25 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

3 qodob oo DF faa’ido ugu aragtay u magacaabidda Bankiga shaqsi ajnabi ah

Waxaa si weyn la’isula dhexmaraa in dowladda Federal-ka ah ay Bangiga dhexe ee dalka u magacaabi doonto shaqsi ajinabi ah.

Tallaabadan oo aan wali si rasmi ah u dhaqan galin, ayaa waxaa ka dhashay dood iska soo horeedda oo ay qaar qabaan in dowladda ku qaldan tahay qaarna ay soo dhaweeyeen.

Isniinta maanta ah ayey baarlamaanka u codeyn doonaan sidii meesha looga saari lahaa sharci diidaya in qof aan Soomaali ahayn loo dhiibi karo Bangiga si loogu gogol xaaro shaqsiga ay dowladda jagadaas la dooneyso.

Walow aysan wali caddeyn qofka ay dowladda xilkaas u magacaabi doonto iyo dalka uu u dhashay, hadana waxa ay u muuqataa in dowadda 3-dan qodob faa’iido ahaan uga dhex arki karto tallaabadaas.

Qodobka Kowaad

DEYN CAFINTA – Soomaaliya waxa ay ku jirta habraaca loo marayo sidii ay fursad ugu heli lahayd in laga cafiyo deynta.

Arrintaas, waxaa si weyn isha ugu hayya Sanduuqa Dhaqaalaha Aduunka (IMF) ,Bangiga Aduunka (World Bank) iyo deeq bixiyeyaasha caalamkiga ah (International Donors).

Ilaa iyo hadda, dowladda guulo waa weyn ayey ka soo howsay xaqiijinta wejiyada hore ee habraacaas, balse si loo aamino ama ugu yaraan loo dhiso kalsoonida hay’adaha ay quseyso in Soomaaliya laga cafiyo deynta, madaxda dowladda waxa ay is tusi karaan in shaqsigan ajinabiga ah u noqon karo horseed.

Qodobka Labaad

MUSUQA – Maamulka hadda jira ee caanka ku ah “Nabad iyo Nolol’ waxa ay caan ku yihiin ama uga duwan yihiin maamuladii ka horreeyey hufnaanta iyo musuq yarida.

Hase ahaatee, bil kahor waxaa si weyn loogu eedeeyey in Wasaaradda Maaliyadda aysan meel ku sheegin halka ay martay 42m oo Dollar-ka Mareykanka ah kaddib warbixin dheer oo ay soo saareen gudiga maaliyadda ee Golaha Shacabka.

Taas, waxa ay dhalisay in gudiga kala jabo, qaar go’aanka hore ku adkeystaan, kuwo kale su’aal ka keenaan dhab ahaanshaha arrintaas iyaga oo ku dooday in la siyaasadeeyey.

Arrintaas, ugu dambeyn waxa ay ku biyo shubatay in gudoonka Golaha Shacabka ku kala jabo xilli laba digreeto oo mid lagu kala diray midna go’aankaas lagu buriyey ay soo kala saareen Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Shacabka Mudeey iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Mursal sida ay u kala horreeyaan.

Hadda, dowladda waxaa meesha ku jirta in doorashada shaqsigan ajinabiga ah ay doonayaan in ay ku kasbadaan kalsoonida shacabka ee laga yaabo in su’aalihii ka dhashay eeddii gudiga maaliyadda lumen karto aaminkii ay ku qabeen nidaamka.

Waxaa la hubaa in shaqsiga ajinabiga ah aad u yartahay heerka musuq ee lagu tuhmi karo maadama uu la imaanayo/imaaneyso maskaxiyadda wadamada horumaray ee aan laga aqoon musuqa.

Qodobka Saddexaad

Saami Qeybsiga – Soomaaliya waxa lagu qeybsadaa jagooyinka nidaam qabali ah (4.5). taas waxa ay saameyn togan ku  leedahay habraaca loo maro xulista shaqsiyaadka aqoon iyo farsamo (Technocrats)  ahaan ku habboon jagooyinka iyo meelaha dowladda u muhiimka ah sida Bangiga dhexe.

Si dowladda uga badbaado in ay ku weyso shaqsiga Soomaaliga ah ee buuxiyey/buuxisay shuruudaha booskaas in uu saameeyo saami qeybsiga ay Soomaalida wax ku qeybsato waxaa dhici karta in ay ajinabiga uga baxsaneyso xeyn-daabkaas.

Weydiin kama taagnaa in haddii ajinabi xilkaas loo magacaabo aan dowladda lagu dhaliili doonin in xilkaas ay ugu dartay beel jagooyin hore haysay, kuwo xaqoodii duudsiiyey iwm.

W/Q: Mohamed Musa Aden (Moh’ed Kaafi)
Email: [email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

CC Shakuur oo ka qeyliyey qorshe uu sheegay inay Villa Somalia waddo oo ka socda facebook

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka qeyliyey qorshe uu sheegay inayn ka dambeyso Villa Somalia, oo magaciisa looga been abuurtay, kaasi oo ka socda facebook.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku sheegay in Villa Somalia ay abuurtay cinwaan facebook oo kiisa shabaha, kaasi oo uu sheegay in lagu faafiyo fikrado isaga loo tirinayo oo lagu sumcad dilayo.

Hoos ka aqriso qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur ee facebook uu soo dhigay.

Waxaa baraha bulshada si wayn loo wareejiyey bog been abuur ah oo qoraalka ku qoran la ii tiirinayo. Bogaygu waa hubsan yahay (verified) oo waxaa saaran calaamada buluuga ah ee bogaga rasmiga ah lagu garto. Tan kale, maadaama ay adagtahay in magacayga oo sax ah bog kale lagu sameeyo, waxaa si isdaba maris ah lagu sameeyey magaca bogga been abuurka ah.

Waxaase wax lala yaabo ah in baaritaan ay sameeyeen hawl wadeenka dhinaca warbaahinta ee xafiiskayga ay ku soo ogaadeen in boga been abuurka ah laga sameeyey Vila Somalia, dadka wareejinaya iyo muuqaalo hadalo ah kasoo sameeyeyba ay badankood yihiin taageerayaasha madaxweynaha.

Waxaa ayaan dari ah in Vila Somalia aysan ka daalaynin in ciidanka, hantida iyo warbaahinta qaranka u adeegsato sidii naftayda iyo sumcadayda loo dili lahaa. Waxaan maqli jiray “Islaanta Odayga la saar”

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

Cabdi Weli Gaas oo cafis ka dalbaday reer Puntland

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Puntland C/Weli Maxamed Cali oo maanta wareejiyay xilka madaxweynaha Puntland ayaa cafis weydiistay dhamaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka deegaanada Puntland.

Madaxweyne Gaas, ayaa ugu horeyn ka hadlay waxyaabaha u qabsoomay maamulkiisa intii uu hayay xilka madaxweynaha Puntland, waxaana uu sheegay inuu dhisay waddooyin badan iyo garoomo diyaaradeed.

Wuxuu sidoo kale sheegay in madaxtooyada Puntland, garoonka diyaaradaha magaalada Garowe iyo xarumo badan uu dhisay intii uu xilka hayay, waxaana maanta uu xilkaasi ku wareejiyay madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay inuu cafis weydiisanayo dhamaan ummadda Soomaaliyeed, isaga oo sheegay in cafiskaasi  uu yahay mid niyadiisa kasoo go’ay.

Wuxuu sidoo kale sheegay in shacabka Puntland uu ka dalbanayo iney cafiyaan mudadii uu xilka hayay dadkuu dhibaato kala kulmay ama xumaan ka tirsanayo.

“Waxaan ugu dambeyn ka dalbanayaa shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka Puntland cafis, cafiskaasi waa mid niyadeyda kaso go’ay, cidii aan xumaan u geystay iyo dadka wax iga tabanaya ayaan cafis ka dalbanayaa”ayuu yiri madaxweyne Gaas.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
[email protected]

Dalxa: “Sharciga Bankiga dhexe ee naloo keenay waa feero qaawan yahay”

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in baarlamaanka uu horyaalo sharciga ama xeerka Bangiga dhexe oo la doonayo in wax laga badalo.

Xildhibaanka ayaa sheegay in xeerkaasi maanta xildhibaanada baarlamaanka la horgeyn doono, marka guddoomiyaha baarlamaanka ogolaado kadibna ay ka doodi doonaan xildhibaanada golaha Shacabka.

Wuxuu sheegay in sharcigaasi baarlamaanka uu kaga yimid dhanka xukuumadda Soomaaliya, isaga oo sheegay iney qabto yahay sida lagu geeyay golaha shacabka.

“Sharcigaasi waxaan idiin cadeynayaa inuu horyaalo golaha shacabka, dhanka xukuumadda ayuuna naga soo gaaray, Sharcigaasi waa mid Surwaal kaliya uu ugu jiro waa feero qaawan yahay oo shaar uguma jiro”ayuu yiri xildhibaanka.

Arintaasi ayaa dhalisay hadal heyn badan, maadaama haddii wax laga badalo xeerka Bangiga dhexe ay ka dhigan tahay in ruux ajnabi ah uu qaban karo guddoonka Bangiga Dhexe.

Dhinaca Xildhibaanka ayaa ka hadlay ruuxa ajnabiga ah ee la hadal hayo in laga dhigayo guddoomiyaha Bangiga dhexe, wuxuuna sheegay inay taasi sabab u tahay in Soomaalida dhankooda ay haweysteen inay xilal ka qabtaan dalalka kale caalamka.

“Marka aad adiga haweysato wax dadow adna waxaada waa lasoo haweysanayaa, arintaan waxay keeni doontaa dood adag oo dadka aysan ku baraarugsaneyn”ayuu hadalkiisa ku daray xildhibaan Dalxa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Somaliland: “Dad xafiiska Farmaajo laga maamulo oo mushaarna qaata ayaa Hargeysa nala jooga”

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka Shaqada iyo arimaha Bulshada Somaliland Hindia Jaamac Gaani ayaa shaacisay in dhalinyaro ku sugan magaalada Hargeysa ay ku xiran yihiin xafiiska madaxweyne Farmaajo.

Hinda Jaamac oo dhalinyaro badan la hadlaysay ayaa sheegtay in dhalinyaro badan ay ku xiran yihiin xafiiska madaxweyne Farmaajo, islamarkaana ay dhaqaalo badan qaataan.

Waxay sheegtay in dhalinyaradaasi ay dhaqaalaha ku qaataan sidii ay u kala qeybin lahaayeen shacabka Somaliland, iyaga oo cadeysay inay xog badan ka hayaan dhalinyarada ku xeran xafiiska madaxweyne Farmaao.

“Runtii Socail media dagaal ad u fara badan ayaa ka socdo, waxaana ognahay in dhalinyarada dagaalka sameynaya waa dad la adeegsado oo laga maamulo xafiiska Farmaajo, waxay inoo kala sameeyaan reero iyo magacyo”ayay tiri Wasiirka shaqada ee Somaliland.

Hinda Jaamac, ayaa sheegtay in dhalinyaraadi ay qeyb ka qaadanayaan duminta Somaliland, balse loo baahan yahay in dhalinyarada kale ee Somaliland ka fakaraan mustaqbalkooda.

“Dhalinyarada iyo dadka halkaan jooga ee ku xiran xafiiska madaxweyne Farmaajo yaaneyn dalka naga burburin, waa in dhalinyarada kale ay u istaagaan sidii la isaga qaban lahaa”ayay hadalkiisa saacisay Hinda Jaamac.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Xildhibaanada BF oo looga digay inay ansixiyaan shacriga hanti-dhowrka

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa looga digay inay ansixiyaan sharciga Hanti Dhowrka Qaranka oo horyaala, kaasi oo maanta la filayo inay ansixiyaan.

Ku xigeenka Koowaad ee Hanti dhowrka Qaranka Cali Abuukar Axmed ayaa isaga oo warbaahinta la hadlayay wuxuu sheegay inuu ka digayo in baarlamaanka ansixiyaan sharciga Hanti dhowrka Qaranka.

Wuxuu sheegay in sharcigaasi uu yahay mid awood uusan laheyn siinayo Hanti dhowrka Qaranka, isaga oo sheegay in Hanti Dhowrka Qaranka uu noqon doono ruux awood leh sida madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.

Wuxuu sheegay inuu ka madax banaaneynayo sharcigaasi xafiisyada golaha Fulinta, islamarkaana uu xasaanad gaar ahaaneed uu yeelan doono hanti dhowraha, taasi oo ka dhigeyso inuu ka bixi doono Shanta Kaabayaasha dhaqaalaha la isku yiraahdo.

Wuxuu sidoo kale sheegay in Hanti dhowraha Qaranka uu shaqo la’aan ka dhigay shaqaalo ka tirsanaa xafiiska, kuwaasi oo muddo ka shaqeynayay Handhowrka, taasi badalkeedana uu la yimid halinyaro badan oo ay isku reer yihiin.

Cali Abuukar, ku xigeenka koowaad ee xafiiska Hanti dhowrka, ayaa dhinaca kale ka hadlay shaqaalo ka tirsan Xafiiska oo looga yeeray xarunta hay’adda Dambi baarista ee CID, kuwaasi oo uu sheegay inay ka amar qaadanayeen Hanti dhowrka.

Wuxuu sheegay in shaqaalaha la wareystay ee ka tirsan Xafiiska Hanti dhowrka, inay yihiin kuwii uu shaqo la’aanta ka dhigay, islamarkaana uu doonayo in dambiyo aysan laheyn lagu eedeeyo.

Ugu dambeyn wuxuu madaxda ugu sareyso dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay soo fara geliyaan xiisadda ka taagan xafiiska Hanti dhowrka Qaranka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Shirkii khubarada France & Indheergaradka Somalia

Khubaro ka socotay waddanka Faransiiska ayaa 9 sano ka hor, mar waxa ay u baahdeen in ay la kulmaan indheergaradka Soomaaliyeed (Intellectuals) ee Yurub ku sugan oo ay doonayeen in ay arrimaha Soomaaliya wax ka weydiiyaan. Niman Soomaali ah ayey inta la kulmeen, waxa ay ka codsadeen in ay indheergaradkaasi u raadiyaan inta Yurub lag heli karo, wakhtiga iyo goobtana waa la iska jaangooyey.
Maalintii ballanta, ayaa nimankii waxa ay keeneen 156 qof oo Soomaali ah. Khubaradii Faransiiska oo aan tiradan iyo wax u dhaw ku xisaabtamin – oo shaw dhawr qof filaysey – ayaa nimankii weydiiyey waxa ay dadkan faraha badan yihiin. Nimankii waxa ay ugu jawaabeen: “Waa dadkii Indheergaradka ahaa ee aad noo dirteen. Weliba wakhtiga ayaa nagu yaraaday oo waan ka gaari weynay in aan keenno intaan in ka badan.” Khubaradii talaa ku caddaatay, waxa ayna noqotay in ay haal u kireeyaan, meelo ay dagaan saddex maalinna u raadiyaan!
Shir ayaa maalin ka dib furmay, markaas baa khabiirkii ugu horreeyey ee Faransiiska ahaa ee hadlay, waxa uu ku bilaabay warkiisii su`aashan: “Intiinnaan ma indheergarad baad tihiin?” Hal mar baa dhawaq xoog badan waxa loogu jawaabay: “Haah” Inta qoslay ayuu ku yiri, “Waddanka Faransiiska ah ee aad maanta timaaddeen, 20 qof ma dhamma dadka uu waddankan u aqoonsan yahay indheergarad, waana dadka marjaca u ah oo masiirka dalkaan u fekera. Haddii, marka intiinnaani aad indheergarad tihiin, intaas oo kalana aad ka soo tagteen, sidee ku dhacday in uu waddankiinnu noqdo sida uu hadda yahay? Mise wixiinaan fahansanayn waxa ay tahay indheergaradnimadu?”
Khubaradii markii ay arkeen in ay yihiin dadkani kuwo ariyullaahi-baraar ah oo dabka ka leexan kara, bay laba maalmood inta shaah iyo shilimaad siiyeen, tareenno ku dareen.
Waxaa qoray: Suldaan Nayruus
Kala xiriir: [email protected]
Fb: www.facebook.com/snayruus

Faallo: Xil-sidashadii iyo xil-sugashadii Xasan Shiikh iyo xanjafintii Febraayo

Qeybta 2-aad

Madaxwayne Xasan Shiiq wuxuu lahaa door oga banaanaa geedi-socodka dib-u-yagleelidda Dawladnimadda waxaana ugu muhiimsanaa oo laga sugayay in uu dhamaystiro hanaankii Federaalka e Dalka loo gartay, waxaa looga fadhiyay in uu dhamaan Dalka huwiyo hanaanka federaalka oo, fayoobi badan aan laga qabin lagana kayg sannaa. Nuuca federaal e Soomaaliya wuxuu ahaa ‘isku haye lugu gaarayo isku imaatin (holding together federal for coming together federal) goboladda dalku way sii kala tegtegayeen waanay kala didsanaayeen. Naffaa laga dayay federaalka.

Madaxwaynayaashii Dalka soo maray midba door ayuu lahaa, Cabdiqaasin Salaad Xasan wuxuu nagaliyay kuna xusuusanay han Dawladnimo Cabdulaahi Yuusuf Axmed wuxuu ku soo furay Dalka iyo Caasumadda Muqdisho Dawladnimadii lugu huwaayayn jiray Dalka dibadiisa. Sh. Shariif Sh. Axmed wuxuu nagaarsiiyay in aan kumeel-gaarka kabaxno Dalka gudihiisana laysku doorto. sidaas si lamid ah Xasan Shiiq waxaa laga sugayay doorka ah federaalaynta iyo dhamaystirkiisa, runtiina wuxuu abuuray intii tabar ah federal nuuc un. Wuxuu suurta geliyay Dawlad goboleedyo sanadkii Xamar u soo aadda shir sanad le ah, kama hadlayo waddadda uu u maray. Waxaa la tilmaama in uu adeeg saday qaaciddaddii menas justifies the end (guusha gaar wadaad u martaba).

Xasan Shiiq wuxuu kala ilaaliyay goboladda oo ay u dhexaysay kala shaki ka dhashay dagaalddii sokeeye ee dalku soo maray, wuxuu u biif biifay wixii beesha caalamka laga heli jiray, wuxuu door muhima ka ciyaaray hormarinta Soomalilaan oo runtii arintoodu ay aheed mid xasaasi ah markii loo fiirsho qadiyaddooda gooni issu taaga iyo qarannimadda Jamhuuriyadda Soomaaliya. Xasan Shiiq wuxuu unkay nuuc silsilad maamul dawladnimo (brecuericy) hay’adaha Dawladda dhamaan waxay ahaayeen barkumataal, sida kaamkii ayay isu yaacsanaayeen shaqaala rayidkaa iyo nidaamiyayaasha dawladnimadd,  diiwaan Dawladeed majirin, daaraha danaha Dawladda lugu  duraamiyo waxay ahaayeen dam, taasi kama dhigna in madaxwaynayaashii ka horeeyay ay qaribeen e duruuftaa sidda ka dhigtay, madaxdii ka horaysayna uma ay san soo jeesan dhiigjoojin kale ayay waddeen.

Madaxwayne Xasan Shiiq wuxuu si xaalad degan ah ku dhaqay siyaasadda goboladda waqooyi e walaalaha Soomaali-laan. Arinta qoboladda waqooyi waxay aheed, (tahayna kala tagimayno, wadda tashan mayno, ii talinmaysid) waxay u baahneed dulqaad badan iyo kudhac geesinimo gaamurtay ku sargo’an. Xiligu wuxuu ahaa xili aan afka lugu balaarin karin nugu soo biira waayo wax la hayayba majirin. Xasan Shiiq walaalaha waqooyi wuxuu umuujiyay jileec iyo rabitaan, wuxuu gacan libaax ka gaystay arimaha hormarinta, binu’aadamnimadda iyo fududayntooda wixii beesho caalamku ugu tala gashay Soomaalilaan.

H.E. Xasan Shiiq wuxuu beesha caalamka la jilay shirar hormarineed iyo heshiisyo caalamiya ku waa soo abuuray rajooyin dhicisoobay oon miradhalin. Wuxuu wax naga baray yabooha aan afka dhaafsiisnayn sidda badan ee beesha caalamka, arintaas wuxuu ka hayaa xogbadan oo aanay shacabka Soomaaliyeed ogaal badan u lahayn. xasan wuxuu soo waddaa buug ama dukumunteri waxa loo yaqaanno waxaan rajaynayaa in uu waxbadan ku fashilidoono buugaas sidda shacabku wax la yihiinna wax iska bedelidoonaan, siddoo kale na eedaymaha iyo tuhunka asaga la tirsanayo uu wax un oga bayaanin doonno qaab is difaac aan ahayn e ah hogatusaalayn iyo xurguf bixin.

Mudaddii uu xilka hayay Xasan shiiq shaki malahan khaladaad way dhaceen waan na hoobteen siddii roobkii sugi mayn anigu in aanu wax qaladda galayn. Hadaan wax ka soo qaatto waxaa ugu waynaa arintii Maaliyadda oo aniga laftaydu aanan ku jeclaysan walow gadaal wax iska kay bedeleen oo aanan hadda wax ee ah ugu hayn arinkaas, micnahayguna uu san ahayn sifiicannaa wax loo maareeyay ee waxaa jirra waxyaabo kale oo arintaas la xiriira ay na ku fiican tahay in aad ka maqashaan jahadda ku haboon inaadka maqashaan si xogtu micne idiinkugu yeelato. Sidoo kale ayadana waxaan indhaha laga qarsan Karin arintii Jigjiga iyo booqashaddii taariikhiga ageed ee Xasan halkaas ku tagay. Arintaas waxay u baahan tahay fatash iyo faahfaahin inta aan aragnay ka dheeri ah oo Xasan bixiyo si iimaanku noo galo. Waxaa kaloo ayaduna meesha taalla booqashadaas waxay ahaan la heeba kooxdii TPLF-ta ee layiraa lana aaminay in ay arintaas ka danbaysay rabtayna in ay u isticmaasho qiil ahaan fagaarayaasha caalamiggaa meesha ayay ka baxeen. Ciribta danbe ee booqashadaan waxay tahay Jigjiga wax hal qof go’aanka gaari karo maahan, go’aanka gaarista halka Jigjiga tahay waxaa leh Dadka reer Jigjiga iyo Soomaaliwayn inteedda kale. Haddii qof dhiibi karro Jigjiga waxaa micne samayn lahaa heshiiskii Maxamed Siyaad Barre iyo Mingest. Xasanna waxaa looga fadhiyaa in uu carabkiisa u celiyo arintaan e aanu sidaas noogu hagoogin, sidda wax u jiraanna uu na dhacsiiyo.

DABARKII DAWLADDII XASAN SHIIQ

Dawladdii Xasan Shiiq waxaa talaf ka dhigay dabarna ku noqoday is qabqabsi iyo xasraddo siyaasadeed arinkaas wuxuu ahaa mid ay abuurtay xaaladda dalka iyo hanaanka awood qaybsiga dalka iyo Dastuurkoo badaw laga ahaa, lakabyo badan oo aad isu sursuranna lahaa, ansixinna aan soo marin waxa ku heshiiyayna aanay jirin. Shacabku xasradahaas waxay u tiirin jireen Xasan Shiiq, shacabku waxay u haysteen mid Xasan Shiiq abuuray. Markii loo hadlo si alle kacabsi leh lagana tago waaqica is riixriixa iyo taatikadda guraas iska kacsiga siyaasiyiinta, Waxaan wadda ognahay in awood qaybisga dalka lugu saleeyo 4.5 iyo isqancin. Sidda xeerka aan qornayn yahay markii madaxwaynaha Hawiye noqdo Daarood ayaa Rayzulwazaaraha fisha yeeshana si miisaanka siyaasadda loo dheelistiro, markaas madaxwaynaha la doortaa wuxuu isku diraa cidda leh kursiga kale, yiraahdaana iska keena nin aan is fahmi karno, sidaasay ku keensadaan ama qof beesha kursiga leh ka soo jeedda oo madaxwaynaha udhaw ayaa aadda oo yiraahada beeleey halla isiiyo kalsoonidda anigaa ninkaan fahmi karaya, haduusan haysan kalsoonidda beesha mehelayo waxa uu rabbo [(ufiirso haddii beeshu siiso kalsoonidda ayakaa magacaawaday gaystayna meesha maahan nin madaxwayne keenay)] halkaas ayaa sartu ka quruntaa. Madaxwaynaha iyo rayzulwasaaraha midkastaa wuxuu xambaarsan yahay fariin himilo ugaara, kudlad, iyo aragti-barbaarin-goboleed. Is faham ma dhex marikaro wuxuu san ku dhex marikarin labadooda midkastaa wuxuu ku daaban yahay kudlad sidda xaqiiqadda ah, aragtida hogaanka iyo Dal dhisidda loo marayana midba qaab ayuu udhigayaa, taasoo waa faqsan danta kudladdiisa iyo siyaasaddiisa. Isku xagal wax kama arkaan waa lays qabanayaa waayo raysul wasaaruhu ma aamin saran in madaxwayne keenay, Madaxwaynuhu wuxuu aamin sanyahay inuu asagu keenay raysul wasaaraha.

Labadda masuul midna waa la doortaa, midna waa la magacaabaa qaab aanka sokayn doorasho markii hamiga beesha ogolaan shiya soo siisay laga eego. Madaxwaynuhu wuxuu aamin sanyahay in asaga la doortay loona codeeyay tahayna in siyaasaddiisa lala hirgeliyo lagalana shaqeeyo, halka razulwasaaraha kuyimid kalsoonisiinta beeshiisana uu aaminsanyahay in beeli keensatay gursigeedna uu ku fadhiyo, tahayna in uu u qayb qaaddo, halkaas ayaa qalalaasuhu ka bilaawdaa, intaas waxaa basiinka kusii shubaya oo sii hurinayaa waa Dastuurka qabyo wayne ah, ee lugu udub dhigay deeqaha caalimagaa iyo caliga shisheeye, kaasoo aan kala qaadayn awoodaha labadaan xaafiis. Inta badan xasradaha siyaasadeed ee u dhexeeya madaxwaynaha iyo razulwasaaraha waxay ka abuurmi jireen labadaan arin ‘Dastuurka iyo rayzulwasaaraha oo isu arkayay ninku fadhiya kursi awood qaybsi beeleed’ . arintaan waxaa laga bartay cashar fiican oo dawladdii asaga kadanbaysay e H.E Maxamed Cabdulaahi Faramaajo ka faaiidaysatay. Faramaajo rayzulwasaaraha cidna keensadda muu oran, sidoo kale halkii lafilayay in uu ka imaandoono si un buu xoogaa oga leexday, runtiina iska dhega tiray fariimo badan oo ka imaanayay 4.5 oo kaa shanaya fadhi kudirir. wuxuu sidoo kale hareer maray balan qaadyo uu codku helay ku waa soo caqabad ku noqon karay. Wuu ku caana maalay arintaas wuxuuna furay waddo cusub.

XIRIIRKII XASAN IYO INTUU XUKUMAY

Madaxwayne Xasan Shiiq iyo madaxda dalka dhamaan bulshaddu waxay u tahay sedex heer, hadaan sikale u dhigo bulshaddu madaxda sedex hab ayay ula xiriiraan uguna xiran yihiin. Heerka koowaad oo ah kuwa madaxwayna gacan yarayaasha iyo wakiiladda u ah toos na ugu xiran. (kaaliyayaasha madaxwaynaha, Xildhibaanadda saaxiibka la ah madaxwayna kudlad wadaagtana ay yihiin, iyo waziiradda madaxwaynaha gacansaarak la leh) Heerka labaad waa Kuwo kusii xiran gacan yarayaashaas aan sheeganay, (waa  nabadoonadda, salaadiinta, Qiiq-joogta, iyo dulaaleeyda dalaasha siyaasadda) Heerka sedexaad oo ah kuwo kusii xiran kuwaans heerka labaad ah, waana shacabka loo dawladaynayo.

Qofkasta ee shacab ah waxa uu ka aamin sanyahay Xasan wadadaas ayay soo mareen saasayna ku soo gaareen, majiro qof u tagay oo ana ahayn qiiq-joog iyo wakiillo. Waxaa muuqata shacabka iyo madaxdu war wayn iskamahayn. Dadka shacabka caadigaa ma arki jirin idmanayaashii faraxsanaa e M. Xasan Shiiq la joogay, sidoo kale idmanayaashuna way yareed in ay shacabka is arkaan waxaa u dhexeeyay dulaaleey siyaasadeed iyo Qiiq-joog isku yaqaanna (stackeholders).  dulaaleeyda iyo danleeydu xiriirinta iyo dhexdhex xaadinta shacabka ay sheegtaan in ay wakiiladda ka yihiin iyo idmanayaasha Xasan waxay u wadda xiriirin jireen si dan u ah dantooda iyo malaal nimadooda, idmanayaasha Xasan laftooddu dalaalayaasha shacabka iyo Xasan si dantooda waafaqsan ayay  u sii xiriirn jireen marka halkaas waxaa ka abuurmay dhibaato iyo sumcad dil waxayna canbaarku aheed maamulkii Xasan horboodayay. intaas aan soo sheegay waxaa ka dhex adeegayay, dhibna aan loo arag, koox wartebiyaal ah oo danta dalka ka jecel dantooda booqashadda mareegtooda ayakoo danaynaya (click) kaliya. M. Xasan Shiiq iyo Shacabkii uu maamulayay isma arag, wuxuu arki jiray kaliya xoogaa loo carbiyay sacabtunka iyo guul-wadaynta, wuxu se wax badan ogaaday maalinkii layska diray.

Waxbadannaa nugu seegan xilhayntii Xasan iyo xaaladdii ku gadaanneed, waxaan u baahanahay in uu noo xaal waramo hadduu xildanbe naga rabo, sidda muuqata waxa ku jirra hami hogaamineed, asaga iyo dadk uu rabo in uu hogaamiyanna waxaa ka dhexjira madmadoow aan la qarin Karin.

Lasoco qaybta kale ee qormo-faaleedkaan XIL-SIDASHADDII IYO XIL-SUGASHADDII XASAN SHIIQ IYO XANJAFINTII FEBAARYO.

Waxaa noo haray sedex cinwaan. Xil-sugashaddii Xasan, xajafintii Febraayo iyo siiyaalka siyaasi nimadda Xasan shiiq.

W/Q: Cabdifataax Cali Cabdalla “Imaam”
www.facebook.com/cccimaam
Blogg: calicabdalla.blogspot.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Mahad Salaad oo jawaab ka bixiyey arrintii maanta dhacday “Wixii ka socday Xamar ayaa la dhoofiyey”

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa dhalleeceeyey go’aankii maamulka Koonfur Galbeed uu maanta ku hor-istaagay barnaamij uu xisbiga UPD ee Xasan Sheekh uu hoggaamiyo uu ku qaban lahaa magaalada Baydhaba.

Mahad Salaad ayaa qoraal uu soo dhigay facebook soo dhigay ku sheegay in “Caburinta Xisbiyada Siyaasadeed iyo siyaasiinta ka aragtida duwan Villa Soomaaliya ee labadii sano ee lasoo dhaafay si xowli ah uga socotay magaalada Mogadishu in loo dhoofiyey Koonfur Galbeed” 

Hoos ka aqriso qoraalka Mahad Salaad.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta is hortaag ku sameeyay kulan (Siminaar) Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD) uu ku lahaa magaalada Baydbabo ee xarunta Gobolka Baay.

Kulankaas aqoon kororsiga ah ee maanta lagu waday inuu ka dhaco Baydhabo ayaa xubnaha khudbadaha ka jeedin lahaa waxaa kamid ahaa Senator Xuseen Sheekh Maxamuud oo ka tirsan Aqalka Sare islamarkaana ah Guddoomiye Ku-xigeenka Xisbiga UPD.

Caburinta Xisbiyada Siyaasadeed iyo siyaasiinta ka aragtida duwan Villa Soomaaliya ayaa labadii sano ee lasoo dhaafay si xowli ah uga socotay magaalada Mogadishu, hadana sida muuqatada loo dhoof geeyay maamulka Koonfur Galbeed oo isaga ruuxiisa lagu dhisay qaab jajuub ah oo bulshada reer Koonfur Galbeed aysan raali ka wada ahayn.

Dhacdadaan maanta ka dhacday magaalada Baydhabo iyo kuwo kasii horeeyay oo Mogadishu horay uga dhacay ayaa dhamaantood xad gudub ku ah xorriyada hadalka iyo xaqa muwaadiniinta Soomaaliyeed u leeyihiin in ay fikirkooda u cabiraan si nabadgelyo ah sida ku cad dastuurka qaranka iyo shuruucda kale ee dalka u yaalla.

Mahadsanidiin
Hon. Mahad Salad

Video: Kheyre oo soo geba gebeeyey la xisaabtankii wasiirada (Maxaa kasoo baxay?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa soo gebegebeyay isla-xisaabtanka golaha wasiirrada oo si joogta ah u socday muddo shan maalin ah.

Ra’iisul wasaaraha ayaa wasiirrada kula xisaabtamayay shaqooyinkii ay ka qabteen hal-beegyada qorshohoodu ahaa in lagu guulayso sannadkii tegay ee 2018, waxaa kale oo wasiirradu ay saxiixeen halbeegyooda ay doonayaan in ay fuliyaan sannadka 2019.


Wasiiru dawlaha xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdullaahi Xaamud, ayaa sheegay in si guul ah uu kusoo dhamaaday isla xisaabtana oo ra’iisul wasaaruhu ku xaqiijinayay wax-qabadka 26-ka wasaaradood ee xukuumaddu ka koobantahay iyo Bangiga dhexe, laguna jaangoynayay wax-qabadka sannadka bilaawga ah.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa si joogta ah ula xisaabtama wasiirrada si looga guul gaaro qorshayaasha qaran ee horay loogu ballamay in lagu fuliyo waqti leesla ogyahay, looguna gudbo qorshayaasha kale ee muhiimka u ah horumarinta hannaanka dawlanimo iyo himilooyinka ay leeyihiin dadka Soomaaliyeed.

Hoos ka daawo Xaamud oo arrintan ka hadlaya

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

Ciidamada DF oo joojiyey kulan uu xisbiga Xasan Sheekh qaban lahaa

Baydhabo (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska dowladda Soomaaliya ee ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa maanta joojiyay Siminaar uu soo qaban qaabiyay Xisbiga uu hogaamiyaha ka yahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Senator Xuseen Sheekh oo ka tirsan Xisbigaas islamarkaana hadda ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa sheegay in la hakiyay Siminaarka ka dib Amar kasoo baxay maamulka Koonfur Galbeed.

“Dhamaan Bulshada Koonfur Galbeed ee Baydhabo waxaan ka raali gelinaynaa inuu baaqdey Kulankii Aqoon kororsiga ahaa ee galabta ka dhici lahaa Hoteelka Horyaal. Kulanka waxaa sababta baajintiisa lahaa Maamulka Koonfur Galbeed” ayuu yiri Sanetarka.

Waxaa uu Senatar Xuseen Sheekh Maxamuud in Maamulka Konofur Galbeed isaga oo qiimeynaya xaalado jira uu ka dalbaday in la baajiyo sidaasna lagu joojiyay kulankii ay galabta lahaayeen Xisbiga UPD ee ka dhici lahaa Baydhaba.

Sidaan oo kale todobaadkii hore waxaa laga joojiyay Xisbiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame xilli uu siminaar ka waday Hoteel ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhaba
[email protected] 

Madaxweyne Saciid Deni oo wareegto uu soo saaray ku qaatay go’aan culus

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweyaha cusub ee maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa todobaad kadib soo saaray wareegtadii labaad oo uu kaga hadlayo arrimaha maaliyadda Puntland.

Waxaa Wareegto ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne Saciid Deni ayaa lagu ogeysiiyay Wasaaradda Maaliyadda, Hay’addaha kuwa Caalamiga ah iyo kuwa gaar loo leeyahay in la joojiyay dhammaan Canshuur dhaafkii iyo Cashuur dhimistii loo samayn jiray hay’adaha dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni waa markii labaad ee uu soo saaro Wareegto inta uu xilka Madaxtinimo Puntland haayo, iyadoo wali xilkaasi uusan kala wareegin madaxweyne Gaas.

NACIIMA Abwaan Qorane oo facebook soo dhigtay qoraal dad badan damqay

Muqdisho (Caasimada Online) – Naciima Abwaan Qorane ayaa barteeda facebook soo dhigtay qoraal xanuun badan oo dad badan damqaya oo ay kaga hadleyso dhibaatada Muuse Biixi iyo maamulkiisa u gaysteen qoyskeeda.

Naciima ayaa sheegtay in aabaheed oo xanuunsanaya aysan hadda awood u lahayn inay booqato. Hoos ka aqri qoraalkeeda 

Walaalkay geeridiisii ayaa aan tagi kari waayay Hargeysa. Aabbahay oo xanuusan ayaa aan idhi wixii dhacayaa ha dhacaane tag! Markii aan tagay ayaa aan 4 bilood oo xabsiya lay diray, waliba sida ugu xun ee qof loola dhaqmo ayaa layla soo dhaqmay. Xuquuq kale oo lay siiyaa hayga joogta e, aniga oo xabsiga ku dhex xanuusan ayaa lay diiday hal xabbo oo kaniin xanuun baabiiye ah.!!!!

Aniga oo dulmane ah ayaa layga dhigay dambiile qaran oo laygu yidhi “Qaran dumis ayaa aad tahay!!” Saddex sanno inta laygu xukumay ayaa haddana la yidhi waa aannu ku cafinnee magaalada ka bax, inta aad joogtidna ma hadli kartid!!!! Muwaadin ayaa dalkiisa laga saarayaa sidii Tahriibe Sucuudi jooga!!!

Taliska Muuse dawladnimada ba waxa uu u haystaa in dadka lagu cabudhiyo!!! Malahayga xisaabtaba kumay darin, dadka aad maanta ku tacadiyeysaan berrito in ay iyagu talada dalkan qaban doonaan!!!

*Hadday dawladnimaduba
*Tahay dacaddi joogiyo
*Anigaa dirays qaba
*Taliskii dorraad jiray
*Horta maxaad u dumiseen??

Aabbo ayaa aad u xanuusan ayaamahan. Aabbo Eebbe Weyne haku caafiyo isaga ayaa awood lehe.

Yaxye Caamir: Suuganata ayuu bartay Nigel Roberts, Bankiga ma lagu heesaa”

Muqdisho (Caasimada Online) – Prof Yaxye Sheikh Caamir oo ah aqoon yahan ku taqasusay cilmiga dhaqaalaha ayaa si cajiib ah kaga hadlay arin maalmahaan aad loo hadal hayo oo ku aadan guddoomiyaha cusub ee loo qorsheynayo Bangiga Dhexe.

Prof Yaxye Sheikh Caamir, ayaa sheegay in Nigel Roberts oo ah shaqsiga loo wado Bangiga Dhexe inuu ku dhacayo qodobo dhowr ah oo kamid ah xeerarka Bangiga Dhexe iyo shuruucda dalka, kuwaasi oo hadda baarlamaanka la doonayo inay wax ka badalaan.

Wuxuu sheegay in ugu horeyn laga doonayo sharuudo ay kamid yihiin in qofka Bangiga dhexe loo dhiibayo inuusan aheyn ruux ajnabi ah, waxaana dhigaya sharciga 130 qeybtiisa Afaraad sida uu sheegay aqoonyahanka.

Prof Yaxye, wuxuu kasoo shaqeeyay Bangiga dhexe, isaga oo sheegay in sharuuda labaad ee ninkaasi u diideysa xilka inay tahay in laga doonayo in muddo 12 sanadood ah uu ka shaqeeyay Hay’ado Maxali ah ama kuwa dowladda.

Arinta Seddexaad ee xadideysa inuusan qaban Bangiga dhexe ayuu ku sheegay inay tahay inuu bartay waxyaabo dhaqaalaha la xiriira, wuxuuna sheegay in Nigel uu bartay suugaanta iyo dhaqanka UK, laakiin uu heysto cilmi kororsi aan badneyn oo la xiriira dhaqaalaha beeraha.

Prof Yaxye ayaa sidoo kale sheegay in ninkaan ajnabiga ah kaliya uu noqon karo Lataliye Bangiga Dhexe ee Soomaaliya balse uusan qaban karin xilka guddoomiyaha Bangiga dhexe ee dalka.

Wuxuu su’aalo ka keenay ujeedada madaxda dowladda Soomaaliya hadda ka leeyihiin in ruux ajnabi ah xilkaasi lo dhiibo, iyadoo ay joogaan aqoonyahano badan oo Soomaali ah, kuwaasi oo shaqo la’aan dalka ku heyso.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Beelo hadda abtir la isugu duwayo oo lagu biirinayo qabiillo kale (Xog yaab leh)      

U diryaargarowga doorashayooyinka mustaqbalka (Xog yaab leh)

Maalin dhaweyd baa waxa aan helay nin aan muddo goobayey, oo hadba ballan inta wada dhiganno aan is heleeli weyno. Markaas aan is helaynnay, dad buu qaabilayey. Markii ay qaabilaaddii u dhammaatay, ayuu inta ii yeeray, waxa uu igu yiri, “Walaal, siyaasi baa ii yeerayey, ee kaalay horay ii sii raac, inta aan sii soconnana aan sheekaysanno, marka aan ka soo dhammaadana, aannu si fiican wakhti is kugu helnee. “Haye,” baan iri. Is raacnay. Waxa aan aragnay siyaasigii oo rag badan la kulansan. Siyaasigii markii uu indhaha naga qaaday, buu yiri, “Kaala soo fariista.” Ninka aan la socdo iyo siyaasigu waa isku reero. Ragga siyaasiga la fadhiyey oo dhanna waa isku qolo. Siyaasigu marka uu noo yeerayey, waxa uu anna ii malaaynayey in aan ahay dhallinyarada beesha. Kan aan la socdo, wuu i reebi lahaa, haddii uu ogaan lahaa in ragga la fadhiya siyaasiga ay tolka wada yihiin, ama uu garan lahaa mawduuca laga hadlayo. Sidii aan u soconnay baan la fariisannannay.

Maxaa laga hadlayey?

Siyaasigu waxa uu ka hadlayey doorashada mustaqbalka ee ʻqof iyo coki ah, sidii la yeeli lahaa iyo qaabkii beesha cido kale loogu soo biirin lahaa. Siyaasiga iyo laba nin oo kale, ayaa soo hadal qaaday hawlo ay waayadan ku mashquulsanaayeen oo ahayd, beelo ay soo heleen oo beeralay u badnayd oo aan tiro yarayn. Odayaasheedii beelahaasi waxa ay isla garteen, in qabiilkan lagu daro. Waxaa kale oo ay sheegeen, in beel kale ay ku raad joogaan, oo wax u dhawdhaw yihiin. Midda ugu yaabka badnayd ayaa ahayd, nin ka mid ah raggii ayaa yiri, “Ilma adeerrayaalow, jifadayda ayaa laangaab ah, waan idin baryayaaye, beelahaas jilibkayga ha lagu kaabo!” Gebagebadii waxaa la isku afgartay, in la sameeyo abtir iyo halka beelaha soo socda laga gelin lahaa beelweynta iyo sidii loo qeybsan lahaa dhaqaalihii dadkaas wax loogu qaban lahaa iyo wakhtiga shirarka la bilaabayo.

Ninkii aan la socday, intaas hoos buu ka gubanayey, waana dhididayey, waxa uuna ka xumaa in aan hawshaas wax ka ogaado. Markii la dhammeeyey, isaga iyo siyaasigiina ballameen, ayaan, markii aan soo baxnay, waxa aan ku iri, “Saaxiib, ha u bixin, Maryoolay oo dhan baa sidan wada ahe, anina afkayga warkaas oo mutaxan laga maqli maayo e.”

Siyaasi dhexgalay qabiillada cadcadka ee Muqdisho

Siyaasi ka mid ahaa siyaasyiintii aad iyo aadka ugu soo caanbaxay dawladdii Xasan Sheekh, ayaa waxaa uu dhexgalay beelaha cadcadka ee Xamar deggan. Siyaasigan oo ka soo jeeda qabiil tiro yar (laakiin siyaasad ahaan saameyn leh), ayaa shaqo dheer ka dib, soo helay qolo cadcadka Xamar ka mid ah oo aysanba u ekeyn Faradheerta uu ka soo jeedo, kolkaas baa – wadaxajood ayaad qaatay ka dib – waxaa la isla gartay in ay soo kala lumeen waa hore, oo odayga AXMED ah ee ay ku abtirsadaan uu ka soo lumay, oo cadcadka inta dhexgalay ka guursaday oo sidaas ku farcamay. Arrintan laba faaʻiidaba waa yeelatay: Siyaasigiina beel dhan ayuu helay uu qoladiisii ku biiriyo, qoladiina waxa ay heshey abti dhaafsiisan “Reer Axmed”.

Madaxweyne naclad iyo habaar la isugu daray

Hadda ka hor baa aniga oo fadhiya hoteel, waxaa gadaashayda fariistay, niman odayaal ah oo isku reer ahaa. Sidii ay u sheekeysanayeen, ayaa sheekadoodii soo gashay Awoodqeybsiga Siyaasadda Soomaaliya. Waxa ay uga xumaayeen awoodqeysigaas, waxa ayna aaminsanaayeen in ay xaaraan tahay oo ay ku dulman yihiin, oo beelo badan oo hadda kuraas haysta aysan mudnayn.

Laba nin oo odayashaas ka mid ahayd, ayaa waxa ay ka warrameen, in hadda ka hor ay la kulmeen madaxweyne ay isku hayb ahaayeen oo ka mid ahaa kuwii hore (Aadan Cadde, C/rashiid iyo Siyaad Barre). Waxa ay u sheegeen in ay hayaan shan beelood oo aan abtir dheer lahayn, diyaarna u ah in ay qabiilka ku soo biiraan. Marka ay macluumaadkii siiyeen, baa isla markiiba war degdeg ah u yimid madaxweynihii, kolkaas buu, isaga oo aan u jawaabin, waxa uu ku yiri, “Maalin kale ii kaalaya.” Nimankani, waxa ay u qaateen in uu madaxweynuhu arrintaasi raalli ka yahay, markaas bay isla markiiba bilaabeen in ay beelihii abaabulaan, una sameeyeen abtirro iyo meelo ay kaga arooraan qabiilka, iyaga oo ballanqaadyo hormarineed iyo mid dhaqaalena u samaynayey.

Maalin kale ayey madaxweynihii la kulmeen, markaas bay u tebiyeen, in ay qabiilladii soo diyaariyeen. Madaxweynihii nimankii waa la yaabay, dood dheer baana dhex martay. Aakhirkii, madaxweynihii arrintaasi waa ka diiday, isaga oo sheegey sababo ay aad uga xumaadeen nimankii. Markaas bay, iyagiina, inta niyadjabeen, ka dhuundhuunteen qolyihii oo maalin walba la soo xriirayey; maadaama aysan u samayn karin ballamihii ay ka qaadeen.

Odayaashii waxa ay sheegeen, qolyihii waagaas uu madaxweynuhu ka diidayey, in ay maanta, laba jeer ka xildhibaanno iyo wasiirro badan yihiin qabiilkii ay diyaarka u ahaayeen in ay ku biiraan, haddana, saddex ka mid ah ayba yihiin qabiillo tiro iyo taagba leh. “Maanta haddii ay qabiilka ku jiri lahaayeen, xildhibaannadaas iyo wasiirradaasi qabiilka ayey ahaan lahaayeen, “ ayaa la is yiri. Mid ka mid ah raggii waagaas lahaa taladaas, ayaa inta madaxa luxay, waxa uu yiri, “Madaxweyna hebalow, ilaahay nacladdiisu kugu dhacday, oo godka lagugu cadaab, taladaas haddii aad qaadan lahayd, maanta waxa dhacay ma dhaceen, oo Soomaali badankeed, isku qabiil baan ahaan lahayn.” Kuwii la fadhiyey ayaa iyaguna nacladdii iyo habaarkii la jiibiyey. 

Hadda ma jiraan fursado?

Haddii ay dadku isla qaataan in saamiqeybsiga 4.5 la baabiʻiyo oo dadka la isku tiriyo, dad badan oo hadda xildhibaanno haysta oo uu saaciday awoodqeybsiga 4.5, ma heli doonaan xildhibaano. Sidaas darteed, laangaab oo dhan waa hari doonaa. Laakiin hadda fursado badan ayaa jira, oo lagu heli karo dad badan oo aan qaabiil ku xirnayn, oo beesha lagu dari karo. Dadkaasi – haddii aad ugu kuurgashid – waxa laga heli karaa meelo badan oo dalka ah. Waxa jira dad badan oo beeralay ah oo haddii aad matoorro iyo cagafcagafyo u samaynaysid, laga yaabo in aad hesho. Sidaas oo kale, waxaa jira tuulooyin u badan koofurta, oo haddii aad mashaariic geyso, ku oggolaan kara. Waxaa iyana jira beelo aan ku qanacsanayn qabiilka ay ku jiraan ee la yaso, oo haddii ay helaan qabiillada nasabka lagu sheego oo diyaar ah, ku biiraya. Waxaa saas oo kale jira, beelo qabiillo ku dhex jira oo qabiilkaasi uu ku sheego in aysan asal ahayn, oo reero kale ka yimaadeen, kuwaasina, waa la heli karaa, haddii loo sheego in ay waa hore qabiilkiinna ka soo dhumeen.

2021 ka wixii ka dambeeya, qabiil aan abtiris fog lahayn la heli maayo, ee hadda fursadaha ha la ga faaʻiidaysto.

FG: Waxaa jira siyaasiyiin beelahooda ka soo dhex bixi waayey oo la shiiqiyey, kuwaasina, waxa ay haystaan fursad ay ugu biiri karaan beelaha kale ee ay siyaasiyiintu ku yaryihiin.

Waxaa qoray: Suldaan Nayruus
Kala xiriir: [email protected]
https://suldan-nayrus.blogspot.com/
Fb: facebook.com/snayruus

Somaliland oo xaqiijisay in DF ay gudbisay dacwad ka dhan ah safarkii Gavin

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in dawladda Soomaaliya UK u gudbisay dacwad ka dhan ah socdaalkii uu toddobaadkii hore Hargeysa ku yimid xoghayaha gaashaandhiga UK, Gavin Williamson.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon, ayaa yidhi “Way jirtaa Dacwadani, aakiin maaha Dacwad ay cid wax ku yeelayso Soomaaliya, waa iska hadal uun”

Faratoon ayaa intaas ku daray “Dawladda Soomaaliyana waxa dhaqan iyo caado ay ka dhigatay inay Somaliland daba socoto, laakiin waxba Somaliland ku yeeli mayso, waxbana inagaga qaadi mayso.”

Dhinac kale,Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon, ayaa sidoo kale wuxuu beeniyay inay dawladda Ingiriisku Somaliland weydiisatay saldhig milatari.

Wasiir Faratoon oo ugu horayn ka jawaabaya waxa ka jira wararka sheegaya in Ingiriisku doonayo inuu saldhig milatari ka samaysto Somaliland, wuxuu yidhi  “Saldhig Milatari oo uu Ingiriisku inaga doonayo si uu dalkeena uga samayso ma jirto, ma garanayo wararkaasi halkay ka yimaadeen.”

“Inaga iyo Ingiriiska xidhiidh wanaagsan oo soo jireena ayaa inaga dhexeeya, si fiicana way inoo la shaqeeyaan, awalna si fiican buu Ingiriisku inoola shaqeeynayey, waxaana ku rajo weynahay inuu xidhiidhkeena iyo wada shaqaynteenu inay sii socoto, oo ay intaas ka sii balaadhato” ayuu yiri Faratoon.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected] 

Sawirro: Buug laga qoray nolosha Jeneral Gaafow oo lasoo bandhigay

Waxaa galabta Hotelka Dayah ee magaalada Muqdisho lagu soo bandhigay buug loogu magac daray Xasuusqorkii maalmihii Nolosha Jeneraal Xildhibaan Cabdulaahi Gaafow Maxamuud, waxaana buugan qoray Cabdicasiis Xildhibaan oo kamid ah qorayaasha Soomaaliyeed.

Munaasabada buugan lagu soo bandhigayay waxaa kasoo qeyb galay Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Agaasimaha Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha, Siyaasiyiin, Saraakiil, Fanaaniin, dhalinyaro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Qoraha buuga Cabdicasiis Xildhibaan oo munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in buugan ugu tala galay sidii dhalinta iyo bulshada Soomaaliyeed uga faa’iideesan lahaayeen taariikhda iyo nolosha dadka waxgalka u ah bulshada Soomaaliyeed uu kamid yahay Jeneraal Gaafoow.

Munaasabada waxaa sidoo kale ka hadlay Xildhibaano katirsan Baarlamaanka ay kamid ahaayeen Xildhibaan Fiqi iyo Dalxa, waxa ayna labada Xildhibaan sheegeen in Jeneraal Gaafow uu wax badan soo qabtay uuna yahay halyey wax badan u taray bulshada Soomaaliyeed muhiimna tahay in taariikhdiisa iyo waxtarkiisa bulshada loo soo bandhigo .

Waxa ay sheegeen Xildhibaanada taariikhda iyo nolosha Jeneraal Gaafow inta buuga ku qoray ay ka badan tahay balse lasoo koobay, waxa ayna ku baaqeen in wax badan laga qoro nolosha halyeeyada Soomaaliyeed si ay wax uga bartaan dhalinyarada Soomaaliyeed.

Ugu Dambeyn Munaasabada buugan lagu soo bandhigayay waxaa ka hadlay Xildhibaan Cabdulaahi Gaafow Maxamuud, waxa uu u mahad celiyay qoraha buugan noloshiisa looga sheekeenayay ,waxa uuna xusay in buuga laga qoray ku xusan yihiin waayihiisa iyo taariikho badan uu leeyahay.

Gaafow ayaa sheegay in 40-sano ka badan usoo shaqeenayay dowladihii kala duwanaa ee dalka soo maray uuna lasoo shaqeeyay Madaxweynayaal badan , waxa uuna dhiiro galiyay in wax laga qoro nolosha dadka waxgalka ah si ay wax uga bartaan dhalinyarada Soomaaliyeed.

Dadkii kala duwanaa ee munaasabadan ku sugnaa  ayaa aad ugu riyaaqay buugan ay ku xusan yihiin taariikho iyo sheekooyin xiiso badan oo looga hadlayay nolosha Jeneraal Xildhibaan Cabdulaahi Gafaow  oo wax badan usoo qabtay Qaranka iyo bulshada Soomaaliyeed.

Sawirro: Safiirka Turkiga oo shaaca ka qaaday arrin uu kala hadlay Muuse Biixi

Hargeysa (Caasimada Online) – Dawladda Turkiga ayaa sheegtay inay wada hadal midho dhalay ka yeesheen Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, doorka Turkiga ee wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya.

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya danjire Mehmet Yilmaz, oo dhawaan socdaal ku yimid caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa qoraal uu ku qoray barta ay safaaradda Turkiga ee Muqdisho ku leedahay twitterka, wuxuu ku sheegay inay sidoo kale Madaxweyne Biixi ka wada hadleen sii xoojinta iskaashiga.

“Waxa sharaf ii ah inaan kulan booqasho ah ugu tago Mudane Muuse Biixi Cabdi, Madaxweynaha Somaliland oo aanu yeelanay wada hadal midho dhalay oo ah doorka Turkiga ee wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya iyo weliba sidoo kale xoojinta iskaashiga. Wuu ku mahadsanyahay soo dhawayntiisa diiran.” Sidaas ayuu safiirka Turkigu ku yidhi qoraalka uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay twitterka.

Turkiga ayaa dhawaan wuxuu ergay cusub u magacaabay wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu u muuqdaa inuu Turkigu doonayo inuu dardar geliyo dib u bilaabista wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya oo hadda ku jira hakad.

Laakiin dawladda Somaliland ayaa dhawr goor waxay walaac ka muujisay dhexdhexaadnimada Turkiga ee wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, iyadoo ay madaxda Turkigu dhawr goor sheegeen inay aaminsanyihiin midnimada dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected] 

Adhicadeeye Ilaa iyo God-qaboobe:  Kadib hadalkii Saciid Deni, Somaliland ma ku xijin doontaa Garoowe?

Wax ka yar 72 saacadood ayuu Madaxweyne cusub ee Puntland  Saciid Cabdullahi Deni isaga oo aan xilka hayn waxa uu ka hadlay collaada u dhexeysa maamulkiisa iyo Somaliland.

Deni waxa uu sheegay in muran dhuleed u dhexeeya Puntland iyo Somaliland jirin balse Hargeysa soo xadgudubtay, waxa uu ugu baaqay in ay ka laabtaan dhulkaas ama uu waqtiga celin doono (Hanjabaad).

Waxaa durbadiiba ka falceliyey wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Ciise Axmed Xawar (Warsangeli, Harti, Daarood) oo sheegay in hadalka Deni ahaa mid aan wax manco ah ku fadhiyin isaga tilmaamay in Puntland ISIR doon tahay ay marka hore beelaha daga Soomaali Galbeed iyo NFD Kenya maamulkooda ku soo daraan kahor inta aysan ka hadlin Sool, Sanaag, qeyo ka mid ah Bari iyo Cayn.

Waxaa isna dhiciisa si adag ugu jawaabay Madaxweynaha Puntland, Wasiirka Biyaha ee Somaliland Saleebaan Koore (Nuur Axmed, Dhulbahante, Harti, Daarood) oo waliba ka soo jeeda degmada Taleex.

Saleebaan Cali Koore waxa uu hoosta ka xariiqay in Dhulbahante inta wax garadka ah u cadaatay doorashadii Dr. Cali Ciise lagu bahdilay ee Puntland caddeysay in reer leeyahay maamulkaas ee uu Deni iska hadlay.

Hadaba, hadaladaas ka soo yeeray siyaasiyiinta xilalka waa weyn ka haya Somaliland ee Harti iyo Madaxweynaha xilka ku cusub yahay ee Puntland maxay noqon kartaa natiijada ka dhalan karta?

Marka hore aan eego sooyaalka loolanka gobolada Somailand ee ay ku muranto Puntland sida uu ahaa laga soo bilaabo markii uu Cabdullahi Yusuf (AHN) dhisay maamulkaas.

Puntland waxaa markii hore lagu dhisay nidaam qabali ah oo la’isugu keenay beelaha dega Waqooyiga Mudug, Nugaal, Sool, Sanaag Bari iyo Bari.

Hase ahaatee, beelaha daga Sool, Sanaag iyo Cayn waxa ay wax ka dhisteen markii hore Somaliland kahor inta aysan ku kala tagin aragtida gooni u goosadka iyo saami qeybsiga oo ay tabasho badan ka jirto, taas oo wali taagan. Taas waxa ay kuu cadeyneysaa in labada dhinacba wada joogeen deegaankaas wallow ay mar walba ku awood badneyd Somaliland.

Kahor inta uusan Cabdullaahi Yuusuf soo aadin Nairobi iyo shirkii lagu dhisay dowladdii KGM ahayd ee uu madaxda ka noqday, Daahir Rayaale Kaahin ayaa soo booqday Laascaanood balse dagaal arrintaas ka dhashay ayey Puntland kula wareegtay gacan ku haynta Laascaanood oo ay u suurtagaliyeen maleeshiyo beeleed deegaanka ah maadama xilligaas ciidan dhisan maamulka Garowe uusan lahayn.

Yeelkeede, muddo kaddib ciidankii Somaliland waxa ay qabsadeen Adhicadeeye oo dulleedka Waqooyi Laascaanood uga began halka ay muddo kaddib, 2007 toos Cadde Muuse ugala wareegeen Laascaanood.

Waxaa ol’olihiisa doorashada ku soo galay 2009 Faroole oo bedelay Cadde Muuse (2009) balse isa waxaa laga qabsaday Kambadha oo dhinaca Koonfureed Laascaano uga began ahaydna Kastam-ka ugu weyn ee Puntland.

Sidaas oo kale, Cabdiweli Cali Gaas ayaa ku ol’oleeyey Laascaanood “Faatixo laguma qabsan, Faatixo laguma soo celinayo!” balse isna waxaa laga qabsaday Tukaraq ilaa iyo God-qaboobe oo Garowe meel dhawaqu gaaro u jirta.

Madaxweynaha hadda xilka ku cusub wallow uusan si weyn ugu ol’oleyn soo celinta Laascaanood!! Hadana waresigii BBC-da waxa uu dhaliyey xiisad collaadeed maadama labada ciidan isku horfadhiyaan meel aan Garowe, caasimadda wax badan ka fogeyn.

MAXAA XIGA?

Walow aysan muuqan saan saan colaadeed hadana hadalkii Deni waxa uu ka carreysiiyey Somaliland taas oo keeneysa in hubanti la’aan dhacdo.

Sida ilo xog ogaal ah ay ii sheegeen waxaa dhici karta in Somaliland oo manta haysata taageerada shacabka Sool, Sanaag iyo Cayn ku dhiiran karto in ay yimaadaan YOOCADA oo ah halka kala qeybisa British Somaliland Protectorate iyo Italian Somaliland.

Haddii ay taas dhaco oo ay soo ruqaansadaan ciidaamada Somaliland waxaa qabsab noqon doonta in caasimadda Puntland laga raro Garowe oo la geeyo Qardho maadama furin colaadeed noqon doonto Garowe.

Waxaa sidoo kale suurtagal ah in Somaliland kahor takto collaad ka dhacda degmada Taleex, taas oo la hubo in ay dhici doonto haddii uu booqdo Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash.

Puntland hore xasuuq ayey uga geysatay Taleex taas oo iska horkeentay laba beelood oo wada daga kana wada tirsan Nuur Axmed kaddib booqasho uu ka tagay Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland Cabdisamad Cali Shire.

Collaadaas waxaa dhawaan laga gaaray heshiis balse haddii aan laga  feejignaan waxaa suuratgal ah in ay soo laabato, waa haddii uu booqdo Axmed Karaash.

W/Q: Guuleed Baashe Axmed
Hargeysa, Somaliland 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Buubaa oo sheegay wixii ay Somaliland ka fileysay Deni iyo waxa laga rabo

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya xiligii Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa fariin u diray madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Ismaaciil Hurre Buubaa oo hadda ku sugan Somaliland, ayaa sheegay in madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni looga baahan yahay inuu la yimaado qorshe cusub oo uu kaga duwanaan karo madaxdii soo martay Puntland.

Mr Buubaa, ayaa sidoo kale sheegay in madaxweynaha Puntland Mr Deni laga doonayo in qaab wadahadal ah uu u wajaho dagaalka u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland, islamarkaana uusan dagaal u horseedin shacabka.

Wuxuu sheegay in waxa ugu horeeyo ee ay ka filayaan madaxweyne Deni inay tahay dhameynta xiisadda Puntland islamarkaana ay sugayaan inuu xooga saaro qurxinta waxyaabaha ay ku dheeleen madaxdii ka horeysay.

“Dhinaca Somaliland ha noqoto ama Puntland ha noqoto, waxaan ka fileynaa madaxweynaha cusub inuu kasoo bixi doono doorka laga doonayo oo uu wanaajiyo cilaaqaadka u dhaxeeyo labada Puntland”ayuu yiri

Ciidamo kala taabacsan maamulada Puntlana iyo Somaliland ayaa dhowr jeer oo hore dagaalo xoogan uu ku dhexmaray Deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool,kuwaasi oo sababay Khasaarooyin isugu jiray dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac soo kala gaaray .

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]