26.1 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Sawirro: DF oo Aadan Cadde ka soo dejisay rag ku lumay xeebta Muqdisho oo laga helay Shiinaha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa galabta garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka soo dejisay labo muwaadin oo Soomaaliyeed oo lagu kala magacaabo Ibraahim Maxamud Cali iyo Sharma’arke Nuur Cabdi Aadan, raggaan ayaa laga soo badbaadiyay Badweynta Hindiya.

Markab laga leeyahay dalka Shiinaha ayaa muwaadiniintaan ka soo badbaadiyay badda, kadib markii ay ciladowday Dooni ay ku kalluumeysanayeen, muddo 24 maalmood ah ayey ku jireen badda, iyadoo Doonta ciladeysan ay hadba dhinac la aadeysay.

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Shiinaha oo ka war heshay xaaladda labadaas muwaadin ayaa la xiriirtay Kaptanka Markabkii badbaadiyey muwaadiniintaan, waxaana suurtagashay in gurmad loo fidiyo, iyadoo ugu dambeyntii galabta laga soo dejiyey Muqdisho.

Ibraahim iyo Sharma’arke oo ka warbixiyey marxaladihii ay soo mareen ayaa sheegay in markii ay Doontu ka ciladowday ay ka kalluumeysanayeen xeebaha magaalada Muqdisho, dabaysha ayaa laashka u qaaday gudaha Badweynta Hindiya, waxayna ku qaadatay 25 cisho oo cunto iyo biyo aysan helin, sida lagu sheegay warbixinta safaaradda Soomaaliya ee dalka Shiinaha.

Seddax maalmood ka hor 10-kii bishaan Janaayo 2025 ayaa Shiinaha la geeyey Ibraahim iyo Sharma’arke, maanta 13-ka Janaayo laga soo dejiyey Muqdisho, iyadoo garoonka Aadan Cadde ay ku soo dhaweeyeen masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Maxaa laga yeelaya qunsuliyada Itoobiya ee Hargeysa kadib heshiiskii Addis

Addis Ababa (Caasimada Online) – Kadib isku soo dhowaanshaha Soomaaliya iyo Itoobiya iyo heshiiskii Addis Ababa ee madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa sanad kadib waxaa soo laabatay saaxiibtinimadii labada dhinac.

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in xal rasmi ah laga gaaray arrimihii ka taagnaa qunsuliyada Itoobiya ee Hargeysa oo horey dowladda federaalka u amartay in la xiro.

Sidoo kale qunsuliyadda Garoowe, oo xilligii ay sida weyn isku hayeen Soomaaliya iyo Itoobiya uu saameeyay khilaafka ayaa iyaduna si toos ah loo hoos geeyay safaaradda Itoobiya ee Soomaaliya.

Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheegtay in haatan wixii ka dambeeya ay qunsuliyadahan si toos ah u hoostagi doonaan safaaradda Itoobiya ee Muqdisho, halka horey ugu madax-banaanayeen howlahooda.

Wasiiru-dowlaha wasaaradda, Danjire Cali Balcad oo wareysi siiyay VOA ayaa arrintaan xaqiijiyay, isagoo sheegay in labada dal ay sidoo kale isku afgarteen in Itoobiya qunsulo cusub usoo magacowdo Hargeysa iyo Garoowe.

Dhawaan ayey aheyd markii maamulka Puntland uu Garoowe ka sagootiyay qunsulkii Itoobiya u fadhiyay magaaladaasi, kadib markii looga yeeray dalkiisa, loona sheegay inuu soo idlaaday waajibkiisi shaqo.

Inkasta oo aysan Itoobiya u hoggaamsamin amarkii hore ee dowladda Soomaaliya ku xirtay labada qunsuliyadood, ayaa haatan waxay Addis Ababa muujineysa dabacsanaan, xilli ay dhinacyada isku soo dhawaanayaan kadib sanad uu khilaaf xooggan ka dhex aloosna.

Xogta dagaal culus oo maanta ka dhacay Puntland – Yuu u dhaxeeya?

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Dagaal xooggan ayaa maanta markale ka dhacay gudaha maamulka Puntland, kaasi oo u dhaxeeya ciidamada maamulka iyo ururka Daacish.

Maamulka Puntland ayaa sheegay in dagaalkan ay ku dileen in ka badan 20 qof oo ka tirsan maleeshiyadda Daacish.

Dagaalkan ayaa ka dhacay togga Dhabancad oo qiyaastii 13 km u jira degmada Balidhidhin ee gobolka Bari, wuxuuna billowday abaare sideedii subaxnimo, sida uu sheegay afhayeen u hadlay ciidamada Puntland, Afhayeenka ciidamada Puntland Jeneral Maxamed Maxamuud Axmed.

Dagaalkaan ayaa la sheegayaa inuu ku bilowday qarax, hoobiyaal iyo diyaarado Drones ah oo lala beegsaday ciidamadda Puntland.

Afhayeenka oo wareysi siiyey VOA ayaa sheegay in dadka dagaalka lagu dilay oo kor u dhaafay 20 ay ku jiraan ajaanib, halka afar kamid ah ay ahaayeen caddaan iyo haweeney ku hadleysay afka Amxaarada ee Itoobiya, sida uu hadalka u dhigay.

“Dhankayaga waxaa nooga dhintay laba askari, halka saddex kalena ay ku dhaawacmeen kadib markii gaarigooda qarax lala eegtay,” ayuu yiri afhayeenka oo xaqiijiyay khasaaraha soo gaaray dhankooda.

Waxa uu intaas ku daray in Daacish ay adeegsadeen diyaarado yaryar oo drone ah, oo walxo qarxa ay kusoo xireen, kuwaas oo uu sheegay in la soo riday.

Afhayeenka ayaa sheegay in ciidamada Puntland ay la wareegeen fadhiisinkii kooxda Daacish. Kooxda Daacish ee Soomaaliya ayaan weli ka hadlin dagaalka.

Dagaallada u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo maleeshiyada Daacish ayaa dib u laba kacleeyey laba toddobaad kahor markii ay Puntland shaacisay in ay weerari doonto kooxaha argigixisada, balse kadib ay Daacish weerar toos ah oo isugu jira qaraxyo iyo dagaal ku soo qaadeen qayb ka mid ah ciidamadii ku sugnaa buuraha degaanka Dharjaale.

Kooxda Daacish ee Soomaaliya oo muddo aheyd laan yar oo ka tirsan kooxda caalamiga ah ee Daacish ama isugu yeerta khilaafadda Islaamiga ah ayaa sanadihii ugu dambeeyey yeelatay muhiimad iyo saameyn.

Arrin ka cusub himilada SACUUDIGA ee Nukliyeerka

Riyadh (Caasimada Online) – Wasiirka Tamarta Sacuudiga, Amiir Cabdulcasiis bin Salmaan ayaa sheegay in boqortooyada ay qorsheyneyso in ay lacag ka sameyso dhammaan macdanaha kala duwan oo ay ku jirto iibinta uranium-ka.

“Waan bacramin doonnaa, waana iibin doonnaa, waxaana samayn doonnaa ‘doolshada huruudka ah,” ayuu Amiir Cabdulcasiis ka sheegay shir ka dhacay Dhahran, isagoo tixraacaya budada laga sameeyo macdantaas oo loo isticmaalo in lagu diyaariyo shidaalka uranium-ka ee warshadaha Nukliyeerka.

Maadadan ayaa u baahan in si taxaddar leh loo maareeyo inkasta oo ay khatar yar oo shucaac ah leedahay.

Sacuudi Carabiya waxay leedahay barnaamij Nukliyeer oo soo koraya oo ay doonayso inay ballaariso si ay ugu dambayn ugu darto hodminta uranium-ka, taas oo ah arrin xasaasi ah marka loo eego doorka ay ku leedahay hubka Nukliyeerka.

Riyadh ayaa sheegtay inay doonayso inay isticmaasho tamarta Nukliyeerka si ay u kala duwdo tamarta ay isticmaasho.

Lama oga halka ay ku dhammaan doonaan himilooyinka Nukliyeerka ee Sacuudiga, maadaama Dhaxal-sugaha Boqortooyada Maxamed bin Salmaan uu sheegay 2018 in boqortooyadu ay samayn doonto hub Nukliyeer haddii Iran oo ay gobolka ku xafiiltamaan ay sidaas samayso.

Imaaraadka Carabta, oo ay ka wada tirsan yihiin Khaliijk,a ayaa ah dalkii ugu horreeyey ee Carab ah ee yeesha warshad tamarta Nukliyeerka ah. Imaaraadku wuxuu ballan-qaaday inuusan bacramin doonin uranium-ka, oo uusan dib u farsamayn doonin shidaalka la isticmaalay.

Boqortooyada ayaa sheegtay sannadkii hore inay qorsheyneyso inay meesha ka saarto kormeerka fudud ee ay hay’adda Nukliyeerka ee Qaramada Midoobay ku hayso xarumaha Nukliyeerka, ayna u wareegto kormeer caadi ah dabayaaqada 2024-ka.

Riyadh weli ma shidin warshadeedii ugu horreysay ee Nukliyeerka, taas oo qasbeysa in barnaamijkeeda la kormeero iyadoo la raacayo hab-raaca SQP, oo ah heshiis ay la gashay Wakaaladda Tamarta Atomiga ee Caalamiga ah (IAEA) oo dalalka aan sidaa u horumarsanayn ka reebaya waajibaadyo badan oo warbixin iyo kormeer ah.

Markabkii ay $10-ka milyan ka dalbadeen burcad badeeda oo la sii dayey kadib markii…

Boosaaso (Caasimada Online) – Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa sheegtay Isniinta maanta ah in markab kalluumeysi oo laga leeyahay Shiinaha, kaas oo lagu afduubtay meel ka baxsan xeebta Soomaaliya bishii November, la sii daayay isaga iyo 18 shaqaale ah oo saarnaa.

Safaaradda ayaa qoraal ay soo dhigtay barta X ku sheegtay in shaqaalaha la soo badbaadiyay Isniintaka dib “dadaallo aan kala go’ lahayn oo ay samaysay dowladda Shiinaha.”

“Dowladda Shiinaha waxay si adag u cambaareyneysaa falkan foosha xun oo khatar galiyay badqabka shaqaalaha iyo amniga maraakiibta caalamiga ah, waxayna sii wadi doontaa inay si adag u difaacdo xuquuqda sharciga ah ee muwaadiniinta Shiinaha iyo shirkadahooda ku sugan dibadda,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Markabka iyo shaqaalihiisa ayaa la afduubtay dabayaaqadii bishii November waxaana lala aaday degmada Xaafuun ee dowlad-goboleedka Puntland, oo ah dhul ku yaalla waqooyi-bari Soomaaliya.

Burcad-badeedda afduubatay markabka ayaa markii dambe dalbaday madax-furasho dhan $10 milyan.

Lama oga in lacagta la bixiyay iyo in kale.

Qoraalka safaaradda ayaa lagu sheegay in “dowladda Shiinaha ay wadashaqeyn iyo iskaashi dhow kala lahayd” mas’uuliyiinta dowladda federaalka ee Soomaaliya iyo sidoo kale maamul-goboleedka Puntland dadaallada lagu soo bad-baadinayay markabka iyo shaqaalihiisa.

Afduubkan ayaa muujinaya caqabadaha joogtada ah ee amniga badda ee biyaha Soomaaliya. Soomaaliya ayaa waxaa muddo sanado ah aafeeyay burcad-badeednimo, taas oo heerkeedii ugu sarreeyay gaartay 2011, markaas oo Qaramada Midoobay ay sheegtay in in ka badan 160 weerar laga diiwaan geliyay xeebaha Soomaaliya.

Dhacdooyinka, si kastaba ha ahaatee, si aad ah ayay hoos ugu dhaceen tan iyo markaas, taas oo inta badan ay sabab u aheyd joogitaanka ciidamada badda ee Maraykanka iyo xulafadiisa ee biyaha caalamiga ah.

AP + VOA

Dowlada oo ku dhowaaqday hannaanka loo marayo xubinimada guddiga qaran ee…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday hannaanka loo marayo kamid noqoshada Guddiga Qaranka ee Tacliinta Sare.

Wasaaradda ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in gursaddan ay tahay mid diiradda lagu saarayo xoojinta iyo horumarinta tacliinta sare ee dalka.

Shuruudaha xubinnimada ayaa waxaa kamid ah soo gudbinta dukumentiyo rasmi ah, oo ay ku jiraan CV, shahaadooyin tacliimeed, warqad codsi shaqo iyo cilmibaarisyo hore.

Xubnaha cusub ayaa lagu dooran doonaa hannaan waafaqsan sharciga tacliinta sare, gaar ahaan qodobka 12-aad iyo faqradihiisa kala duwan oo qeexaya habraaca xulashada.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in codsiyada la xareyn karo illaa 30-ka Janaayo 2025, iyadoo ay wasaaraddu sheegtay in loo baahan yahay xubno leh aqoon, waayo-aragnimo, iyo karti sare si ay ugu adeegaan hormarinta nidaamka waxbarasho ee dalka.

Waajibaadka guddigan ayaa waxaa kamid ah; dejinta siyaasadaha qaran ee tacliinta sare oo la jaanqaadi kara ujeeddooyinka guud ee qaranka, ka talabixinta horumarinta tacliinta sare iyo ku xirideeda baahida suuqa.

“Guddigan waxaa lagu soo xulan doonaa hanaan waafaqsan sharciga tacliinta sare, qodobka 12-aad, faqradihiisa 2-aad, 3-aad, 4-aad iyo 5-aad. Waxaana codsiyada lagu hagaajinayaa guddi hawleedka u xilsaaran arrinkan,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda.

Soomaaliya oo amar siisay safiirkeeda Itoobiya kadib kulankii Xasan iyo Abiy

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya oo ka hadashay isbeddalka ku yimid xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya, kadib wada-hadalladii ka dhacay Addis Ababa ayaa soo saartay amar ku socda safiirka Soomaaliya ee Itoobiya.

Wasiiru dowladaha wasaaradda arrimaha dibadda, Cali Balcad oo boggaadiyay guulaha laga gaaray wada-hadalladii ugu dambeeyay ayaa shaaca ka qaaday in haatan wixii ka dambeeya la farayo danjiraha Soomaaliya u fadhiya Addis Ababa inuu xoogga saarayo arrimaha Itoobiya iyo Midowga Afrika.

Cali Balcad ayaa sheegay in markii hore ay Soomaaliya ay diiradda saareysay oo kaliya Midowga Afrika balse ay kla shaqeyn doonaan xoojinta xiriirka labada dowladood.

“Safiirka Soomaaliya ee Addis Ababa oo xoogga saari jiray arrimaha Midowga Afrika awal waxa u xooggiisa saarayay AU-da oo wax badan kama qabaneyn arrinta Itoobiya balse hadda kaddib waxa uu xoojinayaa arrimaha Itoobiya” ayuu yiri Wasiir Cali Balcad.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Waxay soo dirsan doonaan labadii Qunsul ee u kala joogay Muqdisho iyo Garowe, kuwaas oo hoos imaa doona safaaradda Muqdisho,”.

Dhinaca kale wuxuu hoosta ka xariiqay in ay sii socon doonaan dadaallada, gaar ahaan yoolka ah sidii la isugu dheeli-tiri lahaa howlgalka cusub ee AUSSOM ee Soomaaliya maadaama horay loo kala qaybiyay Dowladaha iyo sida ay ciidamadooda uga qaybgali karaan.

Itoobiya ayaa haatan dadaal xoogleh gelineyso, sidii ay ciidamadeeda uga mid noqon lahaayeen howlgalka cusub, waana sababta ugu wayn ee soo dadajisay heshiiska.

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ka heshiiyay khilaaf diblumaasiyadeed oo dhex yaalay muddo sanad ah, waxaana Xasan Sheekh iyo Abiy ay ugu dambeyn soo afjareen xiisadda.

Hogaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo oo iclaamiyay dagaal ay ku qabsanayaan…

Laascaanood (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo, Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) oo hadal ka jeediyay munaasabad xalay ka dhacday magaalada Laascaanood ayaa hanjabaad culus u diray Somaliland oo uu weli kala dhexeeyo dagaal ku aadan gacanta ku heynta Sool iyo Sanaag.

Firdhiye ayaa shaaca ka qaaday inay u diyaar garoobayaan dagaal horleh, si ay u qabsadaan deegaannada weli ka maqan gacantooda, isaga oo wacad ku maray inay adeegsan doonaan awood ciidan, si ay u qabsadaan deegaannadaasi.

Hoggaamiyaha SSC ayaa si gaar ah u carab baabay magaalada Ceerigaabo oo ay hadda ku sugan yihiin ciidamada Somaliland, isaga oo ku goodiyay inay ka saari doonaan.

Sidoo kale wuxuu farriin u diray bulshada SSC-Khaatumo oo uu ku booriyay inay u dyaar garoobaan dagaalkaan, isaga oo ugu baaqay inay qayb ka noqdaan halganka socda.

“Waxaa halkan uga sheegaya Reer SSC meel ay joogaanba in loo diyaar-garoobo sidii aynu ugu guuri lahayn Ceerigaabo iyo gobolka Sanaag inta gacanteenna ka maqan si aynu u dhammaystirno halgankii aan u galnay dhulkeenna iyo masiirkeenna” ayuu yiri Firdhiye.

Dhinaca kale waxa uu ku eedeeyay ciidamada Somaliland in ay dhibaato ku hayaan bulshada dadka deegaanka, gaar ahaan dadka kasoo jeeda SSC, ayna ka hortagi doonaan.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhowaan labada dhinac ay ku dagaalameen magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, inkastoo dib loo durjiyay SSC.

Somaliland oo ku dhowaaqday qorshe xiisad abuuri kara oo la xiriira hawada Soomaaliya

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in waddo  qorshe ay dib ugu soo ceshanayso maamulka hawada, arrintaas oo ah horumar xasaasi ah oo kordhin kara xiisadda kala dhaxaysa Soomaaliya.

Hawada saree e Soomaaliya, oo ay haatan maamusho dawladda Soomaaliya, ayaa hore ugu hoos jirtay kormeer caalami ah ka hor inta aan la wareejin dhowr sano ka hor.

Fu’aad Axmed Nuux, Wasiirka Duulista Hawada iyo Horumarinta Garoomada ee Somaliland, ayaa xaqiijiyay in dib u soo celinta maamulka hawadu ay mudnaanta koowaad u leedahay xukuumadda.

Go’aankan ayaa yimid iyadoo ay jirto muran daba dheeraaday oo kala dhexeeya Soomaaliya oo ku saabsan maamulka hawada, kaasi oo socday muddo sanado ah.

“Waxaa muran nagala dhexeeyaa Soomaaliya oo ku saabsan maamulka hawada, hadafkayaguna waa inaan dib u soo celino gacan ku haynta buuxda ee hawadeena,” ayuu yiri Wasiir Fu’aad.

“Waxaan qaadeynaa tallaabooyin sharci ah si aan dib ugu soo ceshano gacan ku haynta,” ayuu Fu’aad sharaxay. “Waxaan qorshaynaynaa inaan raadinno taageero sharci oo caalami ah si ay noogu caawiso howshan.”

Khilaafka hawada ayaa waxaa sii kordhiyay heshiiskii dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland, kaas oo Itoobiya u ogolaaday inay hesho marin badeed, beddelkeedana ay aqoonsi siiso madax-bannaanida Somaliland.

Soomaaliya, oo u aragta Somaliland inay qayb ka tahay dhulkeeda, ayaa si adag uga soo horjeesatay heshiiska, iyadoo ku eedaysay Itoobiya inay ku xad-gudubtay madax-banaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Khilaafku wuxuu hore u sababay dhowr dhacdo oo muhiim ah, oo ay ka mid yihiin diidmadii Soomaaliya ee duullimaadyo badan oo ku socday Somaliland, gaar ahaan duullimaadyadii Ethiopian Airlines oo siday saraakiil sar-sare.

Maamulka Soomaaliya ayaa sidoo kale dib u celiyay diyaarad Ethiopian Airlines ah iyo diyaarad xamuul ah, oo labaduba oo isku dayay inay ka degaan Hargeysa, caasimadda Somaliland.

Khilaafka hawada ayaa sidoo kale sababay walaac dhinaca ammaanka ah. Horraantii 2024, mas’uuliyiinta duulista hawada caalamiga ah ayaa soo wariyay dhacdooyin sababi karay isku dhac diyaaradeed, sida kiis dhowaan dhacay oo u dhexeeyay diyaarad Qatar Airways ah iyo Ethiopian Airlines.

Tilmaamaha is-khilaafsan ee kontoroolka taraafikada hawada (ATC), gaar ahaan kuwa ka imanaya kontoroolayaasha aan la fasixin, ayaa sare u qaaday digniinta ku saabsan badqabka duullimaadyada ku safraya hawada Soomaaliya.

“Arrinta tilmaamaha is-khilaafsan ee ATC waxay noqonaysaa khatar amni oo halis ah,” ayuu yiri afhayeen u hadlay Ururka Duulista Hawada Caalamiga ah (ICAO). “Waxaan si dhow ula soconaa xaaladda si loo hubiyo badqabka duullimaadyada caalamiga ah.”

Soomaaliya ayaa ka jawaabtay khilaafka sii kordhaya iyadoo hirgelisay nidaamyo isgaarsiineed oo cusub si ay si hufan ugu maamusho taraafikada hawada.

Nidaam cusub oo telefoonka satellite-ka ah oo ay adeegsadaan kontoroolayaasha taraafikada hawada ee Soomaaliyeed ayaa ujeedkiisu yahay in wax laga qabto walaacyada ammaanka iyadoo la hagaajinayo isgaarsiinta diyaaradaha ku duulaya hawada lagu muransan yahay.

Si kastaba ha ahaatee, Somaliland ayaa dhaleeceysay dadaalladan, iyadoo ku eedaysay Soomaaliya inay nidaamkan u isticmaalayso si ay u sii wiiqdo maamulka Somaliland.

Somaliland ayaa sidoo kale ku eedaysay Soomaaliya inay si xun u maamushay in ka badan $60 milyan oo dollar oo loogu talagalay maareynta taraafikada hawada iyo horumarinta garoomada diyaaradaha.

Hay’adda Duulista Hawada ee Somaliland ayaa ku andacootay in Soomaaliya ay ku guuldarraysatay inay ixtiraamto heshiisyada la xiriira kaabayaasha garoomada diyaaradaha, taasoo horseedday carqaladeyn ku timaada taraafikada hawada iyo dib u dhac weyn oo ku yimid horumarinta waaxda duulista hawada ee Somaliland.

Marka laga soo tago dib u soo ceshiga gacan ku haynta hawada, xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in ay xoogga saarayso ballaarinta iyo casriyeynta garoomada diyaaradaha ee muhiimka ah ee dalka oo dhan.

Dib u habayn ayaa loo qorsheeyay garoomada diyaaradaha ee Burco iyo Boorama, halka garoonka casriga ah ee Berbera si buuxda loo hawlgelin doono si loo xoojiyo isku xirnaanta Somaliland, sida ay sheegtay xukuumadda.

Israel oo ciidamadeeda kala baxeysa Gaza xilli Xamaas ay sameysay soo rogaal-celin

Gaza (Caasimada Online) – Israa’iil ayaa ansixisay qorshayaal ay ciidamadeeda kaga saarayso Marinka Gaza, kadib markii horumar laga sameeyay wadahadallada maxaabiis is-dhaafsiga ee lala yeeshay Xamas, waxaaa sidaas weriyey warbaahinta Isarel.

Wargeyska Haaretz ayaa sheegay in militarigu uu oggolaaday qorshayaal dhowr ah oo ciidamada si degdeg ah looga saarayo Gaza, taas oo jawaab u ah horumarka laga sameeyay wadahadallada.

Waxaa la darsay dhowr ikhtiyaar, oo ay ku jiraan in ciidamada laga soo saaro marinka Netzarim, kaas oo Gaza u kala qaybiya laba qaybood.

Inkastoo ay ka dhiseen kaabayaal ballaaran iyo saldhigyo ciidan gobolka, militariga ayaa sheegay in ay “daabuli” karaan ciidamada, iyagoo carabka ku adkeeyay in ay diyaar u yihiin fulinta heshiis kasta oo ay gaaraan dowladda iyo ururka iska-caabinta reer Falastiin, oo ay ku jirto in ciidamada si degdeg ah looga saaro Gaza.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ayaa horay u shaaciyay in wafdi uu hoggaaminayo madaxa hay’adda sirdoonka Mossad David Barnea iyo Ronen Bar, oo ah madaxa hay’adda sirdoonka gudaha ee Shin Bet, ay u safri doonaan Qatar si ay u sii wadaan wada-hadallada.

Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa ka hor inta aan lagu dhawaaqin qorshaha la kulmay Steve Witkoff — oo ah ergayga gaarka ah ee madaxweynaha la doortay ee Mareykanka u qaabilsan Bariga Dhexe.

Wargeyska Yedioth Ahronoth ayaa sidoo kale sheegay, in 90% faahfaahinta heshiiska maxaabiis is-dhaafsiga ee u dhexeeya Israa’iil iyo Xamas la soo gaba-gabeeyay, isagoo soo xiganaya ilo siyaasadeed.

Arrintan ayaa imaneysa ayada Xamas ay Gaza ka sameysay soo rogaal celin weyn, sida dhowaan laga soo xigtay warbixin uu baahiyay taleefishinka Channel 12 ee Israel, taas oo uu sidoo kale xaqiijiyay wargeyska The Jerusalem Post.

Sida ay sheegtay Channel 12, Xamas iyo xoogagga kale ee Ururka Islamic Jihad ayaa tiradooda hadda lagu qiyaasay inta u dhaxaysa 20,000-23,000 dagaalyahan. Tiradan cusub ayaa imaneysa ayada oo dhowaan tirada dagaal-yahanada lagu sheegay 12,000.

Tiradan cusub ayaa sidoo kale su’aal gelineysa sheegashadii Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu iyo ciidamada difaaca Israel (IDF) oo sheegtay in inta u dhaxaysa 17,000-20,000 dagaalyahan oo Xamas iyo Islamaic Jihad ah ah lagu dilay dagaalka.

AUSSOM oo ka hadashay tallaabadii u dambeysay ee Soomaaliya iyo Itoobiya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska howlgalka cusub ee AUSSOM ayaa war kasoo saaray horumarka laga gaaray xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya, wuxuuna taliska soo dhaweeyay isku soo dhawaanshaha Muqdisho iyo Addis Ababa oo heshiis gaaray.

Danjiraha Midowga Afrika ee Soomaaliya, ahna madaxa AUSSOM, Mohamed El-Amine Souef oo ka hadlay isbeddalka ku yimid xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dowladood ee dariska ayaa bogaadiyay in ugu dambeyn ay soo afjareen khilaafkii muddada u dhexeeyay.

Mohamed El-Amine ayaa shaaca ka qaaday  in tani ay xaqiijineeyso in lasii wado ka miro dhalinta qodobadii labada dal ay ku heshiiyeen, kadib shirkii ka dhacay magaalada Ankara.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in diiradda la saaro xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed, iskaashiga amniga, horumarinta isdhexgalka dhaqaale, kuwaas oo dhammaantood muhiim u ah horumarinta nabadda gobolka iyo xasilloonida Geeska Afrika.

Waxaa kale oo uu danjiruhu xusay in howlgalka AUSSOM ay ka go’an tahay in uu taageero dadaallada xasilinta Soomaaliya iyo iskaashiga gobolka, si waafaqsan rabitaanka dadka Soomaaliyeed iyo aragtida Midowga Afrika ee nabad iyo barwaaqo Afrika ah.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo maalin kahor dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ay ku heshiiyeen in xiriirkoodii ay dib u soo celiyaan, si meesha looga saaro xiisaddii ka dhalatay heshiiskii bedda ee uu horraantii sanadkii hore Abiy Axmed la galay maamulka Somaliland.

Si kastaba, Itoobiya ayaa iyaduna haatan qorsheneysa inay ka mid noqota howlgalka cusub ee AUSSOM oo sanadkan 2025, si rasmi ah uga bilowday gudaha Soomaaliya.

Xogta qarax culus oo lala beegsaday ciidamada Kenya

0

Gaarisa (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qaraxa culus oo maanta ciidamo ka tirsan kuwa Kenya maanta lagula eegtay agagaarka xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo ay u dhigeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Kiyonga oo ka tirsan gobolka Waqooyi Bari, xilli ay socdaal ku jireen ciidamada Kenya.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa inoo sheegay in qaraxa uu haleeyay mid kamid kolonyada ay wateen ciidamada, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan oo baaxad leh.

Ugu yaraan illaa 5 askari ayaa lasoo wariyay inay ku dhaawacmeen qaraxa, sidoo kalena uu jiro burbur soo gaaray baabuurka uu qaraxu haleelay.

Weerarkan ayaa ku soo aaday, xilli ay ciidamada Kenya ay wadeen roondo amni oo ka dhan ah dhaq-dhaqaaqyada ay wadaan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Xaaladda goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa hadda deggan, waxaana ciidamada Kenya ay horay usii wateen socdaalkooda, sida laga soo xigtay dadka deegaanka.

Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fulisa gobolka Waqooyi Bari, gaar ahaan  deegaanada u dhow xad u dhow Soomaaliya.

Askari ka timid Kuuriyada Waqooyi oo nolol lagu qabtay ayagoo u dagaalamaya dalka…

Kyiv (Caasimada Online) – Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy ayaa Sabtidii sheegay in laba askari oo ka tirsan Kuuriyada Waqooyi ay ku qabteen gobolka Kursk ee Ruushka. Waa markii ugu horreysay oo Ukraine ay shaaciso qabashada askarta Kuuriyada Waqooyi oo nool tan iyo markii ay galeen dagaalka dayrtii hore.

Ciidamada Kuuriyada Waqooyi ayaa galay dagaalka dhanka Ruushka bishii October, sida laga soo xigtay Kyiv iyo xulafadeeda reer galbeedka, kuwaas oo markii hore tiradooda ku qiyaasay 10,000 ama ka badan.

Qoraal uu soo dhigay X, Zelenskiy wuxuu ku sheegay in askarta la keenay Kyiv ayna la hadlayaan Adeegga Amniga Ukraine (SBU), oo ah hay’adda sirdoonka gudaha ee dalkaas.

“Si la mid ah dhammaan maxaabiista dagaalka, labadan askari ee Kuuriyada Waqooyi waxay helayaan gargaarka caafimaad ee lagama maarmaanka ah,” ayuu yiri Zelenskiy. Waxa uu sheegay in saxafiyiinta la siin doono fursad ay kula hadlaan.

Kyiv ayaa sheegtay in ciidamada Kuuriyada Waqooyi ay ka dagaalamayaan gobolka Kursk, halkaasi oo Ukraine ay duulaan ku qaaday bishii August. Kyiv ayaa sheegtay in ay wali gacanta ku hayso dhul gaaraya dhowr boqol oo kiilo mitir oo isku wareeg ah oo halkaas ah.

Pyongyang ayaa sidoo kale Ruushka siinaysay tiro madaafiic ah, sida ay sheegeen Kyiv iyo xulafadeeda reer galbeedka.

Ruushka ma xaqiijin mana beenin joogitaanka ciidamada Kuuriyada Waqooyi ee Kursk, mana jirto wax falcelin ah oo ka yimid Moscow iyo Pyongyang oo ku saabsan warbixintii ugu dambeysay.

Ukraine ayaa horay u sheegtay in ay dagaalka ku qabsatay askar ka tirsan Kuuriyada Waqooyi, balse ay si xun u dhaawacmeen wax yar kadibna ay dhinteen.

Zelenskiy ayaa muuqaal ku sheegay in askarta ay qabteen ciidamada gaarka ah ee Ukraine.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ayaa soo bandhigay muuqaal laga soo duubay diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka oo ay ku sheegeen in ay muujinayaan qeyb ka mid ah howlgalka.

Muuqaalka ayaa muujiyey shan nin oo xiran dharka cowska u eg oo ku sugan meel kayn ah, in kasta oo tafaasiisha kale ay adkeyd in la qiimeeyo.

Muuqaal ay soo bandhigeen sirdoonka SBU ayaa u muuqday mid muujinaya labada nin ee la qabtay.

Dhaqtar lagu wareystay muuqaalka SBU, oo aan magaciisa la sheegin, wajigiisana la qariyey, ayaa sheegay in mid ka mid ah askarta uu dhaawac ka soo gaaray wajiga, isla markaana uu daweyn doono dhakhtarka ilkaha, halka askariga kale uu dhaawac ka soo gaaray lugta hoose.

SBU waxa ay sheegtay in askarta Kuuriyada Waqooyi loo gudbiyay Kyiv si su’aalo loo weydiiyo, sababta oo ah ma aysan ku hadli karin afka Ukraine, Ruushka iyo Ingriiska, islamarkaana su’aalo weydiintooda lagu sameynayo luqadda Kuuriya iyadoo ay gacan ka geysaneyso hay’adda sirdoonka Kuuriyada Koonfureed ee NIS.

Reuters + VOA

Tirada dhimashada dabkii Los Angeles oo korortay iyo wararkii ugu dambeeyay

Los Angeles  (Caasimada Online) – Kooxaha dab-damiska ayaa si dar dar leh Axaddii shalay ilaa xalay u sii waday la dagaalanka dab xoog leh oo muddo lix maalin oo xiriir ah ka socda qeybo ka mid ah magaalada Los Angeles, gobolka California ee dalkaan Mareykanka.

Dab-damiska ayaa xoogga saaraya laba dab oo waaweyn oo ka ololaya galbeedka iyo bariga, ka hor inta aysan billaaban dabeylo laga cabsi qabo in ay uga sii daraan ololka dabka hadda socda.

Dabka oo maanta oo Isniin ah galay maalinti todobaad, ayuu guddoomiyaha gobolka California Gavin Newsom wuxuu sheegay in dhamashada ay korortay, isla-markaana ay gaartay ugu yaraan illaa 24 qof.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in kumannaan guri ay basbeeleen, halka 100,000 oo qof ay barakaceen.

Xaafadaha uu dabka baab’iyay ayaa waxaa ku jiray kuwo ay ku yaalleen guryo ay daganaayeen dad hodon ahaa. Saraakiishu waxay sheegeen in ilaa 12,000 oo guri ay gubteen.

Diyaaradaha iyo gaadiidka dab damiska ayaa ka qeybgalaya halganka loogu jiro in dabkani la damiyo. Saraakiisha ayaa ka digay in dhammaan shacabka ku nool Los Angeles iyo hareeraheeda oo lagu qiyaaso ku dhawaad 10 milyan ay suuragal tahay in lagu amro in ay guryahooda ka baxaan.

Guddoomiyaha California, Newsom ayaa u sheegay telefishanka NBC News in dabkan uu u muuqdo masiibo dabiici ah tii ugu xumeyd ee soo marto taariikhda Mareykanka, marka loo fiiriyo khasaaraha hantiyeed.

Hey’adda gaarka loo leeyahay ee saadaasha hawada ee AccuWeather ayaa ku qiyaastay khasaaraha hantiyeed ee uu dabkani muddo todobaad ah Los Angeles u geystay, lacag dhan $135 ilaa $150 bilyan oo dollar.

DF oo xog xasaasi ah ka bixisay kulankii Xasan iyo Abiy Ahmed iyo qorshaha xiga

Addis Ababa (Caasimada Online) –Dowladaha Soomaaliya iyo Ethiopia ayaa ku heshiiyay in xiriirkoodii ay dib u soo celiyaan, iyadoo dhinaca kalena Masar ay Qaahira ka sheegtay in aysan oggolaan doonin in saldhig militari uu badda ka sameysto dal aan xad la lahayn Badda Cas oo ay kala jeedo Itoobiya.

Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Cumar (Cali Balcad) oo ka mid ah wafdiga madaxweynaha ee galabta ka soo laabtey Addis Ababa, wuxuuna ka warbixiyey waxyaabihii looga wadahadlay kulamadii dhexmaray Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed.

Wasiirka oo wareysi siiyey VOA ayaa sharaxaad dheer ka bixiyey sida uu ku yimid safarkii Soomaalida ka yaabiyey ee Xasan Sheekh uu ku tegay dalka Itoobiya iyo kulamadii dhacay.

Cali Balcad ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Ethiopia ay dhextaalo taariikh dheer oo dhib badan, “Balse 10-kii sano ee u dambeeyey xiriirku waa fiicnaa, laakiin bishii 1-aad ee 2024 ayey wax badan is bedeleen, markii Itoobiya ay heshiis qaldan la gashay Somaliland,” ayuu yiri Cali Balcad.

Wasiirka ayaa sheegay in ugu dambeyntii isku soo dhowaansho cusub bilowday markii Madaxweynaha Turkiga uu Xasan iyo Abiy isugu geeyey Ankara, halkaas oo lagu gaaray heshiis ilaa hadda la turxaan bixinayo.

“Madaxweyne Xasan iyo Ra’iisul Wasaare Abiy waxay Ankara ku saxiixdeen baaq soo gabagabeeyey khilaaf soo jiray muddo sanad ah, wixii intaas ka dambeeyey waxaa bilowday dhismaha kalsoonidii labada dal,” ayuu yiri Cali Balcad.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sheegay in safarka Xasan Sheekh uu ku yimid casuumad uu Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya u soo dhiibay wasiirkiisa gaashaandhigga oo Muqdisho timid, taas oo Madaxweynuhu aqbalay.

“Labada masuul mudadii ay wada joogeen Addis waxaa laga hadlay sidii loo dhameyn lahaa khilaafka, isla markaana loo abuuri lahaa deris wanaag, iyadoo lagu balansan yahay in mar kale la isugu tago Ankara bisha soo socota ee Febraayo, si loo sii anbaqaado heshiiska labada dal,” ayuu hadalkiisa ku soo daray wasiir Cali Balcad.

Sidoo kale wuxuu sheegay in shirka dambe ee Ankara loo tegayo looga hadli doono arrimaha gancsiga labada dal iyo dekedaha, “arrimahaas waxaa loo daayey shirka farsamada ee Ankara ka dhacay, laakiin kulankaan aan Addis Ababa ku yeelanay wuxuu xoogga saarayey sidii loo wanaaji lahaa xiriirka labada dal,” ayuu yiri Cali Balcad.

Markii la weydiiyey wasiirka halka laga bilaabayo dib u soo celinta xiriirka Soomaaliya iyo Ethiopia wuxuu sheegay in Safiirka Soomaaliya ee jooga Addis Ababa uu dib u bilaabayo shaqadiisii joogsatay, halka ayagana ay soo dirsa doonaan safiir u joogi doona Muqdisho.

“Sidoo kale waxay soo dirsa doonaan labadii Qunsul ee u kala joogay Muqdisho iyo Garowe, kuwaas oo hoos imaa doona safaaradda Muqdisho,” ayuu yiri wasiir Cali Balcad.

Sidoo kale wuxuu sheegay in kulankaan aan looga wadahadlin arrimaha ciidamada iyo in Itoobiya ay ka qeyb geleyso howlgalka cusub ee AUSSOM, balse Soomaaliya ay diri doonto wafdi tegi doona Itoobiya, si looga wadahadlo arrimaha howlgalkaas.

“15-ka bishaan waxaa Addis Ababa tegi doona wafdi lamid ah kii aan u dirnay Masar oo kala soo hadlay doorka Masar ay ku yeelaneyso howlgalka, marka arrimahaas weli wadahadal ayaa ka furan, laakiin caqabadihii Itoobiya ka hor taagnaa inay ka qeyb gasho howlgalkan waa laga soo gudbay,” ayuu yiri Cali Balcad wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya.

Cosoble oo weerar culus ku qaaday Axmed Madoobe: Waxaad haysaa wadaddii…

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore HirShabelle Cali Cabdullahi Cosoble ayaa si weyn u weeraray madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo haatan is-hayaan dowladda federaalka Soomaaliya.

Cosoble ayaa Axmed Madoobe ku sifeeyay hoggaamiye dhabaha haysta wadaddii ay horey ugu tageen Maxamed Siyaad Barre iyo Bashaar Al-Asad oo sanado badan isku dhajinayay xukunka Suuriya, geystayna gabood-falo badano.

“Axmadow diktatoorka wuxuu arkaa oo keliya wiilasha daacadda u ah ee dhahaya annagaa ku difaaceyna iyo annagaa hortaa dhimaneyna, markaasuu is mahadiyaa oo kursiga sii jecleystaa, dabadeedna akhirka la dilaa ama dirqi ku fakadaa oo raadiyaa cid magan-gelisa,” ayuu yiri Cosoble.

Sidoo kale wuxuu usoo jeediyay Axmed Madoobe inuu banneeyo hoggaanka maamulka Jubbaland, si xaalad middaan uga daran uu isku dhiibi lahaa, sida uu hadalka u dhigay.

Qoraalka Cosoble oo dhameystiran ayaa u dhignaa;

Keligii taliye kasta ayadoo la leeyahay waxba laguuma raacanayo ee iska tag ayuu xukunka isku dhejiyaa, dadkiisa iyo degaankiisana u horsedaa burbur, dhimasho, hoog iyo halaag eysan ka soo waaqsan karin. Waxaa waddadaa maray M Siyad Barre, Sadam Xusen, Qadafi, Bishar Al Asad iyo kuwo kale oo badan.

Axmadow diktatoorka wuxuu arkaa oo keliya wiilasha daacadda u ah ee dhahaya annagaa ku difaaceyna iyo annagaa hortaa dhimaneyna, markaasuu is mahadiyaa oo kursiga sii jecleystaa, dabadeedna akhirka la dilaa ama dirqi ku fakadaa oo raadiyaa cid magan gelisa.

Marka laga yimaado indha caddeyska raqiiska ah ee Soomaalida, Axmadow ogow inaadan reer Soomaali ah is heyn oo aad ka hor timid dowlad maanta fadhida Golaha Amaanka.

13 sano kugu filan kaana badan, dadka iyo degaanka aad qoriga ku heysato adiga ma lihid, sooma aadan iibsan, dhaxalna kumaadan helin,haddana waxaad muujisay ineysan qarannimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya wax qiime ah agtaada ka laheyn, kana door bideyso inaad kursi aadan laheyn xoog ku sii fadhido.

Waan hubaa qaar badan oo ka mid ah kuwa ku leh ha yeelin iyo ha is dhiibin iney qoraalkan ka soo fal celin doonaan ayagoo weliba caytamaya, yeelkadoode waxaan ku leeyahay Axmadow armey maanta talo kula gudboon tahay.

NISA oo lacag badan dul-dhigtay madaxa nin dad badan ku laayey Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa baahisay sawirka  Yuusuf Maxamed Xuseen oo si weyn ay ugu raad-joogto, kaas oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab.

War-saxaafadeed ka soo baxay NISA ayaa qofkii ninkaas xog ka keena loogu balan-qaaday in la sii doono abaalmarin lacageed oo gaareysa soddon kun oo doolar ($30,000).

Ninkaan ayaa caan ku ah magaca Jeeri-Carab, wuxuuna ka tirsan yahay xafiiska qaraxyada Al-Shabaab, sida lagu sheegay qoraalka NISA.

“Horjoogahaan wuxuu Khawaarijta masuul uga ahaa qaraxyada, sahminta goobaha bartilmaameedka ah iyo weerarada is-miidaaminta ah ee ay Khawaarijtu ka fulin jireen gobolka Banaadir,” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

Jeeri-Carab ayaa ka soo qeyb qaatay weerarro argagixiso oo ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay ka mid yihiin qaraxyadii ka dhacay Villa Rosa, Aqalka Dowladda Hoose, Pearl Beach, SYL Hotel, Beach View iyo weeraradii ka dhacay maqaayadaha Sayidka, Jawi Coffee, Blue Sky, Top Coffee iyo School Polizio.

“Ciidanka NISA oo gacanta kusoo dhigay inta badan dhagar-qabeyaashii la shaqeynayay Jeeri-Carab, gaadiidkii ay adeegsan jireen iyo xubno ka mid ah qoyskiisa ayaa weli si dhaw ula socda dhaq-dhaqaaqa horjoogahan, isagoo maalmihii ugu dambeeyay ku dhuumaaleysanayay nawaaxiga deegaanka Mubaarak ee Gobolka Shabeellaha Hoose,” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

Ugu dambeyntii NISA ayaa lacag badan dul-dhigtay madaxa sarkaalkaas halista ah ee weerarrada badan ka geystay Muqdisho, waxaana lasoo bandhigay lambarro uu kala xiriiri karo NISA qofkii hela xogta ninkaas.

“Muwaadin haddii aad heyso xogta dhagar-qabahan la wadaag Hay’adaha amniga, sidoo kalana ku guuleyso abaalmarin lacageed oo gaareysa Soddon kun oo doolar ($30,000) Waxaad la soo xiriiri kartaa lambarada hoos ku xusan: 199 ama +252770747474 ama +252620545454,” ayaa lagu yiri qoraal ay baahisay hey’adda NISA.

DF oo war kasoo saartay sawir hadal-hayn badan dhaliyay oo Xasan iyo Abiy

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Danjire Axmed Macalin Fiqi ayaa ka hadlay sawir hadal-hayn badan dhaliyay oo si weyn ugu baahay baraha bulshada, kaasi oo ku wada jiraan madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

Sawirkan ayaa imanaya ku dhowaad hal sano oo cadowtinimo xooggan u dhaxeysay labada dal, ka gadaal markii Itoobiya ay Somaliland la saxiixatay is-afgarad dhabaha u xaaraya damaceeda badda.

Sawirka ayaa muujinaya labada masuul oo gacmaha is-haysta, aadna u qoslaya, taas oo ka turjumeysa heer qanacsanaan iyo saaxiibtinimo ee labada dowladood kadib muddo uu mugdi ku gadaamna xiriirkooda diblumaasiyadeed, taas oo dad badan siyaabo kala duwan uga fal-celiyaan.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheegay in tan lagu gaaray dadaalkii iyo dagaal diblumaasiyadeedkii uu hoggaaminayey madaxweynuhu, taas oo dhashay in Soomaaliya aan la dhayalsan, sida uu sheegay.

“Isqadarin loo siman yahay, wadan walbaana kan kale ixtiraamayo arrimihiisa u gaarka ah, wixii la wada qabsanayana wadada sharciga loo marayo waa midda la xaqiijiyey,” ayuu yiri wasiir Fiqi.

Hoos ka aqriso qoraalka wasiirka;

Dad ayaa xalay la yaabanaa sida maxaxweynaha loo soo dhoweeyey, qaarna waxayba ku tilmaameen in aan abid Madaxweyne Soomaaliyeed sidaas oo kale Loo soo dhowayn.

Dagaalka siyaasadeed iyo kan ciidanba waxaa Loo galaa in nabad loo siman yahay lagu gaaro, ma Jiro dagaal dhammaad la’aan ah ama aan xambaarsanayn hadaf la xaqiijinayo.

Dadaalkii iyo dagaal diblomaasiyadeed ee uu madaxweynuhu hogaaminayey mudada sanadka aheyd waxaa lagu gaaray in Soomaaliya aan la dhayalsan, sidii loola dhaqmi jirey iyo xadgudubyadii lagu samayn jirey wax weyn iska bedelaan.

Isqadarin loo siman yahay, wadan walbaana kan kale ixtiraamayo arrimihiisa u gaarka ah, wixii la wada qabsanayana wadada sharciga loo marayo waa midda la xaqiijiyey.

Soomaaliya iyo Masar oo ka shiray dhaqan-gelinta qodobo xasaasi ah + Sawirro

0

Qaahira (Caasimada Online) – Waxaa maanta kulan xasaasi ah Qaahira ku dhex-maray wasiirka srrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi iyo dhiggiisa Masar H.E. Dr. Badr Abdel Atty.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta xasilloonida gobolka, oo ay ku jirto dardargelinta howl-galka Midowga Afrika ee AUSSOM iyo taageeridda Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira argagixisada.

Labada wasiir ayaa bogaadiyay socdaalka wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur uu ku joogo magaalada Qaahira oo ay ku tilmaameen tallaabo loo qaaday wadashaqeyn xooggan.

Wasiirrada ayaa isku raacay in la xoojiyo xiriirka labada dowladoodiyada oo loo marayo guddiga wadajirka ah ee wasiirada, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay kulanka.

Sidoo kale waxay labada wasiir ka wada-hadleen dhaqan-gelinta qodobbadii ka soo baxay shirkii dhex-maray Masar, Soomaaliya iyo Ereteriya ee 2024-ka, kor u qaadista amniga Geeska Afrika iyo arrimaha Badda Cas.

Ugu dambeyntiina, wasiirka arrimaha dibadda Masar ayaa ku cel-celiyay in Masar ay si hagar la’aan ah u taageereyso midnimada, madaxbannaanida iyo xasilloonida Soomaaliya.

Waxa uuna xaqiijiyay inay dowladdiisa xoogga saareyso dadaallada wadajirka ah ee lagu xoojinayo iskaashiga labada dhinac iyo bixinta kaalmo farsamo.

Horey madaxda Soomaaliya, Masar iyo Eritrea ayaa ku heshiiyay in la xoojiyo xiriirka dhinacyada, iyadoo la isla gartay dhismaha guddi saddex geesood ah oo ka kooban wasiirrada arrimaha dibadda ee saddexda dal, si loo dardar-geliyo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee dhinacyada oo dhan.

Xogta wada-hadallada Xasan Sheekh iyo Abiy uga socda Addis Ababa

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalintii labaad ku sugan magaalada Addis Ababa ee caasimada Itoobiya, halkaasi oo uu gaaray shalay.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa maanta leh wada-hadallo dheeri ah oo ay uga arrinsanayaan iskaashiga iyo wada-shaqeynta labada dowladood si wafaqsan hirgalinta heshiiskii Ankara.

Madaxweyanaha Soomaaliya ayaa sidoo kale booqan doona goobaha taariikhiga ah ee Itoobiya.

Xasan iyo Abiy oo shalay yeeshay wejiga koowaad ee wada-hadallada ayaa tilmaamay muhiimada ay leedahay in la ixtiraamo madax-bannaanida labada dhinac, iyadoo la iska kaashanayo arrimaha amniga, la dagaalanka argagixisada, dhaqaalaha iyo xasiloonida Gobolka Geeska Afrika.

“Madaxdu waxay ku heshiiyeen inay dib u soo celiyaan oo ay kor u qaadaan xiriirkooda laba geesoodka ah, iyagoo matalaad diblomaasiyadeed oo buuxda u kala dirsanaya caasimadaha labada dal,” ayaa lagu yiri bayaan ay si wada-jir ah usoo saareen Soomaaliya iyo Itoobiya.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed waxay carrabka ku adkeeyeen baahida loo qabo in ergadooda diblomaasiyadeed ay si dhow isaga kaashadaan arrimaha khuseeya labada dal.

Madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku heshiiyey in laga wada-shaqeeyo sidii loo sii xoojin lahaa dadaallada lagu hagaajinayo xiriirka gobolka, kobcinta isfaham guud iyo horumarka la wadaago.

Labada masuul ayaa caddeeyay sida ay uga go’an tahay xaqiijinta baaqii Ankara, saaxiibtinimada iyo wadajirka labada dal, kadib muddo sanad ah oo lumay xiriirka Muqdisho iyo Addis Ababa.