25.2 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

MELONI oo hoos u dhigtay hadalladii Trump ee Gaza

Riyadh (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Giorgia Meloni ayaa sheegtay in aysan rumeysneyn in Donald Trump uu leeyahay “qorshe qeexan” oo lagu rarayo dadka Falastiiniyiinta ah ee Gaza, hase yeeshee ay soo dhaweysay doodda ku saabsan dib-u-dhiska dhulkaas.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa Sabtidii sheegay inuu doonayo in Urdun iyo Masar ay qaataan dadka Gaza, isagoo soo jeediyay in “si buuxda loo nadiifiyo halkaas” – fikrad ay si degdeg ah uga soo horjeesteen hoggaamiyayaasha Falastiiniyiinta, Jaamacadda Carabta, Urdun, iyo Masar.

Meloni, oo ka qeybgashay caleema-saarkii Trump isla markaana rajeyneysa inay isku xirto maamulka Mareykanka iyo Midowga Yurub, ayaa arrinta ku tilmaantay “mid adag.”

“Trump wuu saxan yahay marka uu leeyahay in dib-u-dhiska Gaza uu si cad uga mid yahay caqabadaha waaweyn ee aan wajahayno, hase yeeshee, si guul loo gaaro, waxaa lagama maarmaan ah in beesha caalamku ay si weyn uga qeybqaadato,” ayay tiri intii lagu jiray booqasho ay ku tagtay Sacuudi Carabiya.

“Marka laga hadlayo arrinta qaxootiga, waxaan u maleynayaa, mar kale, inaanan la tacaaleynin qorshe qeexan. Waxaan aaminsanahay in aan wajaheyno dood ku saabsan la-tashiyo lala sameynayo dhinacyada gobolka, kuwaasoo shaki la’aan ay tahay in la xoojiyo ka qeyb qaadashadooda,” ayay tiri.

Dadka Gaza oo gaaraya 2.4 milyan ayaa intooda badan lagu barakiciyay dhowr jeer dagaalka ka socda ee u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas oo bilowday kadib weerarkii Xamaas ay ku qaaday koonfurta Israa’iil 7-dii Oktoobar, 2023.

Trump ayaa sheegay in dhulka dagaalka uu saameeyey uu noqday “goob burbur” isagoo intaa ku daray in “qarniyo badan ay halkaas ka dhacayeen dagaallo badan. Ma aqaan, waa in wax uun la sameeyo.”

Waxa uu sheegay in raritaanka dadka Gaza uu noqon karo mid “ku-meel-gaar ah ama mid joogto ah.”

Dhanka Falastiiniyiinta, isku day kasta oo looga rarayo Gaza wuxuu dib u xusuusin doonaa dhacdooyin murugo leh oo taariikhda ku suntan, kuwaas oo ay Carabtu ugu yeeraan “Nakba” ama masiibo – barakacii ballaarnaa ee Falastiiniyiinta xilligii la dhisayay Israa’iil 75 sano ka hor.

Meloni ayaa ka digtay “saameynta ballaaran” ee qaxootiga Suuriya ee dalalka gobolka qaarkood, taasi oo ay sheegtay “in aanay caawinayn xasilloonida.”

“Kuwani waa arrimo runtii aad u adag, laakiin xaqiiqda ah in laga doodayo, xitaa heer aan rasmi ahayn, iyada oo lala tashanayo dhinacyada gobolka, waxay ila tahay inay muujineyso in arrinta dib-u-dhiska Gaza si dhab ah looga shaqeynayo,” ayay tiri.

Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga ayaa hadalladan jeedisay intii ay ku sugneyd booqasho ay ku tagtay Sacuudi Carabiya, halkaas oo labada dal ay kala saxiixdeen heshiisyo iskaashi iyo warshado oo qiimahoodu gaarayo qiyaastii $10 bilyan.

Somali Prime Minister faces no-confidence motion

MOGADISHU, Somalia – Political efforts to unseat Somali Prime Minister Hamza Abdi Barre are gaining momentum in Nairobi, Kenya, where members of Somalia’s House of the People are meeting to strategize.

Lawmakers are reportedly finalizing plans for a no-confidence motion against Barre, which they intend to submit during the 6th parliamentary session set to open in February.

The draft motion is already underway, according to sources close to the discussions. If passed, it could bring Barre’s tenure to an abrupt end. However, should he survive this challenge, he may cement his position as one of Somalia’s longest-serving prime ministers in recent history, a rare feat in the country’s tumultuous political landscape.

Rising political tensions

The looming no-confidence motion reflects mounting tensions in Somali politics. Observers note that parliamentary activity often wanes after the 6th session as the focus shifts toward preparing for national elections. This timeline adds urgency for Barre’s opponents, who aim to act swiftly before political attention dissipates.

The situation escalates hostilities between Barre and Jubaland President Ahmed Mohamed Islam, widely known as Ahmed Madobe. Their feud intensified following a military confrontation in Ras Kamboni, a strategic border town, where federal forces clashed with Jubaland troops.

The incident marked a significant escalation in the long-running rivalry between Somalia’s federal government and the semi-autonomous Jubaland state.

Madobe, who is currently in Nairobi, has reportedly been rallying support for the motion among Somali lawmakers. His defiance of a federal ban on international travel further underscores the depth of his resistance to Mogadishu’s authority.

Analysts view his lobbying efforts as a key component of the broader political battle taking shape.

Federal vs. regional power struggles

The conflict between Somalia’s federal government and its regional states has long undermined political stability. Jubaland, located in southern Somalia, has been at the center of these disputes, with disagreements over resource control, security, and political autonomy frequently surfacing.

Ahmed Madobe, a pivotal figure in Somalia’s federalism debates, has consistently resisted federal efforts to centralize power. His ongoing challenge to the government, both politically and militarily, underscores the fragile nature of Somalia’s governance system.

The outcome of this no-confidence motion could have far-reaching consequences. If Barre is removed, it may deepen political instability as Somalia prepares for national elections. Conversely, his survival could strengthen his administration but risks further polarizing relations with regional leaders like Madobe.

The motion also highlights the persistent inability of Somalia’s political elite to reconcile their differences and focus on pressing national issues such as security, economic reform, and reconciliation.

The stakes are particularly high as international partners look for signs of stability in a country struggling with decades of conflict and governance challenges.

As the 6th parliamentary session approaches, all eyes will be on developments in Nairobi and Mogadishu, where the battle over Somalia’s political future unfolds.

Xog: Mooshin ka dhan ah Xamsa oo ka socda Nairobi iyo qorshaha siyaasadeed oo halis ah

0

Nairobi (Caasimada Online) – Guux mooshin ka dhan ah Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ka billowday magaalada Nairobi, iyadoo kulamo saacadihii la soo dhaafay ay yeesheen Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ay ka arrinsadeen qorshayaashooda.

Xildhibaanadaan ayaa doonaya mooshinka Xamse lagu furo kalfadhiga 6-aad ee Golaha Shacabka oo furmaya bisha Febraayo.

Ilo ku dhow dhow kulanka Xildhibaannada ayaa sheegaya inuu socdo qabyo qoraalka mooshinka.

Waxay qorsheynayaan in marka uu furmayo Kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka ay ugu gudbiyaan Guddoonka Golaha Shacabka.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiska jooga sannadkiisii saddexaad ayaa haddii uu ka badbaado mooshinka lagu soo beegayo Kalfadhiga 6aad ee Golaha Shacabka waxa uu haystaa fursad uu ku noqdo Raysalwasaarihii ugu cimriga dheeraa.

Sida hore loogu arki jiray taariikhda Baarlamanka, Kalfadhiga 6aad wixii ka dambeeya waxaa yaraada awoodda iyo abaabulka Baarlamaanka sababo la xiriira in la galayo dhammaadka muddo xileedkiisa dowladda oo lagu mashquulayo u diyaar garowga doorashooyinka.

Abaabulka Mooshinkaan ayaa ku soo aadaya iyadoo Axmed Madoobe uu joogo Nairobi, dagaalka Ra’iisul Wasaare Xamsa iyo Axmed Madoobe ayaa qarxay wixii ka dambeeyey dagaalkii Raaskambooni.

Dagaalka dowladda federaalka iyo Axmed Madoobe ayaa gaaray gacan ka hadal, waxaana ku adkaaday Axmed Madoobe, mar kale ayuu jebiyey go’aankii ay dowladdu uga mamnuucday safarada dibadda ah, wuxuuna Nairobi ka wadaa dagaal siyaasadeed oo ubucdiisu tahay mooshin.

 

Xogta dagaalkii lagu laayey Al-Shabaab oo maanta looga xoreeyey 4 deegaan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Deegaanka oo is kaashanaya ayaa maanta weerar culus ku qaaday tuulooyin ay gobolka Hiiraan uga sugnaayeen dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab.

Mid kamid ah dagaalladii ugu cuslaa ayaa dhacay maanta, waxayna ciidamadu ku guuleysteen in ay Al-Shabaab ka xoreeyaan deegaanada Beero-Yabaal, Bur-Abooto, Eega-Galmay, Jidcillaan iyo Caddow Gurey.

Taliyaha Qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Col. Cabdullaahi Cumar oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka iyo dadka deegaanka ay howlgalladii maanta dhacay ku dileen maleeshiyaad badan oo ka tirsanaa Khawaarijta.

Korneyl Cabdullaahi Cumar ayaa balan qaaday inay saacadaha socda warbaahinta u soo bandhigi doonaan sawirada meydadka Shabaab-kii ay ku dileen dagaalkii maanta.

Sidoo kale, Taliyaha ayaa sheegay in ay burburiyeen saldhigyadii cadowgu ay ku dhuumaaleysanayeen, kana furteen hub iyo saanad ciidan oo nooc walba leh.

Ciidamada ayaa weli sii baacsanaya firxadka Khawaarijtii maanta lagu jebiyey dagaalka deegaanadaas looga xoreeyey, sida uu sheegay sarkaalkaan u hadlay militeriga Soomaaliya.

Dagaalka ayaa kooxda looga qaaday Seddax jiho, waxaana kala hoggaaminayey Hoggaamiyaha Macawiisley Cali Jeyte iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka Jeneraal Khaalid.

Ciidamada waxaa u suurtagashay inay kooxda kala wareegaan bartilmaameedyadii ay ku weerareen, waxaana la isula gudbay deegaano hor leh oo Al-Shabaab ay ku xooggan yihiin.

Muxuu ahaa qorshaha James Swan uu maanta u tegay wasaaradda warfaafinta DF? + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee KMG ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ambassador James Swan.

Wasiirka iyo Danjire Swan ayaa ka wadahadley doorka warbaahinta qaranka ay ka qaadaneyso ajendayaasha muhiimka ah ee dalka, sida dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta, arrimaha dib u heshiisiinta, doorashooyinka iyo arrimaha kale ee hortabinta u Ieh Soomaaliya.

Wasiirka iyo wakiilka ayaa sidoo kale dul istaagey horumarka ay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ka gaartey dhanka arrimaha amniga iyo sida Ciidamada Qalabka Sida diyaarka ugu yihiin in marka uu dhammaado Hawlgalka AUSSOM ay la wareegaan amniga dalka.

Wasiirka Warfaafinta Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa sidoo kale la wadaagey Wakiilka Qaramada Midoobay horumarka laga gaarey hawlaha dib u eegista dastuurka iyo doorashooyinka ku saleysan qof iyo cod ee la qorsheynayo in dalka ay ka qabsoomaan sannadkan iyo sannadka xiga ee 2026-ka.

Wakiilka Qaramada Midoobay James Swan ayaa bogaadiyay hawlaha u qabsoomay DFS , isagoo xusay in Qaramada Midoobay ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, Isla markaana xoojin doonto iskaashiga iyo wadashaqeynta labada dhinac.

Waasiirka iyo Wakiilka Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale booqday Kaydka Dhexe ee Cajaladaha ee Warbaahinta Qaranka.

Ugu dambeyn Wasiirka Warfaafinta ayaa uga mahad celiyay doorka Qaramada Midoobay ay ka cayaartey arrimaha la xiriira taageerada Soomaaliya ee 30kii sanno ee la soo dhaafey, isagoo hoosta ka xariiqay in taageeradaas ay qeyb weyn ku lahayd dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya.

Afar nin oo aflageedeeyey Nebiga (NNKH) iyo qur’aan oo dil lagu xukumay

Islamabad (Caasimada Online) – Maxkamad ku taalla dalka Pakistan ayaa afar nin ku xukuntay dil, kadib markii ay baraha internet-ka ku faafiyeen qoraallo lagu aflagaadeynayo diinta, sida uu maanta sheegay xubin ka mid ah koox “qareenno gaar ah oo is-abaabulay” oo dacwaddan soo oogay.

Afarta nin ayaa lagu xukumay magaalada Rawalpindi, oo ah magaalo ciidan oo ku dhow caasimadda Islamabad, sida uu wakaaladda wararka ee AFP u sheegay Rao Abdur Raheem, oo ah qareen ka tirsan Guddiga Sharciga ee Kahortagga Aflagaadeynta Diinta ee Pakistan (LCBP).

Aflagaadeynta diintu waa eedeyn culus dalka Pakistan oo ay Muslimiintu u badan yihiin, halkaas oo xitaa eedeymo aan la hubin ay kicin karaan caro dadweyne oo sababi karta dilal sharciga baal-marsan.

Dalka Pakistan ayaa waxaa aad ugu soo badanayay dacwad-oogista kiisaska “aflagaadeynta diinta ee online-ka”, iyadoo kooxo gaar ah ay dacwado ka dhan ah boqollaal dhallinyaro ah ku soo oogayaan, kuwaasoo lagu eedeeyay inay galeen falal aflagaadeyn diinta ah.

“Waxaa lagu xukumay dil… Jimcihii, kadib markii lagu helay inay online-ka ku faafiyeen qoraallo aflagaaddo ah oo ka dhan ah Nabiga Muxammad (NNKH) iyo Qur’aanka Kariimka,” ayuu yiri Raheem oo la hadlay AFP Isniinta maanta ah.

“Dacwaddeenna waxaa lagu xoojiyay caddeymo forensik ah oo laga soo uruuriyey aaladihii loo adeegsaday falkan foosha xun,” ayuu raaciyay isagoo ka hadlayay mid ka mid ah dacwadihii ugu dambeeyay ee kooxda LCBP ay soo oogtay.

In kasta oo xukunnadan ay dhaceen, haddana dalka Pakistan weli cidna uma dilin aflagaadeynta diinta darteed.

Xubin ka tirsan koox taageero ah oo ay sameysteen qoysaska eedeysanayaasha ayaa u xaqiijiyay wakaaladda AFP xukunka, wuxuuna sheegay in kooxdu ay racfaan ka qaadan doonto xukunka.

“Hab-socodka xarigga iyo dacwad-oogista kiiskan wuxuu la mid yahay kuwii hore,” ayuu yiri xubintan ka tirsan kooxda taageerada, oo codsaday inaan magaciisa la shaacin sababo amni dartood.

“Waxaan ugu baaqeynaa dowladda inay sameyso guddi baara kororka kiisaskan, ka hor inta aysan dhallinyaradan ku lumin sanadaha ugu wanaagsan noloshooda xabsiyada gudaheeda.”

Inta badan kiisaska aflagaadeynta diinta ee online-ka waxaa maxkamadda horkeena “kooxo gaar ah oo is-xilqaamay” oo ay hoggaamiyaan qareenno, isla markaana ay taageeraan mutadawiciin internet-ka ka baara dadka lagu tuhunsan yahay dembiyadan, sida ay sheegeen kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha iyo booliska.

LCBP ayaa ah kooxda ugu firfircoon kooxahaas ka hawlgala dalka Pakistan.

Sheraz Ahmad Farooqi, oo ah mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha kooxdan, ayaa u sheegay AFP bishii Oktoobar ee sanadkii hore in “Ilaahay uu u doortay shaqadan sharafta leh”.

Warbixin ay soo saartay Guddiga Qaranka ee Xuquuqda Aadanaha ee ay dowladdu maamusho bishii Oktoobar ee sanadkii hore ayaa lagu sheegay in ay jiraan 767 qof, oo u badan rag dhallinyaro ah, oo xabsiyada ku jira iyagoo sugaya maxkamadeyn la xiriirta eedeymo aflagaadeyn diinta ah.

“Kiisaskan, waxaa si cad loogu tuntay hanaanka sharciga, iyadoo la arkay xadgudubyo habraaceed oo muhiim ah oo dhacay marxalado kala duwan,” ayaa lagu yiri warbixinta.

“Xarigga waxaa inta badan fulinayay shakhsiyaad gaar ah halkii ay ka ahaan lahaayeen hay’adaha sharci-fulinta.”

Kiisaska ayaa sanado badan jiitami kara, in kastoo xukunnada dilka inta badan loogu beddelo xabsi daa’in marka racfaan laga qaato Maxkamadda Sare.

Maxkamad gaar ah ayaa la aasaasay bishii Sebtembar ee sanadkii hore si loo dedejiyo tobannaanka kiis ee harsan.

Kulan xasaasi ah oo maanta ka dhacay wasaaradda amniga + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda amniga gudaha XFS General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa maanta guddoomiyay kulanka muhiim ah oo ka dhacay xarunta wasaaradda.

Kulankan oo ahaa shirka joogtada ah ee guddi howleedka farsamo ee xiriirka arrimaha xasilinta, ayaa waxaa diirada lagu saaraay marxalada ugu muhiimsan ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Kulanka oo bishani ay martigelisay wasaaradda amniga gudaha ayaa waxaa kasoo qayb-galay dhammaan agaasimayaasha waaxyaha xiriirka ee wasaaradaha iyo hey’adaha kala duwan ee dowladda, kuwaas oo ka shaqeeya arrimaha xasilinta.

Guddoomiyaha guddiga Cabdicasiis Axmed Gurbiye ayaa ugu horeyn ka warbixiyay sooyaalka, baaxadda howlaha guddiga iyo hiigsiga waxaana sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira howlaha wasaaradda amniga, xasliinta iyo waxqabadka guddiga mudadii uu jiray.

Wasiir Fartaag oo ka hadlay kulanka ayaa bogaadiyay howlaha guddiga isaga oo adkeeyay muhiimadda ay Dowladda Soomaaliya u leedahay mideynta farriimaha xasilinta iyo wacyigelinta deegaannada laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab.

Waxa uuna ugu dambeyn kula dardaarmay xubnaha guddiga in ay xafiisyadooda warbaahineed yeeshaan qorshayaal mideysan oo loogu adeegayo guud ahaan umadda Soomaaliyeed.

Dowladda ayaa haatan dib u abaabuleysa howl-galka dhowrka weji leh ee kula dagaalameyso kooxda Al-Shabaab, kaasi oo wejigiisa koowaad kooxda looga xoreeyay deegaano iyo degmooyin muhiim ah oo sanado badan ku jiray gacantooda.

Xasan Sheekh hubka ma ka dhigi karaa Sheekh Shariif? – Maxaa ka socda Muqdisho?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa ka taagan dood cusub, waxayna la xiriirta hubka ku jira gacanta siyaasiyiinta.

Nidaamka madaxweyns Xasan Sheekh Maxamuud oo lagu eedeynayo boob hanti, hub aruursi iyo dhismaha maleeshiyaad gaar ah ayaa hadda u runqaasaday inay hubka ka aruuriyaan inta ka aragtida duwan.

Madaxweyne Xasan ayaa awooddiisa shaqsiga ah ku beddelay dastuurkii lagu doortay, isagoo qortay mid u qaabeysan inay wax walba ku dhamaadan sida uu isagu rabo, wallow uusan weli dhaqan-gelin dastuurkaasi la beddelay.

Xasan Sheekh markaana wuxuu tijaabinaya in uu isagu noqon karo awooda ciidan ee qudha ee taalla magaalada Muqdisho, maadaama uusan haatan dalka ka wada talin. Waa hub arurin siyaasadeysan oo dhaqan-gelinteedana ay dhibaato ka dhalan karto.

Dadka Soomaaliyeed ayaa weli si dhab uga heshiisiinin colaadihii sokeeye, waana midda keentay inay weli jiraan qabaa’iilo hubeysan.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa si weyn uga horyimid hub ka dhigistan siyaasadeed oo haddii la aqbalo ku dhamaan doonta “xukun boob iyo mucaarad xir-xiran”.

Sheekh Shariif wuxuu ku yiri kooxda Xasan Sheekh ee aliftay qorshahan “ha soo daahinina waana idin fahamsanahay”. Isla Muqdisho dowladdii hore ee madaxweyne Farmaajo ayaa isku deyday qorshe noocaan ah si ay awoodda ciidanka ugu isticmaalaan xukun dheereysi, laakiin waa la diiday oo gunaanadkiina kooxdii Farmaajo waa u shaqeysan weysay inay xoog ku joogaan xukunka.

Dadkii diiday qorshihii hub ka dhigista ee dowladdii Farmaajo waxaa ugu horreeyay Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo magaalada ku mari jiray tikniko fara badan, ilaaladiisuna waxay bilaabeen amar diido, iyaga oo markii dambe isku dhaceen ciidanka asluubta.

Hadda madaxweyne Xasan Sheekh oo isagu ahaa ninkii diiday hub ka dhigistii dowladdii hore ayaa ku hanjabaya inuu hub ka dhigis sameynayo, waxaana la eegaya haddii mucaaradka maanta ka go’aan jilicsanaan doonaan Xasan Sheekhii shalay.

Si gaar ah waxaa loo eegayaa madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed oo loo yaqaano siyaasi saameyn ku dhex leh ciidanka, sidoo kalena leh diiwaan ciidan.

Shariifku durba waa sii hormarsaday diidmadiisa qorshahan. Waxaana lasoo wariyay inuu maalmihii tegay magaalada Muqdisho ka waday kulamo uu la yeelanayo saraakiil ciidan iyo siyaasiyiin hub gacanta ku haya.

Damacii hub ka dhigistii shalay ee Farmaajo iyo midka uu maanta wado madaxweyne Xasan Sheekh, labaduba waa doonis siyaasadeed iyo dariiq la rabo in loo maro in si fudud lagu kala adkaado caasimadda.

Nidaamka madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maalin walba tijaabinaya go’aanno qaris ka tuurnimo ah, mana qaatan tallooyinka badbaadada illaa ay birta is arkaan, sidii maalintii Raaskambooni.

Mareykanka oo ka laabtay go’aan culus uu ka qaatay dal u tarxiilayo muhaajiriin horleh

0

Washington (Caasimada Online) – Aqalka Cade ee Mareykanka ayaa goor dhaweyd sheegay in madaxweyne Trump uu ka laabtay canshuur kordhin uu dul saaray Axaddii badeecadaha ay Colombia u soo dhoofiso Mareykanka.

Arrintaasi waxay ka dambeysay kaddib marki uu madaxweynaha Colombia Gustavo Pedro diiday, in lava diyaaradood oo millatari oo Mareykanka kasoo qaaday muhaajiriin Colombian ah oo laga soo tarxiilay Mareykanka.

Gustavo ayaa u sheegay Mareykanka in uu aqbalayo qaadashada muwaadiniintiisa laga soo tarxiilayo Mareykanka, haddii ay dowladda Mareykanka ku keeneyso diyaarad rayid ah, balse uusan aqbaleyn diyaarado millatari.

Tan ayuu sheegay Gustavo inay noqoneyso mid sumcad dil ku ah dadkiisa, sidaas darteedna uusan aqbaleyn in muhaajiriinta lasoo celinayo dalkiisa lagu keeno diyaar ciidan.

Aqalka Cad ayaa hadda sheegay in Colombia ay ogolaatay in muwaadiniinteeda laga keenayo Mareykanka lagu geeyo Colombia diyaarado millatari, iyadoo aanan dib loo dhigeyn.

Colombiya ayaa iyaduna sheegtay in Dowladda Mareykanka ay aqbashay in muwaadiniinta Colombiya ay ula dhaqanto si sharax leh.

Ciidamada PUNTLAND oo saldhigyo waaweyn kala wareegay Daacish + Sawirro

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka maamul goboleedka Puntland ayaa weli sii wada howlgallada ka dhanka ah kooxda Daacish ee ka socda dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, halkaas oo haatan laga dareemayo xaalad kacsanaan.

Qoraalka kasoo baxay Taliska Howlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ayaa waxaa looga hadlay howlgalladii ugu dambeeyay iyo guulaha ay ka gareen ciidamadu.

Puntland ayaa shaaca ka qaaday inay maanta la wareegtay saldhigyo muhiim ah oo ay kooxda ku laheyd deegaannada Waadi-soor, Ina Ciddoole, Damal Cagagubyo, Diibow, Qaaqsiiye, Daad, Dal lo’aad iyo isha Siido

“Ciidanka Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland waxay la wareegeen goobo talisyo u ahaa Argagixisada Daacish, kuwaasi oo kala ah deegaannada Waadi-soor, Ina Ciddoole, Damal Cagagubyo, Diibow, Qaaqsiiye, Daad, Dal lo’aad iyo isha Siido” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale saraakiisha horkaceysa dagaalka ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howlgalladooda, ujeedkana uu yahay in argagixisada lag saaro aaggaasi.

Dhinaca kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Daacish oo ku aadan howlgalladaasi ee ay haatan guulaha waa wayn ka sheegatay dowlad goboleedka Puntland.

Puntland ayaa haatan sii xoojineyso dagaalka kooxda Daacisha, waxayna ciidamada isku sii fidinayaan dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, waxaana ugu dambeysay oo ay dhowaan si buuxda ula wareegay taliskii argagixisada ee Tuulada Tuurmasaale ee gobolkaasi.

Xog: Madaxweyne XASAN Sheekh oo u baxaya safar kale oo dibadeed + Qorshihiisa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u baxaya safar kale oo dibadeed, xilli uu dhowaan cagta soo mariyay dalal dhowr ah oo kala duwan, kuwaas oo ay kamid yihiin Itoobiya, Uganda, Jabuuti, Masar iyo Switzerland.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in haatan madaxweynaha uu kusii jeedo safar kale oo uu ku gaarayo dalka Tanzania, halkaas oo ay uga bilaabaneyso booqasho rasmi ah.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa Caasimada Online u sheegay in Xasan Sheekh uu la kulami doono madaxweynaha dalkaasi  Samia Suluhu Hassan oo ay ka wada-hadli doonaan xiriirka labada iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashooda.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa inta uu joogo magaalada Arusha ee dalka Tanzania bilaabi doono kulamo kale oo la xiriira dadaallada Dalladda Bulshada Bariga Afrika oo ay haatan xubin buuxda ka tahay Soomaaliya, isla markaana ah urur dhaqaale oo muhiim ah.

Safarada uu galay madaxweynaha ayaa aad u kordhay maalmahan, waxaana isku maray todobaadyo gudahood waddamo badan, taas oo dhalisay hadal-heyn xooggan

Zakariye Cali oo kamid a dhalinyarada isticmaala baraha bulshada ayaa yiri “Canshuurtii shacabka Soomaaliyeed wax loogu qaban lahaa diyaarado iyo hoteelo ayuu ku dhameeyey”

Aweys Siraad Cumar “Xasan safraaye waa la dhihi karaa intuu safar yahay iyo inta uu dalka joojo safarka ayaa badan”.

Mahad Xasan “Miisaaniyadii qaranka sookan xasan isaga iyo qoyskiisii ay ka dhigteen nool lagu raaco diyaaradaha”.

Si kastaba, Madaxweyne Xasan ayaa todobaadkii hore ka qayb-galay shirkii dhaqaalaha adduunka ee lagu qabtay dalka Switzerland iyo waxaana ku xigay oo uu tegay shir-madaxeedka barnaamijka horumarinta beeraha Qaaradda Afrika ee (CAADP) oo iska ka dhacay Kampala ee caasimada dalka Uganda.

Wasiir xagjir ah oo Muqdisho u tagtay qorshe ka dhan ah Soomaalida ku nool dalka…

Helsinki (Caasimada Online) – Wasiiradda Arrimaha Gudaha ee Finland, Meri Rantanen, oo ka tirsan xisbiga mayalka adag, ayaa booqasho ku tagtay Soomaaliya. Ujeedkeedu waxa uu ahaa sidii ay wada-hadallo ula yeelan lahayd mas’uuliyiinta Soomaaliya si loo helo hannaan lagu celin karo magangalyo-doonka Soomaaliyeed ee ku sugan Finland.

Arrintan ayaa lagu sheegay bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Finland. Dad badan ayaa aaminsan in tallaabadan ay qayb ka tahay olole siyaasadeed oo lagu beegsanayo Soomaalida aan haysan sharciga degenaanshaha ee ku nool Finland.

Bayaanka, Rantanen waxa ay ku caddeysay in Finland ay rabto in ay kobciso iskaashi wax-tar leh oo ay la yeelato Soomaaliya, kaas oo dan u ah labada dal.

“Mudnaanta koowaad ee Finland waa in la dejiyo qorsheyaal wax-ku-ool ah oo la xiriira dib-u-celinta iyo horumarinta iskaashiga Soomaaliya ee arrimahaas la xiriira. Tani waxa ay ka dhigan tahay in Xisbiga mayalka adag ee Finland uu helayo hannaan uu dib ugu celin karo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee magangalyo-doonka ah ee ku sugan Finland,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Intaas beddelkeeda, dawladda Finland waxa ay dib u bilaabi doontaa barnaamijkeeda horumarineed ee labada geesoodka ah ee Soomaaliya, kaas oo hore u joogsaday ka dib go’aankii Wasiirka Ganacsiga Dibadda iyo Horumarinta, Ville Tavio, oo isaguna ka tirsan isla Xisbiga (Finns).

Wasiirku waxa uu iftiimiyay in iskaashiga horumarineed uu shardi ku yahay in waddamadu ay oggolaadaan in ay dib u soo celiyaan muwaadiniintooda marka ay Finland codsato.

Qoraal kooban oo lagu baahiyey barta Facebook ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya mooyee, dawladda Soomaaliya weli ma soo saarin war rasmi ah oo ku saabsan booqashada Wasiiradda Arrimaha Gudaha Finland iyo in ay jiraan wax wada-hadallo ah oo ku saabsan qorshaha dib-u-celinta muwaadiniinta.

Wasiiraddu waxa ay la kulantay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, iyo Wasiirka Amniga Gudaha ee Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil.

Tirada saxda ah ee dadka aan sharciga ku joogin Finland si cad uma cadda, laakiin waxa lagu qiyaasaa inta u dhaxaysa 3000-6000 oo qof sida ay sheegtay Hay’adda Qaxootiga ee Finland. Soomaalida aan haysan sharciga degenaanshaha ee ku sugan Finland waxa lagu qiyaasaa 100-200 oo qof.

Falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa rumaysan in tiradan yari aanay culays ku ahayn nidaamka dawladda iyo bulshada ee Finland. Waxay aaminsan yihiin in ujeeddada hadda loo soo qaaday arrintan Soomaaliya ay tahay oo keliya in lagu xoojiyo ololaha Xisbiga Finns ee doorashooyinka ismaamulada iyo degmooyinka ee soo socda ee dhici doona bisha April 2025.

Riikka Purra, Guddoomiyaha Xisbiga mayalka adag ee Finland, ahna Wasiirka Maaliyadda ee dalkaas, ayaa soo dhaweysay hindisaha Rantanen ee ah in la helo hannaan lagu celiyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee aan sharciga haysan ee ku sugan Finland, loona celiyo Soomaaliya.

Waxayna qoraal ay soo dhigtay barta X (Twitter-ka) ku tiri: “Wasiiradda Arrimaha Gudaha Rantanen ayaa booqasho ku tagtay Soomaaliya. Horumarinta qorshaha dib-u-celinta awgeed. Iskaashigii horumarineed ee laba-geesoodka ahaa ee Barnaamijka Soomaaliya waa uu hakaday sababtoo ah qorshihii dib-u-celinta oo aan sidii la rabay u shaqeyn.”

Sebastian Tynkkynen, oo ah xubin ka tirsan Baarlamaanka Yurub kana mid ah Xisbiga Finns, kaas oo caan ku ah hadalladiisa dhaleeceynta ah ee ka dhanka ah soo-galootiga, gaar ahaan Soomaalida ku nool Finland, ayaa isna ammaanay isku dayga Rantanen ay ku doonayso inay ku hesho hab lagu celiyo magangalyo-doonka ka yimid Soomaaliya ee aan haysan magangalyada ama ogolaanshaha degenaanshaha Finland.

Tynkkynen ayaa yiri: “Mari waxay booqatay Soomaaliya si ay u horumariso qorshaha dib-u-celinta Soomaalida ee dalkooda hooyo. Waa haweeney wax qabad dhab ah muujisay.”

Falanqeeyayaasha Finland waxay ku tilmaameen booqashada Wasiiradda Rantanen ee Soomaaliya inay tahay farsamo ay ku hormarinayso xisbigeeda doorashooyinka ismaamulada iyo degmooyinka ee soo socda, iyada oo isku dayaysa inay ku kasbato cod-bixiyeyaal dheeraad ah.

Xisbiga Finns wuxuu hore uga faa’iidaystay faafinta warar aan sax ahayn oo ku saabsan soo-galootiga ku nool Finland, isaga oo ku tilmaamay kuwa culays ku haya bulshada Finnishka iyo kuwo ku tiirsan canshuur bixiyayaasha. Waxay arrimaha xuquuqda aadanaha iyo arrimaha bani’aadamnimada ka dhigeen kuwo siyaasadeysan.

CIA-da oo sii daysay sir xasaasi ah oo ku saabsan arrin caalamku ku wareersanaa

Langley (Caasimada Online) – Hay’adda Sirdoonka Maraykanka ee CIA ayaa muddo sanado ah ku adkaysanaysay in aanay haysan xog ku filan oo lagu go’aamin karo in xanuunkii safmarka ahaa ee COVID-19 uu si dabiici ah uga dhashay suuq xoolaha lagu iibiyo oo ku yaalla magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha, ama inuu si kama’ ah uga soo baxay shaybaar cilmi-baaris oo halkaas ku yaalla.

Hase yeeshee, hay’addu waxay soo saartay qiimayn cusub toddobaadkan, iyadoo falanqeeyayaashu ay sheegeen in ay hadda aaminsan yihiin in fayrasku uu ka soo baxay shaybaarka.

Saraakiishu waxa ay sheegeen in aanay jirin xog sirdoon oo cusub oo ka dambaysa isbeddelka hay’adda. Balse, waxa ay ku salaysan tahay isla caddeymihii ay bilihii la soo dhaafay baaritaan ku hayeen.

Si kastaba ha ahaatee, falanqayntan ayaa qayb ahaan ku salaysan in si dhow loo eegay xaaladihii ka jiray shaybaarada ammaankoodu aadka u sarraysnaa ee ku yaallay gobolka Wuhan ka hor intii aanu cudurku dillaacin, sida ay sheegeen dad xog-ogaal u ah shaqada hay’adda.

Afhayeen u hadashay hay’adda ayaa sheegtay in aragtida kale ay wali tahay mid macquul ah, ayna hay’addu sii wadi doonto qiimaynta xog kasta oo sirdoon oo cusub oo la isku hallayn karo.

Qaar ka mid ah saraakiisha Maraykanka ayaa sheegaya in dooddani aanay wax badan ka beddelayn xaqiiqda: Dowladda Shiinaha ayaa ku guuldarraysatay inay nidaamiso suuqyadeeda ama ay kormeer ku samayso shaybaaradeeda. Laakiin kuwa kale waxay ku doodayaan in ay tahay arrin muhiim ah oo xagga sirdoonka iyo sayniska ah.

John Ratcliffe, oo ah agaasimaha cusub ee CIA, ayaa muddo dheer taageersanaa aragtida ah in fayrasku uu ka soo baxay shaybaarka. Wuxuu sheegay in ay tahay xog sirdoon oo muhiim ah oo u baahan in la fahmo, ayna saamayn ku leedahay xiriirka Maraykanka iyo Shiinaha.

Ku dhawaaqista isbeddelkan ayaa timid wax yar kaddib markii Mr. Ratcliffe uu u sheegay wargeyska Breitbart News in aanu mar dambe doonayn in hay’addu “ka aamusto” doodda ku saabsan halka uu ka soo bilowday safmarka COVID-19.

Mr. Ratcliffe ayaa muddo dheer sheegayay in uu rumaysan yahay in fayrasku ay u badan tahay in uu ka soo baxay Machadka Wuhan ee Virology.

Saraakiisha ayaa sheegay in hay’addu aanay ra’yigeeda u weecinaynin madax cusub, ayna qiimaynta cusub ay muddo soo socotay.

Toddobaadyadii ugu dambeeyay ee maamulka Biden, Jake Sullivan, oo ah La-Taliyaha Amniga Qaranka, ayaa amar ku bixiyay in dib u eegis cusub oo sir ah lagu sameeyo halka uu ka soo bilowday safmarka.

Qayb ka mid ah dib-u-eegistaas, agaasimihii hore ee hay’adda CIA, William J. Burns, ayaa u sheegay falanqeeyayaasha in ay u baahan yihiin in ay mowqif ka qaataan halka uu COVID ka soo bilowday, in kasta oo uu sheegay in aanu isagu midna taageersanayn, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka Maraykanka.

Sarkaal kale oo sare oo Maraykan ah ayaa sheegay in ay ahayd go’aanka Mr. Ratcliffe in uu xogta sirta ka qaado oo uu sii daayo falanqaynta cusub.

Tan iyo markii uu dillaacay safmarka, waxaa jiray su’aalo la iska waydiinayo in labada shaybaar ee coronavirus-ka ku baarayey magaalada Wuhan ay si adag u raaceen hab-maamuuska badbaadada iyo in kale.

Hay’addu waxay qiimaynteeda cusub ku samaysay “kalsooni hoose,” taasoo macnaheedu yahay in xogta sirdoon ee ka dambaysaa ay tahay mid aan dhammaystirnayn oo goos-goos ah.

Xitaa iyadoo aanay jirin xog adag, haddana aragtida sheegaysa in fayrasku uu ka soo baxay shaybaar ayaa taageero ka helaysa hay’adaha sirdoonka. Laakiin falanqeeyayaasha qaarkood ayaa su’aal ka keenay xikmadda ku jirta in mowqif la beddelo iyadoo aanay jirin xog cusub.

Saraakiishii hore ayaa sheegaya in aanay diiddanayn baaritaan cusub oo lagu sameeyo xogta sirdoonka ee la xiriira halka uu COVID ka soo bilowday oo uu sameeyo maamulka Trump. Madaxweyne Biden ayaa amar ku bixiyay dib u eegis cusub oo lagu sameeyo xogta sirdoonka horraantii xilligiisa kaddib markii saraakiisha ay u sheegeen Aqalka Cad in ay hayaan xog aan weli la baadhin.

Mr. Ratcliffe ayaa walaac ka muujiyay siyaasadaynta hay’adaha sirdoonka. Mr. Ratcliffe, oo ahaa agaasimaha sirdoonka qaranka ee maamulkii koowaad ee Trump, ayaa qormo uu ku qoray Fox News sanadkii 2023 ku dooday in CIA aanay doonayn in ay taageerto aragtida ah in fayrasku uu ka soo baxay shaybaar si ay uga fogaato dhibaatooyin dhanka geopolitics-ka ah oo soo wajaha maamulka Biden.

“Dhibaatada dhabta ah ayaa ah, qiimaynta keliya ee ay hay’addu samayn karto – taasoo ah in fayras dilay in ka badan hal milyan oo qof oo Maraykan ah uu ka soo bilowday shaybaar ay maamusho Xisbiga Shuuciga Shiinaha (CCP) kaas oo cilmi-baaristiisa ay ku jirtay shaqo loo hayay milatariga Shiinaha – waxay leedahay saamayn aad u wayn oo dhanka geopolitics-ka ah oo uusan maamulka Biden doonayn in uu si toos ah u wajaho,” ayuu ku yiri qormadaas, oo uu la qoray Cliff Sims, oo ka mid ahaa kaaliyeyaashiisa sare.

Senatarka Tom Cotton, oo ah Jamhuuri ka soo gala gobolka Arkansas, ahna guddoomiyaha cusub ee Guddiga Sirdoonka ee Aqalka Senate-ka, ayaa muddo dheer sheegay in uu u malaynayo in safmarku uu ka soo bilowday mid ka mid ah shaybaarada Wuhan, wuxuuna ammaanay isbeddelka ku yimid go’aanka hay’adda.

“Hadda waxa ugu muhiimsan waa in Shiinaha laga dhigo in uu bixiyo magdhowga cudurka uu ku sii daayay adduunka,” ayuu yiri Mr. Cotton.

Mr. Ratcliffe ayaa sheegay Khamiistii, markii la dhaariyay, in baaritaanka halka uu COVID ka soo bilowday ay tahay mudnaanta “Maalinta 1-aad”.

“Waxaan u malaynayaa in sirdoonkeena, sayniskeena iyo caqligeena saliimka ah ay dhammaantood muujinayaan in asalka COVID uu ahaa likitaan ka dhacay Machadka Wuhan ee Virology,” ayuu u sheegay Breitbart.

 “Laakiin CIA ma aysan samayn qiimayn taas ah ama ugu yaraan si fagaare ah uma aysan sheegin qiimayntaas. Marka waxaan diiradda saari doonaa arrintaas oo aan eegi doonaa xogta sirdoonka, waxaanan xaqiijin doonaa in dadweynuhu ay ogaadaan in hay’addu ay ka baxayso aamusnaanta.”

Saraakiisha sirdoonka ee sarsare ee maamulka Biden ayaa difaacay hab-raacooda iyo qaab-dhismeedkooda shaqo. Waxay sheegeen in aanay jirin xog sirdoon oo la qariyay, waxayna ku adkaysteen in siyaasaddu aanay wax door ah ku lahayn falanqayntooda.

Saraakiishan ayaa sheegaya in ay jiraan dooddo macquul ah oo xooggan oo taageeraya labada aragtiyood ee ah in fayrasku ka soo baxay shaybaar iyo in uu si dabiici ah ku abuurmay, balse aanay jirin xog sirdoon oo go’aan kama dambays ah ka gaadhi karta labada dhinac midkoodna.

Si loo xoojiyo aragtida sheegaysa in fayrasku uu si dabiici ah ku abuurmay, saraakiisha sirdoonka waxay jeclaan lahaayeen in ay helaan xayawaankii u gudbiyay bini’aadamka ama ay helaan fiidmeer sidday fayraskii asalka u ahaa coronavirus-ka sababa COVID.

Sidoo kale, si loo xaqiijiyo in fayrasku uu ka soo baxay shaybaar, hay’adaha sirdoonka waxay jeclaan lahaayeen in ay helaan caddeyn muujinaysa in mid ka mid ah shaybaarada Wuhan uu ka shaqaynayay fayras awoowe u ah midka si toos ah u horseeday cudurka.

Midkoodna caddeymahan lama helin.

Laakiin Mr. Ratcliffe wuxuu ballan-qaaday CIA ka firfircoon, waxaana suurtogal ah in uu amro tallaabooyin dheeraad ah oo lagu dhex galo shaybaarada Wuhan ama dowladda Shiinaha si loo raadiyo xog dheeraad ah.

Ma noqon doonto sir fudud in la soo helo. Saraakiisha sarsare ee dowladda Shiinaha ma oga, mana rabaan in ay ogaadaan, sida ay sheegeen saraakiisha Maraykanka. Marka haddii ay jirto xog sirdoon, waxay u badan tahay in ay ku qarsoon tahay meel ay adag tahay in la gaaro.

Saraakiisha sirdoonka ee la waraystay toddobaadyadii u dambeeyay ayaa sheegaya in ay suurtogal tahay in caddeyn noocaas ah ay ku jirto shaybaar ku yaal Shiinaha, ugu yaraan aragti ahaan. Laakiin, waxay yiraahdeen, waxay weli u badan tahay in jawaabaha su’aalaha ku saabsan asalka fayraska ay ka imaan doonaan horumar dhanka sayniska ah, ee aysan ka imaan doonin xog sirdoon oo la helay.

Intii lagu jiray maamulkii Biden, hay’adaha sirdoonka ayaa u janjeeray dhanka aragtida ah in fayrasku uu ka yimid suuqa. Laakiin saraakiisha ayaa si fudud u qirtay in aysan ahayn arrin la hubo.

Shan hay’adood, oo ay ku jiraan Guddiga Sirdoonka Qaranka iyo Hay’adda Sirdoonka Difaaca, ayaa qiimeeyay in soo-gaarista dabiiciga ah ay u badan tahay in ay sababtay cudurka. Laakiin waxay sheegeen in ay kalsooni hoose oo keliya ku qabaan qiimayntooda.

Ilaa hadda, laba hay’adood, FBI-da iyo Waaxda Tamarta, ayaa u maleeyay in fayrasku uu ka soo baxay shaybaar. Laakiin aragtiyahoodu way kala duwan yihiin. FBI-du waxay rumaysan tahay in fayrasku uu ka yimid Machadka Wuhan ee Virology. Waaxda Tamarta waxay taageertay shaybaar kale, Xarunta Wuhan ee Xakamaynta Cudurrada.

Saraakiisha ayaan sheegin in CIA ay aaminsan tahay in mid ka mid ah labada shaybaar uu yahay isha ugu macquulsan ee fayraska.

 

Maxay Masar ka tiri qorshaha Trump ee dadka Gaza loogu rarayo Masar iyo Urdun?

Qaahira (Caasimada Online) – Masar ayaa Axaddii si adag u diidday qorshaha barakicinta qasabka ah ee shacabka Falastiin, kaddib markii madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, uu soo jeediyay qorshe lagu “nadiifinayo” Marinka Gaza, dadka ku noolna loo rarayo dalalka Masar iyo Urdun.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Masar ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in ay “sii wadayso taageerada ay u hayso adkaysiga iyo halganka shacabka Falastiin ee dhulkooda”.

Bayaanka ayaa lagu yiri “Masar waxay diiddan tahay ku xad-gudub kasta oo lagu sameeyo xuquuqdaas aan laga gorgortami karin, ha ahaato mid deegaamayn lagu samaynayo dhulka, dhul boob ah, ama in dadka asal ahaanba dhulkaas u dhashay laga qasbo inay ka baxaan, iyadoo la adeegsanayo barakicin, dhiirrigelinta raritaan qasab ah, ama in Falastiiniyiinta laga rujiyo dhulkooda, ha ahaato si ku-meel-gaar ah ama mid joogto ahba”.

Trump, oo hadlayay kaddib 15 bilood oo dagaal ah, ayaa sheegay in Gaza ay isku beddeshay “goob burbur”, wuxuuna yiri “waxaan jeclaan lahaa in Masar ay qaabisho dadka, sidoo kale Urdun ay iyana qaabisho qaar.”

Waxa uu intaa ku daray in dadka ku nool Gaza loo rari karo “si ku-meel-gaar ah ama si joogto ah.”

Tan iyo markii uu bilowday dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas bishii October ee sanadkii 2023-kii, labada dal ee deriska la ah Falastiin ayaa si isdaba joog ah uga digayay qorshayaal lagu doonayo in Falastiiniyiinta Gaza looga raro Masar, halka kuwa Daanta Galbeedna loo masaafurinayo Urdun.

Ururka Jaamacadda Carabta ayaa isna ku raacay hadalka Masar, wuxuuna Axaddii sheegay in “barakicinta qasabka ah iyo ka erinta dadka dhulkooda hooyo ay tahay isir sifayn.”

“Tallaabooyinkii hore ee lagu doonayay in shacabka Falastiin looga rujiyo dhulkooda, ha ahaato barakicin, dhul boob ama deegaamayn ballaarin, waxaa la xaqiijiyay inay fashilmeen,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay urur goboleedka.

Madaxweynaha Masar, Cabdifataax Al-Sisi, oo Trump sheegay inuu la hadli doono Axaddii, ayaa marar badan ka digay in barakicintani ay ujeedkeedu tahay “in meesha laga saaro himilada iyo qaddiyadda dowladnimada Falastiin.”

Al-Sisi ayaa qorshahan ku tilmaamay “khad cas” oo khatar weyn ku ah amniga qaranka ee Masar.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Masar ayaa Axaddii ugu baaqday dhinacyada ay khusayso inay dhaqan geliyaan “xalka labada dowladood,” kaas oo Qaahira ay sheegtay in ay noqon doonto mid aan suuragal ahayn haddii Falastiiniyiinta laga saaro dhulalkooda.

NISA oo gacanta ku dhigtay gawaari sahay u siday Shabab

0

Cadaado (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ay xalay ciidamada NISA, qaybtooda Galmudug ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud, kaas oo lagu beegsaday gawaari u socday Al-Shabaab.

Illaa laba gaari oo shidaal iyo agabyo kale u waday kooxda ayaa lagu qabtay aagga degmada Baxdo, sida ay innoo xaqiijiyeen waredyo xilkas ah

Labada gaari iyo raggii waday ayaa sidoo kale lagu soo warramayaa loo gudbiyay dhinaca taliska Nisa degmada Cadaado ee isla gobolka Galgaduud.

Sidoo kale saraakiisha howlgalka horkaceysay ayaa sheegay in haatan baaris ku hayaan gaadiidka la qabtay iyo sidoo kale ragga la socday, si loo ogaado xogtooda.

Ciidamada iskaashanaya ayaa weli howlgallo culus ka sii wada aagga degmada Wasil, kuwaas oo lagu beegsanayo xubnaha Al-Shabaab ee ku sugan halkaasi.

Gobollada dhexe ayaa waxaa haatan ka socda howlgallo culus oo lagula dagaalamayo Al-Shabaab, si looga xoreeyo deegaannada ay kaga sugan Galgaduud iyo Mudug.

Si kastaba, maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa haatan wajahay culeys ugu xoogganaa oo uga imaanaa xagga dowladda iyo saaxibada caalamiga ah oo kordhigay dagaalka.

Sawirro: Shir xasaasi ah oo laga yeeshay amniga Xamar

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir ayaa xalay guddoomiyay shir xasaasi ah oo ka dhacay Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kaas oo diiradda lagu saaray amniga caasimada.

Shirkan ayaa waxaa goobjoog ahaa guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Taliyaha Ciidanka illaalinta Deegaanka Xamar, Taliyeyaasha qeybta guud ee Booliska iyo Nabad sugida G/Banaadir, Taliyeyaasha Ciidamada Police Military, Guddoomiyaasha Degmooyinka, Taliyeyaasha qeybaha iyo kuwa Saldhigyada.

Ugu horreyn duqa Muqdisho ayaa warbixin ka dhageystay saraakiisha hey’addaha amniga oo la wadaagay qorshahooda amniga iyo natiijada laga gaaray howlgalladii u dambeeyay.

Dhankiisa guddoomiye Amiir oo madasha ka hadlay ayaa boogaadiyay guulaha laga gaaray amniga ay ku naaloonayaan bulshada Gobolka Banaadir, waxa uuna faray laamaha amniga iyo maamullada degmooyinka in la sii xoojiyo wada-shaqeynta guud si looga hortago wax weliba oo liddi ku ah amniga daasimada.

Sidoo kale waxaa shirkaan looga hadlay sare u qaadida nadaafada iyo bilicda caasimada, dar-dargelinta dakhli aruurinta, u diyaar garowga xilli roobaadka, si looga sii gaashaanto.

Ugu dambeyn guddoomiyaha ayaa kula dar-daarmay saraakiisha iyo maamullada degmooyinka in ay si hufan oo ay ku jirto daacadnimo iyo Alla ka cabsi ay u gutaan waajibaadka loo igmaday isla markaana la iskula xisaabtami doono mas’uuliyada shacabka.

Si kastaba, Xaaladda ammaan ee magaalada Muqdisho ayaa haatan deggan, waxaana alaaba howlgallo joogto ah ka sameeya ciidamada booliska Soomaaliya iyo kuwa xasilinta caasimada ee Boolis Milataari oo fariisimo ka sameystay gudaha iyo daafaha caasimada.

Daawo: Wasiir si adag uga jawaabay hadalkii Celi Jeyte ee beesha Gaaljecel xanuujiyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji ayaa si adag uga jawaabay hadalkii shalay ka soo yeeray Cali Jeyte oo ah hoggaamiyaha ciidamada macawiisley u qaabilsan xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh.

Wasiirka Caafimaadka Dr. Cali Xaaji oo ka soo jeeda beesha Gaaljecel ayaa sheegay in hadalkii Cali Jeyte uu xagal-daacinayo howlgalka.

“Cali Jeyte wuxuu yiri cid kasta oo deegaanada Shabaab joogaan loogu tago waa argagixiso, hadalkaas waxaa ka muuqata xagjirnimo,” ayuu yiri Wasiir Cali Xaaji.

Sidoo kale, wasiirka ayaa u cudur daaray Cali Jeyte, wuxuuna sheegay in hadafka uu ka kala hadalkaas uu fahmi karo “Ujeedka hadalka Cali wuxuu ahaa inay kacaan dadka jooga meelaha ay Shabaab ku dambeeyaan oo dagaalamaan,” ayuu yiri.

Wasiirka oo baaq u diray masuuliyiinta hormuudka u ah bulshada ayaa yiri, “Cidda kaliya ee hadalada xanafta leh ay fursadda siinayaan waa Khawaarijta, masuuliyiinta waxaan ugu baaqayaa inay ka fiirsadaan hadallada xanafta leh, ee qabaa’ilka isku diraya.”

Sidoo kale, Wasiir Cali Xaaji ayaa qiray in Sanbaloolshe uu saxay qaladkii Cali Jeyte, “Ma ahayn hadal qabta dadka dhibanayaasha u ah Khawaarijta, balse isla goobtii ayaa lagu saxay, marka waa in laga socdaa, lagana taxadaraa waxyaabaha noocaas ah,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Ugu dambeyntii Wasiirka ayaa sheegay in beeshiisa Gaaljecel ay diyaarisay ciidan ku filan xoreynta deegaanada beesha, kuwaas oo garab ka heli doona dowladda federaalka, sida uu sheegay.

Xalay hadalka Cali Jeyte waxaa sidaan si ka adag uga jawaabay Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka soo jeeda beesha Gaaljecel, wuxuuna sheegay in Cali Jeyte uu khatar ku yahay Hooyadiis iyo Aabihiis oo jooga deegaanada Shabaab maamulaan, isla markaan aan la shaqeyn kooxda.

Hoggaamiye Cali Jeyte ayaa shalay Buuloburde ka sheegay in dadka jooga goobaha ay Shabaab maamulaan ay yihiin Shabaab kale, balse Taliyaha NISA Sanbaloolshe oo garab taagnaa ayaa qaladkaas saxay, wuxuuna qiray inay jiraan dad shacab ah oo kooxdaas aan la shaqeyn, lana dagaalami doona hadii laga dul kiciyo.

Hoos ka daawo wareysiga Wasiir Cali Xaaji uu siiyey Somali Cable

Somalia iyo Masar oo maanta ku dhawaaqay qorshe ka cusub howlgalka AUSSOM

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo gabagebeysay wada-hadallo dhanka farsamada ah oo ay la yeelatay Jamhuuriyadda Carabta Masar, kuwaas oo ku saabsan qorshaha ka qeyb galka Ciidamada Masar ee howlgalka AUSSOM.

Jamhuuriyadda Carabta ee Masar ayaa caddeysay ka go’anaashaheeda taageerada Dowladda Soomaaliya ee la dagaallanka argagixisada.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ogtahay doorka Masar ay ka qaadan karto ciribtirka Khawaarijta, waxayna ka rajaynaysaa inay gacan ka geystaan ​​si lamid ah dalalka kale ee saaxiibka la ah Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay dowladda.

Sarkaal ka tirsan Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maanta Qaahira ku saxiixay heshiiska bilaabidda qorshaha ugu dambeeya howlgalka.

Ciidamada Masar ayaa lagu wadaa in toddobaadyadaan lagu soo daabulo Soomaaliya, kani waa go’aan dhibaya Itoobiya oo walwal badan ka qabta in Masar ay awood militeri ku yeelato Geeska Afrika.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa toddobaadkii hore tegay Qaahira kadib casuumad uu ka helay dhiggiisa Masar, waxayna kala saxiixdeen heshiis kale oo miisaan culus leh.

Heshiiskaas ayaa qeexayey istaraatiijiyad rasmi ah oo iskaashi amni ah, sidoo kale waxaa horay u jiray heshiis iskaashi oo seddax geesood ah oo ka dhexeeya Soomaaliya, Masar iyo Eritrea.

Dhaqdhaqaaqa ay Soomaaliya ka wado gobolka Geeska Afrika waa mid ruxaya qalbiyada Itoobiyaanka oo khatar amni ka dhex arka, maadaama Masar, Eritrea iyo xittaa Soomaaliya ay cadow u arkaan Itoobiya.

Iyadoo uu taagan yahay qorshe ay Soomaaliya garab militeri ugu raadsaneyso la dagaalanka argagixisada, maadaama uu dhamaaday howlgalkii ATMIS, ayaa hadana waxaa gobolka xiisad ka abuuray damacii oo if-baxay bilowgii 2024 ee Itoobiya ay dooneysay inay ku dhacdo badda Soomaaliya.

Tiirka ay xilligaan ku taagan tahay Daacish iyo laba arrin oo la gudboon Saciid DENI

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa horraantii sanadkaan bilaabay dagaal culus oo ka dhan ah kooxda Daacish oo inta badan saldhigatay buuraha gobolka Bari.

Howl-galladii u dambeeyay ee lagu qaaday kooxda ayaa waxaa soo baxeysa in lagama maarmaan tahay in xididda loo siibo tiirarka ay xilligaan ku taagan tahay kooxda, taas oo ugu muhiimsan yahay dhanka sirdoonka ama waxa ay ugu yeeraan amniyaatka.

Khubarada amniga ayaa qaba in dagaalka nuxurkiisa ee kooxdan lala galo ay tahay midka sirdoon, maadaama ay kooxda unugyo qarsoon horey ugu beertay qaar kamid magaalooyinka gobolka Bari oo ugu horreyso Boosaaso.

Sida shalay dhacday guri ku yaalla magaalada Boosaaso ayey laamaha amniga ugu tageen qaraxyo iyo hub kale oo culus, kaasi oo uu deganaa nin ajnabi ah oo ciidanka toogteen xilli uu qarax miino ah ku aasayay waddo muhiim ah oo ku taalla Boosaaso.

Maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo madaxweyne Saciid Deni ayaa waxaa haatan horyaalla inay shaqo adag ka qabato unugyada sirdoon ee daadsan magaalooyinka Carmo iyo Boosaaso, iyadoo sirdoon dharcad ah lagu daadinayo, si looga hortago weeraro aargoosi, islamarkaana xididda loogu siibo tiirka ugu adag ee kooxda ku leedahay gudaha maamulka.

Sidoo kale waxaa khubarada amni ku talinayaan in magaalooyinka Boosaaso iyo Carmo kamid yihiin lagu wada xiro kamaaradaha qarsoon ee loo yaqaan CCTV, iyadoo qulqulka ajaanibta la xakameynayo, maadaama dagaal-yahaanada u badan ee kooxda ay yihiin ajaanib.

Inta madaxweyne Saciid Deni uu isku hawlayo buuraha in ka badan waa inuu isku hawlaa Boosaaso iyo magaalooyinka kale ayey leeyihiin khubarada amniga, oo ku talinayay in sirdoonka Puntland uu door muhiim ah ka qaato dagaalka socda.

Indha-Cadde oo caddeeyay mowqifkiisa dib u dhisidda ciidanka badbaado qaran

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Jeneraal Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo kamid ah saraakiiisha Soomaaliya ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan doorashooyinka iyo qaylo dhaanta mucaaradka.

Jeneraal Indha Cadde oo wareysi gaar ah siiyay Radio Kulmiye ayaa marka hore ka hadlay qorshaha mucaaradka ee ku aadan dib u dhisidda bad-baado qaran 2 oo ay ku goodiyeen iay ku wajahayaan madaxweyne Xasan, haddii aanu dhexda soo dhigin doorashada.

Yuusuf Indha Cadde ayaa shaaca ka qaaday in marnaba aanu qayb ka noqon doonin qorshahahaasi, isla markaana aanu qoray u qaaday doonin Xasan Sheekh iyo dowladdiisa.

“Xasan Sheekh haddii uu doorasho qof iyo cod ah qabanaayo iyo haddii ma aragtay ku guuleysanaayo ama ku guul dareysanaayo aniga hadda aragtideyda iyo waxa aan ka qabo waa wax kale, laakiin qoray maya” ayuu yiri Gen. Yuusuf Maxamed Siyaad ”Indha Cadde

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Hadda muxaafad ma’ihi, mucaaradna kuma ihi dowladdaan waxaan ahay nin Soomaali ah oo janan ah oo ka tirsan ciidamada qalabka sida”

Jananka ayaa xusay in aanu mucaarad noqon doonin, haddii uu qoray uu qaadanayo kaliya uu la dagaalamayo maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

“Aniga marna lagama yaabo inaan qoray qaato, haddii aan qoray qaadanaaayo halkaas iyo Al-Shabaab diyaar ayaan u ahay inaan la dagaalamo, laakiin inaan Xasan Sheekh iyo inaan qoray u qaato diyaar uma ihi inaan mucaarad galana diyaar uma ihi” ayuu mar kale yiri.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan xaaladda siyaasadeed ee dalka ay kacsan tahay, isla markaana madaxda dowladda, qaar kamid ah maamullada dalka iyo mucaaradka ay isku khilaafsan yihiin sida loo wajahayo doorashooyinka soo socda ee Soomaaliya.