25.4 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

FAROOLE: Is-beddel xalaal ah ayaa maanta dhacay dabeyshiina ina dhaaftay

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa hadal kooban ka jeediyay hoolka doroshada ee lagu doortay madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Senetor Faroole ayaa hadalkiisa ku muujiyay siduu ula dhacsanaa in doorashada uu ka haro Madaxweyne Gaas, waxaana uu sheegay in doorashada ka dhacday magaalada Garowe ay aheyd mid xalaal ah.

Wuxuu sidoo kale sheegay in madaxweynaha cusub ee la doortay uu wax badan ka yaqaano islamarkaana uu hogaamin karo shacabka Puntland.

“Waa maalin weyn waa maalin isbadal xalaal ah uu ka dhacay Puntland, waxaa dadka Puntland loo xulay qof xilka lagu aamini karo, waxaan u mahad celinayaa xildhibaanada golaha wakiilada Puntland, waxaana kaga mahadcelinayaa doorashada ay doorteen hogaamiye Saciid Cabdullaahi Deni oo ah siyaasi Nadiif ah”,

“Waa nin nadiif ah oo aan aqaan, hadda ka horna ku sigtay inuu ra’iisul wasaare noqdo, waan ku naqaanaa kartida uu leeyahay  Saciid Deni, waxaan kaloo aan u mahadcelinayaa Generaal Asad oo ciidamada ugu tayada wanaagsan ee Puntland hogaamiye ka ahaa xiligii aan madaxweynaha ahaa”.

“Dabeyshii ina heysatay ayaa ina dhaaftay, waxaan dadka shacabka ah u rajeynayaa inay helaan barwaaqo iyo xasilooni”ayuu yiri C/raxmaan Faroole.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
[email protected]

 

C/Weli GAAAS oo talooyin siiyey madaxweyne Deni

Garowe (Caasimada Online) – Kadib markii lagu dhawaaqay natiijada doorashada madaxweynaha Puntland waxaa khdubado la siiyay masuuliyiin kale oo ku sugan goobta ku sugan.

Saciid Cabdullaahi Deni Madaxweynaha cusub ee Puntland ayaa lagu dhaariyay goobta doorashada ay ka dhacday, waxaana uu sheegay inuu ku faraxsan yahay xilka loo doortay.

Generaal Asad Cismaan Cabdullaahi oo dhankiisa ka hadlay goobta ayaa u hambalyeeyay madaxweynaha cusub ee Puntland, waxaana uu sheegay in Puntland ay isku duuban tahay.

Dr C/Welli Maxamed Cali Gaas oo dhankiisa khudbad goobta ka jeediyay ayaa hambalyo u diray madaxweynaha cusub, waxaana uu shacabka ka dalbaday inay la shaqeeyaan madaxweynaha cusub.

Wuxuu sidoo kale sheegay in Saciid Cabdullaahi Deni uu yahay mid Puntland ka saari kara dhibaatooyinka ka jira, waxaana uu kula dardaarmay madaxweynaha cusub inuu ka shaqeeyo cadaalada Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
[email protected]

Saciid Deni oo loo doortay madaxweynaha Puntland

Garowe (Caasimada Online) – Kadib doorasho saacado socotay oo ka dhacday magaalada Garowe, waxaa lagu dhawaaqay natiijada doorashada madaxweynaha maamulka Puntland.

Doorashadan ayaa la isla gaaray wareega seddexaad ee doorashada waxaana ku  tartamay Saciid Cabdullaahi Deni  iyo Generaal Asad Cusmaan Cabdullaahi.

Labada Musharax ayaa kala helay Saciid Cabdullaahi Deni oo helay 35  iyo Generaal Asad Cusmaan Cabdullaahi oo helay 31

Sidaas ayaa waxaa lagu shaaciyay in Saciid Cabdullaahi Deni uu yahay madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland shanta sano ee soo socoto.

Doorashada oo ay ku tartamayeen 21 Musharax ayaa waxaa kusoo baxay Saciid Cabdullaahi Deni oo kamid ahaa musharixiinta loogu hadal heynta badnaa doorashada.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
[email protected]

Mahad Salad: Madaxda DF waxay billaabeen arrin ay Soomaali ka dagaalantay

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo kamid ah baarlamaanka Soomaaliya ee mucaaradka ku ah xukuumadda ayaa ka hadlay ishor istaagii lagu sameeyay C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame.

Xildhibaanka ayaa qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook ku sheegay in xiligan aan la joojin waqtigii awooda ciidan loo adeegsan jiray caburinta siyaasiyiinta.

Qoraalka Xildhibaanka ayaa u qornaa Sidan:-

Soomaaliya waa soo dhaaftay xiligii lagu maamuli jiray caburin, cagojugleyn iyo cudud ciidan ee dalkaan dib u dhac iyo burbur kale ha u horseedinina!

SIMINAAR SIYAASADEED oo waxa ugu badan ee kasoo bixi kara ay yihiin in dadka kasoo qayb galay ay isku sheegaan wax umaddu wada ogtahay oo ah ”marxalada maanta dalkeenu marayo iyo marin habaabinta ku dhacday majaraha siyaasadeed ee Madaxweynaha iyo kooxdiisu higsanayaan” in waxaas oo awood ciidan ah la iskugu geeyo si loo baajiyo waxay daliil cad u tahay MUSTAQBALKA MADOW ee dalkeena kusoo foolka leh.

Waxaa kale oo nasiib daro aad u weyn ah in ciidamadii qaranka ee u xilsaarnaa difaacida dalka, ilaalinta shuruucda dalka iyo dhowrista sharafta iyo karaamada muwaadinka Soomaaliyeed loo adeegsado caburin, cagojugleyn iyo dilal siyaasadeed. Arintaani waxay wadada u sii xaaraysaa in aan dalkaan doorasho laga qaban doonin 2020 ee la doonayo in xoog ciidan iyo xukun marooqsigii Baydhabo oo kale lagu haysto!

Horay ayaa Soomaali uga dhiidhisay caburin, cagojugleyn iyo cudud ciidan oo wax lagu maamulo. Waxayna na dhaxalsiiyay dhimasho, dhaawac, barakac, burbur hantiyadeed, qabyaalad iyo qabqable ma naxariiste ah, qowlaysato shaar diimeed inta noo soo xirta dadka shacabka ah qarax ku gumaada iyo quwado shisheeye oo masiirkeena ku amar ku taagleeya!

Waxaan kula talinayaa Madaxweynaha iyo kooxdiisa sidaan xukun aad ku nagaataan kuma imaanayo ee dalkaan dib u dhac iyo burbur kale ha u horseedinina!

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawirro: Waftigii uu xanibay Gaas oo ugu dambeyn ka dhoofay garoonka Xamar

Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdi ka socda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka duulay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana ay ku sii jeedaan maagaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland.

Wafdigan waxaa hoggaaminaya Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, Xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale oo ka soo jeeda degaannada Maamulka Puntland.

Mas’uuliyiintan safarkooda ayaa ku soo aadaya kaddib markii uu doorashada ku guuledarreystay C/Wali Maxamed Cali Gaas oo Warqad uu horay u soo saaray ku mamnuucay in xubnaha dowladda Federaalka ah tagaan Magaalada Garoowe.

Gaas ayaa dowladda Federaalka ah horay ugu eedeeyay in ay faragelin ku sameyneyso doorashada degaannada Maamulka Puntland.

Horay Wasiirro ka tirsan Dowladda Federaalka oo uu ka mid ahaa Axmed Ciise Cawad ayaa laga celiyay Garoonka Adan Cadde kaddib markii diyaaraddii geyn lahayd Garoowe looga digay in ay qaaddo.

Xiriirka Gaas iyo dowladda Federaalka ah ayaa xumaaday inkasta oo Madaxweyne ku xigeenka C/Xakiin Xaaji Cumar Cameey uu xiriir wanaagsan lalahaa Dowladda dhexe.

FIQI oo xildhibaannada maamulka PUNTLAND u sheegay in ay doortaan…

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa fariin dardaaran ah u diray xildhibaanada baarlamaanka Puntland.

Xildhibaan Fiqi ayaa ugu baaqay xildhibaanada Puntland inay ka faa’ideystaan waqtiga yar ee u haray, waxaana uu kula dardaarmay inay shacabka Puntaland usoo dooraan ruux kala yaqaana deegaanka.

Sidoo kale wuxuu sheegay in xildhibaanada Puntland looga baahan yahay inay shacabka deegaanadooda usoo xulaan ruux aan taageerin dowladda Soomaaliya “Qowsaar u aheyn qole kale”ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

“Xildhibaanada Puntland waqtiga yar ee u haray, waxay heystaan fursad ay deegaankooda iyo Soomaaliba ugu doori karaan hogaamiye aqoon & khibrad leh, dadka iyo deegaanka yaqaana, qolo kalena aan qawsaar u ahayn!  Tawfiiqda In ilaahay idin waafujiyo ayaan idinkugu ducaynaynaa.”ayuu yiri xildhibaan Fiqi.

Xildhibaanada baarlamaanka Puntland ayaa saacado kadib galaya doorashada madaxweynaha maamulka Puntland, waxaana u taagan xilka madaxweynaha maamulkaasi inka badan 20 musharax.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Nabad iyo Nolol: Farqiga u dhexeeya Puntland iyo Koonfur Galbeed (Aqri)

Maanta oo ah 8-da Janaayo, Puntland waxaa u dhammeystirmaya doorashadii u soo bilaabatay dhawr bilood kahor.

Eebe haku dhammeeyee, waxa ay u egtahay in doorasho nabdoon ka dhici doonto halkaas, sidii awalba loogu bartay.

Hase ahaatee, bulshada Soomaaliyeed waxa ay is weydiinayaan, maxay dowladda u faragalin weysay Puntland maadama ay sidaas ku sameysay Koonfur Galbeed?

Su’aashaas waxaa looga jawaabi karaa qodobada soo socda marka la’isla eego-

1- Puntland 20 sano ayey jirtaa – Koonfur Galbeed 4 sano

2 –Puntland haykal dowladnimo oo dhammeystiran ayaa ka jira – Koonfur Galbeed xataa Madaxweyne ku xigeen ma lahayn

3 –Xuduuda Puntlad waxaa gacanta ku haya maamulkeeda –Koonfur Galbeed waxaa Baydhabo oo ay joogto ku haya Amisom

Qodobadaas iyo kuwo kale oo badan waxa ay si fudud kuugu muujin doonaan in marka horeba labada maamul aan la’is barbardhigi Karin.

Arrinta Labaad –

Dowladda waxaa hubaal ah in ay hal ajande ka wada leedahay dhammaan maamulada.

Doorashadii ugu horreeysay tan iyo markii ay isku dheceen  maamulada waxa uu ku soo aaday Koonfur Galbeed, dowladda waxa ay u martay xeelad awood sheegasho weyna ku fushatay ujeedkeedii.

Puntland ayaa ku soo xigtay – iyada xoog suurtagal u noqon meyso laba qodob dartood; 1 – Iyada oo ka soo kabatay fowdo siyaasadeed oo heer mooshin Madaxweyne gaartay iiyo dhacdadii Michael Haysom ma isku furi karto dagaal kale oo muuqda, 2 – Awoodda Puntland u leedahay in ay iska caabiso.

Qodobadaas oo jira, dowladda waxa ay raacday waddo kale oo uga halis yar oo waxa ay adeegsaneysaa DHAQAALE xoog leh iyo wakiilo Garowe u fadhiya oo aan la dareemeen .

Jubbaland ayaa iyana ku xigta -!

Walow aysan caddeyn qaabka ay u wajihi doonto, hadana waxaa hubaal ah in ay faraglin doonto .

Galmudug iyo waxaa raaci doona Hirshabeelle, iyaguna kama badalnaan doonaa kuwii hore.

Hadaba, waxaan qoraaljeyga ku soo koobanayaa in dowladda ay hal hadaf ka wada leedahay dhammaan maamulada balse ay qabaab kala duwan (Different Approaches) u mareyso si ay siyaasaddeeda uga fushato.

W/Q: Istar Cali Mataan
Toronto, Canada

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Dhoobo-Daareed:-  Dhib kastaba ha jiree wax weyn baa lagaa filayaa!!

Nin laalush qaatay ha ka sugin, inuu isagoo qof madax-bannaan ah codeeyo! Waa BEEEeeeN!  Ma aha qaacida jirta!

Guddoomiyaha cusub Cabdi-Xakiim Max’ed Axmed (DHoobo Daareed) inta aan oghay labo xilli oo hore ayuu u soo tartamay xilka loo doortay, taasi macnaheeda waxaa weeye inuu geliyay dadaal dheeri ah oo uu ku mintiday siduu mar u noqon lahaa Guddoomiyaha golaha shacabka Puntland, waxaana laysa weydiin karaa muxuu ku arkay?!…laakiin taas waxaan jawaabteeda kaga qancay sida ay isku raaceen dadka isaga yaqaan intooda badan inuusan ahayn nin looga baqayo inuu khatar geliyo  Puntland,  isla markaasna  muddadii dheereyd ee uu ku soo jiray golaha shacabka Puntland uu ahaa nin ku caan baxay dhaqan iyo anshax wanaagsan, waxaana in badan oo dadkaas ah ay isku raaceen inuu ka saari karo Puntland  habacsanaanta soo jiitantay ee xag  dhaqan, siyaasadeed, dhaqaale, uu  maamulka hadda xilkiisu dhammaday uga tegay , siiba musuqmaasuqa qaawan ee 5tii sano ee u dambaysay dhaqanka u noqday golahii shacabka ee Puntland.

Waxa ugu horeeya ee DHoobo-Daareed iyo golaha u hoggaaminayo  laga sugayo  waxay tahay si ay u ilaaliyaan ku dhaqanka  iyo  jirtaanka dastuurka iyo habka federalism-ka ah ee ummaddu ku heshiisay  inay soo doortaan ninka ay ka filayaan ama ay ka arkeen dhaqankiisa iyo taariikhdiisa wax-qabasho inuu u hoggaansamayo qawaaniinta  maamulka u hoggaaminayo iyo dalka Soomaaliyeed,  isla mar ahaantaasna aan ka shaqaynayn ama gacan ku siinayn dadka la dagaalamaya xeerarka iyo waxyaabaha ay ummaddu ku heshiisay, ee qorshayniya inay dumiyaan maamul goboleeddada iyo nidaamka federal-ka ah  ee  dadka Soomaaliyeed ay ku soo heshiiyeen…waxaa kaloo looga fadhiyaa,  xil-dhibaannada inay ku shaqeeyaan dareen!… Oo waxa ku meeran dhaqso ay urin karaan, u maqli karaan, una arki karaan, iayadoo wali aysan dad-weynaha soo cabana ma qaylo ka imaan…iyo caqli markiiba garta wax la dareemay, iyo kaskii ay go’aan degdeg ah uga qaadan lahaayeen dhibta  ay dareemeen iyadoo aan qaynuunka la baal marayn!…

Waxaa iyadana rajo weyn laga muujiyay  in xil-dhibaannada cusub oo tiro ku dhowaad 50 xubnood, oo ka mid ah 66ka xubnood ay  yihiin dhallin-yaro  ay ka dhab tahay inay dib u soo celiyaan ilaalinta dhaqanka suuban ee ummadda (Diinta Islaamka) iyo xeerarka ay ummaddu ku heshiisay.  Waxaa sidoo kale  soo baxaya  in xubno badan oo ka mid ah xil-dhibaannada cusub ay rumaysanyihiin in madax-weynaha ay soo dooranayaan iyo xukuumadda imaanaysa  iyo golaha shacabka isla xisaabtankooda uu ku dhisanyahay hannaanka wanaagsan ee dowladnimmada, taasina ay tahay midda dowladnimmada iyo maamulka Puntland shantii sano ee la soo dhaafay waysay. Waxaa sidoo kale ay xil-dhibaannada cusub  ee Puntland ku soo beegmeen xilli  adag  oo dowladda dhexe ee federal-ka  ay  duulaan  qaawan ay ku soo qaaday maamul-goboleeddada, taasoo sida muuqata  salka ku  haysa sababo qarsoon oo la xiriira heshiisyada  qarsoon ee  ay wada gaareen Abiy Axmed Cali iyo Max’ed Cabdullaahi Farmaajo waana sababta qasabta in ciidammada Itoobiya ay si bareer ah maalin cad shacabkii reer Koonfur-Galbeed ugu laayeen magaallada Baydhabo si loo soo doorto Lafta-Gareen!

Xil-DHibaannadii hore

gefkii ay  ka galeen

dastuurka (Ummadda)

wax ma ka qaban doonaan?!…

SHaqooyinka ugu adag  ee hor yaala DHoobo-Daareed iyo  golaha uu guddoominayo waxay tahay inay doorashada beritoo dhacaysaa  indho furan kula socdaan, inay tartanka ka reebaan cid kasta oo murashaxiinta ka mid ah oo lagu cadeeyo inay laaluush bixinaysay! Laakiin hawsha xooggeeda iyo culayska u weyn  ee  xil-dhibaannada  dooranay  madax-weynaha Puntland saaran wuxuu  yahay  inay ka digtoonaadaan oo ay ka feejignaadaan qof kasta oo ay ku tuhmayaan inuu khatar ku yahay jiritaanka iyo maamul-goboleeddada kale! Waxaana si gaar ah fart loogu fiiqi karaa Dr. Cali Ciise Cabdi, oo isaga aan wali cadayn inuu bedelay mowqifkiisii colaaddii uu uga soo hor jeeday Puntland, isla markaasna dad badan  oo la socday dhaqdhaqaaqiisa ay sheegayaan in Dr. Cali Ciise uusan wali waxba ka bedelin taas laakiin hadda uu qorshihiisu yahay inuu gudaha u soo galo kana faa’idaysto  colaadda u dhexeysa Puntland  (Maamul-Goboleeddada) iyo dowladda dhexe ee federal-ka, wuxuuna Farmaajo iyo KHeyre ugu jiraa kaalintii uu Cabdi-Caziiz Lafta-Gareen u joogay doorashadii ka dhacday Koonfur-Galbeed.

DHanka kale,  waxaa hor yaala DHoobo-Daareed  iyo xil-dhibaannada cusub  inay dib u fiirin ku sameeyaan heshiisyada qarsoodiga ah ee lala galay shirkadaha iyo dalalka shisheeyaha ah,  gaar ahaan kii dekedda Boosaaso ee lala galay DP, shirkadda Midowga Immaaradaha Carabta, isla markaasna ah gacanta ka dambeysa heshiisyada qarsoodiga ah ee Farmaajo iyo Abiy Axmed, waxaana looga baahanyahay inay ku dhiirradaan oo si cad sugnaanshaha lahaanshaha dekedda Boosaaso ee Soomaaliya,  iyo waliba inaysan ahayn hanta uu lagula heshiin karo ama laga iibsan karo madax-weyne, ama waziir! Ama qof gaar!…maxaa qarsoon?!! Waa inay dadka Soomaaliyeed u cadeeyaan… Ee ma aha in sidii laga soo maray xil-dhibaannadii hore oo iyagoo wali malabsanaya….iyagoo wali haabhaabanay… iyagoo wali qofkii soo ag maraba qooraansanaya…! “ Waziiradaan xilkoodii bay gudan waayeen…Astaghfurullaah!…sidaas kama wadin waa waziiro fiican, oo waliba si fiican u soo shanlaystay! Maya waxaan ka wadaa…”  Guddoomiyihii hore ee golaha shacabka Puntland Axmed Cali Xaashi… “ Ceebi yeey wax yeeshaa?!…Ihi! ixi! Hahahah!…Ceeb waa laba af maroojis!…”  Xil-DHibaannadii hore ee Puntland.    

Doorashada beri,  waa xil aad u weyn, waana xilka mar kasta lagu eedeeyo in  xil-dhibaannadu ay dadkooda ku dulmiyeen,  dadkooda ay codkooda wakiilka ka yihiin iyagoo aan u dhiiban, hadday tahay madax-weyne dowladeed, iyo hadday tahay mid maamul-goboleed!…Beri codkiina waxaad ku go’aaminaysaan qayb weyn oo ka mid ah aayaha ummadda, dalka, iyo waliba si gaar ah ilmahaaga iyo faca dambe!…Ha ku fududaan waa  go’aan weyn oo aadan hubin inuu mar kale gacanaatada ku soo laabanayo! Hanka laydin qabo iyo waxa laydinka fili karo beri bay kala caddaan!…Waxaanse hubaa mujtamac quus  gaaray shantii sano ee la soo dhaafay rajadii u soo bidhaantay inaad tihiin!…Xil-DHibaannada Cusub ee Puntland wax weyn baa laga filayaa!

W/Q: Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

WAR CUSUB: Qiimihii ugu sareeyay ee cododka xildhibaanada iyo murashaxa ugu lacagta badan

0

Wararkii ugu danbeeyay ee doorashada madaxtinimada maamulka Puntland ay Caasimadda Online ka heleyso magaalada Garowe ayaa sheegaya in loolankii ugu adkaa uu caawa ka dhacay hoteelada ay degan yihiin xildhibaanada dooran doona subaxnimadaan madaxweynaha shanta sano ee soo socota maamuli doona Puntland.

Loolanka murashaxiinta ayaa loo adeegsanayaa dhaqaala iyo sumcad, waxaana suuqa kala xod-xodashada uu gaaray heerkii ugu sareeyay, waxaana halkaan idiin kugu soo gudbinaynaa heerka suuqa muraxashiinta iyo xildhibaanada kala gaareen.

Murashaxa Maxamud Khaliif Jabiye ayaa suuqa xildhibaanada la wareegay caawa, wuxuuna beecii ugu sareeyay halkii cod uu gaarsiiyay 100,000 oo dollar, taasoo keentay in xildhibaano badan ay u jabaan dhankiisa.

Waxaa rikoor cusub dhigay oo haddii sumcad iyo masuq maasuq la dagaalan lagu dooranayo madaxweynaha Puntland waxaa kusoo bixi doona Cali Ciise Cabdi oo soo xiray albaabada masuqmaasuqa iyo laaluush wax ku doorashada, isagoona xildhibaanadii ugu danbeeyay u sheegay in isagoo 70 sano jir ah mudo 30 sano ah uu la dagaalamayay faqriga, iyo masuq maasuqa, isagoona yiri “Maanta ma horseedayo mustaqbalkeyga iyo aakhiradeyda inaan laaluush bixiyo, si aan ummad dhan hoggaamiye ugu noqdo”.

Marka laga soo tag murashaxa ugu lacagta badan waxaa isna soo labeeya murashax Faarax Cali Shire  oo suuqa soo geliyay lacag dhan 50 ilaa 80 inta u dhaxaysa murashaxii.

Murashax Asad Cismaan Diyaano, ayaa isna suuqa soo sadaxeeyo, waxaana xildhibaankiiba uu ku kasbanayaa lacag u dhaxaysa 40 ilaa 60 kun dollar, isagoona adeegsanaaya siyaasiyiin magac ku leh Puntland..

Murashaxa ugu cad-cadaa ee Saciid Dani oo maalmihii lasoo dhaafay suuqa haystay ayaa xildhibaanada kasoo kala dareereen caawa, kadib markii uu xildhibaanada u balan qaaday midkiiba 40 kun, kana dalbaday inay u dhaartaan, hase ahaatee waxay door dibeen inay ka qulqulaan.

C/weli Gaas ayaa isna xildhibaano badan ay u jabeen, markii uu bilaabay inuu 40 xildhibaan shir la qaatay, miiskana uu soo saaray 30 kun dollar, hase ahaatee xildhibaanada ayaa u arka in dhaqaalahaasi ay yihiin hantidii shacabka hadeysan u coddeyna aysan godob laheyn.

Cabdi Faarax Juxaa oo wasiirka arrimaha gudaha kasoo noqday dowladda federaalka ayaa saameyn aad u weyn laheyn, maadaama dhaqaale ahaan aad u liido.

Dhanka kale, tiro xildhibaano ah oo muran ku jiro tiradooda ayaa lagu soo waramayaa inay guri isku aruursadeen, kuwaasi oo sheegay inaysn wax lacag ah qaadan doonin, codkoodana ay siin doonaan cida ay is yiraahdaan way ugu haboon tahay wadanka, dhibka jirase waxay tahay tiradooda si rasmi ah loom yaqaan.

Si rasmi ah looma saadaalin karo shaqsiga hannan doono xilka madaxweynenimo ee Puntland oo murashaxiinta juhdi kala duwan ay ku bixinayaan, waxaase la ogaan doonaa xaqiiqda 12-duhurnimo ee tallaadada ama wixii ka danbeeya.

Cali Muxiyadddiin
Aruurinta Xogta
Xafiiska Caasimada London

Tirinta codadka wareega ugu dambeeya oo bilaabatay

Garowe (Caasimada Online)-Waxaa ugu dambeyn soo idlaatay bixinta codadka xildhibaanada baarlamaanka Puntland oo gaaraya 66 musharax, waxaana bilaabatay in la tiriyo codadka xildhibaanada.

Saciid Cabdullaahi Deni iyo Generaal Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa iskuugu soo haray wareega ugu dambeeya ee doorashada.

Midkood ayaana noqon doono madaxweynaha cusub ee Puntland shanta sano ee soo socoto, waxaana lagu kala baxayaa cod hal dheeri ah.

La soco natiijada Doorashada Puntland
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Maxaa Xiiso Gaar Ah U Yeelaya Doorashada Puntland? (Warbixin)

Garowe (Caasimada Online)-Ma aha doorasho dadweyne, xildhibaanno ayaa codeynaya!

Labaatan cisho kadib, markii doorasho aan aad loogu baratamin ay ka dhacday magaalada Baydhaba, halkaasoo maamulka Koonfur Galbeed uu ku yeeshay madaxwyenihii labaad tan iyo intii la dhisay ayey Garowe ka dhaceysaa doorasho laga yaabo inay loollan adag yeelato. Shantii sanaba mar ayaa la qabtaa doorashada Puntland.

21 Tartame, oo uu ku jiro madaxweynaha waqtiga ka dhamaaday ayaa u hanqal taagaya inay ku fariistaan kursiga ugu sarreeya maamulkaasi qaangaarka ah ee Puntland.  11 kalena, midkiiba waxa uu doonayaa inuu noqdo madaxweyne ku xigeen. Kuna darso 32 ka tartame midna dumar ma aha!

Doorashada madaxtooyada waxaa ka horreyay tan wakiillada, 66 xildhibaan oo todobaadkii hore la dhaariyay ayaa doortay guddoon. Waxa ayna isu diyaarinayaan inay kala xushaan mas’uuliyiintaas oo dhamaan Isniintii hadal-jeedin sameeyay si ay u bandhigaan qorshahooda waxqabad, laakin shaki kuma jiro in aan lagu kala dooraneyn kaliya sida ay u khudbeeyeen. Waa qasab in olole la sii sameyay, lala shiray cod-bixiyeyaasha, loona gudbiyay dalab faro dufaneysan uu wehliyo.

Awood-qeybsiga aan Dastuuriga ahayn

Puntland oo 20 jir ah, taarikhiyan waxa ay soo yeelatay  Afar madaxweyne oo ka soo kala jeeda Bari, Nugaal iyo Mudug-(2 madaxweyne?). Taasi macnaheeda waxa weeye in haatanna ay waajib  tahay inuu soo baxo murashax u nasab-sheegta  saddexdaasi gobol, maxaa yeelay  guddoonka baarlamaanka ee la doortay Jumcadii waxa uu  ka soo jeedaa  deegaan ka baxsan saddexda gobol, waxa ay taasi yareysay rajadii ay qabeen murashixiinta ay isku heybta yihiin. Inkastoo ay saadaal tahay, hadana waxaa laga yaabaa in Asad Diyaana, Cali Xaaji Warsame, Cabdi-wali Gaas, Cabdi Faarax {JUXA},  Saciid Dani iyo Injineer Maxamuud Khaliif {JABIYE} ay yihiin kuwa hadal-heynta u badan tahay.

Saciid Dani iyo Maxamuud Khaliif ayaa suuragal loo arkaa inay galaan loollaka ugu dambeeya, sababtuna waxa ay tahay labaduba waxa ay ka yimaadaan magaalada Qardho. Maxaa yeelay labadii xilli doorasho ee u dambeysay kuma soo bixin murashax ay isku heyb yihiin.

Dhinacyada kala taageeraya ayaa sidoo kale ka dhigeysa inay isu soo haraan, balse wax walba ayaa la filan karaa.

Eedaha Faragelinta Dowladda federaalka

Maadaama aysan dowladda federaalka ah isku wanaagsaneyn madaxweynaha waqtiga ka dhamaaday oo gudoomiye u noqday gole iskaashi oo ay leeyihiin dowlad-goboleedyada, kaasoo xiriirka u jaray maamulayaasha Muqdisho, ayey taasi sare u qaadday cabsida uu ka qabay in la farageliyo.  Dowladda federaalka ah laftrikeeda waxaa la aaminsan yahay inay hoos u dhigeyso awoodda maamullada aan adeecsaneyn. Tusaale ahaan doorashadii  19-kii, bishii Disembar ka dhacday Baydhaba, oo sabab u noqotay in uu shaqadiisa ku waayay wakiilkii QM ee Soomaliya, waxaa ku soo baxay murashaxii  ay dooneysay.

Si looga fogaado in madaxda federaalka ay galaangal u yeeshaan, ayey shir ay isugu yimaadeen guddiga Amniga dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxa ay soo saareen 7 qodob oo ku saabsan Amniga xilliga doorashada Madaxweynaha.

War-Saxaafadeed ay Guddiga soo saareen ayaa inta badan looga hadlay dhinaca Amniga,waxana qodobada ku jira ka mid ahaa in Madaxda iyo Shaqaalaha Dowladda Federaalka aysan deegaanada Puntland tegi karin inta lagu guda jiro doorashooyinka. Waxaase sharci-yaqaannada sheegeen inaysan xaq u lahayn maamulayaasha Puntland tallabaadaasi oo dhaqangal noqotay. Si kastase waxa ay bidhaamisay in madaxda talada heysa iyo kuwa aan bahda la ahayn dowladda federaalka ay baqdin ka qabeen in la wiiqo, si aysan u soo bixin. Waxaa kale oo jira warar sheegay inay dowladda riixeyso murashax Maxamud Khaliif {JABIYE} walow wasiirka arrimaha dibadda oo hadlay uu ku gacan seyray inay taageero maaliyadeed murashax gaar ah siinayaan, balse uu carrabka ku dhuftay inay dabiici tahay in qofka uu qof kale taageero.

Kaalinta Baraha Bulshada {SOCIAL MEDIA}

Ka sokow, warbaahinta oo toos isha ugu heysa una soo tabineysa dhacdooyinka ku xeeran doorashada, hadana waxaa door muuqda leh baraha bulshada. Waxa ay u egtahay in lacag badan laga macaashayo marka ay timaado olalaha loo sameynayo murashaxiinta. Waxa kale oo aragtiyo ku wadaagaya dadka daneynaya doorashada, iyadoo mararka qaar la isku weeraryo fikradaha la kala aaminsan yahay.

Dagaalka baraha bulshada loo adeegsado oo Soomaaliya ku soo xoogeystay 23-kii bilood ee u dambeysay ayaa sidoo kale xamaasad u yeelaya, iyadoo dhaqdhaqaaqyadooda iyo aragtidooda ay murashaxiinta ku soo gidnbinayaan ama la wadaagayaan taageerayashooda si ay xayeysiin ugu sii sameeyaan. Balse waxaas oo dhan waxaa asal u ah sida loo xod-xoto xildhibaannada.

Khilaafka dowladda federaalka ah iyo DG

Dowladda federaalka ah oo billowgeediba wajahday dagaal siyaasadeed oo ay la gashay dowlad-goboleedyada oo ay u arkeysay inay daacad u ahaayeen madaxdii ka horreysay ayaa ku guuleysatay inay dhufaanto.

Waxa ay ku guuleysatay inay meesha ka baxaan saddex madaxweyne oo ka kala arriminayay Galmudug, Hirshabelle iyo Koofur Galbeed oo madaxweyneheedi ku qasabanaaday inuusan tartamin, walow aysan wali rabbaayada ka dhigan maamulka Galmudug hadana waxaa lagu eedeeyaa kal qeybsanaanta heysata iyo inay ka qaadiyaan taageeradooda.

Puntland oo ka fac weyn dowladda dhisan ayaa dhegaha ka fureysata dhambaallada ka yimaada Muqdisho. Taasina waxa ay keenta in haba yaraatee aysan wax xiriir ah la lahayn dowladda federaalka ah, taasina waxa ay keeneysa xiisaha ku saabsan haddii cidda lala xiriirinayl ay ku soo bixi kartay doorashada iyo hadii kale, waxaana la leeyahay waa tijaabo kale, oo ay wajahayaan maamulayaasha Muqdisho.

Maxaa dhacaya Natiijada Kadib?

Bacdamaa uu maamulka Puntland 20 kii sano ee la soo dhaafay ku soo caano maalay kala dambeyn iyo wax isu ogolaasho gudahooda ah lama filanayo qalalaase ka dhasho doorashada. Murashaxii laga adkaado waxa ay u badan tahay inuu aqbalo natiijada. Waxaase jawaab u baahan waxa uu ku dambeynayo  xiriirka xun ee ka dhaxeeya dowladda federaalka ah iyo dowlad-goboleedka Puntland.

Puntland Doorasho lagu diirsado iyo madaxweyne daacad ah ayaan u rajeyay.

  1. Abubakar Mohamed Ali,

Dhaliil ama toosin igula soo wadaag [email protected]

FG:Qoraalkaan waa aragtida ruux ku saxiixan kama Tarjumeyso aragtida Caasimada Online

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
[email protected]

Maxay ka dhigan Natiijada kasoo baxda doorashada madaxweynaha Puntland ee maanta dhaceysa

Muqdisho (Caasimada Online)-Doorashada maanta ka dhaceysa magaalada Garowe ayaa kala cadeyn doonta awooda dowladda Soomaaliya ay ku yeelan karto maamulada dalka iyo in laga guuleysan doono.

Doorashada maanta waxaa dadka loogu hadal heynta badan yahay ay yihiin kuwo taageero ka helaya dowladda Soomaaliya iyo kuwo deegaanada Puntland laga taageersan yahay.

Musharax Eng Khaliif Xasan Jabiye oo taageero ka helaya dowladda Soomaaliya ayaa ah shaqsiyaadka doorashada loogu hadal heynta badan yahay, waxaana loolanka kula jira Musharax Saciid Cabdullaahi Deni.

Wararka aan ka heleyno magaalada Garowe ayaa sheegaya in taageerada dowladda Soomaaliya ay u weecatay dhanka Eng Jabiye Galinkii dambe ee shalay, kadib markii ay dhinacyo badan ka fakareen.

Haddii doorashada uu kusoo baxo Eng Jabiye waxay ka dhigan tahay in dowladda Soomaaliya ay heleyso taageerada ugu badan ee dowlad goboleedyada, waxaana Puntland ay noqoneysaa maamulka Afaraad ee dhanka Dowladda soo mara.

“Maanta ama Nabad iyo Nolol ayaa guuleysanaysa ama reer Puntland ayaa guuleysanaya”sidaasi waxaa Caasimada Online u sheegay mid kamid ah dadka aad ugu dhow musharixiinta loogu hadal heynta badan.

Haddii Musharax Deni uu ku guuleysto doorashada maanta waxay ka dhignaan doontaa in dhanka N&N looga guuleystay doorashada maanta.

La soco dorashada Puntland
Caasimada Online
Xafiiska Puntland
[email protected]

Maxay u baahan yihiin Saciid Deni iyo Genaral Asad si uu midkood u guuleysto

Garowe (Caasimada Online)-Waxaa la aaday Wareega ugu dambeeya ee doorashada madaxweynaha Maamulka Puntland, waxaana hadda isku soo haray kaliya labo musharax oo ka haray 19 musharax kale oo rajadooda ay ku hartay wareegyadii Koowaad iyo labaad ee doorashada.

Musharax Saciid Cabdullaahi Deni iyo Generaal Asad Cismaan ayaa ku tartamaya helida 7 cod oo xildhibaanada baarlamaanka ah, kuwaasi oo u codeeyay Faarax Cali Shire oo ku haray wareegii labaad ee doorashada.

Tartanka labada Musharax ayaa adkaanaya haddii aysan iska lumin codadka ay hadda kala heystaan oo ah Generaal Asad oo heysta 30 cod iyo Saciid Deni oo heysta 29 cod.

Wareega ugu dambeeya ayaa natiijadiisa waxay noqoneysaa cod hal dheeri ah, waxaana aad loo wada xasuustaa wareegii ugu dambeeyay doorashadii 2014 ka dhacday magaalada Garowe oo Madaxweyne Gaas iyo C/raxmaan Faroole ku kala hareen hal cod oo kaliya.

Saciid Cabdullaahi Deni ayaa u baahan helida shan cod oo kamid ah todobadii cod ee uu helay Faarax Cali Shire, Halka Generaal Asad uu u baahan yahay inuu helo 4 cod si uu u noqdo madaxweynaha Puntland, waana haddii labadooda aysan iska lumin codadka ay heystaan.

La soco doorashada Puntland
Caasimada Online
Xafiiska Puntland
[email protected]

Seddexda Musharax ee usoo gudubtay wareega labaad oo la shaaciyay

Garowe (Caasimada Online)-Waxaa soo idlaatay tirinta codadka ay dhiibteen xildhibaanada baarlamaanka Puntland.

Waxaa dorashada ka haray 18 musharax oo xilka isku soo taagay, waxaana musharixiin badan aysan xitaa helin hal cod.

Dr C/Welli Gaas iyo Musharax Jabiye oo aad loo hadal hayay ayaa ka haray wareega labaad ee doorashada madaxweynaha Puntland.

Musharax Saciid Cabdullaahi Deni ayaa heysta codadka ugu badan oo gaaraya 20 cod walow aysan guddiga wali shaacin, sidoo kale Musharax Generaal Asad ayaa heysta codadka ku xiga oo helay 17 cod.

Musharaxa seddexad ee ugu codadka badan ayaa ah Faarax Cali Shire oo helay 9 cod.

Guddiga wali kuma aysan dhawaaqin natiijada, waxayna u badan tahay inay seddexdaasi musharax usoo gudbeen wareega labaad.

La soco doorashada Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
[email protected]

Labada Musharax ee u gudbay wareega ugu dambeeya oo la shaaciyay

Garowe (Caasimada Online)-Waxaa soo idlaatay tirinta codadka ay dhiibteen xildhibaanada baarlamaanka Puntland, wareegii labaad ee doorashada.

Waxaa dorashada ka haray  musharaxii seddexaad oo ahaa Faarax Cali shire, waxaana uu helay 7 cod.

Musharax Saciid Cabdullaahi Deni ayaa heysta codad gaaraya 29 cod iyo Musharax Generaal Asad Cismaan Cabdulaahi oo heysta 30 cod ayaa usoo gudbaya wareega ugu dambeeya ee doorashada.

Guddiga doorashada madaxweyna ayaana ku dhawaaqay natiijada, waxaana wareega ugu dambeeya uu noqon doonaa cod hal dheeri ah.

Waxaa laga cod badiyay musharax Saciid Deni oo wareegii labaad heystay codadka ugu badan oo gaarayay 20 cod, balse hadda 9 cod ayuu ku darsaday, halka musharax Generaal Asad uu helay 13 cod oo dheeri ah, maadaama wareega labaad uu heystay 17 cod.

La soco doorashada Puntland

Caasimada Online
Xafiska Puntland
[email protected]

 

C/Welli Gaas iyo ku xigeenkiisa CAMEEY oo gaaray hoolka doorashada ka dhaceysa

Garowe (Caasimada Online)-Doorashada madaxweynaha maamulka Puntland ayaa ka bilaabaysa daqiiqado kadib magaalada Garowe, waxaana doorashada madaxweynaha isku soo sharaxay 21 musharax.

Xildhibaanada Puntland oo gaaraya 66 xildhibaan ayaa dooranaya mid kamid ah musharixiinta xilkaasi isku soo taagay, waxaana madaxweynaha la doorta uu hogaamin doonaa Puntland shanta sano ee socoto.

Wakiilo ka socdo beesha caalamka iyo wafdi ka socdo dowladda Soomaaliya ayaa ku sugan magaalada Garowe ee xarunta Puntland, kuwaasi oo korjoogto ka ah doorashada maanta ka dhaceyso magaalada Garowe.

Doorashada madaxweynaha kadib waxaa ku xigo doonta doorashada madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland, waxaana saacado kadib Puntland ay yeelan doontaa madaxweyne iyo ku xigeenka.

Madaxweyne Gaas iyo ku xigeenkiisa Cameey oo markale musharixiin ah ayaa ku sugan hoolka doorashada, sidoo kale musharixiinta la tartameysa ayaa ku sugan goobta maanta doorashada ay ka dhaceyso.

Caasimada Online ayaa daqiiqad walbaa idiin soo gudbin doonta doorashada maanta Insha allah.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
[email protected]

Yaa hogaaminayo ilaa iyo hadda tirinta codadka oo la dhiibtay

Garowe (Caasimada Online)-Waxaa soo idlaaday dhamaan codadka ay dhiibanayeen xildhibaanada baarlamaanka Puntland.

66 Xildhibaan ayaa dhiibtay codadka baarlamaanka, waxaana loo yeeray dhamaan wakiilada codadka u qabanaya murashixiinta tartameysa.

Goordhow waxaa bilaabatay tirinka codadka xildhibaanada ay dhiibteen, waxaana wareega labaad u gudbaya seddexda musharax ee ugu codadka badan.

Dr Deni , Faarax Cali Shire iyo Asad Cismaan ayaa heysta codadka ugu badan ilaa iyo hadda.

Toos la soco doorashada Puntland
Caasimada Online
Xafiiska Puntland
[email protected]

Tirinka codadka wareega Labaad oo bilaabatay

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa bilaabatay tirinta codadka ay dhiibteen xildhibaanada baarlamaanka Puntland, waxaana wareega labaad usoo baxay seddex musharax.

Saciid Cabdullaahi Deni, Generaal Asad iyo Faarax Cali Shire ayaa ku tartamaya wareega labaad ee doorashada, waxaana labada musharax ee ugu codadka badan u gudbayaan wareega ugu dameeya.

Saciid Cabdullaahi Deni ayaa hogaaminayo doorashada, waxaana kaalinta labaad ku jira Generaal Asad Cismaan Cabdullahi.

La soco doorashada Puntland.

Caasimada online
Xafiiska Puntland
[email protected]

Natiijada Wareega Koowaad ee Doorashada oo macno usii yeeshay doorashada Puntland

Garowe (Caasimada Online)-Natiijada wareega koowaad ee doorashada ayaa dhinac kale u riday rajadii ay lahaayeen musharixiin badan oo u taagan xilka madaxweynaha maamulka Puntland.

Seddexda musharax ee hadda usoo gudubtay wareega ugu dambeeya ee doorashada ayaa waxaa dhexmari doono loolan adag oo ku aadan helida codadka ugu badan ee xildhibaanada baarlamaanka.

Saciid Cabdullaahi Deni, Genaraal Asad Cismaan iyo Faarax Cali Shire ayaa iskugu soo haray wareega labaad ee doorashada, waxaana haddii uu midkood Tanaasulin lagu qasbanaan doonaa in wareeg seddexaad la aado.

Waxaa meesha ka baxday rajadii ay lahaayeen musharax madaxweyne C/Welli Maxamed Cali Gaas iyo Musharax Eng Khaliif Jabiye oo aad loogu saadaalinayay doorashada maanta ka dhaceyso magaalada Garowe.

Natiijada wareega Koowaad ayaa micno kale u yeeleysa doorashada, waxaana ay ka dhigan tahay in musharaxii Dowladda lagu tirinayay uu meesha ka baxay, iyadoo ay isku soo hareen musharixiin kale.

Saciid Cabdullaahi Deni oo aad loo hadal hayay ayaa wuxuu u muuqdaa inuu noqon karo madaxweynaha Puntland, haddii uusan imaan isbadal kale oo xildhibaanada baarlamaanka ay sameeyaan.

Natiijada wareega koowaad ee doorashada ayaa sidoo kale macno kale u sameysay doorashada madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland, oo shaqsiyaad lagu tuhmayo dowladda Soomaaliya ay ku jiraan.

La soco natiijada doorashada Puntland

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
[email protected]

Doorashada madaxweynaha Puntland oo ka bilaabatay magaalada Garowe

Garowe (Caasimada Online)-Waxaa hoolka ay ku shiraan xildhibaanada baarlamaanka Puntland ka bilaabatay doorashada madaxweynaha maamulka Puntland oo musharixiin badan ay u taagan yihiin.

66 Xildhibaan ayaa ku sugan goobta doorashada waxaana dib kaga soo biiray goobta labo xildhibaan oo markii hore ka maqanaa madasha.

21 Mudane ayaa u taagan xilka madaxweynaha Puntland, waxaana ku jira madaxweyne Gaas oo shan sano maamulayay Puntland.

Sheikh Daahir Aw Cabdulle oo kamid ah culamada Puntland oo hadal laga siiyay madasha doorashada ayaa kula dardaarmay xildhibaanada baarlamaanka inay doortaan ruux hogaamin kara Puntland.

Wareega Koowaad waxaa ku wada tartamaya musharixiinta oo idil, waxaana wareega labaad u gudbaya musharixiinta ugu codadka badan.

Khudbadaha dardaaranka ee culumada ayaa wali ka socda goobta doorashada, waxaana kadib xigi doono doorashada madaxweynaha.

Dhamaan musharixiinta tartameysa ayaa waxay baarlamaanka hortiisa ku saxiixayaan warqad ay ku cadeynayaan inay aqbali doonaan natiijada kasoo baxda doorashada madaxweynaha maamulka Puntland.

Toos ula soco doorashada Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
[email protected]