26 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Xildhibaan Geesey: Dowlada Farmaajo dastuurka waa diiday diina waa diiday”

Baydhabo (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta dib ugu laabtay Magaalada Baydhabo ayaa dowladda dhexe ee ku eedeeyay in ay Mas’uul ka tahay dhibaatadii ka dhacday Magaalada Baydhabo.

Waxa ay sheegeen in doorashadii ka dhacday Baydhabo ay aheyd mid hareersan Sharciga, islamarkaana la diiday rabitaanka Shacabka Koonfur Galbeed.

Xildhibaanada waxa ay sheegeen in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay diiday in ay kala hadasho dhibaatadii Ciidanka  Itoobiya ay ka geysateen Magaalada Baydhabo, islamarkaana ay qaadi doonaan tilaabo markii ay wadatashiyo la yeeshaan Shacabka Koonfur Galbeed.

Cabdifitaax Ibraahim Geesey oo ka mid ahaa Xildhibaanada tagay Baydhabo ayaa xusay in dowladda Farmaajo dastuurka dalka ay baalmartay, xataa aysan diin ahaan u fiirin xuquuqda Shacabka Baydhabo lagu xasuuqay.

Hoos ka dhageyso

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
[email protected]

C/XAKIIN Dhoobo-dareed: Waa kuma gudoomiyaha baarlamanka Puntyland?

Garoowe (Caasimada Online) – Cabdixakiin Maxamed Axmed oo lagu naanayso (Dhoobo-dareed) wuxuu sannadkii 1968-dii ku dhashay miyiga degmada xiingalool ee gobolka Sanaag,wuxuu dugsiga hoose,dhexe iyo sare ka dhigtay degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag.

Wuxuu ka soo shaqeeyay shirkadda Isgaarsiinta Golis ee degaannada Puntland,wuxuuna siyaasadda kaga soo biiray Golaha degaanka magaalada Boosaaso,isagoo sannadkii 2009 ku kamid noqday Golaha wakiilada Puntland.

Mudda 10 sano ah ayuu soo fadhiyay Golaha wakiilada,isagoo Laba jeer oo hore u tartamay xilka guddoomiyaha Baarlamanka Puntland,hase yeeshee aan ku guulaysan.

Markii saddexaad ayuu maanta u tartamay guddoomiyaha G. Wakiilada Puntland,isagoo wareeggii labaad ee doorashada kaga adkaaday Cabdijamaal Cismaan,kadib markii uu helay 43-cod,halka Cabdijamaal ka helay 23-cod.

Khudbad uu Baarlamanka ka horjeediyay doorashadiisa ka hor, ayuu ku sheegay in uu Baarlamanka ku hoggaamin doono ilaalinta sharciga, la-xisaabtanka hay’adaha dowladda iyo ka shaqeynta danaha umadda Puntland iyo kuwa Soomaaliyeedba.

Sidoo kale wuxuu ballanqaaday in uu ku shaqeyn doono siyaasad furfuran oo wada-tashi ku dhisan,uuna dhegaysan doono talooyinka kala duwan ee xildhibaannada Golaha wakiilada.

Cabdixakiin Dhoobo dadka yaqaan waxay ku tilmaaman nin dabeecad wacan, wadaad ah oo ka agdhow culimada si fiicana wax uga bartay axkaamta iyo Fiqiga Diinta Islaamka oo sida la sheegay uu inta badan ka marsaday masaajidda.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected] 

Maxay ka dhiggan tahay doorashada guddoomiyaha baarlamanka Puntland?

Garowe (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka Puntland oo ka kooban 66 Mudane ayaa 43 kamid ah waxay codka kalsoonida guddoomiyaha baarlamaanka ay siiyeen guddoomiye C/Xakiin Maxamed Axmed (Dhoobodaareed).

Doorashada guddoomiyaha baarlamaanka kadib waxaa soo ifbaxday warbixin la xiriirta in isbadal weyn uu ku yimid shaqsiyaadkii loo saadaalinaayay doorashada madaxweynaha maamulka Puntland.

Doorashada guddoomiye Dhoobodaareed, ayaa muujisay in xubnaha sida weyn ula dagaalsanaa madaxweyne Gaas ay ku guuleysteen doorashada guddoomiyaha baarlamaaka Puntland.

Dhowr musharax oo kamid ah musharixiinta madaxweynaha Puntland ayaa u midoobay madaxweyne Gaas, waxaana hadda ay heleen kursiga guddoomiyaha baarlamaanka, maadaama musharax ay taageersanaayeen uu helay kursiga guddoonka.

Waxaanan la saadaalin karin sida xiisaha doorashada madaxweynaha isku badali karto, laakiin Musharixiin badan ayaa doonaya in markale uusan talada Puntland kusoo laaban madaxweyne Gaas.

Dr. Cali Ciise Cabdi, Saciid Maxamed Deni, Gen. Khaliif Ciise Mudan, Gen. Asad Cabdullaahi Cismaan (Diyaano) ayaa kamid ah musharixiinta sida hoose ugu heshiiyay inay codadka isa siiyaan haddii wareega ugu dambeeya midkood uu soo baxo.

Doorashada Guddoomiye ku xigeenka labaad ayaa sii xaqiijin doonto loolanka adag ee doorashada madaxweynaha Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
[email protected]

Guddoonka baarlamanka PUNTLAND oo la doortay

Garoowe (Caasimada Online) – Guddoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenka baarlamanka Puntland ayaa maanta lagu doortay doorasho maanta ka dhacday magaalada Garoowe.

Xildhibaan C/Xakiin Maxamed Axmed ayaa ku guuleystay doorashada guddoomiyaha baarlamaanka Puntland, kadib markii uu helay codadka ugu badan ee doorashada guddoomiyaha baarlamaanka.

Afar musharax ayaa xilkaasi u taagnaa, waxaana wareega ugu dambeeya u gudbay C/Xakiin Maxamed Axmed iyo C/Jamaal Cismaan Maxamed, waxaana guddiga doorashada ay shaaciyeen in C/Xakiin Maxamed Axmed uu ku guuleystay Xilkaasi.

Waxay kala heleen codadka baarlamaanka;
Cabdixakiin Maxamed Axmed 43 cod
C/Jamaal Cismaan Maxamed oo helay 23 cod

Cabdixakiin Maxamed Axmed [Dhoobo-daarood]  ayaa ah Xildhibaan mudo saddex jeer usoo tartamay Kursiga Gudoomiyaha Gollaha Wakiiladda Puntland [2014, 2015 iyo 2019].

Dhoobo-daarood ayaa doorashadii 2014 ku haray wareegga kowaad, waxa uu haddana isku soo taagay xilkan 2015 markii Xildhibaanada ay xilka ka qaadeen Saciid Xasan Shire, balse waxaa ka adkaadey Axmed Cali Xaashi.

Dhinaca kale, guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha wakiilada  Puntland ayaa loo doortay xildhibaan Cabdicasiis Cabdulaahi Cusmaan, kadib markii uu wareegii labaad helay 38-cod.

Xildhibaan Cabdixamiid Sheikh Cabdisalaan Ciise oo wareega labaad kula tartamayay ayaa isna helay 14-cod,hase yeeshee wuxuu ka tanaasulay in uu u gudbo wareega saddexaad.

Guddoomiyaha Golaha wakiilada Puntland, Cabdixakiin Dhoobo oo shaaciyay natiijada ayaa ku dhawaaqay, in Cabdicaasii ku guulaystay  guddoomiye ku xigeenka 1aad,maadaama uu wareega saddexaad ka tanaasulay Cabdixamiid SH. Cabdisalaan oo la tartamayey.

Guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka kowaad ee loo doortay Baarlamanka Puntland ayaa waxaa ku soo baxay wejiyo cusub oo kala ah;Cabdixakiin Maxamed Axmed(Dhobo) iyo Cabdicasiis Cabdulaahi Cusmaan.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
[email protected]

Sidee ayuu u dhacay dilka taliyihii Saldhiga degmada Warta Nabada ee maanta?

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil saaka ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo loo geystay taliyihii saldhiga degmada Warta nabadda ee gobolka Banaadir.

Xoghayaha maamulka degmada Warta Nabadda Cali Aadan ayaa xaqiijiyay in kooxo hubeysan ay agagaarka saldhiga degmada ku dileen taliyihii ciidanka booliska ee degmada Warta Nabadda.

Macalin Daahir oo ahaa taliyaha maanta la dilay ayaa kamid ahaa saraakiisha ciidamada booliska ugu firfircoon, sida uu sheegay xoghayaha maamulka degmada Warta Nabada ee gobolka Banaadir.

Taliyaha la dilay ayaanan wadan wax ciidan ah markii dilka uu dhacayay, waxaana la sheegay inuu watay gaadiidka yaryar, waxaana kooxaha hubeysan ay la dhaceen bastoolad xili uu ku dhawaa saldhiga degmada.

Ragga dilka geystay ayaa ka baxsaday goobta sida dhici jirtay, waxaana meydka taliyaha la geeyay xarunta Hay’adda dambi baarista ee CID si baaritaan loogu sameeyo sida dilka uu u dhacay.

Maamulka Degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in ciidamada booliska ee degmada ay bilaabeen baaritaanka dadkii dilka ka dambeeyay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Gaas oo Isimada Puntland dhegaha ka fuarystay kuna adkeysatay go’aankiisa ka dhanka ah DF Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa markale ku celiyay in shaqaalaha dowladda aysan tagi karin deegaanada maamulka Puntland inta doorashooyinka ay socdaan.

Qoraal markale kasoo baxay Puntland ayaa lagu sheegay inay ku adkeysanayaan go’aankoodii hore ee ahaa in shaqaalaha dowladda aysan tagi karin deegaanada Puntland.

Waxaa qoraalka lagu seegay in qaar kamid ah isimada Puntland ay shalay soo saareen qoraal ay ku sheegayaan in la dhameeyay arintan oo muwaadin kastaa uu tagi karo deegaanada Puntland.

Waxay sheegeen inay taageerayaan aragtida isimada Puntland qaarkood balse aysan ka dhigneyn in wasaarada amniga Puntland ay ka laabatay go’aankii hore.

Gaas oo loolanka ugu adag kala kulmaya siyaasi aan musharax ahayn (Aqriso)

Iyadoo maalmo ay naga xigaan doorashada Puntland ee la filayo in la qabto 8-da Janaayo, ayaa waxaa haatan cad dhinacyada sida weyn isugu hayo.

Madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas ayaa tartan adag ugu jira sidii dib loogu soo dooran lahaa, balse waxaa dhinaca kale aad u abaabulan oo ka soo horjeeda musharaxiin is bahaystay oo sheegay inay is baddal doon yihiin.

Sida uu sheegayo Ciid Baddel Maxamad, oo horey u soo ahaa safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, doorashadan waxay saameyn weyn ku yeelan doontaa masiirka madaxda maammul goboleedayada kale, iyo weliba doorashada federaalka la filayo in Soomaaliya ay ka dhacdo sannadka 2020-ka.

Ciid ayaa intaasi ku daray in tartanka ugu weyn uu Cabdiweli kala kulmayo siyaasi aan musharax ahayn, oo ah Senator Cabdiraxman Faroole.

Musharixiinta Faroole ka ag dhaw:

Dhowr musharax oo culus ayaaa lagu tirinayaa inay ka ag dhow yihiin Madaxweynihii hore ee Puntland, Cabdiraxman Faroole, oo haatan ka tirsan aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Faarax Cali Shire

Faarax waxaa uu ka mid yahay musharixiinta ugu cad-cad doorashada madaxweynaha Puntland. Waxa uu ahaa wasiirkii maaliyadda ee Puntland xilligii uu madaxweynaha Puntland ka ahaa Cabdiraxman Faroole.

Saciid Cabdullahi Deni

Danjire Ciid Baddel Maxamad ayaa sheegay in Saciid Deni uu ganacsi ahaan ugu xiran yahay Senator Faroole, wuxuuna ka mid yahay musharixiinta is baddel doonka ah ee ugu cad-cad.

Gen Khalif Ciise Mudan

Gen Khaliif waxaa uu wasiir u soo ahaa maammulkii Faroole, haatanna waxaa lagu tiriyaa musharixiinta is baddel doonka ah ee lagu tiriyo inay isbahaysi la yihiin madaxweynihii hore ee Puntland, Cabdiraxman Faroole.

Cali Ciise Cabdi

Sidoo kale Danjire Ciid Baddel, oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in Cali Ciise uu taageero weyn ka helayo Senator Cabdiraxman Faroole, musharaxnimadiisana waxay wax weyn ka baddaleysaa siday u dhici lahayd codbixinta, maadaamma inta badan xildhibaannada baarlamaanka lagu soo doortay hannaan lagu saleeyay qabaa’ilka deggan Puntland.

Cabdiweli Gaas iyo Cabdi Faarax Juxa

Dhanka kale waxay u muuqataa in Cabdiweli Gaas iyo Juxa, ay yihiin musharixiinta u taagan in siyaasadda Puntland ee ku aadan dowladda federaalka halkeedi laga sii wado, balse waxay wajahayaan tartan culus oo uga imaanaya musharixiinta kale, oo intooda badan ay doonayaan in Puntland ay la jaanqaaddo dowladda dhexe ee federaalka.

Doorashada 2020-ka ee Soomaaliya

Dadka wax indha-indheeya intooda badan waxay qabaan in doorashada Puntland ay astaan u noqon karto halka ay wax u jiheysan doonaan doorashada la filayo in Soomaaliya laga qabto marka uu dhamaado xilliga madaxweyne Farmajo.

Cabdiweli Cali Gaas ayaa hormuud u ah loollanka ay maammul goboleedayada kula jiraan dowladda federaalka ee Soomaaliya. Haddii uu guuleysto ama musharax la fikir ah uu soo baxo, waxay micnaheeda noqoneysaa in fursad ay yeeshaan madaxda maammul goboleedyada ee doorashooyinka ay ku soo fool leeyihiin.

Balse haddii uu soo baxo musharax diyaar u ah inuu la shaqeeyo dowladda federaalka ee Soomaaliya, waxaa fududaan doonto in la isku fahmo qaabka loo qaban doono doorashooyinka dalka ka dhici doono sanadka 2020-ka.

Xuquuqda qoraalka: BBC Somali

Maalgashadayaal Qatar ka socda oo heshiis muhiim ah ku saxiixay Xamar + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Ku-simaha wasiirka wasaaradda tamarta iyo Biyaha, xildhibaan Cismaan Libaax Ibrahim iyo Abdul Aziz Hamad Al Dulaimi oo hoggaaminaya Maal-gashadayaal Qatar ka socda ayaa  si wadajir ah maanta u saxiixday is-afgarad qayb ka qaadanaya horumarinta qaybta tamarta dalka.
Ku-simaha wasiirka wasaaradda tamarta iyo Biyaha, xildhibaan Cismaan Libaax Ibrahim ayaa sheegay in wasaaraddu ay diyaar u tahay in ay soo dhawayso cid kasta oo maal gashi ku samaynaysa dalka si loo helo koronto tayo leh oo qiima jaban.
Sidoo kale, Wasaaradda Batroolka iyo macdanta xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo shirkadda Khayraadka Macdanta iyo Batroolka dalka Qatar ayaa is-faham kale ku kala saxiixday munaasabad lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Wasiirka wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Eng. Cabdirashiid Maxamed Axmed iyo Abdul Aziz Hamad Al Dulaimi oo madaxa ka ah kooxda maalgashadayaasha Qatariyiinta ah ayaa si wada jir ah u saxiixay is-afgaradka.
Wasiirka wasaaradda, Eng. Cabdirashiid Maxamed Axmed iyo maalgashadayaasha Qadar ka socda ayaa ka wada hadlay dhinacyada ay suugaragalka tahay in wasaaaradda laga maal geliyo.
Dhanka kale, Shirkadda Korontada BECO iyo Maalgashadayaasha Qatar ayaa kala saxiixday is-afgarad qorshihiisu yahay in lagu horumariyo korontada dalka
Cabdiraxmaan Cali Jaamac oo ah guddoomiyaha Shirkadda Korontada  BECO ayaa is-afgaradka u saxiixay dhanka shirkadda, iyada oo Abdul Aziz Hamad Al Dulaimi uu isna ku saxiixay magaca maal gashadayaasha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqisho
[email protected] 

War FARXAD leh oo ka soo yeeray dhaqaalaha Turkey

Istanbul (Caasimada Online) – Heerka sicir-bararka dalka Turkiga ayaa bishii labaad oo xiriir ah hoos u dhacay bishii December, ayada oo ay caawisay canshuur dhimis iyo qiimaha badeecadaha oo hoos loo dhigay.

Machadka tirakoobka Turkiga ayaa maanta sheegay in heerka kororka qiimaha badeecadaha uu bishii December ahaa 20.3%, taasi oo 0.40% ka yar bishii November.

Sicir-bararka Turkiga ayaa bishii October gaaray 25.2%, taasi oo ahayd heerkii ugu badnaa muddo 15 sano ah, ka hor inta aysan hoos ugu dhicin 21.5% bishii November.

Dhaqaalaha Turkiga ayaa dhaawac uu gaaray wixii ka dambeeyey xagaagii 2018, ayada oo lacagta Lira ee dalkaas ay heerkii ugu xumaa hoos ugu dhacday, sababo la xiriira siyaasadaha dhaqaale ee madaxweyne Erdogan iyo muran siyaasadeed oo dhex-maray Ankara iyo Washington.

Xiriirka Turkiga iyo Mareykanka oo soo wanaagsanaaday iyo dowladda oo sare u qaadday heerka dul-saarka ayaa bilihii dhowaa caawiyey in qiimaha lacagta Lira ay sare u kacdo, marka loo eego dollar-ka

Caasimada Online
Xafiiska Istanbul

[email protected] 

Doorashada Puntland: Afar arrin oo loo baahan yahay

Doorashadda Puntland ee fooda nagu soo haysah oo u mudaysan January 8th 2019, Shacabku waxay baahi wayn u qabaan isbadel dhab oo ku sulaysan baahiyahooda dhabta ah, dhawr arimood in xooga lasaaro ayaana lagu gaari karaa si looga mira dhaliyo himiladaas sidoo kalena waxay hanaan cusub u horseedi kartaa maamulada kale ee kajira wadanka:

  1. Is Badal Muhiim ah : ( waji inuusan is badelin ee nidaamku is bedelo) micna wayn ma samaynayso in shakhsiyaad ama wajiyo ay is badalaan mar hadii nidaamka aan labadalin. Bini’aadamku ama Allah ka cabsi iyo damiir ayaa celiya ama Nidaam iyo sharci ayaa celiyah, qofkii kusoo baxa ee ugu yaraan is lahaa wax qabo asee aysan dhab ka ahayn markuu arko Isim, siyaasi, haween, dhalinyaro iyo qofkastoo uu la kulmo oo kala hadlaya dan Shakhsiyeed wuxay ubadantahay inuu ka tago tan guud oo raacdo tiisa gaar ahaaneed. Waa ku ceeb Puntland oo 20 sano jirsatay oo weli ku dhaqmaysa nidaamkii Jabhada 1998 ( barti yaqaan bari uma korodho) waxaa loo baahanyahay intaan lagaarin riyada ah (one man one vote) inay layimaadaan reer Puntland qorshe 2aad oo ay kaga guuraan jabhadnimadda.
  2. Cadaalad iyo matalaad dhab ah: horumarka iyo geedi socod dhanka togan ahi waxaa asal u ah cadaalad iyo sinaan, maahmaah horaa ahayd:( Rag cadaalad waayay sida cawsha kala yaac), kaqayb gelinta bulshada qaybaheeda kala duwan ee qaarkood go’aamadda masiiriga u ah iyo tusida jiritaanka lahaansho dhab ah iyadoonan laga taagayn isku soo dhawaynta iyo heshiisiinta dadka walaalaha ah ee wax kala tirsanaya waa hagid dhanka wanaaga ah.
  3. Maamul daadejin: nidaamka Guud ahaan Soomaaliya ka hirgalay ee federaalismka ah micnihiisu in bulsho kasta ay u madax banaanaato go’aan ka gaarida arimaheeda gudaha wuxuuna ku dhisan yahay daadejinta nimaadka iyo is maamulkooda inkastoo hadda qalfoof ahaan uu ujiro hadana maahan (fully functional).
  4. Ka faaidaysiga qabiilka ee dhanka togan: qabiilku waa waxa ay Soomaaliyana ku dhisan tahay waana caqabad taagan, waxtar iyo waxyeelobana yeelan kara hadba dhinicii loo adeegsado, si loogu adeegsado dhanka wanaaga iyadoo loo isticmaalayo aalad ahaan ( tool), sida wada shaqaynta dawladda iyo shacabka, kicinta dhanka wanaagsan ee bulshadda iyo isdhexgalka dadka walaalaha ah waxay noqon lartaa tilaabo dhanka wanaagsan loo qaaday.

Isku soo wada duuboo ka guul gaarida ujeedooyinkii puntland loo aasaasay iyo taabagelinta nidaam wanaagsani wuxuu halbeeg u noqon karaa dhamaan nidaamka federaaliisamka sidoo kalena wuxuu tubta toosan ku hagaajin karaa Soomaaliya barwaaqo ah.

Wabilaahi towfiiq

Waxaa qoray: Abdullahi Mohamed

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Cabdi Xaashi oo hambalyo u diray gudoomiyaha baarlamanka Puntland

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Aqalka sare ee Dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane, Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa u hambalyeeyay C/kariin Maxamed Axmed (Dhoobo-daareed) oo loo doortay Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland.

Mudane, Cabdi Xaashi, ayaa Guddoomiyaha cusub u rajeeyay guul, wuxuuna Alle uga baryay inuu xilkiisa ku dhammaysto wanaag, isagoo ugu baaqay inuu ka shaqeeyo sidii uu isugu dumi lahaa Dadka uu matalo.

C/kariin Maxamed Axmed (Dhoobo-daareed) ayaa helay codad gaaraya 43, halka murashixii la tartamayay ee Cabdi Jamaal Cusmaan Maxamed uu helay 23 Cod, waxaana imminka socda doorashada ku xigeennadiisa.

Waxaa isna guddoomiye ku-xigeenka 1aad loo doortay Cabdi Casis Cabdullahi Cusmaan, oo kaas wareegga 2aad helay 38 cod halka Cabdixakim oo la tartamayey uu helay 14, ninka dambe waxaa uu ka tanaasulay inuu tartamo wareegga 3aad.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho

[email protected] 

“Dalka annagaa maamulna” – DFS oo runta u sheegtay caalamka: (Aqri khudbada ABUUKAR BAALE ee QM)

New York (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa heshay nuqul ka mid ah khudbadda uu safiirka Soomaaliya ee QM Abuukar Daahir Cusmaan Abuukar Baale maanta ka jeediyo kulanka golaha ammaanka uu ka yeelanyo arrimaha Soomaaliya.

Khudbadda oo inteeda badan ku saabsaneyd horumarka ay dowladda Soomaaliya ee madaxweyne Farmaajo ay samaysay, ayaa waxaa ku jira qeyb ayada oo aan la magacaabin si toos ah ugu socota ergeyga QM ee Soomaliya laga eryey Nicholas Haysom iyo beesha caalamka.

Qeybtan ayaa cinwaan looga dhigay: Soomaaliya ayadaa hogaamisa taageerada caalmiga ah, ee taageerada caalamiga ah ma hogaamiso Soomaaliya.

Waxaa sida cad u jeedku yahay in beesha caalamka loogu sheegay in taageerada ay siiyaan Soomaaliya uusan macnaheedu ahayn in talada dalka ayaga looga dambeeyo.

Qoraalkan ayaa danjire Abuukar daahir Cusmaan Abuukar baalle uu ku leeyahay saidan:

Anaga, ayaa sidaas darteed, waajib naga saaran yahay, inaan dib u aas-aaso maqaamka Soomaaliya ee caalamka iyo inaan si fir-fircoon danaha Soomaaliya ugu matalno masraxyada caalamiga. Waxa ay ku fanaan iyo ilaalinta dadka Soomaaliyeed dartood, waxaa waajib naga saaran yahay, anaga oo ah kuwa matala, inaan siino codka iyo matalaadda himilooyinkooda iyo hiigsigooda.

Mudane madaxweyne [madaxweynaha golaha ammanaka]

Ii ogolow inaan arrintan sii sharxo. Soomaaliya waa ay kala saartaa hay’daha aan qeybta ka nahay iyo ficillada shaqsiyaadka saameynta dhaawaca leh u gaysan kara dalkeena aan cagaha adag ku taganeyn. Waa wax aynaan aqbali karin ficillada shaqsiyeed ee ka baxsan xeerarka iyo nidaamka aynu dhammaanteen raacno, ee looga gol leeyahay in lagu abuuro jawi aad u xun oo dhaawac gaarsiin kara hormuarkii ay gaartay bulshada Soomaaliyeed, ee ay ku jirto waxyeeleynta horumarka muhiimka ah ee laga gaaray cafinta daymaha.

Dowladdeena waxay Soomaaliya ku jiheeneysa mustaqbal cusub. Soomaaliya hadda kuma jirto xaalad ku meel gaar ah, hase yeeshee waa dal madax banaan leh dhamaman xuquuqaheeda iyo mudnaanteeda. Waxaan la dagaalaymaan argagixiso, maskax qabyaaladeed iyo musuq-maasuq. Waxaan ka rajeeneynaa hoggaanka QM inuu taageero istaraatiijiyaddan.

Masoo geba gebeyn karo hadlakayga aniga oo aan xubnaha golaha ammaanka uga mahad-celin taageeradooda joogtada ah, islamarkaana aan mar kale ku celin inaan ka codsado Golaha Ammaanka iyo QM iyo wakiiladeeda in waajib uu ku saaran yahay inay xushmeeyaan shaqada loo igmaday, islamarkaana aysan faro-gelin arrimaheena gudaha, ayna Soomaalida u ogolaadaan inay ayaga maamulaan aayahooda. Waxaan aaminsannahay wada-shaqeyn QM aan la yeelanno oo arrimahan saldhig looga dhigay ay yeelan doonaan miro-dhal wanaagsan. Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an inay ilaaliso guulihii la gaaray si waafaqsan dastuurkeena iyo xeerarka caalamiga ah.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
[email protected]

Isimada P/L oo caddeeyey mowqifkooda go’aankii uu Gaas ku mamnuucay xubnaha DF (Dhageyso)

Garowe (Caasimada Online) – Qaar kamid ah isimada Puntland ayaa ka hor yimid go’aankii xukuumadda Puntland ay deegaanada maamulkaasi kaga mamnuucday shaqaalaha iyo wasiirada dowladda.

Isimada Puntland ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Garowe waxay kasoo saareen qoraal ay ku cadeynayaan in shaqsiyaadka aan dambi ka galin Puntland ay tagi karaan deegaanada maamulkaasi.

Suldaan Bashiir Muuse Koonte oo ku hadlay magaca isimada Puntland ayaa sheegay inay ka warhayaan qoraalka maamulka Puntland islamarkaana aysan taageersaneyn in go’aankaasi oo kale laga qaato shaqaalaha dowladda.

“Sidaad la socotaan warqada dhowr qodob ayay ka koobneyn, waxaan arintaasi kala hadalnay madaxweynaha, musharixiinta Puntland, saraakiisha ciidamada iyo waxgaradka, waxaana la isla gartay in waxii aan na qaban in laga saaro meesha”.

“Waxaa la isla garanay muwaadin kastaa oo Soomaali ah muwaadin kastaa oo reer Puntland ah, oo aan dambi cad ka galin Puntland inuu tago karo deegaanada Puntland, waxaana la isla gartay in amaanka laga wada shaqeeyo”ayuu yiri Suldaan Bashiir.

Suldaan Bashiir, ayaa dhinaca kale sheegay inay been abuur tahay in la xiray xawaaladihii deegaanada Puntland iyo bangiyada islamarkaana ay shaqeynayaan dhamaan xarumaha xawaaladaha.

Dhawaan amar kasoo baxay maamulka Puntland ayaa lagu sheegay in shaqaalaha dowladda iyo wasiirada aysan tagi karin deegaanada maamulkaasi, waxaase kadib tagay magaalada Garowe xildhibaano baarlamaanka ka tirsan.

Halkan ka dhageyso codka

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
[email protected]

Aqalka Sare ee oo xiriirka u jaray Aqalka Hoose e BF (Khilaaf xooggan oo qarxay)

Muqdisho (Caasimada Online) – Aqalka sare ee baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta ku dhowaaqay inuu hakiyey wada-shaqeyntii kala dhaxeysay qalka hoose ama golaha shacabka.

Aqalka Sare ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in aqalka hoose uu baal-maray dastuurka iskuna koobay arrimaha la xiriira miisaaniyadda dowladda iyo arrimaha dibedda.

Waxa uu sidoo kale sheegay in aqalka hoose uu isku koobay matalaadda baarlamanka Soomaaliya, isaga oo guddiyo caalami ah u diray xubno ka wada socda Aqalka Hoose, oo xuquuqdii aqalka sare uu duudsiiyey.

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran

War ka cusub kiiska dilka weriye Jamaal Khaashuqji iyo Sacuudiga oo maanta…

Dacwad-oogayaasha Sacuudiga ayaa dil toogasho u dalban doono shan nin oo ku eedeysan dilka weriye Jamaal Khaashuqji, waxaa sidaas maanta werisay wakaaladda wararka dalkaas, ayada oo maanta ay maxkamad billowday dhageysiga dacwadaha 11 eedeysane.

Wakaaladda wararka SPA iyo taleefishinka qaranka, oo warkan weriyey, ma aysan bixin wax faah-faahin oo ku saabsan kulanka maxkamadda ee maanta, iyo magacyada eedeysanayaasha.

Si kastaba, qoraal kasoo baxay dacwad-oogayaasha ayaa lagu sheegay in eedeysanayaasha ay dhageysiga dacwadda ku wehliyeen qareenadooda.

Waxaa sidoo kale bayaanka lagu sheegay, in dacwad-oogayaasha ay codsi u direen Turkiga, ayaga oo raadinaya caddeymaha ay Ankara ka ururisay dilka Khaashuqji oo labadii October 2018, ka dhex dhacay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul.

“Xafiiska dacwad-oogaha weli ma helin wax jawaab, waxaana weli uu sugayaa jawaab” ayaa lagu yiri bayaanka.

Turkiga weli wax jawaab ah kama bixin arrintan, hase yeeshee saraakiisha Ankara waxay horey u sheegeen in caddeymaha dilka ay la wadaageen Sacuudiga iyo dalal kale.

Khaashuqji ayaa qoraallo ka dhan ah dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ku qori jiray wargeyska Mareykanka ee Washington Post.

Boqortooyada ayaa markii hore beenisay in Khaashuqji la dilay, hase yeeshee waxay sheekadeeda beddeshay oo ay dilkiisa qiratay toddobaadyo kadib.

Warbaahinta Turkiga ayaa horey u daabacay sawirrada xubno ka mid ah ilaalada Maxamd Bin Salmaan oo galaya qunsuliyadda ka hor inta aan lagu dhex dilin Khaashuqji.

Meydka Khaashuqji, oo la rumeysan yahay in la jarjaray kadib markii la dilay, ayaan weli la helin.

Sirdoonka Mareykanka, ayaa rumeysan in Maxamed Bin Salmaan uu amray dilka Khaashuqji, eedeymahaas oo Sacuudiga ay beeniyeen.

Xigasho: VOA

Qarax maanta ka dhacay iyo dhowr qarax oo kale oo la fashiliyey magaalada…

Beledweyne (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo duhurnimadii maanta ka dhacay magaalada Beledadweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Goobjoogayaal ayaa wax ay sheegeen in qaraxa la dhigay meel aan ka fogeen saldhiga Beledweyne, halkaasi oo uu ku qarxay.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya inuu jiray qarax kale oo ciidamada booliska magaalada Beledweyne ay fashiliyeen.

Saraakiil ka tirsan ciidamada booliska ayaa sheegay in qarax kale la dhigay waddada aada saldhigga ee bartamaha Beledweyne la dhigay, balse ay ciidamada ka warheleen kuna guuleysteen inay fur furaan.

Saraakiisha ayaa rumeysan in qorshuhu ahaa dhowr qarax oo mar qura magaalada laga fuliyo, oo dad badan lagu laayo.

Howlgal ay sameeyeen ciidamada ayaa sidoo kale waxa ay kusoo qabteen ilaa qof ruux oo looga shakiyay inay ku lug lahaayeen qaraxaas, kuwaas oo lagu xiray saldhigda magaalada.

Wararkii u dambeeyey ee naga soo gaaraya Beledweyne ayaa waxa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan, islamarkaana isu-socodka dadka iyo goobaha ganacsiga ay mid caadi ah kusoo noqotay, kadib markii ay istaageen markii uu qaraxa dhacay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Qaramada Midoobay oo ka hadashay go’aanka DF ka qaaday danjire HAYSOM

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaramada Midoobay ayaa ka hadashay go’aanka dowladda Soomaaliya ay dalka kaga ceyrisay wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.

Ku xigeenka Afhayeenka Qaramada Midoobay Farxaan Xaq ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay ka fiirsaneyso go’aanka ceyrinta Nicholas Haysom oo dowladda Soomaaliya ay qaadatay.

Farxaan Xaq, ayaa sheegay inay baaritaano ku bilaabeen sababaha keenay in go’aankaasi ay qaadato dowladda Soomaaliya, isaga oo walaac ka muujiyay hanaanka loo maray qaadashada go’aankaasi.

“Waxaan aragnay arrinkaan, waxaan isku dayaynaa in aan helno faahfaahin kala duwan iyo Cadeymo waxaana arki doonnaa iyada oo lagu saleynayo wixii tallaabooyin dheeraad ah loo baahan yahay, waana ka fiirsan doonaa” Haq ayaa u sheegay saxafiyiinta.

Afhayeenka ayaa sheegay in xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ay gaartay warqadda lagu ceriyay Mr Haysom, balse ay kusoo aaday wax uun kadib markii uu cambaareeyay weerarkii ka dhacay Xalane.

Waxaa uu sheegay in Xoghayaha Guud uu war soo saari doono Saacaddaha soo socda ka dib markii ay dhameeyaan baaritaanada ku aadan sababaha lagu ceyriyay Haysom iyo habmaamuuska loo maray in Soomaaliya ay wakiilka soo ceyriso.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: Britain oo faro-gelisay go’aanka ay DF Somalia ku cayrisay danjire Haysom

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda UK ayaa billowday dadaallo ay dooneyso in dib loogu soo celiyo ergeyga QM ee Soomaaliya Nicholas Haysom oo talaadadii dowladda Soomaaliya ay dalka ka cayrisay, ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sidaas u sheegay Caasimada online.

Safiirka UK ee Soomaaliya, David Concar ayaa waydiistay dowladda Soomaaliya in ay wax ka badasho go’aanka ay ku cayrisay Nicholas Haysom, oo ay u ogolaato inuu shaqadiisa sii wato.

Si kastaba, ilo-wareedyo ka tirsan dowladda ayaa sheegay in Soomaaliya ay u caddeysay Concar in go’aankan uu yahay kama dambeys, wakiilkana uu dalka isaga baxo, sida ugu dhaqsiyaha badan.

Sidoo kale, wakiilka joogtada ee UK ee QM, Dame Karen Elizabeth Pierce, ayaa ka shaqaynaysa in Golaha Ammaanka uu kulan degdeg ah isugu yimaado, kana hadlo go’aanka Soomaaliya.

Haysom ayaa si aad ah ugu dhowaa safaaradaha Yurub ee Soomaaliya, gaar ahaan midda UK, taasi oo xitaa keentay in Mareykanka ay taageeraan go’aanka lagu eryey, sida aan xog gaar ah ku helnay. Halkan ka aqri warkaas.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: Villa Somalia iyo R/W Kheyre oo isku khilaafsan musharaxooda Puntland

Muqdisho (Caasimada Online) – Doorashada Puntland oo ay 6 maalmood ka harsan tahay ayaa waxaa hadda soo baxaya tirada musharax ee ay wadato dowladda Federal-ka ah.

Sida ay Caasimada Online xog la’isku halayn karo ku heshay, xukumadda uu hoggaamiyo Ra’iiusl Wasaare Kheyre waxa ay xoogeeda isugu geysay sidii uu ku soo bixi lahaa Siciid Cabdullahi Deni.

Dhinaca kale waxaa jira warar sheegaya in Villa Somalia ay iyadu door bideyso Cali Xaaji Warsame, Maxamuud Khaliif Jebiye iyo Faarax Cali Shire.

Sidoo kale Villa Somalia waxa ay dooneysaa haddii aysan soo bixin saddexda musharax ee hore in aysan dhib ku qabeyn Cabdiweli Cali Gaas iyo Siciid Faarax Juxa.

Villa Somalia iyo Xafiiska Raiusl Wasaaraha sida ay Caasimada  Online xogta ku heleyso marnaba kama midoobin musharaxa la taageerayo iyada oo uu Kheyre xilli hore talo saartay Siciid Cabdullahi Deni oo ay Daamjadiid ka wada tirsanaan jireen.

Hase ahaatee, Madaxweyne Farmaajo ayaa isagu ku taliyey in Nabad iyo Nolol taageerto Cali Xaaji oo ay saaxiib dhaw yihiin Madaxweynaha, Jabiye oo xilli hore soo codsaday iyo Faarax Cali Shire oo uu Faroole ka gaday.

Kulamo dhexmaray kooxda ku aragtida ah Kheyre iyo Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu guuldarreystay in isku aragti laga noqdo hoggaamiyaha ay Nabad iyo Nolol ka soo saari doont Garoowe.

Dhinaca kale, Madaxweyne Farmaajo ayaan dhib ku qabin sida aan xogta ku heleyno Cabdiweli Gaas oo muddooyinkii dambe xiriirkoodu soo wanaagsanayey iyo Juxa oo ay waligood ahaayeen kuwo isku dhaw.

Juxa oo ahaa Wasiirkii Arrimaha Gudaha waxa ay isku dheceen Kheyre halka xiriirka isaga iyo Madaxweynaha in uu wanaagsan yahay laga fahmi karo sawirka u saran boggiisa Facebook, gaar ahaan qolofka kore (Cover Page-ka).

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

War ka cusub qorshihii uu wasiika arrimaha gudaha uu u tagay GALMUDUG

Cadaado (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya deegaanka Kaxandhaale ayaa sheegaya in masuuliyiinta dowladda Soomaaliya ay u dirtay xalinta dagaal beeleedkii deegaanka aysan ku guuleysan inay odayaasha labada dhinac la kulmaan.

Wafdiga dowladda Soomaaliya ay u dirtay dagaalada deegaanka oo uu hogaaminayo Wasiirka arrimaha gudaha Cabdi Maxamed Sabriye ayaa ku guul dareystay inay tagaan deegaanka lagu dagaalamay islamarkaana la kulmaan odayaasha labada dhinac.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in waxgaradka labada dhinac ay ka hor yimaadeen in wafdiga dowladda ay tagaan deegaanka ayna kala hadlaan sidii xal looga gaari lahaa dagaalka.

Ilo xog ogaal ah ayaa inoo sheegay in xubno ka yimid dowlad deegaanka loo ogolaaday inay tagaan deegaanka Kaxandhaale, kuwaasi oo qeyb ka ah dhexdhexaadinta beelaha dagaalamay.

Qaar ka mid ah Waxgaradka degaanka Kaxandhaale ayaa sheegay in wali ay taagan xiisadda degaanka, islamarkaana xalinta Colaadda ay ku howlan yihiin waxgarad ka yimid dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya.

Masuuliyiinta dowladda Soomaaliya u dirtay dagaalka Kaxandhaale ayaa tagay degmada Gelinsoor, iyaga oo kadib ku laabtay magaalada Cadaado, kadib markii ay awoodi waayeen inay tagaan deegaanka lagu dagaalamay.

Caasimada Online
Xafiiska Galmudug
[email protected]