26.6 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Waxii sababay dabkii xalay ka kacay suuqa Bakaaraha oo la ogaaday + Khasaaraha

Muqdisho (Caasimada Online) – Xalay saqdii dhexe ayaa lagu guuleystay in la damiyo dab ka kacay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, kaasi oo ku faafay meelo badan oo suuqa kamid ah.

Dabka oo bilowday abaaro 09:20 pm xiliga Muqdisho ayaa la damiyay 12:00 am saqdii dhexe, iyadoo gaadiidka dab damiska ee gobolka iyo kuwa shirkadaha gaarka ah ay ka qeyb qaateen daminta dabka.

Wuxuu ka bilowday dabka qeybta Suuqa Huudheyda, waxaana uu markii dambe  gaaray qeybta maacuunta iyo qeybta hilibka ariga lagu iibiyo ee Suuqa Bakaaraha, sida ganacsatada ay sheegeen.

Hanti badan ayaa dabka ku bas beeshay, waxaana markii dambe laga hortagay inuu ku faafo qeybo kale oo Suuqa kamid ah, kadib dadaal dheer oo la sameeyay.

Wararka dheeriga ah ee soo baxaya ayaa sheegaya in dabka uu ka bilowday koronto, sida ay xaqiijiyeen qaar kamid ah ganacsatada Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay inay wadaan baaritaanka ku aadan waxyaabaha soo celceliyay in suuqa weyn ee Bakaaraha uu dab ka kaco, waxaana dababkii ugu dambeeyay ay kabilowdeen Koronto.

Ganacsato badan ayaa hantidooda kala baxay xalay Suuqa, iyaga oo ka baqayay in dabka uu gaaro goobahooda ganacsiga, waxaana dabkii xalay uu dhulka dhigay guryo badan, iyadoo hanti badan oo wali aan la tiro koobin ay ku baaba’day.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Puntland: Arrin xiiso leh oo ka dhalatay doorashada oo ka taagan Garowe iyo xildhibaanno la haysto

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Garowe ayaa sheegaya in saacadihii ugu dambeeyay aad loo hadal hayo arin ku cusub siyaasadda Soomaaliya, kadib markii mid kamid ah musharixiintii laga guuleystay uu ku dhagay xildhibaano badan.

Wararka ayaa sheegaya in xildhibaanada baarlamaanka ay ka qaateen mid ka mid ah musharixiintii laga guuleystay dhaqaalo badan islamarkaana ay ka codeeyeen, waxaana taasi ay dhalisay in musharaxa uu lacagaha uu kasoo ceshado xildhibaanada qaar.

Arintaan ayaa aad looga hadal hayaa magaalada Garowe, waana markii ugu horeysay oo laaluush lagu kala qaatay doorasho la isku qabsado, sida xogaha aan ku heleynana inka badan 10 xildhibaan ayaa iska celiyay lacagaha.

Guddi loo xilsaaray inay soo celiyaan lacagaha laga qaatay Musharixiinta ayaa so hoose looga magacaabay magaalada Garowe, waxaana odayaasha dhaqanka ee beelaha qaar ay dalbadeen in xildhibaanada ku beesha ah ay iska celiyaan haddii lacago ay qaateen.

Odayaal shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe ayaa xildhibaanada ka dalbaday inay dib u celiyaan lacagaha, waxaana wararka ay sheegayaan in ku dhawaad 50 ilaa 70 kun ay xildhibaanada qaar ay qaateen.

Madaxweynaha talada Puntland loo doortay ayaa wareysi uu siiyay BBC ka sheegay  in doorashadiisa aysan ku jirin wax laaluush ah.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

“Axmed Karaash waa nin jabhad ah waa dhici kartaa inuu Somaliland weeraro”

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee wasaaradda biyaha Somaliland Baashe Cali Jaamac oo hadda ka tirsan saraakiisha xisbiga Wadani ayaa ka hadlay waxay Somaliland kaga dhigan tahay doorashadii ka dhacday magaalada Garowe.

Baashe Cali Jaamac, ayaa ugu horeyn sheegay inuu la dhacsan yahay hanaankii wanaagsanaa ee ay ku dhacday doorashadii seddex maalin ka hor ka dhacday magaalada Garowe ee lagu doortay madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Wuxuu sidoo kale sheegay in horumar ay gaaraan maamulada kale ee Soomaaliya ay ka dhigan tahay inay Soomaaliya oo dhan horumar gaareyso, isaga oo sheegay in hanaan dimuqraadiyadeed ay ku dhacday doorashada.

Wuxuu si gaar ah kaga hadlay doorashadii uu kusoo baxay madaxweyne ku xigeenka maamulka Putland Axmed Karaash oo deegaan ahaan kasoo jeeda gobolka SOOL.

Baashe Cali, ayaa sheegay in ninkaasi uu yahay nin dagaalka wax ka yaqaan, islamarkaana ay jirto cabsi ah inuu Somaliland uu dagaal kusoo qaado, maadaama marar badan uu dagaalo ka qeyb qaatay, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxay ku keeni kartaa inuu dagaal qaado, waayo ninkaan waa nin jabhad ah oo ilaa Kalshaale kasoo dagaalamay, marka wey dhici kartaa, Sababtana inagaa leh oo waa inagii Tukaraq weerar ku qaadnay eeda anagaa leh, iima muuqato in weerarkii Tukaraq dhul lagu soo celinayay”ayuu yiri Baashe Cali.

Wuxuu sidoo kale sheegay in weerarkii ka dhacay deegaanka Tukaraq uu ahaa mid dad badan oo deegaankiisa ku sugnaa lagu barakiciyay, islamarkaana Somaliland ay askar badan kaga dhimatay.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Sacuudiga, Imaaraadka iyo Israel oo dejiyey qorshe ka dhan ah Turkiga (Warbixin)

Qaahira (Caasimada Online) – Dalalka Sacuudiga, Imaraaadka iyo Israel ayaa yeeshay kulan qarsoodi ah oo looga hadlay sidii dowladda Bashar al-Assad dib loogu soo celin lahaa xubinamdeeda Jaamacadda Carabta, si loo wiiqo saameynta Turkiga ee gobolka.

Saraakiil sirdoon oo sare oo ka socda saddexdan dal, ayaa bishii tagtay ku kulmay mid ka mid ah caasimadaha dalalka Khaliijka, halkaasi oo lagu dejiyey qorshayaal dhowr ah oo ka dhan Turkiga, sida uu weriyey website-ka caanka ah ee Middle Ease Eye.

Waxaa sidoo kale kulanka looga hadlay sidii wax looga qaban lahaa culeysyada caalamiga ah ee Sacuudiga uu kala kulmay dilkii weriye Jamaal Khaashuqji, oo Turikiga uu hogaaminayey.

‘Xubnihii ka qeyb galay kulanka waxay isku raaceen in Turkiga uu halis ku yahay dhammaantood, ayna tahay inay si wada jir ah u wajahaan” ayuu yiri qof ka qeyb galay kulanka.

Agaasimaha hay’adda sirdoonka Yahuudda ee Mossad, Yosi Cohen ayaa u sheegay dhiggiisa dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka inaysan waxba ka wel-welin Iran, balse ay iska ilaaliyaan Turkiga.

“Awoodda Iran waa mid jilicsan, halista dhabta ah waxay idin kaga imaneysaa Turkiga” ayuu Cohen u sheegay madaxa sirdoonka ee Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Maadaama Turkiga dagaal siyaasadeed kala dhaxeeyo Suuriya, in dib loogu soo celiyo Suuriya Jaamacadda Carabta ayaa loo arkay mid sii cidleyn karta Turkiga, islamarkaana abuuri karta xulufo Carbeed oo kasoo wada horjeeda xukuumadda Ankara.

Wixii markaas ka dambeeyey ayaa waxaa mar qura socdaallo isdaba joog ah ku tagay dalka Suuriya, madaxda dalal Carbeed oo dhowr ah, ayada oo xitaa Imaaraadka uu dib u furay safaaraddiisa magaalada Dimishiq.

Loolanka ka dhaxeeysa Sacuudiga iyo Turkiga ayaa la rumeysan yahay inuu yahay mid ka mid ah sababaha dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan uu ula saaxiibay Yahuudda, ayada oo meeshana ay ka marneyn loolanka Sacuudiga iyo Iran.

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
[email protected]

Xog: Dibadbax ka dhan ah hadalkii Deni oo maanta ka dhacaya Laascaanood

Laascaanood (Caasimada Online) – Sida ay ol-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimadda Online, waxaa la filayaa in maanta salaada Jimce kaddib dibad bax ka dhaco magaalada Laacaanood.

Dibad baxan ayaa la sheegay in uu daba joogo hadalkii ka soo yeeray Madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland Saciid Cabdullahi Deni oo sheegay in Somaliland ay kusoo xadgudubtay Puntland.

Waxaa hadalkaas ka jawaabay Wasiirka Biyaha ee Somaliland Saleebaan Cali Koore oo ka soo jeeda gobolka Sool.

Hadaladaas la’is dhaafsaday ayey suurtagal tahay in ay markale collaadi ka dhacdo gobolka Sool gaar ahaan aagga Tukaraq oo ay ciidamada Puntland iyo ciidamada Somaliland isku horfadhiyaan.

Bulshada reer Laascaanood oo u arkay hadalka Deni mid gef ah ayaa la filayaa in ay darenkooda banana bax ku cabiraan.

“Wax iska caadi ah ayey noqotay in hogaamiyeyaasha Puntland ay collaada gobolka Sool ka dhigtaan wax lagu kaambeen gareeyo maalmaha doorashada iyo marka uu madaxweyne waqtigiisa sii dhamaanayo “, waxaa sidaas Caasimada u sheegay mid ka mid ah dhallinyarada dibad baxa soo qaban qaabisay.

“Waxan u sheegeynaa madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland in reer Sool in lagu dul dagaalamo dooneyn oo hadda haystaan nabad ee madaxda maamulkaas yeysan xaalad abuur noqon,” ayuu raaciyey hadalkiisa shaqsiga noo warramay oo codsaday in aan la xusun.

Hase ahaatee, iyada oo ay maamulada Somaliland iyo Puntland ku dagaalamaan gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn, hadana dadka ku dhaqan deegaankaas ma rabaan labada dhinacba oo ay waxa ay doonayaan maamul iyaga u gaar ah.

Caasimada Online
Xafiiska Laascaanood
[email protected]

Sidee ayuu hadalkii Saciid Deni u saameyn karaa midnimada Soomaaliya?

Garoowe (Caasimada Online) – Hogaamiyaga cusub ee maamulka Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa wareysi dheer siiyey BBC oo uu uga hadlay arrimo badan.

Wareysiga uu Deni bixiyey oo ahaa kii ugu horreeyey tan iyo markii la xushay salaasadi, ayuu uga hadlay waxyaabaha uu doonayo in uu maamulka Puntland ka qabto, arrimo la xiriira Somaliland iyo dowladda Federal-ka ah.

Arrinta Somaliland ee uu ka hadlay ayaa ku saabsaneyd muranka dhulka ah ee u dhexeeya labada dhinac, isaga oo sheegay in Somaliland soo xadgudubtay oo ay tahay in ay dib ugu laabtaan fariisimahooda ama waqtiga uu celin doono (Dagaal).

Hadaba muxuu saameyn ah oo uu yeelan karaa hadalkaas, sidee uu u dhaawici karaa midnimada Soomaaliya?

Caadiyan Puntland waxa ay caqabad ku ahayd dowladnimada Soomaaliya, iyada oo ay xukumadaha Villa Somalia dhibaato iyo is jiid jiid siyaasadeed kala kulamayeen hoggaan kasta oo soo maray maamulkaas.

Hase ahaatee, hadalka Deni ee ku soo aaday isaga oo aan maalmo joogin waxa uu collaad ka abuuri karaa Gobolada Sool, Sanaad iyo Cayn.

Sida la ogyahay Puntlad ilaa iyo 2007 gacanta kuma ahayn magaalada Laascaanood oo ah xarunta Gobolka Sool, taas oo muujieysa sida shacabka deegaankaas ay ugu qaacsan yihiin Somaliland.

Hadalka Deni waxa uu meel xun dhigi karaa wadahadalka u socda ama la rabo in la dardar galiyo ee Soomaaliya iyo Somaliland, maadama waxa wada hadalyada ay yihiin goboladii Waqooyi oo maamul sameystay iyo Soomaaliya-da Koonfuureed.

Haddii Deni ku adkeysto hadalada xanafta leh ee uu hawada u marinayo Somaliland, waxaa ka dhalan kara dagaal taas oo meesha ka sii saari doonta wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland.

Deni waxaa habboon in uu ku ekaado maamulkiisa oo uusan dhibaato ku noqon midnimada umadda Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

Islaamka iyo cilmaaniyadda

Qormaddii kowaad

Hordhac

Laga soo bilaabo horaantii qarnigii 18aad waana mar kuu ka soo if-baxay fikirka cilmaaniga ahi qaaradda Yurub ,waxa kordhayay labada kooxod oo kala ah kuwa aamisan fikirkan iyo ka soo horjeeda , waxana soo if-baxay khilaaf la xiriira sharciyada fikirkan gar ahaan markuu soo galay waddamada muslimka ah horaantii qarnigii hore.

Bal waxa aynu isku dayeynaa in aynu dib u eegno fikirkan taariikh ahaan , aragti ahaan iyo doodaha uu ku dhisan yahay fikirkani . inagoo taxane qormooyin ah ku sharaxi doona mawduucan laga soo bilaabo markuu dhashay ilaa markii uu soo galay waddamada muslimka ah.

Qeexitaanka Cilmaaniyadda:

Al-cilmaaniya  waa eray af Carabi ah, oo asalkiisuna ka yimi eray af Ingiriisi ah, kaasi oo ah secularism. Eraygani secularism oo micnihiisu af ingriis yahay sida ku xusan Cambridge advanced learners dictionary :“ the belief that religion should not be involved with the ordinary.

Social and political activities of a country “.[1] Qeexitaankan oo macnihiisu noqonayo haddii aynu af-soomaali u rogno sidan :“ Aaminaadda in aysan diintu soo faragalin arimaha bulshada iyo dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee dalka ”.

Kaasi waxa uu ahaa qeexitaanka qaamuuska CALD, laakiin hadda waxa aynu bal eegaynaa waxa ay cilmaaniyiintu ku qeexaan fikirkooda ,tusaale ahaan , Roger Williams waxa uu ku qeexay cilminaayida “ gidaarka kala qaybiya dowlada iyo kaniisada ” .[2] halka uu qoraagii reer Masar ee Faraj Fowda uu ku tilmaamayo cilmaaniyadda isla qeexitaankan oo kale .

Waxa xusid mudan in markii ugu horeysey ee la isticmaalo erayga secularism inay ahayd sanadkii 1851, waxaana isticmaalay qoraaga biritishka ah ee George Jacob Holyoake si uu u qeexo aragtidiisa ku aadan kala saaritaanka diinta iyo dowladda .[3]

Taariikhda cilmaaniyadda :

Wadamada reer galbeedka

Fikirka ku dhisan kala-saaritaanka diinta iyo dowlada waxa uu kasoo if baxay qaaradda yurub bilowgii qarnigii 16aad xiligaas oo uu socdey loollan ka dhexeeyey kaniisadda iyo saynis-yahanadii xiligaas sida Galileo Galilei , Nicolaus Copernicus IKK.

Kaniisadu sida aynu ku sharixi doono qormooyinka soo socda insha’allah waxa ay colaad iyo dagaal ku qaaday raggaas iyo kuwa la midka ahaa iyadoo ka cabsi-qabtay in horumarka xaga aqoonta iyo saynisku saamayn taban ku yeelan doono awoodeeda siyaasadeed ee bulshada iyo dalka.

Balse loollankani waxa uu meeshii ugu sarreysey gaadhey xilligii uu socdey kacdoonkii faransiiska ee intii u dhexaysey bisha May 5, 1789kii ilaa bishii Nov 9, 1799kii ,kaas oo sababay in la dilo boqorkii faransiiska ee Louis XVI iyo rag badan oo ka tirsan kaniisadda .

Kacdoonku waxa uu sababay in kooxihii ka soo horjeeday kaniisadda ay aas’asaan baarlamaankii ugu horeeyay ee ay ugu badan yihiin cilmaaniyiintu sanadkii 1891. Fikirkii cilmaaniga ahaana waxa uu ku sii xoogsaday dalka Jarmalka oo xiligiis uu dhaqdhaaqaqii Protestantism-ku uu ka socday dalkaas.

Wadamada muslimka ah

Fikirkan cilmaaniga ah waxa uu wadamada muslimka ah soo galay waqtigii gumaystuhu haystay, waxaana uu ka soo galay dalka Masar xilligii uu ingriisku gumaysanayey laga bilaabo 1882 ilaa 1913. waxaana fikirkan qaatay rag badan oo ka tirsan kiristaanka dalka Masar sida : shabal shamiil, Farax Atwan, Joorji Saydan IKK. waxa ayna saameeyeen kooxa muslim ah sida Qaasim Amiin , Axmed Sayid [ 6] IKK..

Hadaynu u soo dhaqaaqno dhanka waqooyi iyo Turkiga oo ah dalka ay ugu awoodda badan yihiin cilmaaniyiintu waxaynu arkaynaa in fikirkani uu soo galay markii ay dhacday khilaafadii cusmaaniga ahayd ee sanadkii 1918-kii. markaas oo uu maamulka si xoog ah kula waregey ninka loo yaqaanno Kamaaludiin Ataaturk [erayga Ataturk micnihuusa waa Aabaha turkida] isaga oo mamnuucay dhammaan astaamaaha islaamiga ah sida: Akhriska iyo barashada quraanka.

Xirasha dharka ay ka muuqato astaan muslim , Adanka oo af-Turki loo badelay , khamriga iyo dhilaysiga oo la fasaxay ilaa uu gaadhay dakhliga ay dowladu ka faa’ido ku dhawaad 4 bilyan!!

Sanadkii hore ee 2018 [ 5]. intaa ka dib waxa uu fikirkani u sii gudbay wadamo badan oo muslim ah sida Tuunis, Bangaaladheesh, Al-Jasaa’ir IKK.

Q/W Salman Siciid Ibrahim, MA

Mahadsanid

References

1.CU (2008) . Cambrige advanced learners dictionary. third edition . Cambridge University Press

  1. Journal of Concordatwatch . Roger Williams erects a wall between church and state (Article)

3.Holyoake, G.J. (1896). English Secularism: A Confession of Belief.

Sawirro: Wararkii ugu dambeeyey ee dabka ka socda suuqa Bakaaraha

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa socda dadaalo lagu doonayo in lagu damiyo dabka caawa ka kacay qeybo kamid ah Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Waxaa cirka qabsaday Qaac iyo olol laga arki karo meelo badan oo Muqdisho kamid ah waxaana sdioo kale la maqlayaa dhawaqa risaasta oo dhanka Bakaraha ka dhacayso, waxa ayna u badantahay in lagu kala eryayo dadka.

Dad ku dhaw suuqa Bakaaraha kana mid ah ganacsatada hantida kaga jirto suuqaasi aya inoo sheegay in qeybta Huudheyda iyo qeybta Maacuunta ay u badantahay in dabkaasi uu ka kacay, lamana ogaan karo xaalada rasmiga ah ee caawa ka taagan Bakaaraha.

Wararka qaar ee laga helayo Suuqa Bakaaraha ayaa sheegaya in Dabkaasi uu ka dhashay Koronto.

Ilaa iyo haatan lama oga khaasaraha rasmiga ah ee dabkaasi ka dhashay balse waxaa kusii socda Bakaaraha gaadiidka dab damiska.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

War ka cusub qunsulkii ay Itoobiya usoo magacowday maamulka Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland soo gaadhay qunsulka cusub ee ay dawladda Itoobiya u soo magacowday Somaliland danjire Shamsudiin Axmed Rooble.

Ma jiro wax war ah oo ay Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland iyo Qunsuliyada Itoobiya ka soo saareen imaanshaha qunsulka cusub, laakiin warar aa helnay ayaa xaqiijiyay in Shamsudiin uu arbacadii ka soo degay madaarka Cigaal ee Hargeysa.

Ma jirin cid ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland oo qunsulkan cusub ku soo dhawaysay madaarka Cigaal.

Danjire Shamsudiin ayaa bedeli doona qunsulkii hore ee Itoobiya Berhe Tesfaye oo muddo toban sannadood ah ahaa qunsulka Itoobiya u jooga Hargeysa.

Qunsulkan cusub ayaa ah diblomaasi sare oo Itoobiya safiir uga soo noqday dalalka Kenya iyo Djibouti, waxaanu ka mid yahay diblomaasiyiin tiro badan oo ay Itoobiya u magacowday safaaradaheeda iyo qunsuliyadeedaha dunida ku kala yaala.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Dhageyso: Somaliland oo sheegtay inuu la-yaab ku noqday hadalkii Deni

Hargeysa (Caasimada Online) – Iyadoo dhawaan maamulka Puntland ay doorteyn Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi majaraha u qaban lahaa Shanta sano ee soo socoto ayaa waxaa durbadiiba soo baxaya eedeymo Somaliland ay u jeedinayso Puntland.

Madaxweynaha csusub ee maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa wareysi uuu dhawaan siiyaay BBC-da ayuu ku sheegay dhulka ay ku dagaalayaan Somaliland iyo Puntland ay si sharci ah u leeyihiin Puntland.

Waxaa hadalkaasi ka jawaabay Somaliland oo iyana dhankeeda sheegtay in wax laga xumaado ay tahay in madaxweynaha cusub ee Puntland uu doonayo in coolada kala dhexeyso Somaliland uu sii huriyo.

“Waxaan is leheyn madaxweynaha cusub ee la doortay ee Puntland, wuu ka duwanyahay midkii hore, laakiin kama aynan fileyn in uu sidii midkii ka horeeyay uu isagana colaad u doonayo” sidaasi waxaa maanta magaalada Hargaysa ka sheegay wasiirka Biyaha Somaliland Saleemaan Cali Kore.

Waxa ay u muuqataa in weli wax xal ah aanan loo heynin dagaalada soo laablaabtay ee u dhaxeeya Somaliland iyo Puntland.

Hoos ka dhageyso codka Saleemaan Cali Kore

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected] 

Independent oo qoray in UK ay joojisay safar Muqdisho uu ku tagi lahaa wasiirka difaaca UK iyo sababta

London (Caasimada Online) – Wargeyska The independent ee kasoo baxa London ayaa qoray in xiisad siyaasadeed oo xooggan ay ka dhex oogan tahay dowladaha Soomaaliya iyo UK.

Wargeyska ayaa sheegay in go’aankii dowladda Soomaaliya ay ku cayrisay wakiilkii QM ee Soomaaliya Nicholas Haysom uu sababay in UK ay joojiso safar la qorsheeyey in wasiirka difaaca dalkaas Gavin Williamson uu ku tago magaalada Muqdisho.

Wargeyska waxa uu sheegay in Williamson uu la kulmi lahaa madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda, hase yeeshee UK ay baajisay safarkaas ayada oo u muujineysa Muqdisho, sida aysan ugu qanacsaneyn go’aanka lagu cayriyey Haysom.

Williamson ayaa taas beddelkeeda booqday magaalada Hargeysa, halkaasi oo uu kulmay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi.

Britain ayaa golaha ammaanka ee QM hor-dhigtay bayaan sabtidii la isku raacay oo golaha uu ku muujiyey sida uu uga xun yahay go’aanka dowladda Soomaaliya ay ku cayrisay Haysom.

Wargeyska waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya aysan wax fal-celin ah ka sameyn bayaanka UK ee golaha ammaanka iyo joojintii safarkii la qorsheeyey inuu Williamson ku tago magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Muqdisho: Gabar dib loogu soo celiyey guri xoog looga haystay sanado + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa Maano Maxamed Caamir oo ah Muwaadin Soomaaliyeed oo si sharci darro ah looga haystay gurigeeda ku Wareejiyey oo ku yaalla degmada Shibis.

Guddoomiyaha Gobolka ayaa markii uu eegay dhammaan sharciyadii la soo bandhigay oo soo maray heerarka kala duwan, isla markaana u caddaatay in Maano Maxamed Caamir ay leedahay gurigan, waxuu si rasmi ah ugu wareejiyey furayaasha gurigeeda.

Duqa Muqdisho ayaa xaqiijiyey in Maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay ilaalinta sharciga iyo caddaladda bulshada, lagana hortagayo cid walba oo doonaysa in ay ku xad-gudubto hantida muwaadiniinta.

Sidoo kale, waxuu digniin u jeediyey dadka ku dacwoonaya sharciyada been abuurka ah ee ku baneysanaya hantida dadka masaakiinta ah in tallaabo adag ay mudan doonaan, gacanta sharciguna gaari doonto.

“Marna ma aqbalayno in Muwaadiiniinta Soomaaliyeed ay guryahooda xoog uga haystaan dad ku dacwoonayo sharciyo been abuur ah, Maamuulka Gobolka Banaadir waxuu mar walba u taagan yahay yahay ilaalinta nafta iyo maalka shacabka ku nool Caasimadda”.

Maano Maxamed Caamir ayaa uga mahadcelisay Madaxda Qaranka iyo Guddoomiye Eng. Yarisow soo celinta gurigeeda oo muddo badan ka maqnaa.

Sawirro: Madaxweyne Deni oo la kulmay musharixiintii uu xilka kaga guuleystay

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa magaalada Garowe kula kulmay musharixiintii uu kaga guuleystay xilka madaxweynaha iyo kuwii isaga u tanaasulay.

Kulan ka dhacay magaalada Garowe oo Qado Sharaf ahaa ayaa kadib madaxweynaha cusub ee Puntland wuxuu la hadlay musharixiinta kula tartantay doorashadii ka dhacday magaalada Garowe.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Puntland kaligii uusan waxba ka qaban karin, islamarkaana uu u baahan yahay in musharixiinta ay kala shaqeeyaan sidii loo hormarin lahaa deegaanka.

Doorashadii ka dhacday magaalada Garowe ayuu sheegay inay ka dhigan tahay inay dhamaantood wada guuleysteen, waxaana uu ka codsay inay kala shaqeeyaan horumarinta deegaanka.

Madaxweynihii hore ee Puntland iyo ku xigeenkiisii ayaa qeyb ka ahaa kulanka maanta ka dhacay magaalada Garowe.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
[email protected]

 

 

Kheyre oo magacaabay guddiga badbaadinta iyo soo celinta hantida qaranka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa maanta magacaabay guddiga badbaadinta iyo soo celinta hantida qaranka.

Guddigan ayaa shaqadiisa tahay inuu xaqiijiyo ilaalinta iyo bad-baadinta hantidii qarankii ee ay lahayd dowladii dhexe ee Soomaaliya ka hor 1991-kii.

Waxyaabaha guddiga laga doonayo ayaa wxaaa ka mid ah inay si deg deg ah gacanta dowladda ugu soo celiyaan goobaha dowladeed ee loo baahan yahay.

Hoos ka aqriso magacyada xubnaha guddiga

Deni “Somaliland haddii ay ingiriis noqdeen annagu Talyaani ma nihin”

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay khilaafka kala dhaxeeya Somaliland iyo sida ay u arkaan khilaafkaasi.

Deni oo la hadlay BBC ayaa sheegay in aanay u arag khilaaf inuu kala dhaxeeyo Somaliland, balse ay taasi u arkaan iney tahay duulaan lagu soo qaaday dhulkooda.

“Annaga iyo maamulka Somaliland muran dhuleed nagama dhaxeeyo, laakiin waxay kusoo xadgudubtay dhulka Puntland, waad ogtihiin 1991 dalku markuu dhacay, dalka waxaa ka jiray 18 gobol oo la yaqaanay, wixii intaa ka dambeeyey dadku waxay isugu guureen nidaamka federaalka ah, intii rabtay baa wada heshiisay, Somaliland waxaa lagu aas-aasay markii ugu dambeysay Boorame marka Burco laga tago, qabaa’ilkii ku bahoobay waa la yaqaanaa, Garoowe markii la’aas aasayna qabaa’ilka ku bahoobayna waa la yaqaanaa, qabaa’ilka u bahoobay Puntland dhisiddeeda waa gobollada Bari, Nugaal, Waqooyoga Gaalkacyo, Sool, Sanaag Bari iyo Buuhoodle”

Madaxweyne Deni oo hadalkiisa sii wata ayaa dhanka kale sheegay in Somaliland ay Ingiriis is moodday, balse Puntland aanay noqoneyn Talyaani.

“Haddii ay iyagu ingiriis noqdeen annagu Talyaani ma nihin, dhul 60-kii kahor Talyaani iyo ingiriis baa gumeysan jiray halkan ma yaallo, dal Soomaaliyeed oo calan qaatay, umadda Soomaaliyeed oo xor ah taas baa adduunka aqoonsan yahay…marka cidda qaldan iyana wey is yaqaanaan annagane waan ognahay” ayuu yiri Madaxweynaha cusub ee Puntland.

Waxaa jira muran dhanka dhulka ah oo u dhaxeeya Somaliland iyo Puntland iyadoo ciidamo Labada dhinac ah weli isku horfadhiyaan aagga deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected] 

“UK oo ergey gaar ah usoo magacowday Somaliland”

London (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Ingiriiska ay usoo magacowday ergay gaar ah oo Arrimaha Somaliland lagala xaajoon doono.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland C/raxmaan Guri Barwaaqo ayaa shaaciyay in dowladda Ingiriiska ay usoo magacowday ergay cusub, kaasi oo ka dhigan in loo aqoonsaday dowlad madax banaan.

Wasiirka warfaafinta Somaliland ayaa intaasi ku daray in safirka UK ee Somaliland uu fadhigiisu ahaan doono magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, taasi oo shaki badan dhalin karta.

Wasiirka wuxuu sheegay in ergaygaasi uu Somaliland wakiil kaga noqon doonaa wasaarada arrimaha dibadda Somaliland, sida uu sheegay Wasiirka.

“Runtii waxaan la kulmay uqaabilsanaha Wasaaradda arrimaha dibada UK ee Somaliland, oo fadhigiisu noqon doono Addis Ababa, dhawaanna la wareegi doono xafiiska, wax badan ayaan kala hadalnay, baahida ay dadka Somaliland qabaan”ayuu yiri wasiirka Warfaafinta Somaliland.

Marka laga yimaado hadalka wasiirka Warfaafinta Somaliland Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Dowladda Ingiriiska oo ay kaga hadleyso warka kasoo yeeray maamulka Somaliland.

Arrintaani ayaa kusoo aadaysa iyadoo dhawaan xoghayaha difaaca Britain uu booqasho aan hori loo sii shaacin ku tagay Somaliland, balse isagu qudhiisa kama uusan hadal arrintaani.

Dowladda Ingiriiska ayaa kamid noqotay dowladaha daneynaya inay saldhig ciidan ka sameystaan dalalka Bariga Africa, gaar ahaan gobolka Awdal ee maamulka Somaliland.
Caasimada Online
Xafiiska London
[email protected]

Yariisow oo billaabay ka hadalka arrinta Xamar ee uu xilka ku waayey Taabit

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir Ahna duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cismaan “Yariisow” ayaa ku dhawaaqay arin uu xilka ku waayay guddoomiyihii ka horeeyay Taabid Cabdi Maxamed.

Guddoomiye Yariisow ayaa sheegay in sanadkaan uu wado qorshihii shacabka Muqdisho ay ku heli lahaayeen Matalaad siyaasadeed oo ay ku yeeshaan dowladda Dhexe.

Wuxuu sheegay in sanadkaan cusub ay dadaal badan ku bixin doonaan sidii shacabka Muqdisho ay ku heli lahaayeen matalaada labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, waana arintii uu xilka ku waayay guddoomiye Taabid, kadib markuuu olole u galay maqaamka Muqdisho.

“Sanadkaan wuxuu noqon doonaa Sanadkii u diyaar garowga doorashooyinka, sanadkii maqaamka Muqdisho iyo sidii Muqdisho bulshadeeda aayahooda uga tashan lahaayeen, ula mid noqon lahaayeen gobolada dalka aan u istaagno, islamarkaana aan ka dhabeyno inay matalaada ka helaan golaha shacabka iyo aqalka sare”.

“Taasi waxaan ku heli doonaa wadajirkeena, iyo inaan dulqaadkii badnaa ee aan sameynay u helno, oo aan ka dhabeyno dadaalkeena oo wadajira, waa inaan mar walbaa ummadda Soomaaliyeed u horseednaa inaan Hormuud u nahay”ayuu yiri Yariisow.

Eng Yariisow ayaa hadalkaan ka jeediyay degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, laakiin guddoomiyaha ma uusan sheegin wadada uu umari doono ka dhabeynta balanqaadkaasi oo guddoomiyihii ka horeeyay uu ku baxay.

Waxaana Su’aasha taagana ay tahay muddo uu xilka hayo kadib miyuu ku guuleysan doonaa ka dhabeynta qorshahan mase xilka ayuu ku weyn doonaa?

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Deni mid C/llaahi Yuusuf ha uga daydo midna ha uga duwanaado kuwii kale

Laba maalin ayaa laga joogaa kaddib is bedelkii ka dhacay maamulka Puntland.

Saciid Cabdullaahi Deni oo muddo 30 sano ah halgan siyaasadeed ku soo jiray ayaa bedelay Cabdiweli Cali Gaas oo 5tii sano ee u dambeeysay majaraha u hayey Puntland.

Hase ahaatee, su’aasha la is weydiinayo ayaa ah muxuu Deni ka bedeli doonaa habdhaqankii Puntland ku soo dhaqmeysay 20kii sano ee ay jirtay.

Deni wax badan oo caqabado ah ma horyaalaan maadama uu qabanayo maamul afar Madaxweyne uga horreeyeen, kaliya waxaa laga rabaa in uu mushaharaadka  shaqaalaha rayidka ah joogteeyo, ciidamada dib u hayan ku sameeyo oo uu mushaarkooda meel saaro, xal waara u helo amni darada Bosaaso oo uu doorasho qof iyo cod ah gaarsiiyo Puntland.

Dhamaan qodobadaas waxbaa ka bilaaan oo isaga kaliya wax ku darid iyo dhammeystir ayaa laga rabaa.

Hadaba, waa maxay qodobka ugu weyn ee ay Soomaali oo dhan isha ku hayso?

Doorashadii Puntland salaasadii ka dhacday waxa ay saameyn weyn ku lahayd Soomaaliya, gobolka iyo caalamka oo dhan taas waxaa tusaale u ahaa sidii xamaasadda lahayd ee loola socday.

Deni waxaa la rabaa ama Puntland iyo Soomaaliya oo dhan ka sugeysaa in uu hagaajiyo xiriirka waligiiba xumaa ee Garoowe iyo Muqdisho.

Tan iyo markii uu Cabdullahi Yusuf (AUN) ka tagay Puntland, dhammaan madaxdii soo martay waxa ay laf dhuun gashay ku ahaayeen dowladnimada Soomaaliya iyaga uu xifaaltan kula jiray raga Villa Soomaaliya joogay.

Waxaa ugu dambeeyey Cabdiweli Cali Gaas oo gaarsiiyey heerkii ugu xumaa abid.

Dhaqankaas Puntland kuma ekaan oo xataa waxaa sidaas u dhaqmay maamulada kale, horaa Soomaali ugu maahmaahday ‘Ratiga dambe ratiga hore saan qaadkiisa ayuu leeyahay!’

Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Deni waxaa habboon in uu Cabdullahi Yusuf (AUN) uga daydo ku dhaqanka mabaa’diidii Puntland loo dhisay oo ahayd in marka hore iyaga ku kala badbaadaan oo ay nolol horumar leh ku noolaadaan iyo in lagu raadiyo dowlad Soomaaleed oo hana qaada, taas wey dhacday oo Puntland waxa ay noqotay budhigga Federaleenta dalka.

Tusaale wanaagsan waxaa kuugu filan, Cabdullaahi Yusuf (AUN) markii loo dhaarinayey xilka Madaxweyne ee Puntland waxa uu ku dhaartay “Ku dhaqanka dastuurka maamul gobolleedka Puntland” halka kuwii ka dambeeyey oo uu ku jiro Deni marka laga reebo Cadde Muuse (AUN) oo aan ka warqabin ay dhammaan ku dhaarteen (Dowladda Puntland) taas  waxa ay caddeyn u tahay sida Cabdullaahi Yusuf u ilaalinayey mabaadi’dii loo aas aasay.

Deni waa in uu kala gartaa kuna dhaqmaa waxa ay dowladda dhexe xaqa u leedahay iyo waxa uu dastuurka u gaar yeelayo Puntland oo uu meesha ka saaraa danihii gaarka ahaa ee madaxdii ka horreysay xadka ka saarayey.

Arrintaas oo uu fuliyo waxa ay dhaxalsiin doontaa in uu halyey u noqdo Soomaaliya oo dhan, berrina isu soo taago isaga oo la jecelyahay xilka ugu sarreeya ee dalka.

Ma aha in uu qaado tallaadii Soomaali iyo Puntland-a hoojisay ee kala irdheynta umadda.

Deni waa in uu ka fogaadaa hadaladdii xanafta lahaa ee ka soo yeeri jiray kuwii ka horreeyey madaxdii ka  horreeysay iyo xiriir u jarkii joogtada ahaa ee dowladda dhexe. Taas haddii uusan uga dayan Gaas iyo kuwii ka horreeyey, Saciid Cabdullaahi Deni waxa uu noqon doonaa shaqsi ka qeyb qaata dib u curashada qaran Soomaaliyeed oo sumcad dunida ku leh.

W/Q: Mahad Axmed Warsame
Garoowe, Puntland, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Maxaa ka jira in DF Somalia ay gudbineyso dacwad ka dhan ah safarkii Gavin?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dawladda Soomaaliya ayaa la sheegay inay ka carootay socdaalkii uu xoghayaha gaashaandhiga Ingiriiska Gavin Williamson ku yimdi caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Wargeyska Geeska Afrika oo ka mid ah kuwa ugu afka dheer Somaliland ayaa sheegay in madaxda sare ee dowladda Somalia ay wax iska weydiiyeen socdaalka uu xoghaye Gavin ku tagay caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Sida wargeyska uu yiri,  dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in socdaalkaas iyo ogaysiin la’aanta dawladoodu ay tahay xad gudub ay dawladda Ingiriisku samaysay oo aan laga aamusi karin, waxaana ay ku talisay in sida ugu dhaqsaha badan looga jawaabo.

Raysal wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa wargeyska sheegay inuu yiri in haddii aan jawaab deg deg ah laga bixin socdaalkaas xoghayaha difaaca Ingiriiska ay dawladda UK  ku dhaqaaqi karto talaabooyin kale, waxaanu intaas raaciyay inaan la aqbali Karin in dawladda Ingiriisku ku xad gudubto wax uu ugu yeedhay midnimada Soomaaliya.

Wargeyska ayaa sheegay in la isku qaaday qodobadan:

  1. In sida ugu dhaqsaha badan loogu yeer safiirka Ingiriiska u jooga Muqdisho danjire David  Concar, loona muujiyo dareenka taban ee ay dawladda Soomaaliya ka qabto socdaalka xoghayaha gaashaandhiga Ingiriisku uu ku tagay Hargeysa
  2. In Wasaaradda arrimaha dibaddu ay dhambaal u dirto Wasaaradda arrimha dibadda ee Ingiriiska, taas oo nuxurkeedu noqon doonto dacwad ka dhan ah socdaalka xoghayaha gaashaandhiga ee Ingiriiska.

Si kastaba, ilo-wareedyo ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa Caasimada Online u sheegay inuusan jirin wax qorshe ama dacwad ah oo Soomaaliya ay ka qorsheysay safarka Gavin Williamson ee Hargeysa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Waxyaabihii layaabka lahaa ee lagu arkay doorashadii ka dhacday PUNTLAND

Garowe (Caasimada Online) – Doorashadii Maalin ka hor  ka dhacday magaalada Garowe ayaa aheyd mid cajiib ah oo ka duwan doorashooyinkii ka dhici jiray magaalada Garowe ee caasimada maamulka Puntland.

Doorashadaan ayaa waxyaabaha laga diiwaan geliyay waxaa kamid ahaa in dad u dhashay deegaanka ay dalalka dibadda kaga yimaadeen doorashada darteed, waxaana kamid ahaa dhalinyaro doorashada darteed kaga yimid dalka Mareykanka.

Arimaha kale ee cajiib lahaa ee laga diiwaan geliyay doorashadii ka dhacday magaalada Garowe ayaa ahaa in gaadiid badan iyo dad badan ay ku sugnaayeen magaalada, iyadoo maalintii doorashada ay ka mashquul badneyd magaalada Garowe maalmaha kale ee caadiga ah.

Goobaha laga cunteeyo aad ayay u adkeyd in dadka qaar ay helaan fursad ay ku cunteeyaan, maadaama mashquulka dadweynaha uu aad u badnaa, waxaana arinta ay timid markii dad aad u badan ay tageen magaalada Garowe.

Arimaha kale ee layaabka lahaa ee laga diiwaan galiyay doorashadii Puntland ayaa ahaa in dad u dhow goobta doorashada ka dhaceysay ay shaashada kaliya kala socdeen doorashada iyo codeynta xildhibaanada.

Dadka ku sugan magaalada Garowe ayaa sheegaya inay sugayaan shan sano kadib inay shaashada ka daawan doonaan doorashada xigta iyo inay fursad u heli doonaan inay iyaga codeeyaan.

Caasimada Online
Xafiiska Garowe
[email protected]