25.8 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Xogta muran ka taagan aaska maydka Jeneral MORGAN

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa xaalad cusub oo lama filaan ah ay kasoo korortay aaska maydka marxuum Jeneral Maxamed Siciid Xirsi (Morgan) oo dhowaan uun ku geeriyooday gudaha magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

Xaaladda cusub ee soo korortay ayaa ka dhalatay, kadib markii la’isku khilaafay goobta lagu aasayo marxuumka oo geeriyooday todobaad kahor, kadib markii uu kusoo booday xanuun sababay in loo qaado magaalada Nairobi oo uu ugu dambeyn ku geeriyooday.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, khilaafka ayaa waxa uu soo kala dhex-galay qoyska marxuumka iyo Puntland, wuxuuna illaa iyo hadda maydka ku jiraa talaagad, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in qoyska, gaar ahaan carruurtiisa iyo ooridiisii ay doonayaan in lagu aaso dalka Cumaan oo ay degan yihiin, halka madaxda Puntland iyo ehellada kale rabaan in la geeyo Puntland, laguna aaso taas oo illaa iyo hadda aan la isku afgaran.

Mid kamid ah siyaasiyiinta reer Puntland oo lagu magacaabo Siyaad Cali Jaamac, kana mid ah ehellada maxuumka ayaa sheegay in qoyska reer Maxamed Siyaad Barre oo uu xidid la’ahaa Jeneral Morgan ay ku adkaysanayaan in maydka ay u qaataan dalka Cumaan oo ay dagan yihiin, si halkaasi lagu aaso, iyaguna ay rabaan in Puntland aas loogu sameeyo.

Siyaad ayaa eedeyn u jeediyay qoyska, isaga oo su’aal ka keenay sababta ay ku diidan yihiin in marxuumka lagu aaso deegaankiisa, halkii loo qaadi lahaa dal shisheeye.

“Mar kale 7 maalin kadib waxaan tacsi iyo samirsiinba la wadaagayaa dhamaan dadka reer Puntland, dowladooda iyo shacabka Soomaaliyeed sugidii ay sugayeen inay ka qayb galaan aaskiisa oo ay ahayd in lagu aaso gurigii uu ku dhashay, Suurta gal la’aantaas waxaa u sabab ah reer Maxamed Siyaad Bare oo doonaya inay Cumaan ku aasaan anaga oo tix gelinayna go’aanka gaarka ee qoyska, hadaba sida Soomaali wada ogtahay AUN Mohamed Siyaad waxaa uu ku dhintay Nigeria waxaana qoyskiisu iyo ehelladiisuba ku aaseen deegaankii uu ku dhashay siiba degmada Garbahaarey ee gobalka Gedo, waxay Aabohood u diideen maxay Morgan ugu wadan?”. ayuu yuru Siyaasi Siyaad Cali Jaamac.

AUN Marxuumka ayaa muddooyinkii u dambeeyey xanuunsanaa, waxaana la sheegay in xaaladdiisa caafimaad ay sii darsatay kadib markii uu xanuun degdeg ah caloosha kaga soo booday xilli uu ku sugnaa magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Intaa kadib, waxaa loo qaaday magaalada Nairobi si loogu dabiibo, balse nasiib darro wuu u adkeysan waayey, isaga oo ugu dambeyn ku geeriyooday halkaasi

Gen. Moorgan waxa uu ku dhashay magaalada Qardho sanadkii 1949. Tababaro sare oo ciidan ayuu ku soo qaatay dalalka Maraykanka iyo Talyaaniga, isagoo ka mid noqday saraakiishii ugu aqoonta sarreysay ee ciidamadii qalabka sida ee Soomaaliya. Waxa uu caan ku noqday doorkii uu ka qaatay dagaalkii 1977 ee Soomaaliya iyo Itoobiya ku dhexmaray gobolka Soomaali Galbeed.

Kadib xog sirdoon, ciidamada Kenya oo khaarajiyay 4 Shabaab ah, soona furtay…

Garissa (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada Kenya ka fuliyeen qaybo kamid ah gobolka Waqooyi Bari, gaar ahaan deegaanno u dhow xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo khasaare lagu gaarsiiyay Al-Shabaab.

Howlgalka oo ay qaadeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kenya ayaa waxaa lagu khaarijiyay afar xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab, sida ay shaaciyeen saraakiisha Booliska ee dalkaasi, wuxuuna si gaar ah uga dhacay inta u dhexeysa deegaannada Najo iyo Guracho ee ismaamulka Garissa.

Sidoo kale ayaa soo furtay laba qoray oo Ak-47 ah, qori PKM ah, rasaas badan, iyo idaacadaha isgaarsiinta oo ay wateen xubnaha la dilay.

Howlgalkan ayaa daba socday warbixinno sirdoon oo si wanaagsan loo qorsheeyay, kadibna ay ku howlgaleen ciidamada Kenya ee weerarka ku qaaday maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Sidoo kale, waxaan howlgalkan qayb ka ahaa diyaarad Drone ah oo markii aragtay xubnaha Al-Shabaab oo saldhig qarsoodi ah ku lahaa halkaasi, waxaana kadib sidaas ku dabagalay ciidamada Kenya oo cagta mariyay kooxdan ka tirsaneyd Al-Shabaab.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in iska hor imaad xoogan uu dhex maray labada dhinac kaas oo sababay dilka afarta xubnood ee ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada ammaanka ee dalka Kenya.

Tallaabada ay qaadeen ciidamada Kenya ayaa qayb ka ah qorshahaal lagu sugayo amniga oo ay waddo dowladda Kenya, si looga hortago halista kooxda Al-Shabaab ee dalkaasi.

Inta badan maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo la dhaqaaq ah ka fuliya gobolka Waqooyi Bari iyo deegaannada u dhow xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Si kastaba, Kenya ayaa qayb ka ah dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab, waxaana ciidamada ay ka howlgalaan deegaannada maamulka Jubaland, iyaga oo hoostaga howlgalka cusub ee AUSSOM ee Soomaaliya.

Sawirro: MUUNGAAB oo tallaabadii ugu horreysay u qaaday xil la-wareegista

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Banaadir, ahna duq magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta tallaabadiisii ugu horreysay u qaaday la-wareegista xilka, kadib markii lasoo magacaabay maalmo kahor.

Muungaab ayaa maanta booqasho ku tegay xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar halkaas oo uu kusoo dhaweeyay guddoomiyihii xilka laga qaaday ee Maxamed Axmed Amiir iyo mas’uuliyiinta kale ee gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha cusub ayaa kulan is xog wareysi ah la yeeshay Amiir oo ay ka wada-hadleen howlaha gobolka Banaadir, maadaama uu isbeddal dhacay, laguna howlan yahay munasabadda xil wareejinta oo kaliya.

Intaas kadib Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa kormeeray xafiisyada guddoomiye ku xigeennada maamulka gobolka Banaadir iyo xoghayaha guud ee gobolka iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

Sidoo kale waxa uu booqasho ku tagay xarumaha agaasinka caafimaadka, dad-dhigista, gaadiidka iyo gurmadka deg-degga, halkaasi oo ay warbixin ku siiyeen agaasimeyaasha kala duwan ee waaxyaha.

Waxaa kale oo uu xarunta taliska ciidanka illaalinta Deegaanka Xamar, Salaan sharaf kaga qaatay cutub ka tirsan Ciidanka illaalinta Deegaanka Xamar ee (Municipio), halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay guddoomiyaha cusub.

Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo dhowaan la filayo in Muungaab uu si rami ah xilka ula wareego, si uu u guto waajibaadka loo igmaday ee maamulka gobolka Banaadir.

Maalmihii lasoo dhaafay Muungaab ayaa kulamo qaabilaad ah ka waday hoygiisa oo ay buux dhaafiyeen mas’uuliyintii ugu badnaa iyo qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah, kuwaas oo ugu tegay inay u hambalyeeyaan.

Si kastaba ahaatee, Muungaab ayaa xilkan horay usoo qabtay waxaana guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho loo magacaabay sannadkii 2014, isaga oo intii uu hayay ku guuleystay hirgelinta qorsheyaal dib-u-habeyn ah oo lagu hagaajinayay maamul-wanaagga, nadaafadda magaalada, iyo amniga Muqdisho.

Waxaa kale oo uu horay usoo noqday guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, isaga oo xilligaas caan ku noqday adkeynta sharciga iyo la dagaalanka dambiyada la xiriira amniga qaranka.

Shabakad Al-Shabaab u qaabilsaneyd shaqo halis ah oo maanta la xukumay

Muqdisho (Caasimada Online) – Shabakad kooxda Al-Shabaab u qaabilsaneyd shaqada farsamada Gawaarida (Makaanikada), qaarkoodna loo isticmaalay qaraxyada ayaa maanta xukunno adag lagu riday

Cabdinaasir Maxamed Xasan, afgaradiisuna tahay Macalim Xaaji ayaa lagu eedeeyay in uu Al-Shabaab u sameyn jiray gaadiidka ay qaraxyada Ku fuliyaan iyo kuwa ka ciladooba, isaggoo gawaarida cusubna ka tiri jiray sumadaha aqoonsiga Chassis Number, mid cusubna saari jiray, si tixraac aysan ugu sameyn Hay’addaha ammaanka, tan iyo sanadkii 2018 ayuuna howlahaan u hayey aragixisada.

Dhagarihii uu ka qeyb qaatay waxaa kamid ah qaraxii Zoobe 2 oo dhacay sagaal iyo labaantii bishii tobnaad ee Sanadkii 2022, kaasi oo loo adeegsaday mooto kuwa xamuulka qaada ah oo farsameynteeda uu lahaa, sidoo kale qaraxyo ka dhacay SYL, Beach View ayuu ka qeyb qaatay.

Eedeysane Cabdinaasir oo hoostagayey horjooge lagu magacaabo Khalid, ayaa mushaar ahaan u qaadan jiray $240 dollar, waxaana loo iibiyey gaari noha ah oo u isctimaali jiray fududeynta howlihiisa Shabaabnimo, sidoo kalana waxaa loo furay garaash uu wakiil uga ahaa argagaxisada.

Waxa uu la shaqeeyay xukunsanayaal ku jira Xabsi Dhexe iyo kuwa lagu dilay Xabsiga, ka dib markii ay isku dayeen iyaggoo dagaalamaya inay baxsadaan Sanadkii 2024.

Horjoogahaan, ayaa Gacanta Ciidamada amniga soo galay sagaal iyo tobankii bishii sagaalaad ee sanadkii hore 2024, iyaddoo lagu soo qabtay gawaari loo diyaarinayey in loo adeegsado Qaraxyo.

Maadeey Cabdi Xuseen oo makaaniknimo ku shaqeysta ayaa xiriirka argagixisada ka helay eedeysanaha 1aad Cabdinaasir, Safar qaatay maalin iyo habeen ayuu ku tagay Kuunya barrow Shabeelada hoose, si uu khawaarijta ugu farsameeyo seddex gaari oo ka ciladeysnaa, waxaana uu horey usii watay Ciise Maadeey Cabdi Xuseen.

Muddo bil ah oo ay halkaasi joogeen kadib waxay kusoo laabteen Ceelasha Biyaha, iyaggoo wata $400 dollar oo khawaarijtu ay kusoo sagootisay, 50 dollar ayuuna ka siiyey Ciise.

Cabdiqaadir Cali Faarax Tabliiq oo hore tiro laba jeer ah loo soo xiray ayaa lagu soo eedeyay inuu kala gudbin jiray dadka u dacwooda Shabaab iyo inuu ka iibsan rabay argagixisada gaari isaga uu lahaa, balse isaggoo aan gadan ayey kawar heleen ciidanka amniga, sidaasna lagu qabtay.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada QS, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday sagaal iyo tobankii Bishaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku kala xukuntay.

– Cabdinaasir Maxamed Xasan ayey .maxkamadu ku xukuntay Xabsi Daa’in.

– Maadeey Cabdi Xuseen ayaa lagu xukumay Labo sano oo Xabsi Argagixiso ah.

– Ciisa Maadeey Cabdi Xuseen ayaa isna lagu xukumay Hal sano oo Xabsi Argagixiso ah.

– Halka Cabdiqaadir Cali Faarax Tabliiq ay maxkamaddu dib u siisay xoriyadiisa, kadib markii lagu waayey eedii loo heystay.

Xamza oo tegay magaaladii lagu unkay Jamhuuriyadda 3-aad ee Somalia + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo safar shaqo ku jooga dalka Jabuuti ayaa maanta booqday magaalada taariikhiga ah ee Carta.

Magaaladan ayaa ahayd halkii lagu soo unkay Jamhuuriyadda saddexaad ee Soomaaliya, sanadkii 2000.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kormeer ku tagey goobo kala duwan oo kamid ah magaalada Carta, gaar ahaan halkii lagu qabtay shirka sanadkii 2000, halkaas oo laga hirgeliyey madxaf weyn oo ay ku keydsan yihiin dhammaan taariikhdii uu lahaa shirka iyo marxaladihii kala duwanaa ee laga soo maray.

Mudane Xamza ayaa uga mahad-celiyey dowladda iyo shacabka Jabuuti doorka weyn ee ay ka qaateen dowlad-dhiska Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu bogaadiyey dhismaha madxafka lagu keydiyey taariikhda shirka uu lahaa, si jiilasha soo socda ay ugu noqoto raad ay ku heli karaan taariikhdii uu shirkaas lahaa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dowladda iyo shacabka Jabuuti uga mahad-celisay sida walaalnimada ah ee ay u garab taagan yihiin dalkeenna, waxa uuna adkeeyey muhiimadda iskaashiga istaraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Jabuuti.

Waa kuma Mohamed Sabri – Ninka Masar u dhashay ee fuliyey weerarki Mareykanka?

Boulder (Caasimada Online) – Dhowr iyo toban qof oo ka qaybgalayay dibadbax ka dhacay magaalada Boulder ee gobolka Colorado ee Mareykanka, kuwaasoo muujinayay taageero ay u hayaan Israa’iiliyiinta lagu haysto Gaza, ayaa Axaddii lagu weeraray walxo gubanaya iyo qalab si farsamaysan loo sameeyay oo holciya dab, sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Ugu yaraan siddeed qof ayaa ku dhaawacmay weerarka, labo ka mid ahna dhaawacooda ayaa lagu sheegay mid halis ah.

Muuqaallo laga baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya qiiq madow oo cirka isku shareeray meel maxkamadda degmada horteeda ah. Dadka goobta joogay ayaa lagu arkayay iyagoo u cararaya dhanka dad dhaawac ah oo dhulka yaalla, waxaana mid ka mid ah la arkayay isagoo adeegsanaya dhar si uu u damiyo dab ka shidnaa qof muuqda oo wali dhaqaaqaya.

Ninka la tuhunsan yahay ayaa muuqda isagoo xiran kaliya surweel, indho-shareer wata, gacantana ku haya dhalooyin dareere cad ah leh. Isagoo marba dhinac u socda ayuu hadalayaa, kuna qeylinayaa dad ka mid ah dadkii mudaharaadayay, iyagoo sugaaya booliiska.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ay maqleen ninka oo ku dhawaaqaya “Free Palestine!” intii uu weerarka socday.

Tuhmanaha

Eedeysanaha ayaa la aqoonsaday in uu yahay Mohamed Sabry Soliman, oo ka soo jeeda dalka Masar. Sida uu sheegay xafiiska Waaxda Amniga Gudaha Mareykanka (DHS), Soliman wuxuu dalka ku soo galay fiisaha dalxiiska bishii Agoosto 2022, wuxuuna sharci-darro ku joogay tan iyo bishii Febraayo 2023, markii fiisihiisii uu dhacay, sida ay sheegtay afhayeenka DHS Tricia McLaughlin.

Soliman wuxuu codsaday magangelyo bishii Sebteembar 2022.

“Eedeysanaha weerarka argagixisanimo ee ka dhacay Colorado, Mohamed Soliman, wuxuu si sharci-darro ah ku joogaa dalkeenna,” ayay McLaughlin ku qortay barta X (Twitter hore).

Stephen Miller, oo ah ku-xigeenka madaxa shaqaalaha Aqalka Cad ahna hormuudka siyaasadda socdaalka ee Madaxweyne Donald Trump, ayaa barta X ku qoray in eedeysanuhu yahay ajaanib “si sharci-darro ah ugu nagaaday gudaha Mareykanka kadib markuu fiisihiisu dhacay.”

Muuqaallo qaar ayaa laga maqlayaa Soliman oo ku dhawaaqaya “End Zionists!” (Dhameeya Sahyuuniyadda) iyo “They are killers!” (Waa dilaayaal), isagoo la hadlayo dad xiran funaanado casaan ah oo u muuqday kuwo caawinayay qof dhaawac ah oo dhulka yaalla.

Soliman ayaa lagu qabtay goobta weerarka, waxaana loo qaaday xarun caafimaad oo lagu daweeyay dhaawacyo fudud. Sida laga helay dokumentiyada maxkamadda, waxaa lagu soo oogay dacwado isugu jira dil ula kac ah oo darajada koowaad ah, dembi naceyb ku saleysan oo heer federaal ah, iyo eedeymo kale.

Xiriir la leh dagaalka Gaza?

FBI-da ayaa weerarka u baaraysa si ay u go’aamiso in uu yahay “fal argagixiso.”

Soliman, 45 jir ah, ayaa horey uga shaqeynayay El Paso County. Sida uu sheegay xafiiska Sheriff-ka ee Boulder County, dammaanaddiisa waxaa lagu sheegay $10 milyan.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Marco Rubio, ayaa weerarka ku tilmaamay “weerar argagixiso oo bartilmaameed leh”, halka Xeer-ilaaliyaha Guud, Pam Bondi, ay ugu yeertay “weerar naceyb Yuhuudda ku saleysan oo naxdin leh.”

Weerarkan uu geystay Soliman ayaa noqday kii labaad ee muddo laba toddobaad gudahood ah ka dhaca gudaha Mareykanka, iyadoo la xiriirinayo dagaalka Israa’iil ee Gaza. Bishii May, laba shaqaale oo ka tirsan safaaradda Israa’iil ayaa lagu toogtay magaalada Washington, DC, iyadoo eedeysanaha weerarkaasi uu ku dhawaaqayay “Free Palestine.”

Eedeysanaha weerarkaas, Elias Rodriguez oo 31 jir ah, ayaa barta X kusoo qoray fariin uu si adag ugu dhaleeceeyay dowladaha Israa’iil iyo Mareykanka.

Dagaalka Israa’iil ee Gaza wuxuu billowday kadib weerarkii Xamaas ay qaaday 7-dii Oktoobar 2023, oo lagu qaaday koonfurta Israa’iil.

Tan iyo xilligaas, weerarrada Israa’iil ayaa sababay dhimashada in ka badan 54,300 qof oo Falastiiniyiin ah, sida ay sheegeen ilo caafimaad oo maxalli ah. Israa’iil ayaa marinka Gaza gelisay go’doon dhammaystiran, iyadoo Qaramada Midoobay ay ka digtay in boqolkiiba 100 dadka ku nool Gaza ay khatar ugu jiraan macaluul baahsan.

 

Washington Post oo ka digay qorshe Aqalka Cad uu ka damacsan yahay Soomaaliya

Washington (Caasimada Online) – Maraykanku weligiis uma muuqan inuu si sax ah u wajahayo Soomaaliya. Muddo tobannaan sano ah, xiriirka Mareykanka iyo dalka saboolka ah balse istiraatiijiga ah ee ku yaalla Geeska Afrika wuxuu raacay hal qaab: faragelin xooggan oo ay ku xigto dayac. Xilliyada dayaca, rabshadaha iyo argagaxisadu ayaa si dhakhso ah u xidideysta, iyagoo khatar ku ah xasilloonida guud ee gobolka. Ugu dambeyntiina, Mareykanka ayaa lagu khasbaa inuu dib ugu soo laabto.

Hadda mar kale, Mareykanku wuxuu u muuqdaa inuu maraya marxalad dayac cusub oo ku wajahan Soomaaliya, taasoo khatar gelin karta danihiisa gobolka iyo xasilloonida guud ee Geeska Afrika.

Maamulka Trump ayaa hadda ku guda jira dib-u-habeyn ballaaran oo lagu sameynayo siyaasadda Mareykanka ee Afrika, isagoo si weyn u jaraya gargaarka dibadda isla markaana hoos u dhigaya tababarrada la siiyo ciidamada maxalliga ah ee dagaalka kula jira kooxaha argagixisada ah ee xiriirka la leh al-Qaacida iyo Daacish. Qorshuhu waa in la yareeyo joogitaanka tooska ah ee Mareykanka, iyadoo lagu beddelayo taageero farsamo iyo sirdoon dheeraad ah oo la siiyo ciidamada Afrikaanka ah. “Waxaan diiradda saaraynay in aan xoojino awood siinta halkii laga abuuri lahaa ku-tiirsanaan,” ayuu yiri General Michael Langley oo ah madaxa Taliska Mareykanka ee Afrika (Africom).

Qorshaha cusub ee Wasiirka Difaaca Pete Hegseth ee miisaaniyadda milatariga ayaa dhaqaalaha dib ugu wareejinaya arrimaha mudnaanta u leh Madaxweyne Trump, sida hawlgallada xadka koonfureed ee Mareykanka iyo casriyeynta hubka nukliyeerka. Africom, oo kormeeraya kumannaan askari oo Mareykan ah oo ka hawlgala qaaradda Afrika, ma ahan mid mudnaan gaar ah leh oo ku jirta qorshahan.

Waaa xaqiiq, in dib-u-habeyn qaarkeed laga yaabo inay ku habboon tahay qaaradda. Sanadkii hore, hoggaamiyeyaasha militariga ee Niger—oo xukunka kula wareegay afgambi dhacay 2023—waxay Mareykanka ka codsadeen inuu ciidamadiisa kala baxo Agadez, oo ahayd saldhig weyn oo lagu wajaho argagaxisada. In ka badan kun askari oo Mareykan ah ayaa halkaa hore uga fulin jiray howlgallo ka dhan ah kacdoonka Islaamiga ah ee ka socday guud ahaan gobolka Saaxil. Sannadkii la soo dhaafay, ciidamada Ruushka ayaa la wareegay saldhiggii Mareykanka.

Laakiin Soomaaliya, Mareykanka laguma khasbin inuu baxo – wuxuu ka tagayaa si uu ula jaanqaado mudnaanta cusub ee Aqalka Cad. Sanadkan, iyadoo qeyb ka ah qorshaha Trump ee hakinta gargaarka dibadda, Mareykanku wuxuu jaray maalgelintii lagu taageerayay cutubka gaarka ah ee ciidamada Soomaaliya ee Danab. Danab waxay ahayd ciidanka ugu wax-tarka badan ee dowladda Soomaaliya ay ku wajahdo al-Shabaab, laanta ugu halista badan ee al-Qaacida. Iyadoo laga jaray $1.5 bilyan oo doollar sanadkii oo uu Mareykanku horay u bixin jiray, dowladda Soomaaliya oo dhaqaale xumo wajahaysa ayaa ku dhibtooneysa bixinta mushaarka ciidanka Danab. Mareykanka sidoo kale wuxuu dhimay taageeradii uu siiyay howlgalka nabad-ilaalinta Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Ka bixitaanka Soomaaliya xilligan waa mid halis ah, maadaama al-Shabaab ay hadda qaadayso weerarro joogto ah. Saddexdii bilood ee la soo dhaafay, waxay la wareegeen magaalooyin muhiim ah, waxayna hadda ka hawlgalaan ku dhowaad saddex meelood meel dalka. Sida ay sheegtay hay’adda ACLED (Armed Conflict Location and Event Data), al-Shabaab waxay u badan tahay in ay weerarradooda bishii Febraayo bilaabeen si ay uga faa’iideystaan meelaha amni-darro ka jirto ee ka dhashay bixitaanka ciidamada Midowga Afrika iyo joojinta taageerada Mareykanka. Weeraradooda ka dhacay gobolka Hirshabeelle waxay sare u qaadeen walaaca laga qabo in kooxda ay u jihaysato caasimadda Muqdisho, oo qiyaastii 200 mayl ka xigta koonfur. Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Muqdisho ayaa la duqeeyay bishii Abriil.

Al-Shabaab sidoo kale waxay beegsatay bartilmaameedyo Mareykan ah. Tusaale ahaan, weerarkii 2020 ka dhacay saldhig Mareykan ah oo ku yaalla Kenya wuxuu sababay dhimashada saddex qof oo Mareykan ah. Kooxdaasi xitaa waxay qorsheeyeen weerar la mid ah kii 9/11 oo lagu qaado gudaha Mareykanka.

Dad badan oo Mareykan ah waxay u arkaan Soomaaliya inay tahay meel fog oo aan muhiimad weyn lahayn. Balse runta ayaa ah in Soomaaliya ay ku taallo meel istiraatiiji ah oo muhiim u ah Badweynta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed, iyada oo laga galo Badda Cas. Burcad-badeednimadii Soomaalida ee billowgii 2000-meeyadii waxay carqaladeysay maraakiibtii ganacsiga caalamiga ah, iyadoo ay waxyeello dhaqaale oo malaayiin doollar ah sababtay. Dhinaca kale ee Gacanka waxaa ku yaalla Yemen, oo ay gacanta ku hayaan fallaagada Xuutiyiinta ee taageerada ka helaya Iran, kuwaasoo dagaal dadban kula jira Israel iyo Mareykanka.

Taariikhdu waxay marar badan muujisay masiibooyinka ka dhasha marka Mareykanku ka jeesto Soomaaliya.

Xilligii Dagaalkii Qaboobaa ee 1980-meeyadii, Mareykanku wuxuu ahaa saaxiib dhow oo uu lahaa kaligii-taliyihii Maxamed Siyaad Barre – ilaa burburkii Midowgii Soofiyeeti sanadkii 1991, markaasoo Mareykanku xiriirka u jaray si uu uga jawaabo xadgudubyadii Xuquuqda Aadanaha. Xirirkaasi wuxuu hakad galay illaa 1992, markaasoo Mareykanku ciidamo u diray si uu uga jawaabo macaluul baahsan oo ka dhalatay kooxo hubeysan oo dhaca raashiinka gargaarka. Faragelintaasi waxay ku dhammaatay si murugo leh sanadkii 1993, kaddib dagaalkii Muqdisho oo lagu riday laba diyaaradood oo Black Hawk ah, meydadkii askarta Mareykanka ahna waddooyinka lagu jiiday.

Mareykanku wuxuu dib ugu soo laabtay Soomaaliya kaddib weerarradii 9/11 iyo markii al-Shabaab ay soo baxday oo noqotay mid ka mid ah laamaha ugu khatarta badan ee al-Qaacida. Balse Trump, dhammaadkii xilligii koowaad ee xilkiisa, wuxuu amray in la saaro ku dhawaad 700 askari oo Mareykan ah oo ku sugnaa Soomaaliya, isagoo fulinaya ballanqaadkiisa ahaa in uu soo afjaro dagaallada dibadda. Bixitaankaasi wuxuu si weyn u wiiqay awooddii Mareykanka ee la dagaallanka argagixisada. Markii al-Shabaab xoogeysatay, Madaxweyne Joe Biden wuxuu dib ugu celiyay Soomaaliya boqollaal askari oo Mareykan ah. Hadda, Trump wuxuu mar kale doonayaa inuu ciidamadaas dib uga saaro dalka.

Soomaaliya waa dowlad daciif ah, waxaana taageerada Mareykanka ay ka hortagtay in ay u rogto mid burburtay. Sida casharka Afghanistan uu dunida tusay, marka dowlad fashilantay noqoto saldhig argagixiso, khatartaasi kuma koobna gobolka – waxay si toos ah u taaban kartaa gudaha Mareykanka.

Faalladan waxaa qoray guddiga tifaftirka ee wargeyska Washington Post. 

Sababta ciidamada Burundi ay uga baxeen deegaanka Xawaadley oo la shaaciyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Howl-galka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada Burundi ee saldhigga ku lahaa Xawaadley laga daad gureeyey deegaankaasi kaddib markii uu ku dhuftay roobab iyo daadad ba’an.

Go’aankan ayaa yimid si looga hortago in askarta ay halis galaan, maadaama biyo badan ku soo rogmaday saldhigga, isla markaana ay adkaatay in ciidanka si ammaanan uga howl-galaan deegaanka.

Kaddib marka ciidamada Burundi ay ka baxeen Xawaadley, ururka Al-Shabaab ayaa dib ula wareegay deegaankaasi, iyadoo muddo dhowr sano ah gacanta ay ku haysay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xawaadley waxay sanadihii la soo dhaafay martigelisay dagaallo culus oo ay ku dhinteen boqolaal askari iyo saraakiil ciidan, taasoo muujineysa muhiimadda istiraatiijiyadeed ee deegaankaas ay u leedahay labada dhinac.

Howl-galka AUSSOM ayaa sheegay in intii ay socotay daad-gureynta ciidanka, mid ka mid ah diyaaradaha qumaatiga u kaca uu la kulmay cillad farsamo. Si kastaba ha ahaatee, duuliyeyaasha diyaaradda ayaa si xirfad leh ugu dejiyey ciidanka dhul ammaan ah, iyaga oo xaqiijiyey in aanay jirin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay cilladdaas farsamo.

Inkasta oo Al-Shabaab ay dib ula wareegtay Xawaadley, AUSSOM marna si toos ah uguma xusin in deegaanka ay qabsadeen maleeshiyada ururkaas. Waxa ay ku gaabsatay in dhammaan ciidamadeeda iyo shaqaalaheeda si nabad ah loogu daad-gureeyey saldhig militari oo u dhow, si ay uga fogaadaan waxyeello ka dhalatay daadadka.

Ciidamada Burundi ee ka qayb qaadanayey howl-galka AUSSOM ayaa horey u sheegay inay waqti dhow ka bixi doonaan howl-galkan, isla markaana ciidamo kale oo bedeli doona ay usoo wareegayaan masuuliyadda amniga ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Dhinaca kale, maamulka deegaanka Xawaadley ayaa beeniyay in Al-Shabaab si xoog ah ku qabsatay deegaanka, isagoo caddeeyey in roobabka iyo daadadka ay sababeen in xeryihii ciidamada ay biyo soo galaan, taasoo keentay in mas’uuliyiinta AUSSOM ay go’aansadaan in ciidanka laga daad-gureeyo.

Maamulka ayaa intaas ku daray in ujeeddada kaliya ahayd badbaadinta nolosha askarta iyo shaqaalaha, ayna jirin dagaal toos ah oo sababay kala wareegidda deegaanka.

Guud ahaan, daad-gureynta ciidamada Burundi ee Xawaadley ayaa muujineysa sida dhacdooyinka dabiiciga ah ay u saameyn karaan xaaladda amni ee deegaanada jihaadiistu ay xoogga ku hayaan.

Inkasta oo AUSSOM ay awood u leedahay in ay ciidamo kale ku bedesho goobaha muhiimka ah, hadana ka bixitaanka ciidamada Burundi iyo soo laabashada Al-Shabaab ayaa tilmaamaysa caqabadaha joogtada ah ee horyaalla dadaallada xasilinta Soomaaliya.

Xasan oo ballan-qaad weyn ka helay Amiirka dalka Qatar

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefoonka kula hadlay Amiirka Dowladda Qatar, Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani.

Labada hoggaamiye ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashi ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar, iyadoo Amiirka Qatar uu ballan-qaad u sameeyay Madaxwaynaha Soomaaliya.

Wakaalladda Wararka Qatar ayaa sheegtay in wada-hadalladaasi diiradda lagu saaray arrimo muhiim ah oo khuseeya xaaladda gobolka iyo guud ahaan caalamka. Labada dhinac ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga dhinacyada kala duwan si kor loogu qaado danaha labada shacab ee Soomaaliya iyo Qatar.

Intii uu socday wada-hadalkooda, Amiirka Qatar ayaa u ballan-qaaday Madaxweynaha Soomaaliya in dalkiisa uu sii xoojin doono taageerada buuxda ee uu siiyo shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed. Taageeradan ayaa lagu tilmaamay mid muhiim u ah xasilloonida iyo horumarka Soomaaliya.

Dhawaanahan, warar soo baxayay ayaa muujinayay in Dowladda Soomaaliya ay ka codsatay Qatar in ay martigeliso shir weyn oo lagu ururinayo dhaqaale loogu talagalay howlgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee AUSSOM. Howl-galkan ayaa la sheegay in Mareykanku uu ka laba-labaynayo maalgelintiisa.

Qatar ayaa muddo dheer safka hore kaga jirtay dalalka taageera Soomaaliya, iyadoo marar badan muujisay sida ay uga go’an tahay garab istaagga shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Dowladda Qatar ayaa dhawaan ballan-qaaday inay shaqo-abuur u sameyn doonto 10,000 shaqaale Soomaali ah oo ay ka howl-gelin doonto gudaha dalka Qatar. Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu yareynayo shaqo la’aanta baahsan ee ka jirta Soomaaliya, iyadoo la doonayo in fursado dhab ah loo abuuro dhalinyarada Soomaaliyeed.

BF oo la sheegay in uusan aqbali doonin shuruudda ay soo bandhigeen mucaaradka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, oo ah dallad ay ku mideysan yihiin siyaasiyiin mucaarad ku ah dowladda federaalka, ayaa shuruud adag ku xirtay ka qaybgalka gogol wadatashi ah oo uu ku baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Qoraal ay si wadajir ah u soo saareen siyaasiyiintaasi, kaddib shir ay ku yeesheen magaalada Muqdisho, ayay ku muujiyeen in—inkasta oo ay soo dhaweeyeen baaqa Madaxweynaha—ay ka qaybgalka gogoshaas ku xireen dhowr shuruudood oo ay adag tahay in si buuxda loo fuliyo.

Qodobka ugu horreeya ee ay mucaaradku ku xireen ka qaybgalka wadahadalka ayaa ah “in gogoshu noqoto mid dhab ah oo lagu raadinayo xal waara oo laga gaaro khilaafaadka siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan dib-u-eegista dastuurka iyo doorashooyinka labada heer ee federaalka iyo dowlad-goboleedyada”.

Si kastaba ha ahaatee, sida uu sheegay Senator Iftin Xasan Baasto oo ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, “dib-u-eegistii lagu sameeyay dastuurka marnaba lama gali karo gorgortan, maadaama baarlamaanku si aqlabiyad leh u ansixiyay.”

“Dastuurkii hore laguma noqonayo. Isbeddelka dastuurkana waxaa lagu ansixiyay cod aqlabiyad leh, 253 xildhibaan ayaa oggolaaday,” ayuu yiri Senator Baasto.

Senator Baasto ayaa sidoo kale meesha ka saaray suurtagalnimada in dood cusub laga furo doorashooyinka qof iyo codka ah ee ay dowladda jadwalka u dejisay.

“Xeerkii doorashooyinka wuu ansaxay. Waxa keliya ee bannaan waa inaad xisbi ka mid noqotaa, doorashadana aad gashaa adigoo shacabka cod weydiisanaya,” ayuu raaciyay.

Gogosha uu fidiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa timid maalin uun kadib markii magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shir socday dhowr maalmood, oo ay isugu yimaadeen qaar ka mid ah siyaasiyiinta ugu cadcad ee kasoo horjeeda in dalka laga qabto doorasho aan la isla meel dhigin.

Mursal Maxamuud Saney, Agaasimaha Machadka Cilmi-baarista Heritage oo fadhigiisu yahay Muqdisho, ayaa sheegay in sababta uu Madaxweynaha markale u gogol fidiyay ay tahay inuu dareemay culeys siyaasadeed oo isa soo taraya.

“Waxaan is leeyahay baaqa Madaxweynaha ee gogosha cusub iyo waqtiga uu ku dhawaaqayba waa mid bogaadin mudan, waana mid ay shacabka Soomaaliyeed soo dhaweeyeen. Waxaan aaminsanahay inuu go’aankaas ku qaatay cadaadis uga yimid mucaaradka, kuwaasoo markii ugu horreysay muujiyay dhiirranaan siyaasadeed. Tani waa arrin yididiilo leh oo mudan in la dhiirrigeliyo, waana wax hore loogu baahnaa in talada dalka la isugu yimaado,” ayuu yiri.

Mursal Saney ayaa intaas ku daray in aysan ku filnayn oo kaliya inay gogosha ka qaybgalaan dhinacyada siyaasadda ku loollamaya, balse loo baahan yahay in la ballaariyo wadatashiga.

“Dhibaatooyinka aynu wajahno haddaan nahay Soomaali, ma aha kuwo lagu xallin karo dowladda iyo mucaaradka oo keliya. Waxaa lama huraan ah in gogosha la ballaariyo, si ay uga qaybgalaan qaybaha kale ee bulshada. Waxaa jira dad badan oo ka maqan talada dalka—culimo, ganacsato, iyo bulshada rayidka ah—kuwaasoo ay ahayd inay safka hore ka fadhiyaan gogosha. Dadkaas waa in la geliyo geeddi-socodka siyaasadeed,” ayuu yiri.

Shuruudaha ay mucaaradku ku xireen ka qaybgalka gogosha ayaa waxaa ka mid ah qodobo ay dadka qaar u arkeen kuwo caqabad ku noqon kara in si degdeg ah loo gaaro heshiis, maadaama ay isku xiriyeen arrimo u baahan in si gaar gaar ah loo eego.

Maxamed Nuur Qalimow, oo ah falanqeeye si dhow ula socda arrimaha siyaasadda Soomaaliya, ayaa sheegay in shuruudaha mucaaradka ay yihiin kuwo u baahan in la kala saaro, haddii la doonayo in wax la iska weydaarsado.

“Shuruudaha mucaaradku waxay u muuqdaan in ay yihiin dabar siyaasadeed oo cusub. Haddii aan qodobo ka mid ah la kala furfurnaan, waxay noqon karaan caqabad hor leh. Tusaale ahaan, dib-u-eegista dastuurka waxaa loo maray hannaan sharci ah. Haddii la rabo in mar kale lagu laabto, waxaa loo baahan yahay in la maro isla jidkii hore. Arrintaasi ma aha mid fudud,” ayuu yiri Qalimow.

Sidoo kale, ayuu xusay in ka qaybgalka dhammaan dowlad-goboleedyada aan la heli karin ilaa laga xalliyo khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka ah iyo Jubbaland, gaar ahaan marka la eego amarka maxkamadeed ee dul hogganaya Axmed Madoobe.

“Ka hor inta aysan Jubbaland ka qaybgeli karin wadatashiga, waxaa loo baahan yahay in la gaaro heshiis rasmi ah oo lagu xallinayo is-mari waaga u dhexeeya dowladda dhexe iyo Jubbaland,” ayuu raaciyay.

Inkastoo mucaaradku soo bandhigeen shuruudo adag oo ku xiran gogosha uu fidiyay Madaxweyne Xasan Sheekh, haddana falanqeeyayaal qaar ayaa qaba in shuruudahaasi u muuqdaan kuwo hordhac ah, maadaama gogoshu ay tahay mid loogu talagalay in lagu wajaho khilaafaadka taagan, isla markaana lagu raadiyo xal loo dhan yahay. 

Maxaa sanadkan ku cusub Xajka oo muhiimad weyn u leh dadka Soomaalida ah?

Muqdisho (Caasimada Online) – Luuqadda Soomaaliga ayaa kamid noqon doonta sanadkaan Afafka lagu turjumayo khudbadaha muhiimka ah ee Xajka, sida uu sheegay Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Muqtaar Rooboow Cali.

Wasiirka oo ka hadlayay kulan ka dhacay magaalada Makkah, kaasi oo uu la yeeshay madaxda shirkadaha Xujayda keenta dalka Sacuudiga ayaa xusay muhiimadda ballaaran ee ay u leedahay xujeyda Soomaaliyeed in khudbadaha halkaas laga jeedinayo lagu turjumo luqadda Soomaaliga, si ay si buuxda u fahmaan fariimaha muhiimka ah ee laga jeedinayo goobaha barakeysan.

“Luuqadaha lagu tarjumayo khudbadaha ay jeedin doonaan maalmaha Xajka ma’suuliyiin Sacuudiga waxaa lagu daray luuqada Soomaaliga, si ay Xujeyda Soomaaliyeed u fahmaan khudbadaha” ayuu yiri Wasiir Mukhtaar Roobow.

Mudane Rooboow ayaa intaa ku daray in Xajku yahay cibaado mudan in loo qabto si ixtiraam leh, dulqaad badan iyo adeeg hufan, isagoo ku dhiirri-geliyay shirkadaha in ay xoogga saaraan badbaadada iyo daryeelka xujeyda, in la fuliyo jadwalka raridda si waqtiyeysan, iyo in si gaar ah loo ilaaliyo sumcadda wanaagsan ee Soomaaliya.

Dr. Khadar Daahir Suleymaan, oo ka mid ah madaxda shirkadaha Xajka, ayaa sheegay in ay xoogga saarayaan dhanka farsamada ee fulinta howlaha raridda xujeyda, qorsheynta iyo isuduwidda safarrada xujeyda inta u dhaxeysa Makkah, Mina, iyo Carafa.

Waxa uu sidoo kale xusay in la tixgelinayo ka hortagga ciriiriga iyo isdhexyaaca, la shaqeynta maamulka Sacuudiga, iyo la socodka nidaamka cusub ee elektaroonigga ah ee sanadkan la adeegsanayo.

Ugu dambeyntiina waxa uu carrabka ku adkeeyay in la hirgelinayo nidaam lagu qiimeeyo waxqabadka shirkadaha, si looga hortago cabashooyinkii hore uga imaan jiray howlaha Xajka, loona xaqiijiyo adeeg hufan oo xujeyda Soomaaliyeed ay ku qanacsan yihiin.

Xogta weerarka godad sir ah oo ku dhuumanayeen xubno sare oo Daacish ah

Boosaaso (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa xalay fulisay weerar cirka ah oo culus, kaas oo lagu bartilmaameedsaday godad ku yaalla togga Baalade ee gobolka Bari, halkaas oo ay ku dhuumanayeen firxadyo ka tirsan kooxda Daacish.

Weerarkan ayaa la sheegay inuu si gaar ah u beegsaday xubno sare oo kooxdaasi ah kuwaasoo la rumeysan yahay inay ka mid yihiin shaqsiyaadka sida gaar ah loo raadinayay.

Duqeyntan oo ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa lagu garaacay afar goobood oo muhiim ah oo ku yaalla afka togga Baalade. Goobahan ayaa la sheegay inay u ahaayeen meel ay u baxsadeen firxadkii laga saaray deegaanka Miraale, kuwaas oo halkaas isku urursaday kaddib markii ay culeys kala kulmeen dagaallo hore oo ka dhacay.

Ciidamada difaaca Puntland ee ku sugan Taliska Miraale ayaa sheegay inay xalay maqleen jug culus oo isdaba joog ah oo ka dhacaysa dhinaca togga Baalade. Sidoo kale, iftiin xooggan oo u eg hillaac ayaa laga arkayay hawada sare, taas oo muujineysa baaxadda iyo xoogga duqeynta ay Mareykanku ka geysteen halkaas.

Xafiiska Warbaahinta ee u qaabilsan Hawlgalka Calmiskaad ee Puntland ayaa xaqiijiyay weerarkan, isagoo tilmaamay in Mareykanku si toos ah u beegsadeen godad ay ku dhuumanayeen firxadkii Daacish. Warbixinta ayaa lagu sheegay in hawl-galka uu yahay mid qorsheysan oo lagu bartilmaameedsaday halis amni oo ka jirta gobolka.

Sida lagu sheegay qoraalka, Mareykanku waxa ay duqeeyeen afar meelood oo muhiim ah, kuwaasoo ku yaalla inta u dhexeysa togagga Baalade iyo Miraale. Goobahan ayaa loo aqoonsaday xarumo ay firxadkii argagixisadu u adeegsadeen dhufeysyo iyo meelo ay ku dhuuntaan si ay uga fogaadaan weerarada tooska ah.

Hawl-galka ayaa qeyb ka ah iskaashiga dhow ee ka dhexeeya Dowladda Mareykanka iyo Puntland, kaas oo lagu doonayo in lagu dabar-jaro khataraha argagixisada ee ka jira buuraha iyo godadka fog ee ay ku dhuuntaan xubnaha Daacish. Weerarkan waxa uu sidoo kale calaamad u yahay dadaalka joogtada ah ee lagu wiiqayo awoodda kooxdaasi ee gobolka.

Weerarka togga Baalade wuxuu muujinayaa isbedelka xawaaraha hawl-gallada lagula dagaalamayo argagixisada, gaar ahaan marka laga hadlayo meelaha ay ku dhuuntaan.

Si kastaba, Puntland iyo saaxiibadeeda caalamiga ah ayaa muujiyay in aysan fursad siin doonin kooxaha khatarta ku ah amniga gobolka, iyagoo adeegsanaya awood ciidan oo sare iyo qorsheyaal la jaanqaadaya xaqiiqda dhabta ah ee goobaha ay kooxdaasi ku dhuumanayso.

Maxkamad diiday tallaabo ay qaaday dowladda Jarmalka oo la xiriirta dad Soomaali ah

Berlin (Caasimada Online) – Maxkamad ku taalla Jarmalka ayaa Isniintii sheegtay in dowladda ay si sharci-darro ah uga celisay xadka muhaajiriin magangalyo doon ah, kadib markii saddex qof oo Soomaali ah ay isku dayeen inay dalka kaga soo galaan dhanka xuduudda Poland.

Labada nin iyo haweeneyda ayaa laga celiyay saldhigga tareennada ee magaalada Frankfurt an der Oder oo ku taalla xadka bari ee Jarmalka, iyadoo lagu saleynayo in ay kasoo galeen waddan saddexaad oo “amnigiisu la hubo,” sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay maxkamadda.

Go’aankan ayaa caqabad ku noqon kara siyaasadda adag ee socdaalka ee uu hirgelinayo ra’iisul wasaaraha Jarmalka Friedrich Merz iyo isbahaysigiisa midigta, kuwaasoo xukunka la wareegay bishii Febraayo iyaga oo ballanqaaday tallaabooyin adag oo walaac ka dhaliyay dalalka dariska la ah Jarmalka.

Sida ay werisay warbaahinta RBB, oo soo xiganeysa afhayeenka maxkamadda, tani waa kiiskii ugu horreeyay ee noociisa ah tan iyo markii Merz xukunka la wareegay.

“Sharci-darro”

“Celinta dadka codsaday magangalyada waxay ahayd mid sharci-darro ah,” ayaa lagu yiri bayaanka maxkamadda Berlin, iyadoo lagu daray in codsiyadooda ay ahayd in si rasmi ah loogu baaro Jarmalka, sida uu dhigayo xeerka Dublin ee Midowga Yurub, kaasoo qeexaya waddanka mas’uulka ka ah baaraandegga codsiyada magangalyada.

“Hase yeeshee, codsadayaashu ma lahayn xaq ay kaga gudbaan xadka si toos ahna ugu galaan Jamhuuriyadda Federaalka Jarmalka,” ayay raacisay maxkamaddu, iyadoo sheegtay in codsiyada lagu baari karo xadka ama meel u dhow.

Socdaalka ayaa ka mid ah arrimaha ugu weyn ee walaaca ka haya cod-bixiyeyaasha Jarmalka, iyadoo muran ka dhashay muhaajiriinta cusub uu sare u qaaday taageerada xisbiga midigta fog ee Alternative for Germany, kaasoo galay kaalinta labaad doorashadii guud ee Febraayo.

Tani waxay muujinaysaa isbeddel weyn marka loo eego dhaqankii “Soo-dhoweynta Qaxootiga” ee Jarmalka xilligii Angela Merkel, hoggaamiyihii hore ee midigta dhexe, intii lagu jiray dhibaatadii qaxootiga Yurub ee 2015.

Xukuumadda Merz ayaa bishii May soo saartay amar lagu diidayo muhaajiriinta aan heysan wax dukumeenti ah, oo ay ku jiraan kuwa magangalyo doonka ah, in ay dalka soo galaan.

Dhaliisha mucaaradka

Go’aanka maxkamadda ayaa si degdeg ah u soo dhoweeyay xisbiga Greens, oo haatan ku jira mucaaradka, kuwaasoo sheegay in xukunku uu xaqiijinayo aragtidooda ahayd in siyaasadda adag ee Merz ee socdaalka aysan suurtagal ahayn in la hirgeliyo.

“Tani waa guuldarro culus oo soo gaartay dowladda federaalka, waana digniin muujinaysa in loo baahan yahay in la dhowro sharciga, lagana fogaado in awoodaha dowladda loo adeegsado ujeeddooyin dad lagu kasbado,” ayay tiri xildhibaanadda xisbiga Greens, Irene Mihalic, oo la hadashay wargeyska Rheinische Post.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Alexander Dobrindt, ayaa toddobaadkii hore sheegay inuu rajeynayo in Midowga Yurub uu gaaro heshiis guud oo waddammada xubnaha ka ah u oggolaanaya in dadka magangalyo doonka ah ee la diiday balse aan lagu celin karin dalkooda hooyo, loo wareejiyo dalal amni ah oo u dhow halka ay asal ahaan kasoo jeedaan.

Karl Kopp, agaasimaha fulinta ee ururka u dooda xuquuqda muhaajiriinta ee Pro Asyl, ayaa u sheegay Rheinische Post: “Hawlgalka sharci-darrada ah ee Dobrindt ee siyaasadda magangalyada ee keli-taliska ah wuu fashilmay. Waa in lagu joojiyaa khaladkan.”

Wuxuu ku baaqay in saddexda qof ee Soomaaliyeed loo oggolaado inay dib ugu soo laabtaan Jarmalka.

Guddiga Fulinta ee Midowga Yurub ayaa bishii hore soo jeediyay qorshe oggolaanaya in waddamada xubnaha ka ah EU ay diidi karaan codsiyada magangalyada ee muhaajiriinta kasoo gudbay waddan saddexaad oo “amnigiisu la hubo.”

Qorshahaan, oo ay si adag u dhaliileen hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha, weli ma helin ansixinta dowladaha xubnaha ka ah Midowga Yurub ama baarlamanka Yurub.

Germany illegally turned back Somali migrants: Court

BERLIN, Germany – A German court said Monday that the government unlawfully turned back asylum-seeking migrants at the border, after three Somali nationals attempted to enter the country from the Polish frontier.

The two men and the woman were stopped at the train station in Frankfurt an der Oder, located on Germany’s eastern border, on the grounds that they had entered from a “safe third country,” according to a statement from the court.

The decision could pose an obstacle to the tough migration policy pursued by German Chancellor Friedrich Merz and his right-wing coalition, who came to power in February promising strict measures that have raised concerns among Germany’s neighboring countries.

According to broadcaster RBB, citing a court spokesperson, this is the first case of its kind since Merz took office.

“Unlawful” return 

“The return of the individuals who had applied for asylum was unlawful,” the Berlin court said, adding that their claims should have been formally assessed in Germany, in accordance with the European Union’s Dublin Regulation, which determines the country responsible for processing asylum applications.

“However, the applicants did not have the right to cross the border and enter the Federal Republic of Germany directly,” the court added, noting that the claims could have been processed at the border or nearby.

Migration is one of the most pressing concerns for German voters, and growing tensions over new arrivals have fueled support for the far-right Alternative for Germany (AfD) party, which came second in February’s general election.

This marks a sharp shift from Germany’s former “Refugees Welcome” stance under former centrist chancellor Angela Merkel during the 2015 European refugee crisis.

In May, the Merz government issued an order banning undocumented migrants — including asylum seekers — from entering the country.

Opposition criticism

The court’s decision was swiftly welcomed by the opposition Green Party, which said the ruling confirms their view that Merz’s strict migration policy is legally unenforceable.

“This is a serious defeat for the federal government, and a warning that the law must be upheld and that state powers should not be used for political gain,” said Green Party MP Irene Mihalic, speaking to the Rheinische Post.

Interior Minister Alexander Dobrindt said last week that he hoped the European Union would reach a broad agreement allowing member states to transfer rejected asylum seekers — who cannot be sent back to their home countries — to nearby “safe” countries.

Karl Kopp, executive director of the migrant rights organization Pro Asyl, told the Rheinische Post: “Dobrindt’s unlawful and unilateral asylum policy has failed. This mistake must be corrected.”

He called for the three Somali individuals to be allowed to return to Germany.

The European Commission last month proposed a plan that would allow EU member states to reject asylum claims from migrants who crossed through a “safe third country.”

The plan — strongly criticized by human rights organizations — has yet to receive approval from EU member states or the European Parliament.

QM oo Badbaado Qaran ugu yeertay mucaaradka, kana hadashay khilaafka

Muqdisho (Caasimada Online) – Bayaan ka soo baxay xafiiska wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, ayaa looga hadlay kulankii maanta ay Muqdisho ku yeesheen mucaaradka iyo xubnaha beesha caalamka.

Warkaan ayaa lagu sheegay in Mucaaradku yihiin madal “Badbaado Qaran ah” isla markaana shirkii maanta uu dabajoogay, shirweynihii mucaaradka ee maalmihii lasoo dhaafay lagu qabtay Hotel Jazeera.

“Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey, James Swan, wuxuu ku faraxsan yahay inuu maanta magaalada Muqdisho uga qeyb galay xubnaha Beesha Caalamka ee loo yaqaan C6+ si uu warbixin uga dhagaysto hoggaanka Madasha Badbaado Qaran ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska James Swan.

Xafiiska QM ee Muqdisho ayaa sidoo kale sheegay in kulanka maanta uu daba socday kulamadii caadiga ahaa ee xubnaha Beesha Caalamku ay la yeelanayeen bulshada rayidka ah, kooxaha mucaaradka ah, saraakiisha dawladda iyo sidoo kale Golahii Musharixiinta Madaxwaynenimo ee 2021-2022.

“Wada hadallada Madasha Badbaado Qaran ee Soomaaliyeed iyo xubnaha beesha caalamka ayaa diiradda lagu saaray taageeradooda ku aaddan wada hadal loo dhan yahay,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska James Swan.

Sidoo kale, Beesha Caalamka ayaa hoosta ka xariiqday in baahi deg deg ah loo qabo in madaxda Soomaalidu ay u midoobaan mawduucyada muhiimka ah sida ammaanka, siyaasadda iyo horumarka, sibey yiraahdeen “Soomaaliya loogu suurto galiyo inay horay u socoto looguna daneeyo dadkeeda.”

Dowladda Federaalka ayaa ka xumaatay in wakiilka Qaramada Midoobey, James Swan, uu Mucaaradka ugu yeero magaca “Badbaado Qaran” sida ay noo xaqiijiyeen ilo wareedyo xog ogaal ah.

Gelinkii dambe ee maanta, kadib markii uu soo dhamaaday shirkii mucaaradka iyo beesha caalamka, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tegay Xalane, halkaas oo xubnaha beesha caalamka uu kula shiray, inkastoo aan la shaacin hadii ay jiraan qodobo la isla meel-dhigay.

Sawirro: Fiqi oo Muqdisho ka furay shir looga hortegayo qaraxyada Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Amniga Qaranka ayaa maanta shir soconaya muddo labo maalmood ah oo looga hadlayo maareynta hubka, rasaasta iyo ka hortagga qaraxyada macmalka ah ka furay magaalada Muqdisho.

Shirkan ayaa waxaa kasoo qayb galay hay’adaha ammaanka heer federaal iyo kuwa mamulada dalka ka jira, sidoo kale shirka waxaa qayb ka ah hay’adaha caalamiga ah ee dhanka ammaanka iyo ka hortagga hubka iyo rasaasta sharci darradda ah ka taageera Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhiga XFS Axmed Macallin Fiqi, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Sarreeye Gaas Sulub Axmed Firin, La-taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macalin Maxamuud iyo masuuliyiin kale ayaa shirka ka soo qeyb galay.

Wasiirrada, Lataliyaha Amniga Qaranka iyo masuuliyiinta kale ee shirka ka hadashay ayaa tilmaamay sida ay muhiim u tahay in Dowladda Federaalka iyo mamulada dalka ay ka wada shaqeeyaan dajinta qorshaha istiraatiijiyadda sugidda amniga dalka ee 2025 oo hadda lagu jiro ilaa 2030-ka.

Sidoo kale waxay masuuliyiintu isku raaceen in la xoojiyo ka shaqaynta sidii looga hortegi lahaa hubka iyo rasaasta sharci darrada ah iyo qaraxyada la farsameeyo oo kooxaha argagixisada ah ay dadkeena ku dhibaateeyaan.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Axmed Macallin Fiqi oo faahfaahin dheer ka bixiyey muhiimadda uu dalka u leeyahay ajendaha shirkaan ayaa sheegay in “masuuliyad weyn ay dowladda ka saaran tahay fulinta iyo ilaalinta amniga dalka, taas oo ka bilaabaneysa xakameynta iyo la socodka xogta hubka qaranka iyo kan dalka soo gelaya.”

Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya hubkeeda uu wada lambareysan yahay, isagoo sheegay in dowladda Ingiriiska ay Soomaaliya ka taageertay tallaabooyin muhiim ah oo ku saabsan maamulka hubka iyo rasaasta, gaar ahaan lambareynta hubka.

La-taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macalin Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ku taallo gobolka hubku aad isaga kala goosho.

“Istaraatiijiyadda la rabo in la ansixiyo si Soomaaliya ay uga badbaado qulqulka hub iyo rasaas sharci darro ah, waxaan rabnaa inaan ku gaarno yoolkeennii ahaa xakameynta qulqulka hubka,” ayuu yiri La-taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macalin.

 

Sawirro: Fiqi oo Muqdisho ka furay shir looga hortegayo qaraxyada ay sameystaan Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Amniga Qaranka ayaa maanta shir soconaya muddo labo maalmood ah oo looga hadlayo maareynta hubka, rasaasta iyo ka hortagga qaraxyada macmalka ah ka furay magaalada Muqdisho.

Shirkan ayaa waxaa kasoo qayb galay hay’adaha ammaanka heer federaal iyo kuwa mamulada dalka ka jira, sidoo kale shirka waxaa qayb ka ah hay’adaha caalamiga ah ee dhanka ammaanka iyo ka hortagga hubka iyo rasaasta sharci darradda ah ka taageera Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhiga XFS Axmed Macallin Fiqi, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Sarreeye Gaas Sulub Axmed Firin, La-taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macalin Maxamuud iyo masuuliyiin kale ayaa shirka ka soo qeyb galay.

Wasiirrada, Lataliyaha Amniga Qaranka iyo masuuliyiinta kale ee shirka ka hadashay ayaa tilmaamay sida ay muhiim u tahay in Dowladda Federaalka iyo mamulada dalka ay ka wada shaqeeyaan dajinta qorshaha istiraatiijiyadda sugidda amniga dalka ee 2025 oo hadda lagu jiro ilaa 2030-ka.

Sidoo kale waxay masuuliyiintu isku raaceen in la xoojiyo ka shaqaynta sidii looga hortegi lahaa hubka iyo rasaasta sharci darrada ah iyo qaraxyada la farsameeyo oo kooxaha argagixisada ah ay dadkeena ku dhibaateeyaan.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Axmed Macallin Fiqi oo faahfaahin dheer ka bixiyey muhiimadda uu dalka u leeyahay ajendaha shirkaan ayaa sheegay in “masuuliyad weyn ay dowladda ka saaran tahay fulinta iyo ilaalinta amniga dalka, taas oo ka bilaabaneysa xakameynta iyo la socodka xogta hubka qaranka iyo kan dalka soo gelaya.”

Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya hubkeeda uu wada lambareysan yahay, isagoo sheegay in dowladda Ingiriiska ay Soomaaliya ka taageertay tallaabooyin muhiim ah oo ku saabsan maamulka hubka iyo rasaasta, gaar ahaan lambareynta hubka.

La-taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macalin Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ku taallo gobolka hubku aad isaga kala goosho.

“Istaraatiijiyadda la rabo in la ansixiyo si Soomaaliya ay uga badbaado qulqulka hub iyo rasaas sharci darro ah, waxaan rabnaa inaan ku gaarno yoolkeennii ahaa xakameynta qulqulka hubka,” ayuu yiri La-taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macalin.

 

Farmaajo oo Puntland iyo Jubaland u diray farriin ku saabsan gogosha Xasan

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa soo saaray war-saxaafadeed uu ku soo dhaweeyey gogosha uu iclaamiyey Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo soo gudbiyey talooyin wax ku ool ah.

Farmaajo ayaa ugu baaqay Madaxda Dowlad-goboleedyada, gaar ahaan Puntland iyo Jubbaland oo tabasho uga maqnaa Madashii Wadatashiga Qaranka inay gogosha yimaadaan, si loo gaaro wadatashi miro dhal ah.

Sidoo kale Farmaajo ayaa farriin u diray Xasan Sheekh, isagoo kula taliyey inuu ka laabto tallaabooyinka halka dhinac ah ee khilaafku ka taagan yahay.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka Farmaajo oo dhameystiran:

Waxaan soo dhaweynayaa muddaynta gogosha uu fidiyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ku saabsan in wadatashi Qaran laga yeesho arrimaha masiiriga ah ee dalka, kuwaas oo ay ugu horreeyaan doorashada, amniga iyo Dastuurka.

Si gogoshan ay miro dhal u noqoto, waxaan adkaynayaa baaqyada ku aaddan in si dhammaystiran ay uga soo qeyb-galaan Madaxda Dowlad-goboleedyada, gaar ahaan Puntland iyo Jubbaland oo tabasho uga maqnaa Madashii Wadatashiga Qaranka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa laga sugayaa in uu ka laabto tallaabooyinka halka dhinac ee khilaafku ka taagan yahay, kuwaas oo ay ka mid yihiin laalidda dastuurka lagu doortay, ka shaqeynta shuruuc iyo guddiyo doorasho oo aan loo dhammayn iyo burburinta Madasha Wadatashiga Qaran, arrinkaas oo caqabad ku noqonaya dowlad-dhiska iyo wadashaqeynta heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed.

Dhammaad

Xog: Mucaaradka DF iyo beesha caalamka oo dood adag ku yeeshay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ku mideysan Madasha Samata-bixinta Soomaaliyeed ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay wakiillada Beesha Caalamka ee jooga magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo sida ay mucaaradku u arkaan habka ay dowladda Federaalka wax u wado.

Kulanka ayaa si weyn uga duwanaa kulamadii hore, sida laga soo xigtay ilo xog ogaal ah. Diblomaasiyiinta caalamiga ah ayaa la sheegay inay muujiyeen xiise gaar ah iyo su’aalo badan oo ay ka qabeen mowqifyada mucaaradka, waxaana halkaasi ka dhacday dood adag.

Intii uu kulanka socday, diblomaasiyiinta ayaa hoggaamiyeyaasha mucaaradka ku baraarujiyay in aysan arkin farqi weyn oo u dhexeeya mucaaradnimadii lagu diidanaa xukuumaddii hore ee Madaxweyne Farmaajo iyo tan hadda lagu wajahan yahay dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh. Waxay tusaale u soo qaateen in xubno horey uga tirsanaa dowladdii hore ay hadda yihiin kuwa ugu cadcad mucaaradka maanta.

Diblomaasiyiinta ayaa sidoo kale ku dooday in dowladda Federaalka ee talada haysa ay haysato sharciyad buuxda, islamarkaana go’aamada ay gaartay ay yihiin kuwa ay ansixiyeen Baarlamaanka iyo hay’adaha dastuuriga ah ee u xilsaaran fulinta howlahaas.

Dhankooda, siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa ka jawaabay su’aalaha iyo tuhunka laga muujiyay mowqifyadooda. Waxay soo bandhigeen doodo sharciyeed oo ay ku difaacayaan sababta ay u arkaan in go’aamada dowladda qaarkood ay ka hor imaanayaan hannaanka saxda ah ee dowladnimo.

Mucaaradku waxa ay si gaar ah farta ugu fiiqeen qaladaadka ay ku sheegayaan in lagu sameeyay habraacyada sharciyeed ee lagu ansixiyay wax-ka-beddelka dastuurka iyo go’aamo kale oo ay si cad uga soo horjeesteen. Waxay sheegeen in arrimahaas ay yihiin kuwa dhaawacaya nidaamka dimoqraadiyadeed ee dalka.

Kulanka ayaa noqday mid ay labada dhinac si furan isku waydaarsadeen aragtiyaha kala duwan. Si kastaba ha ahaatee, doodda furan waxay tilmaamaysaa in Beesha Caalamka ay dooneyso in ay faham buuxa ka hesho muranka siyaasadeed ee taagan.

Ugu dambeyn, wakiillada Beesha Caalamka ayaa muujiyay in mudnaanta ugu weyn ay weli siineyso in la gaaro wada-tashi qaran oo lagu mideynayo awoodaha kala duwan ee siyaasadeed ee dalka, si loo helo iskaashi guud oo wax looga qabto caqabadaha, gaar ahaan dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada.

Xogta shir xasaasi ah oo maanta ka dhacay wasaaradda amniga gudaha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shir muhiim ah ayaa maanta ka dhacay Wasaaradda Amniga Gudaha ee magaalada Muqdisho.

Shirkan ayaa falanqeeyay xaaladda amniga dalka iyo horumarinta iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha caalamiga ah ee taageera.

Shirka waxaa shir-guddoominayey Wasiir Dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha, Mudane Maxamed Cali Xagaa, waxaana ka soo qeyb-galay masuuliyiin sare oo ka tirsan hay’adaha amniga dowladda iyo wakiillo ka socday hay’adda United Nations Transition Mission in Somalia (UNTMIS).

Qodobbada shirka diiradda lagu saaray oo muhiim ahaa ayaa waxaa ka mid ahaa:

1. Xoojinta wada-shaqeynta ka dhaxaysa Wasaaradda Amniga iyo UNTMIS.

2. Dardar-gelinta qorshaha kala guurka amni ee Soomaaliya.

3. Horumarinta hannaan wadajir ah oo lagu daba-galo horumarka amniga.

Ugu dambeyntiina, Wasiir Xagaa ayaa uga mahad-celiyay UNTMIS iyo saaxiibada caalamiga ah taageeradooda joogtada ah.

Sidoo kale wuxuu carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo xiriirka iyo isfahamka dhanka amniga si loo gaaro xasillooni siyaasadeed iyo amni waara.

Si kastaba, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa haatan dadaal badan ku bixineysa qorshaha xaqiijinta amniga dalka, xilli uu meel wanaagsan marayo amniga magaalada Muqdisho, oo ah caasimadda dalka.