27 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Sawiro: Qorshaha gobolka Banaadir ee 2019-ka oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa guddoomiyey shirka todobaadlaha ah ee Maamulka Gobolka Banaadir oo ku qabsoomay Degmada Yaaqshiid.

Guddoomiyaha ayaa ka warbixiyey qorshaha Maamulka Gobolka Banaadir ee ku aaddan daadejinta maamulka iyo xoojinta wada shaqeynta degmooyinka.
Eng.Yarisow ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir uu joogtayn doono ku qabsoomidda shirka todobaad laha ah degmooyinka Gobolka, si loo kormeero hannaankooda shaqo, loolana socdo tabashooyinka iyo baahiyaha ka jira.

Shirka Todobaadlaha ah ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa lagu ansixiyey miisaaniyadda sanadkan 2019ka, iyadoona dib loo eegay miisaaniyaddii sannadkii hore oo la xaqiijiyey in ay ka badnayd tii 2017ka.

Masuuliyiinta heer Gobol iyo heer Degmo ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay in lagu jaan gooyo miisaaniyadda sanadkan 2019ka arrimaha bulshada iyo daadejinta adeegyada asaasiga ah, maadama ay xowli ku socoto dib u kabashada Caasimadda.

Sidoo kale, Guddoomiyeyaasha 17ka degmo ee Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay guulaha laga gaaray barnaamijyada darisaynta iyo Olalaha Isxilqaan ee dib loogu dhisayo xarumaha danta guud.

Saciid Deni oo shaaca ka qaaday mowqifkiisa golaha iskaashiga dowald goboleedyada

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Deni ayaa shaaca ka qaaday in golaha iskaashiga dowlad goboleedyada uu sii jiri doono, oo aanay waxba iska beddeli doonin.

Deni oo wareysi siiyey BBC-da, ayaa sheegay in dastuurka dalka Soomaaliya uu dhigayo in Maamul goboleedyada is kaashadaan, danahooda ka shaqeeyaan, sidaas darteedna wax kasta oo dastuurka dhigayo ay ku dhaqmi doonaan.

Hadalka Madaxweynaha cusub ee Puntland ayaa durba muujinaya in Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada oo sanadkii 2017 la aas aasay uusan waxba iska bedeli doonin, sida la filayey.

Golahan ayaa waxaa ka baxay saddex madexweyne oo kala ah Waare, Shariif Xasan iyo Gaas, waxaana hadda ku haray Deni iyo Xaaf.

Dhinaca kale, Saciid Deni ayaa sheegay in Somaliland ay ku soo xadgudubtay dhulka Puntland, isagoo ugu baaqay inay dib ugu laabtaan goobahooda.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

Dhageyso: Gaas oo ka hadlay doorashadii looga adkaaday

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas oo shir jaraa’id ku qabtay magalada Garoowe, ayaa ka hadlay doorashadii shalay looga guuleystay, isaga oo farriinna u diray shacabka Puntland.

Gaas ayaa u hambalyeeyay madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka cusub ee Puntland loo doortay, isaga oo sheegay in si xor iyo xalaal ah ay ku dhacday doorashada, islamarkaana dadka reer Puntland ay yihiin dad mid ah.

“Puntland waa mid mana kala lahan qabiil iyo reer iyo gobol” ayuu yiri Gaas.

Gaas ayaa ciidamada qalabka sida ee Puntland ugu baaqay inay shaqooyinkooda sii waataan, isla markaana ay si adag u ilaaliyaan xaduudaha dowlad goboleedka Puntland.

Isaga oo sii hadlayay ayuu sheegay in uu si gaar ah ula shaqeyn doono madaxweynaha cusub ee Puntland loo doortay, sidoo kalena uu tallooyin ku darsan doono, waxaana shacabka iyo ciidamada Puntland uu ugu baaqay inay midoobaan.

Waa shirkii jaraa’id ugu horeeyay ee uu qabtay madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas 24 saac kadib markii looga adkaaya doorashada madaxtinimo ee shalay ka dhacday magalada Garoowe.

Hoos ka dhageyso shirka jaraa’id ee Gaas

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

Xisbiga UPD oo war culus ka soo saaray dhacdadii hotel Maka Al-Mukarama

Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Midowga Nabadda iyo horumarka oo uu hogaamiyaha ka yahay Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ka hadlay is hor istaagii lagu sameeyay aqoon isweydaarsigii Xisbiga Wadajir uu ku qabanayay Hotelka Maka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho.

War saxaafadeed kasoo baxay xisbiga UPD ayaa lagu sheegay inay ku cambaareynayaan ishor istaaga lagu sameeyay Xisbiga Wadajir iyo sidoo kale handadaada joogtada ah ee dowladda Soomaaliya ay ku sameyso xisbiyada kala duwan ee dalka.

Sidoo kale waxaa warsaxaafadeedka lagu sheegay in xisbiyada ay yihiin kuwo ka diiwaangashan dhanka dowladda Soomaaliya, islamarkaana ay la kulmaan hadadaad joogto ah.

Warsaxaafadeedka xisbiga UPD ayaa sidoo kale lagu sheegay inay ku cambaareynayaan bartilmaameydsiga dowladda Soomaaliya ay ku heyso hoteelada qaar ee ku yaala magaalada Muqdisho iyo xisbiyada dalka.

Ugu dambeyn waxaa qoraalka looga codsaday saaxiibada garab taagan dowladda Soomaaliya inay garab istaagaan Dimuqraadiyadda iyaga oo ka dalbaday in dowladda Soomaaliya ay xushmeyso xoriyadda hadalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: Sababta ay dowladda Soomaaliya u joojisay in ay bixiso baasaboorka

Muqdisho (Caasimada Online) – Dadweynaha Soomaaliyeed ee Qaadanaya Boosaboorka Soomaaliga ah ayaa waxaa wali heysta xayiraad dhinaca helidda Baasaboorka ah.

Dadweynaha horay u dalbaday Baasaboorka ayaa muddo laba bilood ku dhow waxaa ay la’yihiin Baasabooraddii dalbadeen.

Qaarkood oo maanta Magaalada Muqdisho kula hadlay dalka ayaa sheegay in maalin waliba la ballamiyo haddana aan loo sheegin sababta uu hakadka ugu jiro baasaboorka lacagaha looga qaatay.

Dadka  ka cabanaya Baasaboor la’aanta ayaa sheegaya in ay Bukaanno uga jiraan Ibsitaallada una rabaan Isbitaallo dibadda ah,kuna adag tahay in ay helaan Baasaboorkooda.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya sababta loo uu u xayiranyahay Baasaboorka, waxaana ilo-wareedyo la hadlay Caasimada Online ay sheegeen in uu jiro muran u dhaxeeya Dowladda Soomaaliya iyo sharikadda sameysa Baasaboorka Soomaaliya.

Xogta ay heshay Caasimada Online waxaa ay sheegeysaa in Dowladda Soomaaliya ay go’aansatay in ay ka wareegto sharikadda sameysa Baasaboorrada, sharikaddana ay lacag ku leedahay dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawirro: Gaas iyo Deni oo kulmay una sheegay reer Puntland inay ilaashtaan…

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 09 January 2019 qasriga Madaxtooyada dowladda Puntland ee Garoowe ku soo dhoweeyey Madaxweynaha cusub ee dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Kaaraash.

Kulanka uu laqaatay Madaxweynihii hore ee Puntland Madaxweynaha cusub ee dowladda Puntland ayaa waxaa ku wehelinaayey Madaxweyne kuxigeenkii hore ee Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey masuuliyiin ka tirsan gelyaasha dowladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa shalay 08 January 2019 ku guulaystey Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland ee shanta sano ee soo socota, ummadda Soomaaliyeed, shacabka reer Puntland, beesha caalamka iyo dowladda Fadaraalka Soomaaliya ayaa qiray in Puntland ay ka dhacday doorasho xor iyo xalaala oo taarikhdu ay xusidoonto.

Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kusoo dhoweeyey Madaxweynaha cusub iyo masuuliyiinta wehelinayseyba qasriga Madaxtooyada dawladda Puntland ee Garoowe, waxaana ay wadayeesheen kulan gaara oo ay kaga wadahadleen arrimo muhiim u ah dowladda Puntland iyo shacabkeeda.

Ugu danbeyntii, Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweynaha Cusub ee Dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni ayaa masuuliyiinta dowladda Puntland iyo shacabka Puntland kula dardaarmay inay ilaaashadaan sharaftooda karaamadooda, dowladdooda iyo wada jirkoodaba, kana wada shaqeeyaan kobcinta horumarka Puntland maanta ka jira.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

IGAD oo dalab la xiriira DF u gudbisay SACIID DENI

Muqdisho (Caasimada Online) – Urur goboleedka IGAD oo goob joog ka ahaa doorashadii shalay ka dhacday magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal ayaa qoraal kasoo saaray sida ay wax u dhaceen.

Maxamed Cali, wakiilka IGAD ee Soomaaliya ayaa sheegay in doorashadaasi ay soo dhoweynayaan qaabka ay u dhacday una hambalyeenayaan madaxweyne Dani.

Waxa uu sheegay in ay arkeen doorasho si xalaal ah uga dhacday magaalada Garoowe, walibana si buuq la’aan ah.

Dhanka kale, IGAD ayaa ka dalbatay madaxweynaha cusub ee Puntland in wadashaqeyn uu la yeesho dowladda federaalka Soomaaliya.

Dr. Guuyo ayaa sidoo kale kula dardaarmay Madaxweynaha cusub ee Puntland, inuu la yimmaaddo hufnaan iyo maamul wanaag, sidoo kale uu la shaqeeyo Dowladda Federaalka iyo maamullada Dalka ka jira.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

Sawirro: War kasoo baxay kulankii muhiimka ah ee uu Deni ku qabtay Garoowe

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan deg deg ah la qaatay laamaha amaanka ee deegaanada maamulka Puntland, kaasi oo looga hadlayay amaanka Puntland.

Kulanka waxaa ka qeyb galay saraakiisha iyo taliyaasha ciidamada kala duwan ee Puntland, waxaana looga hadlay inta howlaha kala wareega xilka ay socdaan sidii loo adkeyn lahaa amaanka Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa saraakiisha ciidamada ku wargeliyay in isbadal weyn aan hadda lagu sameyn doonin laamaha amaanka Puntland, waxaana uu kula dardaarmay inay amaanka adkeeyaan.

Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi deni ayaa la filayaa in dhawaan ay Magalada Garoowe ee Xarunta gobolka Nugaal ka dhacdo munaasabad lagu Caleemo saarayo.

Shalay ayaa waxaa uu Garoowe kula kulmay wafdi ka socday Dowlad Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibada Soomalaiya Axmed Ciise Cawad,kuwaas oo maalma kahor loo diiday inay Garoowe tagaan.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
[email protected]

Baadari shan sano diinta kirishtanka ku faafinayey Xamar oo laga war-helay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wargeyska wordandway.org ayaa shaaca ka qaaday arin halis ah oo muddo shan ah magaalada Muqdisho uu ka waday Baadari u dhashay dalka Kenya.

Baadari u dhashay Dalka Kenya oo diiday magaciisa ayaa la sheegay in muddo shan sano ah uu ka waday magaalada Muqdisho faafinta diinta Karishtaanka, waxaana sidaasi shaaciyay wargeyska wordandway.

Wargeyska ayaa sheegay in baadariga oo magaciisa ay u qaateen JOHN inuu ku joogo magaalada Muqdisho qandaraasyo la xiriira dhismaha, sida warbixinta wargeyska lagu sheegay.

Warbixinta ayaa ugu horeyn looga sheekeeyay halista ay wajahi karaan dadka aan heysan diinta Islaamka marka ay isa shaac bixiyaan inta ay ku sugan yihiin magaalada Muqdisho.

Waxaa sidoo kale la sheegay in ruuxa Baadiriga ah uu ku nool yahay Guri kooban oo uu dadka Soomaaliyeed ku baro Diinta Masiixiga, iyadoo aan wali laga warhelin, sida warbixinta lagu sheegay.

“Si qarsoodi ah ayaan  u heesnaa,una cibaadeysanaa marka aan fursad helna dad badan ayaan gaarsiinaa, inkastoo ay adag tahay in aad tiraahdo waxaan faafinaya Kiristaanimada” ayuu yiri John.

Dalka Soomaaliya waa ka mamnuuc in lagu faafiyo diin aan aheyn diinta Islaamka sidda uu qabo dastuurka Soomaaliya, waxaana muuqata inaan laga warheynta halista dadka ajaaniibta ay ka wadaan Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiisa Muqdisho
[email protected]

Somaliland oo warqad ay ku qoran tahay dalab culus u dirtay QM kadib Haysom

Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa horey uga soo horjeestay ceyrintii dowladda Soomaaliya ay ku sameysay wakiilkii xoghayaha Qaramada Midoobay ee Somalia Nicholas Haysom.

Todobaad kadib Somaliland ayaa sheegtay inay warqad codsi ah u dirtay Qaramada Midoobay, taasi oo ah in wakiil gaar ah loo Soo magacaabo deegaanada maamulka Somaliland.

Tan iyo sanadkii 1991 Somaliland ayaa ku dhawaaqday inay ka go’een Soomaaliya inteeda kale, waxaana ay shaaciyeen inay yihiin dal madaxbanaan, walow aysan helin aqoonsiga caalamka.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud ayaa sheegay inay codsi u direen Qaramada Midoobay kaasi oo ah in loosoo magacaabo wakiil u gaar ah deegaanada Somaliland.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu cadeeyay sida ay kaga xun yihiin go’aankii dowladda Soomaaliya ay ka qaadatay Nicholas Haysom, taasi oo shaki badan dhalisay, maadaama ay sheegan jireen inay yihiin dal ka go’ay Somalia.

Dadka taxliiliya siyaasadda Soomaaliya ayaa sheegaya inay adag tahay in Qaramada Midoobay ay wakiil u magacowdo Somaliland, iyadoo aysan helin aqoonsi caalami ah.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Saciid Deni oo dareemaya culeysyo badan iyo kulamo ka dhacay Garowe (Xog)

Garowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa sheegaya in ilaa xalay kulamo gaar gaar ah ka dhacayeen magaalada Garowe.

Kulamada ayaa u dhaxeeyay wafdiga dowladda Soomaaliya ay u dirtay magaalada Garowe iyo madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland iyo ku xigeenkiisa, waxaana looga hadlayay sidii loo wanaajin lahaa xiriirka u dhaxeyn kara Puntland iyo dowladda Dhexe.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in sidoo kale kulamada ay qeyb ka ahaayeen masuuliyiintii looga guuleystay doorashadii ka dhacday magaalada Garowe, waxaana madaxweynaha cusub ee Puntland durba uu dareemayaa culeesaad siyaasadeed.

Kulamada ayaa waxaa ka qeyb galay madaxweyne Gaas, kaasi oo si gaar ah ula kulmay Saciid Cabdullaahi Deni, isaga oo kala hadlayay sidii uu mar walbaa u adkeyn lahaa horumarka Puntland.

Madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland ayaa culeesaadka uu durba dareemayo waxaa kamid ah in dowladda Soomaaliya ay dooneyso in xiriir wanaagsan uu la yeesho, halka qaar kamid ah madaxdii laga guuleystay ay doonayaan in sidii C/Welli Gaas uu ula macaamilo dowladda Soomaaliya.

Dadka falanqeeeya siyaasadda Gudaha ayaa sheegaya in Madaxweyne Deni uu ka sii go’aan adkaan karo C/Welli Gaas labo arin darteed, waxaana tan koowaad lagu sheegaa xiriir weyn ee kala dhaxeeyo DAMJADIID iyo inuusan soo dhaweyn ka heysan markii hore dowladda Dhexe.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
[email protected]

Sadex sabab oo Deni taajka PUNTLAND loogu suray

Tiro ma laheyn musharraxiinta Puntland. Wixii qof xil moodo ayaa qof kale xarrago moodaa. Nin guuleyso is lahaa, mid gurmad ahaan gaashaanka u watay, CV-iiga hakuu gasho mid ay ka aheyd, intaba doorshadi Puntland ayey kasoo muuqdeen.

Prafossorada PHD-ga wata, waxaa lagu yiri ”Adeer mar i dage Allah dago, mar labaad i dagase anigas dagay”.Horaan ugu sirranay madax PHD sita, la mood noqons weyday. Muslimkuna god qura laba jeer laguma wada qaniinee, waa laga diga rogtay.

Wadaadku, waa ahlu-diin musharaxii la lahaa , waxaa lagu yiri ” Doorasho madaxtinimo, diin waxba kama joogtee, dano kale manoo heysaa?” isagiina halkaa loogu tag.

Generaal baan ahay, taatikada dagaalkana waayo badan kusoo dhexjiray, dhulka maqanna waan soo dhicinayaa, ninkii lahaa, isagana waxaa lagu yiri ” Adeer dagaal kasoo daalnaye, dunidana hadday bilow noo tahee halkaa naga joog”.

Midkii beesada badnaa,  soo jeed iyo jiifba dadka ku asqeysiiyay, waxaa loogu sarbeebay ” lacagtu waa qaadasho, codkana cidda aan aniga rabo unbaa calfan”.

Dhalinyaradana, waxaa loogu maahmaahay  ” Nin dhalinyaro ah intuu geed ka boodo ayuu talo ka boodaaye. Tartanka waa meeshiise, bal tu kale isu kaaye keena.

Is jiijjiid dheer kadib, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa loo taagay taajka hooyada federaalka Soomaaliya ee  Puntland.

Ma waxaad i weydiin aqriste sababta saciid loo doortay. Haa,Xaq baad u leedahay, anigana jawaab baa igu garowday.

Seddex waxyaabood oo Saciid  u sahlay in taajka loo suro.

1) – Khibraddiisa siyaasadeed

Sida dadka yaqaanna ay ku warrameen, Saciid ayaa siyaasadda toos ugu soo biiray sanadki 2012, isagoo ka mid ahaa baarlamaanki 9-laad. Saciid waxaa lagu xaglinayay inuu ka mid ahaa xisbigii Dam-jadiid ee xukunka qabsaday. Wuxuu soo noqday Wasiirka qorsheynta. Sidoo kale Saciid wuxuu ka mid ahaa musharraxiinti  doorshada madaxtinimada 2016, isagoo helay codod dhowr iyo labaatan, taasoo ka dhigtay shaqsi saameyn leh.

Saciid oo xiiseynayay inuu xil ka qabto dowladda Farmaajo ayaa ku hungoobay. Ma fadhin,Hankiisa siyaasaddana halkaas kuma hakan. Hamuun gorgor buu lahaaye, Wuxuu bilaabay olole uu ugu diyaar garaabayo doorashada madaxtinimo ee Punland. Geed dheer iyo mid gaabanba waa u fuulay. Maantana muraadkiisa waa helay.

2) – Khibradiisa deegaanka iyo dadka reer Puntland

Saciid wuxuu ahaa nin 30-kii sanoo ee ugu danbeeyay ku noolaa deegaanada Puntland. Waa ganacsade macruuf ah, degsiimada Puntland aad u taqaan. Goobo ganacsi iyo kuwo waxbarasho ayuu ka yagleelay Puntland. Waxaa taas loogu daraa, Waa nin aad u kala garanaya dadka iyo deegaanka. Waxay aqoon fiican kala dhaxeysaa isamada Puntland. Sido kale xildhibaanada lasoo doortay ayaa ahaa badankood  kuwa Saciid garasho fiican u lahaa. Qaar uu wax soo baray iyo kuwo uu soo gacan qabtayba way ka mid ahaayeen. Marka loo eego musharraxiinta dhigiisa ahaa, wuxuu ahaa nin kaga aqoon fiicnaa xagga dadka iyo deegaanada.

3) – Taageerada Musharraxiinta Kale

Walow Saciid saadaashu daba socotay, hadana Asad baa aayad ku noqday labadi wareeg ee hore. Si kastaba ha ahaatee, waxa foodda la iskula jiraba, Farax cali shire oo wareegga 2-aad ku haray ayaa codadkiisa u wareejiyay Deni, taasoo taajka Puntland u surtay Saciid Cabdullaahi. Asadna afkaa subag loo mariyay.

Dhanka kale, sheekadi aheyd doorashada Punland waa Barakaat u dhiib oo Barkaat ka qaado ama waa Hegbad/Ayuuto oo hadba cidda kaltanka iska leh ayaa loo tuuraa hakaa joogto. Buuqaas waxaa biyo ku shubay musharax Dr. Cali Ciise Cabdi, oo isu soo taagay doorashada madaxtimada Puntland, iyadoo la filayey in 17-ka cod oo xildhibaanada Sool iyo Sanaag xagiis ahan doonto, maadaama isagana kasoo jeedo deeganadaas. Hayeeshee, fiijaan shaah kama cabin, oo mid keliyaa loogu riday. Ma gabadhay aheyd midaas? Ma ogi!

Wax ka sheegeedu yaanu afka igu daaline, Dr. Cali Ciise Cabdi  wuxuu xujo ku oogay xildhibaanadii laga soo doortay goboladaas.

W/Q: Abdinasir Safaana
Email: [email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Yuusuf Garaad oo sheegay hal arrin oo warqadii kasoo baxday Deni ay muujisay

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa ammaanay warqaddii shalay kasoo baxday madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Deni ee uu ku joojiyey in wax kharash ah ay ka baxsaan qasnadda dowladda Puntland.

Yuusuf Garaad ayaa sheegay in tallaabadaas ay muujineyso in Deni yahay nin qorshe lahaa ka hor inta aanu xilka ku guuleysan, oo uusan kaliya ka fakarin inuu guuleysto.

Yuusuf Garaad ayaa yiri “Marka doorasho lagu dhawaaqo, murashixiinta qaar waxa ay ka fekeraan sidii ay doorashada ugu guuleysan lahaayeen oo keliya. Kharash iyo dadaal aad u fara badan ayay geliyaan. Marka la doorto ka dib ayay is weydiiyaan wixii ay qaban lahaayeen!”

“Warqadda maanta ku asteysan ee Kharash – Joojinta Puntland haddii ay sax tahay, waxaa cad in Siciid Dani aanuu keliya ku mashquulin ololaha doorashada ee uu hore uga fekeray waxa uu qaban doono doorashada ka dib iyo halka uu ka billaabayo.”

Go’aankan ayaa u muuqda mid uu Deni kaga hortagayo in wax is-daba marin ay dhacdo ama lacag laga lunsado qasnadda dowladda, inta lagu guda jiro xilliga kala wareegga labada maamul.

Imaaraadka Carabta, UK iyo Ruushka oo Somaliland ku loolamaya (Warbixin)

Nairobi (Caasimada Online) – Wargayska Daily Nation ee dalka Kenya ayaa qoray in United Kingdom  ay ku biirayso Ruushka iyo Imaaraatka Carabta oo sida uu yiri u kala dheeraynaya inay saldhig ciidan ka samaystaan Somaliland.

Wasiirka Gaashaandhigga Britan, Gavin Williamson, ayaa todobaad dhamaadkii la kulmay madaxwaynaha maamulkaa oo isu arka jamhuuriyad ka go’day Somalia, Md Muuse Biixi, waxayna ka wada hadleen arrimo kala duwan.

Somaliland, oo horay u ahayd Maxmiyad Ingiriis ayuusan jirin dal si rasmi ah u aqoonsaday mudadii ay jirtey, wuxuuna wargaysku leeyahay in booqashada Mr Williamson ay muujinayso muhiimadda Somaliland.

Booqashada Mr Williamson ayaa timid todobaad uun kaddib markii uu sheegay in UK ay raadinayso inay saldhigyo ciidan dunida ku yeelato kaddib Brexit.

Wuxuuna warqaadkan Kenyan-ka ihi ku doodayaa in booqashadiisa Somaliland la rumaysan yahay inuu ku raadinayay fursad uu Somaliland ugala xaajoodo inuu meeshaa istaraatijiga ah ka sameeysto saldhig millateri.

Britain ayaa ku biiraya Ruushka oo horay loo sheegay bishii Abriil inuu doonayo saldhig millateri oo uu ku yeesho magaalada Saylac, Somaliland.

Daily Nation, waa wargays marar badan qora warar ka dhan ah qarannimada Somalia, isagoo xilligii ay Itoobiya Somalia ku duushey dabayaaqadii 2006-dii qoray qoraal soo jeedinaya in Somalia ay liqaan oo guud ahaanba kala qaybsadaan Kenya iyo Itoobiya.

HadalSame Media

Qorshaha siyaasadeed ee Deni oo lasoo bandhigay

Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa shalay Puntland lagu doortay Saciid Cabdullahi Deni, si uu hoggaamiyo dowlad goboleedkaasi 5-ta sano ee soo socota. Haddaba waxaan idnla wadaageynaa baarnaamijka siyaasadeed, ee uu ka hor akhriyey golaha wakiillada Puntland, si loogula xisaabtamo inta uu maamulka Puntland madax ka yahay.

Akhriso: Barnaamijka Siyaasadeed Ee Saciid Cabdullahi Deni: 

20 sano ka hor ayay ahayd markii la aasaasay Puntland. Hammigii iyo hankii lagu aasaasay waxay ahayd dhisidda nidaam dawladnimo oo u gaar ah deegaanada Puntland iyo baadigoobka dawladnimo soomaaliyeed si loosoo celiyo qaranimadii iyo karaamadii dadka Soomaaliyeed. Marka aan dib u milicsano guulaha laga gaaray hammigaas 20 sano ka dib, waxaa xaqiiq ah in wax badan ay qabsoomeen, dib-u-dhac badana uu jiro. Waxaa mahaddaas oo dhan iska leh, ALLE ka sokow, dadkii aasaaska Puntland maskax iyo muruq ba ku bixiyay, intii dhimatay ALLE ha u naxariisto inta noolna cimri dheer, caafimaad iyo cibaado suuban ayaan u rajaynayaa.

Suaasha iswaydiinta mudan waxay tahay Puntland 20 sano ka dib ma joogtaa heerkii ay mudnayd? Hay’adaheeda dawliga ahi ma u tayaysan yihiin sidii loo baahnaa? Bulshadu ma u heshaa adeegyada ay u baahnaayeen sidii la rabay? Waxaa xaqiiq ah inay jiraan caqabo badan oo raggaadiyay hay’adihii dawliga ahaa iyo bixintii adeegga bulshada. Caqabadahaas waxaa ka mid ah:

  1. Tayada hay’adaha dawliga ah oo liidata, iyada oo ay aad u hoosaysayso nidaamka islaxisaabtanka iyo isudheelitirka awoodaha hay’adaha dawliga ah, awoodiina ay iskugusoo uruurtay madaxtooyada.
  2. Ma jiro horumar wayn oo laga sameeyay nidaamka Siyaasiga ah ee Puntland, 20 sano ka dib waxaa wali la iskudooranayaa sidii la isku doortay doorashadii u horaysay (Doorasho dadban) ee dhacday 1998.
  3. Waxaa laamihii dawladda raggaadiayay musuqmaasuq baahsan oo astaan u noqday dhaqanka dawladnimo, taasoo ay ugu wacan tahay islaxisaabtan la’aan iyo iskumilanka hay’adihii dawliga ahayd ee is-ilaalin lahaa.
  4. Kaalintii Puntland ay ku laheyd dib u-dhiska dawladnimada Soomaaliya iyo hirgalinta nidaamka federaalka oo hoos u dhacday, taas oo ay sabab u tahay in aysan jirin aragti dheer oo hagaysa.
  5. Midnimada dad iyo dhuleed ee Puntland sida ku xusan dastuurkeeda oo dhaawacantey, kaddib markii lagu fashilmay soo celinta dhulka maqan gaar ahaan qeybo kamid ah gobolka Sool, Sanaag iyo Cayn.
  6. Argagixisada oo aan laga sifayn deegaanada Puntland; taasoo abuurtay khalkhal amni iyo falal amni-darro ah oo ka dhaca meelo fara-badan oo Puntland ka mid ah.
  7. Sicirbarar baahsan oo saameeyay nolosha bulshada, sannadkii 2013kii bishii January $1 waxaa lagu sarrifi jirey 22,000 So. Sh, haddana 2018 wuxuu kusoo dhaw yahay in $1 lagu sarrifo 35,000 So. Sh celcelis.
  8. Dhinaca garsoorka, ma jiro garsoor madax bannaan oo taabbagal ah laguna kalsoonaan karo sababo la xiriira faragelin, qoondada miisaaniyadda oo hoosaysa, musuqmaasuq, tayo xumo dhanka hawlwadeenada iyo agabka.

Caqabadahaasi waxay iftiiminayaan in dadka reer Puntland ay dareemayaan inaan la gaarin filashadii shacabka dhanka maamul-wanaaga 20 sano kadib. Haddaba, doorashada 2019 waxay kusoo beegmaysaa marxalad xasaasi ah oo kala guur ah, loona baahan yahay in la xaqiijiyo helitaanka hoggaan siyaasadeed oo leh aragti, waayo-aragnimo, hufnaan iyo waddaniyad, si loo gaaro maamul-wanaag dhamaystiran.

Haddaba barnaamijkayga siyaasadeed waxaa saldhig u ah 2 arrimood oo ah (1) Tayeynta iyo dib u habeynta hay’adaha dawladda si ay u noqdaan kuwo taabbo-gal ah oo ka jawaabi kara baahiyaha bulshada Puntland. (2) Tiigsi oo ka turjumaya hiraalka iyo hiigsiga siyaasadeed waqtiga dhaw iyo waqtiga fog. Si loo xaqiijiyo loogana gun gaaro hammigaas, barnaamijkayga siyaasadeed waxa uu xoogga saarayaa gaarista 8 yool oo waawayn oo aan aaminsanahay inay isbedel horumarineed oo taabagal ah gaarsiin karaan Puntland.

Yoolka 1aad: Hirgalinta isbedel siyaasadeed oo dhaxal-gal ah:

  1. Waxaan mudnaan gaar ah siindoonaa taabba-galinta Sharciga iyo Qaanuunka si loo helo Hay’ado dawli ah oo is kor joogteeya isuna dheeli tiran (Checks and Balance).
  2. Waxaan Dib-u-qaabeynayaa Hay’adaha Dawliga ah ee Puntland, iyadoo dib-u-eegis aan ku samaynayndoono tirada, tayada iyo xeerarka lagu asaasay Hay’adahaas si loo kala caddeeyo waajibaadkooda shaqo, sarena loogu qaado tayadooda, ayna ula jaanqaadaan isbeddelka cusub ee aan doonayo in laga sameeyo dhinaca siyaasadda iyo dhismaha dawladnimada, qorshahaan waxaa lagu dhamaystirayaa sannadka ugu horreeya ee Xukuumadda cusub. Haddii Alle idmo
  3. Waxaan hirgelindoonaa nidaamka Dimuqraadiga ee Xisbiyada Badan sannadka ugu horreeya ee xukuumadda cusub. Haddii Alle idmo
  4. Waxaan xoojinayaa kaalinta Puntland ay ku leedahay Soomaaliya iyo hirgelinta nidaamka Federaalka ah, iyadoo la ilaalinayo maqaamka Puntland iyo Dawladnimadeeda ku dhisan hannaan dawladnimo oo ay sal u tahay in waxna la wada leeyahay waxna lakala leeyahay.
  5. Waxaan xoojinayaa awoodda Puntland u leedahay gelidda heshiisyo horumarineed iyo kuwo maalgashi si waafaqsan shuruucda dalka, iyada oo la xaqiijinayo in heshiisyadu noqdaan kuwo daahfuran oo laga ansixiyo dhammaan golayaasha dawladda si furanna loogu soo bandhigo shacabka. Sidoo kale in dib u eegis lagu sameeyo dhammaan heshiisyada horumarineed ama maalgashi ee horay loo galay oo ay ugu horrayso heshiiskii Dekedda Boosaaso.
  6. Waxaan mudnaan gaar ah siindoonaa ilaalinta midnimada Puntland (Dad iyo Dhulba) iyada oo mudnaan gaar ah lasiinayo soo celinta dhulka maqan ee Dastuurku uu qeexayo, iyada oo dawladdu ka yeelanayso siyaasad horumarineed loona astaynayo qoondo miisaaniyadeed oo gaar u ah horumarinta iyo difaaca Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn.

Yoolka 2aad: Xoojinta Amniga:

  1. Waxaan dib-u-habayn mug leh ku samaynaynaa hay’adaha amniga ee kala duwan, dhinacyada shuruucda, istiraatiijiyadda, tirada ciidanka, tayadooda iyo xuquuqdooda. Miisaaniyadda haatan lagu hafro Amniga waxay ku filan tahay maareynta Amniga hadii si amaano iyo aqoon ku dheehantahay loo maamulo.
  2. Waxaan mudnaan gaar ah siindoonaa ciribtirka canaasiirta argagixisada ee ku dhuumaalaysanaya buuralayda Cal-madaw iyo Cal-miskaad.
  3. Waxaan adkayndoonaa xuduudaha Puntland ee Bad iyo Berriba, iyadoo iskaashi dhow lagala sameynayo dowladda federaalka iyo dawlad-goboleedyada ay xuduudaha wadaagaan dawaladda Puntland ee Soomaaliyeed.
    4. Xaq-siinta ciidanka ayaan mudnaan gaar ah siindoonaa, iyadoo qof kasta oo ciidan ah uu helidoono mushahaar joogto ah, gunno-hawleed, duug, bixinta diyada/magta qofka si kama’ ah ugu dhinta gacanta ciidanka, daaweynta ciidanka xanuunsada, bixinta hawl-gabka iyo kafaala-qaadka agoonta ciidanka.

Yoolka 3aad: Dib u habaynta Nidaamka Maaliyadda iyo Kobcinta Dhaqaalaha:

  1. Waxaan dib-u-habayn ballaaran ku samaynaynaa nidaamka dakhli uruurinta, annaga oo xaqiijinayaa dhaqangelinta iyo ku dhaqanka miisaaniyadda Dawladda ee ay ansixiyaan Golayaasha Dawladdu.
  2. Waxaan la dagaalamaynaa aafada musuqmaasuqa ragaadiyey nidaamka dawladnimo, iyadoo la xoojinayo isla-xisaabtanka iyo daahfurnaanta, lana adkaynayo maamul-wanaagga iyo sarraynta sharciga, madaxbannaani buuxdana la siinayo Hay’adaha Dawladda u qaabilsan islaxisaabtanka gaar ahaan xafiiska Hantidhowrka Guud.
  3. Waxaan mudnaan-siinaynaa suuq-geynta iyo maalgashiga khayraadka dalka Alle ku galladay sida: Kalluunka, Xoolaha, Maydiga, Beeraha, Macdanta iyo batroolka.
  4. Waxaan horumarinaynaa kaabayaasha dhaqaale sida: Dekadaha, Garoomada Diyaaradaha iyo Waddooyinka, iyadoo la dhammeystirayo waddada isku xirta Ceel-daahir iyo Ceerigaabo, dibna loo soo nooleynayo dhismaha waddada laamiga ah ee Garoowe-Gaalkacyo, loona hawlgalayo soo daynta mashruuca Shiinaha ee dhismaha Waddada Eyl iyo Garoowe, dib-u-eegista mashruuca ballaarinta dekadda Bosaaso, ka qeyb qaadashada dhismaha dekadda Garacad. Sidoo kale waxaa loo hawlgali doonaa dhismaha waddada laamiga ah ee isku xirta Kalabayr iyo Caluula, Taleex iyo Garoowe, Sheerbi iyo Dhahar, Qardho iyo Baylo, Bosaaso iyo Qandalo, Galdogob iyo Garacad, iyo dhamaystirka iyo taabagalinta kastamka Tuur-dibi.

Yoolka 4aad: Tayaynta Adeegyada Bulshada:

  1. Waxaan mudnaan siindoonaa baahinta iyo tayeynta adeegyada waxbarashada iyo caafimaadka iyada oo loo marayo joogtaynta iyo kordhinta qoondada lacageed ee ay ku leeyihiin miisanayadda Dawladda.
  2. Tayeynta, baahinta iyo kabista adeegyada Biyaha iyo korontada ayaan mudnaan gaar ah siindoonaa, si loo helo adeeg tayo leh oo jaban daboolina kara baahida bulshada. Waxaa si gaara dib u eegis loogu samayn doonaa hannaanka wax isku darsiga dawladda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay (Public Private Patnership).

Yoolka 5aad: Taabba galinta Garsoor Xaqiijin kara Sarraynta Sharciga:

  1. Waxaan dib-uhabeyn ku samayndoonaa garsoorka gaar ahaan hannaanka soo xulista hawl-wadeennada garsoorka, abuuridda hannaanka kormeerka iyo isla-xisaabtanka ee garsoorka dhexdiisa iyo dib-u-habeynta xeerarka iyo habraacyada Hay’adda Garsoorka.
  2. Waxaan kordhindoonaa qoondada miisaaniyadda Garsoorka, iyadoo la sameynayo Sanduuqa Garsoorka (Judiciary Fund), si loo tayeeyo loona xoojiyo madax banaanidooda

Yoolka 6aad: Daryeelka Deegaanka iyo Xakameynta saameynta Isbeddelka Cimilada:

Waxaan mudnaan gaar ah siindoonaa la-dagaallanka jarista dhirta iyo xaalufinta Deegaanka, iyadoo aan dhisidoono haamaha lagu kaydiyo gaaska wax lagu shito si qiimo jaban loogu helo haamaha gaaska la shito, taasina ay gebi ahaanba meesha ka saarayso isticmaalka dhuxusha. Sidoo kale waxaa xoogga la saari doonaa ka faa’iidaysiga tamarta cadceedda (Sollar) iyo dabaysha.

Yoolka 7aad: Horumarinta Dhalinyarada:

Waxaan mudnaan gooni ah siinaynaa horumarinta dhalinyarada dhinacyada shaqo abuurka, sare u qaadista xirfadaha, u sinnaanta fursadaha shaqo si eex la’aan ah iyo ka ballaarinta qaybgalka siyaasadda iyo maamulka.

Yoolka 8aad: Horumarinta Haweenka

Haweenka Puntland waxay laf dhabar u yihiin horumarka bulshada dhinac walba, sidaas darted waxaan xaqiijindoonaa xoojinta helitaanka xuquuqda haweenka si waafaqsan shareecada islaamka, iyadoo si gaar ah xooga loo saarayo inay helaan xuquuqdooda bulsho, siyaasadeed iyo dhaqaale oo dhammaystiran.

Yaxye Cali Hareri oo su’aal maadeysi ah weydiiyay golaha iskaashiga D/G

Muqdisho (Caasimada Online) – Xoghayihii hore ee joogtada wasaaradda Arrimaha gudaha Yaxye Cali Hareeri ayaa isaga oo ka hadlayay doorashadii ka dhacday magaalada Garowe wuxuu ka keenay su’aal cajiib ah.

Yaxye Cali Hareeri oo shaqo joojin uu ku sameeyay Wasiir Juxa xiligii uu ahaa wasiirka arrimaha gudaha ayaa weydiiyay golaha iskaashiga dowlad goboleedyada iyo waxii ay ka yiraahdeen doorashadii ka dhacday magaalada Garowe.

Yaxye, ayaa su’aashiisa ay u muuqatay mid muujinaysa inaanay jirin golaha iskaashiga dowlad goboleedyada, maadaama uu meesha ka baxay hogaamiyihii golahaasi C/Welli Maxamed Cali Gaas.

Mr Gaas, ayaa ahaa ruux si weyn uga soo horjeeday dowladda Soomaaliya, waxaana uu guddoommiye u ahaa gole ay ku mideysan yihiin dowlad goboleedyada, oo ka careysnaa hab dhaqanka dowladda Soomaaliya.

Waxaa hadda muuqata in madaxweynaha Galmudug oo buuq siyaasadeed badan ku furan yahay iyo madaxweyne Axmed Madobe ay kusoo hareen golaha iskaashiga, haddii aysan helin taageerada Madaxweynaha cusub ee Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Kenya: Wakiilka Somaliland oo xog dheeri ah ka bixiyay safarkii Gavin ee Hargeysa

Nairobi (Caasimada Online) – Safarii maalmo ka hor uu ku tagay magaalada Hargeysa wasiirka gaashaandhiga dowladda UK ayaa banaanka keenay loolanka adag ee loogu jiro Somaliland.

Wakiilka Somaliland ee dalka Kenya Baashe Moorgan ayaa shaaca ka qaaday in safarka xoghayaha gaashaandhiga Ingiriiska ee Hargeysa uu banaanka keenay qorshaha dowladda UK ka leedahay Somaliland.

Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa dalka Kenya ayaa shaaciyay in UK ay damacsan tahay inay saldhig ciidan ka sameysato agagaarka magaalada Berbera ee Somaliland, halkaasi oo dowlado badan ay daneynayaan.

Loolanka Imaaraatka Carabta, Ruushka iyo UK ayaa hadda u muuqda mid laga dareemayo deegaanada Somaliland, waxaana dhamaan dowladahaasi ay doonayaan inay saldhigyo ku yeeshaan Somaliland.

Imaaraatka Carabta ayaa heysta ogolaanshaha uu saldhig meletari kaga sameysanayo Berbera, waxaana saldhigaasi la sheegaa inuu yahay mid Imaaraatka uu ka damacsan yahay inuu kala dagaalamo xuutiyiinta Yemen iyo kooxda Daacish.

Safarkii wasiirka gaashaandhiga UK ee Hargeysa ayaa shaaca ka qaaday qorshaha UK ee ay dhawaan shaaciyeen, kaasi oo ahaa inay saldhigyo ka sameysanayaan Africa, waxaana Somaliland ay noqotay meesha ugu horeysa ee xooga ay saareen.

Sidoo kale dowladda Ruushka ayaa dooneysa inay saldhig ciidan ka sameysato agagaarka magaalada Saylac, waxaana halkaasi ka muuqda in loolan adag loogu jiro saldhig ciidan oo laga sameysto gobolka.

Caasimada Online
Xafiiska Kenya
[email protected]

Maxay Somaliland kaga dhigan tahay doorashadii uu kusoo baxay Karaash?

Garowe (Caasimada online) – Warar aan ka heleyno doorashadii shalay ka dhacday magaalada Garowe ayaa sheegaya in Somaliland saameyn ay ku laheyd doorashada madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Ilo xog ogaal ah ayaa xaqiijinaya in Somaliland ay taageero u muujiyeen madaxweyne ku xigeenka Puntland intii uu ku gudo jiray olalihiisa doorashada iyo xiliga ay socotay doroshadii shalay ka dhacday magaalada Garowe.

Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa garab istaag weyn ka helay madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi, kaasi oo uu isfaham siyaasadeed uu ka dhaxeeyay.

Muuse Biixi, isaga oo ka duulaya in dad saameyn weyn ku leh gobolka Sool ay kusoo baxaan doorashada Puntland ayaa waxaa la sheegay inuu dhaqaalo ku taageeray madaxweyne ku xigeenka Puntland.

“Axmed Karaash waa shakhsi is bad badal badan waana mid aanan muhiimad gaar ah siin doonin deegaanada uu kasoo jeedo xoreyn iska daaye waayo shan sano ayuu wasiiro ka ahaa xukuumaddii Gaas mana booqan hal deegaan oo kamid ah goboladda uu kasoo jeedo”sidaasi waxaa laga soo xigtay mid kamid ah xubnaha sida dhow u yaqaana Axmed Karaash.

Xubnaha la tartamayey Axmed Karaash ayaa la rumaysan yahay in xukuumadda Hargeysa ay kula jirtay dagaal xoogan halka madaxweyne Denni iyo ku xigeenkiisa Axmed Karaash marnaba aysan u arkayn in saamayn ay ku yeelan karaan isbadal ka dhaca gobolka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawirro: Madaxweyne Deni oo la kulmay wafti ay soo dirtay DF

Garoowe (Caasimada Online) – Wafdi isugu jiro Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan xukuumada Soomaaliya ayaa maanta goor dambe u duulay Magaalada Garoowe oo lagu qabtay isla maanta doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenka maamulkaasi.

Markii ay ka dageen garoonka diyaaradaha Garoowe durbadiiba waxa ay la kulmeyn Madaxweynaha cusub ee maanta la doortay ee maamulkaasi Saciid Deni.

Wafdigan ka socday dowladda federaalka Soomaaliya ayaa Mudooyinkan Ku Xayirnaa Magaaladda Muqdisho ka dib Amarkii dhawaan ka soo baxay Madaxtooyadda Magaaladda Garoowe.

Wafdiga oo aad u Daneynayay inay ka Qeybgallaan Doorashadda Madaxweynaha Puntland ayay Maanta u suurta gashay in ay Garoowe u Duulaan, kadib markii doorashada maamulkaasi maanta qabsoontay oo sidaasi xayiraadii saarneyd lagaga qaaday.

Maamulka Puntland ayaa kol sii horeysay soo saaray amar ah in dhamaan masuuliyiinta xukuumada federaalka Saoomaaliya aysan soo caga dhigan karin inta lagu gudo jiro doorasho, waxa ayna ku micneeyeen in ay kaga hortagayaan faragelin lagu sameeyo doorashada.

FARMAAJO oo war ka soo saaray doorashada Deni

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha iyo Madaxweyne K/Xigeenka cusub ee Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) iyo Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo maanta ku guuleystay doorashadii ka qabsoontay Puntland.

“Waxaan Madaxweynaha cusub ee Puntland Mudane Siciid Deni iyo K/xigeenkiisa Mudane Axmed Karaash ugu hambalyeynayaa xilalka loo doortay, anigoo xasuusinaya yididdiilada bulshada Puntland ee ku aaddan in ay deegaannadaas u horseedaan amni, caddaalad iyo horumar.”

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey musharraxiintii xilka madaxtinnimo, Guddiga Doorashada iyo Golaha Wakiillada Puntland dadaalkii ay geliyeen sidii loo sii adkeyn lahaa dimuqraadiyadda qaan-gaarka ah ee ka jirta Puntland.

Madaxweynaha ayaa u rajeeyay shacabka iyo maamulka Puntland isbeddel miro-dhal ah oo horseeda xasillooni buuxda iyo horumar ay si wadajir ah ugu tallaabsadaan bulshada iyo dhammaan deegaannada Dowladda Goboleedka Puntland.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Alle uga baryay Madaxweynaha cusub ee Puntland iyo K/Xigeenkiisa in ay ku guuleystaan gudashada waajibaadka culus ee loo igmaday.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]