Puntland: Arrin xiiso leh oo ka dhalatay doorashada oo ka taagan Garowe iyo xildhibaanno la haysto

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Garowe ayaa sheegaya in saacadihii ugu dambeeyay aad loo hadal hayo arin ku cusub siyaasadda Soomaaliya, kadib markii mid kamid ah musharixiintii laga guuleystay uu ku dhagay xildhibaano badan.

Wararka ayaa sheegaya in xildhibaanada baarlamaanka ay ka qaateen mid ka mid ah musharixiintii laga guuleystay dhaqaalo badan islamarkaana ay ka codeeyeen, waxaana taasi ay dhalisay in musharaxa uu lacagaha uu kasoo ceshado xildhibaanada qaar.

Arintaan ayaa aad looga hadal hayaa magaalada Garowe, waana markii ugu horeysay oo laaluush lagu kala qaatay doorasho la isku qabsado, sida xogaha aan ku heleynana inka badan 10 xildhibaan ayaa iska celiyay lacagaha.

Guddi loo xilsaaray inay soo celiyaan lacagaha laga qaatay Musharixiinta ayaa so hoose looga magacaabay magaalada Garowe, waxaana odayaasha dhaqanka ee beelaha qaar ay dalbadeen in xildhibaanada ku beesha ah ay iska celiyaan haddii lacago ay qaateen.

Odayaal shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe ayaa xildhibaanada ka dalbaday inay dib u celiyaan lacagaha, waxaana wararka ay sheegayaan in ku dhawaad 50 ilaa 70 kun ay xildhibaanada qaar ay qaateen.

Madaxweynaha talada Puntland loo doortay ayaa wareysi uu siiyay BBC ka sheegay  in doorashadiisa aysan ku jirin wax laaluush ah.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com