London (Caasimada Online) – Dowladda UK ayaa abuurtay shaki ku saabsan in Somaliland ay u aqoonsatay dal ka madax banaan Soomaaliya, kadib tallaabo uu qaaday wasiirka gaashaandhigga dalkaas, Gavin Williamson.
Waxa uu yiri Williamson “Waxaan nasiib u yeeshay inaan la kulmo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, si aan ugala hadlo xoojinta xiriirka labadeena waddan. Waxaan sidoo kale fursad u yeeshay inaan arko shaqada qaar ka mid ah ciidamadeena ay ka wadaan Somaliland”
Lama yaqaan waxa uu Gavin Williamson ula jeedo inuu Somaliland ugu yeero dal. Waxaan sidoo kale caddeyn, in qoraalkan uu yahay mid isaga ku gaar ah iyo inay la wadaagto dowladdiisa.
Xiriirka Soomaaliya iyo UK ayaa dhowaanahan xumaa, ayada oo Britain ay ka carrootay in Soomaaliya ay cayrisay ergeygii QM, Nicholas Haysom.
Ayada oo taas ka jawaabeysa ayaa Britain waxa ay qortay bayaan kasoo baxay golaha ammaanka QM oo sabtidii lagu sheegay in golaha uu ka xun yahay tallaabada ay qaadday dowladda Soomaaliya.
Si kastaba, khilaaf yar oo dhacay uma muuqato in UK uu ku hogaamin karo inay aqoonsato Somaliland, hase yeeshee dowladda Soomaaliya ayaa looga fadhiyaa inay sharaxaad ka dalbato xukuumadda London.
Berri waxaa Garowe, xarunta maamul gobolleedka Puntland ka dhici doonta doorashada Madaxweyne iyo ku xigeen ee maamulkaas.
Diyaar garowga iyo loolankii adkaa ee ay mudada bilaha ah soo wadeen musharixiinta 30-ka badan ee berri baratami doona waxaa hareer socday ol’oleyaal iska soo horjeedda oo ka baxsanaa maamulkaas balse quseeyey.
Dowladda dhexe, kooxaha mucaaradka ah, Imaaraadka iyo Qatar oo kala taabacsan ayaa ku dagaalamayey garoonka berri abbaare 12-ka duhurimo lagu kala dareeri doono oo ay ciddi libinta la hooyan doonto.
Taas oo ay jirto, waxaa si cad bannaaka u yimi laba wajiileynta kooxaha mucaaradka ah marka ay timaado waxyaabaha ay ku dhaliilaan oo ay qalalaasaha aan loo baahneyn u galiyaan dowladda dhexe.
Maxaa ka mid ah?
Ku eedeynta dowladda faragalinta doorashooyinka maamulada!
Waxaa hadda laga soo kabtay fowdadii ka dhalatay farogalintii ay dowladda ku sameysay doorashadii Koonfur Galbeed taas oo ay mucaaradka aad uga qeyliyeen xilli ay abuureen jawi colaadeed maadama ay hadallo kicin ah iyo iska horkeenidda dowladda iyo shacaka Koonfur Galbeed ay aad ugu dadaaleen.
Dhibta arrintaas ka dhalatay waxa ay gaartay heer rabshado ka dhacaan Baydhabo iyo Wasiir caro darted isu casila.
Kicintii iyo durbaan tuhunkii mucaaradka haddii ay markaas u muuqdeen samo ka talis, soo ma ahayn in go’aankoodii ku taagnaadaan oo ay Puntland-na difaacaan?
Walow Puntland muujisay isku filnaan, iska dhicisay dowladda ugu yaraan faragalinta muuqata, hadana awood u ma laha in ay faragalinta dadban iska caabiso, tusaale, waxaa Garowe loo diiday Wasiirada, laakiin waxaa joogaa xildhibaanno aan ka saameyn yareyn kuwa la diiday sida; Jangeli, Cali Xoosh, Da’uud iyo Waaberi!
Dulucda qormadeyda waxa weeye, isla mucaaradkii shalay ka qeylinayey faragalintii Baydhaba ayaa maanta dowladda ku dhaliilaya maxay Garowe u faragalin weysay!
Siyaasiyiin mucaarad ah oo aad loo yaqaan ayaa kaga khudbadeeyey xafladdii uu Xasan Sheekh ugu daahfurayey xisbigiisa xaruntiisa cusub ayaa uga khudbadeeyey in siyaasadda dowladda ee ku wajahan Koonfur Galbeed iyo Puntland muuqato – mid qabsaneyso doorasho xor ah midna la qasbay!
Senetor ka mid ah Aqalka Sare ayaa bartiisa Facebook soo dhigay in ay u caddaatay Puntland awoodeeda balse Garowe aysan ahayn Baydhabo! Sentor-ka waa reer Koonfur Galbeed!
Mucaaradka waxaa la rabaa in ay ka jawaabaan, haddii faragalintii Baydhabo xaaraan ahayd, maxaad ugu durbaan tumeysaan faragalinta Garowe ee xalaaleeyey!?
Waxaa halkaas ka cad! Laba wajiilenimda mucaaradka!.
Jowhar (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Jowhar ee caasimadda maamulka HirShabelle ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi maanta uu ka dhacay dagaal xooggan.
Dagaalkaasi ayaa u dhexeeyay ciidamo ka tirsan kuwa maamulka HirShabeelle iyo ciidamo uu watay guddoomiye ku xigeenkii hore ee amniga gobolka Shabeellaha Dhexe Nuur Dheere, waxaana ka dhashay khasaare.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan uu yimid kadib markii ciidamo ka tirsan maamulka HiShabelle oo joogay koontarool laga soo galo Jowhar ay celiyeen guddoomiye ku xigeenkii hore ee amniga gobolka Shabeellaha Dhexe oo doonayay in uu soo galo magaalada, islamarkaana sidaas uu dagaalku ku bilowday.
Nuur Dheere ayaa waxaa la sheegay in uu ka yimid tuulooyin hoostaga magalada Jowhar, hase yeeshee loo diiday in uu magalada Jowhar gudaha u galo.
Ugu yaraan laba qof oo mid ka mid ah ay tahay haweeneey iyo nin oday ah, ayaa dagaalka ku geeriyooday.
Wararkii ugu dambeeyay naga soo gaaraya Jowhar ayaa sheegaya in weli ay is hor-fadhiyaan ciidamadii ku dagaalamay koontaroolka laga soo galo magaalada Jowhar ee ku yaalla wadadada aada dhinaca garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi.
Ilaa iyo hada ma jiro wax war oo ka soo baxay maamulka HirShabelle oo ay uga hadlayaan dagaalkii ka dhacay magaalada Jowhar iyo sababta loogu diiday Nuur Dheere inuu magaalada soo galo.
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa maanta ciidamo ku gadaantay hotel Maka Al-Mukarama oo ku yaalla waddada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.
Wararka ayaa sheegaya in hotelka uu maalmahan kulamo uga socday xubnaha xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, kaasi oo dowladda ay doonayso inay ka hor-tagto.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook ku sheegay in amar ka soo baxay xafiiska madaxweyne Farmaajo lagu xiray Hotel Makka Al-Mukarama oo maalmahan uu ka socday simanaar sare loogu qaadayo aqoonta iyo wacyiga siyaasadeed ee kaadirka Xisbiga Wadajir.
“Booliska Soomaaliyeed ee loogu tala galay in ay nabadgelyada ilaaliyaan, sharcigana dhowraan ayaa caburin, cagajuglayn iyo cadaadis dano shakhsi ah loo adeegsaday” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Waxa uu intaas ku daray “Waxaa ii muuqata in kooxda talada haysataa aysan lahayn aragti iyo fikir ay dadka ku qanciyaan, waxay naf bideen qori iyo qalalaase.”
Garoowe (Caasimada Online) – Mas’uuliyiinta amniga ee Puntland ayaa bandow la xiriira dhaqdhaqaaqa baabuurta kusoo rogay magaalada Garoowe laga bilaabo 5-ta galabnimo ee maanta ilaa ay doorashada maamulku ka dhacayso.
Doorashada madaxweynaha Puntland ayaa dhaceysa maalinta talaadada ee berri ah.
Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in inta bandowga uu socdo aysan jiri doonin cid loo ogolaanayo inay magaalada soo gasho marka laga reebo mas’uuliyiinta xasaanadda leh iyo musharaxiinta.
Talloobooyinkan ayaa looga gole leeyahay in la sugo amniga, ayada oo laga cabsi qabo in weeraro ay ka dhacaan magaalada, oo kooxaha argagxisada ay fuliyaan.
Hoos ka dhageyso codka taliye Jeneraal Muxiyadiin Axmed Muuse
Garoowe (Caasimada Online) – Jeneral Maxamed Saciid Xirsi Morgan oo ka mid ahaa musharaxiinta madaxweynaha Puntland ee maanta khudbadda u jeediyey xildhibaanada ayaa ballan-qaadkiisa ugu weyn ka dhigay dagaal-gal.
Morgan ayaa wacad ku maray in haddii madaxweyne loo doorto in gobol ka mid ah gobollada Puntland uusan sii maqnaan doonin oo uu dhammaantood kusoo celin doono gacanta maamulka.
Mamaulka Puntland waxaa hadda ka maqan laba gobol oo ay sheegtaan oo kala ah Sool iyo Snaaag, oo xoogooda ay gacanta ku hayso Somaliland.
Morgan ayaa sheegay in soo celinta gobollada ka maqan ka sokow, in haddii la doorto, aysan dhici doonin xitaa mar kale lasoo haweysto gobol kale oo Puntland ay gacanta ku hayso.
Inta badan musharaxiinta Puntland ayaa ku olole gala inay soo celinayaan gobollada ka maqan Puntland, hase yeeshee marka ay xafiiska yimaadaan kama dhabeeyaan.
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdirashiid Xidig ayaa shaaca ka qaaday in cayrinta Nicholas Haysom ay daah-fur u noqon doonto qorshe kaas ka ballaaran oo la filayo in dowladda Soomaaliya ay ku dhaqaaqdo.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook ayuu Xidig ku sheegay “go’aanka lagu cayriyey Haysom wuxu daahfur u noqonayaa in dib loo eego dhamaan ajaaniibta dalka ka howl-gasha xirfad kasta iyo magac kasta haku joogee”
Qoraal Xidig ee facebook hoos ka aqriso.
Bismilaah:
Laga soo bilaabo burburkii Dowladii kacaanka ee Alaha u Naxariistee Gen. Mohamed Siyad Bare hogaanka u Hayey:
Dalka Soomaaliya waxaa isugu yimid Ajaaniib kala Duwan oo magacyo badan wata, dhamaantoodna ku abtirsada Sumado Heyado caalami ah , Dowlado iyo kuwo Samafal oo NGO loo yaqaano:
Hadaad si dhab ah u daristo Farsamooyinka iyo xeeladaha ay adeegsadaan shakhsiyaadka ku howl gala magacyada aan kor kusoo sheegay waxaa kuu muuqanaya mushkilada soomaaliya heysata in ka badan 50% inay iyagu abuuraan AMA taageeraan:
Waa hubaal inay jiraan Dowlado iyo Heyado ay dhab ka tahay taageerada Dowlada iyo shacabka soomaaliyeed waxayna mudan yihin Bogaadin, Balse waxaa suuragal ah in ujeedadaas fiican ay shakhsiyaadka aan kor kusoo sheegay ay farsamooyinkooda ma dhamaatada ah u isticmaalaan:
Hadaad xusuusataan Waxaan sanadkii hore Kulamadii Baarlamaanka ka jeediyay in shaqooyinka ay Qaban lahaayeen dhalinyarada soomaaliyeed ee Ajaaniibtu hada Qabato la soomaaliyeeyo oo dhalinyarada soomaaliyeed lasiiyo shaqooyinkaas:
Hadaba Go,aanka Dowlada Federaalka ay Dalka kaga saartay Wakiilka Ergeyga Qaramada Midoobay wuxu daahfur u noqonayaa in dib loo eego dhamaan Ajaaniibta Dalka ka howl gasha xirfad kasta iyo magac kasta haku joogee:
Anigoo ku bogaadinaya Hogaanka Dowlada Federaalka waxaan soo jeedinayaa in hoos loogu daadago halka sartu ka quruntay xididkana loo siibo kooxaha midabada iyo magacyada badan ee aan kor kusoo sheegay:
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaramada Midoobay ayaa xog dheeri ah ka bixisay weerarkii hoobiyaasha ahaa ee todobaadkii hore lagu qaaday xarunta xalane oo ay degen yihiin hay’adaha ugu badan ee Qaramada Midoobay.
Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan miino baarista ee Mine Action ayaa bixisay xogta dheeriga ah ee la xiriirta weerarka hoobiyaasha ah, waxaana ay sheegtay in nooca hoobiye ee la deegsaday ay ahaayeen 81mm oo ah nooc lagu sameeyo dalka UK.
Waxaa kaloo hay’adda ay sheegtay inay u eg yihiin nooca M29 oo lagu farsameeyo dalka Mareykanka, kuwaasi oo sababay burburka iyo dhaawaca shaqaalo ka tirsan Qaramada Midoobay.
Sidoo kale Hay’adda Mine Action ayaa sheegtay in hoobiyaasha laga soo tuuray degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, kadib markii baaritaan dheeri ah ay sameeyeen.
Waxaa qoraalka Hay’adda lagu cadeeyay in meel 4.5 KM u jirta xalane kuna beegan degmada Kaxda laga soo tuuray hoobiyaasha kadib baaritaan dheeri ah oo ay sameeyeen.
Kadib baaritaan lagu sameeyay haraadiga hoobiyaasha ku dhacay xarumaha CPO iyo UNMAS ee xalane ayaa lagu ogaaday nooca hoobiyaasha iyo halka laga soo tuuray hoobiyaashaasi.
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ee ka tirsan xisbiyada mucaaradka ayaa qoraal ay soo saareen ugu horeyn waxay kusoo dhaweeyeen go’aankii Faransiiska ka qaatay ceyrintii Nicholas Haysom.
Warsaxaafadeedka kasoo baxay xildhibaanada oo ay kula mideysnaayeen Xisbiyada mucaaradka qaar ayaa waxay ku sheegeen inay la dhacsan yihiin go’aanka dowladaha Faransiiska, UK iyo Germany ay ku garab istaageen xuquuqda aadanaha iyo kala sareynta sharciga.
Qoraalka ayaa waxay xildhibaanada ay ku sheegeen inay kaga mahadcelinayaan Qaramada Midoobay dadaalada ay ka wado dalka Soomaaliya, waxaana lagu soo dhaweeyay go’aanka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay uu ka qaatay ceyrintii Haysom.
Dhinaca kale qoraalka xildhibaanada ayaa waxaa looga dalbaday dowladda Soomaaliya inay soo dhaweyso una ogolaato ergayga cusub ee lasoo magacaabi doono inuu guto waajibaadkiisa shaqo.
Ugu dambeyn waxay qoraalkooda ku sheegeen inay soo dhaweynayaan dadaalada Qaramada Midoobay iyo saaxiibada Soomaaliya ay ka wadaan gudaha dalka.
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Xoosh Jibriil ayaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqay in uu isaga haro siyaasadda.
Cabdi Xoosh oo bogiisa facebook soo dhigay war ay qorta Caasimada Online, oo ku saabsan Xasan Sheekh oo weeraray madaxda dowladda, ayaa sheegay in Xasan Sheekh ay shacabka Soomaaliyeed siiyeen fursad muddo 4 Sano ah laakiin aysan mar kale siineyn maaddaama wax qabadkiisii hore uusan qancin.
Xoosh waxaa uu sheegay in Xasan Sheekh ay u wanaagsan tahay in uu ku daydo Madaxweynihii uu isaga beddelay ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed,kaas oo afartii sano ee uu Xasan xilka hayay aan ka daba hadlin.
Cabdi Xoosh Jibriil oo qoraal ku qoray Facebook-giisa talo ku siinayay Xasan SHeekh ayaa yiri.
Waxaa kale oo uu sheegay in Shacabka Soomaaliyeed aysan fursad siin qofka marka 1aad si wanaagsan u gudan waaya dowladnimada loo dhiibay.
Haddii waayo aan ku doodi jirnay lahaanshaha dhulalka Soomaaliyeed ee ay haystaan dowladaha Kenya iyo itoobiya, hadda fogaanta dhuleed ee aan ka hadalnaa waa ay soo gaabatay, halkii aan u hanqal taagi jirnay dib u soo celinta dhulalkaas , hadda waxa aan u xafiiltannaa waa Maamul goboleedyo kamid ah labadii gobol ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ka sameysantay ka hor 55 sano.
Aragtideyda laba arrimood ayaa sabab u ah in aan maanta gobol gobol u yooyootano iyada oo weliba ciidanka haysta gobollo aan leenahayna uu illaalo naga hayo,
Labadaas arrimood middood waa qabyaaladda oo heshay saad iyo sahay federal la yiraahdo oo hadda u sameysmaya hab qolol-qolada qiimo u yeelaya, oo qabiilba ku soo koobaya qaybta uu deggan yahay.
Arrinta labaad ayaa ah dadka siyaasadda ee maanta na hoggaamiya oo ah hoggaamiyeyaal aad u han yar oo ku qanacsan in ay maamulaan oo madaxweynayaal u noqdaan 3 illaa 5 gobol oo kamid ah 18kii gobo lee jamhuuriyadda.
Maamulada dhismaya ee qorshuhu yahay in ay kamid noqdaan jamhuuriyadda 4aad ee federaalka ah ee Soomaaliya waxa ka mid ah kan Gobolada Mudug iyo Galgaduud ee qaatay magaca GALMUDUG.
Maamulkaasi hadda waa uu dhismay qayb ahaan, balse qofka ku soo baxa hoggaanka maamulkaas waxa u yaal shaqo guri, taas oo sida uu uga soo baxo ay ku xiran tahay guusha goboladaas.
Si uu u hirgalo dhismaha maamulka goboladaasi waxa si nabad illaalin ah u tegey gobolka ciidanka Itoobiya, iyada oo tegiddoodii Degmada Cadaadana ay qaadatay muddo.
Haddii aad ogtahay ciidanka Itoobiya ee jooga Gobolada dhexe waxa uu si dadban u hor istaagay tegitaankii ciidanka Jamhuuriyadda Jibuuti ee Gobolada Mudug iyo Galgaduud, waxa uu qorshuhu ahaa in ciidanka Djibouti ku meleto goboladaas howlgalka nabad ilaalinta midowga Afrika ee Soomaaliya, kadib markii ciidankaItoobiya ka biyo diiday in uu tago gobolka isaga oo fulinaya codsiga xukuumadda Soomaaliya.
Itoobiya oo illaashaneysa waxa ay u taqaan Aagga danaha itoobiya (Ethiopian interest zone) ayaa hadda si layaab leh ugu jowrfaleysa awoodda nabad illaalineed oo ku timid ogolaanshaha dowladda Soomaaliya iyo go’aanka midowga Afrika ee caawinta dib u kabashada Soomaaliya.
Dhulka ay u taqaan Itoobiya Aagga danaha Itoobiya waa Gobolada xadduudka la leh dhulka Soomaali galbeed oo ay ku jiraan Mudug, Galgaduud, Hiiran, Bay iyo Bakool.
Taariikhda marka aan dib u fiirino Meelo kamid ah goboladaas ayay itoobiya isku dayday in ay qabsato oo ka lusho calankeeda muddo hadda laga joogo 31 sano,
Sida ku qoran buugga Halgan iyo Hagardaamo ee uu qoray Ahun Gaashaanle sare Claahi Yuusuf Axmed sanaddii 1984-tii xilligii uu billowga ahaa qaran-jabka Jamhuuriyadda Soomaaliya, ayaa Itoobiya oo ka faaiideysaneysa taageeradii ay siisay jabhaddii SSDF waxa ay Calankeeda surtay degmooyinka Balanbal iyo Galdogob kadib markii ciidankii XDS oo dagaal adag lagalay SSDF uu taagdareeyey taasina ay u fududysay Itoobiya in ay fuliso qorshaha qaybi oo xukunsi oo mararka qaarkood xoog la socdo.
Wasiirkii arrimaha dibadda ee Itoobiya ee Xilligaas DR. Gaashaanle Sare Goshu Wolde waxa uu soosaaray Warsaxaafadeed lagu qoray af adag oo u muuqday jeesjees, kaas oo nuxurkiisu ahaa in Balanballe iyo Galdogob ay kamid yihiin dhulka Itoobiya, balse ay furan tahay in laga wadahadlo iyada oo wadahadalkaasina ku kooban yahay halka ay xadduuddu ka noqoneyso degmooyinkaas.
War-saxaafadeedkii Goshe Walde ee qaybta ka ahaa qorshaha dhul ballaarsiga ee Itoobiya qayb ahaan waa hirgalay oo Itoobiya waxa ay maanta qayb ka tahay awoodaha jaangooya habka ay u dhismeyso Soomaaliyada cusub ee maanta, Goshu Wolde 32 sano kaddib ayuu ku noqday Itoobiya kaddib Isbeddelka ku dhacay xukunka Itoobiya
Dhammaan Gobolada xadka la leh dhulka Soomaali galbeed ee ay haysato Itoobiya hadda waa meel ay Itoobiya isha ku hayso si ay uga dhabeyso dhambaalkii Wasiirkeedii arrimaha dibadda ee 31 sano kahor.
Tusaale degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud waxa ka dhacay bilo ka hor dagaal u dhexeeyey ururka ASW iyo ciidanka gobolka ee Dowladda federaalka ah,
Illaa hadda waxa la ogyahay ayaa ah in rasaas ay leedahay Itoobiya loo adeegsaday dagaalkaas, taas oo aan la’aanteed dagaal socon Karin.
Wada-hadalkii dhexmaray Sh. Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka socday dhanka ASW iyo Sarreeye Gaas C/qaadir Sh. Cali Diini wasiirka Gaashaan-dhigga oo ka socday dhanka Xukuumadda Soomaaliya waxa ka soo baxay heshiis dhowr qodob ka kooban oo aan wax la sheegaa ka hirgelin.
Fulin la’aantii heshiiskaas waxa ay hordseedday in ASW oo ka careysan ka bixidda heshiiskaas ee dowladda Soomaaliya ay iyana dhankeeda ka baxdo heshiiskii is afgaradka ahaa ee dhigayey in qolo walba joogto oo ay ku sugnaato meesha ay maamusho, kaas oo ASW ku koobayey Guriceel, Ciidanka dowladda iyo maamula gobolkana farayey in ay joogaan Dhuusamareeb.
ASW waxa ay qabsatay Dhuusamareeb, iyada oo dibadda dhigtay ciidankii dowladda iyo maamulkii gobolka, taasina waxa ay dhacday iyada oo ciidanka Itoobiya ay joogaan Dhuusamareeb, waxa ay tallaabadaasi muujisay xiriir wada-shaqeynayd oo u dhexeeya ASW iyo hoggaanka ciidanka Itoobiye ee gobolka, balse Waxa aan maqlay in Itoobiyaanku sheegeen in aanay lahayn awood ay kula dagaalaan ASW mar haddii aan loo aqoon urur argagixiso ama mucaarad diiddan jiritaanka dolwadda Federaalka ah.
Itoobiya waxa ay maanta haysataa fursado ka fiican kuwii ay haysatay 31 sano kahor, fursadahaas waxa ugu weyn in xoogga dalka Soomaaliya uu ka baxay kaalintii uu uga jiray ciidanka Waddamada Afrika, mar ayuu kamid noqday xoogga dalka Soomaaliya 4ta ciidan ee ugu tayo, tiro iyo tababar fiican Qaaradda Afrika.
Fursad kale ayaa ah in maanta uu hirgalay qorshihii Qaybi oo xukun oo ay dejisay xukuumaddii Mingistu Xayle Maryan, kaas oo ka billaabmay kala qaybintii jabhadihii SNM iyo SSDF oo ka mideysnaa duminta xukunkii ciidanka ee Sarreeye Gaas Jaalle Siyaad.
Hadda si walba xaaladdu waa ay uga duwan tahay sidii ay ahayd 31 sano kahor, xilligaas waxa ay Soomaaliya lahayd ciidan looga cabsado haweynta ciiddeeda, hayeeshee maanta ayaa ciidan u ah Gobolada dalka qaarkood.
Waxa aad u yaraa muwaadin Soomaali ah oo ku gacan siinaya dowlad kale in ay qabsato Ciidda Soomaaliya si dadban iyo si toos ahba.
Hadda Itoobiya waxa ay ka waddaa Gobolada dhexe qorshe la la mid ah kii ay 31 sano ka hor ka wadday Balanballe iyo Galdogob, haddii ay beryahaas ku haysatay dalkeeda jabhado Soomaali ah oo ku caawiya in ay dumiso qaranka Soomaaliya markan waxa ay ku haystaa dalka gudihiisa, taas oo u fududeyn karta in ay qayb ahaan diiddo wixii aanay dooneyn ama ka weyso danteeda.
Ciidanka Itoobiya ee jooga Galgaduud waxa ay mas’uul ka yihiin shaqada howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya taas oo ah la shaqeynta xoogga dalka Soomaaliya iyo ku caawinta Dowladda Soomaaliya dejinta dalka, balse dhaqanka daneysiga siyaasadeed ah ee ay Itoobiyo ka waddo Gobolada dalka qaarkood sida Galgaduud waxa uu u muuqdaa mid qayaxan oo aan dabool saarnayn.
Waa maxay sababtu?
Saddexdii xukuumadood ee is xigxigay ee soo maray dalka muddada uu xilka hayo madaxweyne Xasan Sheekh waxa ay raadiyeen xal iyo hab ASW uga mid noqoto nidaamka dowladnimada ee dhismihiisu weli socdo, dadaaladaas waxaa ka dhashay ballan-qaadyo badan oo aan wax badani ka fulin, taas oo ASW ka lumisay kalsoonimada iyo aaminaadda dowladda, sidaas oo kale xukuumadihii is bedbedelayey waxa aanay ku guuleysan gaaridda xal kama dambeys ah oo ASW uga mid noqoto xukuumadda.
Dhowr qof oo kamid ah ASW ayaan weydiiyey waxa ugu weyn ee ay doonayana in ay xaqiijiyaan si ay dowladda qayb uga mid noqdaan, waxa ii soo baxay oo keli ah in ay doonayaan dowlad la fariisato oo u garowda, kadiba howshii adkayd ee ay qabteen uga mahadcelisa.
Haddii madax kamid ah xukuumaddeenu ku fakareyso in ay ceeb ku tahay la hadlidda iyo la xaajoodka AS, aan isweydiino ceebta ka weyn in wax war lagu dhammeyn karaa ay soo jidaan dhimasho, Dhaawac iyo burbur hantiyeed.
Itoobiya fursad weyn oo aanay weligeed helin ayay u tahay in ay Somaliland si gaar ah ula xiriiri karto, Puntland sidaas oo kale, Gobolada hadda dhismaya sida Galmudug, Jubbalan iyo Koofur-Galbeedna iyada ayaaba u ah illaalo, haddii loo baahdana waxa ay xiriir dhow la leedahay madaxda maamusha.
Aan isweydiino marka waxa u dhimman oo ay gaari lahayd, Waxa ii muuqata in Itoobiya haysato haddii wax ka badan intii ay ku hammineysay.
Gorgortanka muuqda ee aanay jirin cid kula jirta ayay ku geleysaa taageero aan bannaanka ool oo ay siiso xoog la jaal ah oo jooga Gobolada dhexe.
Shumaca la shido iyo feynuustu waa ay gubanayaan balse cid kale ayaa ka faaiideysaneysa sidaa ayaan maanta u muuqanaa badankeenu,
Haddii aad isleedahay Itoobiya waxa ay u joogtaa Gobolada dhexe iyo guud ahaanba dalka in ay taageerto dad iyo dowlad Soomaaliyeed malahaas gabalkiisu wuu dhacay hankii Itoobiyana Waa halkiisii haddiiba ay heleyso fursad ay dhulka oo dhan ku qaadatana muddo dheer ayay dadkeeda siyaasaddu ku fakarayeen sidii ay dhammaantiis u dhaxal wareejin lahaayeen.
Yooyootanka aan macnaha lahayn ee u dhexeeye Galmudugta cusub iyo maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland waa ceeb iyo dadnimo xumo soo muuqata, sidaas awgeed inta aad isku raacsan tihiin kuwada socda, inta aad isku haysaan ayay taasi ka badan tahay.
Madaxweyne C/weli Maxamed Cali Gaas oo mar noqday Wasiirka Koowaad ee dowladihii soo maray dalku waxa uu ku barbaaray waxna ku bartay Dhuusamareeb, sidaa awgeed si qabka qabyaaladdu u jabo waxa laga filayaa in uu soo dhaafo Puntlan oo yimaado Galgaduud iyo Mudug, haddii ay wax dhisanayaan waxa ay qayb ka noqon kartaa in nabadgelyada Puntland hagaagto, isaga oo dhanka fiican ka eegaya gar iyo daw ayay maanta ku tahay in uu gacan qabto maamul Soomaaliyeed oo dhismaya,
Haddii aad tihiin siyaasiyiin ogaada Waxa aad awood leedihiin inta aad xukunka joogtaan, ee uga faaiideysta in aad awood yeelataan idinka oo ka dhaadhacay xilka ama dhulka ka hooseeya, taasna waxaa sababi kara in aad ka tagtaan magac iyo Waxtar ummadeed, Ogaadana Hankii Itoobiya Weli Waa halkiisii.
WQ: Axmed Ciise Guutaale Dersa Sharciga & Qaanuunka
Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaal ooge u dhashay dalka Yemen, islamarkaana mar dhaqaalo u ururin jira Al-Qaacidda, haddana ka tirsan kooxda Daacish, ayaa shaaca laga qaaday inay maal-geliyaan Imaaraadka Carabta.
Jariiradda Washington Post ayaa daaha ka qaaday arintaasi kadib markii ay baahisay wareysi ay ka qaaday Abu Al-Cabbaas oo helay dhaqaalo malaayiin dollar ah oo hub ay ku iibsadeen iyo taageeri dhaqaalo oo kaga imaanayay Imaaraatka carabta.
Imaaraatka Carabta ayaa ah isbaheysiyada ugu waaweyn ee Mareykanka marka loo eego bariga dhexe, waxaana ruuxa wareysigaasi bixiyay uu kamid ah mid ka mid ah ururada ugu waaweyn ee Mareykanka uu ku daray Liiska Argagixisada.
“Isbaheysa wali wuu i taageeraa” ayuu yiri Abu Al-Cabaas, laakiin wuxuu diiday inuu isaga kamid yahay argagixisada “Haddii xaqiiqdii aan argagixiso ahay, su’aal ayay isweydiin lahaayeen”ayuu yiri.
Arinta kiiska uu shaaciyay Abuu Al Cabaas ayaa daah rogaysa isbaheysiga qarsoon ee ka dhisan dalka Yemen, kaasi oo dhinacyada dhan u horseeday Afar sano oo dagaal ah, waxaa kale oo ka imaanaya su’aalo la xiriira doorka Imaaraatka ku leeyahay isku dhacyada dalka Yemen.
Dalalka Sacuudiga iyo Imaaraatka oo kamid ah dalalka gacanta carabta ugu awooda badan ayaa ku lug lahaa ololaha meletariga ee dalka Yemen tan iyo sanadkii 2015. Dagaalka Yemen ayaa sababay inay halis gasho nolosha caruur badan oo Yemeni ah iyo waalidiintooda, maadaama xaalado bini’aadanimo oo daran ay ka jiraan dalkaasi.
Axmed Faadhil Abuu Shureyma oo ah guddoomiye ku xigeenka gobolka Bayda ee dalka Yemen ayaa isaga oo ka hadlayay isbaheysiga Al Qaacida iyo Daacish ee ka dagaalama Yemen wuxuu su’aal ka keenay inay dhiiri gelin ka helaan Imaaraatka Carabta.
Dr. Saadaq Eenow oo ka mid ahaa musharixiinta xilka Madaxweyne ee Puntland ayaa sabtidii uga dhawaaqay Garoowe in uu xilkaas ka tanaasulay oo uu waliba u bedeshay xilka Madaxweyne ku xigeen.
Tallaaadan lama filaanka ahayd ayuu Dr. Saadaq ku sheegay in uu u sameeyey dhawr sababood sida in uu u tanaasulay shacabka Gobolada Sool, Sanaad iyo Cayn oo uu sheegay in ay hagardaamooyin siyaasadeed, mid amni iyo dhaqaale ka soo gaartay maamulada Somaliland, Puntland iyo dowladda dhexe.
Siyaasiga oo ka soo jeeda gobolka Karkaar ee ay xarunta u tahay Qardho ayaa cadeeyey in ay isku siyaasad yihiin Dr. Cali Ciise Cabdi oo uu u tanaasulay, diyaarna u yahay in uu la shaqeeyo.
Dr. Saadaq Enow oo hore xukumadda Cabdiweli Gaas uga soo ahaa Wasiirka Caadimaadka ayaa lagu tirinayey musharixiinta ugu cad cad xilka Madaxweyne balse go’aanka uu qaatay ayaa laba falcelin dhaliyey, qaar soo dhaweeyey iyo kuwo ka xumaa.
Go’aanka Dr. Eenow waxa uu saameyn weyn ku yeelan doonaa ol’olaha doorashada Puntland maadama uu sii xoojiyey rejadii Dr. Cali Ciise Cabdi.
Tallaabadaas sidoo kale waxa ay xujo ku noqoneysaa baarlamaanka Puntland oo dhawr iyo sodon tahay da’yar maadama ay ku adkaan doonto in ay ka leexdaan labada Diktoor oo is wata, doonaya in ay hoggaamiyaan Puntland.
Shaqsiyad ahaan iyo aqoon ahaan, Dr. Cali Ciise Cabdi iyo Dr. Saadaq Eenow waa laba musharax ee ugu sarreeya.
Garowe (Caasimada Online) – Guddiga doorashada madaxweynaha maamulka Puntland ayaa shaaciyay tirada musharixiinta is diiwaan gelisay ilaa iyo hadda, waxaana la sheegay inay ka yar yihiin musharixiintii tartanka isku diyaarisay.
Guddiga ayaa soo saaray qoraal ay ku cadeynayaan tirada musharixiinta ka gudubtay dhamaan sharuudihii laga doonayay, waxaana xilka madaxweynaha Puntland isku soo taagay 21 musharax madaxweyne.
Xilka madaxweyne ku xigeenka ayaa sidoo kale waxaa isku soo taagay 11 musharax, waxaana sidaasi shaaciyay guddiga doorashooyinka madaxweynaha iyo ku xigeenka Puntland.
Sharuudaha ay dhawaan shaaciyeen gudigan ayaa waxaa ku jiray dhowr qodob oo qaban karay qaar kamid ah musharixiinta xilka dooneysa.
Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka gaashaandhigga Britain, Gavin Alexander Williamson ayaa maanta booqasho ku tagay magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland.
Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa xafiiskiisa ku qaabiley wasiirka iyo waftiga la socday.
Kulankan oo ahaa mid saacado qaatay ayaa lagaga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Somaliland iyo Boqortooyada UK oo ay Somaliland xoriyadeeda ka qaadatay 1960-kii.
Safarka wasiirka ayaa ah safarkii u horeeyey ee masuul haya xilka wasiirka difaacu uu ku yimaado maamulka Somaliland.
Kulanka labada mas’uul ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad buuxa iyo in la sii xoojiyo cilaaqaadka labada dhinaca, lana dar-dar geliyo horumarinta arrimaha iskaashi ee ka dhexeeya labada waddan.
Waxaana Madaxweynaha kulankan ku wehelinaayey Wasiirrada Arrimaha Dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah, gashaandhigga iyo wakiilka Somaliland u qaabilsan Britain.
Muqdisho (Caasimada Online) – Wafti sare oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa maanta ku hungoobay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, ayada oo loo sheegay inaysan ka dhoofi karin, waxayna kadib isaga laabteen hoteellada iyo guryaha ay degan yihiin..
Waftigan ayaa kusii jeeda magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, hase yeeshee diyaaraddii qaadi lahayd ayaa loo diiday fasax ay uga degto garoonka diyaaradaha Garoowe, kadib amar ka yimid madaxweynaha Puntland Cabdi Weli Gaas.
Xubnaha waftiga ayaa waxaa ku jira Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad, Wasiiru dowlaha Maaliyadda Maxamuud Xayir iyo xildhibaano ka tirsan baarlamanka Soomaaliya.
Dadaallo ay sameeyeen qaar kamid ah isimada Puntland oo lagu doonayay in mas’uuliyiinta loo ogolaado ayaa fashil ku dhammaaday.
Go’aankan mamnuucista ayaa ku kooban Golaha xukuumadda Federaalka iyo shaqaalaha Villa Somalia, hase yeeshee kuma jiraan xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya,marka laga reebo xildhibaannada ka tirsan xukuumadda.
Mudanayaal ka tirsan labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa haatan ku sugan magaalada Garoowe oo ay maalmihii la soo dhaafay soo gaareen,kuwaasoo u yimid arrimaha doorashada.
Isimada Puntland ayaa dhowaan soo saaray go’aan ay ku jabiyeen amarka Gaas, hase yeeshee Gaas ayaa ku gacan seeray go’aanadooda, kuna adkeystay in xubnaha dowladda aanay iman karin Puntland.
Hargeysa (Caasimada Online) – Heshiiska dekedda Berbera, wuxuu u muuqday fursad faqriga ka saari kartay Somaliland, balse wax walba mar qura ayay si lama filaan isku beddeleen. Somaliland waxa ay iminka ka fakaraysaa wixii ay sameyn lahayd. Hoos ka daawo warbixin muuqaal ah oo arrintan faah-faahinaysa.
Garowe (Caasimada Online) – Iyadoo ay maalin qura ka harsan tahay doorashada madaxweynaha Puntland ayaa xubno ka tirsan gudiga Garsoorka Puntland waxa ay ku baaqeen in Madaxweyne Gaas laga reebo tartanka doorashada Madaxweynaha Puntland.
Waxay ku eedeeyeen madaxweynaha musharaxa ah in uu cunay xaqoodii isla markaana mushaharaadkoodana aan la siin mudo sanado ah.
Sidoo kale Xubnahan ka tirsan gudiga garsoorka Puntland ayaa waxay sheegeen in ay gudiga doorashooyinka Puntland u gudbiyeen Dacwad ka dhan ah madaxweynaha wakhtigiisu sii dhamaanayo ee Cabdiweli Maxamed Cali ahna musharax madaxweynaha Puntland.
Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya gaar madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayay ugu dambeyn ugu baaqeen in xaqooda ay ka siiyaan Madaxweynaha xilku ka dhamaanayo ee Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.
Si kastaba, waxaa cad inaysan jirin cid wax ka gasha eedeymahooda, ama Gaas ka hor-istaagi karta inuu doorashada ka qeyb-galo.
Garowe (Caasimada Online) – Odayaasha iyo waxgaradka Puntland ayaa ka hadlay doorashada maalin kadib ka dhaceyso magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland.
Odayaasha dhaqanka ayaa sheegay inay ka digayaan in dhibaato ay ka dhacdo deegaanada Puntland gaar ahaan waqtiyada ay dhacayaan doorashooyinka madaxweynaha iyo ku xigeenka Puntland.
Odayaasha dhaqanka ayaa sheegay in doorashooyinka ka dhacaya magaalada Garowe ay u baahan tahay in sida wadajir looga wada shaqeeyo amaanka magaalada Garowe.