25.8 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Nageeye iyo Gama’diid oo tababar loogu soo xiray Jilib iyo isbedel weyn oo ka muuqda

0

Jilib (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa baahisay muuqaalka unug cusub oo kamid noqonayo dagaalyahannadooda jabhadka ah, kuwaas oo tababar loogu soo xiray magaalada Jilib ee xarunta gobolka Jubbada Dhexe oo ah saldhigga ugu way ee kooxda.

Muuqaalka oo soconayay 27:48 second ayaa waxaa kasoo muuqday Abwaan Nageeye Cali Khaliif iyo Abwaan Cabdiwaaxid Cali Gama’diid oo horay ugu goostay dhanka Al-Shabaab.

Nageeye iyo Gama’diid oo caan ahaa ayaa kasoo jeedo gobollada waqooyi, laakiin kahor inta aanay ku biirin Shabaab waxay labaduba muddo ku sugnaayeen magaalada Muqdisho, balse mar qura ayay tageen degmada Jilib, iyagoo toos uga mid noqday Al-Shabaab.

Labada abwaan ayaa hada ku jiray safka hore muuqaalka laga soo duubay dagaalyahanada cusub ee tababarka loo soo xiray, waxayna wateen dhar tuute ah, qoray Ak47. boosha, waxaana sidoo kale madaxa ugu xirna calanka madow ee astaanta u ah kooxd Al-Shabaab.

Sidoo kale labada Abwaan ayaa muuqaal ahaan waxaa ka muuqday isbeddal wayn oo jir ahaaneed, marka la’is barbar-dhigo sawiiradii hore iyo muuqaalkooda maanta, waxaana ka muuqda hoos u dhac wayn oo loo sababeeyay nolosha dagaalka ee ay haatan galeen.

Tani ayaa muujineyso in hadda kadib ay toos uga qayb qaadan doonaan dagaalka kooxda, maadaama ay dhameysteen tababar ku aadanaa dhanka jabadaha ee weerarada qaada.

Dhinaca kale Mahad Karataay oo kamid ah saraakiisha sar-sar ee kooxda Al-Shabaab ayaa soo xiray tababarkaan, isaga oo dardaaran u jeediyay abwaanada iyo maleeshiyaadka kale.

“Walaalaha tababarka qaatay waxaan leeyahay Allaha idinku ciseeyo Diinta, hana idinka dhigo kuwa faatixiinta ah ee cadowga ka dulqaado dhulalka muslimiinta ee gumeysiga ku hayo” ayuu yiri Mahad Karataay.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay howlgalka cusub ee AUSSOM, isaga oo sheegay inuu yahay howlgal fashilan oo muddo dheer ka socda gudaha Soomaaliya.

“Howlgalka naf la caariga ah ee ay maanta u bixiyeen AUSSOM waa howlgal lagu tilmaami karo qar iska xoorimo, kana turjumayo fashilka ciidamada shisheeye” ayuu sii raaciyay.

Soomaaliya oo sanad kasta laga dhaco $300 milyan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin cusub oo ka soo baxday ENACT Africa, oo ah barnaamij Midowga Yurub ah oo u heelan la-dagaallanka dambiyada abaabulan ee xuduudaha dhaafsiisan ee qaaradda, ayaa daaha ka qaadday sida kalluumeysiga sharci-darrada ah u baabi’inayo kheyraadka kalluunka Soomaaliya, una helis gelinayo keydka kalluunka jaalaha ah (yellowfin tuna) ee dalka.

Soomaaliya ayaa ku faanta xeebta ugu dheer qaaradda Afrika iyo qaar ka mid ah goobaha kalluumeysiga ugu wax-soo-saarka badan ee Badweynta Hindiya. Hase yeeshee, waxay weli tahay meel ay aad ugu badan tahay kalluumeysiga sharci-darrada ah, ee aan la soo sheegin, oo aan la xakameynin (IUU).

Maraakiib shisheeye, oo ay ku jiraan kuwa ka yimaada Shiinaha, Iiraan, iyo Pakistan, ayaa kheyraadka dalka uga faa’iideysanaya iyagoo adeegsanaya hab jillaabasho oo xaalufin ah, kuwaas oo yareeyay keydka kalluunka.

Dhaleeceynta ayaa lagu muujiyey in maamulka badda oo daciif ah, musuq-maasuqa, iyo heshiisyada si liidata loo dhaqan geliyo ay yihiin qodobada ugu muhiimsan ee awoodda siinaya dhibaatada ay wadaan dalalkan.

Kalluunka jaalaha ah (Yellowfin tuna), oo ah nooc qiimo sare ku leh suuqyada caalamka, ayaa wajahaaya burbur dhaqaale oo halis ku ah dhaqaalaha Soomaaliya iyo amniga cunnada ee gobolka iyo adduunka labadaba.

Khabiiradu waxay ka digayaan in haddii aan si degdeg ah wax looga qaban, keydka kalluunka jaalaha ah uu hoos u dhici karo 70% tobanka sano ee soo socda gudahood, xaalad noocaas ah oo keeni doonta cawaaqib xumo aad u daran oo saameyn doonta bulshooyinka ku tiirsan kalluumeysiga.

Soomaaliya ayaa hadda sanad kasta waxay kalluumeysiga sharci-darrada ah ku lumisaa dhaqaale dhan $300 milyan sanadkii.

Kalluumeysiga sharci-darrada ah ayaa muddo dheer lala xiriirinayay falalka burcad-badeednimada ee ka dhaca xeebaha Soomaaliya. Muddo sanado ah, kooxaha fadhigoodu yahay Soomaaliya ayaa kalluumeysiga sharci-darrada ah, aan la soo sheegin, oo aan la xakameynin (IUU) u sababeeyay afduubkooda maraakiibta shisheeye.

Maamul-xumada Soomaaliya ayaa ka dhigtay mid u nugul in laga faa’iideysto. Tobannaan sano oo dagaallo sokeeye ah iyo xasillooni-darro ayaa wiiqay awooddeeda ay ku ilaalin lahayd kuna nidaamin lahayd biyaha ay maamusho si wax ku ool ah.

Sharciga Kalluumeysiga Federaalka ee Soomaaliya, kaas oo qeexaya qawaaniin adag oo ka dhan ah kalluumeysiga sharci-darrada ah, ayaa inta badan waxaa wiiqa musuqmaasuqa iyo iska horimaadyada danaha maamul goboleedyada iyo dowladda federaalka.

Tusaale ahaan, dowlad-goboleedka Puntland ayaa ka soo horjeesatay awaamiirta federaalka ee ah in la diido shatiyada kalluumeysiga ee heer gobol, iyagoo ku doodaya in tallaabooyinka noocaas ahi ay jebinayaan heshiisyada wadaagga kheyraadka.

Maamul midaysan la’aanta ayaa u suurtogelineysa maraakiibta shisheeye inay ka shaqeystaan xeebaha Soomaaliya iyagoo aan wadan shatiyo sax ah, taas oo sii xumeynaysa kalluumeysiga xad-dhaafka ah iyo nabaad-guurka deegaanka.

Heshiiskii 2018 ee u oggolaanayay shirkadaha Shiinaha inay ka kalluumeystaan 24 mayl-badeed gudaha xeebta Soomaaliya ayaa tusaale u ah caqabadaha maamul ee habaysan ee wiiqaya qaybta kalluumeysiga ee dalka.

Warbixin 2019 la soo saaray ayaa daaha ka qaaday sida maraakiibta Liao Dong Yu, oo ah maraakiib Shiineys ah, ay gebi ahaanba uga gudbeen xuduudaha sharciga ah.

Beddelkii ay u hoggaansami lahaayeen xeerarka federaalka, maraakiibta ayaa shatiyada kalluumeysiga ka helay maamulka Puntland iyadoo duruufo shaki leh ay ku hareereysnaayeen.

Heshiiska ayaa la sheegay inuu fududeeyay ganacsade iyo senatar Dahir Ayande, oo xulufo dhow la ah Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, waxaana uu iftiiminayaa sida xiriirka siyaasadeed u wiiqi karo maamulka kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya.

Warbixinta ayaa ku doodeysa in daah-furnaanta oo ka maqan bixinta qandaraasyada kalluumeysiga ay dhiirrigelisay kalluumeysiga sharci-darrada ah.

Maraakiibta Shiinaha, oo adeegsanaya farsamooyin aad u waxyeello badan, ayaa weli si firfircoon ugu lug leh kalluumeysiga sharci-darrada ah ee tuunaha ee xeebaha Soomaaliya.

Kuwaas waxaa ka mid ah isticmaalka shabaqyo waaweyn (purse seines) iyo maraakiibta xargaha dhaadheer (longline vessels) si ay u gurtaan tiro aad u badan oo tuuno ah, jiidista shabaqa hoose oo baabi’isa badda hoosteeda, iyo xitaa qarxinta kalluunka (dynamite fishing), oo adeegsata walxaha qarxa si ay u disho una ururiso kalluunka si aan loo aabo yeelin.

Hababka noocaas ah oo aan waarayn ayaa yareeya keydka kalluunka ee horeyba si xad-dhaaf ah looga kalluumeystay waxayna waxyeello aan laga soo kabsan karin u geystaan nidaamka deegaanka badda ee Soomaaliya, taas oo sii khatar gelineysa nolosha bulshooyinka kalluumeysatada maxalliga ah.

Si looga jawaabo, Soomaaliya ayaa wax ka qabatay kalluumeysiga sharci-darrada ah, oo ay ka mid yihiin mamnuucidda jiidista shabaqa hoose ee biyaha federaalka iyo xoojinta daah-furnaanta shatiyada.

Iskaashiga Turkiga iyo Denmark, oo ay weheliyaan Xafiiska Qaramada Midoobay ee Daroogada iyo Dambiyada (UNODC), ayaa horseeday ganaaxyo lagu soo rogay kalluumeysatada sharci-darrada ah iyo la wareegidda maraakiibta. Khabiiradu waxay ku talinayaan in la qaato teknoolojiyad kormeer oo casri ah iyo kooxo-hawleedyo goboleed si loo xoojiyo dhaqangelinta.

Si kastaba ha ahaatee, inkastoo la mamnuucay jiidista shabaqa hoose, kalluumeysato Turki ah ayaa weli lagu soo waramayaa inay ka shaqeystaan biyaha Soomaaliya iyadoo la raacayo heshiis laba geesood ah.

Robert McKee, oo ah khabiir dhinaca amniga badda ee caalamiga ah iyo la-taliyihii hore ee Xafiiska Qaramada Midoobay ee Daroogada iyo Dambiyada (UNODC), ayaa ku nuuxnuuxsaday degdegga jawaab isku-duwid ah oo ku aaddan kalluumeysiga sharci-darrada ah.

Isagoo la hadlayay ENACT, wuxuu hoosta ka xarriiqay baahida loo qabo in la xoojiyo nidaamyada kormeerka, xakamaynta, iyo ilaalinta ee gobolka iyadoo la dhisayo kooxo-hawleedyo u go’an dhaqangelinta shuruucda kalluumeysiga.

McKee ayaa u dooda tallaabooyin go’aan qaadasho leh, oo ay ka mid yihiin la wareegidda maraakiibta sharci-darrada ah, xarigga dembiilayaasha, iyo la wareegidda qalabka kalluumeysiga ee mamnuuca ah, taasoo ah tallaabooyin muhiim ah oo loo qaadayo ilaalinta keydka kalluunka jaalaha ah ee Soomaaliya oo ay dhibaato ba’an soo gaartay.

Xog: Axmed Madoobe oo ay maanta diyaarad ka qaaday Kismaayo, kana degay dalka…

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa saaka ka safray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, isaga oo gaaray magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa Caasimada Online u sheegay in Axmed Madoobe uu diyaarad qaas ah ka qaaday Kismaayo, taas oo uu ku tegay Kenya oo ay booqasho uga bilaabatay.

Wararka ayaa sheegaya in madaxweynaha Jubbaland uu Nairobi ka bilaabi doono kulamo xasaasi ah oo uu la qaadan madax ka tirsan dowladda Kenya, isaga oo kala hadli doono arrimaha Jubbaland iyo caqabadaha adag ee ku geedaamay maamulkaas oo ay xayiraad kusoo rogtay dowladda dhexe, sababo la xiriira khilaafka u dhexeeya labada dhinac.

Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa inta uu magaalada Nairobi jooga qaabili doono jaaliyadda Soomaaliyeed ee kasoo jeeda Jubbaland, isaga oo la wadaagi doono warbixin ku aadan xaaladaha bani’aadanimada ee ka jira Jubbooyinka iyo Gedo ee haatan kasii daraya.

Waxaa kale qorshaha Axmed Madoobe qayb ka ah inuu Kenya kula shiro safiirada caalamka ee jooga magaalada caasimada ah ee Nairobi, si uu ula macaamilo, maadaama ay dhowaan Jubbaland ku dhawaaqday inay si gooni ah ula xaajooneyso xubnaha beesha caalamka.

Hadal-heyn xoogan ayaa ka dhalatay safarka Axmed Madoobe, maadaama uu yahay kiisii ugu horreeyay oo uu uga baxo magaalada Kismaayo, kadib dib u doorashadiisii oo ay diiday dowladda dhexe ee Soomaaliya, kadibna xayiraad kusoo rogtay isaga iyo maamulkiisa.

Kenya oo ah dalka uu u dhoofay Axmed Madoobe ayaa xiriir xoogan la leh Jubbaland oo ay xuduud dheer wadaagaan, sidoo kalena ciidamadooda ay joogaan halkaasi, taas oo lala xiriirinayo inay soo dadajisay safarka uu ku gaaray Nairobi.

Si kastaba, Kenya ayaa horay isugu deyday inay dhex-dhexaadiso Axmed Madoobe iyo Madaxweyne Xasan Sheekh, iyada oo wafdi usoo dirtay Muqdisho iyo Kismaayo, balse wax natiijo ah kama soo bixin iyadoo arrintu faraha ka baxday dagaal toos ahna ay isku rogtay.

Villa Somalia oo taageero cusub u heshay qorshaheeda – Maxaa dhacay xalay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa xalay ka dhacday munaasabad ballaaran oo lagu taageerayay qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan qabashada doorashada qof iyo codka ah ee ay waddo dowladda Soomaaliya.

Xafladdan oo u muuqatay mid dhoolatus ah ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay wasiirka gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo aad ugu dhow madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna sheegay in xukuumaddu ay qabaneyso qof iyo cod.

“Doorasho dadban waan diidnay, waxaana rabnaa doorasho qof iyo cod ah, waxaana uga mahadcelineynaa hoggaanka Madaxweyne Xasan Sheekh” ayuu yiri Wasiirku.

Sidoo kale waxaa munaasabadda goobjoog ahaa xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka oo iyaguna taageero wayn u muujiyay dadaallada socda ee ku aadan doorashooyinka dalka.

“Fikirka ah in dalkaan laga qabto doorasho dadkuna soo doortaan hoggaankooda waxaa ay ka timid Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.” ayay tiri Xildhibaan Aamino Xuseen Cali.

Waxaa sidoo kale madasha ka hadlay dhalinyaro Soomaaliyeed oo lagu casuumay madashay, kuwaas oo sheegay inay soo dhaweynayaan doorashada qof iyo codka ah.

“Hadii aan nahay dhallinyarada Koonfur Galbeed waxaan taageersanahay inay wadanka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah.” ayuu yiri Nuur Aadan Cabdiladiif oo kamid ah hoggaanka dhalinyarada Digil iyo Mirifle.

Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso, xilli weli uu muran xooggan ka taagan yahay qorsaha Villa Soomaaliya ee ku aadan qof iyo cod, waxaana diidan Jubbaland, Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka oo bannaanka ka jooga sida ay wax ku wado dowladda dhexe.

Wararkii ugu dambeeyay ee booqashada madaxweyne Erdogan ee Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa haatan wada diyaar garowgii ugu dambeeyay ee soo dhaweynta Madaxweynaha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan oo dhowaan kusoo wajahan caasimada, waxaana socda qaban-qaabo xooggan.

Wararka ayaa sheegaya in wafdi hordhac u ah Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan uu haatan imaanayo gudaha Soomaaliya, kaas oo gogol xaar u noqonayo soo dhaweynta Madaxweynahooda iyo xubnaha kale ee safarka ku wehlinaya, iyaga la shaqeyn doono guddiga ay dowladda federaalka Soomaaliya u diyaarisay soo dhaweynta.

Sidoo kale wafdiga Turkiga ayaa kulamo hordhac ah la qaadan doono madaxda sare ee dowladda federaalka iyo howlwadeennada ku sugan safaaradda Turkiga ee Soomaaliya.

Goobaha loogu talagalay in uu tago Madaxweynaha Turkiga waxaa iyaguna ku socda diyaarin xooggan sida in lagu sii dhejiyo Calanka Dalkaas, Sawirka Madaxweyne Erdogan iyo waxyaabaha kale ee lagu muujinayo soo dhaweyntiisa.

Sida qorshuhu yahay inta uu Recep Tayyip Erdogan ku sugan yahay Muqdisho waxa uu la kulmi doonnaa dhiggiisa Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka wada-hadli doonaan arrimo xasaasi ah oo ku aadan xiriirka labada dal heshiiskii Itoobiya ee ka dhacay Anakara.

Dhanka kale,  Recep Tayyip Erdogan ayaa marka uu safar ku yimaado magaalada caasimada ah ee Muqdisho sidoo kale sii mari doonna magaalada Addis Ababa ee Itoobiya sida uu ku sheegay qoraal uu kol hore soo geliyay Bartiisa X ee horay loo oran jiray Twitter.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir soo jireen ah iyo saaxibtinimo, iyada oo haatan Ankara ay Muqdisho ka taageerto dhinacyo muhiim ah, sida bani’aadanimada iyo milatariga, gaar ahaan dib u dhiska ciidamada Xoogga dalka iyo qalabeyntooda,.

Si kastaba, Erdogan ayaa safarkiisii ugu horreeyay Soomaaliya ku yimid bishii August ee sanadkii 2011-kii isaga oo ahaa ra’iisul wasaaraha Turkiga, xiligaas oo xaalad adag oo dhanka abaaraha ah ay ka jirtay dalka, Muqdishana ay ku sugaayeen baracakayaal badan.

Wasiir FIQI oo si adag ugu jawaabay Sheekh SHARIIF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa si adag ugu jawaabay madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ka ahayd Sheekh Shariif Sheekh Axmed, kadib markii uu ka horyimid qorshaha dowladda Soomaaliya ee ku aadan hub ka dhigista siyaasiyiinta mucaaradka

Sheekh Shariif oo ka hadlay arrinta hub ka dhigista mucaaradka ayaa sheegay in madaxda qaranka ay qudhooda magaalada ku dhex wataan Dhashiikayaal iyo weliba AMISOM, taasi oo aan suurtagelineyn in mucaaradka gaar loo beegsado.

Sidoo kale wuxuu cadeeyey in doorasho qof iyo cod ah aysan diidaneyn, balse ay doonayaan in la qabto doorasho la iska ogolyahay oo heshiis lagu yahay.

“Haddii qof iyo cod la’aadayo sabab aan ku diideyno ma jirto, laakiin Muqdisho waxaa joogta 3 Milyan oo qof, intaas kaliya xitaa uma diiwaan gashana guddiga been-beenta ah ee xukuumaddu sameysatay,” ayuu yiri Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Intaasi kadib Fiqi oo soo hadlay ayaa shaaca ka qaaday in Muqdisho ay amni buuxa tahay, sidoo kalena lala dagaalamay kooxaha Khawaarijta, isaga oo dhinaca kale waxa lala yaabo ku tilmaamay hadallada diidmada ah ee kasoo yeeraya hoggaayeyaasha mucaaradka.

“Caasimadda Muqdisho iyo umadda ku dhaqanba waxay dareemayaan nabadgalyo iyo dibudhis ballaaran, waxaana sabab u ah Khawaarijta oo lala dagaalamay iyo hubkii sharcidarrada ahaa oo la xakameeyey! La yaab weyn ayay nooqnaysaa haddii siyaasiyiintii qaarkood ay afkii hogaamiye kooxeedyada oo kale ku hadlaan ayagoo sii raba in hubka sharcidarrada ah ee umadda lagu dhibaateeyo inuu sidiisii sii ahaado, qiilna u raadinaya arrintaas” ayuu qoraalkiisa ku yiri wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya.

Axmed Macallin Fiqi ayaa sidoo kale intaasi ku daray in aan la aqbali doonin in Muqdisho lagu sii dhex haysto hub sharci darro ah, isla markaana ay dowladdu aruurin doonto.

“Doorasho iyo dastuur ayaan ku ogeyn maalmahaanka hadalkooda, haddana ma hubkii sharcidarrada ahaabaa! Tani mid soconaysa ma ahan oo dawladda iyo dadkuba ay yeelayaan.! Waa Laga nastey hubkii, dadku horumar iyo dawladnimo ayay rabaan” ayuu sii raaciyay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo weli dowladda dhexe iyo xubnaha mucaaradka ay isku khilaafsan yihiin hannaanka loo wajahayo doorashooyinka dalka oo dood xoogan ay ka taagan tahay, maadaama Villa Somalia rabto qof & cod dhinacyada kalena ay diidan yihiin.

Sarkaalkii baahiyey sirta CIA-da ee qorshaha Israel oo…

Washington (Caasimada Online) – Sarkaal hore oo ka tirsanaa CIA ayaa qirtay Jimcihii inuu dusiyey dukumiintiyo sir ah oo ku saabsan qorshayaasha milatari ee Israa’iil ee weerar aargoosi ah oo ka dhan ah Iiraan.

Asif Rahman, oo 34 jir, oo u shaqeynayay Hay’adda Sirdoonka Mareykanka ee CIA tan iyo 2016, haystayna oggolaansho sir ah oo heer sare ah, ayaa waxaa xiray FBI-da bishii November isagoo jooga Cambodia.

Rahman ayaa wajihi doona ilaa 20 sano oo xabsi ah ka dib markii uu ku qirtay maxkamad federaal ah oo ku taal Virginia laba dacwadood oo ah inuu si ula kac ah u hayay una gudbiyay macluumaad ku saabsan difaaca qaranka.

Iiraan ayaa 1-dii Oktoobar ku ridday Israa’iil ku dhawaad 200 oo gantaalaha ballistic-ga ah, taasi oo ay uga jawaabaysay dilal loo geystay saraakiil sare oo ka tirsan kooxaha Xamaas iyo Xizbullah oo ay taageerto Tehran. Israa’iil ayaa dabadeedna weeraro ku qaadday bartilmaameedyo milatari oo ku yaalla Iiraan dabayaaqadii October.

Sida ku cad dacwad maxkamadeed, Rahman, 17-kii Oktoobar, wuxuu daabacay laba dukumiinti oo sir ah “oo ku saabsan xulufo shisheeye oo ay leedahay Mareykanka iyo tallaabooyinkeeda milatari ee qorshaysan ee ka dhanka ah cadow shisheeye.”

Wuxuu sawiray dukumiintiyada wuxuuna adeegsaday barnaamij Computer si uu wax uga beddelo sawirrada “isagoo isku dayaya inuu qariyo halka ay ka yimaadeen uuna tirtiro hawshiisa,” ayaa lagu yiri dacwadda.

Rahman ayaa markaas dukumiintiyada u gudbiyay “dhowr qof oo uu ogaa inaysan xaq u lahayn inay helaan” ka hor inta uusan ku jeexjeexin goobta shaqada.

“Rahman wuxuu sidoo kale burburiyay aalado badan oo elektiroonig ah, oo ay ku jiraan taleefan gacmeedkiisa iyo router internet-ka ah oo uu u adeegsaday gudbinta macluumaadka sirta ah,” ayaa lagu yiri dacwadda, isagoo ku tuuray aaladihii la burburiyay qashin qubka dadweynaha.

Dokumiintiyada, oo lagu faafiyay barta Telegram-ka akoon la yiraahdo Middle East Spectator, ayaa lagu qeexay diyaargarowga Israa’iil ee weerar suurtagal ah oo ka dhan ah Iiraan laakiin lama sheegin wax bartilmaameedyo ah oo gaar ah.

Sida laga soo xigtay The Washington Post, dukumiintiyada, oo ay soo saartay Hay’adda Sirdoonka Juquraafi-Baadhista Qaranka ee Mareykanka, ayaa lagu qeexay dhoola-tus duulimaadyo iyo dhaq-dhaqaaqyada rasaasta ee ka dhacay garoon diyaaradeed oo Israa’iil leedahay, sii dayntooduna waxay keentay in saraakiisha Israa’iil ay dib u dhigaan weerarkoodii aargoosiga ahaa.

“Mudane Rahman wuxuu khiyaanay kalsoonidii dadka Mareykanka isagoo si sharci-darro ah ula wadaagay macluumaad sir ah oo ku saabsan difaaca qaranka kaas oo uu ku dhaartay inuu ilaaliyo,” ayuu yiri Kaaliyaha Xeer Ilaaliyaha Guud Matthew Olsen oo bayaan soo saaray.

Xukunka ayaa loo qorsheeyay 15-ka May.

Madaxweynihii Kuuriyada Koonfureed oo maxkamad lasoo taagay

0

Seol (Caasimada Online) – Madaxweynaha mansabka laga xayuubiyay ee Kuuriyada Koonfureed Yoon Suk Yeol ayaa markii ugu horreysay Sabtida maanta ah ka soo muuqday maxkamada si uu uga dagaallamo dalab ay baarayaashu ku doonayaan in la kordhiyo muddada xabsiga lagu sii haynayo, iyagoo baaritaan ku wadday isku daygiisii guuldareystay ee uu amar degdeg ah dalkaasi ugu soo rogay.

Kumanaan kun oo taageerayaasha Yoon ah ayaa isugu soo baxay bannaanka maxkamadda, waxayna isku dhaceen booliiska iyagoo ku dhawaaqayay inay taageerayaan hoggaamiyaha mansabka laga xayyuubiyay, kaasi oo Kuuriyada Koonfureed geliyey qalalaasihii siyaasadeed ee ugu xumaa muddo tobannaan sano ah iskuna dayay in uu meesha ka saaro xukunka rayidka ah.

Madaxweynaha ayaa 3-dii bishii December ku dhawaaqay amar degdeg ah oo soconayo muddo lix saacadood ah, iyadoo xildhibaanada ay sharcigaas cod ku diideen inkastoo uu amar ku siiyay askarta in ay xoog ku galaan dhismaha baarlamaanka si ay u joojiyaan codeyntaasi.

Maalma ka dib ayay baarlamaanku shaqada ka eryeen madaxweynaha.

Yoon ayaa lagu xiray weerar subaxnimadii Arbacada lagu qaaday gurigiisa, waxaana lagu soo oogay eedo danbiyeedyo ay ku jirto inuu sharciga ka horyimid ka dib markii uu diiday amar ay baarayaashu ugu yeereen. Waxaa lagu eedeeyey in taa bedelkeeda uu ciidamada madaxtooyada u kaxeystay gurigiisa si uu uga dagaallamo xariggiisa.

Xubno si aad ugu ololeeya aqoonsiga Somaliland oo xilal ka helay maamulka Trump

Washington (Caasimada Online) – Tibor Nagy, oo hore u ahaa Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka u qaabilsanaa Afrika, isla markaana soo noqday Danjiraha Mareykanka u fadhiyay dalalka Guinea iyo Itoobiya, ayaa ku dhawaaqay inuu ku laabanayo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka isagoo qabanaya shaqo ku meel gaar ah oo ka baxsan shaqadiisii caadiga ahayd ee arrimaha Afrika.

Nagy, oo ah diblomaasi muddo dheer soo shaqeeyay, isla markaana si cad ugu ololeeya aqoonsiga Somaliland, ayaa warkan ku sheegay bartiisa X (oo hore loo oran jiray Twitter) maalintii Khamiista.

“Saaxiibbadayda qaaliga ah, kuwa iga soo horjeeda, iyo kuwa wax dhaleeceeya – Waxay ila tahay inaan ku laabanayo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Isniinta, anigoo qabanaya jago ka baxsan arrimaha Afrika oo keliya. Sidaas darteed, waxaan joojinayaa inaan muujiyo aragtidayda shakhsi ahaaneed illaa inta ay ka dhammaanayso jagadayda ku meel gaarka ah (waxay u badan tahay in ay qaadan doonto dhowr bilood). Ilaahay ha idin barakeeyo dhammaantiin, dhawaanna waan soo laaban doonaa!.”

Sida ay sheegeen warbaahinta caalamiga ah, Ergaygii hore ee Mareykanka u qaabilsanaa Gobolka Sahel, Dr. J. Peter Pham, ayaa sidoo kale la sheegay inuu ku laabanayo xafiiska Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Pham ayaa sidoo kale ahaa taageere cod dheer ku hadla oo taageera dadaalka aqoonsi raadinta Somaliland, isagoo si joogta ah ugu dooda qadiyaddan baraha bulshada.

Labada nin ee Nagy iyo Pham ayaa si joogta ah uga soo horjeeday siyaasadda “Soomaali Weyn”, iyagoo ku doodaya in Mareykanku uu luminayo fursado istaraatiiji ah maadaama uusan u aqoonsanayn Somaliland dowlad madax-bannaan. Nagy ayaa horay ugu dooday, “Aqoonsiga Trump ee Somaliland wuxuu dan u yahay Mareykanka.”

Sidoo kale, Pham ayaa iftiimiyay wax uu ugu yeeray guulaha dimuqraadiyadeed ee Somaliland isagoo sheegay in ay xoojinayaan qadiyadda madax-bannaanideeda.

“Doorasho si habsami leh uga dhacda Somaliland, marka lagu daro guulaheeda kale, shaki la’aan waxay xoojin doontaa qadiyadeeda dib-u-eegis siyaasadeed oo dhameystiran,” ayuu yiri Pham, isagoo tixraacayay isbeddellada suurtagalka ah ee siyaasadda arrimaha dibadda ee Mareykanka ee ku aaddan Somaliland.

Labada nin ayaa ololahooda aysan ka aheyn aragti, balse waxay u shaqeeyaan shirkado lobby ah oo lacag ka qaata Somaliland.

Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in Mareykanku uu u baahan yahay inuu si taxaddar leh u maareeyo danahiisa Geeska Afrika. Soomaaliya waxay weli tahay saaxiib istaraatiiji ah, muhiimaddeeda juqraafi-siyaasadeedna waxaa sii xoojiyay iyadoo Shiinaha iyo Ruushka ay muujinayaan xiisaha sii kordhaya ee gobolka.

3 ka mid ah askarta Uganda ee Soomaaliya oo kiis xasaasi ah loo maxkamadeynayo

Kampala (Caasimada Online) – Saddex sarkaal oo sare oo ka tirsan Ciidanka Difaaca Shacabka Uganda (UPDF) ayaa lagu soo oogay dacwad dayacaad ah kadib markii ay burburtay diyaarad nooca qumaatiga u kacda ah oo ay leeyihiin ciidamada milatariga, bishii Sebtembar 2024.

Shilkaas, oo dhacay wax yar uun kadib markii ay ka duushay Muqdisho, ayaa ku lug lahaa diyaarad helikobtar ah oo loo daadgureeyay howlgalka Kumeel Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), waxaana ku dhaawacmay afar askari oo nabad ilaalin ah, balse nool.

Gaashaanle Sare George Buga Andruga, 51, Gaashaanle Dhexe Benjamin Kashumbusha, 43, iyo Gaashaanle Henry Gygenda, 38, ayaa kasoo hor muuqday Maxkamadda Guud ee Ciidamada (GCM) ee Makindye ee ku taal Kampala 15-kii Janaayo 2025.

Saddexda sarkaal ayaa wajahaaya eedeymo ku xusan Qaybta 150(b) ee Sharciga UPDF, Cutubka 330, kaas oo maamula howlaha duulimaadyada. Xeer ilaalinta ayaa ku eedeysay in saraakiishan ay si dayacaad ah u daadgureeyeen diyaaradda AU0-004, taas oo keentay in ay burburto xilli ay ku sii jeeday Garoonka Ciidanka ee Balidoogle, oo ah saldhig ciidan oo muhiim ah oo 90 kiilomitir (55 mayl) koonfur-galbeed kaga beegan Muqdisho.

Haddii lagu helo dambiga, eedeymahan waxay wataan ciqaabta ugu badan oo ah dil. Saraakiisha la eedeeyay ayaa beeniyay wax khalad ah oo ay sameeyeen intii lagu guda jiray dhageysiga dacwadda, oo uu guddoominayay Sarreeye Guuto Robert Freeman Mugabe.

Shilka dhacay 19-kii September ayaa waxaa ku dhaawacmay afar qof oo saarnaa diyaaradda, balse nool, oo ay ku jireen saddex askari oo Ugandees ah oo ka tirsan ATMIS. Diyaaradda ayaa ka duuleysay Muqdisho kuna sii jeeday Garoonka Diyaaradaha ee Balidoogle, oo ah xudunta ciidamada kumaandooska Soomaaliyeed ee ka tirsan guutada Danab ee heerka sare ah iyo ciidamada Mareykanka.

Ciidanka Uganda ayaa bilaabay baaritaan wax yar kadib shilka si loo ogaado in burburka diyaaradda uu sababay cillad farsamo, qalad aadane ama rasaas cadow. Sarreeye Guuto Felix Kulayigye, afhayeenka UPDF, ayaa xaqiijiyay in baaritaannada ay socdaan, isagoo yiri, “Mar kasta oo uu dhaco shil cirka ah, waa in baaritaan la sameeyaa.”

ATMIS ama Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) midkoodna ma soo saarin wax war rasmi ah, taas oo su’aalo ka dhalisay sababta rasmiga ah ee shilka iyo isgaarsiin la’aanta ka dhex jirta howlgalka.

Intii ay socotay dacwadda maxkamadda, xeer ilaaliyaha hoggaaminayay dacwadda Gaashaanle Ambroz Guma, oo ay taageerayeen Gaashaanle Labaad Anthony Phillip Oluput iyo Regina Nanzala, ayaa ku nuuxnuuxsaday baahida loo qabo waqti dheeraad ah si loo dhammaystiro baaritaanka.

“Baaritaannada kiiskan ayaa weli socda. Waxaan codsaneynaa in kiiska dib loo dhigo, eedaysanayaashana lagu xiro Xabsiga Ilaalada Booliska Milatariga ee Makindye,” ayuu Oluput u sheegay maxkamadda.

Kooxda difaaca, oo ay hoggaamineysay Elizabeth Nyadsingwa iyo Gaashaanle Simon Nsubuga Busagwa, ayaa ku dhawaaqay inay damacsan yihiin inay codsadaan dammaanad dhageysiga xiga. “Waxaan leenahay tilmaamo ah inaan codsano dammaanad, laakiin ha lagu diiwaan geliyo diiwaanka inaan codsigeenna soo gudbin doonno dib-u-dhigista xigta,” ayuu yiri Busagwa.

Daawo: Shariif oo jawaab ka soo saaray qorshaha DF ee hub ka dhigista mucaaradka

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay arrinta hub ka dhigista mucaaradka ee guuxa badan uu ka taagan yahay iyo sida loo qaban karo doorasho qof iyo cod ah.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in madaxda qaranka ay magaalada ku dhex wataan Dhashiikayaal iyo weliba AMISOM, taasi oo aan suurtagelineyn in mucaaradka gaar loo beegsado.

Sidoo kalel Sheekh Shariif ayaa cadeeyey in doorasho qof iyo cod ah aysan diidaneyn, balse ay doonayaan in la qabto doorasho la iska ogolyahay oo heshiis lagu yahay.

Wuxuu tusaale u soo qaatay shacabka Muqdisho oo 3 Milyan uu ku qiyaasay, kuwaas oo aan diiwaan-gashaneyn, dowladana aysan hadda u qorsheysneyn inay diiwaan geliso, si xiliga doorashada ay u codeeyaan.

“Hadii qof iyo cod la’aadayo sabab aan ku diideyno ma jirto, laakiin Muqdisho waxaa joogta 3 Milyan oo qof, intaas kaliya xitaa uma diiwaan gashana guddiga been-beenta ah ee xukuumaddu sameysatay,” ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Sidoo kale Shariif ayaa sheegay in labo dowlad goboleed ay maqan yihiin, la’aantoodna aan doorasho laga qaba karin dalka, maqnaashaha Puntland iyo Jubbaland ayaa saldhig u ah dooda mucaaradka.

“Doorasho aysan qeyb ka aheyn labadaas maamul goboleed hadey dhacdo, waxaa imaaneysa in la kala go’o aan u istaagno inaan doono labada maamul ee maqan, hadii doorasho la aadayo waxaa muhiim ah dalkoo mideysan in la aado,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Sidoo kale Shariifka ayaa sheegay in dalka iyo dastuurka oo ugu muhiimsanaa dowladnimada Soomaaliya midna la tuuray (Dastuurka) midna la qeybiyey (Dalka) “Seen u aaminaa madaxweynaha? Dastuur iyo Dal ayaa loo dhiibay, midna ma hayo, see loogu aaminaa doorasho marka?” Ayuu hadalkiisa ku sii daray Shariif Sheekh Axmed.

Hoos ka daawo

Cumar Cabdirashiid oo ka digay arrin ka dhallin karta in Itoobiya loo ogolaado dekad

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa ka digay deked la siiyo oo ay maamulato Itoobiya, oo uu sheegey in aan la xakameyn karin siyaabaha ay u adeegsaneyso.

Cumar Cabdirashiid oo wareysi siiyey VOA, ayaa sidoo kale sheegey in loo baahan yahay xasilooni siyaasadeed oo ay wadagaaraan dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada Soomaaliya, si arrintaan mowqif mideysan looga yeesho.

Hadalka ra’isul wasaarihii hore ee dalka ayaa imaanaya xilli dowladda federaalka ay difaacdey go’aankeeda heshiiskii Itoobiya, iyadoo sheegtey in ay u taagan tahay difaaca dalka iyo dadka.

Cumar Cabdirashiid ayaa la weydiiyey sida uu u arko heshiiskii labada dal iyo booqashadii u danbeysey ee uu madaxweyne Xasan Sheekh ku tegay Addis Ababa.

“Madaxweynaha kaligiis go’aan kama gaari karo arrintaan, halaga wadatashto go’aan Soomaali u dhantahana ha lagu wajaho, hadii Xasan Sheekh uu deked siiyo Itoobiya maxaa diidaya inay qaab militeri u isticmaasho, yaase ka hor istaagi kara?” Ayuu yiri Cumar Cabdirashiid.

Wuxuu sheegay in adduunka ay ka jiraan wadamo aan bad laheyn, kuwaas oo hadana si ganacsi ah dekedaha dalal kale u isticmaala, balse adduunka aysan ka jirin in la isku xiro saldhig militeri iyo deked ganacsi.

“Arrinta Itoobiya khatar weyn ayaan ka dhex arkaa, yaan loo ogolaan deked cusub oo ay dhisanayaan ee hadii wax loo ogolaanayo dekedaha hadda shaqeeya ha adeegsadeen, iyagoo hanaanka ganacsiga u maraya, waxaan waa mustaqbalka umadda Soomaaliyeed ee talo mideysan halaga yeesho,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Cumar Cabdirashiid.

Hoos ka dhageyso wareysiga

Imran Khan oo lagu xukumay xabsi dheer kadib markii…

Islamabad (Caasimada Online) – Maxkamad ku taal Pakistan ayaa Jimcaha maanta ah ku heshay ra’iisul wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan iyo xaaskiisa Bushra Bibi kiis musuq-maasuq oo taariikhi ah, waxayna Khan ku xukuntay 14 sano oo xarig ah.

Khan ayaa xabsiga lagu hayay tan iyo bishii Agoosto 2023, waxaana lagu eedeeyay ku dhawaad 200 oo kiis balse xisbigiisa ayaa ku andacoonaya in xukunkii ugu dambeeyay loo adeegsaday in lagu cadaadiyo inuu ka baxo siyaasada.

“Ma samayn doono wax heshiis ah mana raadin doono wax gargaar ah,” Khan ayaa u sheegay suxufiyiinta isaga oo ku sugan gudaha qolka maxkamadda ka dib markii lagu xukumay.

Maxkamadda la-dagaalanka musuq-maasuqa ayaa isugu timid xabsiga uu Khan ku xiran yahay ee ku dhow caasimadda Islamabad, waxaana ay ku xukuntay lamaanahan dambiyo lagu soo oogay oo xiriir la leh hay’ad samafal oo ay si wadajir ah u aas-aaseen oo lagu magacaabo Al-Qadir Trust.

“Xeer ilaalinta ayaa cadeysay kiiskeeda, Khan waa la xukumay,” ayuu yiri garsoore Nasir Javed Rana, isagoo ku dhawaaqay 14 sano oo xariga Khan ah iyo toddobo sano oo Bushra Bibi ah.

Bushra Bibi, oo dhawaan dammaanad lagu sii daayay, ayaa lagu xiray maxkamadda xukunka kadib, sida ay sheegtay afhayeenkeeda Mashal Yousafzai.

Xisbiga Khan ee Pakistan Tehreek-e-Insaf (PTI) ayaa sheegay inay ka doodi doonaan xukunka.

Xukunkan ayaa imanaya maalin kadib kulan naadir ah oo dhex maray madaxda PTI iyo dowladda kaas oo looga gol lahaa in lagu qaboojiyo xiisadaha siyaasadeed.

Khan ayaa ku adkeysanaya in dhammaan kiisaska ka dhanka ah ay yihiin kuwo siyaasadeysan oo loogu talo-galay in looga ilaaliyo inuu ku soo laabto xukunka.

Afar jeer ayaa horay loo xukumay tan iyo markii la xiray, labo ka mid ah waa la laalay, halka xukunkii labada kiis ee kale la hakiyey.

Laakin waxa uu xabsiga ugu sii jiray dacwadda Al-Qadir Trust oo ah kii ugu dheeraa ee isaga lagu soo oogo iyo eedeymo kale oo la xiriira kicin dadweyne.

Go’aanka maxkamadda ayaa saddex jeer dib loo dhigay, iyadoo falanqeeyayaasha ay sheegeen in uu si hoose u socday wada-xaajood.

Horaantii bishan, Khan ayaa ku sheegay hadal ay kooxdiisu soo dhigtay baraha bulshada in si dadban loo gala soo xiriiray suurta-galnimada in xabsi guri lagu guliyo gurigiisa oo ku yaalla duleedka caasimadda.

Hase yeeshee 72-jirkan ayaa weli dhiifanaan muujinayey, isaga oo baahiyey hadallo ka dhan ah dowladda, wuxuuna ballan qaaday in uu dagaalladiisa ka wadi doono maxkamadaha.

Caannimada Khan ayaa sii wadday inay wiiqdo dawladda wadaaga ah ee jilicsan, taasoo PTI ka ilaalisay awoodda, doorashooyinkii sannadkii hore.

Tan iyo markii laga tuuray xukunka 2022, xiddigii hore ee cricket-ka ayaa billaabay olole aan horay loo arag oo uu si cad ugu dhaleeceeyay Jeneraalada awoodda badan ee dalkaasi.

Guddi khubaro ah oo ka socda Qaramada Midoobay ayaa sannadkii hore ogaaday in xariga Khan “uusan lahayn wax sharci ah, uuna u muuqda mid la doonayey in looga saaro inuu u tartamo jago siyaasadeed”.

Khan ayaa laga mamnuucay inuu istaago doorashadii bishii Febraayo, waxaana xisbigiisa PTI dhaawac u geystay olole baahsan oo dowladda ay ku beegsatay.

PTI ayaa ku guulaysatay kuraas ka badan xisbiyada kale doorashada, laakiin isbahaysiga xisbiyada oo loo arko in ay u nugul yihiin saameynta milatariga ayaa ka hor-istaagay xukunka.

DF oo bayaan kasoo saartay tallaabooyinkii u dambeeyay ee Xasan Sheekh iyo Xamza

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay bayaan dheer oo ka kooban 33 qodob, kaasi oo inta badan looga hadlay tallaabooyinkii u dambeeyay ee madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Bayaankan oo ah warbixinta toddobaadlaha ee dowladda ayaa waxaa lagu soo qaatay shirkii uu madaxweyne Xasan Sheekh uga qeyb-galay Kampala iyo heshiiskii Addis Ababa.

Sidoo kale waxaa lagu soo qaatay dhaq-dhaqaaqyadii u dambeeyay ee ra’iisul wasaaraha iyo waxyaabihii u qabsoomay xukuumadda, iyo weliba kulamaddii dhacay toddobaadkan ee mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya.

Hoos ka aqriso qoddobada;

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo furay Shirweynaha 7-aad ee Garsoorka dalka ayaa sheegay in dib-u-eegista iyo dhameystirka Cutubka 9-aad ee Dastuurka ay aasaas u yihiin helidda nidaam garsoor oo la jaanqaadaya baahiyaha bulshada iyo dib u kabashada dalka.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo dhaweeyay heshiiska xabbad-joojinta Gaza, isaga oo bogaadiyay dadaallada ay sameeyeen dalalka Qatar, Masar iyo Mareykanka si loo xaqiijiyo heshiiskan.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Kampala ee dalka Uganda kaga qeybgaley Shir Madaxeedka Barnaamijka Horumarinta Beeraha Afrika (CAADP), isla markaana khudbad ka jeediyay, lana kulmay qaar ka mid ah madaxdii ka qeybgashey.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan kula qaatay qaar ka mid ah ururrada bulshada rayidka Soomaaliyeed, kana dhageystay aragtiyadooda iyo talooyinkooda la xariira xaaladda dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo amniga dalka .

5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka dib ugu soo laabtey kadib wadahadal uu Addis Ababa kula soo yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed, wadahadalkaasna ku qotomay xoojinta xiriirka labada dal.

6- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, Ayaa Muqdisho ku qaabilay Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Horumarinta Boqortooyada Sucuudi Carabiya, Mudane Sultan Abdulrahman Al-Marshad, iyagoo ka wadahadley xoojinta iskaashiga labada dhinac gaar ahaan arrimaha maalgashiga iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Soomaaliya.

7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan la yeeshay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Ambassador Maxamed El-amine Souef oo ay ka wada hadleen arrimo la xiriira Hawlgalka Midowga Afrika.

8- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa si rasmi ah u soo xiray Shirweynaha 7-aad ee Garsoorka dalka.

9- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in xukuummadda ay tallaabooyin adag ka qaadi doonto mas’uul kasta oo isku daya inuu xad gudub ku sameeyo haweenka Soomaaliyeed.

10- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ka qeybgaley munaasabad qalin jebin oo ka dhacdey Jaamacadda Muqdisho, ayaa sheegay in DFS ay waddo qorshayaal lagu horumarinayo waxbarashada dalka, si ay ubadka Soomaaliyeed u helaan tacliin tayo sare leh.

11- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan la yeeshay Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Horumarinta Boqortooyada Sucuudi Carabiya, Mudane Sultan Abdulrahman Al-Marshad.

12- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Labaad ee Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa guddoomiyey kulankii ugu horreeyey ee ay yeeshaan Guddiga Fududeynta Arrimaha Ganacsiga Soomaaliya (NTFC) oo ka kooban 18 xubnood oo isugu jira wasaarado iyo hay’ado kale oo dowladeed.

13- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa kormeer shaqo ku tagey xarumaha Wasaaradda Amniga Gudaha iyo Hey’adda Socdaalka Jinsiyadda.

14- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa khadka taleefanka kula hadlay dhigiisa dalka Ukraine, Andrii Sybiha, iyagoo ka wadahadley xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal.

15- Wasiirka Warfaafinta Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa sheegay in Jaamacadda Muqdisho iyo wasaaraddu ay yeelan doonaan wada shaqayn ballaaran oo ku aaddan horumarinta dalxiiska, wacyigelinta, warbaahinta iyo adeegyada kala duwan ee ay bulshadu u baahan tahay.

16- Wasiirka Arrimaha Dibadda Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa la kulmay dhiggiisa dalka Masar Dr. Badr Abdel Atty, iyagoo ka wadahadley horumarinta xasiloonida gobolka iyo kaalinta dowladda Masar ee hawlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.

17- Wasiirka Warfaafinta Daa’uud Aweys Jaamac ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna Madaxa Hawlgalka AUSSOM, Ambassador Mohamed El-Amine Souef.

18- Wasiirka Arrimaha Dibadda Danjire Axmed Macallim Fiq ayaa ka qaybgalay shirkii labaad ee Guddiga Saddex-geesoodka ah ee Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Masar, iyo Eritrea oo ka dhacay magaalada Qaahira.

19- Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa magaalada Nairobi kula kulmay Madaxweyne Ku-Xigeenka Kenya, Kithure Kindiki.

20- Wasiirka Amniga Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil oo safar shaqo ku jooga magaalada Baqdaad ayaa booqday xarumaha Taliska Guud ee Ciidanka Booliska iyo Taliska Ciidamada Xuduudaha Ciraaaq.

21- Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna Madaxa Hawlgalka AUSSOM, Ambassador Mohamed El-Amine Souef, ayaa soo dhaweeyay dib u soo laabashada xiriirkii diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

22- Wasiirka Hawlaha Guud Mudane Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa magaalada Nairobi ugu qeybgalay shirka Guddiga Hagista Mashruuca Isku-Xirka Kaabayaasha Dhaqaalaha Geeska Afrika.

23- Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa oo la rabay in lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed ee ku nool caasimadda Muqdisho.

24- Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa lagu soo dhaweeyay kalluumeysato Soomaaliyeed oo laga soo badbaadiyay xeebaha dalka Seychelles.

25- Wasiirka Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa magaalada Muqdisho kulan isbarasho iyo soo dhaweyn ah kula qaadatay haweenka Soomaaliyeed.

26- Bayaan kasoo baxay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda ayaa lagu sheegay in lagu raad-jooga horjooge Yusuuf Maxamed Xuseen oo loo yaqaano (Jeeri Carab) oo ka tirsan Khawaarijta Al Shabab.

27- Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi ayaa kulan la yeelatey George Conway oo ah Ku-Xigeenka Ergeyga Gaarka ah Xoghayaha Guud ee QM ee arrimaha Banii`aadinimadda.

28- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-Heshiisiinta Mudane Cali Yuusuf Cali -Xoosh ayaa kulan la yeeshay Wakiilka Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabbilsan Arrimaha Qaxootiga (UNHCR), Charles Mballa.

29- Dowladda Soomaaliya oo bogaadisey Ciidanka Dowlad Goboleedka Puntland ee burburiyay ilaa shan talis oo kooxda argagixisada Daacish ku laheyd deegaanno dhaca buuralayda Cal-miskaad ee Gobolka Bari.

30- Akadeemiyada Cilimiga, Dhaqanka iyo Suugaanta ayaa magaaladda Muqdisho ku qabatay barnaamij looga hadlay saameynta baraha bulshadu ku leeyihiin dhaqanka iyo hiddaha Soomaaliya.

31- Taliye Ku-Xigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ay wehliyeen saraakiil ka socotay Midowga Yurub ayaa tababar ugu soo xiray Dugsiga Jeneraal Dhegabadan cutubyo ka mid noqonaya Booliska soomaaliyeed.

32- Ilaa 11 kalluumeysato Soomaali ah oo muddo ka badan bil lagu la’aa biyaha Badweynta Hindiya ayaa laga helay xeebaha dalalka Singapore, Maldeves iyo Sri Lanka.

33- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa kulan la yeeshay Danjiraha Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Amb. Pier Mario Daccò Coppi.

Wax lama filaan ah oo loogu tegay goobihii dagaalka looga qabsaday Daacish

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Maamulka Puntland oo haatan dagaal culus kula jirta kooxda Daacish ayaa sheegay inuu ka sameeyay horumar ballaaran.

Maamulka ayaa shaaciyay in Daacish laga saaray 60% goobihi ay ka haysteen dhulka buuraleyda, kadib dagaal qaraar oo lala galay kooxda.

Saraakiisha Puntland ayaa dhankooda xaqiijiyay qabsashada goobo muhiim ah oo Daacish ku sugneyd, kuwaasi oo loogu tagat waxyaabo lama filaan ah.

Saraakiisha ayaa maalmihii u dambeeyay waxay faafinayeen sawiro ay sheegeen in ay yihiin goobo ay la wareegeen oo Daacish laga qabsaday, kuwaas oo laga arkayey diyaarado nooca aan duuliyaha lahayn oo xajmi ahaanna aan wayneyn, kana mid ah waxyaabo ay ciidamadu soo bandhigeen.

Godadka ayay saraakiishu sheegeen inay ahaayeen kuwa aad u waaweyn, islamarkana si wanaagsan looga shaqeeyay.

Tan ayaa lama filaan ku noqotay, maadaama godadkan qaarkood ee Daacish qodatay ahaayeen dabaqyo is dul-saaran, sida uu sheegay wasiirka warfaafinta ee Puntland Maxamuud Ceydiid Dirir.

“Runtii lama filaan ayay ahayd waayo god yar oo la yaqaano oo xaraar daanyeer ahayd in la sii qodo oo saddex dabaq laga dhigo oo doonyo raashiin ah lagu keydiyo oo qasaalado la dhigto oo biyihii iyo shaawaradii lagu sameysto gudaheeda oo qasaaladihii dharka lagu dhaqanayay gudaheeda la dhigto oo daro-niskii la dhigto iyo qaraxyadii gudaheeda lagu keydsado waxay ahayd wax la yaab leh oo anan la filayn,” ayuu yiri wasiirka.

Goobaha illaa haatan ay qabsadeen ciidamada Puntland ayaa waxaa kamid ah Dib-qalooc, Ceel-ileed, Haadi-xanaan, Al-dacwah, sidoo kalena waxaa ku jira dugsigii tababarka oo ahaa kii u weynaa ee ku tababari jireen dagaal-yahaanada.

DF oo xil u magacaabaysa siyaasi ay aad isu hayaan Deni

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa doonaysa in ay Cabdixakim Maxamed Axmed u magacawdo safiirka cusub ee u fadhiya dalka Yemen, halkaas oo uu saldhig ka dhigan doono caasimadda ku-meel-gaarka ah ee Cadan.

30-kii Diseembar, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa warqad u dirtay mas’uuliyiinta Yemen oo arrintan ku saabsan, taasoo ay aragtay majaladda Africa Intelligence, waxaana ay sugayaan ansixintooda.

Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa xilli Saciid Cabdullaahi Deni, madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland, uu ku dhibtoonayo sidii uu isugu keeni lahaa beelo-hoosaadyada kala duwan ee maamulkiisa si ay uga qeyb qaataan dagaalka kooxda Daacish. Deni uma badna in uu ku farxo qorshaha Muqdisho, maadaama Cabdihakim Axmed uu yahay nin ay muddo dheer xafaaltamayeen.

Safiirka cusub ee la magacaabay oo sidoo kale loo yaqaano Dhoobo-Daareed, ayaa ka soo jeeda beesha Warsangali oo ka tirsan beel-weynta Harti-Daarood, taasoo si weyn uga dhex muuqata guud ahaan waqooyiga Soomaaliya, ilaa cirifka Puntland.

Xafiiltanka labada nin ayaa soo bilowday xilligii Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo uu ahaa madaxweynaha Soomaaliya. Daareed, oo markaas ahaa guddoomiyaha baarlamaanka Puntland, ayaa xilka laga qaaday sanadkii 2019-kii ka dib markii uu la shaqeeyay Muqdisho isagoo ka soo horjeeda danaha Deni, kaasoo dhowr bilood ka hor xilligaas la wareegay hoggaanka maamulka Puntland.

Tan iyo markaas, Daareed wuxuu isku dhoweynayay maamulka hadda jira iyo Ra’iisul Wasaaraha Federaalka, Xamza Cabdi Barre, isagoo ujeedkiisu yahay inuu xakameeyo saamaynta siyaasadeed ee madaxweynaha Puntland.

Haddii loo xaqiijiyo safiirka Yemen, tani waxay dhibaato ku noqon kartaa Deni, maadaama Daareed uu door muhiim ah ka ciyaari doono inuu mas’uuliyiinta Soomaaliya la socodsiiyo dariiqyada sahayda iyo isgaarsiinta ee ay isticmaalaan Xuutiyiinta iyo taageerada ay siiyaan Daacishta Soomaaliya.

Magacaabista dowladda federaalka Soomaaliya ee nin ay si aad ah isku hayaan, wuxuu sidoo kale Saciid Deni u arkaa daan-daansi iyo in ay Villa Somalia sii xoojineyso dagaalka ka dhanka ah madaxweyaha Puntland.

Kooxda Daacish, oo u muuqata inay heshay lacag adag, ayaa sidoo kale xoojisay joogitaankeeda Puntland dhawaanahan. Lixdii bilood ee la soo dhaafay, waxay wararku sheegayaan inay kordhisay mushaaraadka dagaalyahanadeeda cusub, waxayna soo iibsatay hubka fudud iyo xitaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee sahanka, kuwaasoo ay horay u isticmaali jirtay Al-Shabaab.

Xogta wada-hadal cusub oo dhex-maray Somaliland iyo Itoobiya kadib markii ay…

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland iyo Itoobiya ayaa yeeshay wada-hadal cusub, kaasi oo ku qotoma iskaashiga dhanka milateriga iyo amniga.

Wasiirka gaashaandhiga Somaliland Maxamed Yuusuf Cali iyo Wakiilka Itoobiya u fadhiya Hargeysa Amb. Teshome Shunde Hamito oo ay wehliyaan saraakiil sare oo kamid yahay Jeneral Gabadhi iyo Col. Abara, ayaa ka wada-hadlay kor u qaadista iskaashiga ciidamada.

“Wasiirka wasaaradda gaashaandhiga JSL iyo Amb. Itoobiya u fadhiya Somaliland ayaa ka wada-hadlay xidhiidhka iskaashi ee dhanka millateriga iyo amniga ee u dhaxeeya Somaliland iyo Itoobiya,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga Somaliland.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu yiri “Waxaa kulanka labada masuul u daaranaa sidii Loo xoojin lahaa iskaashiga xidhiidh ee Somaliland iyo Ethiopia dhinacyada amniga iyo milateriga.”

Somaliland iyo Itoobiya ayaa la’leh xiriir wanaagsan, waxaana ka ehaxeeya iskaashi dhinaca amniga ah, iyada oo xuduudda u dhaxeysa ay tahay tan ugu xasilloon marka la eego xuduudaha ay Itoobiya la wadaagto Soomaaliya.

Dowladda Itoobiya ayaa sidoo kale waxay Somaliland ka caawisa dhismaha ciidamada, iyadoo kumanaan askari oo iskugu jira millateri iyo boolis u tababarta sanadkiiba

Iyadoo xusid mudan tahay in sanadkii tegay ee 2024 ay Somaliland u dirtay dalka Itoobiya ciidamadii ugu badnaa, xilligaasi oo labada dhinac ay gaareen is-afgaradkii badda ee ka careysiiyay dowladda federaalka Soomaaliya.

Qatar oo ciidamada Israel ka dalbatay inay ka baxaan…

0

Doha (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Qatar, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani ayaa ka dalbaday Israa’iil inay si deg-deg ah ula baxdo ciidamadeeda ku sugan gudaha dalka Suuriya.

Mohamed Al Thani oo ka hadlayay shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Dimishiq oo uu wehliyo hoggaamiyaha cusub ee Suuriya Axmed al-Sharaa ayaa wuxuu dhalleeceeyay dhaq-dhaqaaqyada Israa’iil ay ku qabsanayso dhulka u dhow buuraha Golan ee koonfurta Suuriya.

“Ciidamada Israa’iil ay geysay aagga difaaca ee Suuriya waa fal ka fiirsasho la’aan ah, waana inay si degdeg ah uga baxdo,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Qatar.

Israa’iil ayaa cutubyo milateri geysay bishii hore aagga difaaca, kaas oo dhaca buuraha Golan Heights oo kala qaybiya Suuriya iyo Israa’iil, tan iyo markii xukumadda Bishaar Alasad ay dhacday.

Goobta ay ciidamada Israa’iil yimaadeen waxa uu ahaa mid ka ka caagan Militeriga, tan iyo xabbad joojintii 1974 ay Qaramada Midoobay dhex-dhexaadisay Suuriya iyo Israa’iil.

Dowladda Qatar ayaa dhawaan ku guuleysatay inay heshiis dhex dhigto Israa’iil iyo Xamaaz, kaasi oo ahaa mid xabad-joojin ah oo ka kooban saddex weji, kaddib 15 bilood oo colaad ah.

Heshiiskan ayaa wejigiisa koowaad waxaa ku lug yeelan doono is-dhaafsiga maxaabiista iyo ku soo noqoshada “xasillooni waarta”, iyadoo ujeedadu tahay in la gaaro xabad-joojin rasmi ah.

Xamza oo shaaca ka qaaday halka ay ka raadinayaan xalka gooni goosadka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa shaaciyay in xukuumadda ay baaris ku sameysay halka uu ka jiro xalka dhibaatada gooni goosadka.

Waxa uu sheegay in gooni goosadka uu halis ku yahay jiritaanka dalkeenna, ayna xalkiisa ka raadinayaan dadka wax bartay ee aqoonyahanka, si xal waara looga gaaro dhibaatadan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkaan ka sheegay munaasabadda qalin jabinta arday dhameysatay barnaamijka daraasaadka sare ee Jaamacadda Muqdisho, oo xalay ka dhacday magaalada Muqdisho.

Xamza ayaa tilmaamay in xukuumadda Dan-Qaran ay waddo qorshayaal lagu horumarinayo waxbarashada dalka, si ay ubadka Soomaaliyeed u helaan tacliin tayo sare leh, loona helo jiil aqoon iyo xirfad sare leh oo door muhiim ah ka qaata dib-u-dhiska iyo horumarka dalka.

“Xukuumaddu waxay baaris ku samaysay kadibna ay oggaatay in waxyaabaha waaweyn ee halista galiyey jiritaanka dalkeenna ay ka mid tahay argagixisada oo dhibaato ku ah amniga, nafta iyo maalka,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaa kale oo ka mid ah dhibaatooyinka jira aragtida gooni u goosatada, maadaama ay tahay mid gurracan oo halis galinaysa jiritaanka dalkeenna, iyo nugaylka dowladnimadda, waxaannu isla qaadanay in xalka laga raadiyo dadka wax-bartay oo aad qeyb ka tihiin.”

Mudane Xamsa, ayaa ugu hambalyeeyay ardayda qalin-jabisay dadaalka ay sameeyeen iyo guusha ay gaareen maanta, wuxuunna ku dhiirrigeliyay in ay aqoontooda ugu adeeggaan dalkooda, kuna dadaallaan hal-abuur cusub, isaga oo ku boorriyay in ay noqdaan kuwo kaalin mug leh ka geysta horumarka dalka iyo bulshada Soomaaliyeed.

Hoos ka daawo muuqaalka

Waa tan sababta ay reer Somaliland u rumeysan yihiin in Trump uu aqoonsan doono

Hargeysa (Caasimada Online) – Dad badan oo reer Somaliland ah ayaa rumaysan in Maraykanka, marka uu muddo xileedkiisa cusub la wareego Donald Trump, uu noqon doono dalkii u horreeyey ee u aqoonsada dal ahaan Somaliland.

Somaliland ayaa ku dhawaaqay madaxbannaanideeda 33 sano ka hor ka dib markii Soomaaliya ay ku burburtay dagaal sokeeye – tan iyo markaasna, siyaabo badan, waxa ay ahaayeen sidii waddan madax-bannaan

“Donald waa badbaadiyahayaga. Waa nin caqli badan oo la isku hallayn karo. Ilaahay ha barakeeyo Mareykanka,” ayay tidhi Caasha Ismaaciil oo ah ardayad jaamacadeed, aadna u faraxsanayd markii ay ka warramaysay waxa ay naawilayaan.

Waxay igala hadlaysaa iyada oo ku sugan Hargeysa, caasimadda Somaliland – magaalo u jirta 850 kiilomitir (530 mayl) waqooyina ka xigta Muqdisho, oo ah xarunta dowladda Soomaaliya.

Dadka ku sugan Muqdisho, Somaliland waxa ay u tahay qayb aan ka go’i karin oo ka mid ah Soomaaliya.

“Waxaa shaki ku jiraa in Donald Trump uu og yahay waxa Somaliland tahay, iska daa inuu garanayo meesha ay ku taallo e,” ayuu yidhi Cabdi Maxamuud, oo ah falanqeeye dhanka xogta ah oo ku sugan Muqdisho, xilli uu aad u cadhaysnaa

“Waan xanaaqsanahay,” ayuu sii raaciyay, isagoo ka cadhaysan rejada weyn ee ay qabto Caasha Ismaaciil, taas oo aan ahayn riyo aan suurtagalnimadeedu adkayn, ugu yaraan marka loo eego mustaqbalka fog.

Xubno awood leh oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, oo uu ka mid yahay Xubinta Koonagareeska ee Scott Perry, ayaa sida oo kale u ololeynaya arrintan, iyada oo bishii hore uu soo bandhigay xeer soo jeedinaya in Mareykanku si rasmi ah u aqoonsado Somaliland.

Arrintan ayaa daba socotay buug qorsheed-kii soo baxay bishii Abriil 2023 loona bixiyey Qorshaha 2025, oo ah khariidad cusub oo loogu talagalay madaxweynenimada marka labaad ee Trump, taas oo ay diyaariyeen hay’adda caanka ah ee garabka midig ee Heritage Foundation iyo in ka badan 100 hay’adood oo kale oo conservative-ka ah.

Dukumentigan waxaa qaybta lagaga hadlayo Afrikada saxaraha ka hoosaysa lagu xusay laba deegaan oo keliya – Somaliland iyo Jabuuti – waxaana lagu soo jeediyey “in la aqoonsado madax-bannaanida Somaliland si looga hortago hoos u dhaca booskii Mareykanka ee Jabuuti”.

Si kastaba ha ahaatee, xaqiiqda ah in Afrikada ka hooseysa Saxaraha ay ku leedahay wax ka yar laba bog oo ka mid ah qorshahan ka kooban 900 oo bog ayaa muujinaysa in qaaraddu ay dhanka mudnaanta ku jirto liiska ugu hooseeya.

Sidoo kale, ma jirto damaanad ah in xukuumadda soo socota ay raaci doonto qorshahan, oo qaarkood Trump uu horeyba u diiday.

Laakiin hal arrin ayaa cad: Mareykanka wuxuu durba bilaabay inuu beddelo mowqifkiisa ku aaddan Somaliland, isagoo ka sii fogaaday aragtida Muqdisho ku wajahan ee loo yaqaan siyaasadda ku dhisan ‘ Soomaaliya hal waddo ah’.

Tan iyo sagaashamaadkii, Maraykanka waxa Soomaaliya kaga baxayey dhaqaale laxaad leh, agab, iyo dad ba.

Taageeradaa dawlad ayaana daba socotay markii meydadka 18 askari oo Mareykan ah la jiid jiiday waddooyinka Muqdisho ka dib markii diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Mareykanka ay soo rideen malleeshiyaad qabiil oo Soomaali ahi.

Dagaalkaas, oo loo yaqaan “Black Hawk Down,” wuxuu ahaa kii ugu khasaaraha badnaa ee Mareykanka ka soo gaadha dagaal tan iyo dagaalkii Vietnam.

“Tallaabo kasta oo ku aaddan aqoonsiga madaxbannaanida Somaliland keliya kama hor imanayso madaxbannaanida Soomaliya ee waa caqabad hor leh oo gobolka ah,” ayuu yidhi Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar.

Midowga Afrika iyo awoodaha kale ee caalamka waxay aaminsan yihiin in xuduud dhuleedku yahay lama-taabtaan. Aqoonsiga Somaliland ayaana horseedi kara silsilad jawaab-celin ah oo dadka gooni u goosadka ah ee dunida oo dhan ay dalbadaan aqoonsi dhuleed.

Cumar wuxuu sidoo kale muujiyay walaacyo ku saabsan suurtagalnimada in xukuumadda Trump ee cusub ay ku dhaqaaqdo go’aan la mid ah tii hore ee la bixidda inta badan ciidammada Mareykanka ee Soomaaliya, kuwaas oo la dagaallamayay kooxda al-Shabaab – oo si joogto ah loogu tilmaamo kooxaha xidhiidhka la leh al-Qaacida kuwa ugu guulaha badan.

Xilligan Joe Biden madaxweyne yahay, qiyaastii 500 oo askari Mareykan ah ayaa ku sugan Soomaaliya – iyagoo fuliya howlgallo gaar ah iyo tababaridda ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya, Danab, kuwaas oo dhawr jeer muujiyey in ay ka waxtar badan yihiin ciidanka caadiga ah ee Soomaaliya marka loo eego la dagaallaankooda Al-Shabaab.

Mareykanku wuxuu saldhig ciidan ku leeyahay Ballidoogle, waqooyi-galbeed Muqdisho, waxayna si joogto ah u fuliyaan duqeymo cirka ah oo ka dhan ah fallaagadan Islaamiyiinta ah.

“Ka bixitaanku wuxuu abuuri doonaa firaaq weyn oo amni, isagoo dhiirrigelinaya in kooxaha argagixisada ah ay halis geliyaan xasilloonida Soomaaliya iyo sida oo kale guud ahaan Geeska Afrika,” ayuu Cumar ka digay.

Erayada wasiirku waxay la mid yihiin kuwa Soomaaliya kaga jawaabtay heshiiskii dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya, kaas oo lagu sheegay in aqoonsi la siin doono haddii ay bixiyaan marin badeed.

Dad ayaa iga soo wacay habeekii heshiiskaasi soo baxay ku nool Soomaaliya oo sheegay inay seexan kari waayeen sababo la xidhiidha, heshiiskaas muranka leh.

Wasiirkii Deegaanka ee xilligaas ee Soomaaliya, Aden Ibrahim Aw Hirsi, ayaa igu yidhi waqtigaas: “Mar walba waxaad baahisaa warar ‘bombooyin siyaasadeed’ ah warbixinahaaga”

“Halkan waa Muqdisho e dadku waxa ay aad uga hadlayaan xaalad dhulgariir siyaasadeed. Ah”

Tan iyo markaas, Turkiga ayaa dhex-dhexaadin ka sameeyay xallinta khilaafkaas.

Halka dhan kale ay Soomaaliya dhawaan saxiixday heshiis $600,000 (492,000 ginni) sanadkii ah oo ay la galeen shirkadda galaangalka ka shaqaysa ee Washington ee BGR Group, kaas oo muujinaysa in ay ka walwalsan yihiin xidhiidh dhex mara maamulka Trump ee soo socda iyo Somaliland.

Mareykanku wuxuu bishii hore ka aamusey codbixinta go’aanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee ku saabsanaa maalgelinta qorshihii u danbeeyey ee faragelinta Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Mid ka mid ah naqshadeeyayaasha muhiimka ah ee fikirka Afrika ee xisbiga Jamhuuriga, gaar ahaan marka la eego arrimaha Soomaaliya, waa Joshua Meservey, oo dhawaan ka tegay Heritage Foundation una wareegay Hudson Institute oo garabka midig ku jihaysan.

“Kiiska Somaliland ee Mareykanka waa mid aad u xoogan,” ayuu ku doodayaa.

“Waxaan u maleynayaa in su’aasha aqoonsiga si dhab ah loo wada hadli doono, in kastoo xiddigta waqooyigu marka meelo badan laga eego ay tahay meel u fiican danta Maraykanka.”

Sida Jamhuuriyaal badan oo Mareykan ah, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland Abdirahman Dahir Adan ayaa xidhiidhkan u arka mid faa’iido leh.

“Haddii heshiisku noo fiican yahay, waan qaadaneynaa. Haddii Mareykanku ka rabo saldhig milateri halkan, waan siinaynaa,” ayuu yidhi.

Dadka u ololeeya aqoonsiga Somaliland waxay ku doodayaan in Somaliland ay ku taallo goob muhiim ah oo kulmisay danaha Mareykanka ee dhinacyada dhaqaale, milateri iyo istiraatijiyadeed.

Joshua Meservey wuxuu intaa ku darayaa in gobolkaas la “abaal-mariyo” maadaama uu ku dhagan yahay mabaadi’da dimoqraadiyadda, uusan ku tiirsanayn gargaarka shisheeye, islamarkaana uu leeyahay dowlad yar oo koraysa.

Xeebta dheer ee Somaliland waxay ku dheggan tahay mid ka mid ah marin-biyoodyada ugu mashquulka badan caalamka. Inkastoo fallaagada Xuutiyiinta ee Yemen oo ay taageeraan Iran ay hadda beddeleen budjcad-badeedka Soomaaliyeed oo ahaa caqabad weyn oo saameyn ku leh ganacsiga caalamiga ah, haddana weeraradu waxay sii kordhinayaan xiisadda gobolka ee ku dhow dagaalka Bariga Dhexe.

Loolanka saldhigyada shisheeye ee xeebaha Geeska Afrika wuxuu welwel ku hayaa Mareykanka, kaas oo 2002 ka aasaasay saldhiggiisa ugu weyn ee qaaradda Afrika, dalka Djibouti.

Ruushka ayaa isha ku haya dekedda Port Sudan; Isu-tagga Imaaraadka Carabta (UAE) ayaa isticmaalay saldhigga Eritrea ee Assab si uu ula dagaallamo Xuutiyiinta, halka Djibouti ay buux dhaafieen xoogag shisheeye, oo ay ku jiraan Shiinaha, kuwaas oo aan kaliya haysan saldhig milatari oo muhiim ah, balse sidoo kale maamula deked weyn.

Saldhigga ugu weyn ee Turkigu ku leeyahay dal shisheeye wuxuu ku fidsan yahay xeebta Soomaaliya, koonfurta Muqdisho.

Xiisadda Mareykanka ee la xdhiidha kor u kaca Shiinaha ayaa Trump ka dhigaysa inuu xoogga saaro gobolka. Mareykanka wuxuu Shiinaha ku eedeeyay inuu faragelin ku sameeyay howlahooda Djibouti, isagoo xitaa shucaaca laser-ka ku beegsaday indhaha duuliyeyaashiisa.

Dekedda Berbera ee Badda Cas, haddii lagu arko inay qayb ka tahay Somaliland ama Soomaaliya, waxay bixisaa beddel weyn.

Somaliland waxa 2020 la samaysay xidhiidh Taiwan, taas oo Shiinaha ka cadhaysiisay.

Imaraadka Carabta, oo ah xulufada muhiimka ah ee Mareykanka, ayaa maamula dekedda dhawaan la ballaadhiyay ee Berbera, iyaga oo rajeynaya inay Djibouti kula tartamaan.

Intii lagu jiray maamulka Biden, saraakiil Mareykan ah oo uu ku jiro taliyaha Africom, ayaa booqday Berbera, oo leh jidad diyaarad ah oo 4km ah, kuwaasoo markii hore ay dhistay Midowgii Soofiyeeti intii lagu jiray Dagaalkii Qaboobaa.

Sannadkii 2022, sharci loo yaqaan National Defence Authorisation Act ayaa wax laga beddelay si Somaliland loogu daro, taas oo xoojisay wada-shaqeynta amniga isla markaana abuurtay waddo loo maro xidhiidho diblomaasiyadeed iyo dhaqaale oo xooggan.

Jamhuuriga taageersan aqoonsiga Somaliland waxay rabaan in ay usoo bandhigaan kiiskan sidii fursad ganacsi, iyagoo rajeynaya inay ka faa’iideystaan habka Trump uu uga helo heshiisyada noocan ah.

Diblomaasi Somaliland u dhashay oo ku sugan Mareykanka ayaa sheegay:

“In ay ku xidhan tahay sida ay ugu gadaab isaga. Waa inay ka dhigaan mid soo jiidasho leh; waa inay isku dayaan inay qanciyaan.”

Geeska Afrika waa inuu is diyaariyo isbeddel xooggan oo ku iman kara.

Isha: BBC Somali