26.9 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Xog: Sanbaloolshe oo guul weyn kala soo noqday Hiiraan iyo 5 arrin oo la xaliyey

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Dadaalladii nabadeynta iyo dib u heshiisiinta ahaa ee maalmihii la soo dhaafay ka socday gobalka Hiiraan ayaa laga gaaray natiijo wax ku ool ah oo ay dad badan rajo ka qabaan inay billow u noqon karto xal u helidda xaaladaha amni iyo kuwa siyaasadeed ee gobalka.

Sida aan ka soo xigannay dad xogogaal ah, horumarka hadda laga gaaray arrinta gobalka Hiiraan ayaa loo sababaynayaa kaalinta hoggaamineed ee ay qaateen masuuliyiinta ka soo jeedda gobalkaas oo Taliyaha NISA Cabdullaahi Sanbalooshe uu ugu horreeyo.

Sanbalooshe oo muddo 10 maalmood ah ku sugnaa Hiiraan ayaa maanta soo gabagabeeyay safarkiisa, waxaana arrimaha uu xalka ka gaaray ka mid ahaa:

1 – In dowladnimada lagu soo celiyo garabka Hiiraan State oo ku sugnaa Feerfeer Itoobiya oo uu hoggaaminayay nin lagu magacaabo Cabdullahi Ganey.

2 – In si nabad ah gacanta dowladda loogu soo celiyo xaruntii gobolka Hiiraan, kadib markii la qanciyay garabka Hiiraan State ee uu horkacayay nin lagu magacaabo Colow oo heystay xarunta gobolka.

3 – In dib loo abaabulo, safafka halgamayaashii deegaanka ee Macawiisleyda oo la mideeyay cududooda, si mar kale loo dardargaliyo dagaalka Khawaarijta Al-Shabaab.

4 – In la xaliyay xiisaddii ka dhalatay askartii lagu laayay deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Sh/Dhexe, iyadoo xalkaas ay si weyn uga baxeen buubabka dhaqanka Mudullood uu hoggaaminayay Imaam Daahir Imaam Maxamuud.

5 – In la qaaday isbaaroyinkii yaalay gudaha Beledweyne oo sabab u ahaa sicir-barar dhanka maciishadda ah oo dadka deegaanka iyo safareydu ay ku dhib qabeen.

Taliyaha NISA Cabdullahi Sanbalooshe oo arrintaan xalka Hiiraan lagu raadinayo hoggaaminayey ayaa madaxweyne Xasan Sheekh ku soo celiyey xogta wixii u qabsoomay iyo culeysaadka soo noqday.

Maanta muuqaal laga soo duubay ciidamada deegaanka ee dib loo abaabulay ayaa muujinayey in dadka deegaanku ogolaadeen maamulkii ay ka tirsanaayeen ee HirShabeelle, waxayna ku dhawaaqayeen “HirShabeelle ha guuleysato, Soomaaliya ha is raacdo.”

Puntland oo xog saameysay Masar iyo Itoobiya ka heshay Sacuudiyan Daacish ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Saldhigyadii kooxda Daacish ay ka saareen ciidamada Puntland ee buuraha Calmiskaad ayaa laga helay Baasaboorka nin Sacuudiyaan ah oo kamid ahaa kooxdii laga qabsaday saldhigaas maanta.

Baasaboorka waxaa saaran Fiisaha ama dal ku galka Masar iyo Itoobiya oo ah halka uu soo maray, taas oo muujinaysa in ninkan argagixisada ah uu Puntland ka soo galay dhinaca Itoobiya, labo todobaad ka hor.

Tani ayaa sii xoojineysaa warbixino horay u soo baxay oo ahaa in argagixisada ajaanibta Daacish ee ku dhuumaaleysanaya dhulka buuraleyda Puntland ay kasoo kala jeedaan dalal badan.

Ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa maalmihii la soo dhaafay guulo ka gaaray howlgalka ciribtirka Argagixisada, iyagoo u daatay saldhigyo ay kooxda u yaaleen agabyo kala duwan cagta la mariyay.

Ciidamada ayaa maanta soo bandhigay sawirka baasaboorka uu ka cararay ninkaas kasoo jeeda Sacuudiga ee soomaray Masar iyo Itoobiya, horay waxay u soo bandhigeen diyaaradaha wax basaasa, hub iyo meydadka xubno ajaanib ah oo lagu dilay dagaalka.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay taliska howlgalka ciribtirka argagixisada Puntland waxaa maanta ciidamada ay la wareegeen talisyo waa waayn oo ay kooxda ku lahayd buuraha hoostooda, sidoo kalena laga qabsaday shidaal iyo saanad kale oo muhiim ah.

“Allaahu Akbar, ciidanku wuxuu la wareegay talisyo waa weyn Shidaal, Hub iyo Agab kale” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay taliska howlgalka ciribtirka argagixisada Puntland.

Horay ciidamada Puntland ayaa inta uu socday howlgalka ku burburiyay ugu yaraan sideed talis oo Khawaarijta Daacish ay ku lahaayeen dhulka Buuraleyda ah ee gobolka Bari, gaar ahaan aagga Togga Il-cameyro ee buuralayda Cal-miskaad , sida ay sheegtay Puntland oo qoraal soo saartay.

“Ciidamada difaaca Puntland ayaa in ka badan 8 Talis iyo Saldhigyo ka burburiyey Argagixisada daacish, kuwaas oo ay ku lahaayeen buuraleyda Calmiskaad ee G. Bari, gaar ahaan togagga Lugele, Dhabanacado, il iyo Camayra, Hoobato, Taagtaag iyo buurta Baal-gorey” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay taliska ciidamada PMPF.

Hoos ka eeg sawirada baasaboorka

Shabaab oo soo bandhigtay askari Kenyan oo muddo ku jiray gacantooda, dalbadeyna…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa muddo kadib soo bandhigtay muuqaalka askari Kenyan ah oo ka tirsanaa ciidanka difaaca Kenya (KDF), kaasi oo u gacan galay 2016-kii.

Nuinkan oo magaciisa ku sheegay Cabdullaahi Ciise Ibraahim ayaa waxay kooxda ku qabatay weerarkii Ceel Cadde ee 15-kii January, 2016-kii. Weerarkaasi ayaa sababay dhimashada boqolaal askari iyo dhaawac tiro kale oo badan.

Cabdullaahi ayaa kasoo muuqday muuqaalka ay baahisay kooxda isaga oo xiran dharka ciidanka difaaca Kenya, wallow aysan ka muuqan darajadiisa, halka ay ku qorneyn magaca dharka uu xiran yahay, taas oo caadiyan lagu yaqaano ciidanka KDF.

Ninkan oo sanado ku jira gacanta kooxda Al-Shabaab sida uu sheegay ayaa waxa uu ka codsaday dowladda Kenya inay dadaal ku bixiso sii deyntiisa, isagoo sheegay in muddo 8 sano ah oo uu ku jiray gacanta kooxda ay aheyd xilli aad u dhib badan.

Sidoo kale waxa uu muuqaalka dhexdiisa ku sheegay in mudaddii uu maxbuuska ahaa aysan jirin wax xiriir ah oo ka yimid dowladda Kenya.

“Waxaan ku dashay Wajeer 1963-kii, waxaana ku biiray KDF sanadkii 1986-dii. Waxaana ka tirsanaa cutubka 9-aad [oo fadhigiisu yahay Eldoret] waxaana yimid Somalia 2016-kii, 15 maalmood un keliya kahor intii aanan gacanta u gelin Al-Shabaab,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas kusii daray “Dowladda Kenya marnaba wax xiriir ah nagama samaynin aayahayaga. Muddo dheerna ma arkin xaaskeyga iyo qoyskeyga, waxaan ku noolahay xaalad adag oo gacanta kooxda Al-Shabaab ah.”

Weerarkii Ceel Cadde ayaa ahaa midkii ugu khasaaraa badnaa ee soo gaara ciidanka KDF tan iyo markii ay Soomaaliya usoo direen ciidamo nabad ilaalin ah, kaasi oo askar badan looga dilay, halka nolol lagu qabtay kuwa kale oo aan illa hadda la aqoon ay ku dambeeyeen.

Madaxweyne Xasan oo baaq culus diray kadib heshiiska…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa bayaan kasoo saaray heshiiska xabbad-joojinta Gaza, kaasi oo ay gaareen Xamaas iyo Israel.

Madaxweynaha ayaa soo dhaweeyay heshiiskan, isaga oo bogaadiyay dadaallada ay sameeyeen dalalka Qatar, Masar, iyo Mareykanka si loo xaqiijiyo heshiiskan.

Mudane Xasan ayaa ku baaqay in la isku keeno dadaallada caalamiga ah iyo kuwa gobolka si loo adkeeyo heshiiska xabbad-joojinta, islamarkaana loo dedejiyo gaarsiinta gargaarka bini’aadantinimo ee degdegga ah ee shacabka ku nool Gaza, si loo yareeyo xaaladdooda adag ee bini’aadantinimo.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Soomaaliya ay had iyo jeer taageersan tahay nabadda, isaga oo ku baaqay in la helo xal cadaalad waara ah oo lagu dhisayo dowlad Falastiini ah oo madax-bannaan, si waafaqsan mabda’a laba dowladood.

Shalay ayey aheyd markii ay dowladda Qatar ku dhowaaqday in Israel iyo Xamaas ay ku heshiiyeen heshiis xabad-joojin ah oo ka kooban saddex weji, kaddib 15 bilood oo colaad ah.

Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Donald Trump ayaa bartiisa bulshada ku shaaciyay: “Waxaan heshiis u helnay dadka afduubka loo haysto ee Bariga Dhexe. Dhawaan ayaa la sii deyn doonaa.”

Sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas ayaa Arbacadii heshiiska la wadaagay wargeyska Middle East Eye. Qoraalka heshiiska ayaa lagu sheegay in wejiga koowaad ee xabad-joojinta uu ku lug yeelan doono is-dhaafsiga maxaabiista iyo ku soo noqoshada “xasillooni waarta”, iyadoo ujeedadu tahay in la gaaro xabad-joojin rasmi ah.

Haweeney sunta libaaxa ku dishay Seygeeda oo la soo qabtay (Daawo Sawirrada)

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Jubbaland oo howlgal ka sameeyay xaafadda Farjano ee magaalada Kismaayo ayaa gacanta kusoo dhigay haweeeney xalay Seygeedii ku dishay magaaladaasi, kadib markii ay u adeegsatay Sunta lagu dilo Libaaxyada.

Qoraal kasoo baxay Booliska Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in haweeneydaan oo lagu magacaabo Sahra Xuseen Maxamed ay Saygeedii Cabdullahi Cabdiraxman Abuukar sunta ugu dartay cabitaan, kadibna ay siisay, isaga oo u geeriyooday shirqoolkaasi.

“Taliska Ciidamada Qaybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose ayaa Soo qabtay Sahra Xuseen Maxamed oo Saygeedii Cabdullahi Cabdiraxman Abuukar Xalay ku dishay Magaalada kismaayo Xaafadda Farjano Waaxda Dalxiiska” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Sahra ayaa Saygeedda Sunta Libaaxa ugu dartay Cabitaan ay u Soo iibisay taas oo sababtay in uu ugeeriyoodo”

Dhanka kale Dhame Shukri Faarax Ducaale  oo kamid ah saraakiisha Jubbaland oo warbaahinta u faahfaahiyay dhacdada ayaa sheegay in weli ay wadaan baaris, isla markaana haweeneyda eedeysanaha ah ay horgeyn maxkamad, si talaabo looga qaado.

Sahra Xuseen Maxamed oo sawirradooda loo soo bandhigay dadweynaha ayaa ahayd xaaska Marxuumka, waxayna u dhashay dhowr carruur ah, waxaana la sheegay inuu jiray khilaaf u dhexeeyay iyada Seygeeda, kaas oo ay ugu dambeyn ka taqalustay.

Dhacdooyinkan aragagaxa leh ayaa indhowaanahaan kusoo badanayay gudaha dalka, waxaana ugu dambeysay todobaadyo kahor oo magaalada Muqdisho ay ka dhacday dhacdo kale,  kadib markii nin soo qaatay toorey uu xaaskiisa ku gowracay degmada Xamarjajab ee gobolka Banaadir.

Qodobada heshiiska Gaza: Israel oo guul-darro weyn la hoyatay kadib 14 bil oo kibir ah

Doha (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Qatar, Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani, ayaa Arbacadii ku dhawaaqay in Israa’iil iyo Xamaas ay ku heshiiyeen heshiis xabad-joojin ah oo ka kooban saddex weji, kaddib 15 bilood oo colaad ah. Warkan ayuu ka sheegay magaalada Doha.

Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Donald Trump ayaa bartiisa bulshada ku shaaciyay: “Waxaan heshiis u helnay dadka afduubka loo haysto ee Bariga Dhexe. Dhawaan ayaa la sii deyn doonaa.”

Sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas ayaa Arbacadii heshiiska la wadaagay wargeyska Middle East Eye. Qoraalka heshiiska ayaa lagu sheegay in wejiga koowaad ee xabad-joojinta uu ku lug yeelan doono is-dhaafsiga maxaabiista iyo ku soo noqoshada “xasillooni waarta”, iyadoo ujeedadu tahay in la gaaro xabad-joojin rasmi ah.

Sida ku cad heshiiska, 33 qof oo Israa’iiliyiin ah oo lagu hayo Gaza ayaa la sii deyn doonaa qayb ka mid ah wejiga koowaad, oo ay ku jiraan sagaal qof oo xanuunsan ama dhaawac ah.

Israa’iil ayaa sii deyn doonta 1,000 Falastiiniyiin ah oo la xiray laga soo bilaabo 8 October 2023.

33-ka maxbuus ee la sii deynayo waxaa ku jiri doona dhowr nin oo da’doodu ka weyn tahay 50 sano. Waxaa lagu beddelan doonaa Falastiiniyiin xabsi daa’in ku xukuman oo hal maxbuus oo Israa’iili ah lagu beddelan doono 3 Falastiiniyiin ah, iyo Falastiiniyiin kale oo xukunno kala duwan ku xukuman oo hal maxbuus oo Israa’iili ah lagu beddelan doono 27 Falastiiniyiin ah.

Hisham al-Sayed iyo Avera Mengistu, oo lagu hayey Gaza ka hor dagaalkii Israa’iil ku qaadday Gaza, ayaa lagu beddelan doonaa 60 maxaabiis Falastiiniyiin ah iyo 47 Falastiiniyiin ah oo dib loo xiray kaddib markii lagu sii daayay 2011-kii, heshiiskii maxaabiis is-dhaafsiga ee Gilad Shalit.

Israa’iil ayaa bilaabi doonta inay ka baxdo Marinka Gaza qayb ka mid ah wejiga koowaad, iyadoo u dhaqaaqi doonta dhinaca bari ee meelaha ay dadku ku badan yihiin, oo ay ku jiraan marinka Netzarim iyo isgoyska Kuweyt.

Marinka Netzarim, oo lix kilomitir ah, oo ay Falastiiniyiintu ugu yeeraan “jidka dhimashada”, ayaa waxaa sameeyay militariga Israa’iil intii lagu jiray dagaalkan hadda socda. Wuxuu ka billowdaa xadka Israa’iil ee magaalada Gaza ilaa badda Mediterranean-ka, waxaana ciidamada Israa’iil u adeegsadeen inay ku kormeeraan, kuna xakameeyaan dhaqdhaqaaqa Falastiiniyiinta u kala gooshaya waqooyiga iyo koonfurta Gaza.

Xagaagii, Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu wuxuu ku dhawaaqay in heshiis xabbad joojin ah uusan ka mid ahayn in Israa’iil ay ka baxdo aaggaas.

Ciidamada Israa’iil ayaa dib ugu guran doona xadka 700 mitir u jira xuduudda Gaza, marka laga reebo shan goobood oo xadka uu ku fidi doono 400 mitir oo dheeraad ah, sida ay Israa’iil go’aamisay.

Dhanka Marinka Philadelphi, oo ah 14km ballaaran, oo ku teedsan xadka Gaza iyo Masar, Israa’iil ayaa ciidamadeeda ka dhimi doonta aagga u dhexeeya labada dhinac inta lagu jiro wejiga koowaad.

Sida ku cad heshiiska, ciidamada Israa’iil ayaa bilaabi doona inay ka baxaan maalinta 42-aad ee xabad-joojinta, kaddib marka la sii daayo maxbuuskii ugu dambeeyay ee wejiga koowaad, waxayna ka bixitaanka dhammaystiri doonaan maalinta 50-aad.

Isgoyska Rafah ee u dhexeeya Gaza iyo Masar, oo Israa’iil ay qabsatay intii uu socday dagaalka, ayaa loo furi doonaa in lagu qaado dadka rayidka ah ee dhaawacmay, kaddib marka la sii daayo dhammaan haweenka la haysto (rayid iyo askar). Ciidamada Israa’iil ayaa ku sii sugnaan doona agagaarka isgoyska.

Heshiiska ayaa dhigaya in 50 dagaalyahan Falastiiniyiin ah oo dhaawac ah loo oggolaan doono inay ka gudbaan maalin walba, iyadoo ay oggolaadeen mas’uuliyiinta Israa’iil iyo Masar.

Sidoo kale, dadka rayidka ah ee Falastiiniyiinta ah ee buka ama dhaawaca ah ayaa loo oggolaan doonaa inay u gudbaan Masar si loogu daweeyo.

Falastiiniyiinta barakacay ayaa lagu wadaa inay ku laabtaan waqooyiga Gaza qayb ka mid ah wejiga koowaad, aag ay militariga Israa’iil ku burburiyeen hawlgal milateri oo arxan daran toddobaadyadii u dambeeyay.

Maalinta toddobaad ee xabad-joojinta, Falastiiniyiinta barakacay ee aan hubaysnayn ayaa loo oggolaan doonaa inay ku laabtaan waqooyiga Gaza iyagoo maraya Jidka Rasheed. Maalinta 22-aad, kuwa kale ayaa loo oggolaan doonaa inay ku laabtaan iyagoo maraya Jidka Salah al-Din.

Dhanka gaadiidka, waxaa loo oggolaan doonaa inay ku laabtaan waqooyiga maalinta toddobaad, iyadoo lagu samayn doono baaritaanno ay fulin doonto shirkad gaar loo leeyahay oo ay Israa’iil la go’aamin doonto dhex-dhexaadiyeyaasha caalamiga ah.

Sida ku cad qabyo-qoraalkii hore ee heshiiska, maalinta 16-aad ee xabad-joojinta, waxaa qorshaysan in la bilaabo wadahadallo ku saabsan wejiga labaad ee xabad-joojinta.

Qorshaha guud ee wejiga labaad ayaa ah in dhammaan maxaabiista Israa’iiliyiinta ah la sii daayo, beddelkeedana ay Israa’iil si buuxda uga baxdo Gaza. Faahfaahinta saxda ah weli lama xaqiijin.

Mas’uuliyiinta Israa’iil ayaa muddo dheer ku adkaysanayay inaysan ka bixi doonin marinka ilaa awoodda militari iyo maamul ee Xamaas gebi ahaanba laga saaro. Qorshe ku saabsan maamulka Gaza ee dagaalka ka dib ayaa lagaga hadli doonaa wejiyada labaad iyo saddexaad.

Wejiga saddexaad ayaa ku lug yeelan doona soo celinta meydadka maxaabiista Israa’iiliyiinta ah ee weli lagu hayo Gaza, iyo ku dhawaaqista qorshe dib-u-dhis oo socon doona saddex ilaa shan sano oo loogu talagalay marinka, kaas oo ay kormeerayaan dhinacyo caalami ah.

Dagaalka Israa’iil ku qaadday Gaza ayaa dilay in ka badan 46,000 oo qof, oo u badan haween iyo carruur, tan iyo 7 October 2023, kaddib weerarradii Xamaas hoggaaminaysay ee koonfurta Israa’iil. In ka badan 110,000 oo kale ayaa ku dhaawacmay marinka tan iyo markaas.

Daawo: DF oo tallaabo culus qaaday kadib weerarkii ka dhacay degmada Daarusalaam

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa xalay qaaday tallaabo deg-deg ah oo jawaab u ah weerarkii ay habeen hore Al-Shabaab ka gaysteen gudaha degmada Daarusalaam ee gobolka Banaadir.

Ciidamada Booliska, kuwa Nabad-Sugidda iyo ciidanka Xasilinta caasimada ayaa xalay isku fidiyay xaafadaha degmadaas, iyaga oo ka sameeyay howlgallo amni xaqiijin ah.

Howlgallada oo bartilmaameed ah ayaa lagu beegsaday guryo ku yaalla Daarusalaam oo laga soo qabtay dhalinyaro iyo waxyaabaha maanka dooriya.

Dhalinyarada lasoo qabtay oo aad u badan ayaa la’isugu keenay hal goob, waxaana kadib fagaarahaas kula hadlay qaar kamid ah saraakiisha ciidanka ee dowladsa Soomaaliya.

Taliye ku xigeenka qaybta bari Gaanshaanle Dhexe Macallin Faarax oo horkacayay howlgalka ayaa shaaca ka qaaday in ujeedka uu ahaa amni xaqiijin, si looga hortego weerarada Al-Shabaab, burcadda iyo kooxaa ka ganacsatada waxyaabaha maanka dooriya.

Gaanshaanle Dhexe Macallin Faarax ayaa ugu baaqay dadka deegaanka inay kala shaqeeyaan amniga, si looga hortago wax kasta oo halis ku ah.

“Adinkoo ah dhalinyarada Soomaaliyeed oo intaan la’eg oo caqli leh oo aqoon leh in maalin weliba in aktiina hooyo lagu dhibaateeyo wiil masaakiin ah lagu dhibaateeyo, marqaatina aad ka noqotaan, qaarkiin meeshaan fadhiyo guryahooda Xashiish ayaa laga soo saaray” ayuu yiri Taliye ku xigeenka qaybta bari Gaanshaanle Dhexe Macallin Faarax.

Weerarkan ayaa daba socda qaraxyo habeen hore ka dhacay Daarusalaam oo lagu beegsaday goobo ganacsi, kadibna ay xigtay rasaas toos ah, waxaana laamaha amniga oo dhankooda ka hadlay weerarkaas ay sheegeen in qaraxyadu ay ahaayeen kuwa dheemish ah.

Puntland oo guul wayn ka gaartay dagaalka socda – Maxaa dhacay maanta?

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa sheegaya in weli dhaq-dhaqaaq ciidanyo oo ka dhan Daacish ay Puntland ka wado dhulka buuraleyda ee gobolkaasi, gaar ahaan aagga Calmiskaad, halkaas oo ay ku xoogan tahay kooxda.

Ciidamada Puntland ee la dagaalamaya Khawaarijta Daacish ayaa isku sii fidinayo deegaanno horleh, waxaana maanta dagaalka ay ka gaareen guullo kale oo wayn.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay taliska howlgalka ciribtirka argagixisada Puntland waxaa maanta ciidamada ay la wareegeen talisyo waa waayn oo ay kooxda ku lahayd buuraha hoostooda, sidoo kalena laga qabsaday shidaal iyo saanad kale oo muhiim ah.

“Allaahu Akbar, ciidanku wuxuu la wareegay talisyo waa weyn Shidaal, Hub iyo Agab kale” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay taliska howlgalka ciribtirka argagixisada Puntland.

Horay ciidamada Puntland ayaa inta uu socday howlgalka ku burburiyay ugu yaraan sideed talis oo Khawaarijta Daacish ay ku lahaayeen dhulka Buuraleyda ah ee gobolka Bari, gaar ahaan aagga Togga Il-cameyro ee buuralayda Cal-miskaad , sida ay sheegtay Puntland oo qoraal soo saartay.

“Ciidamada difaaca Puntland ayaa in ka badan 8 Talis iyo Saldhigyo ka burburiyey Argagixisada daacish, kuwaas oo ay ku lahaayeen buuraleyda Calmiskaad ee G. Bari, gaar ahaan togagga Lugele, Dhabanacado, il iyo Camayra, Hoobato, Taagtaag iyo buurta Baal-gorey” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay taliska ciidamada PMPF.

Sidoo kale waxaa lasoo riday diyaarado Drones ah oo ay adeegsanayeen xubnaha kooxda Daacish ee ku sugan dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, halka kalena la qabtay.

Xaaladda ayaa weli kascsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa goobaha ay howlgallada ka socdaan ee aagga Togga Il-cameyro ee buuralayda Cal-miskaad.

Puntland ayaa qaaday guluf ka dhan ah kooxaha argagixisad ah ee ku suga aagga dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, halkaas oo qorshuhu yahay in laga xoreeyo.

Trump oo isku dayaya inuu badbaadiyo TikTok ka hor go’aanka Axadda – Sidee?

Washington (Caasimada Online) – Mike Waltz oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka, islamarkaana ah xulashada madaxweynaha la-doortay Donald Trump ee la-taliyaha amniga qaranka, ayaa sheegay in madaxweynaha cusub uu sahminayo siyaabo TikTok ay uga sii jiri karto Mareykanka.

Waltz ayaa hadalkan ku sheegay wareysi uu siiyey weriyaha Fox News Bret Baier, kadib markii Baier uu waydiiyay warbixin lagu daabacay The Washington Post oo sheegtay in Trump uu ka fakarayo inuu soo saaro amar madaxweyne si uu hakad u geliyo dhaqan-gelinta sharci federaal ah oo laga yaabo inuu ka mamnuuco TikTok guud ahaan dalka Axadda soo socota.

Todobaadkii hore, Maxkamadda Sare ayaa dhageysatay doodaha sharci ee dacwad ay gudbiyeen TikTok, shirkadda leh ee ByteDance ee Shiinaha, iyo dadka isticmaala.

Garsoorayaasha ayaa u muuqday kuwo ay u badan tahay inay taageeraan sharcigaas, kaas oo shirkadda ByteDance ku amraya inay iibiso TikTok sababo la xiriira amniga qaranka, haddii kale ay wajihi doonto in laga mamnuuco Mareykanka.

“Haddii Maxkamadda Sare ay soo saarto go’aan taageersan sharciga, Madaxweyne Trump warkiisa wuu cad yahay: Marka hore, TikTok waa bar aad u wanaagsan oo ay isticmaalaan dad badan oo Mareykan ah, waxayna door muhiim ah ka qaadatay ololihiisa iyo faafinta fariintiisa. Marka labaad, wuxuu ilaalin doonaa xogtooda,” ayuu yiri Waltz.

“Waa qof heshiisyo sameyn kara. Ma rabo inaan ka hordhaco amarrada madaxweyne, laakiin waxaan abuuri doonnaa fursad lagu dhammaystiro heshiiskaas,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Dhanka kale, Arbacadii, Pam Bondi oo ah Trump u xushtay in ay noqoto xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, ayaa ka meer-meertay su’aal la weydiiyay intii lagu guda jiray dhageysi Senate-ka oo ku saabsaneyd inay taageeri doonto mamnuucista TikTok.

Trump ayaa bedelay mowqifkiisa ku aaddan TikTok kadib markii uu isku dayay inuu mamnuuco intii uu xafiiska joogay muddo xileedkiisii hore, sababo la xiriira amniga qaranka.

Intii lagu jiray ololihiisa doorashada 2024, Trump ayaa ku biiray TikTok, kooxdiisana waxay u adeegsadeen si ay ugu xirmaan cod-bixiyeyaasha da’da yar, gaar ahaan ragga dhalinyarada ah, iyagoo faafinayay muuqaallo ujeedkeedu ahaa inay si weyn u faafaan.

Wuxuu ballan qaaday inuu “badbaadin doono TikTok” intii lagu jiray ololaha, wuxuuna u mahadceliyay bartan isagoo sheegay inay ka caawisay kasbashada codadka dhallinyarada.

AP

Rag isbaaro dhigtay Hiiraan oo xukun adag lagu riday

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa dhageysatay dacwadda rag ku eedeysan in ay dhigteen isbaaro ay ku dhici jireen dadka iyo gaadiidka isticmaala inta u dhaxeysa magaalooyinka Matabaan iyo Beledwayne.

Xeer ilaalinta maxkamadda ayaa sheegtay in la soo qabtay lix ruux oo si bareer ah u dhacayay gaadiidka, waxaana maanta maxkamadad la horkeenay shan kamid ah, halka mid kale dhaawac dartii uu isbitaal ugu jiro.

Raggaan ayaa dhac bareer ah u geysanayey dadka iyo gaadiidka isticmaala inta u dhaxeysa magaalooyinka Matabaan iyo Beledweyne. Raggan ayaa laftigooda qiraal ah, sida uu sheegayna baaraha kiiska oo lagu magacaabo Eng Yuusuf.

Intii ay socotay dhageysiga dacwaddan ayaa waxa uu ku-xigeenka xeer ilaalinta maxkamadda ciidamada qalabka sida uu ka dalbaday maxkamadda in raggan dhaca geystay lagu rido xukun adag.

Kadib markii uusoo idlaaday fadhiga, maxkamadda ayaa waxay raggaan ku xukuntay min 10 sano oo xabsi ciidan ah iyo hubkii oo lagala wareegay.

Xukunkan ayaa qeyb ka ah dadaallada nabadeynta gobolka Hiiraan, oo muddooyinkii dambe faro ba’an ku hayeen isbaarooyinka, kuwaas oo dhawaan awood ciidan lagu burburiyay intooda badan.

Taliyaha hay’adda sirdoonka iyo nabad-sugidda qaranka iyo masuuliyiin kale oo kasoo jeeda gobolka ayaa ku guuleystay xal u helista isbaaroyinkii yaalay magaalada Beledweyne iyo hareeraheeda, oo iyagu sababay sicir barar dhanka maciishadda ah oo ay ku dhibbanaayeen dadka deegaanka.

Soomaaliya iyo Ukraine oo tallaabo cusub u qaaday…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Ukraine ayaa haatan sameysanaya xiriir diblumaasiyadeed, waxaana arrintaasi ka wada-hadlay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi iyo dhiggiisa dalkaasi, Andrii Sybiha.

Labada wasiir oo yeeshay kulan khadka Teleefoonka ah ayaa ka wada-hadlay sidii ay xiriir u sameysan lahaayeen labada dal, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska wasiir Fiqi.

Wada-hadalkan ayaa si gaar ah loogu falanqeeyay iskaashi cusub oo ay yeeshaan labada dowladood iyo sidii ay uga wada shaqeyn layaaheen horumarinta danaha wadaagga ah.

Sidoo kale inta uu kulanka socday labada wasiir ayaa isku soo hadal qaaday arrimo la xiriira nabadda Ukraine, maadaama weli dalkaasi ay ka socdaan dagaallo xooggan

“Wasiir Axmed Macalin Fiqi ayaa nabad u rajeeyay dadka dadka reer Ukraine, sidii ay uga bixi lahaayeen dhibaatada dagaalka” ayaa lagu yiri War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Si kastaba, wada-hadalka ayaa ku soo aadayo, xilli haatan Ruushka uu dagaal ku hayo gudaha dalka Ukraine tan iyo 2022-kii, iyada oo xaaladdu ay gaartay meel halis ah.

Qiimeyn: Kaalinta Soomaaliya ay 2025 ka gashay awoodda ciidamada adduunka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qiimeynta Global Firepower ee sannadkan 2025-ka ayaa waxaa laga qeyb geliyay 145 dal, waxaana la tixgeliyay in ka badan 60 waxyaabood sida tirada ciidamada, qalabka milatariga, xasilloonida maaliyadeed, goobta juqraafiyeed, iyo agabyada la heli karo. Qodobbadani waxay si wada jir ah u go’aamiyaan dhibcaha PowerIndex, halkaasoo buundooyinka hoose ay muujinayaan awoodaha ciidan ee xooggan.

Caadiyan sannadkan liiska waxaa xoggaaminaya Mareykanka, halka Ruushka, Shiinaha iyo Hindiya ay soo kala galeen kaalmaha labaad, saddexaad iyo afaraad.

Kuuriyada Koonfureed, Ingiriiska, Faransiiska, Japan, Turkiga iyo Talyaaniga ayaa galay sidoo kale ka mid ah 10-ka dal ee ugu horreeya liiska kala horreynta ee ay soo saartay Global Firepower.

Halkee ayay Soomaaliya kaga jirtaa liiska sanadkan 2025-ka?

Sannadkii 2022 Soomaaliya ayaa gashay kaalinta 138-aad waxaana ka dambeeyay waddamada Kosovo iyo Bhutan oo ku kala jiray kaalmaha 139-aad iyo 140-aad, Waxaana markaas la qiimeeyay 140 dal.

Sannadkii 2023-kii Soomaaliya waxay liiska ka gashay kaalinta 142 waxaana ka dambeeyay 3 waddan oo kala ahaa Maldova, Benin iyo Bhutan.

Sannadkii dhamaaday ee 2024-kiina Soomaaliya ayaa gashay liiska awoodaha militari ee adduunka ayaa ah 142 oo la mid ah kaalintii ay gashay sannadkii ka sii horreeyay balse waxaa kala duwan 3-da waddan ee ka hooseeya. Waxaana ka hooseeyay waddamada kala ah Bhutan, Moldova, Suriname.

Waddamadii ay sannadkii ka sii horreeyay ee 2023-ka ka sara martay waxaa ka baxay Benin oo gashay kaalinta 41-aad.

Waddamadan ay Soomaaliya ka sare martay ayaa waxay ku kala yaallaan qaaradaha Ameerika iyo Aasiya.

Sannadkan 2025-ka kaalinta Soomaaliya waxba iskama baddelin oo waxay ku jirtaa isla kaalintii ay sannadkii hore gashay oo ahayd 142. Waxaana sannadkan ka hooseeya 3 waddan oo kala ah Jamhuuriyadda Afrikada dhexe, Benin iyo Bhutan.

Markii hore Soomaaliya waxay meesha ugu hooseysa uga jirtay liiska caalamka. Muddo dheer ayay sanadk kasta Soomaaliya ahayd dalka ugu hooseeya liiska, oo ahaa 140 waddan. Waxaase muuqatay inay saddexdii sano la soo dhaafay sare u soo kacaysay.

Waxaa xusid mudan in bishii Diseembar Soomaaliya laga qaaday cunaqabatayntii saarnayd 31 sano ka dib kulan Golaha Ammaanka ee Qaramada midoobay ka yeesheen kaas oo si aqlabiyad leh loogu codeeyey in meesha laga saaro xayiraaddii hubka ee saarnayd Soomaaliya ilaa sanadkii 1992-dii.

Sidaa darteed waxaa la saadaalinayaa in sanadaha soo socda ay awoodda militari ee Soomaaliya ay sare u kici doonto marka ay soo iibsato ama la siiyo hubka loo fasaxay.

BBC

Ciidanka Macawiisleyda oo jab culus gaarsiiyay Shabaab

0

Buuloburde (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo gelinkii dambe ee Arbacadii ka dhacay qaybo kamid ah gobolka Hiiraan, kaas oo u dhexeeyay xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo ciidamada dadka deegaanka ee Macawiisleyda.

Dagaalka ayaa si gaar ah uga dhacay tuulada Xalaalay oo hoostagta deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan, waxaana halkaasi ku dagaalamay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo kasoo tallaabay wabiga iyo ciidamada Macawiisleyda ee howlgallada ka wada deegaanka.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa ahaa innoo sheegay in dagaalka uu ahaa mid la’isku riiqmay, isla-markaana saacado badan qaatay, kaas oo dhinacyadu isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana soo kala gaaray khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Saraakiil u hadashay Macawiisleyda waxa ay sheegeen in jab culus ay gaaarsiiyeen Al-Shaaab, ayna ka dileen illaa afar xubnood, sidoo kalena ay dhaawaceen tiro kale oo badan.

Waxaa kale oo ay intaasi kusii dareen in dhankooda dagaalka ay uga dhinteen laba askari, welina ay sii wadaan howlgalka xoreynta ee ka socda gobolka Hiiraan.

Xaaladda ayaa weli kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada deegaanka.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayay gobolka, gaar ahaan inta u dhexeysa Buuloburte iyo Halgan oo ay kusoo badanayeen Al-Shabaab.

Wararkii u dambeeyay ee dabka Los Angeles

Los Angeles (Caasimada Online) – Todobaadki labaad ayuu galay dab xoog leh oo ka holcaya meelo ka mid ah magaalada Los Angeles ee gobolka California ee dalkaan Mareykanka.

Kooxaha dab-damiska ayaa Arbacadi shalay la tacaalay in ay damiyaan laba dab oo ka kala socda laba jiho, xilli ay xaaladda uga sii dareyayeen dabeylo xoog leh oo sii hurinayay holoca.

Saraakiisha gobolka ayaa ku boorriyay dadka deegaanka in ay si weyn u feejignaadaan, isuna diyaaraan in ay ka baxaan guryahooda ilaa Khamiista maanta ah oo la filayo in dabeylaha xooggan ay sii socdaan.

Ciidamada booliska gobolka iyo kuwa degmooyinka ayaa iyaguna dhankooda ka wada howlgallo ay ku xirayaan kooxo lagu eedeeyay in ay bili-liqo u geysteen guryaha iyo goobaha gacansi ee ay dadku ka carareen.

Tan iyo todobaadki hore, boolisku waxay sheegeen in ay xireen ku dhawaad 10 qof oo lagu eedeeyay xattooyo.

Dad gaaraya 6.5 milyan oo qof ayaa wajahaya xaalad khatar ah oo la xiriirta dabkaan. Ila aiyo hadda ilaha caafimaadka iyo kuwa maamulka waxay xaqiijiyeen dhimashada 25 qof guud ahaan meelaha uu dabka baabi’iyay ee magaalada Los Angeles.

Iran oo ka hadashay shirqool la sheegay in ay ku dili laheyd madaxweyne Donald Trump

Tehran (Caasimada Online) – Iran waligeed ma qorsheyn inay disho madaxweynaha la-doortay ee Mareykanka Donald Trump, waxaa sidaas wareysi uu siiyay NBC News ku sheegay madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian, isagoo beeniyay sheegashadii hore ee Trump iyo dowladda Mareykanka.

Bishii November, waaxda cadaaladda ee Maraykanka ayaa nin Irani ah ku soo oogtay dacwad la xiriirta shirqool ay amar ku bixiyeen Ilaalada Kacaanka Iran, si uu u dilo madaxweynaha la doortay ee Maraykanka.

Ciidamada ammaanka ayaa fashiliyay qorshahaas ka hor inta aan wax weerar ah la qaadin.

Trump ayaa sidoo kale sheegay sanadkii hore intii lagu jiray ololaha doorashada madaxweynaha Mareykanka in Iran laga yaabo inay ka dambeysay isku dayo lagu dili rabay.

“Waxba kama jiraan wararkaas, weligeen iskuma dayin ugu horreynba, mana isku dayi doono abid,” Pezeshkian ayaa ku yiri wareysigiisa NBC News, markii la weydiiyay haddii uu jiro qorshe Iran ay damacday in lagu dilo Trump.

Trump, oo ku guuleystay doorashadii Mareykanka ee sannadkii hore, xilkana la wareegi doona Isniinta, ayaa ka badbaaday laba isku day dil, intii lagu jiray ololaha.

Bishii September isku day dil ayuu ka badbaaday xilli uu golf ku ciyaarayay West Palm Beach, Florida, iyo mid kale wuxuu ka badbaaday intii lagu jiray isu soo bax bishii Luulyo ka dhacay Butler, Pennsylvania.

Baarayaasha ma helin wax caddaynaya ku lug lahaanshaha Iran ee labadaas weerar oo la doonayey in Trump lagu dilo.

Iran ayaa sidoo kale horay u beenisay sheegashada Mareykanka ee ah in ay faragelin ku heyso arrimaha Mareykanka, oo ay ku jiraan howlgallo dhanka Internetka ah.

Tehran ayaa sheegtay in Washington ay faragelin ku samaynaysay arrimaheeda gudaha muddo tobanaan sano ah, iyada oo soo xiganaysa dhacdooyin u dhexeeyay afgambigii 1953 ka dhanka ahaa ra’iisul wasaarihii dalkaas, illaa 2020 oo taliye milatari oo sare lagu dilay duqayn diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ay u geysteen.

REUTERS

Israel iyo Xamas oo gaaray heshiis muhiim u ah reer Gaza

Gaza (Caasimada Online) – Israa’iil iyo Xamaas ayaa Arbacadii maanta ku heshiiyey xabbad joojin iyo sii daynta la-haystayaal lagu hayo Gaza, kadib kulamo kala duwan oo ay la yeesheen ra’iisul wasaaraha Qatar, sida ay AFP u sheegtay ilo-wareed xog-ogaal u ah wada-hadallada.

Sarkaal Maraykan ah ayaa sidoo kale xaqiijiyey heshiiska.

Cadaadiska lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka ayaa kordhay maalmihii la soo dhaafay, iyadoo dhex-dhexaadiyeyaasha Qatar, Masar iyo Maraykanku ay xoojiyeen dadaallada lagu xaqiijinayo heshiis.

Ilo-wareed xog-ogaal u ah wadahadallada ayaa u sheegay AFP in “heshiis xabbad joojin ah oo Gaza ah iyo sii daynta la haystayaasha (la gaaray) kaddib markii Ra’iisul Wasaaraha Qatar Sheikh Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim al-Thani uu xafiiskiisa kula kulmay si kala gooni ah wada-xaajoodayaasha Xamaas iyo kuwa Israa’iil.”

Ku dhawaaqistan ayaa timid bilo kadib isku dayo fashilmay oo lagu doonayay in lagu soo afjaro dagaalka ugu dhimashada badan taariikhda Gaza, iyo maalmo ka hor caleemo saarka madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Donald Trump, kaasi oo isla markiiba soo dhaweeyay heshiiska ka hor inta uusan si rasmi ah uga dhawaaqin Aqalka Cad.

“Waxaan heshiis u haynaa la haystayaasha Bariga Dhexe. Si dhaqso ah ayaa loo sii dayn doonaa. Waad mahadsan tahay!” ayuu ku yiri bartiisa Truth Social.

Wuxuu uga digay Xamaas “dab cadaab ah” haddii aysan xorriyaddooda u soo celin maxaabiista harsan ka hor inta uusan xilka la wareegin.

Ergooyin ka socda labada maamul, midka Biden iyo Kan Trump ee soo socda ayaa joogay wada-hadalladii ugu dambeeyay.

Dagaalka Gaza ayaa billowday kadib markii Xamas ay weerarkii ugu dhimashada badnaa taariikhda ku qaadday Israa’iil 7-dii Oktoobar, 2023, taasoo sababtay dhimashada 1,210 qof, oo u badan rayid, sida lagu sheegay tirakoob ay AFP ka samaysay tirooyinka rasmiga ah ee Israa’iil.

Dagaalyahannada Falastiiniyiinta ayaa sidoo kale weerarkaas ku qafaashay 251 qof, kuwaasoo 94 ka mid ah weli lagu hayo Gaza, ayadoo 34 ka mid ah ay ciidamada Israa’iil sheegeen inay dhinteen.

Olole aargoosi ah oo Israa’iil ka waddo Gaza ayaa waxaa ku dhintay 46,707 qof, oo u badan rayid, sida ay sheegeen tirooyinka wasaaradda caafimaadka ee maamulka Xamaas, kuwaasoo Qaramada Midoobay ay u aragto kuwo lagu kalsoonaan karo.

Faah-faahinta iyo qodobada lagu heshiiyey ayaa la filayaa in lagu dhowaaqo saacadaha soo socda.

Kadib heshiiskii maanta maxaa ka dhacay Villa Somalia? + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Maamulaha Guud ee Sanduuqa Horumarinta Boqortooyada Sucuudi Carabiya Sultan Abdulrahman Al-Marshad.

Kulankan ayaa imanaya saacad uun kadib markii laba dowladood ay Muqdisho ku gaareen heshiis ay qalinka ku duugeen Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya iyo Maamulaha Guud ee Sanduuqa Horumarinta Dhaqaalaha Sacuudiga.

Kulanka ayaa waxay labada masuul uga wada-hadleen sidii ay kaalin uga qaadan lahayeen iskaashiga labada dhinac gaar ahaan arrimaha maalgashiga iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

Intii uu socday kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray sidii Sanduuqa Horumarinta Sucuudiga uu kaalin muuqata uga geysan lahaa; arrimaha horumarinta dhaqaalaha dalka iyo maalgashiga.

Sanduuqan ayaa kamid yahay hey’addaha sida gaarka ah ula shaqeeya dowladda, sidoo kalena uu qeyb weyn ku lahaa barnaamijkii dib-u-habeynta dhaqaalaha dalkeenna ee horseeday in Soomaaliya ay gaarto deyn cafin dhameystiran.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa uga mahad-celiyey wafdiga ka socday Boqortooyada Sucuudiga booqashada ay ku yimaadeen Muqdisho, isaga oo xusay in Soomaaliya ay ka jiraan fursado waaweyn oo maalgashi gaar ahaan dhinacyada beeraha, kalluumeysiga iyo tamarta.

Kulankan ayaa waxaa Maamulaha Guud ee Sanduuqa Horumarinta Boqortooyada Sucuudi Carabiya ku wehliyay safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan safaaradda, halka ra’iisul wasaaraha ay ku wehlinayeen Wasiirka Maaliyadda iyo xubno ka tirsan golihiisa.

Sanbaloolshe oo kasoo laabtay Hiiraan iyo xogta 5 qodob oo xal laga gaaray

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Taliyaha hay’adda sirdoonka iyo nabad-sugidda qaranka Cabdullaahi Sanbaloolshe ayaa maanta soo gaba-gabeeyay safarkiisi gobolka Hiiraan.

Sanbaloolshe oo mudo 10 maalmood ah ku maqnaa Hiiraan ayaa waxaa natiijo wax ku ool ah laga gaaray dadaalladii nabadeynta iyo dib u heshiisiinta ee gobolka, iyadoo haatan dad badan rajo ka qabaan inay billow u noqon karto xal u helidda xaaladaha amni iyo kuwa siyaasadeed ee gobolka.

Sida ay Caasimada Online u sheegeen dad xogagaal ah, horumarka hadda laga gaaray arrinta gobalka Hiiraan ayaa waxaa loo sababaynayaa kaalinta hoggaamineed ee ay qaateen mas’uuliyiinta ka soo jeedda gobolkaas oo uu ugu horreeyo Taliyaha NISA.

Illaa 5 qodob oo muhiim ah ayaa xal laga gaaray, kuwaas oo u jilba dhigteen mas’uuliyiinta ugu horreeyo Taliyaha nabad-sugidda qaranka, oo asagu haatan soo gaba-gabeeyay safarkiisi qaatay ku dhowaad labada asbuuc.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaa lagu guuleystay in si nabad ah gacanta dowladda loogu soo celiyo xaruntii gobolka Hiiraan kadib markii la qanciyay garabka Hiiran State ee uu horkacayay Colow oo ku sugnaa xarunta.

Sidoo kale waxaa xeyndaabka dowladnimada loogu soo celiyay garabka Hiiran State oo ku sugnaa Feerfeer, Itoobiya oo uu hoggaaminayay Abdullahi Ganey.

Qodobka saddexaad ee isagna lagu guuleystay xal u helistiisa ayaa ah qaadista isbaaroyinkii yaalay magaalada Beledweyne iyo hareeraheeda, oo iyagu sababay sicir barar dhanka maciishadda ah oo ay ku dhibbanaayeen dadka deegaanka.

Dadaalladan ayaa sidoo kale waxaa xal looga gaaray xiisaddii ka dhalatay askartii lagu laayay Ceelbaraf, iyadoo xusid mudan tahay in xalkaas ay si weyn uga baxeen duubabka dhaqanka Mudullood oo uu hoggaaminayay Imaam Daahir Imaam Maxamuud.

Waxa kale oo lagu guuleystay in dib loo abaabulo safafka halgamayaashii deegaanka ee Macawiisleyda oo la mideeyay cududdooda si mar labaad loo dardar-galiyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Gobolkan ayaa waxaa lagu xasuusta kaalinta uu uga jiray halganka xoreynta dalka, iyadoo jab xooggan lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab, inkasta oo muddooyinkii dambe uu hoos u dhac ku yimid gulufka ka dhanka ah kooxda, oo haatan u muuqda mid dib loo abaabulayo.

AUSSOM oo SOOMAALIYA u xaqiijisay hal arrin oo muhiim ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaanka taliska howl-galka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa xaqiijiyay taageeradooda dagaalka ay dowladda Soomaaliya ku jirto ee dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Maxamed El-amine Souef oo maanta la kulmay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa caddeeyay taageeradooda buuxda ee dagaalka.

Labada masuul ayaa intii kulanka socday waxay uga wada-hadleen arrimaha howl-galka cusub ee Midowga Afrika, kaasi oo horraantii sanadkan si rasmi ah uga bilowday gudaha Soomaaliya.

Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray xoojinta iskaashi ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Midowga Afrika iyo howlgalka cusub ee taageerridda iyo xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) oo bedalaya ATMIS.

Intii uu socday kulanka, danjire Souef ayaa tilmaamay in Midowga Afrika si buuxda uga taageerayo dowladda Soomaaliyeed ciribtirka kooxaha argagixisada ee ugu horreyso Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu dambeyntiina wuxuu Midowga Afrika uga mahad-celiyey taageerrada naf-hurnimada leh ee uu la garab joogo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Waxa kale oo uuna caddeeyey sida ay dowladda uga go’an tahay in dalka laga sifeeyo kooxaha Khawaarijta ah ee isku soo bahaystay in dalkeena ay nabadda u diidaan.

Daawo: Muxuu Xasan ka sheegay shirka uu maanta ka furay Muqdisho?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shirweynaha 7-aad ee garsoorka dalka.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay halkaasi ayaa sheegay in dib-u-eegista iyo dhameystirka cutubka 9-aad ee dastuurka ay aas-aas u tahay helidda nidaam garsoor oo la jaanqaadaya baahiyaha bulshada iyo dib u kabashada dalka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay guulaha la taaban karo ee sanadihii la soo dhaafay laga gaaray horumarinta garsoorka dalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin;

1- Shaqaaleysiinta howl-wadeenno cusub oo loo maray hannaan tartan furan oo cadaalad ah iyo 2- Hirgelinta nidaamka elektarooniga ah ee dacwadaha, kaas oo si joogto ah loo horumarinayo si loo dedejiyo habsami u socodka adeegyada garsoorka.

“Dowladdu waxa ay si weyn uga shaqeynaysaa in cutubka ku saabsan garsoorka uu noqdo mid [sida ugu wanaagsan] u qaabeeya arrimaha garsoorka, iyada oo la hubinayo in dastuurku uu saldhig u noqdo garsoor casri ah oo dabooli kara baahida caddaaladda ee bulshada,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa waxa kale uu adkeeyey sida ay uga go’an tahay dowladda dhammeystirka dhismaha nidaam garsoor oo casri ah, hufan oo ay saldhig u tahay shareecadda Islaamka.

Ugu dambeyntiina wuxuu soo bandhigay tallaabooyinka lagu xaqiijinayo oo ay ka mid tahay dhismaha maxkamadda dastuuriga ah, sare u qaadidda miisaaniyadda hay’adaha garsoorka iyo baahinta adeegga garsoorka dalka.