25.7 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Fiqi oo hadalkii Farmaajo ka bixiyey jawaab “Kaftan lasoo google gareeyey”

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa jawaabay hadalkii Kaftanka ahaa ee xalay uu xildhibaanada u jeediyay madaxeyne Farmaajo.

Qoraalka Xildhibaan Fiqi ayaa u qornaa sidan:-KAFTAN LA SOO GOOGLE GAREEYEY.

Xalay ma tagin cashadii xildhibaanada loo sameeyey, waayo waxaa ii muuqatay in aanan xikmad badan ka soo kororsanayn hadalada dharag dhacsiga ah ee mar walba ka soo bixi kara mas’uuliyiinta aan siyaasad ahaanta u bisleyn ee dawladnimadaba u heysta faan iyo faduul.

Hadalkii madaxweyne Farmaajo uu sidii qur’aankii uga baxey ee uu ku sheegay kaftanka, ma ahayn kaftan ee wuxuu ahaa mid uu u gefey: guddoomiyaha golaha shacabka, kana been-sheegay xildhibaanadii mooshinka ka keenay, asagoo uu marmarsiyoonaya in uu caayo dawladdii xukunka uga horeysay.

Guddoomiye Mursal oo ahaa ninkiii: biyaha, korantada iyo raashinka markii laga goostey ka qaxay Madaxtooyada illaa iyo haddana ka Maqan ma aheyn in uu raalli ka noqdo in Farmaajo uu ka dhigto jaranjaro uu dad uu caayayo u sii maro, waxeyna aheyd in uu ka bixiyo jawaabta ku haboon, laakin inuu hadaladaas cantara-baqashka ah u camiro lagama fileyn!

Madaxweynuhu haddii uu geesi yahay waxey aheyd mudadii bisha ku dhoweyd ee mooshinkaasi ka yaalley ee uu ku mashquulsanaa koronto iyo biyo jarowga, albaabo qufulowga iyo ciidamo wax ku aragagixinta in uu hadlo, laakin hadaladaan ka daba-tuurka ah waa kuwo waqtigoodii dhacey.

Tan kale, haddii mudane Farmaajo uu ku eedeeyey koox qabyo la yiraahdo in ay mooshinka ka danbeeyeen, uuna inkiray in xildhibaanno boqol ku dhow ay mooshin ka keeneen, waxaan iyana u malaynayaa inuu hadalka u duur-xulayey raysulwasaare Xasan Cali Kheyre oo ahaa ninka labaad ee Qabyo ugu tunka weynaa oo meesha fadhiyey, oo asna qosolka ku kaalmeynayey markii la caayayey.

Marka madxaweynuhu hadalkiisii u ekaa mid la soo google-gareeyey, wuxuu ahaa mid gogoshii cashada dadkii isugu yimid, xildhibaanadii, guddoomiyihii iyo raysulwasaarihiiba wada jaa’ifeeyey, waxaana muuqata in mudane Farmaajo khudbooyinkiisii u danbeeyey ay ahaayeen kuwo diiraddu ka maqan tahay, dadka dhageysta oo jeclaa in hogaamiyaha dalkooda uu sidaan ka xikmad badnaanaadana waxey ku reebeen quus iyo niyad-jab, laakin waxaan hubaa in maalmuhu is-gurayaan, villa Soomaaliyana ay baahi u qabto hogaamiye xikmad iyo xilkas ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Farmaajo: Kooxda qabyo ayaa keentay mooshinka qabyo buuna ahaa + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa muddo kadib wuxuu ka hadlay sheeko dhexmartay isaga iyo guddoomiyaha baarlamaanka markii laga keenay mooshinkii isaga ka dhanka ahaa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa hadalkiisa wuxuu u muuqday weerar uu ku qaadayay xildhibaanada Mucaaradka ee taageersanaa dowladii ka horeysay iyo madaxweyne Xasan Sheikh.

Wuxuu sheegay markii mooshinka laga keenay inuu la xiriiray guddoomiyaha baarlamaanka oo xiligaasi gacanta ku dhigay mooshinka, isaga oo sheegay inuu weydiiyay cidda Mooshinka keentay.

Wuxuu sheegay inuu ogaaday in kooxdii Qabyo ay keeneen mooshinka, isaga oo weydiiyay Guddoomiye Mursal inuu wax badan ka eego warqadaha mooshinka maadaama ay keeneen xildhibaanada mucaaradka ee taageersan Xasan Sheikh.

“Markii mooshinka la keenay waxaan la xiriiray guddoomiye Mursal, waxaan weydiiyay mooshinka muxuu yahay, yaase keenay, wuxuu ii sheegay in Kooxda Qabyo ay keentay, waxaan ku iri naga fiiri hee armuu qabyo yahay”.

Hoos ka daawo Muuqaalka

 

Lacagihii musharraxaiinta madaxweynaha Puntland oo wax weyn soo kordhiyey

0

Garoowe(Caasimada Online) – Suuqyada magaalooyinka Puntland ayaa si weyn looga dareemayaa isbadal xooggan oo ku yimid sarifka lacagaha dollarka oo hoos u dhac uu ku yimid tan iyo markii ay qabsoontay doorashadii madaxweyne ee Puntland.

Arrintaan ayaa loo aaneynayaa masuqa doorashadii Puntland ee adeegsiga lacagaha faraha badan, waxaana hadda sarifka halkii dollar uu suuqyada ka marayaa 30,000 Sh. So, halkii dollar markii hore uu ka ahaa 35,000 Sh. So.

Sababta ugu weyn ee hoos u dhaca dollarka ayaa lagu sheegay in maalmihii u danbeeyay suuqa lasoo geliyay lacago dollar fara badan oo ka timid doorashadii madaxweynaha Puntland oo loo adeegsaday xildhibaanada cododkooda.

Ganacsatada sarifka ayaa qiyaasay in lacag dhan 20 milyan oo dollar lasoo geliyay suuqa tan iyo maalintii ay qabsoontay doorashada madaxtinimada Puntland.

Arrintaan ayaa si weyn waxaa usoo dhoweeyay dadka xoogsatada ah iyo kuwa danyarta ah ee ku nool maalin helka, waxaana meesha ka baxay sicir bararka sarifka lacagaha oo dhibaato ay ku qabeen.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

Xog: Maleeshiyadii Cumar Maxamuud oo kasoo baxay aagga dagaalka Somaliland

Garoowe (Caasimada Online) – Ilo lagu kalsoon yahay ayaa ku warramaya in askarta kasoo jeeda beesha Cumar Maxamuud (Majeerteen) ka soo bexeen jiidaha dagaalka ee God-qaboobe.

Maleeshiyada Cumar Maxamuud ayaa qeyb ka ahaa ciidamada Puntland ee qaabka maleeshiyo beeleed ahaanta ugu kala jira aagagga dagaalka ee ay uga soo horjeedaan ciidamada Somaliland.

Sida wararku sheegayaan maleeshiyada Cumar Maxamuud ayaa qeyb raacday markii uu Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Cali Gaas aaday gobolka Mudug maalmo kahor doorashadii maamulkaas isaga oo booqanayey Hooyadiis.

Maleeshiyadii raacday Gaas ee beeshiisa ahayd ayaan dib ugu soo laaban aaggii ay jiidda kaga jireen waxa ayna sababtay in ay ka daba tagaan intii kale ee beeshaas (Cumar Maxamuud) dagaalka uga jiray.

Kaliya maleeshiyada Cumar Maxamuud dagaalka kama bixin balse waxa ay sii qaateen dhammaan tiknikadii meesha ka yaalay oo lagu sheegay ilaa iyo 15 3F , laba qoriga suugga ah iyo hal Kaare.

Arrintan ayaa la sheegay in ay sabab u tahay guuldaraddii Cabdiweli Gaas ka soo gaartay doorashadii Puntland ee lagu doortay Siciid Cabdullahi Deni.

Puntland tan iyo markii uu Cabdullahi Yusuf (AUN) aaday Koonfur, xilligaas oo uu hore u sii kaceystay ciidamadii daraawiishta ee Puntland, maamulka ma yeelan ciidamo dambe oo tiro iyo tayo leh.

Ciidamadii intii hartay waxa ay kala jiraan buuraha Galgala iyo Koonfurta Gaalkacyo. Taas waxa ay keentay in ciidamada laga horgeeyo Somaliland ay noqdaan maleeshiyo beeleedyo qaab qabiil lagu soo uruuriyey oo u kala fadhiya sida magacyadooda kala yihiin.

Waxaad maqleysaa – Aagga/jiidda Cali Saleebaan, Jiidda Warsangeli, Jiidda Dhulbahante, Jiidda Reer Bicidyahan iyo Jiidda Ugaar Saleebaan.

Dhinaca kale, walow ay tiro ahaan ka yar yihiin maleeshiyo beeleedka Puntland, hadana ciidamada Somaliland ee Tukaraq xoogga ku qabsaday sanad kahor waa kuwo qaab Militari leh oo ay u dhammeytiran yihiin dhammaan agabkii ciidan.

Sidoo kale waxaa xoojinaya Somaliland waxaa la socda ciidamo Dhulbahante ah oo hoos taga General Mahad Cambaashe, sida ay xogo hoose sheegayaan, tirada ciidamada Dhulbahante ee Somaliland xagooda ka soo jeeda waxa ay saddex jibaar ka badan yihiin kuwa ka soo jeeda dhinaca Puntland.

General Mahad Cambaashe waxaa la socda maleeshiyo beleedyo isugu jira dhammaan qeybaha kala duwan ee Dhulbahante.

Wali wax xal ah lagama gaarin collaada Somaliland iyo maamul gobolleedka Puntland iyada oo uu dhawaan hadal hanjabaad u muuqday uu Madaxweynaha cusub ee Puntland saxaafadda u mariyey Somaliland oo iyaguna jawaab ka bixiyey.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

 

Sawirro: Dahab laga helay buuraha gobolka Sanaag

Ceerigaabo (Caasimada Online) – Shirkado dadka deegaanka ay leeyihiin ayaa Dahab kasoo saaray buuraha gobolka Sanaag, waxaana muuqata in dahab badan uu ku jiro buuraha qaar, kadib sahan la sameeyay.

Wararka aan ka heleyno buuraha Cirshiida Dhicir iyo Buurta Ceel Dibir, ayaa sheegaya in shirkado ay leeyihiin dad Soomaaliyeed ay ka heleen halkaasi dahab looca loo yaqaan NEGED.

Shirkadaha Soomaalida ay leeyihiin ayaa halkaasi geeyay qalab kala duwan iyaga oo doonaya inay ka faa’ideystaan soo saarista dahabka, waxaana ay sheegeen inay wadaan baaritaano dheeri ah.

Masuuliyiinta shirkadaha ayaa sheegay in haddii ay ku guuleystaan baaritaanka dahabka islamarkaana ay u iib geeyaan caalamka, inay mashaariic horumarineed ka fulin doonaan Deegaanka.

Waxay sheegeen in dhaqaalaha ka yimaada dahabka ay ku celin doonaan deegaanada laga helay, iyaga oo ka taageeraya dhanka caafimaadka waxbarashada iyo horumarinta deegaanka.

Wasiir Aw Xirsi oo shaaca ka qaaday sababta Beyle uu u xanibay Twitter-kiisa

Kismaayo (Caasimada Online) – Wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee dowlad goboleedka Jubbaland  Aadan Ibraahim Aw Xirsi ayaa ka warammay dhacdo ugub ku ah baraha bulshada gaar ahaan Twitter-ka kadib markii wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Beyle uu block saaray ama iska xannibay xiriirka mas’uul ka tirsan mid ka mid ah dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka ah.

Aadan Aw Xirsi ayaa dhacdadaasi kadib waxaa uu bartiisa Twitterka ku soo qoray ”  Waa wasiir maaliyadeed noocee ah midka muwaadin u xanibaya faallo yar uu bixiyey?”

Aw Xirsi, oo ka hadlaya sababta ayaa yiri ” Aniga su’aal ayaan weydiiyey, ka muwaadin ahaan inuu iiga jawaabo ayey aheyd ee inuu block i saaro, waxaa ay muujineysaa dulqaad la’aantiisa”, isaga oo intaasi raaciyey “Sax ilama ahan in su’aal block loogu jawaabo, muwaadinka  in loo jawaabo xaq ayuu u leeyahay”.

Wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee dowlad goboleedka Jubbaland  Aadan Ibraahim Aw Xirsi ayaan sidoo kale weydiiney su’aasha uu wasiirka maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Beyle ka carooday, keentana in uu block saaro ama xannibo xiriirkooda barta Twitterka?

“Su’aashu waxaa ay aheyd, Laaluush miyaa ku jira qoondooyinka miisaaniyadda dowladda?” Maxaa ula jeeday hadalkaas markii aan dhahnay waxaa uu yiri “Laaluush in la bixiyo oo ay dowladda federalk ah bixiso waa muuqaa, ee su’aasheyda waa: Laaluushku ma wax qoondada miisaaniyadda ugu jiraa dowladda federaalka ah mise meel kale ayaa laga helaa?”.

Dhinaca kale, waxaan isku daynay xiriir la sameysay wasiirka maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Beyle, laakin nooma suurogelin.

Waxaa istaagsan xiriirka dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada.  Shir ka dhacay Kismaayo September 8, 2018, golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa xiriirka u jaray dowladda federaalka ah, inkasta oo xilligaasi kadib ay isbadal ka dhaceen labo maamul hadana ma jirto wax isu soo dhowaanshiyo ah.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected] 

Dhageyso: Hadalkii Mursal ee xalay oo su’aal dhaliyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa ka hadlay howlaha u yaala baarlamaanka iyo waxyaabaha ay qaban doonaan kalfadhiga Shanaad ee soo socdo.

Guddoomiye Mursal ayaa sheegay in kalfadhiga soo socda ay xooga saari doonaan sharciga doorashooyinka dalka iyo dastuurka dalka oo qabyo ah, isaga oo sheegay inay u diyaarin doonaan sidii afti loogu qaadi lahaa.

Dhinaca guddoomiyaha baarlamaanka ayaa ka dhawaajiyay hadal rajo weyn gelinaya xukuumadda Soomaaliya, wuxuuna sheegay in baarlamaanka marnaba uusan dumin doonin xukuumadda Soomaaliya.

Gudoomiyaha waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in dadka Soomaaliyeed ay Ogaadaan in Golaha Shacabka ay yihiin Hay’ad Sharci dejin ah oo loogu tala galay in ay la xisaabtanto Xukuumadda Soomaaliya, balse aan loo dhisin inay xukuumadda dumiyaan.

“Waxaan rabaa inaan idiin cadeeyo marar badan waxaan ku celcelinay in hay’addan baarlamaanka u dhisan tahay inay wax dhisto ee uma dhisno inay wax dumiyaan, wuxuu u dhisan yahay inuu lala xisaabtamo Hay’adda Fulinta ee uma diyaarsana in hay’adda fulinta uu dumiyo”ayuu yiri guddoomiye Mursal.

Mursal ayaa xusay in Xukuumadda Soomaaliya looga fadhiyo soo gudbinta sharciga doorashooyinka Qaranka iyo in Afti dadweyne loo qaado dastuurka ka hor inta aan la gaarin doorasho qof iyo cod ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Labo arrin oo laga bartay ansixintii xildhibaanada BF ay shalay sameeyeen

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa cod gacan taag ah ku ansixiyay wax ka badalka xeerarka Bangiga Dhexe iyo Hanti dhowrka Qaranka, kuwaasi oo maalmihii ugu dambeeyay aad loo hadal hayay.

Kulankii Shalay ay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa laga bartay labo arin oo kala ahaa awoodaha ay kala leeyihiin xildhibaanada mucaaradka ah iyo kuwa muxaafadka ah.

Waxaa muuqata wali awooda xildhibaanada muxaafadka ah ee taageersan xukuumadda ku dhex leeyihiin baarlamaanka, maadaama shalay arinta Bangiga dhexe oo xasaasi aheyd ay xildhibaano badan meel mariyeen.

Arinta labaad ee laga bartay kulankii shalay ayaa ah in xildhibaanada mucaaradka ah aysan awood badan ku laheyn kulamada baarlamaanka, maadaama shalay tiro aan dhameyn 20 xildhibaan ay ka hor yimaadeen ansixinta xeerka Bangiga dhexe.

Waxaa la isweydiinayaa tirada xldhibaanada mucaaradka ah oo lagu sheego inay gaarayaan 70 ilaa 90 xildhibaan, halkey shalay aadeen, ma tirada ayaa been abuur ah, mase xildhibaanada ayaa iyaga oo mucaaradka ah xaadiri waayay baarlamaanka oo guryahooda natiijada ku sugayay.

Dad badan oo falanqeeya siyaasadda ayaa sheegaya in muxaafadka uu hadda ka badan yahay mucaaradka, taasina ay ugu wacan tahay xildhibaano badan oo xukuumadda ku jiro iyo kuwo xukuumadda ay soo dhaweysatay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Maamulka maaliyadda DF Somalia: Halis soo socota

Soomaaliya waxay ka mid tahay wadamada ugu wasiirada badan adduunka…wasaarad kasta waxaa u shaqataga seddax wasiir oo badankooda aan aqoon buuxda u lahayn howsha ay u xilsaaran yihiin ama laga rabo inay fuliyaan. Ma jiraan waxa lagu magacaabo JOB DESCRIPTION howl tilmaame qeexaya oo lagula xisaabtami karo wasiirki fuli waaya howsha loo xilsaaray. Tirada Wasiirada waa 26X3=78 !!!

Waxaa la hubiyay in dalka ay ka shaqeeyaan LABA WASAARAD oo kala ah R/Wasaaraha iyo Maaliyadda oo shaqadeeda lagu soo koobay aruurinta ccanshuuraha laga qaado Gobolka Banaadir oo kaliya. Wasaaradaha Inta soo hartana waa Wasiiro maqaar saar ah oo u jooga meesha inay heystaan booska jufadooda loo qoondeeyay, wax shaqo ahna loogama baahna waxa laga sugaa waa inay daacad ahaadaan oo kaliya.

Iyadoo meeshaas mareysa ayaa haddana la magacaabay Guddi Maaliyad oo xoogaa faallooyin ah laga qoray oo weliba ku saleysan aragti aqooneed oo ay soo gudbiyeen dad khubaraa oo ku xeel-dheer dhaqaalaha. Ma la heli doonaa dowlad dhegeysata ama akhrisa waxa laga qoro si ay uga faaiido talooyinka loo soo gudbiyo, mase waxay ku taagan tahyay inay dowladdu sax tahay, dadka kalena ay khaldan yihiin.

Guddigaan la magacaabay xagguu uga jiraa dhismaha “structureka” xukuumada..dad aan aqoon buuxda u lahayn howsha laga sugaayo maxay guddi ka qaban karaan, mase waa lug-gooyo loogu tala galay inaan waxba kala socon ee laysku qafilnaado?

GUDDOOMIYAHA BANKIGA DHEXE

Waxaa soo baxday in loo magacaabo ruux ajnabi ah oon dalka u dhalan. Haddaba su’aasha la isweydiinayo waxay tahay qof dalkaan u dhashay ma la waayay, mase kuwa talada dalka ugu sareeya laftooda ayaa ajnabi isu heysta, taasoo micnaheedu yahay qof ajnabi ah aysan joogin dalka, xuquuqdana loo wada siman yahay cid cid kale ka xigtana aysan jirin. Laga yaabee inay tahay fikradda ay qabaan madaxda dalka ugu sareysa oo isu aragta NUS WADANI NUS AJNABI

Ma laga yaabaa mustaqbalka in Madaxweyne loo doorto qof dal kale u dhashay oo asalkiisu ka duwan yahay kan Somalida? Sidey arrimuhu u socdaan wax kasta ka filo nimanka talada haaya!!!

MUCAARID IYO MUXAAFID MAXAA SOO RAACA

Nasiib darrada na heysata waxaa ugu weyn in aysan Farmaajo iyo Kheyre ay ka hoos baxday inay jiraan qeyb seddaxaad oo soo raacda  mucaaradka iyo muxaafidka…waxay u arkaan in cid kasta oo ka hadasha howlaha dowladda ay mucaarad tahay iyadoo muxaafidku uusan ka hadlin sida ay u wax u jirtaan, balse ay yihiin dad u hogaansan wax alla wixi ka soo baxa labadan ruux sax iyo khalad waxay doonaan ha ahaadeen.

Haddaba, waxaa jirta qayb seddaxaad oo lagu magacaabi karo KORJOOGTO (observers) oo arrimaha u arka si ka duwan aragtida qaybaha kale ama meesha ay wax ka fiirshaan. Qofka khaladkaaga arka kuuna shega kuma necba. Cilmiyan dadku isku si wax uma wada arkaan oo qofbaa wuxuu arkaa wax dadka intiisa kale aan u muuqan, waana dadka lagu magacaabo MOWHUUB  oo caqliyad iyo aragti ka duwan kana xeeldheer dadka intiisa kale ay u muuqdaan. Dadka noocaas ah aad iyo aad ayaa loo raadiyaa oo laga faaiideystaa si ay mujtamaca wax ugu kordhiyaan.

Tallaabooyinka ay qaadaayaan Farmaajo iyo Kheyre waa kuwa horseedi doona burbur iyo barakac ka weyn kana dhibaato badan kii na soo maray ee sagaashamediyadii , waxaana muuqata inaysan dan ka lahayn dhibaatada ka dhalan karta tallaabooyinka ay u qadayaan dhinaca dhibaato abuurka iyo islaweynida ay caadeysteen.  Waryaa la taliya ee wax u shega intey goori goor tahayAllow naga soo gaar..AAMIIN.

W/Q: Axmad Calasow

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Xarun ay laheyd shirkadda Hormuud oo la gubay iyo faahfaahin laga helay

Dhoobley (Caasimada Online)- Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Kenya ayaa xalay gubay xarun ay laheyd Shirkadda Isgaarsiinta ee Hormuud.

Ciidamadan oo watay Gaadiid gaashaaman ayaa waxa ay kasoo tallaabeen xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya, waxa ayna qaraxyo loo adeegsaday Miinooyin ku burburiyeen xaruntii Shirkadda Hormuud ee Tuulada Calibuley oo 30KM dhanka waqooyi uga beegan Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubada Hoose.

Ciidanka ayaa jirdilay qof ka mid ah shaqaalaha shirkadda oo ku sugnaa xarunta & sidoo kale 2 qof oo dadka deegaanka ah.

Waxaa weli hawada ka maqan Isgaarsiinta Deegaannada Calibuley, Diif, Dhuyacgaroon & Girey oo ka kala tirsan Gobollada Jubada-Hoose & Gedo, kuwaas oo Link-ga ka qaadan jiray Xarunta la Gubey ee Calibuley, xarumahaan ayaa Shacabka halkaas ku nool siin jiray adeegyo kala duwan oo isugu jiray Isgaarsiin iyo adeegga EVC oo muhiim u ah nolosha dadka halkaas ku nool.

Ciidanka Kenya ayaa sidaan oo kale u burburiyey xarunta Calibuley Bishii August ee sanadkii lasoo dhaafay, iyadoo tani ay noqoneyso markii labaaad oo geystaan Falkaan Burburinta ah, waxay Ciidankani horay u burburiyeen Xarumo ay laheyd shirkadda Hormuud Telecom oo ay kamid ahaayeen Ceelbaande, Dhamase, Khadiijo Xaaji , Dhegalaab iyo Dhuuntow oo ku wada tirsan Gobollada Jubada-Hoose & Gedo, waxayna xaruntaan hadda la gubay noqoneysaa middii 7aad oo ay ciidamada Kenya si bareer ah u gubaan.

Ilaa hadda si rasmi ah looma oga sababta keentay inay Ciidamada Kenya ugaarsadaan xarumaha Shirkadda Hormuud oo ay saami ku leeyihiin dad Soomaaliyeed oo aad u badan, waxaase dadka falanqeeya arrimaha geeska Africa ay sheegayaan in Kenya dooneyso in ay dhulka ku teedsan xudduudda labada waddan ka dhigto Lama degaan.

Caasimada Online
Xafiiska-Muqdisho
[email protected]

Xisbi siyaasadeed ka duwan xisbiyada kale oo si weyn looga dareemayo Xamar

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga cusub caddaaladda iyo horumarka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Jen. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa si weyn looga dareemayaa dhaqdhaqaaqiisa magaalada Muqdisho.

Xisbigaan oo ka mid ah xisbiyada siyaasadeed ee dalka ka jira ayaa xarumo ay ka howlgalaan dadka xubnaha ka ah ka hirgeliyay degmooyinka gobolka Banaadir, wuxuuna qorsheynayaa in gobolada dalka usii gudbo maalmaha soo socda sida caasimada online u xaqiijiyeen dad ka madax banaan xisbigaan.

Caasimada ayaa xaqiijisay in xisbiga caddaalada iyo horumarka Somalia u muuqdo mid far dheeraan doono xisbiyada kale ee mucaaradka, kuwaasi oo dhaliilo iyo eedeyn u jeediyo dowladda Somalia.

Xisbigaan ayaa wuxuu lasoo shir tegay siyaasiyiin magac ku dhex leh bulshada Soomaaliyeed oo xilal kala duwan kasoo qabtay dowladdihii dalka soo maray.

Hoggaamiyaha xisbiga caddaalada iyo horumarka Soomaaliya, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa bulshada gobolka Banaadir iyo guud ahaan Soomaalida waxay ku xasuustaan xilligii uu ahaa guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida, taasoo ku guuleysatay ka hortagga dilalka shacabka kala kullmi jireen askarta dowladda,, burcad dhac u geysan jirtay shacaba iyo falalka amni daro, waxayna dadka Muqdisho ay gaareen heer kooxaha amni darada geysta ay ku cabsiiyaan magic Muungaab.

Dhanka kale, Hoggaaminaya xisbiga cusub ee Cadaaladda iyo Horumarka Xasan Muungaab ayaa soo noqday Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho intii u dhexeysey bishii February 2014 ilaa October 2015.. Waxaa uu sidoo kale soo noqday guddoomiyaha Maxkamadda Ciidammada Qalabka Sida intii u dhexeysey August, 2010 ilaa bishii February 2014, isagoo sidoo kale isla maxkamaddaasi ka soo noqday garsoore.

Waxa kaloo lagu xusuustaa xilligii uu ahaa guddoomiyaha Gobolka Banaadir hirgelinta banaamijkii cadaaladeed ee hanti isu celinta, iyo abuurista Barnaamijkii  horumarimeed ee ‘Dalkaada dhiso.

Cali Muxiyaddiin
Caasimada Online
[email protected]

Xukuumad ceynkee ah baa laga filayaa Saciid Deni?

0

Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa calaamad su’aal saaran isbadalka xukuumadda Puntland ay yeelan doonto, iyadoo shacabka Puntland ay isweydiinayaan xukuumad ceynkee ah ayaa laga filan karaa madaxweynaha cusub ee doorashada ku yimid.

Madaxweynaha bilka baneeyay C/weli Cali Gaas ayaa maalmaya soo socda la filayaa inuu si rasmi ah xafiiska ugu wareejiyo madaxweynaha cusub Saciid C/llaahi Deni oo guda galay la-tashiyo ku aadan qaab dhismeedka xukuumadda cusub ee uu soo dhisi doono maalmaha soo socda.

Dadka ayaa rajo ka qaba in madaxweynaha cusub uu ka duwanaan doono madaxweynihii hore, waxayna qabaan inuu soo dhisi doono xukuumad ka duwan tii hore, kana tayo wanaagsan, waxayna aaminsan yihiin badankood in madaxweynaha cusub uu meesha ka saari doono wasaarado magac u yaal ah oo dhaqaale macno daro awal ku bixi jiray.

Madaxweynaha cusub ayaa mar uu sharxayay qaab dhismeedka xukuumadda laga filanaayo ayaa sheegay inuu soo dhiso doono xukuumad tayo leh, si taxadir lehna uu dhinacyo badan ugu fiiriyay.

Wuxuu sheegay inuu soo dhisi doono xukuumad tayo leh oo saldhig u ah aqoon iyo dhalinyaro, haweenkana aysan ka marnaan doonin.

Saciid C/llaahi Deni ayaa wada kulamo uu la qaadanaayo waxgaradka beelaha, siyaasiyiinta, aqoonyahanada iyo qeybaha bulshada si muran iyo isqabqabsi ugu imaan xukuumadda uu soo dhisi doono.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

Sawirro iyo faah-faahin: Weerarka qaraxyada ku billowday ee ka socda Nairobi

0

Nairobi (Caasimada Online) – Qaraxyo aad u xooggan ayaa ka dhacay hotelka Dusit Hotel ee ku yaal magaalada Nairobi, waxaana lasoo warinayaa in qaraxa kadib la maqlay rasaas culus.

Qaraxa ayaa ka dhacay goob maqaayad ah oo isla hotel-ka Dusit Hotel ah, waxaana cirka isku shareeray uuro iyo holoc ka baxaya halka qaraxu ka dhacay.

Waxaa sidoo kale la maqlayaa rasaas culus oo dhaceysa. Wararka ayaa sheegaya in rasaasta laga maqlayo xaafadda Westland oo idil.

“Qarax ayaa billowday, kadibna waxaa xigay rasaas xooggan. Rasaasta ayaa hadda socota 15 daqiiqo” waxaa sidaas yiri qof ku sugan dhismaha rasaasta laga maqlayo.

Ciidamo fara badan ayaa gaaray goobta qaraxa ka dhacay, mana cadda ilaa hadda khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.

Sawiro laga soo qaaday goobta ayaa muujinaaya baaxada qaraxa uu la eg yahay iyo khasaaraha uu geystay, iyadoo xaalada tahay mid kacsan.

 

DEG DEG: Qarax xooggan oo ka dhacay Nairobi iyo weerar rasaas ah oo socda

Nairobi (Caasimada Online) – Qarax xooggan ayaa goor dhow laga maqlay xaafadda Westland ee magaalada Nairobi ee caasimadda dalka kenya.

Waxaa sidoo kale la maqlayaa rasaas culus oo dhaceysa. Wararka ayaa sheegaya in rasaasta laga maqlayo xaafadda Westland oo idil.

Goobta qaraxa iyo rasaasta ka socota ayaa waxaa ku yaalla Hotel-ka Dusit, waxaana sidoo kale degan waaxda dakhli ururinta Kenya.

“Qarax ayaa billowday, kadibna waxaa xigay rasaas xooggan. Rasaasta ayaa hadda socota 15 daqiiqo” waxaa sidaas yiri qof ku sugan dhismaha rasaasta laga maqlayo.

Booliiska magaalada Nairobi ayaa la sheegay in iminka ay goobta ku carareen.

Naga filo faah-faahin dhowaan Insha Allah.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

 

 

Deni oo war ka soo saaray lacagtii shilin Soomaaliga ee Puntland ay daabici jirtay

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta markii uu la wareegay xilka madaxweynaha Puntland kadib wuxuu soo saaray qoraal uu ku mamnuucayo daabacaada lacagta Shilling Soomaaliga.

Qoraalka kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Puntland ayaa lagu sheegay inaan Puntland gabi ahaanba lagu daabici karin lacag  Shilin Somali ah.

Wasaarada Maaliyadda iyo taliska ciidamada booliska Puntland ayaa lagu wargeliyay inay dhaqan geliyaan ka hor taga daabacaada lacagta Shilin Soomaaliga.

QARAX ka dhacay dibedda maqaayadda The Village

Muqdisho (Caasimada Online) –  Faah-faahin dheeri ah ayaa kasoo baxaysa qarax xooggan oo  ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in qarax uua ka dhacay Afaafka hore ee mqaaxida The Village, iyadoo jugta qaraxa laga maqlay qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ka dhashay gaari yar oo Nooca Raaxada ah kaasoo horyaala maqaaxida. Wararka ayaa sheegaya in laba qof ay ku dhaawacmeen qaraxa.

Ilaa hadda lama oga cidda sida gaarka ah loo bartilmaameedsanayey.

Gaariga qaray, ayaa saameeyay gawaari kale oo u dhaweyd, taasoo keentay in mar kaliya Uuro ay cirka is qabsato.

Ciidamada amaanka ayaa tagay goobta, iyagoo wada baaritaano la xiriirta sida ay wax u dheceen, waxeyna xireen wadada gasha Maqaaxida.

The Village dhowr jeer oo hore waxaa horteeda uga dhacay qarax kan la mid ah, waana meel dadku ay tagaan waxa ka danbeeyay Casarkii, iyadoo ay ku dhowyihiin dhismooyinka PIZZA House iyo Maqaaxida kale ee Bosh.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Dhageyso Jeesow oo arrin yaab leh yiri: Gaal kan ugu madow ayaa ka fiican…

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, oo ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka ayaa taageeray in Bankiga Dhexe ee Soomaaliya loo dhiibo qof ajanbi ah, xilli maanta la ansixiyay xeer ogolaanaya.

Jeesow waxa uu sheegay in Bankgiga Dhexe ee Soomaaliya mudo hoggaankiisa lagu soo xulayay hab beeleed, taasina uu sheegay inay dhibaato dalka ku tahay.

“Bankigena waxaa maamula 4.5 wax la yiraahdo, Alle ayaa idinku dhaarshaye ilaa baarlamaankii 8-aad waxaa lagu soo xulayay 4.5, qofka dhahaya muwaadinimo iyo dal aan ka damqanaa, ayaa ku leh ajaanib ayaa loo dhiibayaa, dekadeena yaa lacag nooga uruuriya ajaanib, waxaa xalaasha ah ee aan ku kala baxeynaa waa isaga, gaal midka ugu madow ayaana loo dhiibayaa”

Waxa uu sheegay in dalkeena loo baahan yahay in caalamka kale uu wax la qeybsado iyo fur furnaan, hase yeeshee lacagta canshuurta ah ee dadka Soomaaliyeed laga soo aruriyo aan 4.5 lagu qaadaneyn.

Hadalka xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa kusoo aadaya xilli xildhibaanada golaha shacbaka ay maanta ansixiyeen xeer ogolaanaya in qof ajnabi ah uu madax ka noqon karo Bankiga Dhexe ee Soomaaliya.

Dhageyso codka Jeesow

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

Xildhibaanada ugu caansan BF oo hadallo kul maanta is-waydaarsaday (Aqriso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ayaa dood dheer kadib waxaa ay aqlabiyad ku ansixiyeen wax ka bedelka Xeerka bangiga dhexe, gaar ahaan xulidda guddiga agaasinka bankiga. Inta aan la ansixin sharciga, waxaa meesha ka dhacday dood culus, oo ay xildhibaannada ka dhaheen ansixinta.

Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre oo ka mid ha kuwa taageersan ayaa yiri “Xeerkan waxaa laga fidiyay barabogaanto aan ku qiyaasay aniga qaran dumis oo ah in bankiga la doonayo in loo magacaabo qof ajnabi ah waana been”.

Xildhibaan C/laahi Maxamed Nuur ayaa sheegay in sharciga uu baarlamaanka 9aad ansixiyey, madaxweynuhu saxiixay, lagu soo saray dekereeyo in xeer lagu badalayo, ujeedkana ay tahay shuruudaha lagu xulayo maamul banigiga dhexe, arrintaasina ay tahay sharaf dhac.

Xildhibaan Sakariye Xaaji ayaa sheegay in uu rumeysan la’yahay in wasiirrada isku raacaan in dastuurka halkaas ha la isla dhigo ajnabi dartiisa”Warqadaas waa khiyaano qaran, baarlamaanow ogaada, wax badan ayaa u samirnay dowlad jeceyl, maalin walba in lagu xad-gudbo hanta, maamul iyo dastuur oo shacabka sidii la rabo loo maamuusho”.

Xilidhibaan Jangali waxaa uu sheegay in aaney wanaagsaneyn in sharci loo badalo qof ajnabi ah dartiis”Nasiib daro ka wayn ma jirto in nin ajnabi ah loo dhiibo Bangiga Dhexe iyadoo ay joogaan aqoon yahano Soomaaliyeed”.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa dhankiisa sheegay “bangigeenna waxaa maamulo 4.5, maanta xalkeenna waxaa uu jiraa gaalka ugu madow in loo dhiibo”.

Xildhibannada sharciga ka soo horjeeday waxaa ka mid ahaa Maxamud Cabdiraxmaan Beenebeene isaga oo xukuumadda ku eedeeyey in qeylo wadaan, waxaana su’aalay sababta iyaga oo labadiisa sano ee la soo dhaafay aan qoran shaqaale cusub oo rayid ah ay qof ajnabi ah shaqo u siinayaan.

Illaa 158 Xildhibaan ayaa ansixiyay, halka 17 ay diiday, taasoo ka dhigay in xeerkii ay Xukuumadda u ololeyneysay la ansixiyay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

Zakariye: Xukuumaadda waxaan ka rabnaa kitaabka lagu dhaarinayo ajnabiga Bankiga Dhexe (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Zakariye Xaaji Maxamuud oo ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka, ayaa si weyn uga soo horjeestay xeerka agaasinka Bankiga Dhexe oo baarlamaanka uu meel-mariyey.

Zakariye ayaa sheegay in ayada oo la heli karo boqolaal Soomaali ah oo aqoon leh, oo xilkan qaban kara, ay tahay wax aan la aqbali karin tahay in qof ajnabi ah xilka loo dhiibo.

Waxa uu sidoo kale su’aal ka keenay in sida loo dhaarin doono guddoomiyaha cusub bankiga dhexe, ee ajnabiga ah, maadaama uu yahay qof aan muslim ahayn sida muuqata.

“Waxaan ka rabaa dowladda inoo noo sheegto kitaabkii lagu dhaarin lahaa ninka ajnabiga ahee aan muslimka ahayn ee ay noo soo waddo, ileen waa in la dhaariyaa si uu xilkan u qabtee, kumana dhaaran karo qur’aanka” ayuu yiri.

Zakariye ayaa sheegay in arrinta maanta dhacday ay tahay wax aan la aqbali karin, loona baahan yahay in shacabka diidaan.

Hoos ka daawo xildhibaanka


Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xildhibaanada oo ansixiyey sharci oggolaanaya in qof ajnabi uu madax ka noqdo Bankiga Dhexe ee dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ayaa ansixiyey is-beddel lagu sameeyey xeerka bankiga dhexe ee Soomaaliya.

Is-beddelkan ayaa waxaa ogolaaday 158 ka mid ah xildhibaanada, ayada oo ay diideen kaliya 17, mana jirin cid ka aamustay.

Xeerka Bankiga Dhexe, ayaa dhigayey in shuruudda koowaad ee laga doonayo qofka xilka guddoomiyaha bankiga dhexe qabanaya uu yahay muwaadin Soomaaliyeed. Waxaa hadda albaabka ay tani u furaysaa in qof ajnabi ah xilkan loo dhiibi karo.

Wax ka bedelka xeerka Bangiga Dhexe gaar ahaan lambarkiisa 130aad ayaa ka dhigan in Bangiga Dhexe uu madax ka noqon karo shaqsi ajnabi ah, kuna imaan doona xeer loo cuskanayo xulida Guddiga Agaasinka Bangiga Dhexe, kaasoo ay in qof kasta oo ugu dhibco sareeya, karti ahaan, aqoon ahaan iyo hufnaan uu noqonayo Guddoomiyaha Bangiga Dhexe.

Xeerkaan ayaa waxaa ka dhashay buuq badan, waxaana qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ay sheegeen in dalka la doonaayo in maamulkiisa loo dhiibo Ajnabi xilli ay jooggaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]