Shirkii khubarada France & Indheergaradka Somalia

Khubaro ka socotay waddanka Faransiiska ayaa 9 sano ka hor, mar waxa ay u baahdeen in ay la kulmaan indheergaradka Soomaaliyeed (Intellectuals) ee Yurub ku sugan oo ay doonayeen in ay arrimaha Soomaaliya wax ka weydiiyaan. Niman Soomaali ah ayey inta la kulmeen, waxa ay ka codsadeen in ay indheergaradkaasi u raadiyaan inta Yurub lag heli karo, wakhtiga iyo goobtana waa la iska jaangooyey.
Maalintii ballanta, ayaa nimankii waxa ay keeneen 156 qof oo Soomaali ah. Khubaradii Faransiiska oo aan tiradan iyo wax u dhaw ku xisaabtamin – oo shaw dhawr qof filaysey – ayaa nimankii weydiiyey waxa ay dadkan faraha badan yihiin. Nimankii waxa ay ugu jawaabeen: “Waa dadkii Indheergaradka ahaa ee aad noo dirteen. Weliba wakhtiga ayaa nagu yaraaday oo waan ka gaari weynay in aan keenno intaan in ka badan.” Khubaradii talaa ku caddaatay, waxa ayna noqotay in ay haal u kireeyaan, meelo ay dagaan saddex maalinna u raadiyaan!
Shir ayaa maalin ka dib furmay, markaas baa khabiirkii ugu horreeyey ee Faransiiska ahaa ee hadlay, waxa uu ku bilaabay warkiisii su`aashan: “Intiinnaan ma indheergarad baad tihiin?” Hal mar baa dhawaq xoog badan waxa loogu jawaabay: “Haah” Inta qoslay ayuu ku yiri, “Waddanka Faransiiska ah ee aad maanta timaaddeen, 20 qof ma dhamma dadka uu waddankan u aqoonsan yahay indheergarad, waana dadka marjaca u ah oo masiirka dalkaan u fekera. Haddii, marka intiinnaani aad indheergarad tihiin, intaas oo kalana aad ka soo tagteen, sidee ku dhacday in uu waddankiinnu noqdo sida uu hadda yahay? Mise wixiinaan fahansanayn waxa ay tahay indheergaradnimadu?”
Khubaradii markii ay arkeen in ay yihiin dadkani kuwo ariyullaahi-baraar ah oo dabka ka leexan kara, bay laba maalmood inta shaah iyo shilimaad siiyeen, tareenno ku dareen.
Waxaa qoray: Suldaan Nayruus
Kala xiriir: nayruus@gmail.com
Fb: www.facebook.com/snayruus