27.1 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

DF oo war kasoo saartay sawir hadal-hayn badan dhaliyay oo Xasan iyo Abiy

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Danjire Axmed Macalin Fiqi ayaa ka hadlay sawir hadal-hayn badan dhaliyay oo si weyn ugu baahay baraha bulshada, kaasi oo ku wada jiraan madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

Sawirkan ayaa imanaya ku dhowaad hal sano oo cadowtinimo xooggan u dhaxeysay labada dal, ka gadaal markii Itoobiya ay Somaliland la saxiixatay is-afgarad dhabaha u xaaraya damaceeda badda.

Sawirka ayaa muujinaya labada masuul oo gacmaha is-haysta, aadna u qoslaya, taas oo ka turjumeysa heer qanacsanaan iyo saaxiibtinimo ee labada dowladood kadib muddo uu mugdi ku gadaamna xiriirkooda diblumaasiyadeed, taas oo dad badan siyaabo kala duwan uga fal-celiyaan.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheegay in tan lagu gaaray dadaalkii iyo dagaal diblumaasiyadeedkii uu hoggaaminayey madaxweynuhu, taas oo dhashay in Soomaaliya aan la dhayalsan, sida uu sheegay.

“Isqadarin loo siman yahay, wadan walbaana kan kale ixtiraamayo arrimihiisa u gaarka ah, wixii la wada qabsanayana wadada sharciga loo marayo waa midda la xaqiijiyey,” ayuu yiri wasiir Fiqi.

Hoos ka aqriso qoraalka wasiirka;

Dad ayaa xalay la yaabanaa sida maxaxweynaha loo soo dhoweeyey, qaarna waxayba ku tilmaameen in aan abid Madaxweyne Soomaaliyeed sidaas oo kale Loo soo dhowayn.

Dagaalka siyaasadeed iyo kan ciidanba waxaa Loo galaa in nabad loo siman yahay lagu gaaro, ma Jiro dagaal dhammaad la’aan ah ama aan xambaarsanayn hadaf la xaqiijinayo.

Dadaalkii iyo dagaal diblomaasiyadeed ee uu madaxweynuhu hogaaminayey mudada sanadka aheyd waxaa lagu gaaray in Soomaaliya aan la dhayalsan, sidii loola dhaqmi jirey iyo xadgudubyadii lagu samayn jirey wax weyn iska bedelaan.

Isqadarin loo siman yahay, wadan walbaana kan kale ixtiraamayo arrimihiisa u gaarka ah, wixii la wada qabsanayana wadada sharciga loo marayo waa midda la xaqiijiyey.

Soomaaliya iyo Masar oo ka shiray dhaqan-gelinta qodobo xasaasi ah + Sawirro

0

Qaahira (Caasimada Online) – Waxaa maanta kulan xasaasi ah Qaahira ku dhex-maray wasiirka srrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi iyo dhiggiisa Masar H.E. Dr. Badr Abdel Atty.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta xasilloonida gobolka, oo ay ku jirto dardargelinta howl-galka Midowga Afrika ee AUSSOM iyo taageeridda Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira argagixisada.

Labada wasiir ayaa bogaadiyay socdaalka wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur uu ku joogo magaalada Qaahira oo ay ku tilmaameen tallaabo loo qaaday wadashaqeyn xooggan.

Wasiirrada ayaa isku raacay in la xoojiyo xiriirka labada dowladoodiyada oo loo marayo guddiga wadajirka ah ee wasiirada, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay kulanka.

Sidoo kale waxay labada wasiir ka wada-hadleen dhaqan-gelinta qodobbadii ka soo baxay shirkii dhex-maray Masar, Soomaaliya iyo Ereteriya ee 2024-ka, kor u qaadista amniga Geeska Afrika iyo arrimaha Badda Cas.

Ugu dambeyntiina, wasiirka arrimaha dibadda Masar ayaa ku cel-celiyay in Masar ay si hagar la’aan ah u taageereyso midnimada, madaxbannaanida iyo xasilloonida Soomaaliya.

Waxa uuna xaqiijiyay inay dowladdiisa xoogga saareyso dadaallada wadajirka ah ee lagu xoojinayo iskaashiga labada dhinac iyo bixinta kaalmo farsamo.

Horey madaxda Soomaaliya, Masar iyo Eritrea ayaa ku heshiiyay in la xoojiyo xiriirka dhinacyada, iyadoo la isla gartay dhismaha guddi saddex geesood ah oo ka kooban wasiirrada arrimaha dibadda ee saddexda dal, si loo dardar-geliyo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee dhinacyada oo dhan.

Xogta wada-hadallada Xasan Sheekh iyo Abiy uga socda Addis Ababa

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalintii labaad ku sugan magaalada Addis Ababa ee caasimada Itoobiya, halkaasi oo uu gaaray shalay.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa maanta leh wada-hadallo dheeri ah oo ay uga arrinsanayaan iskaashiga iyo wada-shaqeynta labada dowladood si wafaqsan hirgalinta heshiiskii Ankara.

Madaxweyanaha Soomaaliya ayaa sidoo kale booqan doona goobaha taariikhiga ah ee Itoobiya.

Xasan iyo Abiy oo shalay yeeshay wejiga koowaad ee wada-hadallada ayaa tilmaamay muhiimada ay leedahay in la ixtiraamo madax-bannaanida labada dhinac, iyadoo la iska kaashanayo arrimaha amniga, la dagaalanka argagixisada, dhaqaalaha iyo xasiloonida Gobolka Geeska Afrika.

“Madaxdu waxay ku heshiiyeen inay dib u soo celiyaan oo ay kor u qaadaan xiriirkooda laba geesoodka ah, iyagoo matalaad diblomaasiyadeed oo buuxda u kala dirsanaya caasimadaha labada dal,” ayaa lagu yiri bayaan ay si wada-jir ah usoo saareen Soomaaliya iyo Itoobiya.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed waxay carrabka ku adkeeyeen baahida loo qabo in ergadooda diblomaasiyadeed ay si dhow isaga kaashadaan arrimaha khuseeya labada dal.

Madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku heshiiyey in laga wada-shaqeeyo sidii loo sii xoojin lahaa dadaallada lagu hagaajinayo xiriirka gobolka, kobcinta isfaham guud iyo horumarka la wadaago.

Labada masuul ayaa caddeeyay sida ay uga go’an tahay xaqiijinta baaqii Ankara, saaxiibtinimada iyo wadajirka labada dal, kadib muddo sanad ah oo lumay xiriirka Muqdisho iyo Addis Ababa.

Sawirro: Dadweyne careysan oo isugu soo baxay Kismaayo, dalbadeyna inuu is-casilo…

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaa maanta isugu soo baxay boqlaal dadweyne ah oo dhigay dibad-bax ay uga soo horjeedaan dowladda federaalka ah oo uu haatan khilaaf kala dhexeeyo Jubbaland.

Shacabka ayaa ka cabanayay go’aannada dowladda, gaar ahaan tallaabooyinka ugu dambeeyay ee ay qaaday, sida xayiraadda la saaray magaalada Kismaayo oo saameyn xoogan ku yeelatay dadka deegaanka, sida ay u sheegeen warbaahinta.

Sidoo kale waxa ay dibad-baxayaash ku qaylinayeen erayo ka dhan ah Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay ku eedeeyeen inuu isku wadi waayay dalka.

Mid kamid ah dibad-baxayaasha oo goobta ka hadlay ayaa ugu baaqay madaxweynaha inuu is-casilo, una turo dadka iyo dalka, sida uu hadalka u dhigay.

“Xasan Sheekh waa fashilmay arrintii loo dhiibayne, kama soo bixin, Soomaali waa isku sii diray dowladdii ayuu baabi’iyay ee ha’is casilo” ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka.

Dibad-baxaan oo ay soo abaabushay Jubbaland ayaa daba socda go’aankii golaha wasiirada maamulkaas oo Khamiistii ku dhowaaqay in Jubbaland ay madax banaan oo gooni ah ula macaamileyso dalalka caalamka.

Wararkii ugu dambeeyay ee dabka xooggan ee Los Angeles

Los Angeles (Caasimada Online) – Shaqaalaha dab-damiska gobolka California iyo kuwa dowladda federaalka Mareykanka ayaa wali la halgalamaya daminta dabki ugu weynaa uguna khasaaraha badnaa ee ka dhaca magaalada Los Angeles ee gobolka Califronia.

Sida ay xaqiijiyeen saraakiisha, in ka badan 10 qof ayaa la xaqiijiyay in dabkani ay ku dhinteen, iyadoo laga digay in tirada ay intaasi ka badan karto.

Lix dab oo isku mar ah ayaa baabi’iyay xaafado ka tirsan degmada Los Angeles tan iyo Talaadadii, wuxuuna dabku burburiyay ama waxyeeleeyay 10,000 oo guri. Waxyeellada ayaa la filayaa in ay korodho marka ay xaaladdu degto oo ay dab-demiyeyaashu sameeyaan qiimeyn guri ka guri ah.

Habeenimadii Jimcaha, wargeyska Los Angeles Times ayaa sheegay in Dabka Palisades ee ka kacay cirifka galbeed ee magaalada uu u weecday jiho cusub, taasi oo keentay in uu soo baxo amar ka bixitaan ah oo quseeya inta badan xaafadda Brentwood iyo San Fernando Valley.

“Dabka Palisades ayaa olol horleh ka helay qaybta bari waxaana uu u wareegayaa waqooyi-bari,” ayuu Kabtanka Waaxda Dabka ee Los Angeles Erik Scott u sheegay warbaahinta maxalliga ah ee KTLA, sida lagu sheegay warbixin lagu qoray website-ka LA Times.

Ka hor ololka cusub, dab-demiyeyaasha ayaa soo sheegay horumar laga gaaray bakhtiinta Dabka Palisades iyo Dabka Eaton ee buuro-hoosaadyada bari ee magaalada.

Kadib markii uu maalmo socday, inkastoo ay dadaal u galeen boqolaal dab-damis ah oo dabka hawada iyo dhulkaba ka deminayay, dabka Palisades ayaa la xakameeyey 8%, halka dabka Eaton isna la xakameeyay 3%.

Si kastaba ha ahaatee, labada dab ee waaweyn ayaa marka la isku daro waxa ay gubeen 35,000 acres (14,100 hektar), ama 54 mayl oo laba jibaaran.

Iyada oo kumannaan qof ay hoy la’aan noqdeen, qiiquna uu sii kordhayo, saraakiisha Mareykanku waxa ay ku dhawaaqeen xaalad caafimaad oo degdeg ah.

Ilaa 153,000 oo qof ayuu quseeyaa amarka daad-gureynta, iyadoo 166,800 kalena ay helayaan digniino daad-gureynta, waxaana bandow lagu soo rogay dhammaan aagagga daadgureynta, ayuu yiri Sheriff-ka Koyntiga Los Angeles, Robert Luna.

Todobo gobol oo deris la ah California, dowladda federaalka iyo Kanada ayaa gargaar ula cararay California, iyagoo xoojinaya kooxaha hawada ka tuuraya biyaha dabka lagu bakhtiinayo iyo kooxaha dab demiska ee buuraha ololaya, iyo kuwa dhulka oo ku howlan deminta dabka.

Sidee looga fal-celiyay tallaabada ay qaadeen XASAN iyo ABIY?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ayaa ka fal-celiyay wada-hadalladii gelinkii dambe ee Sabtidii shalay dhex-maray madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, kuwaas oo laga soo saaray go’aanno xasaasi ah, sida lagu caddeeyay war-murtiyeedka.

Bayaan ay soo saareen labada hoggaamiye ayaa waxaa lagu xusay muhiimada ay leedahay in la ixtiraamo madax-bannaanida labada dhinac, iyadoo la iska kaashanayo arrimaha amniga, la dagaalanka argagixisada, dhaqaalaha iyo xasiloonida Gobolka Geeska Afrika.

“Labada masuul ayaa iska xog-wareystay arrimo badan oo khuseeya labada dal iyo kuwa gobolka, waxayna wada-hadallo wax ku ool ah ka yeesheen xoojinta xiriirka walaalnimo ee ka dhexeeya labada dal,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray “Madaxdu waxay ku heshiiyeen inay dib u soo celiyaan oo ay kor u qaadaan xiriirkooda laba geesoodka ah, iyagoo matalaad diblomaasiyadeed oo buuxda u kala dirsanaya caasimadaha labada dal.”

Haddaba sidee looga fal-celiyay?:-

Cabdi Faras “Ethiopia waa argagixiso waana cadawgeena 1-aad, marka bariiska laga rabana waa walaalaheen oo naftood hurayaal ah”

Yuusuf Xasan “Xasan Sheekh Dal-xoreeye heshiis dheel dheel ku yimid ma ahan waxa uu ku yimid geesinimo iyo siyaasad caqli ku dhisan”.

Cabdixaafid Xirsi ayaa isna su’aal ka keenay “Madaxweyne aaway cadawgii Ethiopia aad horay noogu sheegtay?”.

Cumar Khaalid “Hirgelinta heshiiskii Ankara. Maxaa dan ah oo ugu jirta Soomaaliya? madaxwaynaha ha cadeeyo waxa uu ku badashay, Baarlamankana ha horkeeno”.

Cabdiraxiin Maxamed “Waa noocee danaha laga wada-hadlay iima muuqato in dan Soomaali ay mesha taallo”.

DF oo qaaday tallaabo farxad-gelisay reer Beledweyne + Sawirro

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo dhowaan si toos ah ula wareegtay amniga magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa maanta qaaday tallaabadii ugu horreysay oo farxad-gelisay shacabka ku magaaladaasi.

Ciidamada dowladda, gaar ahaan Guutada 5-aad, qeybta 27-aad ee Ciidamada Xoogga dalka ayaa maanta fuliyay howlgal waddo furis ah oo ay ka sameeyeen Beledweyne.

Howlgalka ayaa inta uu socday waxaa lagu furay waddooyin halbowle ah oo muhiim u ah isku socodka dadweynaha oo muddooyinkii lasoo dhaafay xirnaa, sababo amni dartood.

Waddooyinkan ayaa qaar kamid ah waxaa horay loogu xiray doorashadii xildhibaanada fedaraalka, halka qeyb kale loo xiray taxadar dhinaca amniga ah.

Ujeedka ugu weyn ee haatan loo furay jidadkan ayaa ah si ganacsiga iyo isu socodka magaalada uu sidiisa hore ugu soo laabto, shacabkana ay helaan waddooyin waa wayn.

“Iyadoo la fulinayo balan qaadka madaxda dowladda Soomaaliya ee ku sugan magaalada Beledweyne ayaa maanta ciidamada Xoogga Dalka waxa ay bilaabeen in ay furaan waddooyinka dhexmara xaafadaha magaalada oo muddooyinkii dambe u xirnaa shaqaaqooyin ka dhacay magaalada” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay dowladda.

Beledweyne ayaa haatan isku diyaarineyso isbeddal, kadib markii dhowaan wafdi ka socda dowladda Soomaaliya uu wada-hadal la galay waxgaradka Hiiraan, kadibna la’isku afgartay in meesha laga saaro khilaafka iyo ciidamada Macawiisleyda ee muddada joogay halkaasi.

Si kastaba, khilaafka reer Hiiraan ayaa ka dhashay tabasho ay ka qabaan dhismaha maamulka HirShabelle, iyada oo la filayo in haatan laga wada-hadlo, si xlooga gaaro.

Goorta lasoo gabagabeynayo sahminta shidaalka Somalia oo la shaaciyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u shaacisay waqtiga kama dambeysta ah ee lasoo gabagabeynayo sahminta shidaalka Soomaaliya ee uu haatan wado dalka Turkiga oo soo diray markab sameynaya baarista.

Sida uu shaaciyay guddoomiyaha hay’adda batroolka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Aadan oo la hadlay Telefishinka Qaranka ayaa sheegay in qorshaha uu yahay in sahminta shidaalka lasoo gabagabeeyo bisha April ee sanadkaan 2025, si loo ogaado goobta rasmiga ah ee shidaalka laga qodayo.

Cabdulqaadir Maxamed ayaa sidoo kale tilmaamay in hadda ay soconayaan dadallo badan, loona baahan yahay in la sameeyo taxadar si aan loo qodin goob aan aheyn goobta shidaalka laga helay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in maraakiibta howlgalka wada ay abaari doonaan aagga degmada Hobyo ee gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

“Sida aan isku afgaranay Turkida sahminta wada, hadii uusan caqabado imaanin, waxaan dejinay qorshaha ah inaan April soo gabagabeyno, waxaana qorshaha yahay in maraakiibta ay u jiheeystaan dhinaca xeebaha Hobyo, waa inaan ogaanaa in dabayaqaada bisha inaan ogaano meesha saxda ah ee la qodaayo shidaalka” ayuu wareysiga ku yiri guddoomiyuhu.

Dhinaca kale marka ay soo dhamaato howsha sahminta, waxaa lagu dhaqaaqi doonaa qodista shidaalka, sida ay qorsheyneyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Badda Soomaaliya ayaa waxaa ku yaalla in ka badan 200 xirmo oo la rumeysan yahay inuu shidaal ka buuxo, balse aan illaa hadda lagu sameyn sahmin sababo la xiriira walaaca dhanka ammaanka iyo khilaafaadka ka jira dalka.

MASAR oo shaacisay arrin aysan aqbali doonin in ay Soomaaliya u ogolaato Itoobiya

Qaahira (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Abdelatty ayaa Sabtidii sheegay in amniga Badda Cas uu ku xiran yahay oo kaliya dalalka xeebaha la leh, isagoo si cad u diiday joogitaan militari ama ciidan badeed oo ay ku yeeshaan dalalka aan xeebaha ku lahayn.

Hadalkaas ayuu ka sheegay shir jaraa’id oo ka dhacay Qaahira, kaas oo uu qabtay kaddib kulan saddex geesood ah oo uu la yeeshay dhiggiisa Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, iyo kan Eritrea, Osman Saleh Mohammed, sida uu soo tabiyay telefishinka Al-Qahera.

Abdelatty ayaa intaas ku daray in kulanka lagu falanqeeyay qorshaha lagu qabanayo shirar wasiirro oo kale oo ka dhaca Muqdisho iyo Asmara, iyo sidoo kale diyaarinta shir madaxeed labaad oo madaxweyneyaash ah, kadib shirkii ugu horreeyay ee bishii October 2024 lagu qabtay Eritrea.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ayaa caddeeyay in dalkiisu garab taagan yahay dowladda Soomaaliya, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la ballaariyo awoodda dowladda si ay maamulkeeda ugu fidiso dalka oo dhan, loo xoojiyo ciidamada qaranka Soomaaliya, lagana hortago tallaabooyin hal dhinac ah oo khatar gelinaya midnimada dalka.

Abdelatty ayaa sidoo kale xaqiijiyay in Masar ay qayb ka noqon doonto howlgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya, kaddib markii Muqdisho iyo Midowga Afrika ay ansixiyeen. Si kastaba ha ahaatee, ma bixinin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan howlgalka, kaas oo la filayo inuu bilowdo horraanta 2025.

“Amniga Badda Cas waa arrin ku xiran oo keliya rabitaanka iyo wada shaqeynta dalalka xeebaha la wadaaga. Waxaa gabi ahaanba aan la aqbali karin in dalal kale ay ku yeeshaan joogitaan militari ama mid ciidan badeed meel aysan danaha ku lahayn,” ayuu Abdelatty ku yiri shir jaraa’idka.

Hadalka wasiirka arriimaha dibedda Masar ayaa loo arkaa in uu si toos ah ugu socdo Itoobiya, oo dooneysa in ay saldhig ciidan badeed ku yeelato xeebta Badda Cas, sida ku cad is-afgaradkii ay la gashay maamulka Somaliland, ee ay diiday Soomaaliya.

Itoobiya ayaa dooneysa in ay hesho dhul badeed ay ka dhigato saldhig ciidan badeed iyo dekad. Heshiiska ay Soomaaliya la gashay ee Ankara ayaa dhigaya in ay ka wada-hadlaan sidii loo siin lahaa marin badeed. Balse dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in kaliya ay ogolaan doonto marin badeed la xiriira ganacsi, ama dekad, oo aanay marnaba aqbali doonin saldhig ciidan badeed.

Bishii Agoosto 2024, Safiirka Soomaaliya ee Qaahira, Cali Cabdi Awaare, ayaa ku dhawaaqay in ciidamo iyo qalab ka socda Masar ay soo gaareen Muqdisho si ay isugu diyaariyaan ku biiritaanka howlgalka nabad-ilaalinta ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM). Warkan waxa si rasmi ah u xaqiijisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Masar.

Ciidamada cusub ayaa la filayaa inay beddelaan hawlgalkii ku-meel-gaarka ahaa ee ATMIS bishan, iyadoo loo diyaarinayo inay sii wadaan howlaha nabad-ilaalinta iyo taageerada dowladnimada Soomaaliya.

Xogta horjoogayaal Shabaab ah oo lagu hor dilay xaasaskooda

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo xalay ciidamada deegaanka iyo kuwa dowladda ay ka fuliyeen qaybo kamid ah gobolka Galgaduud, kaas oo lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab.

Howlgallada oo si gaar ah ah uga dhacay agagaarka magaalada Budbud iyo deegaannada ku xeeran ayaa waxaa lagu qaaday horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.

Mid kamid ah saraakiisha Macawiisleyda ee horkacaysay howlgalka, laguna magacaabo Cabdi Saneey ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in weerarkan ay qaadeen, kadib markii ay xog ku heleen in deegaannadaasi ay dhuumaaleysi ku yimaadeen horjoogayaal sar sare oo ka yimid dhinaca hore ee jiidda, kadibna ay gaarsiiyeen khasaare culus.

“Waxaan weerarnay Budbud iyo deegaanada hoos yimaada dadka shacabka ah ayaan xog ku helnay waana ku shaqo tegnay niman Amiiro ah oo meelaha dagaalka ka socda ka yimid oo nasiino soo doontay oo jooga xaafadahooda qaar kamid ah ayaa la arkay iyo maleeshiyaad kale oo difaac u ah, waana laga taqalusay” ayuu yiri Cabdi Saneey.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay khaarijiyeen ku dhowaad 10 xubnood oo uu isugu jiro horjoogayaal iyo maleeshiyaad la socday, isaga oo sheegay inay ugu tageen guryahoooda.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in aanay waxyeelo gaarsiin xaasaska iyo carruurta xubnaha Al-Shabaab ee ay weerarka kula beegsadeen aagga deegaanada Budbud.

“Khasaaraha gaaray aad ayuu u badan yahay, laakin hadda inta aan xaqiijin karo waa 8 iyo 9 meelahaas ayay u dhexeeyaan” ayuu mar kale yiri sarkaalka u hadlay Macawiisleyda.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Xaasaskooda iyo ilmahooda waa nabad gelinay, waa dad birimageedo ah, waana dad kamid ah kuwa uu qaranka uu shaqeyn doono oo masaakiin ah”

Xaaladda ayaa weli kacan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ay guulaha ka sheegeen ciidamada huwanta.

Jeneraalka ay Imaaraadka taageeraan oo jab culus lagu gaarsiiyey dagaalka Sudan

Khartuum (Caasimada Online) – Hogaamiyaha ciidamada sida militariga u tababaran ee Sudan, Mohamed Hamdan Dagalo (Hemedti), ayaa Sabtidii sheegay in ciidamada uu hoggaamiyo ee Dacmu Sariic ay gacantooda ka baxday magaalada caasimadda u ah gobolka Al-Jazira ee Wad Madani.

Tani waxay timid kaddib markii ciidanka milatariga iyo kooxaha hubeysan ee la xulufoobay ay gudaha u galeen magaalada kaddib in ka badan hal sano oo kooxda Dacmu Sariic ama RSF ay maamulaysay.

Kooxda RSF ayaa waxaa la rumeysan yahay in ay si xooggan taageero uga hesho Imaaraadka Carabta. Si kastaba, Abu Dhabi ayaa horey u beenisay dhammaan eedeymaha sheegaya inay hub siiyeen ciidamada RSF.

Mas’uuliyiinta dowladda ee daacad u ah ciidanka milatariga ayaa soo dhaweeyay dib-u-qabsashada magaalada, halka hogaamiyaha RSF, Mohamed Hamdan Daglo, uu ballan qaaday inuu magaalada dib ugu soo celin doono gacanta RSF.

“Maanta waxaan luminay wareeg ka mid ah dagaalka, balse ma lumin dagaalka oo dhan,” ayuu yiri Daglo isagoo kula hadlay ciidankiisa khudbad maqal ah oo uu jeediyay Sabtidii fiidkii, isagoo ballan qaaday “guul” ay gaari doonaan.

Dagaalka u dhaxeeya ciidanka Sudan iyo RSF

Dagaalka u dhexeeya ciidanka Sudan iyo RSF ama Dacmu Sariic ayaa billowday bishii April 2023, taas oo horseeday qaxii ugu ba’naa ee caalamka, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, iyo sidoo kale macaluul laga soo sheegay gobollo ka mid ah dalka.

RSF ayaa gacanta ku dhigtay Wad Madani bishii Diseembar ee isla sanadkaas, iyadoo dadka ku nool magaalada ay ka barakaceen tobanaan kun oo ka mid ah, oo u cararay caasimadda Khartoum ee ku taalla waqooyiga.

Sabtidii hore, ciidamada Sudan ayaa warbixin ku sheegay in ay “u hambalyeynayaan shacabka Sudan” kadib markii “ciidamada qaranka ay gudaha u galeen magaalada Wad Madani subaxnimadii”.

Muuqaal ay milatarigu soo dhigeen baraha bulshada ayaa muujinayay dagaalyahanno ku sugan galbeedka Buundada Hantoub oo ku taal waqooyiga magaalada, kaddib markii ilo wareedyo milatari ay u sheegeen wakaaladda wararka ee AFP in ay “weerar ku qaadeen magaalada dhinaceeda bari.”

Afhayeenka dowladda ee daacadda u ah ciidanka, Wasiirka Warfaafinta iyo Dhaqanka Khalid al-Aiser, ayaa sheegay in ciidanku ay “xoreeyeen” magaalada.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sudan ayaa sidoo kale ku tilmaantay dhacdadan “guul weyn oo maanta la gaaray”, iyagoo sheegay in ciidanka milatarigu ay dib ugu laabteen gacanta ku haynta Wad Madani.

Dib-u-qabsashada Wad Madani

Inkasta oo ciidanka Sudan aysan wali ku dhawaaqin si buuxda inay magaalada qabsadeen, haddana waxay sheegeen inay xoreeyeen maxaabiis ay RSF ku heysteen magaalada, isla markaana ay hadda ku hawlan yihiin “nadiifinta kooxda fallaagada ah ee ku haray gudaha magaalada.”

Si madax bannaan looma xaqiijin karin xaaladda dhabta ah ee ka jirta magaalada, maadaama xayiraad dhanka isgaarsiinta ah ay muddo bilooyin ah saameysay deegaanka.

Wad Madani waa magaalo istaraatiiji ah oo ku taalla isgoyska waddooyinka muhiimka ah ee isku xira gobollo badan. Waa magaalo u dhow caasimadda Khartoum, taas oo ka dhigtay guusha Al-Jazira inay noqoto mid ka mid ah guulaha ugu waaweyn ee ciidanka milatariga tan iyo markii ay gacanta ku dhigeen magaalada mataanaha ah ee Omdurman ku dhawaad sanad ka hor.

Goob-jooge ku sugan bartamaha Wad Madani, oo magaciisa qariyay sababo amni awgeed, ayaa u sheegay AFP: “Ciidanka iyo dagaalyahannada la xulufoobay ayaa ku faafay waddooyinka magaalada oo dhan.”

Xasan iyo Abiy oo war cusub soo saaray – Xaaladda Somalia iyo Ethiopia oo waji cusub yeelatay

0

Addis Ababa (Caasimada Online) –Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa war-saxaafadeed wadajir ah kasoo saaray kulamadii galabta dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed, kadib safar uu Xasan Sheekh galabta ku tegay magaalada Addis Ababa.

Ugu horeyn bayaanka ayaa lagu xusay muhiimada ay leedahay in la ixtiraamo madax-bannaanida labada dhinac, iyadoo la iska kaashanayo arrimaha amniga, la dagaalanka argagixisada, dhaqaalaha iyo xasiloonida Gobolka Geeska Afrika.

“Labada masuul ayaa iska xog-wareystay arrimo badan oo khuseeya labada dal iyo kuwa gobolka, waxayna wada-hadallo wax ku ool ah ka yeesheen xoojinta xiriirka walaalnimo ee ka dhexeeya labada dal,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray “Madaxdu waxay ku heshiiyeen inay dib u soo celiyaan oo ay kor u qaadaan xiriirkooda laba geesoodka ah, iyagoo matalaad diblomaasiyadeed oo buuxda u kala dirsanaya caasimadaha labada dal.”

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed waxay carrabka ku adkeeyeen baahida loo qabo in ergadooda diblomaasiyadeed ay si dhow isaga kaashadaan arrimaha khuseeya labada dal.

“Hogaamiyayaasha ayaa xaqiijiyay in xasiloonida gobolka ay u baahan tahay iskaashi adag oo dhex mara labada dal oo ku dhisan is-aaminaad, kalsooni iyo ixtiraam,” ayaa lagu yiri bayaankaan goordhow ka soo baxay wadahadaladii Addis Ababa.

Madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku heshiiyey in laga wada shaqeeyo sidii loo sii xoojin lahaa dadaallada lagu hagaajinayo xiriirka gobolka, kobcinta isfaham guud iyo horumarka la wadaago.

Sidoo kale, wada-hadallada ayaa diiradda lagu saaray sidii loo sii wadi lahaa, loona xoojin lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka ee labada dal.

“Hogaamiyayaasha ayaa hoosta ka xariiqay khatarta halista ah ee khatarta sii kordheysa ee kooxaha xagjirka ah ee gobolka ka jira, waxayna isku raaceen in ay faraan hay’adaha amniga ee kala duwan in ay xoojiyaan iskaashiga horumarinta nabadda iyo xasilloonida gobolka.

“Madaxdu waxay hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga dhaqaalaha, ganacsiga iyo maalgashiga labada dal. Waxay ku heshiiyeen in la ballaariyo isku xirka kaabayaasha dhaqaalaha si loo fududeeyo ganacsiga iyo barwaaqada la wadaago iyada oo loo marayo iskaashi dhaqaale oo xooggan,” ayaa lagu yiri bayaanka Xasan iyo Abiy.

Ugu dambeyntii, waxay Xasan iyo Abiy sheegeen inay go’an tahay xaqiijinta Baaqii Ankara, saaxiibtinimada iyo wadajirka labada dal. “Waxa kale oo ay isla garteen in la dardargeliyo wada xaajoodyada farsamo ee ku cad bayaanka,” ayaa lagu soo gabagabeeyey war-saxaafadeedka laga soo saaray kulankii Xasan iyo Abiy ay ku yeesheen Addis Ababa.

Ku dhowaad 100 Xildhibaan oo qeylo dhaan ka soo saaray ‘dhul boobka’ Xamar ka socda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ku dhawaad 100 Xildhibaan oo ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa digniin adag u diray Xasan Sheekh Maxamuud iyo Kooxdiisa ku howlan wax ay ugu yeereen “boobka iyo iibinta” Dhulalka Danta Guud.

“Annagoo ah xildhibaannada labada Aqal ee BJFS oo gudanaya waajibaadkooda Dastuuriga ah waxaan halkaan ku soo gudbineynaa in loo istaago Ilaalinta Hantida Danta Guud iyo u digidda dadka u fududeeya Villa Somalia boobka Dhulka Danta Guud,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Xildhibaanadaas.

Xildhibaanada ayaa sheegay in shuruucda dalka ee iibka dhulka ay ku waajibinayaan Xukuumadda markii dhulka laga saarayo Diiwaanka Dhulka Danta Guud in ay xaqiijiso 8-daan qodob:

  1. Caddeyn soo bandhigidda in laga maarmay dhulkaan iyo sababata.
  2. In la Naadiyo laguna qoro faafinta rasmiga ee Dowladda, laguna dhejiyo goobaha dadku isugu yimaadaan.
  3. Xaqiijinta u sinnaanta fursadaha helidda dhulka iyo ka faa’iideysiga kheyraadkiisa,
  4. Dammaanad qaadista xuquugda lahaanshaha dhulka iyo diiwaangelinta,
  5. Xaqiijinta ka faa’iideysiga dhulka si waafaqsan Mabaadi’da ka dheefsashada dhulka iyada oo aan dhibaato loo geysan,
  6. Xallinta khilaafaadka ka dhasha dhulka iyo hantida,
  7. Xadeynta dhulka uu qof ama shirkado yeelan karaan,
  8. Nidaaminta dhaqdhaqaaqa suuqa ka ganacsiga dhulka, si looga hortago ku takrifalidda xuquuqda milkiilayaasha dhulka ee yaryar.

Xildhibaannada ayaa sidoo kale sheegay in Xukuumadda aysan soo saarin Siyaasadaha uu Dastuurka faray, isla-markaana aan la marin qodobada sare ku xusan oo sharuucda dalka ay waajibinayaan, hantidana lagu xaraashay qaabka sharci darro ah, lacagta ka soo xarootana ay dhamaanteed gashay jeebka Madaxweynaha oo aan lagu shubin Qasnada Dowladda.

“Madaxwaynaha oo ka soo jeeda bahda waxbarashada ayaa xaraashay dhukii u badka Soomaaliyeed wax ku baranayeen, Sida Jaamacada Umada, Schoolka Ilays iyo kuwo kale oo badan, waana ka xishoon waayey masiirka dhallinyarada Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran:

 

Fal-celin aan caadi ahayn oo ka dhalatay safarka Xasan Sheekh ee Addis Ababa?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Fal-celin aan caadi ahayn ayaa ka dhalatay safar uu galabta madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ku gaaray dalka Itoobiya, kaas oo ay dadweynuhu siyaabo kala duwan uga hadleen.

Villa Soomaaliya oo goor sii horreysay ka warbixisay ujeedada safarka madaxweynaha ayaa sheegtay in magaalada Addis Ababa uu u tegay wada-hadalka ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed, si loo sii amba qaado heshiiskii labada dowladdood ee Ankara.

“Galabta, Madaxweynaha ayaa safar ku tegay Itoobiya ka dib markii uu martiqaad rasmi ah ka helay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Mudane Abiy Axmed. Wadahadalka uu la yeelanayo madaxda Itoobiya ayaa ujeedkiisu yahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo horumarinta danaha wadajirka ah ee labada dal. Socdaalkan ayaa dabasocda heshiiskii dhawaan lagu gaaray Ankara, taas oo ka tarjumaysa iskaashi cusub oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya” ayaa lagu yiri qoraalka.

Haddaba sidee looga fal-celiyay?

Aamina Maxamed “Madaxweynow waji malihid ninkii aa shalay na dhaheysay waa cadaw Soomaaliyed baad galabta u tagesaa koley wax kasta waan kaa filan Karnaaye bal islaali”.

Cabdirisaaq Xaashi “Xassanow meel laguu raaco lama yaqaan ee adeer Bahashaan adaa xariga hayee halkaa doonto u jiid”.

Siyaad Maxamed Dool ““Itoobiya waa cadow Argagixisada ka daran” MW Xassan Sheikh ayaa horey u yiri”.

Cabdiweli Daacad ” Madaxweynuhu isagu waa meeqo qof aniga waan yaaabaye!? Shalay isagaa nalahaa itoobiya waa cadaw,maantana isla isaga ina dhihi doona waa walaal”

Cawil Xaashi “Socdaal diblumaasiyadeed ? Ma socdaal shaqo mise diblumaasiyadeed ? Waxaa muuqata in lagu farbaranaayo mareegtii Villa Somalia”.

Ayuub Cabdi “Tagitaanka Ethiopia madaxweyne kuuga raacsani”

Kuulow Yuusuf ” Kii shalay oo Itoobiya maxaad usoo qori wayseen? Fulay xantiisa ma moogo walee”.

WAR cusub oo kasoo kordhay kiiska labadii wiil ee dilay Hooyadood + Video

Burco (Caasimada Online) – Taliska ciidanka booliska maamulka Somaliland ayaa faah-faahin dheeraad ah maanta ka bixiyay dhacdo argagax leh oo ka dhacday deegaanka Habeedley ee hoostaga magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, kadib markii laba wiil oo kamid ahaa dadka deegaanka lasoo wariyay inay dileen hooyadood.

Marxuumadda oo da’ ahayd ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Aamina Yuusuf Ismaaciil, waxaana dilka loo adeegsaday mindi dhowr meel looga dhuftay, sida uu shaaciyay booliska.

Sarkaal u hadlay booliska Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in haatan ay xiran yihiin labada eedeysane, ayna baaristooda ku ogaadeen in 7 toorey lagu dhuftay hooyada.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in goobta uu dilku ka dhacay ay kaliya ku sugnaayeen labada wiil iyo hooyadood.

“Kiiskan markii aan baaritaanka u galnay oo aan dadkii goobjoogga ahaa wax ka qornay wuxuu arrintaasu booliska usoo xiray laba ay dhashay islaantaasi marxuumadda ah ee la oran jiray Aamino Yuusuf Ismaaciil” ayuu yiri sarkaal sare oo u hadlay booliska Somaliland.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Dadkii mayray waxay noo sheegeen in todoba toorey ay ku dhaceen, waxaa kaloo naloo cadeeyay in cid kale aanay goobta joogin”.

Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in kiiskan ay ku wareejin doonaan maxkamadda, si eedeysanayaasha loo horgeeyo sharciga, kadibna tallaabo looga qaado.

Dhacdadan xanuunka badan ayaa dhalisay falcelin xooggan, waxaana aad looga hadal-hayaa warbaahinta iyo sidoo kale baraha bulshada Internet-ka.

Madaxweyne Xasan oo ka dagay Addis Ababa + Sawirro

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo kasoo duulay magaalada Kampala ayaa goordhow gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya, halkaas oo uu kusoo dhaweeyay ra’iisul wasaaraha dalkaasi.

Madaxweyne Xasan ayaa casuumaad rasmi ah ka helay ra’iisul wasaare Abiy Axmed oo uu wada-hadallo xasaasi ah ku yeelan doono magaalada caasimad ah ee Addis Ababa.

Vill Soomaaliya oo goor sii horeysay qoraal soo saartay ayaa sheegtay in ujeedka ugu wayn uu yahay sii amba qaadida wada-hadallada labada dowladood, si loo dhameystiro heshiiska Ankara.

“Galabta, Madaxweynaha ayaa safar ku tagi doona Itoobiya ka dib markii uu martiqaad rasmi ah ka helay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Mudane Abiy Axmed. Wadahadalka uu la yeelanayo madaxda Itoobiya ayaa ujeedkiisu yahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo horumarinta danaha wadajirka ah ee labada dal. Socdaalkan ayaa dabasocda heshiiskii dhawaan lagu gaaray Ankara, taas oo ka tarjumaysa iskaashi cusub oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya” ayaa lagu yiri qoraalka.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in suuragal ay tahay in labada dowladood ay kala saxiixdaan heshiis cusub oo ku aadan badda, maadaama horay Soomaaliya u ogolaatay in Itoobiya siiso marin biyood, iyada oo toos ugala macaamileyso dowladda dhexe.

Sidoo kale waxaa labada dhinac ay ka wada-hadli doonaan arrinta ciidamada Itoobiya iyo ka qayb galka howlgalka AUSSOM ee sanadkan cusub ka billowday gudaha Soomaaliya.

Dhinaca kale, hadal-heyn xooggan ayaa ka dhalatay booqashada la filayo in madaxweyne Xasan Sheekh ku gaaro Addis Ababa, maadaama ay kusoo aaday xilli xasaasi ah, horayna madaxweynaha uu mowqif adag uga qaatay arrinta Itoobiya.

Dadweynaha ayaa is weydiinaya sababaha soo dadajiyay safarka madaxweynaha, inkastoo labada dowladood ay dhowaan heshiis ku gaareen magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

Horay waxaa Addis Abaa u booqday wafdi ka socday wasaaradda arrimaha dibadda iyo taliyaha NISA, kuwaas oo wada-hadallo lasoo yeeshay dowladda federaalka Itoobiya.

Somalia, Masar iyo Eritrea oo tallaabo culus qaaday + Sawirro

0

Qaahira (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya, Masar iyo Eritrea ayaa qaaday tallaabo culus oo la xiriira dadaallada saddex geesoodka ah ee ay wadaan, kadib kulan ay maanta magaalada Qaahir ku yeesheen saddexda wasiir arrimo dibadeed ee dalalkan.

War-murtiyeed kasoo baxay shirka saddexda wasiir ayaa looga hadlay tillaabooyinka fulineed ee loo cuskaday awaamiirtii saddexda hoggaamiye ee ka soo baxay shirkii Asmara, si kor loogu qaado ammaanka Geeska Afrika iyo gobolka Badda Cas, iyo ilaalinta midnimada iyo madaxbannaanida dalalka gobolka, iyada oo la raacayo qaab-dhismeedka xeerarka iyo xeerarka sharciga caalamiga ah, iyo mabda’a faragelin la’aanta arrimaha gudaha ee dalalka.

Wasiirada arrimaha dibadda Soomaaliya, Masar iyo Eritrea ayaa sidoo kale isla soo qaaday amniga Soomaaliya, gaar ahan iskaashiga ka dhaxeeya Masar iyo Soomaaliya, si ay uga qeyb qaataan dadaallada nabad ilaalinta iyo nabadeynta Soomaaliya, iyo ka qeybgalka Masar ee taageerada Midowga Afrika iyo Hawlgalka Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM).

Saddexda wasiir ayaa sidoo kale ka arrinsaday arrimo ay kamid yihiin sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen tayeynta hay’adaha dowladda Soomaaliya, si ay awood ugu yeeshaan ciribtirka argagixisada, in la gaarsiiyo gacan ku haynta guud ahaan dhulkeeda, iyo sidoo kale sidii loo xoojin lahaa awoodda dowladda ee ilaalinta xuduudaheeda berriga iyo badda.

Waxaa kale oo ay kulankooda kusoo qadeen isbedellada ka socda gobolka, gaar ahaan xaaladda Suudaan iyo saamaynta gobolka, iskaashiga dalalka ku teedsan badda cas, xaaladda Soomaaliya iyo sii wadida xiriirka diblomaasiyadeed ee saddexda dal.

Dhinaca kale dowladaha Soomaaliya iyo Eritrea ayaa waxa ay si weyn u taageereen musharraxa Masar oo tartamaa xilka Agaasimaha Guud ee UNESCO, Dr. Khaled Al-Anani.

Ugu dambeyn waxaa la isku afgartay in kor loo qaado isku xirka iyo hagaajinta u diyaar garowga wareegga labaad ee shir madaxeedka saddex geesoodka ah ee Masar, Eritera iyo Soomaaliya, xilli dhawaan lagu heshiin doono saddexda dal.

Si kastaba, tallaabadan ay maanta qaadeen Soomaaliya, Masar iyo Itoobiya ayaa kusoo aadeyso, iyada oo galabta la filayo in madaxweyne Xasan Sheekh uu gaaro Addis Ababa, halkaas oo uu wada-hadallo kula yeelan doonto ra’iisul wasaare Abiy Axmed, kuwaas oo la xiriira dhammeystirka heshiiska Ankara, sida ay shaaca ka qaaday Villa Soomaaliya.

Ciidamada DF iyo kuwa AUSSOM oo fashiliyay qaraxyo culus + Sawirro

0

Marka (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgallo oo ay maanta si wadajir ah u sameeyeen ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa howlgalka AUSSOM oo isku fidiyay deegaanno badan oo dhaca gobolka Shabeelaha Hoose.

Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa lagu fashiliyay weerar gaadmo ah iyo qaraxyo culus oo ay soo maleegeen xubnaha kooxda Al-Shabaab, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay Taliska AUSSOM.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in ciidamada ay howlgal amni xaqiijin ah ka fuliyeen inta u dhexeysa deegaannada KM 50 iyo Ceeljaalle, ayna soo saareen miinooyin ay dhigeen Al-Shabaab.

“Ciidanka UPDF ee Hawlgalka AUSSOM, oo ay wehliyeen SNAForce, ayaa sugay amniga waddada muhiimka ah ee u dhaxeysa KM 50 iyo Ceeljaalle ee Shabeellaha Hoose, iyagoo siibay walxo qarxa, ka hortagay weerarro gaadmo ah isla markaasna meesha ka saaray halis ka imaaneysay kooxda Al-Shabaab.  Roondadan wadajirka ah ayaa xaaiijisay in dadka & badeecooyinka ay si nabad ah u kala gooshi karaan dhabbahan” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale Taliska AUSSOM ayaa shaaca ka qaaday in ujeedka qaraxyada uu ahaa in lagu beegsado kolonyadood, balse ay ka hortageen, kadibna ay qarxiyeen.

Waxaa kale oo ay intaasi kusii dareen inay ka go’an tahay inay sii wadaan howlgalladooda, iyaga oo kaashanaya ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

“Kooxaha miino baarista ayaa qaraxyo ka nadiifiyay deegaanno walxaha qarxa la galiyay iyagoo si nabad ah u qarxiyay qaraxyo lala bartilmaameedsan rabay kolonyada AUSSOM, dadka deegaanka iyo dadaallada banii’aadannimada” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “AUSSOM UPDF iyo SNAF waxaa ka go’an xaqiijinta amniga waddooyinka muhiimka ah, iyo ilaalinta bulshooyinka si Soomaaliya ay u hesho nabad & amni”.

Shabeelaha Hoose ayaa waxaa weli ku xoogan maleeshiyaadka Al-Shabaab oo badanaa weeraro kasoo abaabula gobolkan, waxayna beesadaan ciidanka iyo goobaha muhiimka ah.

Villa Somalia oo shaaca ka qaaday ujeedka safarka Madaxweynaha ee Itoobiya

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay Villa Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay safar uu maanta madaxweyne Xasan Sheekh ku aaday dalka Uganda iyo mid kale oo uu galabta ugu ambabaxayo magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Villa Soomaaliya oo shaacisay ujeedooyinka safarada madaxweynaha ayaa sheegtay in Kampala uu uga qayl-galayo lo Shir-madaxeedka Barnaamijka Horumarinta Beeraha Qaaradda Afrika ee (CAADP), isla markaana looga hadlayo aalgelinta iyo horumarinta beeraha qaaradda, iyada oo la xoojinayo doorka muhiimka ah ee beeruhu ku leeyihiin koboca dhaqaalaha iyo sugnaanta cuntada.

Sidoo kale Villa Soomaaliya ayaa xaqiijisay in madaxweynuhu galabta usii gudbi doono magaalada Addis Ababa, uuna halkaasi wada-hadallo kula yeelan doono ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed, si loo sii amba qaado wada-hadallada labada dowladdood.

“Galabta, Madaxweynaha ayaa safar ku tagi doona Itoobiya ka dib markii uu martiqaad rasmi ah ka helay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Mudane Abiy Axmed. Wadahadalka uu la yeelanayo madaxda Itoobiya ayaa ujeedkiisu yahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo horumarinta danaha wadajirka ah ee labada dal. Socdaalkan ayaa dabasocda heshiiskii dhawaan lagu gaaray Ankara, taas oo ka tarjumaysa iskaashi cusub oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya” ayaa lagu yiri qoraalka.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka;-

Madaxweynaha JFS Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo u ambabaxay socdaal diblomaasiyadeed

Muqdisho, Soomaaliya – 11ka Janaayo, 2025

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta u ambabaxay dalka Uganda si uu uga qeybgalo Shir-madaxeedka Barnaamijka Horumarinta Beeraha Qaaradda Afrika ee (CAADP). Madasha ayaa isu keenaysa hoggaamiyeyaasha Afrika si ay uga wadahadlaan maalgelinta iyo horumarinta beeraha qaaradda, iyada oo la xoojinayo doorka muhiimka ah ee beeruhu ku leeyihiin koboca dhaqaalaha iyo sugnaanta cuntada.

Inta uu shirku socdo, Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo gaar ah la yeelan doona Madaxweynaha Uganda, Mudane Yoweri Kaguta Museveni, iyo Madaxweynaha Kenya, Dr. William Samoei Ruto. Kulamadan ayaa diiradda lagu saari doonaa arrimo ay ka mid yihiin xasilloonida gobolka, iskaashiga dhaqaale, iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo dhaqaale ee Soomaaliya iyo dalalka deriska ah.

Galabta, Madaxweynaha ayaa safar ku tagi doona Itoobiya ka dib markii uu martiqaad rasmi ah ka helay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Mudane Abiy Axmed. Wadahadalka uu la yeelanayo madaxda Itoobiya ayaa ujeedkiisu yahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo horumarinta danaha wadajirka ah ee labada dal. Socdaalkan ayaa dabasocda heshiiskii dhawaan lagu gaaray Ankara, taas oo ka tarjumaysa iskaashi cusub oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Socdaallada diblomaasiyadeed ee Madaxweynaha ayaa qeyb ka ah safarro ballaaran oo uu ku marayo gobolka, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen booqashooyin guul leh oo uu dhawaan ku tagay dalalka Ereteriya iyo Jabuuti. Intii uu ku sugnaa dalalkan, Madaxweynaha ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta iskaashiga adag ee kala dhaxeeya dalalka deriska ah iyo horumarinta yoolalka wadajirka ah ee nabadda, horumarka, iyo xasilloonida Geeska Afrika.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si xooggan uga shaqeynaysa xoojinta iskaashiga goboleed ee lagu gaarayo barwaaqada. Dadaalladan ayaa la jaanqaadaya aragtida Soomaaliya ee ku saleysan midnimo, iskaashi, iyo horumar waara oo loogu daneynayo dalalka gobolka oo dhan.

DHAMAAD

PUNTLAND oo soo riday diyaarado Drones ah, kadib markii..

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal culus oo weli ciidamada difaaca Puntland ay ka wadaan dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, kaas oo lagu beegsanayo fariisimaha maleeshiyada kooxda Daacish.

Inta uu socday howlgalkan waxaa lagu burburiyey ugu yaraan sideed talis oo Khawaarijta Daacish ay ku lahaayeen dhulka Buuraleyda ah ee gobolka Bari, gaar ahaan aagga Togga Il-cameyro ee buuralayda Cal-miskaad , sida ay sheegtay Puntland oo qoraal soo saartay.

“Ciidamada difaaca Puntland ayaa in ka badan 8 Talis iyo Saldhigyo ka burburiyey Argagixisada daacish, kuwaas oo ay ku lahaayeen buuraleyda Calmiskaad ee G. Bari, gaar ahaan togagga Lugele, Dhabanacado, il iyo Camayra, Hoobato, Taagtaag iyo buurta Baal-gorey” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay taliska ciidamada PMPF.

Sidoo kale waxaa lasoo riday diyaarado Drones ah oo ay adeegsanayeen xubnaha kooxda Daacish ee ku sugan dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari.

Sawirrada diyaaradan oo la baahiyay ayaa waxa ay noocooda Puntland ku sheegtay inay yihiin kuwa wax basaasa, ayna kooxda u adeegsaneysay ciidamada howlgalka wada.

Waxaa kale oo howlgalkan lagu soo furtay , hub iyo saanad ay goobahaas uga carareen maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab oo haatan weeraro kala kulmayo ciidamada.

Xaaladda ayaa weli kascsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa goobaha ay howlgallada ka socdaan ee aagga Togga Il-cameyro ee buuralayda Cal-miskaad.

Puntland ayaa qaaday guluf ka dhan ah kooxaha argagixisad ah ee ku suga aagga dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, halkaas oo qorshuhu yahay in laga xoreeyo.