciidamada ayaa waxaa barbar socday niyad jab ka dib markii haweeney rayid ah oo lala sii deyn lahaa afarta askari laga waayay liiska dadka ay Xamaas sii deyneyso.

Afhayeen u hadlay milatariga Israa’iil ayaa sheegay in ay tahay in la jebiyay xabbad joojinta, halka Xamaas ay sheegtay in ay tahay arrin farsamo.

Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in Falastiiniyiinta Gaza aan loo oggolaan doonin in ay dib ugu soo laabtaan dhanka waqooyi ee Marinka illaa inta arrintan laga xallinayo.

Boqolaal kun oo Falastiiniyiin ah ayaa ka barakacay waqooyiga Gaza intii uu socday dagaalka.

Sarkaal Falastiini ah ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in dhexdhexaadiyeyaashu ay ka shaqeynayaan sidii loo xallin lahaa arrintan.

Xamaas ayaa sheegtay in 200 oo maxaabiis Falastiiniyiin ah la sii deyn doono maanta taas oo qayb ka ah is-dhaafsiga. Waxaa ka mid ah maleeshiyaad lagu xukumay xabsi daa’im. Ku dhawaad 70 ka mid ah ayay Xamaas sheegtay in lagu wado in la tarxiilo.

Is-weydaarsiga dhacaya Sabtida maanta ah ayaa ah kii labaad tan iyo markii ay bilaabatay xabad joojinta 19-kii Bishan Jannaayo islamarkaana Xamaas ay wareejisay saddex dumar ah oo Israa’iiliyiin rayid ah oo ay ku beddelatay 90 maxaabiis Falastiiniyiin ah.

War ka cusub xarunta gantaallada ee Turkigu uu ka dhisayo Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida uu sheegay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Turkiga ayaa ku dhow inuu dhammeystiro dhismaha xarun laga gano gantaallada hawada sare oo ku taalla gudaha Soomaaliya, taasoo dhismaheedu billowday bishii December ee sanadkii 2024.

Wareysi uu siiyay wargeyska Military Africa, ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh ku nuux-nuuxsaday in xaruntani ay faa’iidooyin dhaqaale u keeni doonto Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin abuurista shaqooyin iyo kororka dakhliga.

In kasta oo aan la shaacin goobta rasmiga ah ee ay xaruntani ku taallo, haddana meesha istiraatiijiga ah ee ay Soomaaliya kaga taallo dhul-baraha u dhow iyo marinkeeda Badweynta Hindiya ayaa ka dhigaya goob ku habboon ridista gantaallada iyo howlaha hawada sare.

Mashruucan hammi-weynaha ah ayaa waafaqsan laba ujeeddo oo istiraatiiji ah oo uu leeyahay Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan: in Turkigu noqdo quwad dhinaca hawada sare ah iyo inuu ballaariyo saameyntiisa Geeska Afrika.

Turkiga ayaa sanadkii 2021-kii daah-furay barnaamij toban sano ah oo ku aaddan hawada sare, kaasoo ay qayb ka yihiin horumarinta nidaamyada dayax-gacmeedka iyo dhismaha xarun laga hago dayax-gacmeedka. Khabiirradu waxay xusayaan in xarunta gantaallada ay tahay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka gaaritaanka ujeeddooyinkaas.

Iskaashiga Turkiga iyo Soomaaliya ayaa dhaafsiisan xaruntan. Tan iyo sanadkii 2017, ciidamada Turkiga ayaa askarta Soomaaliyeed ku tababarayay xerada TÜRKSOM, iyagoo xoojinaya awoodaha difaaca ee dalka.

Shirkadda Turkish Petroleum ayaa sidoo kale la siiyay xuquuqda sahaminta shidaalka ee biyaha dhul-badeedka Soomaaliya, halka heshiisyo lagu gaaray dib-u-dhiska iyo casriyeynta ciidamada badda ee Soomaaliya.

Intaa waxaa dheer, Turkiga ayaa Soomaaliya ka taageeray dhinacyada caafimaadka, waxbarashada, tamarta, iyo kaabayaasha dhaqaalaha, isagoo xoojinaya xiriirka laba geesoodka ah.

Si kastaba ha ahaatee, xarunta gantaallada ayaa ka dhigan guul taariikhi ah oo muujineysa himilooyinka ballaaran ee Turkiga, iyadoo xoojineysa doorkeeda quwad goboleed iyo mid caalami ah oo soo koraysa dhinacyada difaaca iyo tiknoolojiyadda hawada sare.

Iyadoo Turkigu uu horumar ka sameynayo inuu noqdo dal ka mid ah kuwa awoodda u leh hawada sare, iskaashiga uu la leeyahay Soomaaliya ayaa muujinaya suurtagalnimada koror dhaqaale iyo mid istiraatiiji ah oo labada dalba dan u ah.

Horumarkan ayaa sidoo kale hoosta ka xarriiqaya sida uu Turkigu diyaar ugu yahay inuu kula loollamo quwadaha waaweyn ee adduunka tartanka dhinaca hawada sare.

Xog: Cirro oo safarkiisii ugu horreeyay u baxaya + Dalka

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa in safarkiisii ugu horreeyo uu ugu ambabaxo magaalada Abu Dubai ee caasimada ee dalka Imaaraadka. Carabta.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in Madaxweyne Cirro uu safarkan galayo beri oo ah 26-ka Janaayo, isaga oo casuumaad ka helay madaxda dalkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha cusub ee Somaliland uu wada-hadallo gaar ah la yeelan doono madaxa Isu Tegga Imaaraadka, isaga oo kala hadli doono xiriirka labada dhinac iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga ballaaran ee ay leeyihiin.

Imaaraatka Carabta ayaa haatan daneynaya in uu hoos u daadiyo siyaasadda uu ku wajahayo Somaliland, maadaama uu meesha ka baxay Muuse Biixi Cabdi oo ay isku wanaagsanaayeen, waxayna hadda bilaabeen la macaamilka tooska ee C/raxmaan Cirro.

Horay Madaxweynaha cusub ee Somaliland ayaa u ballan qaaday in uu xoogga saarayo hagaajinta siyaasadda dibaddaiyo tan gudaha si loo hormariyo xiriirka Somaliland.

Safarkan ayaa noqonayo kii ugu horreeyey ee uu baxo Madaxweyne Cirro tan iyo markii uu ku guuleystay kursiga Madaxweynaha 13-kii Nofeembar ee sanadkii hore ee 2024-kii.

Si kastaba, Cabdiraxmaan Cirro waxa uu kamid ahaa siyaasiyiinta mucaaradka ee Somaliland ee marar badan maamulkii Muuse Biixi Cabdi ku dhaliilay safarka Imaaraadka iyo diidmada uu kala hortagay socodsiinta heshiisyo kala duwan oo ay wadagaleen xiligaas.

Villa Somalia oo ka jawaabtay walaaca laga qabo in Trump uu aqoonsado Somaliland

Washington (Caasimada Online) – Soomaaliya kama walaacsana mustaqbalka madaxbanaanida dhulkeeda, waxaa sidaas sheegay la-taliye sare oo ka tirsan madaxtooyada, iyadoo maamulka Trump la hadal hayo in laga yaabo inuu diyaar u yahay inuu aqoonsado gobolka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland.

Isagoo ka hadlayay kulan-dhinacmeedka Madasha Dhaqaalaha Adduunka, Yuusuf Xuseen ayaa sheegay in Mareykanka iyo Soomaaliya ay weli yihiin xulafo isku dhow oo ka wada shaqeeya arrimo badan oo ay ka mid yihiin dhaqaalaha iyo amniga.

“Wax iska beddelay ma jiraan tan iyo muddo xileedkii koowaad ee Trump,” ayuu yiri. “Ma garan karno sababta qof u doonayo inuu arrintan ka hadlo, gaar ahaan marka la eego dalkeenna.”

J. Peter Pham, oo ahaa ergey hore oo gaar ah oo Mareykanka u qaabilsanaa gobollada Sahel iyo Harooyinka Waaweyn intii lagu jiray muddo xileedkii koowaad ee madaxweyne Trump, ayaa la filayaa inuu hoggaamiyo kooxda cusub ee Afrika ee Madaxweynaha.

Pham ayaa si weyn u taageeri jiray waxa loogu yeero horumarka dhanka dimoqraadiyadda ee Somaliland iyo dadaallada ay ugu jirto in Mareykanku aqoonsado qaranimadeeda. Pham waxa uu sidoo kale si adag u dhaliili jiray siyaasadda aan rasmiga ahayn ee Aqalka Cad ee Biden ee ku aaddan “Hal Soomaaliya”.

Somaliland ayaa dhaqaale badan ku bixisay shirkado ololeeyayaal ah ama lobbies oo Jamhuuri ah, si ay ugu dhaadhaaciyaan qaar ka mid ah xubnaha Congress-ka in Somaliland loo aqoonsado dal ka madax-banaan Soomaaliya. 

Dib ugu soo laabashada Aqalka Cad ee Trump ayaa rajo gelisay Somaliland, ayada oo Trump marar badan uu horey u weeraray Soomaaliya, isaga oo ay is-hayaan Ilhaan Cumar.

Si kastaba, arrinta Somaliland ayaa la rumeysan yahay in aysan wax ahmiyad ah u lahayn madaxweynaha cusub ee Mareykanka, islamarkaana aanay xitaa maankiisa ku soo dhicin, ayada oo ay horyaallaan arrimo boqolaal jeer uga muhiimsan.