25.4 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Guriga guddoomiyaha degmada Dayniile ee Howl-Wadaag oo qarax lagu weeraray

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Degmada Howlwadaag ee Gobolkan Banaadir waxaa caawa bambo gacmeed lagu weeraray hoyga Muqdisho uu ka degan yahay Gudoomiyaha Degmada Dayniile Maxamed Abuukar Jacfar.

Guriga uu degan yahay Jacfar ayaa waxa uu ku yaallaa wadada kasoo dagata Isgoyska Dabka ee dhanka Isgoyska Bakaaraha aada, halkaasi oo ah goobta bambada lagu tuuray.

Ciidamada illaalada guriga Gudoomiye Jacfar ayaa qaraxaasi bambada ah markii lagu weeraray kadib waxa ay fureen rasaas xooggan oo dhaawacyo ay ka dhasheen.

Illaa saddex ruux oo shacab ah ayaa waxyeelo kala duwan ka soo gaartay rasaasta Ciidanka ay fureen, waxaa kaloo jirta in Ciidanka fadhiyay banaanka guriga Gudoomiyaha dhaawacyo ay soo gaareen.

Gaadiidka ambalaasta ayaa goobta ka qaaday dadkii dhaawacyada ay soo gaareen, kuwaasi oo loo qaaday goobaha caafimaadka.

Dhawr habeen ayaa sidaan oo kale qarax bam gacmeed loogu weeraray guriga uu degan yahay Gudoomiyaha Degmada Dayniile Maxamed Abuukar Jacfar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

Xildhibaanada oo ka haday go’aanka guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee dalka looga dhigayo nin ajnabi ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xildhibaanada golaha Shacabka Soomaaliya ayaa waxa ay gebi ahaanba ka hor imaadeyn in nin ajnebi ah gudoomiye looga dhigo Bankiga dhexe ee Soomaaliya.

Warka ah in nin ajnebi ah uu jagadaasi qabanayo ayaa ah hadal heynta ugu badan ee xildhibaanada ay aadka u hadal hayaan, waxaana sidoo kale uu si aad ah ugu baahay baraha bulshada.

Xildhibaanada golaha shacabka ayaa waxa ay walaac ka muujinayaan in ninkaan loo dhiibo Bankiga dhexe ee Soomaaliya, waxa ayna khaarkood baraha bulshada soo dhigeen qoraalo ay ku dhaliilayaan go’aanka ninkaan loogu dhiibayo Bankiga dhexe ee Soomaaliya.

Xildhibaan Cabdirisaaq Axmed Maxamed Jindi oo ka mida Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sharcidaro ku tilmaamay in nin Ajinabi ah loo magacaabo Gudoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaa sheegey in ay wararka sheegaya in Bankiga Dhexe ee Soomaaliya loo Magacaabayo Nin Ajinabi ah ay ku arkeen Baraha Bulshada hadii uu jirana uu yahey Sharci daro.

Waxa uu sheegey in ay ka doodi doonaan Xildhibaanada Faderaalka Soomaaliya hadii la isku raacana uu sharci noqonayo,balse uu rajeynayo in Xildhibaanadu ka soo horjeesa doonaan Go’aankaan Godoomiyaha Bankiga dhexe looga dhigaayo Nin Ajinabi ah.

Sharcigaan Gudoomiyaha Bankiga dhexe looga dhigaayo nin Ajinabi waxaa horey u ansixiyey Golaha Wasiirada Soomaaliya waxaana lagu wadaa in Maalinta Isniintaa ee socota in horgeeyo Baarlamaanka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

Guddoomiye ku xigeenka guddiga doorashada: BF kaliya aya xil iga qaadi kara

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku-xigeenka guddiga madax banaan ee doorashooyinka qaranka, Sayed Cali Sheekh ayaa ka hadlay warqad lagu sheegay in xilkii iyo xubinnimadii guddiga laga xayuubiyey, oo shalay kasoo baxday guddiga.

Sayed Cali Sheekh ayaa shaaca ka qaaday in guddiga uu yahay guddi baarlamanka qaranka uu soo dhisay sidaas darteedna uu baaralamanka oo kaliya uu xilka ka qaadi karo.

Waxa uu si aad ah ugu eedeeyey guddoomiyaha guddiga Xaliima Yarey inay musuq-maasuq baahsan, eex, sharci-darro iyo ku tagri-fal awoodeed ka dhex waddo guddiga, ayna ku fashilantay hoggaankii guddiga.

“Xaliimo Yarey waxay guddiga ka dhigtay dukaan ay ayada leedahay, oo ay uga faa’iideysato danaheeda gaarka ah” ayuu yiri Sayed Cali oo sheegay in shaqaalaha hoose ee guddiga ay ka wada dhigtay xubno beesheeda ah.

Hoos ka daawo muuqaalka

Maxaa ku qoran xeerka ay DF dooneysa inay bedesho ee Bankiga Dhexe (Aqri)

Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda Soomaaliya ayaa todobaadkan lagu wadaa inay baarlamaanka federaalka ah hor keento wax badalka “Xeer Maamul Bankiga dhexe”, iyada oo arrintn ay horudhac u tahay in qof ajnabi ah loo magacaaba guddoominta bangiga dhexe ee Soomaaliya.

Sharci No. 130, qodobka 4aad waxaa uu ka hadlayaa maamulka bangiga dhexe oo faqrada 1aad ee qeybta 4aad ka hadlaya maamulka sida; inay ka koobnaadaan guddoomiye, ku-xigeen iyo 5 kale oo fulinta ku jirin.

Qeybt hadda la badali rabo waa faqrada 2aad ee qeybta 4aad oo ku qorn:

(1) Waa inuu noqdaa qof hufan oo:

  1. Soomaali ah.
  2. Heysta shahaado ama aqoon u dhiganta oo  nidaamka maaliyadda, lacagta iyo guud ahaan xisaabaadka.
  3. In aaney wax ka hor istaagaya sida ku qoran, qodobka 14aad ee xeerkan

(2).  Looma magacaabi karo guddoomiye bangi ama ku-xigeen isaga oo  aan heysan

  1. Shahaado Jaamacadeed oo xagga maaliyadda, sharciga, lacagaha iyo dhaqaalaha la xiriirta.
  2. Qof aan heysan khibrad ka yar 12 sano.
  3. Waa inuu maamul ka soo qabtay hey’ado maxali ah iyo dowli ah….

(3). Shuruudaha kale ee maamulka waxaa ka mid ah guddoomiyaha iyo ku-xigeenkiisa waxaa magacaabaya madaxweynaha kadib markii ay soo jeediyaan golaha wasiirrada, isaga oo 4 sano xasfiiska heyn-doona, marka uu qofka shaqada ka tagayo waxaa uu qoraalka u dirayaa madaxweynaha.

Haddaba, xukuumadda federaalka ah ayaa dooneyso in la badalo qodobka dhigaya inuu Soomaali yahay, waxaana muuqa inuu booska qaban-doono qof ajnabi ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

Sarkaalki dilay Dayax Iiman oo maanta la xukumay iyo qaabkii uu u dhacay dilka

Muqdisho (Caasimada Online)- Laba xidigle ka tirsan ciidamada Xoogga dalka, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Kumbud) ayaa loo  heysta in uu dil bareer ah u geystay Marxuum Dayax Iimaan Xasan  21-ka bishii sagaalaad 2018, dilkaasi oo ka dhacay aga-gaarka Seybiyaano  degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamada amniga ayaa soo qabtay Eedeysanaha, waxaana lagu  wareejiyay Hey’adaha Baarista.

Marxuum Dayax Iimaan Xasan ayaa ahaa wiil dhallinyara ah, waxa uu sidoo kale ahaa wade gaari raaxo isagoo sidoo kale soo dhameeyay heerka wax barashada koowaad  ee jaamacadda Plasma.

Iyadoo jimco ay tahay xilliyadii salaadda kadib ayuu sababsaday qorey Dhasiika ah uu gacantiisa ku riday sida uu sheegtay Laba xidigle xoogga dalka  Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Kumbud).

Eeda Kumbud ayaa lagu soo wareejiyay xafiiska Xeer Ilaalinta Xilligaasi   waxa ayna codsadeen Xafiiska in garsoorka ay ku hayaan xabsiga dhexe gar-suge ahaan.

Muddo baaristooda kadib  ayay codsadeen in la muddeeyo dhageysiga dacwadda ka dhanka ah Laba xidigle xoogga dalka  Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Kumbud), waxa  ayna Maxkamadda aqbashay in la muddeeyo 10-ka Bishii 12-aad ee sanadkii tegay.

Sedax Cishe kadib ayay bilaabatay Maxkamadeynta Kumbud, waxaana dhageysiga dacwadda  u dhammaa  dhinacyada dacwadda la isku ballamiyay in markale dib la isugu soo noqdo.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa isla xilligaasi xooraansi dheeraad ah ugu jiray dhacdada sidii loogu dhameystiri lahaa dambi muujinada eedeysanaha, waxa ayna sidoo kale fadhigii  labaad la yimaadeen   oo aheyd laba todobaad kadib  cadeyma dheeri ah sida Sawirka Marxuumka, Warqadda Dhakhtarka  ku cadeeyay  dhimashada Marxuumka iyo markaatiyaal shan ah oo ay qaarkood wada saarnaayeen gaariga eedeysanaha la maxkamadeeyay ee Kumbud.

Dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi oo ah ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Ciidamada Qalabka Side ayaa fadhiga ka sheegay in eedeysanaha uu u adeegsaday  qori Dhashiika ah  meel ciriiri  badan ka jiro balse qoriga loogu tala galay furumaha dagaalka.

Laba xidigle xoogga dalka  Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Kumbud) ayaa sheegay in u jeedkiisu ahaa sidii uu u furi lahaa waddada oo aheyd Baarta jaadka halka loo yaqaano xilligaasi oo ay saxmad ka jirtay balse lagu war geliyay in ay sabatay xabadii uu riday dhimashada Marxuum Dayax Iimaan Xasan.

Qareenada ayaa ku dooday in loo naxariisto sarkaalka loona fududeeyo  xukunka maadama uu goobta fal ka dhacay ay aheyd goob Saxmad ah.

Ugu dambeyn maanta ayaa go’aan laga gaaray, waxaana lagu xukumay eedeysane  Ex, Laba xidigle xoogga dalka  Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Kumbud) dil toogasha ah oo ah  qisaastii Marxuum Dayax Iimaan Xasan, sida uu u sheegay dhammaan dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute

Maxkamadda Ciidamada ayaa horay digniin uga dirtay in aan lagu xad gudbin muwaadiniinta isaga kala goosha magaalada, waxa ayna sheegtay in ciddii geysata dil ku tala gal ah aan looga waaban doonin sharciga.

Sarkaal xukunsanaha ah  ayaa heysta fursad  kale  uu uga qaadan karo rafcaan Xukunka Maxkmadda Darajada koowaad.

Sawirro: Qarax xooggan oo ka dhacay magaalada Paris

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaraxaani oo laga maqlay qeybo badan oo kamid ah magaalada Paris ee dalka Fransiiska ayaa waxa uu ka dhacay Foorno ku taalla xaafada Rue de Trevise oo dhacda Waqooyiga Magaaladaasi.

Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in qaraxani ay maleynayaan in uusan aheyn mid ay soo maleegeyn waxa ay ugu yeeray argagixisada balse uu ka dhashay Gaas dab qabsaday maadaama meesha uu ka dhacay qaraxa ay Foorno aheyd.

“Weli ma arag qof ku geeriyooday qaraxaani balse waxaynu aragnay dad uu dhaawac kasoo gaaray, xalada markii ay degto ayaan dib warbaahinta ugu warbixin doonaa khasaaraha rasmiga ah” Sidaasi waxaa sheegay saraakiisha caafimaadka dalkaasi oo warbaahinta warbixin kooban ka siinayay qaraxaasi iyaga oo ku sugan meel ku dhaw isla goobta uu qaraxa ka dhacay.

Waxaa lasoo warinayaa dhaawacyo badan oo qaraxaasi ka dhashay balse ilaa iyo haatan lama hayo tirada rasmiga ah ee ku waxyeeloowday qaraxaani, waxaana saraakiisha caafimaadka ay sheegeen in dhaawacyadu la geeyay isbitaalada Paris si xaaladooda caafimaad loola tacaallo.

Waxaa durbadiiba baraha bulshada gaar ahaan Twitterka qabsaday sawiro argagax leh oo muujinaya baaxada qaraxaasi iyo waxyeelada uu gaarsiiyay dhsimooyinka ku hareersan.

Waxaa goobta uu qaraxa ka dhacay soo gaaray gaadiidka gurmadka deg dega ah iyo kuwa dab demiska oo ku howlan sidii ay dabka ka dhashay qaraxa u damin lahaayeen.

Mahad Salaad oo kashifay in mashruuc culus uu ka dambeeyo ajnabiga loo dhiibayo Bankiga Dhexe

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay qorshaha wax ka badalka xeerka Bangiga dhexe ee dalka, isaga oo soo jeediyay su’aalo u baahan in laga jawaabo.

Xildhibaanka ayaa sheegay in xeerkaasi la horgeeyay baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo ujeedada laga leeyahay ay tahay in ruux ajnabi ah uu qabtaa xilka guddoomiyaha bangiga dhexe ee dalka.

Wuxuu sidoo kale sheegay in ujeedadaasi ay tahay mashruuc bilowgiisa xildhibaanada baarlamaanka ay hadda og yihiin balse shacabka Soomaaliyeed aysan ogeyn dhamaadka mashruucaasi.

“Beec geynta Bangiga Dhexe waa mashruuc bilowgiisa aan aragno, laakiin dhamaadkiisa cid aysan ogeyn, soo jeedin wax loogu bedelayo sharciga Bangiga Dhexe ayaa la horkeenayaa Golaha Shacabka maalinta Isniinta, si nin Ajnabi ah loogu dhiibo Bangiga Dhexe”ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad.

Xildhibaanka ayaa ugu dambeyn seddex Su’aal ka keenay qorshahan cusub. Haddaba, waxaa isweydiin mudan:

  1. Maxaa xikmad ah oo ku jira in xilligaan shuruucda dalka loo badalo nin AJNABI ah si loogu dhiibo Bankiga Dhexe oo ah hay’adda ugu saraysa ee maamusha dhaqaalaha dalka?
  2. Maxaa looga cararayaa muwaadinka Soomaaliyeed ee aqoonyahanka wadaniga ah, laguna doortay nin AJNABI ah oo cilmi maaliyadeed aan baran. Shaqo maaliyadeedna aan soo qaban sida CV-giisa ka muuqata?
  3. Mise waxaa jira qorsheyaal kale oo naga qarsoon oo in aan ogaanana hada aysan muhiim ahayn?!

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Dhageyso: Faarax C/qaadir oo shaaciyay hab dhaqan cusub oo ay lasoo baxeen madaxda DF Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Faarax Sheikh C/qaadir oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka ayaa ka hadlay hab dhaqan cusub oo uu sheegay inay lasoo baxeen madaxda dowladda Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay la timid dhaqan cusub oo ay u alifeen xubnaha ka aragti duwan, isaga oo sheegay inay cambaareeyaan xubnaha mucaaradka ah.

Sidoo kale wuxuu sheegay in dhaqanka ah in la weeraro mucaaradka dowladda inay la yimaadeen madaxda xukuumadda taasina ay tahay dhaqan cusub oo aan looga baran xukuumadihii hore.

Xildhibaanka wuxuu sheegay in dowladihii dalka Soomaaliya ay si wanaagsan ula dhaqmi jireen kooxaha mucaaradka, balse hadda dhibaato ay qabaan mucaaradka, isaga oo tusaale usoo qaatay weerarida mucaaradka.

Wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay bartilmaameydsiga siyaasiyiinta iyo sharaf dilka uu sheegay in hadda lagu bilaabay qaar kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed.

Hoos ka dhageyso codka xildhibaanka

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Deni oo shaaciyay seddex meel uu kasoo xuli doono golaha wasiirada cusub

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa shaaca ka qaaday nooca ay noqon doonaan golaha wasiirada cusub ee maamulka Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in wasiirada uu dhawaan soo dhisi doono uu meelo badan ka eegi doono, isaga oo sheegay inuu ka fakarayo tayada ay yeelan doonaan wasiirada maamulka Puntland.

Ugu horeyn wuxuu sheegay in golaha wasiirada ee uu soo dhisayo uu kusoo xulan doono dhanka aqoonta, isaga oo sheegay inay doonayaan inay wax badan ka badalaan deegaanada Puntland.

Sidoo kale wuxuu sheegay in door weyn Haweenka ay ku yeelaan doonaan golaha wasiirada Puntland, waxaana haweenka ay aad ugu yar yihiin golaha wakiilada, maadaama hal haween ay ku jirto.

Wuxuu sidoo kale sheegay in dhalinyarada door muuqda ay ku yeelan doonaan golaha wasiirada maamulka Puntland, waxaana uu sheegay in dhalinyarada wax baratay ay wax ka badali karaan deegaanada Puntland.

Sideedii Bishaan Janaayo waxaa magaalada Garowe lagu doortay madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, kadib markii uu 4 cod kaga guuleystay Generaal Asad Cabdullaahi oo ay isku soo hareen wareegii ugu dambeeyay.

Waxaa hadda laga sugayaa inuu soo dhiso golaha wasiirada maamulka Puntland, waxaana saacadihii ugu dambeeyay uu waday kulamo wadatashi ah.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
[email protected]

Wararkii ugu dambeeyey ee qorshaha magacaabista gudoomiyaha ajnabiga ah ee Bankiga Dhexe (Xog)

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa qaadday tallaabadii ugu horreysay ee la xiriirtay magacaabista guddoomiyaha cusub ee Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, oo markii ugu horreysay noqonaya qof ajnabi ah.

Caasimada Online ayaa xogtan xasaasiga ah shaaca ka qaaday Jimcihii [Halkan ka aqri], waxaana hadda la isugu yeeray xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya oo la horgeyn doono sharci wax looga beddelayo xeerka Bankiga Dhexe, oo dhigaya in shuruudda koowaad ee laga doonayo qofka xilka guddoomiyaha bankiga dhexe qabanaya uu yahay muwaadin Soomaaliyeed.

Qoraal xildhibaanada loo diray jimcihii ayaa loogu sheegay in “Sabti Tar. 12/1/2019, uu dhacayo shirkii Golaha, Ajendaha looga hadlayana uu yahay:  U codeynta wax ka badelka sharciga Hantidhawraha guud iyo  Xeer Maamul Bankiga dhexe, laakiin 35 daqiiqo kadib waxaa soo baxday wargelin kale oo dib loogu dhigay kulanka.

Si kastaba, kulanka ayaa dib loo dhigay ayada oo fariin kale oo loo diray xildhibaanada lagu yiri “Dhammaan xubnaha xildhibaanada waxaa lagu wargalinayaa in uu baaqday shirkii berito lagu balansanaa oo laga dhigay maalinta isniinta tr.14/1/1/219, Waxaa la farayaa in ay xidhibaanada maqan si deg deg ah ku soo galaan.”

Baaqashada kulanka ayaa timid saacado kadib warbixintii ay Caasimada Online ka qortay arrintan, ayada oo xildhibaano la hadlay Caasimada Online ay sheegeen in arrintan sir ahayd, balse hadda ay guux badan abuurtay oo dowladda ka cabsatay in sharciga la diido.

Wararka qaar ayaa sheegaya in xilkan loo magacaabi doono nin lagu magacaabo Nigel Roberts oo u dhashay dalka Britain muddo badanna kasoo shaqeeyey Bankiga Adduunka, inkasta oo aan si rasmi ah loo xaqiijin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Somaliland oo si rasmi uga hadashay saldhigyada ay siineyso UK iyo Ruushka

Hargeysa (Caasimada Online) – Somalilanad ayaa xaqiijiysay in UK ay dooneyso, ayadana ay diyaar u yahay inay saldhig milatarika siiso magaalada Berbera, waxayna sheegtay inay diyaar u tahay inay dalal kale casuumto.

Axmed Xasan Cigaal oo ah wakiilka Somaliland ee Itoobiya, ayaa wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu u sheegay in wada-shaqeyn milatari iyo saldhig UK oo laga sameeyo Bebera, ay ahaayeen arrimihii looga hadlay kulankii wasiirka difaaca UK, Gavin Williamson uu Hargeysa kula yeeshay madaxda Somaliland, toddobaadkii tagey.

“Haddii dal aad nooga yar oo Jabuuti ah uu saldhigyo badan marti-geliyo, maxaa u diidaya Somaliland” ayuu yiri Cigaal.

Jabuuti waxaa saldhigyo milatari ku leh dalalka Mareykanka, Faransiiska, Talyaaniga, Shiinaha iyo Japan.

“Somaliland waxay muhiimad u tahay UK, dalal badan ayaa doonaya inay halkan saldhigyo badan ka sameystaan, UK aad ayay u xiiseeneysaa middaas” ayuu yiri Cigaal.

Danaha UK ee Somaliland waxaa sidoo kale ka mid ah xoojinta xiriirka dibadeed iyo kan dhaqaalaha, sida uu sheegay Cigaal.

Cigaal ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in Ruushka iyagana laga yaabo inay Somaliland yimaadaan oo ay saldhig ka sameystaan.

“Waxaan dooneynaa inaan casuumno cid kasta oo dooneysa inay yimaadaan Somaliland” ayuu yiri Cigaal, isaga oo tilmaamaya in goor horeba Imaaraadka Carabta uu billaabay hanaan uu saldhig uga furanayo Somaliland.

Sida uu sheegay Cigaal, quwadaha adduunka oo saldhigyo ka samaysta Somaliland, waxay taas ka caawin kartaa inay hesho aqoonsi, waxayna maal-gelin u tahay gobolka oo idil.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

UK oo ergey cusub u soo magacowday Somaliland

London (Caasimada Online) – Dawladda Ingiriika ayaa jamhuuriyadda iskeed isku magacwoday ee Somaliland u soo magacowday ergey cusub, kaas oo bedeli doono haweenay Ingiriiska wakiil uga ahayd Somaliland oo fadhigeedu ahaa Hargeysa.

Warar aan helnay ayaa xaqiijiyay in ergayga cusub magaciisu yahay Stuart Brown, waxaanu bedeli doonaa Rosie Tapper oo madax ka ahayd xafiiska Ingiriiska ee Hargeysa.

Rosie ayaa loo bedelay inay madax ka noqoto qaybta siyaasadda ee safaaradda Ingiriisku uu ku leeyahay magaalada Baqdaad ee Ciraaq.

Ergaygan cusub ayaa toddobaadka dambe soo gaadhi doona magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, oo uu joogi doono labada sannadood ee soo socda, waxaanu xidhiidhin doonaa Somaliland iyo Ingiriiska.

Xiriirka Somaliland iyo UK ayaa sii xoogeysanaya. Toddobaadkii waxay magaalada Hargeysa tegay xoghayaha gaashaandhigga UK, Gavin Williamson oo la kulmay madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

3 arrin oo sababay in qofkii mar madaxnimo loo doorto uusan mar kale soo laaban

Nin caadadii ma daayo, bahalna ceyriin, Soomaaliya,laga soo bilaabo xilligii la qaatay xorriyada, ninkii mar madaxweyne noqda mar labaad masoo laabto. Haddii xittaa isaga isa soo sharxo, markale looma doorto madaxtinimo.

Si kasta, oo uu Xildhibaanada usoo xusho, si kasta, oo uu lacag laabta oogu shubo, si kasta, oo uu balanqaad ugu beer laxowsada, haddana xagaa bay noqdaan wuxuu ku xiiqay. Intay ku cawo seexiyaan cododkooda ayey aakhirki cashar u dhigaan. Isagoo urugeysan ciilna u dheeryahay buu iska carraabaa!

Dad badan baa su’aashaas is weydiiya, asii jawaabteeda weli ka caajisan. Aan halkan idinku soo gudbiyo saddex waxyaabood oo sabab u ah:

1) – Doorashada ka hor, balanqaad fulintooda beenowda!

Siyaasaddu sariig malahoo, Siyaasi kasta oo isu soo sharxa xilka madaxtinimo, ka hor doorashada,  wuxuu sameeyaa balanqaadyo afka ah, asii aan ka imaan dhuunta dacalkeeda, tiiyoo ay dheertahay inuusan ogeyn war iyo wacaal waxa arlada yaal.

Doorashada kadib, halki laga filayay fulinta balamihii uu fagaaraha ka sheegay, ayaa wuxuu bilaabaa ka doorbiidid howlo kale. Balanqaadyadiisu waxba kama soo naasa-cadaadaan.  Bedelkeed, wuxuu  ku dadaalaa ka guul gaarida howlo isaga u gaar ah.

Qaarkood, halkii  balan-oofin laga sugayay, ayey baaba’a ummada u horseedaan.

Ammaanka iyo nabadgalyada ayaan soo celinayaa oraahdiisa aheyd. Dagaal iyo dhiig daata ayaa bedela, dhaqaalahaan kor u qaadayaa halqabsiga ahaana, sicir-barar iyo musuq baa booskaasi buuxiya, caafimaad iyo waxbarasho ayey bulshadu ku naaloon doontaa, cudur iyo tayo xumaa dadku la tacaalaan ayaa bedela.

2) – Xildhibaano cusub oo xilalka la wareega.

Inta badan waxaa dhacda, tartanka kiisa labaad ee doorshada Xildhibaanada, inay baarlamaanka soo galaan, wejiyo cusub, kuwaasoo ka duwan kuwii hore, ka xamaasadeysan Xildhibaanadi hore, kana xisaab badan. Waxay taasi sababtaa, in Xildhibaanadaasi is bedel sameeyaan, maadaama iyaga curdun yihiin ayey doorbidaan madax cusub. Wallow ay jiraan xildhibaano kursiga kusoo laabta, haddana dhirta masaartii laga jaray baa dib loogu jaraaye, isla iyagii oo uu soo xushay ayaa xilka ka xayuubiya 

3) – Xiiso-Xunbeedka Soomaalida

Horaaa loogu maahmaahay “Xunbo iyo xiisaba way dhacaan” Ogow soomalid, been way sheegtaaye kuma maahmaahdo.

Dhab ahaantii, soomaalida waa bulsho ku duwan dhankasta umaddaha  kale, gaar ahaan xagga dhaqanka. Waxaa lagu tiriyaa inay yihiin bulsho xiiso gaaban. Waxaana taas cadeyn kaaga filan, sida dhacdooyinka ama xaaladaha soo wajaha u gaarsiiyaan heerka ugu sarreeya, dhanka ugu sarreeysana ka eega, si xagjirnimana ula macaamila, taasoo ugu danbeyn sababta in xiiso-go’eedu soo degdego. Tusaale hakaaga filnaato dhacdooyinkii xasaasiga ahaa ee dalka soo maray iyo sida fudud ee loo iloobay.

W/Q  Abdinasir Safaana
Email: [email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Gabadhii Sacuudiga ee ka soo carartay qoyskeeda oo magan-galyo ka heshay dal kale una dhooftay xalay

Bangkok (Caasimada Online) – Gabar Sacuudiyaan ah oo kasoo carartay qoyskeeda kuna xanibneyd garoonka diyaaradaha magaalada Bangkok ee dalka Thailand, ayaa xalay u dhooftay dalka Canada kadib markii magan-galyo la siiyey.

Rahaf Mohammed al-Qunun oo 18 jir ah ayaa isku dayeysay inay iska dhiibto dalka Australia markii lagu celiyey garoonka Bangkok oo loo sheegay inay ku laabato dalka Kuwait oo ay qoyskeeda ku sugayeen.

Waxa ay diiday inay dib ugu laabato qoyskeeda waxayna isku xirtay qolka hotel ku dhex-yaalla garoonka diyaaradaha, ayada markii dambena kadib ka baxday diinta Islaamka, sida ay sheegtay.

Ra’iisul wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa weriyayaasha u sheegay “Canada way caddeysay inaan mar walba u taagganahay difaacidda xuquuqda adanaha iyo xuquuqda haweenka dunida oo dhan. Markii QM ay naga codsatay inaan siino magan-galyo, waan aqbalnay”.

Canada ayaa hadda ka hor ka carreysiiyey dowladda Sacuudiga, markii ay ku baaqday in lasii daayo haweenka u dooda xuquuqda aadanaha ee lagu xiray dalka Sacuudiga, taasi oo keentay in Riyadh ay soo cayriso safiirka Canada, islamarkaana joojiso ganacsigii kala dhaxeeyey dalkaas.

Sheekada Rahaf Mohammed al-Qunun ayaa soo jiidatay indhaha caalamka oo idil, waxaana aad uga hadlay uguna dooday warbaahinta, dowladaha iyo shacabka reer galbeedka.

Caasimada Online
Xafiiska Kuala Lumpur
[email protected]

Maxaa dib u dhigay kulanka xasaasiga ah ee BF uu ku yeelan lahaa Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa xalay fiidnimadii helay ogeysiis la xiriiray inay maanta yeelanayaan kulan looga doodayay dhowr qodob.

Xildhibaanada ayaa lagu wargeliyay inay maanta ka doodi lahaayeen labo qodob oo kala ah u codeynta wax ka badalka sharciga Hanti dhowrka iyo Xeerka maamulka Bangiga Dhexe, sida ku qorneyd fariimaha loo dilay xildhibaanada.

Laakiin xildhibaanada ayaa markale loo diray fariimo kale oo loogu sheegayo in dib loo dhigay kulanka maanta ay yeelan lahaayeen, waxaana la cadeyn sababta arintaasi ka dambeysa.

Warar aan heleyno ayaa sheegaya in xildhibaanada ka maqan dalka lagu wargeliyay inay si deg deg ah u yimaadaan Muqdisho, waxaana muuqata yaraanta Kooramka iyo ahmiyada qodobada ay leeyihiin.

Sidoo kale waxaa muuqata xasaasiyada uu lahaa kulanka laga doodi lahaa, maadaama Bangiga Dhexe loo dhiibay qof Ajnabi ah.

Sababta xildhibaanada loogu yeeray ayaa ah in lasoo xirayo kalfadhiga Afaraad ee baarlamaanka, kadibna ay fasax geli doonaan ka hor inta aan la gaarin Kalfadhiga Shanaad.

Xildhibaanada golaha shacabka ayaa kulankooda caadiga ah yeesha maalmaha Sabtida, Isniinta iyo Arbacada, waxaana maanta muuqato inuu baaqanayo kulankooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Somaliland oo dad u xirtay dhaawaca agaasimaha wasaarada caafimaadka

Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa sheegay ina xabsiga dhigeen askari ka tirsan ciidamada oo dhaawac u geystay agaasimaha wasaaradda caafimaadka Somaliland.

Agaasimaha wasaaradda Caafimaadka Maxamed Cabdi Xergeeye, ayaa shalay lagu dhaawacay magaalada Hargeysa, kadib markii uu ku baxay xarun wasaaradda leedahay oo la doonayay inay shaqsiyaad dhistaan.

Agaasimaha ayaa waxaa dhaawac uu kasoo gaaray lugaha, waxaana uu sheegay in xaaladiisa caafimaad ay wanaagsan tahay, islamarkaana uu soo wadan karo shaqadiisa, isaga oo saxaafadda kula hadlay xafiiskiisa.

Wararka ayaa sheegaya in Xergeeye uu ka dhaawacmay bowdada, balse xabadda ayaa la sheegay inay hilibka ka dhex baxday, islamarkaana ma jirto jab lafta ka gaaray, sida dhaqaatiirta ay xaqiijiyeen.

Sidoo kale waxaa soo baxaya in wasaaradda ay dooneysay in askariga iyo dad kale oo shacab ah la doonayay in laga raro goob ay leedahay wasaaradda, halka askariga uu doonayay inuu goobta dhisto.

Masuuliyiinta SOmaliland ayaa sheegay inay qabteen askariga falkaasi, islamarkaana xabsiga la dhigay askarigaasi, iyo dad kale oo doonayay inay xoog ku dhistaan xarunta ay leedahay wasaaradda.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Maamulka G/Banaadir oo baajiyey muxaadaradii Sheekh Kenyaawi iyo Sheekha oo ka hadlay + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa codsaday in la baajiyo muxaadaro Sheekh Kenyaawi doonaayay in uu qabto Hoolka Sahal oo ku yaalla agagaarka Garoonka Aadan Cadde.

Mas’uuliyiinta gobolka Banaadir, waxa ay sheegeen in ay ka taxadarayaan Ammaanka dadka Shacabka ee goobta soo gaaraya.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka Amniga iyo Siyaasadda gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa sheegay in uu codsaday baajinta Muxaadaradda, Maadaama dadkii la filayay kuwo ka badan ay soo xaadireen goobta oo isbuurasho ay ka dhacday.

“Dadweynaha kasoo qeybgalay muxaadarada Sheikh Kenyaawi waxaan u sheegaynaa in goobta muxaadarada loogu talgalay inay ka dhacdo iyo tirada dadka raba muxaadarada inay is qaadi waysay sidaas daraadeed anaggoo oo fiirinayna Amniga iyo nabadgalyada dadkaas waxaan Sheikha ka codsanay in la baajiyo muxaadarada iyo inaan goob ka weyn Hoolka Sahal aan ugu qaban doono shacabka Muxadaradiisa jecel” ayuu yiri Guddoomiye Tuulax.

Goobtii Galabta lagu qaban lahaa Muxaadarada ayaa waxaa buux dhaafiyay kumanaan ruux taas oo keentay in dadku isbuurtaan, waxaana warar aan helnay ay sheegayaan in rasaas ay fureen ciidamo ka tirsan dowladda ay ku dhaawacmeen saddex qof oo ka mid ahaa dadkii muxaadarada halkaasi u tegay.

Dhinaca kale Sheekh Kenyaawi ayaa arrintan ka hadlay, hoos ka daawo 

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xog: Nin ajnabi ah oo loo magacaabayo gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay nin ajnabi ah u magacowdo inuu noqdo guddoomiyaha bankiga dhexe ee Soomaaliya, Caasimada Online ayaa sidaas ogaatay.

Waxay noqon doontaa markii ugu horreysay taariikhda Soomaaliya oo qof ajnabi ah uu xilka qabto.

Jagadan ayaa waxaa bishii August ee sanaddii 2018, si caalami ah loogu xayeysiiyey wargeyska caalamiga ah ee arrimaha dhaqaalaha ee The Economist. Shuruudaha lagu qoray wargeyska ka mid ahayn in qofka qabanaya xilkan uu noqdo Soomaali.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in toddobaadkan ay mas’uuliyiinta dowladda ay isku raaceen qofkii xilkan loo dhiibi lahaa, laguna dhawaaqo doono dhowaan.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sidoo kale sheegeysa in baarlamanka Soomaaliya la horgeen doono sharci wax looga beddelayo xeerka Bankiga Dhexe, oo dhigaya in shuruudda koowaad ee laga doonayo qofka xilka guddoomiyaha bankiga dhexe qabanaya uu yahay muwaadin Soomaaliyeed.

Wararka qaar ayaa sheegaya in xilkan loo magacaabi doono nin lagu magacaabo Nigel Roberts oo u dhashay dalka Britain muddo badanna kasoo shaqeeyey Bankiga Adduunka, inkasta oo aan si rasmi ah loo xaqiijin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Guddiga doorashooyinka qaranka oo xilka ka qaaday ku-xigeenka guddoomiyaha

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka qaranka ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey inay maanta xilka ka qaadeen guddoomiye ku-xigeenka guddiga Sayid Cali Sheekh.

Qoraal kasoo xafiiska guddiga waxaa uu u qornaa:-

Sawirro: Saraakiil lagu soo tababaray Turkiga oo maanta dalka dib ugu soo laabatay

Muqdisho (Caasimada Online) – In ka badan Boqol xubnood oo isugu jirta Saraakiil iyo Saraakiil xigeenno ayaa Maanta Dalka dib ugu soo laabtay, markii ay tababar Ciidan ku soo qaateen Dalka Turkiga.

Wasiirka Gaashaandhigga ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Maxamed (Ammar dambe) oo ka mid ahaa Madaxdii ku soo dhoweysay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ayaa si weyn uga mahad celiyay Dowladda Turkiga oo dedaal weyn ugu jirta sidii ay Soomaaliya u dhisan lahayd Ciidankeeda.

Sidoo kale wuxuu Wasiirku bogaadiyay dedaalkii ay geliyeen dhismaha Ciidanka Madaxweynaha Dalka Maxamed C/llahi Maxamed iyo Ra’iisulWasaare , Xasan Cali Kheyre, wuxuuna sidoo kale ammaanay hammiga Dhalinyarada soo qaadatay tababarka ee ah difaaca Dalkooda Hooyo.

Dowladda Turkiga ayaa wadda qorshe lagu soo celinayo tayadii uu Ciidanka Xooggu lahaa, iyadoo Dalkeeda u qaadday Dhalinyara badan oo halkaasi lagu soo leylinayo, waxanay sidoo kale Magaalada Muqdisho ka furtay Saldhig lagu carbiyo Ciidanka Difaaca, halkaasoo ay kasoo baxeen dufcado dhowr ah.