War ka cusub kiiska dilka weriye Jamaal Khaashuqji iyo Sacuudiga oo maanta…

Dacwad-oogayaasha Sacuudiga ayaa dil toogasho u dalban doono shan nin oo ku eedeysan dilka weriye Jamaal Khaashuqji, waxaa sidaas maanta werisay wakaaladda wararka dalkaas, ayada oo maanta ay maxkamad billowday dhageysiga dacwadaha 11 eedeysane.

Wakaaladda wararka SPA iyo taleefishinka qaranka, oo warkan weriyey, ma aysan bixin wax faah-faahin oo ku saabsan kulanka maxkamadda ee maanta, iyo magacyada eedeysanayaasha.

Si kastaba, qoraal kasoo baxay dacwad-oogayaasha ayaa lagu sheegay in eedeysanayaasha ay dhageysiga dacwadda ku wehliyeen qareenadooda.

Waxaa sidoo kale bayaanka lagu sheegay, in dacwad-oogayaasha ay codsi u direen Turkiga, ayaga oo raadinaya caddeymaha ay Ankara ka ururisay dilka Khaashuqji oo labadii October 2018, ka dhex dhacay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul.

“Xafiiska dacwad-oogaha weli ma helin wax jawaab, waxaana weli uu sugayaa jawaab” ayaa lagu yiri bayaanka.

Turkiga weli wax jawaab ah kama bixin arrintan, hase yeeshee saraakiisha Ankara waxay horey u sheegeen in caddeymaha dilka ay la wadaageen Sacuudiga iyo dalal kale.

Khaashuqji ayaa qoraallo ka dhan ah dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ku qori jiray wargeyska Mareykanka ee Washington Post.

Boqortooyada ayaa markii hore beenisay in Khaashuqji la dilay, hase yeeshee waxay sheekadeeda beddeshay oo ay dilkiisa qiratay toddobaadyo kadib.

Warbaahinta Turkiga ayaa horey u daabacay sawirrada xubno ka mid ah ilaalada Maxamd Bin Salmaan oo galaya qunsuliyadda ka hor inta aan lagu dhex dilin Khaashuqji.

Meydka Khaashuqji, oo la rumeysan yahay in la jarjaray kadib markii la dilay, ayaan weli la helin.

Sirdoonka Mareykanka, ayaa rumeysan in Maxamed Bin Salmaan uu amray dilka Khaashuqji, eedeymahaas oo Sacuudiga ay beeniyeen.

Xigasho: VOA