25.3 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

“Hal koox oo kaliya ayaa ka badbaadaysa weerarada Farmaajo ee siyaasiyiinta” Waxaa sidaas sheegay….

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ee dhaliilsan siyaasadda madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in shaqsiyaad gaar ah ay ka badbaadayaan beegsiga siyaasiyiin ee dowladda Soomaaliya.

Xildhibaan C/fataax Ismaaciil Daahir oo kamid ah xildhibaanada mucaaradka ah ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uu bartilmaameydsaday siyaasiyiin badan , isaga oo tusaale usoo qaatay C/raxmaan Cabdi Shakuur.

Xildhibaan C/fataax ayaa sheegay inuu ka xun yahay hab dhaqanka dowladda hadda jirta, waxaana uu sheegay in dadkii horey uga horyimid madaxweyne Farmaajo iyo kuwa hadda dhaliilaba ay hab dhaqan aan wanaagsaneyn kala kulmayaan.

“Waxaan doonayaa inaan cambaareeyo hab dhaqanka xukuumadda hadda jirta, hab dhaqankaasi wuxuu ku saleysan yahay mid aargoosi ah, oo qofkii maalin dowladda sidaa u jaleecay iyo qofkii is yiri toosiyoo wax u sheeg labo gabil lagala boodayo”ayuu yiri Xildhibaanka.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa sheegay in dowladda hadda jirta ay bartilmaameydsatay qof kastaa oo wax ka ogaa heshiiskii Kampala Accord, waxaana uu sheegay inuu kamid ahaa C/raxmaan Cabdi Shakuur.

Wuxuu sheegay in kaliya Sheikh SHariif uu ka badbaaday in beegsi uu kala kulmo dowladda, maadaama uu kamid ahaa shaqsiyaadkii Kampala Accord wax ka ogaa, isagana uusan ogeyn hadda xaalkiisa.

“Qofkastaa oo meeli ay kasoo gashay Kampala accord waa la weeraray, waxaa tusaale ku filan C/raxmaan Cabdi Shakuur, Qaramada Midoobay oo Haysom budhkii lala dhacay iyo Shariif Xasan”ayuu yiri Xildhibaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Go’aankii xoghayaha guud ee QM ee eryida Haysom oo ceebyeeyey Somaliland

Somaliland waxa ay ku nooshahay dunia ayada u gaar ah, oo ku dhisan isku been sheegid iyo mala’ waal. Waa duni, inta caqliga u saaxiibka ah marka laga reebo, ay badankood iska qaataan wixii ay u sheegto.

Hase yeeshee cayrinta danjire Nicholas Haysom waxay fursad u tahay in dunidaas ay kasoo baxdo, kuwa kula nool-na ogaadaan beenta inaanay sii socon karin.

Warkayga aan caddeeyo, aniga dhib uma arko in Somaliland sheegato inay ka go’day Somalia, waxaase diidanahay in ayada oo ay saas jirto, haddana ay u dhaqanto mar walba sida inay Somalia qeyb ka tahay.

Markii dowladda Somalia ay cayrisay Haysom, waxay Somaliland kasoo daba tuuretay war-saxaafadeed ay taagero ugu muujisay. Waxa ay sheegtay inuusan khuseyn go’aanka dowladda Soomaaliya, ayna lasii shaqeyn doonto danjire Haysom.

Marka Somaliland sidaas leedahay, waxay rumeysan tahay in Haysom uu yahay ergey xogahaya guud ee QM u qaabilsan laba waddan oo kala ah Somalia iyo Somaliland.

SI fiican ugu fiirso, inta badan qoraalada kasoo baxay xafiisyada dowladda Somaliland, waxaa Haysom loogu yeeraa ergeyga QM ee Somaliland iyo Somalia. Waa cinwaan xogahayah guud ee QM Antonio Guterres uusan bixin, waa cinwaan Haysom uusan isugu yeerin, balse waa jago labaad oo Somaliland ay ugu darto ergey kasta oo QM ay usoo magacowdo Somalia.

Aniga waxaan ugu yeeraa “kula qabso”, waayo Somaliland waxay mar walba kula qabsataa ergey kasta oo Somalia loo soo diro. Waxaan is-weydiin jiray maxaynaan weli u arag ergey gaar ah oo QM usoo dirto Somaliland, oo mar walba Somalia iyo Somaliland isku nabay? Waa su’aal aan jawaabteeda haysto, laakiin waxaan jeclaa in kuwa riyo maal-meedka ku nool ay is-weydiiyaan.

Markii Somaliland ay soo saartay qoraalka ay ku taagertay Haysom, waxaa laba maalmood kadib qoraal soo saaray xogahayah guud ee QM, Antonio Guterres oo sheegay inuu ergey cusub usoo magacaabayo Somalia, kana xun yahay go’aanka Villa Somalia.

Waxay ahayd ceeb iyo fadeexad siyaasadeed oo mar kale ku dhacday Somaliland. Ma ahayn wax cid ay u raadisay, ee ayada ayaa lugaheeda ku doonatay. Waxaa cad inuusan jirin ergey Somaliland iyo Somalia, balse uu jiro ergeyga Somalia oo kale.

Somaliland cidna kuma qasabto in tallaabo kasta oo ay qaado dowladda Somalia ay ka jawaabto, oo ay tiraahdo “nama khuseyo”. Haddii aysan khuseyn maxaa daba dhigay oo ay mar kasta uga hadlaan. Kenya, Ethiopia iyo Jabuuti oo Somalia la deris ah, islamarkaana Somaliland ay rumeysan tahay inay la meel joogto, waxba kama galin kamana hadlaan go’aanada dowladda Somalia. Xaqiiqda ah in Somaliland mar kasta dooneyso inay ka daba qeyliso dowladda Somalia, ayaa astaan u ah inay Somalia qeyb ka tahay, meel ay uga baxsatana aysan jirin.

Waxaan hadda sugayaa ergeyga cusub ee xogahayaha guud ee QM Antonio Guterres uu usoo magacaabo Somalia, kadibna Somaliland ay kasoo daba tuurto warqad wiifto kula qabso ah oo leh “Waxaan soo dhoweeneynaa ergeyga cusub ee Somaliland iyo Somalia loo soo magacaabay.”

W/Q: Istar Cali Mataan
Toronto, Canada

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Musharraxiin badan oo ka tanaasulay doorashada Puntland, 3 sabab darteed

Garowe (Caasimada Online) – Magaalada Garowe waxaa ka socdo diyaar garowgii ugu dambeeyay ee doorashada madaxweynaha maamulka Puntland oo maalin kadib ka dhici doonto magaalada Garowe.

Doorashadaasi waxaa u taagnaa inka badan 25 Musharax, kuwaasi oo horey u doonayay inay qabtaan xilka madaxweynaha maamulka Puntland, balse waxaa hadda bilowday inay musharixiinta qaar ka tanaasulaan hamigoodii.

Wararkii ugu dambeeyay ee aan heleyno ayaa sheegaya in seddex arin ay sababtay in musharixiin badan ay ka haraan doorashada madaxweynaha maamulka Puntland oo hadda u muuqata in musharixiin kooban ay soo harayaan.

Arinta ugu horeyso ayaa ah inay bateen Musharixiinta isku reerka ah ee u tartamayay madaxweynaha maamulka Puntland, taasi oo keentay in musharixiin badan ku tashadaan inay midka ugu magacweyn u tanaasulaan.

Arinta Labaad ayaa ah inuu qabtay mid kamid ah qodobadii shalay ay soo saareen guddiga doorashooyinka ee Puntland, kaasi oo ahaa in musharaxa labadii sano ee ugu dambeysay uu ku sugnaa deegaanada Puntland, waxaana xusid mudan in musharixiinta ugu badan ay ka maqnaayeen deegaanada maamulkaasi.

Qodobka seddexaad ayaa lagu sheegay inuu yahay dhaqaalaha tirada badan ee laga doonayo musharixiinta xilkaasi u tartamaysa, taasi oo keentay in isbaheysi ay sameeyaan halkaasi iyaga dhan laga qaadi lahaa 20,000 kun oo doolar.

Amaanka deegaanada Puntland ayaa aad loo adkeeyay waxaana doorashada maalin kadib ay ka dhaceysa magaalada Garowe.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
[email protected]

Golaha Ammaanka oo soo saaray bayaan jawaab u ah go’aanka ay Somalia ku cayrisay Nicholas Haysom

New York (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka QM, ayaa si buuxda isugu raacay raacay bayaan jawaab u ah go’aankii dowladda Soomaaliya ay ku cayrisay wakiilka xoghayaha guud ee QM u qaabilsanaa Soomaaliya Nicholas Haysom.

Bayaanka, oo ay soo diyaarisay Britain, ayaa lagu sheegay in golaha ammaanka uu “ka walaacsan yahay” go’aanka Soomaaliya ay ku cayrisay danjire Nicholas Haysom.

Golaha ayaa bayaankiisa ku sheegay inuu rajeynayo “wada-shaqeyn buuxda oo dhex marta Soomaaliya iyo QM”

Bayaanka ayaa lagu sheegay in sanadka 2019 uu noqon doono “Sanad muhiim u ah Soomaaliya” , waxaana uu ku baaqay in “madaxda Soomaaliya ay ka wada shaqeeyaan sidii horey loogu dhaqaajin lahaa is-beddellada siyaasadeed iyo amni ee dalka”

Bayaankan oo ay ahayd in golaha ammaanka uu jimcihii soo saaro ayaa baaqday kadib markii dowladda Shiinaha ay ka hor-timid, islamarkaana codsatay in is-beddel lagu sameeyo.

Waxaa kadib bayaanka lagu soo daray qodob bayaanka ay “ku adkeeyeen xushmadda ay u hayaan madax bannaanida, sharafta dhuleed, xoriyadda siyaasadeed iyo midnimada Soomaaliya.”

Bayaanka ayaa daba socday markii xoghayaha guud ee QM Antonio Guterres uu sidoo kale jimcihii soo saaray bayaan uu ku sheegay inuu ka xun yahay go’aanka Soomaaliya ay kusoo eriday danjire Nicholas Haysom.

Guterres ayaa ka hor bayaankiisa saddex mar oo uu taleefonka kula hadlay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabduallaahi Farmaajo ku guul-darreystay inuu ka dhaadhiciyo inuu ka laabto go’aanka lagu eryey Haysom.

Guterres ayaa markii ugu dambeysay oo uu Farmaajo la hadlay oo ahayd jimcihii, kuna guul darreystay inuu wax ka beddelo go’aankiisa, wuxuu ku dhaawaaqay inuu ergey cusub usoo magacaabayo Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
[email protected]

Yuusuf Garaad iyo Xoosh Jabriil oo hadalo kulul isku waydaarsaday facebook

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal uu Facebook shalay galab uu dagalkiisa soo dhigay Wasiirka Dastuurka ee Soomaaliya Cabdi Xoosh Jibriil ayaa sababay in ay isku maan dhaafaan Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda Yusuf Garaad Cumar.

Xoosh oo ka falcelinayey  kulan dhexmaray laba ka mid ah musharixiinta xilka Madaxweyne ee Puntland Dr. Cali Ciise Cabdi iyo Cali Xaaji Warsame ayaa sida soo qoray isaga oo soo raaciyey sawirka labada musharax –

“Dr. Ali Isse Abdi ( seated on the left) is the best hope for the reconstitution of Puntland and Somalia in that order. He represents Leadership, Integrity and Intellect, demonstrated by his Pan-African economic leadership during 25 years of positive economic interventions that turned around the economies of many African countries. #IsooMareey!!.”

MACNAHA

‘Dr. Cali Ciise Cabdi (Fadhiya Middig) waa rejada ugu wanaagsan ee dib u dhiska Puntland iyo Soomaaliya sida ay isugu xigaan. Waxa  uu tusaale u yahay hoggaamin, qaaya soor iyo aqoon xeeldheer, waxa uu ku muujiyey hoggaamintiisii dhaqaalaha Pan-Africa 25kii sano ee uu faragalinta dhaqaale ee taban uu waday taas oo wax ka bedeshay dhaqaalaha wadamo badan oo Africa ah,#Isoomareey.

Intaa marka uu qoray, waxaa ka soo falceliyey asxaab badan oo musharaxa uu taageerada u muujiyey nasiib wacan u rejeeyey balse waxaa si lama filaan ah falcelin muran ka dhex abuurtay isaga Xoosh soo dhiibtay Yusuf Garaad Cumar.

WAA TAN QORAALKII FALCELINTA (Comment) ee Yusuf Garaad…..

“Mudane Cabdi Xoosh, waan qariyaa/keydsadaa aragtideyda ku saabsan hoggaanka Puntland maxaa yeelay waxaan leeyahay dhawr saaxiib iyo kuwo kale heerkaas ah [Inta aad ku sheegtay Dr Cali Ciise] oo loolamaya waxaana ka mid ah Dr. Cali Ciise. Maadama aan diidmadeyda sheegay, waxaan rejeynayaa taageerada aad [Cali Ciise] u muujisay in ay ku kooban tahay baaxadaada shaqsiyaded.”

Waxaa isaga oo karaya oo caro/xanaaq la qarxi raba soo jawaabay Wasiir Cabdi Xoosh oo sidan yiri-

“Yusuf Garaad fadlan fiiri akoonka Twitter-keyga iyo Faceook waxa an si gaar ah ugu sheegay aragtiyada lagu muujiyo in aan aniga leeyahay oo aan loo aaneyn karin hay’ad kale oo aan meteli karo. Waan se kaa niyad jabay maxaa yeelay si gaar ah ayaad ila hadli kartay halkii aad si shaarac ah u smeyn lahayd. Hadda adiga sheekada keenaya taas waa jawaabteyda kama dambeysta ah.#Niyadjab!!@

Halkaa marka ay mareyso Yusus Garaad jawaab dambe ma soo bixin, ma garaneyno in hilfaha la’isugu sii laabay luuqooda!!

Caasimadda Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

CC Shakuur oo laba arrin oo muhiim ah ka doonaya guddiga doorashooyinka

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa fariin u diray guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka dalka oo ka shaqeynaya doorashooyinka 2021 ka dhacaya dalka Soomaaliya.

Siyaasi Warsame, ayaa sheegay in guddiga doorashada uusan u aqoonsaneyn inay yihiin guddi madax banaan, maadaama sida uu sheegay ay xafiis ku leeyihiin madaxtooyada Soomaaliya.

Guddiga doorashada ayuu kula taliyay inay kasoo guuraan madaxtooyada Soomaaliya si uu u noqdo guddi madax banaan, maadaama hadda uusan u aqoonsaneyn inuu madax banaan yahay.

Xisbiyada kala duwan ee dalka oo talo ay kala dhaxeyso guddiga ayuu sheegay inaysan fursad u heysan inay la kulmaan, maadaama madaxtooyada oo xildhibaanada qaar loo diiday ay dhex degen yihiin guddiga madax banaan ee doorashooyinka.

Wuxuu sidoo kale sheegay inay ka doonayaan in xukuumadda ay ku cadaadiyaan inay ansixiyaan Sharciga doorashooyinka, islamarkaana dhamaan xisbiyada dalka ay kala shaqeyn doonaan.

“Guddiga doorashooyinka waxaan u aqoonsaneynaa inay madax banaan yihiin markey banaanka madaxtooyada soo dagaan, sababtoo ah anaga xisbiyadii ayaan nahay talo ayaa nagala dhaxeysa, laakiin lama kulmi karno”

“Guddiga doorashooyinka waxaan ka codsaneynaa inay ku cadaadiyaan xukuumadda inay ansixiso sharciga doorashooyinka, waxaana u balan qaadeynaa dhamaanteen inaan kala shaqeyno arintaasi”ayuu yiri C/raxmaan C/Shakuur.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Jubbaland oo xiriir ganacsi la billaabaysa Soomaalida dalka Itoobiya (Warbixin)

Kismaayo (Caasimada Online) – Xoghayaha rugta ganacsiga Soomaaliyeed Shaafi Raabi Kaahin ayaa sheegay inay heshiis dhanka ganacsiga ay la yeelan doonaan ganacsatada ismaamulka dowled deegaanka Soomaalida ee Itoobiya

Raabi Kaahin oo sidoo kale ah xoghayaha rugta ganacsiga maamulka Jubbaland ayaa waxa uu kulan la qaatay madaxweynaha dowled deegaanka ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya iyo ganasatada maamulkaas iyaga oo ay ka wada hadlay  sidii ganacsi xoogan labada dhinac u dhex mari lahaa.

Xoghayaha maamulka Jubaland, ayaa sheegay in kulankooda uu ku saabsanaa sidii labada maamul  iskaashi ganacsi iyo xiriir wanaagsan oo u sameyn lahaayeen  iyo xiriir dhanka hormarkaa oo  laba  shacab yeeshaan.

“waxaa uu ahaa booqasho aan ku nimid dowled deegaanka Soomaalida kana mid ah booqashadii aan ku tagi jirnay dhulalka dadka Soomaalida dagaan, waxaana aheyn wafdi shan xubnood ka kooban, waxa aan u nimid waxaa ugu muhiimsanaa sidii dadku nolosha ay kor ugu qaadi lahaayeen ganacsiga iyo isu sosocodka labada dhinac, loo xoojin lahaa kobcinta dhaqaalaha , maamulka,  xasiloonida iyo ammanka in laga wada shaqeeyo, lana ilaaliyo dhinaca Soomaalida iyo dhanka kale ee dowled deegaanka oo xuduud dheer Soomaaliya la leh” ayuu sheegay Shaafi.

Mr. Raabi Kaahin oo sii hadlaya waxaa uu yiri “Booqashadeenu ma aheyn mid rasmi ah, waxaa ay aheyd booqasho iska caadi ah  oo aan ku soo gaarnay deegaanka maadaama dadku yihiin dadkeenii iyo deegankeeniiba, in aan is xog waraysano ayuu jeedkeenu ahaa,  waxaa aan la kulanay bulshada qeybaheeda kala duwan, duqowda, dhaqanka iyo ganacsatada deegaanka iyo waliba rugta ganacsiga ee halkaan oo aan heshiis kala sixiixan doono”

Ugu dambeyntii waxaa uu yiri “waxaan kale oo aan la kulanay maamulka oo heerar kala duduwan ah wasiirada  qolyaha u qaabilsan waxbarashada, caafimaadka iyo dhaqaalaha waxaana kala hadalnay sidii ardayda waxbarasho u helilahaayeen iyo caafimaad dadku inay helaan, runtii halkaan waxaa wax kabarta arday badan oo Soomaaiyeed  halka dadka kalane caafimaad u joogaan kuwana sharciyo iyo waxyaabo kale ku suganayaan ayaan islaqaadanay inaan  iskaashi badan aan samayno qorsha booqashadeenu intaas ayeey aheed”.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected] 

C/W Gaas oo ciidankii ugu badnaa geeyay magaalada Garowe hal arrin darteed

Garowe (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Garowe ayaa sheegaya in madaxweynaha maamulka Puntland C/Welli Maxamed Cali Gaas uu ciidamadii ugu badnaa geeyay magaalada Garowe.

Ciidamadaasi ayaa u badan kuwo laga kala keenay magaalooyinka Gaalkacyo iyo Boosaaso, waxaana la sheegay in laga leeyahay ujeedada ah inay xaqiijiyaan amaanka magaalada Garowe.

Doorashada ka dhaceyso magaalada Garowe ee gobolka Nugaal ayaa la doonayaa in la adkeeyo amaankeeda, waxaan saraakiisha ciidamada hogaamineyso ay sheegeen inay doonayaan inay door ka qaataan amaanka magaalada Garowe.

Madaxweyne Gaas oo wajahaya culees siyaasadeed adag ayaa sheegay inuu doonayo in amni iyo kala dambeyn ay u dhacdo doorashada madaxweynaha ee ka dhaceyso magaalada Garowe.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in musharixiinta badan ee kusugan magaalada Garowe oo dhankooda gaadiid dagaal iyo ciidamo la tagay ay sabab u tahay ciidamada dheeraadka ah ee la geeyay magaalada Garowe.

Maalinta Talaadada ee soo socota waxaa magalada Garowe ka dhaceyso doorashada madaxweynaha maamulka Puntland iyo ku xigeenkiisa, waxaana aad loo adkeeyay amaanka magaalada.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
[email protected]

Sawirro: Hogaanka xisbiga UPD oo lagu dhawaaqay (Akhriso magacyada)

Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maanta magacaabay qaar ka mid ah xubnaha hoggaanka xisbiga. Xisbiga oo mudd 6 bil oo KMG ah guddoomiye u doortay Xasan Sheekh, ayaa maanta magacaabay xubnaha kale ee hoggaanka xisbiga.

Arrintan ayaa waxaa qoraal uu facebook soo dhigay ku faah-faahiyey xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo ka mid ah aas-aasayaasha xisbiga.

Qoraalka xildhibaan Axmed Macallin Fiqi:

Munaasabadda Daahfurka Xarunta dhexe ee xisbiga qaran ee Midowga Nabadda & Horumarka (UPD Party) ayaa galabtay ka dhacday xarunta cusub ee xisbiga, magaalada Muqdisho.

Xildhibaanno labada aqal ee Barlamaanka federaalka, mas’uuliyiin xisbiyada dalka ka jira ka kala socota, xildhibaanno barlamaanada dawlad goboleedyada, iyo xubnaha qeybaha kala duwan ee xisbiga ayaa goobta ku sugnaa, waxaana xarig-jarka ka dib la jeediyey khudbado taabanayey himilada iyo xaaladda siyaasadeed ee dalku waqtigaan marayo.

Waxaa goobta looga dhawaaqay maamulka kumeelgaarka ee xisbigu yeelanayo mudada soo socota, oo ay ka mid yihiin afar guddoomiye ku xigeen oo loo kala magacaabay:

1. Xil. Dr. C.fataax Ismaaciil Daahir – Guddoomiye ku xigeenka arrimaha siyaasadda iyo istaratejiyadda.

2. Senator Xuseen Sheekh Maxamuud – Guddoomiye ku xigeenka arrimaha xubnaha, bulshada iyo wacyigalinta.

3. Xil. Sacdiyo Salaad Samatar – Guddoomiye ku xigeenka arrimaha Qorshaynta iyo horumarinta xisbiga.

4. Senator C/hi Sheekh Ismaaciil Fartaag – Guddoomiye ku xigeenka arrimaha Dowlad Goboleedyada.Iyo

5. xubno kale oo golaha fulinta qaarkood.

Waxaa la joogaa waqtigii ay caddaan lahaeyd jihada caafimaadka qabta ee siyaasadda dalka loo wado, wadada kaliya ee furanna waa nidaamka xisbiyada iyo hanaanka dimuqraadiga ah, mana dhici karto in dalku noqdo mid la mid ah kubadda gacanta ee qofku kaligiis la ordo illaa meesha tabari geysaba, dalka mustaqbalkiisa siyaasadeed waa mid ka wada dhexeeya dadka Soomaaliyeed oo ay horkacayaan xisbiyadoodu.

Xisbi Siyaasadeed marka la maqlo waxaa soo xirmaya albaabka nidaamkii qabiilka siyaasadaysan iyo kali-talisnimada, waana maskax duug ah iyo afkaar fuunto kuwa dhiiragalinaya ama ku fakaraya in caburis, caga-juglayn iyo laaluush in dalka lagu haysan karo.

Xisbiga UPD asagoo dhaqangalinaya himiladiisa Isla markaana cuskanaya dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka u yaallaa, wuxuu ka hawlgali doonaa dalka oo dhan, wuaxaana si weyn hawlihiisa looga dareemi doonaa waqtiyada dhow caasimadda dalka insta Allaah.

UPD albaabadiisu waa furan yihiin dhammaan inta danaynaysa in ay xubno ka noqdaan.

Daawo: Xasan Sheekh oo weerarkii ugu cuslaa ku qaaday madaxda DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo maanta ka hadlay munaasabadda furitaanka xarunta xisbigiisa UPD, ayaa si kulul u weeraray dowladda madaxweyne Farmaajo uu hogaaminayo oo uu ku eedeeyay inay dhibaatooyin badan dalka u horseeday.

Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa sheegay in baarlamaanka, maamul goboleedyada, Xisbiyada kala duwan ee dalka iyo hay’adaha caalamiga ah ay caqabado adag kala kulmeen dowladda Soomaaliya, taasi oo keentay caburin ay kala kulmeen dowladda.

Wuxuu tusaale usoo qaatay culeesyada ay dareemayaan xildhibaanada baarlamaanka iyo maamul goboleedyada dalka, isaga oo sheegay in loo baahan yahay in shacabka Soomaaliyeed ay talaabo ka qaataan arintaasi.

Wuxuu sidoo kale sheegay in xaaladda hadda dalka uu ku jiro inay tahay cabsi iyo Cariiri soo wajahay siyaasiyiinta iyo xubnaha dowladda Soomaaliya, taasina ay dhibaato kale keeni doonto.

“Ciriiriga iyo xabsida kaliya ma saameyneyso siyaasiyiinta oo kaliya oo waxay sidoo kale saameyneysa shacabka, Tii wadada dhinaceeda Shaaxa ku gadeysay, kii gaari gacan ku shaqeynayay iyo kuwa baabuurka wax ku daabula ayaa caqabad la kulmay”ayuu yiri Xasan Sheikh Maxamuud.

Culeesaadka siyaasadeed ee dalka ka jira ayuu sidoo kale sheegay inay saameysay hoteelada ku yaala magaalada Muqdisho, maadaama loo diiday inay siyaasiyiinta ku shiraan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

C/Casiis Lafta-gareen oo qaaday tallaabo aan laga fileyn oo aysan ku farxin DF

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdficasiis Lafta-gareen ayaa waxa uu magacaabay guddi xaqiiqa raadin ah oo baaritaan ku sameynaya shaqaaqooyinkii ka dhacay Baydhabo.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa wareegto uu soo saaray ku magacaabay todobbo xubnood oo midi ay Haween tahay oo baara tacadiyadii ka dhacay Baydhabo ee ka dhashay soo xiritaankii Mukhtaar Rooboow.

Rabshadihii Baydhaba ayaa waxaa ku naf waayey dad gaaray 15 qof oo shacab ah.

Tallaabada uu qaaday Lafta-gareen ayaan ku farxi dooni madaxda dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha amniga, si gaar ahna wasiirka amniga Ducaale iyo agaasimaha hay’adda nabad-sugidda Fahad Yaasiin.

Rabshadahan ayaa waxaa ku lug lahaa ciidamo ay Ducaale iyo Fahad ka direen Muqdisho, waxaana baaritaan kasta oo dhab ah oo dhacdadan lagu sameeyo ay lugaha la gali doontaa ayaga.

Waxaa xusid mudan in dowladda Soomaaliya weli aysan ka hadal, cambaareyn, xitaa kana tacsiyeyn wixii ka dhacay Baydhaba 13-15 December.

Wakiilkii hore ee QM ee Soomaaliya Nicholas Haysom ayaa Soomaaliya laga cayriyey kadib markii dowladda uu ka dalbaday inay sharaxdo wixii dhacay.

Si kastaba, waxaan caddeyn in Lafta-gareen ay dhab ka tahay baaritaanka uu dalbaday iyo tani ay tahay maaweelo siyaasadeed oo uu kusoo jiidanayo shacabka Koonfur Galbeed oo ku tirinaya nin Muqdisho laga xukumo, oo aan lahayn go’aan siyaasadeed madax banaan.

 

Sawiro: Dr. Cali Ciise Cabdi oo gacanta ku dhigay 17-ka xildhibaan ee Dhulbahante

Garoowe (Caasimada Online) – Kulan ballaaran ayaa maanta ku dhexmaray magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland musharaxa xilka madaxweyne Dr. Cali Ciise Cabdi, xildhibaanada golaha shacabka federaal-ka ku metela Dhulbahante, xildhibaanada cusub ee isla beeshaas ugu jira Puntland, cuqaalad iyo siyaasiyiin kale.

Kulan waxa uu ahaa mid taageero loogu muujinayo Dr. Cali Ciise Cabdi, oo 8-da bisha geli doona loolan adag oo uu kala kulmayo 28 kale oo isla xilkaas doonaya.

Waxaa jirtay xan ahayd in Dr. Cali Ciise lagu haysto 17-ka xildhiaan ee beesha Dhulbahante oo uu ka soo jeedo ugu jira Puntland taas oo dhaawici kartay rejadiisa.

Hase ahaatee, kulanka maanta Garowe ka dhacay oo ay soo xaadireen siyaasiyiin gayyiga Soomaalida caanka ah sida Dr. Cali Axmed Jaamac Jengeli oo hore Soomaaliya Wasiir Arrimo Dibadeed uga soo noqday, dowladdii Xassan Sheekh-na ahaa Wasiirka Duulista iyo Hawada, Xildhibaan Da’uud Bisinle oo ah rugcadaa siyaasadeed oo ka soo jeeda gobolka Sool, Wasiirka Macdanta ka soo noqday dowladdii Xassan Shikeh, Xildhibaan Canab Xassan Cili iyo Xildhibaan Sharmaarke Garaad Saleebaan Buraale.

Waxaa sidoo kale dhammaa goobta ka muuqday 17-ka xildhibaan ee Sool, Sanaag iyo Cayn ugu jira Puntland oo sida la xaqiijiyey bilaa shuruud ugu ballan qaaday codkooda Dr. Cali Ciise Cabdi.

Kulanka waxa uu ahaa mid sida la sheegay xildhibaanada Dhulbahante ay codadkooda ugu ballan-qaadeen Dr. Cali Ciise, waxaana uu yimid xilli uu maanta Dr. Saaqad Enow xaqiijiyey in uu u tanaasulay Dr. Cali Ciise.

Shalay, sidoo kale waxaa kulmay Dr. Cali Ciise iyo Cali Xaaji Warsame oo ayagana laga yaabo inay sameystaan xulufaysi siyaasadeed.

Dhinaca kale, waxaa iyana jira sida ay Caasimadda Online xog hoose ku heshay in ay kulan u ballansan yihiin Musharax Faarax Cali Shire iyo Dr. Cali Ciise Cabdi.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

Qodob musharaxiin badan daaqadda ka saaraya oo lagu soo daray shuruudaha doorashada Puntland

Garowe (Caasimada Online) – Guddiga doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenka Puntland ayaa shaaciyay sharuudaha laga doonayo musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

Waxaa guddiga uu soo rogay shuruudo badan, hase yeeshee waxaa ugu adag shuruudda koowaad, qeybta T, taasi oo dhigeysa in musharaxa uu dalka ku sugnaa labadii sano ee ugu dambeysay.

Inkasta oo guddiga uusan sharxin qodobkana, haddana waxaa muuqata in musharaxiin badan aysan buuxin karin qodobkaas, maadaama intooda badan ay qurbaha ka yimaadeen xiligii doorashada un.

Guddiga ayaa laga sugayaa inuu sharxo qodobkaas, waxaana caddeyn u baahan in joogitaanka macnihiisu yahay joogitaan deganaansho, iyo inay uga jeediyaan in labadii sano ee lasoo dhoofay uu dalka imanayey.

Dhinaca kale, guddiga doorashada ayaa shaaciyay in Musharaxii u tartamaya Madaxweynaha cusub ee Puntland laga rabo lacag dhan  $20,000, isla markaana Musharaxii u tartmaya Madaxweyne ku xigeenka Puntland laga doonayo in uu bixiyo lacag dhan 10,000 oo doolar.

Guddigan ayaa sheegay in doorashada madaxweynaha ay dhaceyso 8 Janaayo, waxaana u taagan musharixiin badan oo ka badan 25 musharax.

Hoos ka akhriso sharuudaha musharixiinta

Yuusuf Garaad: Somalia ha isku diyaariso saameynta cayrinta Nicholas Haysom, oo aan soo daahi doonin

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa bartiisa facebook soo dhigay qoraal uu uga hadlayo cayrinya dowladda Soomaaliya ee ergeygii QM Nicholas Haysom.

Yuusuf Garaad ayaa shaaca ka qaaday in arrintan ay yeelan karto saameyn aan soo daahi doonin, oo ay tahay in Soomaaliya ay u diyaar garowdo.

“Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay, António Guterres, go’aanka uu ka qaatay dalabkii Soomaaliya waa mid la dhihi karo wuxuu Dowladda Soomaaliya u yeelay sida ay dalbatay oo ah in laga beddelo Ergeygiisa Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM, inkasta oo aan la cayimin goorta. Ma ahan Dowladdu in ay is mahadiso” ayuu yiri Yuusuf Garaad.

Waxa uu intaas ku daray “Saameynta uu arrinkani yeelan karo ama aan is leeyahay wuu yeelan doonaa, aan filayana in aanay soo daahi doonin ayaa u baahan in loo diyaar garoobo lana maareeyo”

Guterres ayaa shalay ku dhawaaqy inuu ergey cusub usoo magacaabayo Soomaaliya, inkasta oo uu sheegay in xeerka persona non grata ee diblomaasiyadda uusan qaban shaqaalaha QM.

Waxa uu yiri “waxaa iga go’an xaqiijinta baahiyada dadka Soomaalida, oo ah shaqada hormuudka u ah xafiiska QM ee Soomaaliya. UNSOM waxay u baahan tahay inay sii waddo shaqadeeda taageeridda Soomaalida”

“Sidaas darteed waxaan soo magacaabayaa wakiilka cusub oo madax ka noqon doona xafiiska QM ee Soomaaliya ee UNSOM, sida ugu dhaqsiyaha badan”

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Shirkad cusub oo ka shaqo billaabaysa dekada Xamar

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkad Caalami ah oo lagu magacaabo MAERSK LINE ayaa ka shaqo bilaabeyso dekada magaalada Muqdisho, sida maamulka dekada Muqdisho ay sheegeen.

Shirkadaasi ayaa ka shaqeysa daabulida kunteenarada maraakiibta saaran, waxaana laga leeyahay dalka Denmark, iyada oo ka shaqeysay wadamo badan oo caalami ah.

Maanta ayuu Markabkeeda ugu horeeya ku soo xiranayaa dekadda Xamar, waxaana shirkadda ay ka howlgashaa in ka badan 130 wadan, sida lagu sheegay warbixinta maamulka Dekadda.

Qoraal kasoo baxay maamulka dekada magaalada Muqdisho ayaa u qornaa sidan:

Waxaan la socodsiinaynaa Ganacsatada iyo Shacabka Soomaaliyeed in Dekedda Muqdisho ay ka howl bilabeyso maanta oo ah 5th Janaayo 2019ka Shirkadda MAERSK LINE oo ah Shirkadda Hoggaamisa Daabulida Kuntaynarada Dunida (Global Leader in Shipping Service) kana howlgasha in ka badan 130 wadan.

Imaashiyaha Markabka ugu horeeyay ee Shirkadda MAERSK LINE oo Xarunteeda tahay Dalka Denmark waxay ifafaalo muuqdo u tahay Kobaca Dhaqaale ee Dalka iyo sida Dunida diyaar ugu tahay in ay la Ganacsadaan Soomaaliya. Ayadoo la rajaynayo Shirkadaha kale sida Evergreen, China Shipping Line iyo kuwa kale ay yimaadaan Dekedda Muqdisho dhamaadka Sanadkan.

Ka Howlgelida Shirkadda MARESK LINE Dekedda Muqdisho muddo dheer ka dib-  Burburkii heyádaha dowladda  ayaa waxay Astaan u tahay Horumarka Dhaqaale & Amni uu ku tilaabsaday Qaranka Soomaaliyeed ayadoo horay uga howlgeli jireen Dekedda Muqdisho Shirkadaha MSC iyo CMA-CGM oo ah Shirkadaha ku jira Kaalmaha Labaad iyo Saddexaad ee Daabulista Kuntaynarada Dunida.

Maraakiibta Shirkadda MARESK LINE oo si joogto ah uga howlgeli doonta Dekedda Muqdisho waxay fursad u tahay Ganacsatada iyo Shacabka Soomaaliyeed in ay si fudud ugu dhoofiyaan Dunida Dacaladeeda wax soo saarka Dalka, kana soo Dhoofsadaan Badeecadaha Dhammaan Daafaha Dunida si fudud. Imaanshaha Sharikadda MAERSK ee Dekedda Muqdisho waxey fureysa tartan dhaqaale taa oo horseedi doonto in qiimaha wax dhoofinta iyo soo dejinta ay hoos u dhacan waana guul u soo hooyatay dadaalka dhaqan-dhaqaale ee Dowladda Federaalka iyo ganacsiga Soomaaliyeed eek u wajahan dib-u-dhiska dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

XOG: Shiinaha oo Somalia ka difaacay UK iyo go’aan xasaasi ah oo maanta laga filayo golaha ammaanka

New York (Caasimada Online) – Dowladda Shiinaha ayaa is hor-taagtay qaraar golaha ammaanka uu soo saari lahaa oo ka dhan ah dowladda federaalka Soomaalida, Caasimada Online ayaa ogaatay.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caaismada Onlne u sheegay in golaha ammaanka uu jimcihii yeeshay kulan ay albaabada u xiran yihiin oo looga hadlay tallaabada uu golaha ka qaadi lahaa go’aanka ay Soomaaliya kusoo cayrisay wakiilkii QM ee Soomaaliya, Nicholas Haysom.

Intii uu kulanka socday ayaa UK, oo xubin buuxda ka ah golaha ammaanka, waxa ay soo bandhigtay qaraar qabyo ah oo ay dooneyso inuu golaha qaato, kaasi oo lagu cambaareyn lahaa go’aanka dowladda Soomaaliya.

Qaraarka UK ayaa sidoo kale golaha ammaanka uu si cad ugu sheegi lahaa inuu taageero xooggan u hayo xafiiska QM ee Soomaaliya ee UNSOM, wuxuuna ka dalban lahaa dowladda Soomaaliy inay si buuxda ula shaqeyso.

Si kastaba, xogta aan helnay ayaa sheegeysa in dowladda Shiinaha, ay ka hor-timid qaraarkaas in la meel-mariyo, islamarkaana codsatay waqti dheeri ah, oo ay uga fakarto go’aanka ay qaadan lahayd.

Golaha ayaa la filayaa in mar kale uu maanta oo sabti ah kulmo, kana fakaro qaraarka Britain. Ma cadda go’aanka maanta Shiinaya ay qaadan doonaan.

Qaraarka UK ayaa yimid markii ay ku guul-darreysatay in safiirkeeda Soomaaliya David Concar uu ka dhaadhiciyo madaxda dowladda Soomaaliya inay ka laabato go’aanka lagu cayriyey Haysom, sida ay Caasimada Online kal hor shaaca ka qaadday. Halkan ka aqri.

Waxaa uu sidoo kale qaraarka daba socday markii xoghayaha guud ee QM Antonio Guterres uu saddex mar oo uu taleefonka kula hadlay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabduallaahi Farmaajo ku guul-darreystay inuu ka dhaadhiciyo inuu maskaxdiisa beddelo.

Guterres ayaa markii ugu dambeysay oo uu Farmaajo la hadlay oo ahayd jimcihii, kuna guul darreystay inuu wax ka beddelo go’aankiisa, wuxuu ku dhaawaaqay inuu ergey cusub usoo magacaabayo Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
[email protected]

Maxaa xoghayaha QM iyo Farmaajo dhex-maray ka hor go’aankii uu qaatay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ka hor inta uusan ku dhawaaqin inuu ergey cusub usoo magacaabayo Soomaaliya, xoghayaha guud ee QM, António Guterres ayaa wada-hadal la yeeshay madaxda sare ee Soomaaliya, Caasimada Online ayaa sidaas ogaatay.

Sida aan xogta ku helnay, xogahayaha guud ee QM António Guterres, ayaa saddex good soo wacay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo kala hadlay in dib loo soo celiyo Haysom, islamarkaana qaladaadka dowladda ay ka tirsaneyso si kale ama wada-hadal lagu xaliyo oo la saxo.

Si kastaba, codsigaas ayaa la sheegay in Farmaajo uu ku gacan seeray, una caddeeyey Guterres in go’aanka Soomaaliya uu yahay mid aan kasoo noqasho lahayn, oo ku yimid si aan fududeyn oo aad loogu fiirsaday.

Sida aan xogta ku helnay, waxyaabaha dowladda Soomaaliya u sheegtay Guterres ayaa waxaa ka mid ahaa in ay Haysom ku haysato arrimo ka ballaaran warqaddii uu soo saaray ee la xiriirtay dhacdooyinka Baydhabo, balse uu gaystay xadgudubyo ka dhan ah madax banaanida dalka.

“Waxaa jira hadallo gef ah oo uu sheegay iyo warqado dhowr ah oo Haysom uu qoray oo ka dhan ah qarannimada dalka, oo dowladda aad uga careysiiyey, waana la caddeeyey Guterres arrintaas” Waxaa sidaas yiri il-wareed ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaaraha oo la hadlay Caasimada Online.

Qaladaadka uu galay Haysom, ee dowladda Soomaaliya u sheegtay Guterres, ayaa waxaa ka mid ah; xiriiro uu la sameynayey gobollada dalka sida Somaliland, wasiiro ka tirsan dowladda oo uu si aan sharciga waafaqsaneyn uu ula xiriiray, iyo waraaqo Amnesty International uu u diray oo uu dowladda ku eedeeyey xadgudubyo xuquuqda aadanaha ka dhan ah.

Guterres oo markii saddexaad uguna dambeysay Farmaajo taleefon kula hadlay jimcihii, ayaa la sheegay inuu ka quustay inuu beddelo go’aanka Farmaajo, islamarkaana garwaaqsaday in arrinta aysan xal kale lahayn, oo aan ka ahayn in la beddelo Haysom.

Eedymaha loo haysto Haysom, oo aan si faah-faahsan u qornay markii la cayriyey, halkan ka aqriso.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Imaaraadka oo wajahaya xaalad DHAQAALE xumo

Dubai (Caasimada Online) – Suuqa saamiyada Dubai ayaa maalinkii ugu dambeysay ee sanadii 2018 xirmay, ayada oo uu luumiyey 25% qiimahiisa, taasi oo ka dhigtay sanadkii ugu xumaa ee suuqa, tan iyo xasaradihii dhaqaale ee dunida ka dhacay toban sano ka hor.

Dalxiiska iyo iyo iibka guryaha ayaa si gaar aad u liitay, sanadikii 2018.

Hoos u dhaca suuqa dhaqaalaha Dubai, ayaa ka mid ahaa kuwii ugu xumaa ee gaara dalalka Khaliijka iyo Carabta, ayada oo ay jiraan astaamo muujinaya in dhaqaalaha ilaha badan ku tiirsan ee Imaaraadka uu hoos u dhacayo.

“Wax soo saarka mashiinada dhaqaajiya dhaqaalaha Imaaraadka ee ah; hantida ma guurtada iyo ganacsiga ayaa ahaa kuwa liita” waxaa sidaas yiri M.R. Raghu oo ah madaxa xarunta climb baarista maaliyadda Kuwait ee Markaz.

Hase yeeshee xaaladda uma xumeyn sida sanadii 2008, markaasi oo suuqa saamiyada Dubai uu gaaray khasaare dhan 72% kadib markii xasaradihii dhaqaale ee dunida ay dhibaatooyin deymo la xiriira ku kiciyeen Imaaraadka.

Suuqa saamiyada Qatar, ayaa aad uga wanaagsanaa Imaaraadka, waxaana uu dalalka carabta ku hogaaminayey dhammaadkii sanadka faa’iido 21% ah, inkasta oo muddo 18 bilood ah dalkaas uu ku jiro go’doon ay saareen dalalka deriska la ah ee uu hogaamiyo Sacuudiga.

Dhaqaalaha suuqa Abu Dhabi ayaa isna koror 10% ku dhameystay sanadkii 2018.

Suuqa saamiyada ugu weyn dunida carabta ee Sacuudiga ayaa sanadka ku dhameystay faa’iido 8.3% ah, inkasta oo bishii October uu asiibay hoos u dhacii ugu xumaa muddo saddex sano ah kadib markii weriye Jamaal Khaashuqji lagu dhex dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul.

“2018 waxa uu suuqa saamiyada Sacuudiga u ahaa sanad aan xasilooneyn, wuxuu ku bilowday si xooggan hase yeeshee hubanti la’aan siyaasadeed ayaa sababtay inuu dhibco badan lumiyo” ayuu Raghu u sheegay AFP.

Sababaha ugu weyn ee khasaaraha suuqa saamiyada Dubai ayaa ah ayada oo uu hoos u dhacay iibka hantida ma guurtada ah, oo ay ugu wacan tahay dalabka oo hoos u dhacay iyo guryo ka badan kuwii loo baahnaa oo la dhisay.

Iibka guryaha, oo ah 13% dhaqaalaha Dubai ayaa hoos u dhacayey tan iyo sanadii 2014, hase yeeshee wuxuu xoogaystay 2018-kii.

Rubacii saddexaad ee sanadkii 2018, oo kaliya, ayaa qiimaha guryaha eee Dubai waxay hoos u dhaceen 7.4%, sida uu sheegay Bankiga dhexe ee Dubai.

Saamiyada shirkadda Emaar, oo ah tan ugu weyn ee dhismaha ee bariga dhexe ayaa lumisay ku dhowaad bar qiimaheeda.

Dhaqaalaha guud ee Dubai, oo aan ku xirneyn iibka saalidda ayaa la filayaa in sanadkii 2018 uu koray kaliya 2.3%, taasi oo ka yar 2.8% sanadkii 2017.

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
[email protected]

Wasiirka arrimaha gudaha oo laga diiday Kaxandhaale

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah odayaasha iyo waxgaradka gobolka Galgaduud ayaa si cad u sheegay inaysan ku qanacsaneyn hanaanka uu dib u heshiisinta Kaxandhaale u marayo wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya oo daah furay gogol nabadeed ayaa cadeeyay inay ka go’an tahay inay dib u heshiisiin dhab ah dhex marto beelihii ku dagaalamay Kaxandhaale, waxaase ka hor yimid qaar kamid ah odayaasha dhaqanka.

Odayaasha dhaqanka ayaa sheegay sababta ay kaga hor yimaadeen gogosha uu fidiyay wasiirka arrimaha gudaha inay tahay in wasiirka uu ka qeyb galiyay wadahadalka dad aan matalaad ku laheyn beelaha dagaalamay.

Waxaa kale oo odayaasha ay sheegeen inay taageerayaan wadahadal siinta dhinacyada dagaalamay, balse wasiir uusan casuumin odayaasha dhaqanka ee lahaa xalinta rasmiga ah, sida ay sheegeen.

Dowladda Soomaaliya ayay ka dalbadeen inay arimahaasi wax ka qabato, maadaama odayaasha saxda ah aysan ka qeyb aheyn wadahadalada furmay.

Wasiirka ayaa dhawaan ay u suuro gali weysay inuu tago deegaanka Kaxandhaale ee gobolka Galgaduud halkaasi oo lagu maleeshiyaad ay ku dagaalameen, waxaana odayaasha dhankooda ay wadaan dadaalo nabadeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Eryiddii hay’ad samofal oo Maraykan ah ee 1967-kii iyo eryida danjire Haysom

Dhacdadii DFS dalka uga eriday 01/01/2019 wakiilkii QM ee Nicholas Heysom, ayaa ku soo beegmaysa dhacdo isla bisha iyo ayaantaas oo kale 01/01/1967, uu allaha u naxariistee duqii Magaalada Gaalkacyo uga eryay hay’ad samafaleed oo laga lahaa wadanka Maraeykanka.

Dhacdadaan ayaa timid marka dadka shacabka Galkacyo ka muujiyeem diidmo iyo dareen ku aadan, hab dhaqanka hay’adaas oo faraha la gashay in dhalintii dooriso ayadoo keentay dhaqannadii reer Galbeedka wadanka.

Xiligaas oo ay dadku aad uga shakisanaayeen Gaallada iyo dhaqamadooda in ay ka dooriyaan ubadkooda.

Hay’adu shaqada ay u timid ayaa ahaa dhismaha dhowr iskool, oo uu ugu horeeyay in ay qaybo cusub ku daraan dugsiga Bardacad, oo xiligaas uu ka dhisnaa qaybta hore, ee wayadii danbe ahayd dugsiga hoose. Sidoo kalena waxaa ku jiray in ay tuullada Bacaadwayn oo dhinaca waqooyi ka xigta laga furo dugsi hoose.

Hay’adu waxa ay daganayd guryo ku yaalay halka loo yaqaanau xeradii Daraawiishta, oo waagii danbe ciidanka Daraawiishta saldhiga u ahayd. Waxa ay hay’adu xiriir la yeelatay dhalinyaradii magaalada ee waxbarashada u oomanayd, ayagoo bilaabay in ay xaflado muusik iyo qoobka ciyaar ah ku qabtaan xaruntooda, khaas ahaan markii la soo gaaray xiligii Kirismaska.

Akhbaartaas markay ku fiday magaalada, ayaa waxaa la soo gaaray habeenkii sanadka cusbaa 01/01/1967-dii. Habenkaas ayaa dhalinyaro ka mid ahayd xisbigii Great-ka ku soo wargasheen allaha u naxariistee duqii Gaalkacyo, Xusseen Ciid, in khaskii ugu wayna oo khamri, music iyo qoob ka ciyaari xaruntii hay’ada ka jiro, dhalintii baladkuna inbadan xertaas ku biireen.

Xusseen Ciid markii akhbaartu soo gaartay, ayuu toos u soo aaday xaruntii, asagoo diidaya in la aqoonsado. Goobtii ayuu soo gaaray wax walba oo socdayna indhihiisuu ku arkay. Dhalintii oo ku jirta dabaaldagii, wixii loo dhigayna raqay, ayuu goob joog u noqday.

Subaxii markuu waagu baryay ayuu golihii deegaanka Gaalkacyo shir degdeg ah u qabtay, isagoo u soo bandhigay wixii xalay uu soo arkay, iyo warbixinadii awal soo gaaray. Dood iyo falanqayn dheer ka dib waxaa la isku raacay in sii joogitaanka hay’adani wax dan ah ugu jirin bulshada Gaalkacyo, dhalintoodana ka badbaadsadaan Gaallada.

Duqii Gaalkacyo waxuu ku dhawaaqay go’aankii goluhu qaatay hay’adiina waxaa 01/01/1967-dii laga eryay Gobalka Mudug in ay ka shaqayso, ugana baxdo Gaalkacyo 24saac.

Go’aankii waxaa loo diray dowladdii dhexe oo xiligaas uu RW ka ahaa Allaha u naxariistee Cabdirisaaq Xaaji Xusseen, oo awalba soo diray hay’adaas in Gobolka Mudug waxbarashada ka caawiso.

Muqdisho markii warbixintaas gaadhay ayaa waxaa soo hadlay RW Cabdirisaq Xaaji, asagoo xusaya in baahi loo qabay dhisida iskoollada, muhiimna ahayd in ay hay’adu dhamaystirto dhismayaashii ay balanqaaday.

Duqii Magaalada ayaa ku wargashay RW Cabdirisaaq, khatarta ka wayn ee ay hay’adani u leedahay bulshada Gaalkacyo, aysanna ka laabanayn go’aanka ay qaateen. Arinta ku aadan hawlihii dhismayaasha iskoolada ahaa ee ay fulin lahayd Hay’adaanna ay ayagu waa reer Gaalkacyoodde dhabarka u ridanayaan, canshuurtoodana ku dhisanayaan iskooladooda.

Rw Cabdirisaaq ayaa hadalkiisii kusoo afxiray, ‘’Wan idinkula xisaabtamaynaa haddaad ka soo bixi waydaan, waxa aad balanqadeen’’.

Isla sanadkiiba canshuurtii reer Gaalkacyo waxaa laga dhisay iskoolka Bardacad qaybta dhexe iyo dugsiga hoose ee Bacaadwayn. Hay’adii iyo sharkeediina meeshaas ayay ku dhamaatay.

Tani waxa ay noqotay waxyaaba lagu xasuusto allaha u naxariisto Xusseen Ciid iyo go’aamaduu qaatay intuu duqa magaallada Gaalkavyo ahaa. Sidoo kale waa cashar muujinaya Soomaalidu haddii ay rabto in ay waxqabsato in ay qabsan karto, haddii ay hesho dad kartideedii leh, una daacad ah waxa ay qabanayaan.

Markaan u soo laabto in badan oo walaac ka muujiyay eryidda Nicholas Haysom, sidii kadabkoodu go’ayo, Soomaalida maanta ayaa ka waxtar badan tii 1967-kii haddii ayrabaan in ay waxqabsadaan, baryana wadan laguma dhiso, ee waa in naf iyo maalba loo huraa.

Canshuurta Gaalkacyo haddi iskooladeedii lagu dhisayay 1967, maanta maalmul gobaleed dhan ayaan musqul dhisan Karin, oo leh hay’adbaan rabnaa in ay noo dhisto, ayadoo canshuurtii dadkana bangiyo lagu shubanayo, sidii wax ninkaasi shaqaystay. Dhaqanada noocaas ah weeye dowladnimada Soomaaliya waxa hortaagan, Soomaalina la rabo in ay ka wantowdo.

W/Q Muxyadiin Xusseen Ciid
[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid