Daawo: DF xog xasaasi ah ka bixisay dagaalkii Mesagawaa oo lagu jebiyey Al-Shabaab

Mesegawaa (Caasimada Online) –Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo faahfaahin ka bixiyey dagaalkii maanta ka dhacay deegaanka Mesegawaa ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay in Al-Shabaab jab culus lagu gaarsiiyey maanta.

Afhayeenka oo shir jaraa’id ku qabtay meel duur ah ayaa sheegay in weerarkii Al-Shabaab ay fashiliyeen dadka deegaanka oo xogtooda u soo gudbiyey ciidanka.

Sidoo kale, Afhayeenka Gaashaandhigga Soomaaliya wuxuu xaqiijiyey in dadka deegaanka ay ka qeyb qaateen dagaalka, taasi oo fududeysay in Shabaab ay dagaalka ku jabaan.

Kooxda Al-Shabaab ayaa weerarkaas qaaday waaberigii hore ee saakay, balse waxaa la sheegay inay ku soo dhaceen fariisimihii ay ku ogaayeen ciidanka oo loo baneeyey.

Al-Shabaab waxaa u qorsheysneed inay dagaalka bilaabaan inta aan la gaarin salaadii subax ee saakay, balse ciidanka oo ka aag bedeshay goobihii ay horay u deganaayeen ayaa jebiyey kooxda.

Dagaalka ayaa u bilowday markii ay qoraxdu soo baxday sidii ay u qorsheeyeen ciidamada xoogga dalka oo garab militeri iyo mid xooraan ka helaya dadka deegaanka, waxaana u suurtagashay in kooxda ay jebiyaan.

Khasaaraha ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka ka soo gaaray ayaa ahaa mid aad u kooban, sida ay saraakiishu noo xaqiijiyeen, halka Al-Shabaab ay ku baaba’een dagaalkii maanta, maadaama uu fashilmay qorshihii ay dejiyeen.

Sidoo kale, Ciidamada Xoogga waxaa saaciday diyaaradaha dagaalka oo kor ka tooganayey firxadka Shabaab-kii weerarka soo qaaday.

Maanta oo dhan waxaa aagga deegaanka Mesegawaa ee gobolka Galgaduud ka socday baacsiga firxadka Al-Shabaab, waxaana dhulka howdka ah daadsan meydadka maleeshiyaadkii kooxda oo jab culus kala kulmay dagaalka.

Hoos ka daawo