Gaas oo dacwad lagu furay iyo qorshe la doonayo in looga reebo doorashada

Garowe (Caasimada Online) – Iyadoo ay maalin qura ka harsan tahay doorashada madaxweynaha Puntland ayaa xubno ka tirsan gudiga Garsoorka Puntland waxa ay ku baaqeen in Madaxweyne Gaas laga reebo tartanka doorashada Madaxweynaha Puntland.

Waxay ku eedeeyeen madaxweynaha musharaxa ah in uu cunay xaqoodii isla markaana mushaharaadkoodana aan la siin mudo sanado ah.

Sidoo kale Xubnahan ka tirsan gudiga garsoorka Puntland ayaa waxay sheegeen in ay gudiga doorashooyinka Puntland u gudbiyeen Dacwad ka dhan ah madaxweynaha wakhtigiisu sii dhamaanayo ee Cabdiweli Maxamed Cali ahna musharax madaxweynaha Puntland.

Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya gaar madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayay ugu dambeyn ugu baaqeen in xaqooda ay ka siiyaan Madaxweynaha xilku ka dhamaanayo ee Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Si kastaba, waxaa cad inaysan jirin cid wax ka gasha eedeymahooda, ama Gaas ka hor-istaagi karta inuu doorashada ka qeyb-galo.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
caasimada@live.com