27.1 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Wasiir Fiqi oo si adag ugu jawaabay Shariif iyo CC: Cudur siyaasadeed baa ku dhacay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo kamid ah xubnaha aadka ugu dhow Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u jawaabay xubnaha siyaasiyiinta mucaaradka ee eedeymaha u jeediyay dowladda dhexe.

Fiqi ayaa si gaar ah uga falceliyay shirkii jaraa’iid ee ay shalay wada qabteen madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo Senator Cabdi Ismaaciil Samatar oo weerar culus ku qaaday Madaxweynaha, iyaga oo ka horyimid heshiis uu lasoo galay Itoobiya iyo arrinta doorashada.

Wasiirka ayaa xasuusiyay in saddexda ninba ay ka tirsan yihiin baarlamaanka, isla markaana waxa ay diidaan, gaar ahaan arrinta doorashada ay meel-mariyeen labada gole, balse ay muuqdaan kuwa leh dano kale oo siyaasadeed oo haddana deg-degaya.

“Baarlamaanka ay saddexdaan oday ka tirsan yihiin ayaa ansixiyey doorashada ay ka cabanayaan.. Guddiga doorashada madaxa banaanna maalmaha soo socda in ay ku dhawaaqi doonaan jadwalka doorashada ayay inoo sheegeen.! Malaha ayadaa laga hordhacayaa.! Sanado ka hor waxay madaxweynihii hore ku eedayn jireen doorasho diid, haddana madaxweynahan waxay ku eedaynayaan doorasho qof iyo cod ayuu qabanayaa (doorasho Doon)” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya.

Axmed Macallin Fiqi ayaa sidoo kale weerar jawaab celin siiyay xubnaha mucaaradka, isaga oo tilmaamay in aysan kala garaneyn waxa ay rabaan iyo waxa ay diidaan, sida uu hadalka u dhigay.

“Markay halkaas joogto “tiiha siyaasadda” ayaa muuqata oo ah cudur siyaasadeed oo ay qofka isaga qaldanto waxa uu rabo iyo waxa uu diidan yahay! Shalay iyo maanta! Maslaxadiisa iyo dhibkiisa!” ayuu mar kale yiri wasiirku.

Ugu dambeyn wuxuu ku celiyay in dalka uu aadan doorasho toos ah, loona baahan yahay in loo diyaar garoobo, kadibna boorka laga jafo xisbiyada iyo ururada siyaasadda,

Saameynta Trump ku yeeshay heshiiska ay Soomaaliya bad ugu ogolaatay Itoobiya

11-kii December 2024, dowladda Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa heshiiska “Baaqa Ankara” la gashay dowladda Itoobiya ee uu hoggaamiyo Rai’isal Wasaare Abiy Axmed kadib wadahadallo uu martigeliyay madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan.

Heshiiskaas qodobadiisa, labada hoggaamiye waxay isku raaceen inay ixtiraamaan madaxbanaanida, midnimada, gobonimada iyo wadajirka dhuleed ee dalalkooda. Labada dhinac ayaa sidoo kale oggolaaday inay dhameystiraan “heshiisyo ganacsi oo labada dhinacba dan u ah iyadoo la marayo heshiisyo laba geesood ah, oo ay ku jiraan qandaraasyo, kireysiyo, iyo habab la mid ah, kuwaas oo u oggolaan doona Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya inay hesho marin la isku halleyn karo, ammaan ah, oo waara oo ay ku tagto kuna soo noqoto badda, iyadoo hoos imaanaysa awoodda madaxa-banaan ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.”

Go’aanka Soomaaliya ay Itoobiya ugu ogolaato isticmaalka dekedda ayaa u muuqda mid ka dhashay doorashadii madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump uu mar labaad kusoo baxay. Waxa sidoo kale, ay ka walaacsanayd in maamulka cusub ee soo socda uu aqoonsan karo madaxbanaanida Somaliland, oo ah maamul goboleed iskiis isku magacaabay oo ku yaalla waqooyiga Soomaaliya.

Somaliland ayaa heshiis is-afgarad ah la saxiixatay Itoobiya 1-dii Janaayo 2024 kaas oo ballanqaaday in dekedo ganacsi iyo mid milateri ay ku siin doonto Itoobiya oo ku yaalla xeebaheeda iyadoo beddelkeeda Itoobiya ay ballanqaaday inay aqoonsan doonto gooni-isu-taagga iyo madaxbanaanideeda.

Soomaaliya ayaa u muuqata inay isku dayeyso inay ka hortagto go’aan kasta oo maamulka cusub ee Mareykanka uu ku aqoonsanayo madaxbanaanida Somaliland.

Soo jeedinta aqoonsiga Somaliland ayaa taageero weyn ka haysata taageerayaal iyo la-taliyayaal badan oo ku dhow Trump.

Qeyb ka mid ah mashruuca Project 2025, oo cinwaankeedu yahay “Mandate for Leadership: The Conservative Promise,” oo ay diyaariyeen dhowr urur oo muxaafid ah oo ay hoggaaminayso Hay’adda Heritage Foundation si ay u noqoto jaantuska maamulka Trump, lana faafiyey April 2023, ayaa ku baaqeysa in Mareykanku “uu aqoonsado qaranimada Somaliland si looga hortago hoos u dhaca doorkaMareykanka ee Jabuuti.”

Dhowr qof oo ku lug lahaa qorista iyo horumarinta warbixinta ayaa horey loogu magacaabay jagooyin maamulka soo socda, oo ay ku jiraan Stephen Miller (Madaxa shaqaalaha Aqalka Cad) iyo John Ratcliffe (Agaasimaha CIA).

Aqoonsiga Somaliland waxaa sidoo kale riixayey la-taliyayaal sare oo arrimaha dibadda ah oo ka soo shaqeeyay maamulkii hore ee Trump. J. Peter Pham, oo ahaa ergaygii gaarka ahaa ee gobolka Sahel iyo gobolka Harooyinka Waaweyn, ayaa sheegay in Somaliland ay “muujisay soo jiidashadeeda iyadoo ah waddan la shaqeyn kara Mareykanka iyo dalal kale.”

Tibor Nagy, oo ahaa Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Afrika, ayaa sheegay in maamulka labaad uu yeelan doono “u damqasho badan oo ah Somaliland,” sababtoo ah “Somaliland way isku taagtay, aad bayna u taageersan tahay reer Galbeedka, aad bayna u taageertaa suuqa xorta ah, waxayna daryeeshaa ammaanka dhulkeeda, waxayna qabataa doorashooyin joogto ah.”

Sida laga soo xigtay Nagy, fikradda ah in Somaliland ay qeyb ka tahay Soomaaliya waa “khuraafaad” iyo “macno darro sababo kala duwan dartood.”

Wuxuu intaas ku daray in “laga yaabo, haddii maamul cusub uu ku guuleysto doorashooyinkeena madaxtinimada ee soo socda, riyada Somaliland ee ah inay noqoto xubin si buuxda loo aqoonsan yahay oo ka tirsan beesha caalamka ay rumoobi doonto.”

Michael Rubin, oo ah cilmi-baare sare oo ka tirsan Machadka American Enterprise Institute, ayaa 3-dii Janaayo 2024 daabacay maqaal cinwaankiisu yahay, “Mareykanku Waa inuu Taageeraa Madaxbanaanida Somaliland,” isagoo si cad ugu baaqaya aqoonsi.

Laakiin hadda Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed ayaa u muuqda inuu gaaray hadafkiisii isagoo aan u baahnayn inuu aqoonsado Somaliland ama halis geliyo iska horimaad uu la galo Soomaaliya, taasoo taageero militari ka heshay Masar iyo Eritraa. Labadan dal ayaa iyaguna khilaaf kala dhexeeya dowladda Itoobiya, waxayna ballanqaadeen inay taageeri doonaan Soomaaliya haddii khilaafka uu isu beddelo dagaal.

Hoggaamiyaha Itoobiya uma badna inuu soo dhoweyn doono faragelin aan habbooneyn oo ka timaadda dadka Mareykanka ee aragtiyaha qaar rumaysan, taasoo carqaladeyn karta qorshihiisa, xasilooni darrana ka dhalin karta gobolka.

Waxaa la gudboon in madaxda Mareykanka ay iska indhatiraan ololaha taageerayaasha Somaliland ayna ka fogaadaan Geeska Afrika.

W/Q: Daniel Volman

Daniel Volman waa agaasimaha Mashruuca Cilmi-baarista Amniga Afrika ee ku yaalla Washington, DC (www.africansecurity.org). Waxa uu khabiir ku yahay siyaasadda millatariga Mareykanka ee Afrika iyo arrimaha amniga ee qaaradda Afrika.

Gaari ay la socdeen shacab oo lagu qarxiyay SH/DHEXE

0

Jowhar (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax miino oo maanta ka dhacay inta u dhexeysa degmooyinka Jowhar iyo Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo waxyeelo kasoo gaartay dad rayid ah.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa qabsaday gaari ay la socdeen dad shacab ah oo marayay deegaanka Doonka Buurfuule, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka

Ugu yaraan illaa 2 qof oo shacab ahaa ayaa ku dhintay qaraxan, halka uu ku dhaawacmeen tiro kale oo intaasi kamid ah, kuwaas oo la socday baabuurka ay miinada haleeshay.

Sidoo kale dadka dhaawacyada ayaa deg-deg loo soo gaarsiiyay isbitaalka guud ee magaalada Jowhar, si loogula tacaalo xaaladdooda caafimaad.

Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada iyo maamulka HirShabelle ee ku aadan weerarkaasi qaraxa ah ee shacabka lala beegsaday.

Inta badan qaraxyada noocaan oo kale ah ayaa waxaa waddooyinka galiya maleeshiyaadka Al-Shabaab oo beegsaday ciidamada, balse waxaa khasaare uu kasoo gaaraa rayidka.

Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa weli ka socda howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo deegaanada qaar weli kaga sugan gobolkaasi oo hoostaga maamulka HirShabelle.

Blinken oo xog yaab leh oo lagu farxo ka bixiyey awoodda Xamas kadib 14 bil dagaal ah

Washington (Caasimada Online) – Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Anthony Blinken, ayaa khudbad sagootin ah oo uu jeediyay ku sheegay in Xamaas ay awood u yeelatay inay qorato dagaalyahanno cusub oo ku dhow tirada ay Israa’iil ku dishay duqeymaha ba’an ee ay ku hayso Marinka Gaza.

Hadallada Blinken ee Talaadadii uu ka jeediyay Golaha Atlantic ee Washington DC ayaa daaha ka qaadaya qiimeyn dhif iyo naadir ah oo sirdoonka Mareykanku ku sameeyay awoodda Xamaas, taasi oo u muuqata inay carqaladayn karta sheegashada Israa’iil ee ah “guul buuxda iyo ciribtirka Xamaas” kadib xabbad-joojin suuragal ah,

Iyadoo Israa’iil ay ku guulaysatay inay beegsato hoggaanka sare ee Xamaas ee Gaza, Lubnaan iyo Iiraan, Blinken ayaa sheegay in kooxdu ay wali awood ku leedahay Marinka Gaza ayna carqaladayn karto qorshayaasha maamulka dagaalka kadib ee gobolka.

Khudbadda Blinken ayaa timid xilli ay maalmo kooban ka harsan yihiin xil-haynta maamulka Biden. Khudbaddu waxay ahayd mid aan caadi ahayn oo toos ah, waxaana ku jiray dhaleecayn ku wajahan xulafada Mareykanka.

“Israa’iiliyiintu waa inay ka tanaasulaan khuraafaadka ah inay si sharci-darro ah dhul ula wareegi karaan iyadoo aan wax cawaaqib ah ama khasaare ah soo gaarin dimoqraadiyadda Israa’iil,” ayuu yiri Blinken.

Waxa uu intaas ku daray in Israa’iil ay ballaarineyso deegaamaynta ayna qarameynayso dhul “si ka dhaqso badan waqti kasta tobankii sano ee la soo dhaafay” iyo in “weerarada rabshadaha wata ee ay kuwa xag-jirka ah ku hayaan dadka rayidka ah ee Falastiiniyiinta ay gaareen heerkii ugu sarreeyay”.

Blinken wuxuu daaha ka rogay qorshayaashiisa ku aaddan maamulka Gaza ee dagaalka kadib, laakiin waxaa hareeyay sheegashadiisa ah inuu qorshayaashaas u gacan gelin doono maamulka madaxweynaha la doortay ee Donald Trump.

‘Blinken-ka Dhiigyacabka ah’

Kooxda ku-meel-gaarka ah ee madaxweynihii hore ayaa dhawaanahan wax hadal ah ka soo saarin aragtidooda ku aaddan Gaza iyo Daanta Galbeed ee la haysto. Si kastaba ha ahaatee, ninka Trump u xushay safiirka Israa’iil, Mike Huckabee, ayaa horey u sheegay in “aysan jirin wax la yiraahdo deegaamayn”.

Blinken wuxuu sheegay in Israa’iil “ay qasab tahay inay aqbasho mideynta Gaza iyo Daanta Galbeed ee hoos timaada hoggaanka Maamulka Falastiin ee la cusboonaysiiyay” ayna “waajib tahay inay qaadato waddo waqtiyeysan oo shuruudo ku xiran oo ku wajahan dhisidda dowlad madaxbannaan oo Falastiiniyiin ah”.

Wuxuu intaa ku daray in maamulka Biden uu doonayo in maamulka Falastiiniyiinta ay ku casuunto “saaxiibada caalamiga ah inay gacan ka geystaan aasaaska iyo maamul ku-meel-gaar ah” ee gobolka burburay.

Wuxuu sidoo kale sheegay in howlgalka amniga ee ku-meel-gaarka ah uu ka koobnaan doono ciidamo ka socda “wadamada wadaagga ah” iyo shaqaale Falastiiniyiin ah oo la hubiyay.

Blinken wuxuu bilo badan ku bixiyay ka shaqaynta qorshaha maamulka Gaza ee dagaalka kadib. Khudbaddiisa ayaa timid xilli maamulka Biden uu hadda hareeyay madaxweynihii hore, kaasi oo ku soo laabashadiisa Aqalka Cad ay u muuqato inay soo dedejisay wada-hadallada xabbad-joojinta.

Khudbadda Blinken waxaa sidoo kale carqaladeeyay qof qaylinayey kaasoo ku qayliyay ku dhawaad daqiiqad, isagoo ku tilmaamay “Blinken-ka dhiigyacabka ah, xoghayaha xasuuqa”.

Qabyo-qoraalka heshiiska xabbad-joojinta ee si weyn loo faafinayo, kaasoo sarkaal sare oo reer Galbeed ah uu sheegay in la isku raaci karo Jimcaha, ayaa u muuqda mid ku dhawaad la mid ah kuwii la soo bandhigay xagaagii iyo dayrtii 2024-kii.

Israa’iil ayaa muddo dheer ku adkaysanaysay in heshiisku uu u oggolaado inay dib u bilowdo dagaalka marka ay doonto, halka Xamaas ay sheegtay inay sii dayn doonto la haystayaasha kaliya haddii si joogto ah loo joojiyo dagaalka.

Warbaahinta Israa’iil ee Haaretz ayaa Talaadadii sheegtay in ergeyga soo socda ee madaxweynihii hore ee Bariga Dhexe, Steven Witkoff, uu Netanyahu ku cadaadiyay heshiiska, isagoo xafiiskiisa ugu tagay Sabtidii si uu ugu raaco soo jeedinta, taasoo ahayd tii uu horey u diiday.

Warbaahinta Israa’iil iyo ilo ku dhow wadahadallada ayaa u sheegay AFP in wajiga koowaad ee heshiiska lagu sii dayn doono 33 la hayste oo Israa’iiliyiin ah. Dhanka kale, laba ilo Falastiiniyiin ah oo ku dhow Xamaas ayaa sheegay in Israa’iil ay sii deyn doonto ilaa 1,000 maxbuus oo Falastiiniyiin ah beddelkeeda.

Sarkaal ka tirsan dowladda Israa’iil ayaa u sheegay AFP in “dhowr boqol oo argagixiso ah la sii deyn doono” iyadoo qayb ka ah wajiga koowaad ee heshiiska.

Warbaahinta Israa’iil ayaa sidoo kale Talaadadii sheegtay in heshiiska la soo jeediyay uu Israa’iil u oggolaanayo inay sii haysato aagga xuduudka ee gudaha Gaza inta lagu jiro fulinta wajiga koowaad.

Xamaas waxay sheegtay inay rajaynayso “heshiis cad oo dhammaystiran”, iyadoo intaa ku dartay inay la tashiyo la yeelatay kooxaha kale ee Falastiiniyiinta ayna u sheegtay “horumarka la sameeyay”.

R/W Xamza oo caddeeyay mowqifkiisa ku aadan dagaalka PUNTLAND

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre oo xalay ka qayb-galay munaasabad ka dhacday xarunta Tiyaatartka Qaranka ayaa markii ugu horreysay ka hadlay dagaalka ay Puntland ku qaaday Daacish.

Xamza ayaa si weyn u taageeray howlgallada ka socda gobolka Bari, isaga oo ku bogaadiyay ciidamada Puntland u dhaqaaqay buuraha ay ku jiraan xubnaha Daacish.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in xukuumaddiisa ay garab taagan tahay Puntland, isla-markaana taageero nooc waliba ay diyaar ula tahay.

“Dowladda Federaalka waxa ay si buuxda u garab taagan tahay ciidamada geesiyaasha ah ee Puntland ee dagaalka kula jira cadowga Daacish, waxaanan ugu hambalyeynayaa guulaha waaweyn ee ay ka soo hooyeen dagaalka cadowga” ayuu yiri Ra’iisul wasaaruhu.

Shalay dowladda dhexe oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa Puntland iyo shacabkeeda ku boggaadisay dagaalka ay u jiheysteen, si ay isaga xoreeyaan kooxaha argagixisada.

“Dowladdu iyada oo kaashanaysa shacabka Soomaaliyeed waxay u taagan tahay sidii dalka looga tirtiri lahaa dembiileyaasha Khawaarijta, kuwaas oo muddo dheer dhibaato aan kala sooc lagayn ku haya shacabka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri bayaanka dowladda dhexe.

Puntland ayaa howlgalkan oo ka socda gobolka Bari ugu magaca ndartay Hilaac, waxaana ujeedka uu yahay in dhulka buuraha looga saaro maleeshiyaadka kooxda Daacish.

Xog: DF Soomaaliya oo ka qeyb qaadaneysa dhismaha ciidamada dalka Sudan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa qorsheyneysa in dowladda Suudaan ay ku garab siiso dib u dhiska ciidankii qaranka, sida ilo diblomaasiyadeed ay u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Garab istaagga Soomaaliya ay u balan-qaaday Suudaan waxaa fulintiisa ka qeyb qaadanaya Turkiga, waxaana ciidamada Suudaan lagu tababari doonaa Muqdisho.

Soomaaliya oo kaashaneysa Turkiga ayaa Suudaan ka balan qaaday in ay ku garab-siineyso dhismaha ciidankooda qaranka oo ku burburay dagaaladii sokeeye ee dalkaas ka dhacay.

Dowladda Soomaaliya ayaa qorsheysay in duleedka Muqdisho saldhig militeri laga siiyo Suudaan, halkaas oo lagu dhisi doono ciidamadii burburay ee dalkaas.

Tababarka Ciidamada Suudaan waxaa ka qeyb qaadan doona Turkiga, sidoo kale waxaa jira qorshe saraakiil militeri oo Soomaali ah loogu dirayo dalka Suudaan, sida ay sheegeyso xogtaan.

Ciidamada Suudaan oo dagaal kula jira jabhad kasoo hor jeeda dowladda ayaa sidoo kale wajahaya burbur xoog leh, saraakiil iyo ciidamo ka socda dowladda Soomaaliya ayaa hadda loo diyaarinayaa in loo diro Suudaan, si ciidamada dowladda ay uga gacan siiyaan dagaalka kooxda ka soo horjeeda dowladnimada.

Turkiga oo Soomaaliya ay u tahay Albaabka uu ka soo galay qaaradda Afrika ayaa aad u daneeya in Suudaan ay dib u soo kabato oo noqoto dowlad xoog leh, wuxuu diyaar u yahay inuu ku caawiyo gudaha Soomaaliya.

Soomaaliya oo doorkeeda dhismaha ciidamada Suudaan qaadaneysa ayaa ugu horeyn balan-qaaday saldhigii lagu dhisi lahaa ciidamada Suudaan, waxaana xiga talaabooyin militeri oo Soomaaliya iyo Turkiga iska kaasha doonaan.

Cabdi Ismaaciil oo Xasan ku eedeeyey inuu Abiy u saxiixay isla heshiiskii Muuse Biixi

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Cabdi Ismaaciil Samatar oo kamid ahaa siyaasiyiin maanta shir jaraa’id ku qabatay magaalada Muqdisho ayaa si adag uga hadlay heshiiskii Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed ay ku galeen magaalada Ankara, isagoo sheegay in uu lamid yahay kii Muuse Biixi uu saxiixay.

Senatorka ayaa sheegay in Xasan uu qorsheynayo in xukunka uu xoog ku sii joogo, taasina ay ku qasbeyso in dowlad goboleedyada uu dagaal ku qaado, badana iibsado, sida uu hadalkiisa u dhigay.

Wuxuu sheegay in heshiiskii Muuse Biixi iyo kan Xasan Sheekh uu hadda saxiixay ay isku mid yihiin, isagoo ka digay in mustaqbalka umadda Soomaaliyeed la iibsado.

“Heshiiska Xasan uu Ankara kusoo galay waxba ugama duwana kii Abiy uu la galay Muuse Biixi, badda Soomaaliyeed halis ayay ku jirtaa, danta gaarka ah ee Xasan Sheekh iyo danta Abiy Axmed ayaa walaaloobay,” ayuu yiri Prof. Cabdi Samatar.

Sidoo kale wuxuu sheegay in hadii umadda Soomaaliyeed ay aqbalaan waxa Xasan Sheekh wado ay ku halaagmi doonaan, “Dhulkaan waa hadiyad Allena siiyey, difaacda, cid kale yeysan idinkugu talin dhulkiina,” ayuu yiri.

Goobta uu Senator Cabdi Ismaaciil Samatar hadalkaan ka sheegay waxaa sidoo kale ka hadlay Shariif Sheekh Axmed iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur, kuwaas oo Xasan Sheekh ku dhaliilay sida uu u maareeyey xiisadii Soomaaliya iyo Itoobiya.

“Itoobiya haddii ay bad ganacsi rabto maxay uga raadsan waysay Jabuuti, Eritrea ama Suudaan, maxay Somalia uga soo doonatay? Xaqiiqda ayaa ah in Itoobiya aysan bad ganacsi rabin, laakiin ay rabto bad ay qaadato mugdi badan ayaana ku jira waxa lagu soo heshiiyay,” ayuu yiri Madaxweyne hore Sheekh Shariif.

“Madaxweyne Xasan wuxuu caasimadda Ethiopia u tagay in uu soo raaligaliyo Abiy Axmed, muu raaligaliyo walaalihiisa ay talada kala dhaxeyso? sax ma ahan in la raali galiyo wadan nagu soo duulay,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka hadlay isla goobtaas.

Sawirro: Sacuudi Carabiya oo maanta Muqdisho u soo dirtay masuul ay casuumtay DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdi uu hoggaaminayo Maamulaha Guud ee Sanduuqa Horumarinta Dhaqaalaha Sucuudiga 𝐒𝐮𝐥𝐝𝐚𝐚𝐧 𝐀𝐛𝐝𝐮𝐥𝐫𝐚𝐡𝐦𝐚𝐧 𝐀𝐥-𝐌𝐚𝐫𝐬𝐡𝐚𝐝 oo casuumaad rasmi ah ka helay Wasiirka Maaliyadda XFS Biixi Imaan Cige ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Maamulaha ayaa kulamo muhiim ah la qaadan doona Masuuliyiin ka tirsan Xukumadda Soomaaliya, kulamadaas oo diiradda lagu saari doono arrimaha maalgalinta mashaariicda horumarineed ee gudaha Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Biixi Imaan Cige oo uu weyhliyo Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Xildhibaan Cabdullhi Bidhaan Warsame ayaa intii lagu sugnaa qeybta soo dhaweynta ee Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho waxa ay warbixin kooban oo ku saabsan xaaladda Dalka iyo qorshayaasha kulamada soo socda ay siiyeen Suldaan Al-Marshad iyo wafdiga la socday.

Biixi Imaan Cige Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay Maamulaha Guud aqbalaadda casuumaddii uu u fidayay.

“Sharaf ayay ii tahay in aan Magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyo Suldaan Al-Marshad iyo kooxda la socota oo booqasho taariikhi ah noogu yimid, inta lagu guda jiro imaatinkiisa Soomaaliya waxa aan wada yeelan doonaa shirar muhiim ah.”

“Waxa aan isla meel dhigi doonaa fursadda maalgalineed ee hadda ka jira Soomaaliya, si aan sare ugu qaadno dhaqaalaha Soomaaliya,” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda XFS.

Sanduuqa Horumarinta Dhaqaalaha Sucuudiga waxa uu ka mid yahay hey’adaha sida gaarka ah ula shaqeeya Dowladda sidoo kalena waxa uu qeyb weyn kulahaa barnaamijkii dib-u-habeynta dhaqaalaha ee horseeday in Dowladda Soomaaliya ay gaarto deyn cafin dhameystiran.

Daawo: SHARIIF oo shaki weyn ka muujiyay heshiiska Xasan iyo Abiy, dalbadeyna…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd ee dalka, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo qaar kamid ah xubnaha mucaaradka oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa weerar culus ku qaaday dowladda federaalka.

Ugu horreyn Sheekh Shariif oo madasha ka hadlay ayaa aad u dhaliilay madaxweyne Xasan Sheekh iyo dowladdiisa, gaar ahaan siyaasadda uu xilligan ku wajahayo arrimaha dibadda.

“Waxa hadda dhacay aad iyo aad ayaa looga fiican yahay, waxaad arkeysaa 10 heshiis oo lala galay 10 dowladood oo iska soo horjeedo heshiisyada qaar waxa ay dhacayaan hal maalin, waxay ka dhacayaan laba caasimadood oo iska soo horjeedo” auu yiri Shariif.

Madaxweynihii hore oo hadalkiisa sii wata ayaa soo hadal qaaday heshiiskii dhex-maray Soomaaliya iyo Itoobiya, wuxuuna tilmaamay inuu ahaa heshiis aan la fileyn, maadaama ay jirtay xiisad xoogan oo u dhexeysay Muqdisho iyo Addis Ababa, welina aan xal laga gaarin.

Sidoo kale wuxuu ku eedeeyay Itoobiya in ay rabto bad ay qaadato, horayna arrintaasi ay u shaaciyeen mas’uuliyiinta sar sare ee dalkaasi, sida uu hadalka u dhigay.

“Habka loo maray heshiiskan waa khaldan tahay culeysna waxa ay ku tahay Soomaalida, nabad-na ma ku imaaneyso” ayuu mar kale yiri.

Waxaa kale oo uu raaciya “Itoobiya haddii ay bad ganacsi rabto maxay uga raadsan waysay Jabuuti, Eritrea ama Suudaan, maxay Somalia uga soo doonatay? Xaqiiqda ayaa ah in Itoobiya aysan bad ganacsi rabin laakiin ay rabto bad ay qaadato mugdi badan ayaana ku jiro waxa lagu soo heshiiyay”.

Hoos ka daawo:-

DF oo war culus kasoo saartay dagaalka ka socda Puntland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay dagaalka culus ee ay Puntland ku qaaday kooxda Daacish ee ku sugan dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, kaas oo haatan ku socdo si dardarleh.

Ugu horreyn dowladda dhexe ayaa boggaadisay guulaha ay ciidamada Puntland ka gaareen dagaalkaas, kadib markii jab culus lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka kooxda Daacish.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale boggaadisay doorka shacabka Puntland iyo garab istaagga ay u muujiyeeen ciidanka daraawiishta ee howlgallada ka wada buuraha Bari.

“Khawaarijta Daacish iyo Shabaab, waa cadaw ay u simanyihiin dadka Soomaaliyeed waana in loo midoobo ciribtirkooda” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa ka tacsiyesyay askarta ku dhimatay dagaalkaasi, iyada oo sidoo kale kuwa dagaalamaya u rajeysay inay guul ka gaaraan argagixisada.

“Waxeey Dawladdu duco u diraysaa Shuhadada ku shahiiday hawlgalka iyo kuwa ku dhaawacmay, sidoo kale waxaa ay tacsi u diraysaa ehelada Shuhadadaas iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed ee ay ka baxeen iyaga oo u dagaalamaya difaaca Dalka, Dadka iyo Diinta” ayaa mar kale lagu yiri qoraalkan oo kasoo baxay wasaaradda warfaafinta dalka.

Dowladda Federaalka ayaa sidoo kale sheegtay inay ka go’an tahay in shacabka iyo maamulada dalka oo dhan ay ku dhiirigaliso kuna garab istaagto doorkooda ka xoraynta dalka ee kooxaha Khawaarijta ah.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Dowladdu iyada oo kaashanaysa shacabka Soomaaliyeed waxay u taagan tahay sidii dalka looga tirtiri lahaa dembiileyaasha Khawaarijta, kuwaas oo muddo dheer dhibaato aan kala sooc lagayn ku haya shacabka Soomaaliyeed”.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka:-

Nin isku dhex dilay masjid ku yaalla Muqdisho iyo sababta ka dambeysa + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dhacdo argagax leh oo maanta ka dhacday degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, kadib markii nin watay toorey uu isku dhexe mindiyeeyay masaajid ku yaal agagaarka isgoyska Korontada.

Dhacdada oo ka dhacday Masjid lagu magacaabo Macallin Nuur ayaa argagax ku noqotay jamaacada masjidka iyo dadka deegaanka, taas oo dhacday xilli la geli rabay salaaddii duhur.

Ninka oo la sheegay in ka xanuunsanaa dhimirka ayaa isku soo xiray mid kamid musqulaha masjidka, kadibna wuxuu is geliyay mindi uu watay, waxaana sidaas soo gaaray dhaawac halis ah, sida uu sheegay qof goobjooge ah oo la hadlay warbaahinta.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa booliska oo gacanta ku dhigay ninkaasi, kadibna geeyay mid kamid ah xarumaha caafimaadka ee magaalada Muqdisho.

“Xilli uu adinka salaadda duhur soo dhow yahay ayaa waxaa aragnay dhiig fara badan oo kasoo baxaya musqusha masjidka, mucjiso wayn ayay nala noqotay nin kaligiis musqul isku soo xiraayo, kadibna toorey is gelinaayo” ayuu yiri odey kamida jamaacada masjidka.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Mindida isaga ayaa watay booliska oo meesha yimid ayaana ka qaaday, kadibna isaga oo xaalad halis ah ku jiro ayaa la geeyay isbitaal”.

Dhacdooyinka argagaxa leh ayaa kusoo badana Muqdisho, waxayna ahayd dhowaan markii nin watay mindi uu xaaskiisa ku gowracay degmada Xamarjajab ee gobolka Banaadir.

Dekedda Muqdisho oo markii ugu horeysay yeelatay ‘khad toos ah’ burburkii kadib

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dekedda magaalada Muqdisho ayaa yeelatay khad toos ah oo isku xiraya Soomaaliya iyo Shiinaha.

Waxaa maalintii shalay aheyd dekedda Muqdisho si toos ugu soo xirtay markab u rarnaa ganacsato Soomaali ah oo kasoo shiraacday xeebaha dalka Shiinaha.

Maraakiibta ku soo xirata dekedda Muqdisho ayaa soo mari jirtay dekadaha dalalka mandiqadda ka hor inta aysan imaan xeebaha Soomaaliya.

Khadka tooska ah ee ay haatan kadib maraakiibta ganacsi ku imanayaan dekedda Muqdisho ayaa ka dhigan guul weyn oo Soomaaliya gaartay, sida uu sheegay wasiir ku-xigeenka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya Cusmaan Daalo.

Wasiirka oo ka hadlayay munaasabad lagu daah-furayay khadka tooska ah, oo ay hormuud u tahay shirkadda Lamu Shipping Limited ayaa sheegay in ay tahay tallaabadani mid ku dayasho mudan

Sidoo kale wuxuu xusay in arrintaan looga baaqsanayo dhibaatadii ay ku qabi jireen ganacsatada Soomaaliyeed oo badeecadahooda sugi jiray muddo dheer, maadaama ay kusoo hakan jireen dekado kale.

Waa markii ugu horreysay burburkii kadib markab ganacsi oo kasoo shiraacda xeebaha dalka Shiinaha uu toos ugu soo xirto marsada Xamar, isagoo markii hore soo mari jiray dekedo ku yaalla bariga Afrika iyo dalalka Carbeed.

Kooxda Daacish oo gacanta looga dhigay diyaaradihi ugu badnaa oo Drone (Sawirro)

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidanka Daraawiishta Puntland ayaa tacanta kusoo dhigay illaa sagaal diyaaradood oo nooca loo yaqaan Drone-ta.

Diyaaradahan ayaa isugu jira kuwa wax basaasa iyo kuwo ay qaraxyo ku rakiban yihiin una diyaara inay is qarxiyaan, kuwaas oo lahaayeen kooxda Daacish.

Qabashada diyaaradahaan ayaa suurta-gashay kadib dagaal culus oo dhex-maray kooxda Daacish iyo ciidanka maamulka Puntland, waxaana sidoo kale ciidanka la wareegeen goobo ay kooxda kasoo duuli jirtay.

Gobolka bari waxaa haatan si xowli ah uga socda howl-galka Hilaac ee ciribtirka kooxda argagixisada ee Daacish oo ku dhuumalaysta buuralayda fog ee Calmiskaad.

Maalintii shalay ayey aheyd markii halkaas lagu khaarajiyay in ka badan 20 dagaal-yahan oo ka tirsan Daacish, kuwaas oo ay ku jireen 4 ajaanib ah sida uu sheegay taliska howl-galka ee Puntland.

Dagaallada u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo maleeshiyada Daacish ayaa dib u laba kacleeyey laba toddobaad kahor markii ay Puntland shaacisay in ay weerari doonto kooxaha argigixisada.

Balse kadib kooxda Daacish ayaa weerar toos ah oo isugu jira qaraxyo iyo dagaal ku soo qaaday qayb kamid ah ciidamadii ku sugnaa buuraha deegaanka Dharjaale.

Kooxda Daacish ee Soomaaliya oo muddo aheyd laan yar oo ka tirsan kooxda caalamiga ah ee Daacish ama isugu yeerta khilaafadda Islaamiga ah ayaa sanadihii ugu dambeeyey yeelatay muhiimad iyo saameyn.

Mas’uulkii ugu horreeyay ee DF oo ka hadlay dagaalka ka socda…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Mas’uulkii ugu horreeyay ee ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka hadlay dagaalka ka socda Puntland ee u dhexeeya ciidamada ammaanka maamulkaasi iyo kooxda Daacish.

Cabdiraxmaan Al-Cadaala oo ah wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa noqday mas’uulkii ugu horreeyay ee xil ka haya dowladda dhexe ee si toos ah uga hadlay dagaalkaasi, isaga oo Puntland ku taageeray ciribtirka kooxda argagixisada ah ee Daacish.

Wasiir ku xigeenka ayaa sidoo kale boggaadiyay guulaha waa wayn ee laga gaaray dagaalka ay Puntland kula jirto kooxda Daacish, maadaama ciidamada Puntland ay ka saareen dhowr saldhig oo muhiim ah.

“Hambalyo iyo bogaadin Geesiyaasha Daraawiishta Puntland oo Buuraha ku baacsanaya Khawaarijta Daacish.Waxaa garabkiina taaqan Qarankiinna iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed” ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray wasiir Al-Cadaala.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in Khawaarijtu tahay cadow kusoo duulay dalka, loona baahan yahay in loo midoobo, si dalka looga xoreeyo.

“Khawaarijtu, waa Cadaw si siman halis ugu ah Dadka Soomaaliyeed ciribtirkoodana waa in loo midoobaa” ayuu mar kale yiri wasiirku.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo muddo dheer madaxda sare dowladda ay ka aamusan yihiin dagaalka Puntland, sabab la xiriira khilaafka siyaasiga ah ee kala dhexeeya Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Shabaab oo xalay Muqdisho ka sameysay arrin yaab leh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa xalay xarun ganacsi oo ku taalla magaalada Muqdisho ku xirtay miinooyin been abuur ah, taas oo jug culus laheyd.

Jugta miinooyinkan oo markii hore loo maleeyay qaraxyo xoog leh ayaa waxa uu booliska sheegay in kooxda ka laheyd argagax gelinta bulshada ku nool caasimada, oo waayihii dambe ka nastay qaraxyada kooxda.

“Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed waxa uu bulshada Soomaaliyeed iyo saxaafadda u caddeynayaa in aysan jirin wax khatar amni ah oo ka jirta caasimadda Muqdisho,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay taliska booliska.

Miinadan ayaa lagu dhejiyay xarun ganacsi oo ku taalla degmada Daarusalaam, “Kooxaha khawaarijta ayaa isku dayay inay abuuraan cabsi, iyagoo miinooyin been abuur ah ku dhajiyay xarun ganacsi oo ku taalla Degmada Daarusalaam,” ayaa lagu yiri qoraalka booliska.

Miinooyinkaas ayuu booliska sheegay in la xaqiijiyay inay ahaayeen kuwo dheemish ah oo aan wax khatar ah geysan.

Ma jirin wax khasaare nafeed ama mid hantiyeed oo ka dhashay falkaas, sida uu sheegay taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed.

“Ciidanka Boliiska ayaa si degdeg ah uga jawaabay dhacdadan, kana qaaday tallaabooyin lagama maarmaan ah oo lagu xaqiijinayo amniga iyo kalsoonida bulshada,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ugu dambeyntiina taliska booliska ayaa ugu baaqay shacabka inay nabadda kala shaqeeyaan ciidamada amniga, ayna ka digtoonaadaan wararka been abuurka ah ee lagu qalqal-galinayo bulshada Soomaaliyeed.

DF oo shaacisay arrin weli hortaagan in Itoobiya ka mid noqoto howlgalka AUSSOM

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Cumar (Cali Balcad), ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku dadaaleyso sidii Itoobiya loogu dari lahaa qoondada ciidamada ee howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

Balcad ayaa xaqiijiyay in dowladda federaalka Soomaaliya ay horey u qoondeysay ciidamo ka qayb qaata howlgalka, ayna aqoonsatay dalalka la filayo inay ciidamo ku biiriyaan. Si kastaba ha ahaatee, waxa uu caddeeyay in ka qaybgalka Itoobiya uu weli yahay mid aan la hubin, iyadoo dowladda ay ku howlan tahay xallinta arrimaha la xiriira qeybinta ciidamada.

“Caqabadda ugu weyn ee hortaagan ka mid noqoshada Itoobiya ee AUSSOM waxay la xiriirtay heshiiskii MoU-ga. Arrintaas waa la xalliyay. Caqabadda hadda jirtaa waxay tahay in inta badan qoondada ciidamada horey loo qoondeeyay, ayna yar tahay waxa ka haray in la qeybiyo. Waxaan si firfircoon ugu shaqeyneynaa sidii xal loo heli lahaa,” ayuu yiri Balcad.

Kadib kulan dhowaan ka dhacay Addis Ababa oo dhex maray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, labada dal ayaa ku heshiiyay inay soo celiyaan xiriirkoodii diblomaasiyadeed ee buuxa kaas oo ay waxyeello gaarsiisay heshiiskii MoU-ga ee Somaliland.

Soomaaliya ayaa muddo dheer ku adkaysaneysay in ka qaybgalka Itoobiya ee howlgalka nabad ilaalineed ee mustaqbalka uu ku xiran yahay in ay ka laabato heshiiskeedii MoU-ga ee Somaliland.

Heshiiskaas oo la saxiixay Janaayo 2024, ayaa u oggolaaday Itoobiya inay marin bad oo dhanka Badda Cas ah ka hesho Somaliland, taas oo Soomaaliya u aragto faragalin lagu hayo midnimadeeda dhuleed.

In kasta oo ay sidaas tahay, haddana Soomaaliya ayaa dhawaan jilcisay mowqifkeeda, iyadoo aqoonsatay doorka Itoobiya ee howlgallada nabad ilaalinta ee hoos yimaada Howlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS).

Wafdi ka socda Soomaaliya ayaa la filayaa in ay maalmaha soo socda u safraan Itoobiya si ay uga hadlaan faahfaahinta farsamo ee la xiriirta ka qaybgalka Itoobiya ee howlgalka. Tani waxaa ka mid ah xaqiijinta tirada ciidamada iyo hubinta in ka qaybgalka Itoobiya uu waafaqsan yahay danaha qaran ee Soomaaliya iyo madaxbanaanideeda.

Balcad ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in Itoobiya ay dhawaan soo magacaabi doonto safiirkeeda Soomaaliya, halka safiirka Soomaaliya ee Itoobiya uu bilaabi doono waajibaadkiisa rasmiga ah.

Shirka saddex geesoodka Asmara oo lagu qabanayo Muqdisho – Maxaa isbedelay?

0

Qaahira (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ayaa marti-gelin doonta kulanka labaad ee fulinta heshiisyadii kasoo baxay shirkii saddex geesoodka Asmara.

Wasiirrada arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Ereteriya iyo Masar oo Axaddii kulan ku yeeshay Qaahira, ayaa arrintaan isla gaaray, sida lagu shaaciyay bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Masar.

Kulankaas ayaa u daarnaa sidii ay dib u eegis ugu sameyn lahaayeen fulinta qodobadii ay madaxda saddexda dal ku heshiiyeen intii lagu guda jiray shirkii Asmara ee dhacay 10-kii October 2024.

Kulanka Qaahira ayaa waxaa marti-galiyey wasiirka arrimaha dibadda ee Masar, Badr Abdelatty, iyadoo uu ka qayb-galay wasiirka arrimaha dibeadda ee Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi iyo dhiggiisa Ereteriya, Cusmaan Saalax Maxamed.

Wasiirrada ayaa markaas si gaar ah uga wada-hadlay amniga gobolka, ilaalinta madax-bannaanida dalalka Geeska Afrika iyo Badda Cas iyo weliba taageeridda mabaadi’da sharciga caalamiga ah.

Bayaanka ayaa lagu xaqiijiyey in kulanka labaad ee saddex geesoodka uu ka dhici doono Muqdisho, inkastoo taariikh rasmi ah aan weli la shaacin.

Wasiirradu waxay isku raaceen in ay sii xoojiyaan isku-dubaridka dadaallada lagu xaqiijinayo heshiisyadii Asmara.

Shirka Asmara oo lagu saxiixay bilowgii khilaafkii Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhashay is-afgaradkii Somaliland, ayaa diiradda saarayey xoojinta amniga gobolka, ilaalinta madax-bannaanida dalalka iyo in la taageero mabaadi’da aan faragelin gudaha dalalka kale.

Waxaa la filayaa in shirka Muqdisho uu si qoto dheer u faaqidi doono hirgelinta heshiisyada iyo dadaallada lagu taageerayo nabadda gobolka.

Madaxweyne CIRRO oo magacaabay masuuliyiin cusub + Magacyada

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa magacaabay masuuliyiin cusub, kuwaas oo ah agaasimeyaal guud.

Masuuliyiintan oo gaaraya illaa 10 agaasime ayaa waxaa agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga ee Somaliland oo loogu magacaabay Maxamed Cali Maxamuud Shabeel.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale wuxuu Maxamed Cabdiraxmaan Xasan Rooble u magacaabay agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland

Hoos ka aqriso liiska magacyada masuuliyiinta la magacaabay;

1. Maxamed Cali Maxamuud Shabeel, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Somaliland.

2. Cabdisalaan Maxamuud Ducaale Cumar (Ilkacase), Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaainta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka ee Somaliland.

3. Maxamed Cabdiraxmaan Xasan Rooble, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland.

4. Liibaan Maxamuud Diiriye Waaberi, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda ee Somaliland.

5. Aadan Cabdillaahi Cabdalle Nuur, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Biyaha ee Somaliland.

6. Saleebaan Ibraahin Maxamuud Xasan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Howlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta ee Somaliland.

7. Cali Cige Maxamuud Dubad, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka ee Somaliland.

8. Mukhtaar Cabdi Jaamac Baaxo, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda dib-u-dejinta iyo Arrimaha Bani-aadamnimada ee Somaliland.

9. Eng Maxamuud Xuseen Aadan Jabaake, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska ee Somaliland.

10. Maxamed Siciiid Maxamuud Maxamed, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta Qaranka ee Somaliland.

Xisbiga AKP oo ka hadlay in Erdogan uu tartami doono mar afaraad iyo in haddii kale

Ankara (Caasimada Online) – Afhayeenka xisbiga talada haya ee Turkiga ayaa Isniintii sheegay in u gogol xaarista in madaxweyne Recep Tayyip Erdogan uu markii afaraad u tartamo xilka madaxweynenimada ay “ku jirto ajandahooda”, isagoo intaa ku daray in arrinta muhiimka ahi ay tahay in shacabku ay doonayaan.

Erdogan, oo ah hoggaamiyaha ugu muddada dheer dalka Turkiga casriga ah, ayaa xilka hayay in ka badan labaatan sano, isagoo marka hore ahaa ra’iisul wasaare ka dibna madaxweyne.

Sida uu qabo xadka muddo xileedka madaxweynenimada ee Turkiga, wuxuu ku jiraa muddo xileedkiisii ugu dambeeyay haddii aan wax ka bedel lagu sameyn dastuurka ama baarlamaanku ku dhawaaqin doorasho waqigeeda ka soo hormarta.

Markii ugu horreysay waxaa madaxweyne loo doortay 2014-kii iyadoo la marayo nidaam baarlamaani ah, waxaana dib loo doortay 2018-kii iyo 2023-kii ka dib markii wax ka bedel dastuuri ah ay sameeyeen xisbigiisa talada haya ee AKP iyo xulafadooda MHP, si dalka looga dhigo mid ku dhaqma nidaam madaxweyne.

Marka wax laga weydiiyay hadal dhex maray fanaan iyo Erdogan dhammaadkii toddobaadka kaasoo Erdogan uu kaga jawaabay su’aal ku saabsan inuu u tartamo muddo xileed cusub isagoo leh: “Diyaar ayaan u ahayd haddii aad u tahay”, afhayeenka AKP Omer Celik ayaa sheegay in AKP ay ku faraxsan tahay in arrintaas la soo hadal qaaday.

“Annaga oo ah kuwa la safan Madaxweynaha, waa ajandaheena,” ayuu ku yiri shir jaraa’id oo uu ku qabtay Ankara. “Waxaan ka arki doonnaa qaacidada. Siyaasadda, hal sano waa waqti aad u gaaban, hal maalin waa mid aad u dheer. Waxa muhiimka ah waa in shacabkeennu ay doonayaan,” ayuu raaciyay.

“Marka aan eegno dhacdooyinka naga xeeran, waxaa muuqata fursad kasta sida ay muhiim u tahay aqoonta iyo rabitaanka siyaasadeed ee madaxweynaheennu uu u leeyahay dalkeenna,” ayuu raaciyay.

Bishii November, hoggaamiyaha MHP Devlet Bahceli ayaa soo jeediyay fikradda ah in wax ka bedel lagu sameeyo dastuurka si loogu oggolaado madaxweynaha inuu mar kale u tartamo doorashada la filayo inay dhacdo 2028.

Wax ka beddelka dastuurka waxaa loo gudbin karaa afti haddii 360 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka oo ka kooban 600 kursi ay taageeraan. Doorasho waqtigeeda ka soo hormarta waxay sidoo kale u baahan tahay taageerada 360 xildhibaan.

AKP iyo xulafadeeda waxay haystaan 321 kursi.

Muxuu A/Madobe ka yiri dagaalka ka socda Puntland?

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa markii u horreysay ka hadlay dagaalka ka socda maamulka Puntland ee u dhaxeeyay kooxda Daacish iyo maamulka.

Madoobe ayaa si weyn u bogaadiyay howl-galada ka dhanka ah argagixisada ee ka socda Puntland, isagoo adkeeyay ahmiyada ay leedahay in si mideysan loo wajaho dagaalka.

“Dagaalka argagixisada waa in midnimo loo wajaho, si dib u dhiska iyo soo kabashada dalkeennu ay u noqoto mid miro dhal ah,” ayuu Axmed Madoobe ku yiri bayaan uu soo saaray.

Sidoo kale wuxuu ugu hambalyeeyay ciidamada Puntland guulaha ay ka gaareen howl-galka lagu cirib-tirayo kooxda oo ayadu sanadihii dambe culeys amni ku haysay maamulkam

Waxa kale oo uu tilmaamay in howl-galkan uu u leeyahay muhiimad weyn dadka reer Puntland iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed.

Ugu danbayntiina wuxuu ugu baaqay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka inay ku garab istaagan maamulla Puntland sidii uu u miro dhali lahaa howl-galkan.

Dagaallada u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo maleeshiyada Daacish ayaa dib u laba kacleeyey laba toddobaad kahor markii ay Puntland shaacisay in ay weerari doonto kooxaha argigixisada, balse kadib ay Daacish weerar toos ah oo isugu jira qaraxyo iyo dagaal ku soo qaadeen qayb ka mid ah ciidamadii ku sugnaa buuraha degaanka Dharjaale.

Kooxda Daacish ee Soomaaliya oo muddo aheyd laan yar oo ka tirsan kooxda caalamiga ah ee Daacish ama isugu yeerta khilaafadda Islaamiga ah ayaa sanadihii ugu dambeeyey yeelatay muhiimad iyo saameyn.