26.6 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Is-beddel 10 cisho kadib ku imaan doono sugidda amniga magaalada Xamar

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in 10 maalin kadib ciidamo cusub oo ka qeyb qaadanaya xoojinta amaanka magaalada Muqdisho ay dhameysan doonaan tababar hadda u socdo.

Taliyaha ciidamada booliska Soomaaliyeed Bashiir Cabdi Maxamed ayaa shaaciyay in ciidamo cusub oo gaaraya 1000 askari ay dhawaan soo dhameysan doonaan tababar muddo u socday.

Ciidamadaasi ayuu sheegay in hadda tababarka uu kaga socdo xarunta Xisbiga, waxaana ay la wareegi doonaan amaanka magaalada Muqdisho oo hadda inta badan ciidamada booliska ay sugaan.

Wuxuu taliyaha sheegay in hadda amaanka magaalada Muqdisho ay sugaan ciidamada booliska marka laga reebo meelo kooban oo ciidamada meletariga ay joogaan, sidaasi si lamid ahna ciidamada cusub ay ku biiri doonaan adeynta amaanka magaalada Muqdisho.

Taliye Americo ayaa ugu dambeyn sheegay in ciidamada booliska ee cusub la baray shuruucda ciidamada booliska iyo la dhaqanka bulshada.

Ciidamada booliska ayaa ayaa la dhigay bar ilaalineedyada ku yaala magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay inay yihiin arday dhameysatay goobaha waxbarashada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Saameyn intee le’eg ayey SOOMAALIYA ku yeelan kartaa cayrinta HAYSOM?

Dawladda soomaaliya ayaa qaadday tillaabo aan horay looga baran, waxa ayna eriday ergaygii QM u fadhiyey soomaaliya, waana markii ugu horreysay ee soomaaliya ay go’aan ka gaarto ruux darajadaas leh ama gaarsiisan ergay iwm tan iyo burburkii ka dib.

Haddaba waxaa is wayddiin mudan saamayn intee le’eg ayaa ay yeelan kartaa in la eryo ergayga qarammada midoobay, innaga soomaaliya ahaanse maxaa dan ah oo inoogu jira go’aanka dawladdu qaadatay, mase jirtaa cid inoo buuxin karta booska laga yaabo in ay bannayso QM haddiiba ergaygoodii la cayriyey?
Su’aalahan jawaabahooda ayaa aan si kooban u taxliilin doonnaa haddii alle idmo.
Saamaynta ka dhalan karta eryidda wakiilka QM waxaa ugu wayn mid dhaqaale, maxaa yeelay waxa aan nahay qaran u nugul dhaqaala xumada haysata isla markaana ku tiirsan deeqo ay bixiyaan dalal shisheeye.
QM waxa ay dalka ka hayaan hawlo badan oo ay ugu horreyso kharashka ku baxa ciidammada amisom, taageeridda tababarrada SNA, taageeridda mashaariicda horumarineed ee dalka ka socda, waxaana xusid mudan in hawlo badan hayaan hay’adaha faraha badan ee ka tirsan QM ee dalka jooga walaw ay wax badanna kharribeen.
Haddaba xiriirka soomaaliya iyo QM oo xumaada waxa ay iila muuqataa mid yeelan kara saamayn ballaaran sababtuna waa xilliga aan ku jirno ayaa ah mid aan u adeegayn in aan khilaaf la galno cid dano badani inagala dhexayso. Ma nihin xilligaan qaran isku filan oo awoodi kara wixii dad uga xiran in uu isagu samaysto iwm, hadda ka dibse ma aqaan.
Intaas aan soo sheegay marka laga tago waxaa jira waxyaalo ummadkasta ay leedahay oo lama taabtaan ah, haddii la taabtana ay ka dhalan karto dhibaato walaw dhiigba haloo bixiyee. Waxaa ka mid ah waxyaalahaas karaamada iyo madax-bannaanida qaran leeyahay, waana waxa dawlad lagu yahay, oo haddii ay madax-bannaanidu lunto dawladnimo jiri mayso. Waxa kaliya ee soo dedejiyey go’aanka dawladda soomaaliya ayaa noqon kara in la taabtay mid ka mid ah waxyaalaha lama taabtaanka ah, waana madaxbannaanida qaranka, waana shaqada loo igmaday in ay ilaaliyaan madaxdeennu  kana hortagaan waxkasta oo lid ku ah karaamada iyo qarannimada ummadda.
Marka aan is barbar dhigno waxa uu ku kacay haysom, ee ah in uu ku xadgubtay madaxbannaanida qarankeenna, faragelinna ku sameeyey arrimaha u gaarka ah dalkeenna, waxa ay ila tahay in la taabtay mid ka mid ah waxyaalihii lama taabtaanka ahaa, taasi waxa ay inagu qasbaysaa in aynaan wax gorgortan ah ka galin wixii ku saabsan karaamadeenna iyo jiritaankeenna, waana waxa aan ku taageersannahay xukuumaddeenna sida ay go’aanka dadnimada leh uga qaadatay mudane haysom, maxaa yeelay dawladuhu waxkasta waa ka gorgortamaan balse madaxbannaanidu marna gorgortan ma gasho. Haddii ay timaaddo taageerada QM in ay noqoto mid ku xiran daandaansi iyo ku xadgudubka arrimaha dalkeenna waxa ay karaamadu ku jirtaa in aan ilaalinno dawladnimadeenna waxkastaba ha ka dhasheene.
Ugu danbayn, soomaalidu waxa ay arrintaan uga gudbi karaan iyada oo la muujiyo midnimo qaran, gaar ahaan shacabka soomaaliyeed ee aan u liicin gumaysiga iyo quursiga toona. Ummadda soomaaliyeed waxa ay awooddaa in ay bixiso inta QM bixiso iyo ka badanba haddii aan go’aansanno in aan buuxinno booskaasna waa aan awoodnaa.
Waxa ay ila tahay in tani inoo noqoto fursad ama darsi, fursad aan ku xoojin karno dhaqaalaheenna gudaha ama dakhliga qaranka si aan uga maaranno kaalmada shisheeye iwm. Sidoo kale in ay darsi inoo noqoto ah in dalkeennu uusan ku tiirsanaan karin qarammo shisheeye oo doonaya in ay toodu socoto.
W/Q: Abdullahi Abdirahman Gardaad
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Go’aanka DF ka qaadatay HAYSOM ma la mid noqon doonaa kii xiisada Carabta?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa culees kale dareemeysa iyadoo go’aan adag ka qaadatay wakiilkii Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Haysom.

Madaxda maamulada Puntland, JUbbaland, Galmudug iyo xubnaha ugu sareeyo mucaaradka dowladda Soomaaliya ayaa ka horyimid go’aanka dowladda Soomaaliya ka qaadatay Nicholas Haysom oo muddo afar bilood ka shaqeynaya Soomaaliya.

Somaliland ayaa dhankeeda sheegtay inaysan dowladda Soomaaliya ku raacsaneyn eryidda Nicholas Haysom, waxaana ay muujisay inay soo dhaweyneyso talaabooyinkii uu qaatay Haysom.

Dowladda Soomaaliya ee uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo ayaa qaadatay go’aano adkaa xiliyadii la qaadanayay, waxaana ugu darnaa go’aankii khilaafka Carabta laga qaatay iyo go’aankii Qalbi dhagax lagu dhiibay.

Saameynta labadaasi go’aan oo aan si toos ah loo arag ayaa laga dareemay Soomaaliya waxaana ugu adkaa go’aankii dalalka Carabta ka  qaadatay dowladda Soomaaliya kaasi oo saameyn aan wanaagsaneyn ku yeeshay dalka.

Dadka taageersan dowladda Soomaaliya ayaa go’aanada qaar u arkaa inay soo celinayaan awoodii Soomaaliya ku laheyd caalamka, halka kuwa dhaliilsan ay u arkaan inay halis badan dalka soo gelin karaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa weysay la shaqeynta maamulada dalka, kadib markii Khilaafkii Carabta dhexdhexaad ay ka noqotay, maadaama maamul goboleedyada ay doonayeen in Sacuudiga iyo xulafadiisa lala safto.

Hadda waxaa taagan go’aan kale oo kala fogeyn kara dowladda Soomaaliya iyo maamulada qaar ee aan taageersaneyn dowladda, waxaana markale go’aanka dowladda uu ku saleysan yahay madaxbanaanida dalka.

Dad badan ayaa dhaliilay xubnaha mucaaradka ee dowladdooda kala saftay Qaramada Midoobay, halka kuwa mucaaradka ahna ay ka fiiriyeen caqabadaha ka imaan kara go’aanada qaar.

Go’aanka dowladda Soomaaliya ayaanan la ogeyn dhibaatooyinka ka dhalan kara.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Puntland ma wada xumeyn doontaa labada CALI?!!

Puntland waxa ay 8-da bishan Janaayo dooran doontaa Madaxweyne Cusub ama waxaa ku ceshan doona Cabdiweli Cali Gaas, oo shanti sano ee ugu dambeeysay soo hoggaaminayey.

Hase ahaatee, doorashadan waa tijaabaddii ugu adkeyd ee ay Puntland la kulanto tan iyo markii 1998 dhidhibada loo taagay.

Waxaa xilka Madaxweyne u sharraxan 30 oo uu ka mid yahay Dr. Cali Ciise Cabdi oo ka soo jeeda gobolka Sool.

Dr. Cali Ciise Cabdi oo ah dhaqaale yahan dunida aad looga yaqaan waxa uu doorashada soo galay toddobaadkii hore taas oo lama filaan ku noqotay musharixiintii badnaa ee ka horreeyey halka uu ol’oluhu waji kale yeeshay.

Dhaqaale yahanka waa siyaasiga maanta ugu saameynta badan gobolka Sool marka laga yimaaddo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Dr. Cali Khaliif Galaydh.

Hadaba, su’aasha is weydiinta mudan ayaa ah Puntland ma wada xumeyn doontaa laba Cali?

Waxaa la wada ogyahay halka ay kala joogaan siyaasiyiinta Puntland, gaar ahaan kuwa ku abtirsada beesha Maxamuud Saleebaan ee soo maamulayey tan iyo markii la aas aasay iyo Dr. Cali Khaliif Galaydh.

Xagee ayey ka bilaabatay collaada Cali Khaliif iyo siyaasiyiinta Puntland?

Dr. Cali Khaliif Galaydh waxaa loo magacaabay 2000 Raisul Wasaaraha Soomaaliya kaddib markii Cabdiqaasim Salaad Xassan ku guuleystay xilkii Madaxweynaha shirkii Carta.

Hase ahaatee, Dr. Cali Khaliif Galaydh waxa uu ka shaqeyn waayey Cabdullahi Yusuf (AUN) oo xiligaas ahaa Madaxweynaha Puntland.

Markale waxa ay Dr. Cali Khaliif iyo Cabdullaahi Yusuf siyaasadda isku dagaaleen 2004 xilligaas oo la wada joogay Nairobi, Cabdullahi Yusuf waxa uu Puntland ku amaray in ay xannibaan oo aysan Nairobi u soo dhoofin isimaddii Dhulbahante si aysan ugu ol’oleyn Dr. Cali Khaliif taas oo u meel martay.

Isimada xilligaas la celiyey waxaa ka mid ahaa Garaad Cabdiqani Garaad Cali (AUN).

Khaatumo iyo Puntland?

Dr. Cali Khaliif Galaydh iyo Dr. Cali Ciise Cabdi iyo siyaasiyiin kale oo beesha Dhulbahante ah waxa ay aas aaseen oo ay Taleex ku dhiseen 2012-kii maamulkii Khaatumo.

Maamulkaas waxaa aqoonsaday Madaxweyne KMG ahaa ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed balse waxaa is hortaagay Cabdiweli Gaas oo Ra’iisul Wasaare ahaa.

Wixii intaa ka dambeeyey Puntland iyo siyaasiyiinta Maxamuud Saleebaan waxa ay dagaal qaawan la galeen Dr. Cali Khaliif Galaydh iyo Khaatumo ilaa uu markii dambe lagalay Somaliland oo uu la heshiiyey.

  1. Cali Ciise Cabdi Iyo Dr. Cali Khaliif Galaydh

Walow aysan jirin meel ay isaga horyimaadeen Dr. Cali Ciise Cabdi iyo Puntland, hadana waxa uu ku mab’da ahaa Dr. Cali Khaliif oo ay wada doonayeen in Dhulbahante sameysto mamaul ka madax bannaan Puntland iyo Somaliland.

Dr. Cali Ciise Cabdi waxa uu ku khilaafay Dr. Cali Khaliif Galaydh qaabkii loo wajahay in Khatumo iyo Somaliland wada hadlaan taas oo keentay in ay kala tagaan.

Ogow, Dr. Cali Khaliif Galaydh lama soo marsiiyo Puntland, waxaana tusaale u ah in isaga oo heli kara in uu Puntland la hadlo ka doorbiday Somaliland.

Dr. Cali Ciise Cabdi hadda waa musharax u taagan xilka Madaxweyne ee Puntland, waa siyaasigii ama shaqsigii ugu miisaanka cuslaa ee Dhulbahante oo abid xilkaas isu soo sharraxa, taas waxa ay ka dhigan tahay in Beesha Dhulbahante  isha kuwada hayyaan doorashada 8-da Janaayo, iyaga oo is weydiinaya Puntland ma wada xumeyn doontaa laba Cali!?

W/Q: Cabdiraxmaan Muuse Jaamac
Laascaanood, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Somaliland & madaxweyne Puntland oo Dhulbahante

Puntland waxa ay 8-da bisha Janaayo yeelan doontaa Madaxweyne, Gaas oo soo noqdo ama mid cusub.

Haddii Gaas meesha ka boxo oo uu yimaado mid cusub, kaba soo qaado inuu noqday Dr. Cali Ciise Cabdi. Maxay Somaliland uga dhigan tahay madaxweyne Puntland oo kasoo jeeda Sool.

Waxaa marka hore in la is-weydiiyo ay tahay, maxaa toddobaad kahor doorashada keenay, yaa ka dambeeyey fikirka, Dr. Cali Ciise iyo Puntland?

Si walba xanta ha’u wareegto, balse waa biyo kama dhibcaan in su’aashan la is weydiiyo…

Saameyn intee le’eg ayuu ku yeelan karaa Somaliland Madaxweyne Puntand ah oo ka soo jeeda beesha Dhulbahante?

Kahor inta aynaan qiyaasin cawaaqibka ay Somaliland arrintaas ka dhaxli karto, aan ogaanno waxa ka dhexeeya Somaliland iyo Dhulbahante?

Somaliland sida hadda loo yaqaan waa mamaul iskii ugu dhawaaqay uu yahay Jamhuuriyad ka madax bannaan Jamhuuriyaddii Somaaliya.

Dhulbahante muxuu u yaqaan?

Dhulbahante oo ah beesha dagta Sool, Sanaag iyo Cayn, waxa ay Somaliland ka aaminsan yihiin maamul ay sameysteen beesha dhexe “Isaaq” balse aan matalin dhulkii uu Ingiriiska gumeysan jiray ee British Somailand Protectorate ee markii dambe la midoobay Koonfurta Soomaaliya.

Taas oo ay jirto, Somaliland oo kaashaneysa maleeshiyo beeleed isla Sool ka soo jeeda waxa ay 2007 Gobolka Sool kala wareegtay Puntland.

Saameynta uu Madaxweyne Puntland ah oo ka soo jeeda Dhulbahante ku yeelan karo Somaliland

Somaliland waxa ay kala kulmi doontaa jab weyn oo isugu jiri kara mid siyaasadeed iyo waliba dagaal lagu hoobto.

Haddii uu Dr. Cali Ciise soo baxo, Somaliland waxa ay beesha caalamka ugu muuqan doontaa mid ku soo duushay dhul dadkii lahaa maamul kale dhisteen oo ay Madaxweyne ka yihiin, wey adkaan doontaa in ay xataa dowladda Federal-ka ah wadahal miiska ugu timaado maadama aysan suurtagal ahayn in Dr. Cali Ciise Cabdi, oo ah Madaxweynaha Puntland ka maqnaado goobta wadahalka!

Taas waxaa dheer, in maalinta la doorto Cali Ciise Cabdi Laascaanood uu ka qarxo dagaal iyo kacdoon dhiig badan ku daato, kaas oo horseedi kara collaad sii daba dheerata .

Si walba, Madaxweyne Puntland oo ka soo jeeda Dhulbahante, wax aan cawaaqib xumo ahayn Somaliland ma kala kulmi doonto.

W/Q: Cabdiraxmaan Muuse Jaamac
Laascaanood, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

LIVE: Toos u daawo danjire Baale oo ka hadlaya kulanka golaha ammaanka QM ee arrimaha Somalia

New York (Caasimada Online) – Kulanka golaha ammaanka QM uu ka yeelanyo arrimaha Soomaaliya ayaa goor-dhow si rasmi ah uga billowday xarunta QM ee magaalada New York.

Waxaa kulanka khudbad ka jeedinaya wakiilka QM ee Soomaaliya Nicholas Haysom oo dowladda Soomaaliya ay dalka ka cayrisa.

Waxaa sidoo kale khudbad ka jeedinaya danjiraha Soomaaliya ee QM Abuukar Daahir Cusmaan Abuukar Baale iyo wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire Madeira, iyo xubno kale oo arrimaha Soomaaliya ay khuseyso.

Toos u daawo kulanka oo hadda socda

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
[email protected]

Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada oo ka hadlay go’aanka DF ee HAYSOM

Muqdisho (Caasimada online) – Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa qoraal kasoo saaray go’aankii dowladda Soomaaliya dalka ay kaga eriday wakiilkii xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya.

Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay inaysan taageersaneyn go’aanka dowladda Soomaaliya, dalka kaga racdeysay Nicholas Haysom.

Qoraalka Golaha Ayaa u Qornaa Sidan:

Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada Soomaaliyeed (GIDG) wuxuu cambaareynayaa weerarkii fuelynimada ahaa ee shalay, 01 January 2019, kooxaha nabad diidka ah ay ku weeraraan Xarunta Xalane oo saldhig u ah Safaaradaha, Hay’adaha, Ciddanka Nabad Ilaalinta (AMISOM) iyo Beesha Caalamka. Sidoo kale, kooxaha nabad diidku waxay weerar ku qaadeen 22 December, 2018, Xarunta Fanka iyo Dhaqanka Soomaliyeed (Nationa Theatre), halkaas oo ay ku dhinteen muwaadaniyiin fara badan, halka in badanina ay ku dhaawacmeen.

Waxaan sida ugu xoogga badan u cambaareynaa weerarada qaawan ee si joogto ah loola beegsanayo ummadda Soomaaliyeed iyo Howl-wadeenada Beesha Caalamka.

Dowladda Dhexe ee Soomaaliya ayaa ka weecatay Masuuliyaddii shaqo ee loo doortay oo ahayd Xasilinta iyo Sugidda Amnigu ugu horeeyo, kuna beddelatat ismaandhaaf siyaasadeed oo joogto ah iyo faragelin aan Dastuuri ahayn oo ay ku hayso Dowlad Goboleedyada Soomaaliyeed sida dhacdadadii ka dhacday Magaalada Baydhabo taas oo faragelintii lagu sameeyey ay ka dhalatay dhimasho, dhaawac iyo barakac dadweyne, dadkaas oo ka hor yimid faragelinta guracan.

Goluhu, wuxuu soo dhoweynayaa, si buuxdana u taageerayaa qoraalkii Beesha Caalamka (30 December 2018), gaar ahaan Xafiiska Ergeyga Xoghayaha Qaramada Midoobay (SRSG), ee ahaa xaqiiqa raadinta falkii ka dhacay Baydhaba iyo ciddii Masuuliyadeeda lahayd. Waxaa nasiib darro ah, in qoraalkii xaqiiqa raadinta ahayd looga jawaabay, si Masuuliyad darro ah, oo aad uga fog Danta Dadka Soomaaliyeed.

Goluhu markii uu arkay marxalada Amni iyo Siyaasadeed ee uu marayo dalku ayuu si buuxda uga soo horjeestay war saxaafadeedkii ka soo baxay Wasaarada Arrimaha Dibedda Somaliya 01 Jan, 2019 ee Dalka looga eryey Ergayga Qaramada Midoobay Mudane Nicholas Haysom, waxuuna Golaha Iskaashigu ku tilmaamayaa go’aan lagu fududaaday. Ugu danbayn Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyadu wuxuu ka codsanayaan Beesha Caalamka in aan la joojin taagyeerada ay u fidiyaan shacabka Soomaliyeed oo ku jira marxalado adag. Sidoo kale, wuxuu Goluhu xusuusinaya Guddiga Arrimaha Dibedda ee labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya in ay arrintan si taxdar leh wax uga qabtaan.

Caasimada Onine
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Muxuu Faarax Macallin ka yiri go’aankii ay Somalia ku cayrisay Nicholas Haysom?

Nairobi (Caasimada Online) – Gudoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamaanka Kenya Faarax Macallin Dawaar ayaa ku bogaadiyey Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Kheyre go’aankii ay ku eryeen ergeygii gaarka ahaa ee Qaramada Midoobe u qaabilsanaa Soomaaliya, Nicholas Haysom.

Warqad ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Nicholas Haysom aan laga rabin dalka iyada oo loo sababeeyey go’aankaas in uu ku xad gudbaday habmaamuuskii Qaramada Midoobe iyo waliba madax bannaanida dalka.

Faarax Macallin oo ka falcelinaya go’aankaas ayaa boggiisa Twitter-ka soo dhigay qoraalkan.

“Waa tallaabo weyn oo ay qaadeen Farmaajo iyo Kheyre eryidda Nicholas Haysom. Ugu dambeyn waxa ay si xoog leh ugu caadeeneysaa dhammaan in Soomaaliya ay leeyihiin Soomaalida. Muddo fog, wadanku cid walba ayaa lahayd marka laga reebo Soomaalida. Farmaajo iyo Kheyre nadiifiya Xalane iyo aagga dhaqaalaha ee badda.

Dhinaca kale Faarax Macallin waxa uu qoraalka ugu baqayaa Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre in ay xarunta Xalane si gaar ah ula socdaan waxa ka socda isaga oo adeegsaday “Nadifin” maadama Soomaali badan ay tuhun ka qabaan waxa lagu fuliyo.

Go’aanka lagu eryey Nicholas Haysom ayaa ahaa mid aan hore noociisa loo arag, oo aan laga fileyn dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

Xeerka diblomaasiyadda iyo qaddarin ka xayuubinta diblomaasi (Sharraxaad))

‘Persona non grata’ waa jumlad Latini ah oo la macno ah ‘Qof aan qaddarin loo heynin ama aan laga soo dhoweyneyn dal uu ergonimo ku joogo’. In kastoo dowladuhu xaq u leeyihiin inay diplomaasi ka ridaan qaddarintii diblomaasiyadeed haddana waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay ciqaabta ugu adag ee ay dowladi diblomaasi ku ridi karto, madaama xeerka aanu dhigeynin in la xiro ama la maxkamadeeyo qof xasaanaddaas leh.

Buug uu sannadkii 1973-kii qoray Professor Gamboa oo cilmiga diblomaasiyadda ku xeel-dheer ayaa Qaddarin ka qaadidda diblomaasiyeed ku macneeyay ‘dareen loo muujiyo diblomaasi aan xushmad looga sii heynin dalka marti-geliyay madaama uu waajibaadkiisa ka gudbay ama inta aanu gaarin qadka cagaaran ee dowladda martigeliysay lagu joojiyo’.
Sida uu qabo xeerka caalamiga ah, diblomaasiga waxaa mas’uuliyad ka saaran tahay xurmeynta xeerka dalka martida loo yahay, waxaana waajib ku ah inaanu ku xad-gudbin arrimaha gaarka ah ee dalka.

Dowlad kasta waxay diidi kartaa diblomaasi loo soo magacaabay kahor inta aanu dalka imaanin ama marka la aqbalo kaddib, iyadoo ay ku xiran tahay sababaha loo cuskanayo go’aanka.

Goormaa diblomaasiga qaddarinta laga qaadi karaa?

Adeegsiga ‘qaddarin ka qaadista’ ma’ahan mid lala boodo, madaama xeerka caalamiga ah uu ku saleysan yahay daneysi laba-dhinac ah. Dowladaha waxay isku dayaan inaanay adeegsan awooddaas xitaa haddii ay caddeymo u hayaan in diblomaasi uu ku xad-gudbay dalka ama uu galay howl ka baxsan howshii loo igmaday.

Adeegsiga awooddaas waxay sababi kartaa caro diblomaasiyadeed oo ka dhalata, haddii caddeymo qancin kara cidda ergayga soo diratay la helo waxaa dhacda in la beddelo ergayga si xiriirka diblomaasiyadeed uu u sii socdo.

Wakiil Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay wali mala eryay?

Bishii July 2004, Madaxweynihii Falastiiniyiinta AUN Yasir Carafaat ayaa karaameynta diblomaasiyeed ka xayuubiyay Terje Rod Larsen oo ahaa diblomaasi Norway u dhashay kaas oo ergay gaar ah Xoghahaya Guud ee Qaramada Midoobay Kofi Annan uga ahaa Ururka Xoreynta Falastiin (PLO) iyo Maamulka Falastiinee Daanta Galbeed iyo Marinka Qasa, kaddib markii lagu eedeeyay ‘Isku day uu magaca kaga dilayay Falastiiniyiinta, isla markaana inuu ku xad-gudbay heshiis u dhaxeeyay maamulka Falastiin iyo Qaramada Midoobay.

Jon Pronk wuxuu ahaa wakiilka gaarka ah ee Xoghayihii guud ee Qaramada Midoobay Kofi Annan ee Sudan. Bishii Oktoobar ee sannadkii 2006 ayay dowladda Sudan ka eriday dalkeeda, kaddib markii ay ku eedeysay inuu ka tegay dhex-dhexaadnimada markii uu ka hadlay arrimo quseeya ciidankeeda oo xilligaa dagaal kula jiray mucaaradka gobolka Darfur. Jon Pronk oo ah diblomaasi u dhashay Holland ayaa xilligaas bog uu leeyahay ku qoray qoraal uu ku sheegayo in mooraalka ciidamada Sudan uu hooseeyo, laba dagaal oo ay galeenna laga adkaaday.

Oktober 2014, Scott Campell oo ahaa wakiilka Xoghayaha Guud ee Arrimaha bini’aadannimada ee Congo ayaa laga eryay dalkaasi kaddib markii uu warbixin dhaleceyn ah ka soo saaray howlgallo ay bilayska dalkaasi ku qaadeen dhallinyaro burcad ah.
Waa wax caadi ah oo aan dhaqanka diblomaasiga ah ku cusbeyn in ergay la eryo, hase yeeshee waxaa dhici karta inay caqabado ka yimaadaan iyadoo ay hadba ku xiran tahay eedeymaha loo jeedinayo diblomaasiga la eryay iyo caddeymaha loo hayo.

W/Q: Tahlil Colaad Xasan
Erfurt, Germany

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Cayrinta Nicholas Haysom: Wixii beesha caalamka na laga baray & xaqiiqda dalka

Waxaa nala baray in beesha caalamka ay dalka maamusho oo ay tahay lama taabtaan balse xaqiiqda ayaa ah Soomaaliya Soomaali baa leh.

Shalay ayay ahayd kolkii Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabbilsan Soomaaliya Mudane Nicholas Haysom uu soo saaray warqad uu Wasaaradda Amniga Dowladda Federaalka Soomaaliya kaga dalbanayo jawaabo ku saabsan kiiskii xiritaanka Mukhtaar Roobow, muddaharaadkii meesha ka dhacay iyo sidii dowladdu u maaraysay.

Maxaa ku jaban warqadda Haysom?

In Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya uu qoro warqad ku wajahan dowladda Soomaaliya ma aha ceeb iyo wax lala yaabo, balse waxa la yaab leh qaabka dhaqanka dibloomaasiyadda ka arradan ee uu Wakiilku u qoray warqadda isaga oo faragelin qaawan ku samaynaya arrimaha gudaha Soomaaliya. Wakiilku waxa uu u hadlayaa sidii inuu yahay Madaxweynaha dalka oo isla xisaabtan ka dalbanaya mid ka mid ah Wasiirradiisa! Si kale haddii loo dhigana, kolka aad fiiriso weydiimaha tirada badan ee uu Wakiilku su’aalayo Wasaaradda Amniga Dowladda, waxaad is oranaysaa tolow Wakiilku ma waxa uu isu beddeley Macallin dugsi oo mid kamid ah ardaydiisa imtixaan ka qaadaya?!!

Dowladdu sidee uga falcelisey warqadda Haysom?

Ka hor intaanan qodobkan gudo-gelin, waxaan soo xasuustay hadal la yaab leh oo uu mar dhexdaas ah ku tiraabay Wasiirka Arrimaha Dibedda dalka Sacuudiga ka dib markii dowladda Canada ay ka dalbatay inay si degdeg ah u sii daayaan haweenay Sacuudiyaan ah oo ay Boqortooyadu xirtay. Wasiirka oo la yaabban sida ay Canada u soo faragelin karto arrimaheeda gudaha, una dalban karto sii deynta muwaadinad Sacuudiyaan ah oo u xiran dowladda Sacuudiga ayaa yiri “Waad nagu dhalleecayn kartaan xuquuqda banii’aadamka, xuquuqda haweenka…waddamada kaleba sidaas waa sameeyaan, xaqna waad u leedihiin. Waana arrin aynu ka fariisan karno oo ka wada hadli karno, laakiin inaad dalbataan sii deyn degdeg ah? Ma waxaanu nahay Jamhuuridda Mooska ‘Banana Republic’? Dowladda Soomaaliyana isla qaab kan oo kale ah aayay u falcelisey!

Ka dib kolkii shacabka Soomaaliyeed ka dhiidhiyeen warqadda ka soo baxday Wakiilka Qaramada Midoobey u fadhiya Soomaaliya, Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Soomaaliya waxay soo saartay warqad ay si adag ugu cambaaraynayso warqadda ka soo baxday Wakiilka. Cambaarayn uun baa dowlad Soomaaliyeed looga bartay soomaaha? Doorkanse halkaas dowladdu kuma aysan joogine, waxay Wakiilka af buuxda ugu sheegtay in hadda laga bilaabo aan waddanka laga rabin kol haddiiba uu jebiyey habmaamuuskii Qaramada Midoobey, kana tallaabay anshixii dibloomaasiyadda. Waa arrin la yaab leh oo aan looga baran dowlad Soomaaliyeed soomaaha? Haaheey!

Tallaabada Dowladdu miyay khaldanayd?

Isla markii ay dowladdu soo saartay warqadda ay waddanka kaga cayrinayso Haysom, dadka Soomaaliyeed waa ay ku farxeen oo baraha bulshada ayaa ay ku muujiyeen sida ay ula dhacsan yihiin go’aanka geesinnimada leh ee dowladdu qaadday. Shacabku inay arrintan la riyaaqaan waa gartood, saa waxay u barteen dowlado ninka caddaanka ah ee QM ka socda ka haybadaysta oo aan juuq u oran karin, si kasta oo uu u farageliyo arrimaha gudaha dalka. Waa gartood oo dowlad go’aan noocaas ah qaadan karta ma aysan arag! Waa gartood oo waxay ka daaleen faragelinta joogtada ah ee dalka iyo dadka lagu hayo. Waa gartood oo dowladnimo awood leh ayay baahi weyn u qabaan!!

Marka laga yimaaddo badi shacabka Soomaaliyeed oo warqadda dowladda soo dhaweeyey, waxa jira koox aan badnayn oo mucaaradnimada iyo qarannimada kala garan la’, isla markaana la safan Haysom, una barooranaya! Waa arrin amakaag leh soomaaha? Haa, waxase ugu daran marka Xildhibaanno sheeganaya inay Qaranka metalaan soo saaraan warqad ay ku cambaaraynayaan go’aanka dowladda, Haysamka reer Koonfur Afrikana garab ku siinayaan! Waxa kale oo jira dhallinyaro aan badnayn oo khalad fahmey mucaaradadda isla markaana wax kasta oo dowladdu samayso ka hor yimaadda. Kuwaasi ma foga oo keliya waxay u baahan yihiin caqli-celin iyo in la fahamsiiyo farqiga u dhexeeya dowladda iyo xukuumadda markaas jirta. Farqiga u dhexeeya madaxbannaanida iyo faragelinta.

Labo-wajiileynta Qaramada Midoobey

Warqaddii shalay ka soo baxday Wakiilka Qaramada Midoobey waxa ka muuqatey munaafaqad iyo labo-wajiileyn la yaab leh. Waayo? Haysom waxa uu aad uga caraysnaa xiritaankii Mukhtaar Roobow oo aynu wada garanayno waxa uu dalkan ka geystey! Waa nin shalay ay u arkayeen argagaxiso ay tahay in la soo qabto, maantana wakaas Haysom u doodayo isaga oo weliba aan qarsanayn sida uu uga xun yahay xarriga ninkaas argagaxisada ah!

Maxaa la gudboon shacabka Soomaaliyeed?

Ugu danbayntii, go’aanka dowladdu qaadatay waxa laga yaabaa in Qaramada Midoobey aanay jeclaysan. Sidii Koonfurta Suudaan ka dhacday, waxa laga yaabaa inay ku handadaan inay waddankaba ka guuraan! Sidaasi darteed, shacabka Soomaaliyeed waa inay diyaar u ahaadaan ilaalinta madaxbannaanidooda iyo garabsiinta dowladdooda. Waxa inala gudboon inaan ku dadaalno bixinta canshuurta, si aanay Qaramada Midoobey innoogu guumaysan lacagta yar ee ay ina siiyaan! Waa in shacabka Soomaaliyeed u diyaar garoobaan inay waddankooda iyagu gacantooda ku dhistaan, dowladdoodana aanay kala bakhaylin canshuurta iyo lacagaha muhiimka u ah socodsiinta hawlaha dowladda.

Sidii uu hore ugu gabyey abwaankii weynaa ee Qamaan Bulxan “Muslim kuma cabiidsamo wallaan, madaxa kaa goyne,” waa inaan caalamka u sheegnaa inaynaan ku cabiidsami doonin “Wallaan maalka (lacagta) kaa goyne!”

Qore: Safiya Cabdullaahi Garaad

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Somaliland oo jawaab ka bixisay go’aankii ay DF ku cayrisay Nicholas Haysom

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa soo saartay qoraal ay uga jawaabeyso go’aankii ay dowladda federaalka Soomaaliya dalka uga cayrisay ergeygii gaarka ahaa ee xoghayaha QM, Nicholas Haysom.

Qoraalkan oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland ayey ku sheegtay inay aad uga xun tahay go’aanka ay qaadatay dowladda Somaliland.

Xukuumadda Hargeysa waxay sheegtay in go’aankan uu yahay mid aan khusayn Somaliland, isla markaana ay sii wadi doonaan wada-shaqayntii ay la lahaayeen ergayga QM.

Somaliland ayaa ku amaantay Haysom in intii uu xafiiska jooga uu si wanaagan uga shaqeeyey nabadeynta Soomaalida dhexdhexdeeda iyo sidii xal loogu heli lahaa khilaafka Somaliland iyo Somalia.

Hoos ka aqriso qoraalka Somaliland

Xog: Caasimada Online oo heshay nuxurka qoraal DF u dirtay QM oo ku eedeeyey Haysom 7 qodob oo culus

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa Xoghayaha Guud e Qaramada Midoobay Antonio Guatres waxa ay maalintii shalay ahayd u dirtay qoraal ay ku caddeyneyso in waxyaabaha ay ku eedeyneyso ergaygiisa ka hor inta aysan soo saarin qoraalka ergeyga lagu eryay.

Caasimada Online ayaa heshay nuxurka qoraalka dowladda Soomaaiya ay u dirtay Qaramada Midoobay, waxaana muuqata in waxyaabaha lagu haysto Haysom ay ka weyn yihiin warqaddiiuu soo saaray 30-kii December ee uu wasaaradda amniga kaga dalbaday sharaxaadda wixii Baydhaba ka dhacay kadib xarigii Roobow.

Nuxurka qoraalka ayaa waxaa ugu waa weynaa:

  • Carqaldeynta xiriirka wanaagsan ee Hay’adaha QM iyo dowladda Soomaaliya:

Qoraalku waxa uu Haysom ku eeddeeyay in uu gebi ahaanba joojiyay xiriirka dowladda Soomaaliya, isla markaana jaray in laga wada hadlo waxyaabaha labada dhinac ka dhaxeeyay, isaga oo doorbiday inuu hay’adaha dowladda xiriirka u marsiiyo warbaahinta, taas oo dowladda Soomaaliya ay u aragtay inuu ergaygu baal maray wadiiqooyinka diblumaasadeed ee xiirka caalamiga ah.

  • U gefidda madax-bannaanida iyo sharafta ummadda Soomaaliyeed:

Hadallo uu Ergaygu ka jeediyay Beydhabo iyo Kismaayo oo uu ku sheegay in “Soomaaliya aysan ahayn Muqdisho, Muqdishana aysan Soomaaliya ahayn” ayay dowladdu u aragtay inuu ku xadgudbay madaxbannaanida Soomaaliya.

  • Kala irdheynta ummadda Soomaaliyeed:

Ergayga ayaa lagu eedeeyay in uu kulamo aan rasmi ahayn oo qarsoodi ah uu la yeelanayay shaqsiyaad aan la magacaabin isaga oo kala hadlyay arrimo ka dhan ah midnimada dalka. Caasimadda Online ayaa fahansan in shaqsiyaadkiisa ay kasoo jeedaan Somaliland.

  • Khalkhalgelinta xasillooda dalka:

Dowaldda Soomaaliya ayaa qodobka “Taageeridda Argagixiso u aqoonsan” kulanka uu ergaygu la yeeshay Mukhtaar Rooboow iyo taageerada uu u muujiyay musharraxnimadiisa, maadaama ay dowladdu Rooboow u oqoonsan tahay inuusan wali ka tanaasulin fikirkii xagjirka ah.

  • Baalmaridda shuruucda caalamiga ah:

Ergayga oo ku xusub xafiiska ayaa waxyaabaha lagu eedeeyay waxaa kamid ah in uusan raacin habraaca hay’adaha QM ee soo jireenka ah.

  • Iska horkeenidda beesh caalamka iyo Soomaaliya:

Safiirka waxaa lagu eedeeyay in uu xerada Xalane ka dhex billaabay ole ole dowladda Federaalka ka dhan ah, taas oo wiiqi karta xiriirka dowladda iyo deeq bixiyeyaasha oo ay dhaqaale ahaan dowladdu ku tiirsan tahay.

  • Kala fogeynta dowladda Federaalka iyo dwolad goboleedyada:

Dowlad goboleedyada oo khilaaf xooggan uu kala dhaxeeyo dowladda Federaalka ayuu ergaygu isku dayay inuu xriir la sameeyo, sida qoraalka lagu yiri, sidaas darteed dowladdu waxa ay u aragtay inuu halis ku yahay madaxbannaanida Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xildhibaan Fiqi oo su’aalo cajiib ah ka keenay amarkii lagu eryay danjire Haysom

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamid baarlamaanka ayaa su’aalo cajiib ah ka keenay warqadii xalay kasoo baxday xafiiska wasaaradda arimaha dibadda, waxaana qoraalkiisa uu u qornaa sidan:-

Awoodda Ergaygu waa mid ku tiirsan xoogga ciddii soo dirsatay, awoodda ninka wax eryayna waa mid ku tiirsan awoodda kan la eryay!,waxaan hubaa degdegta lagu soo saaray, waqtiga la soo saaray iyo saamaynta ay dalka ku keeni karto intaba warqaddaas inaan si qoto-dheer looga baaraan-degin.

Kalimadaha “Wadaniyad iyo madaxbanaani” oo asal ahaan ah kalimado wanaagsan waxaa laga dhigay shaati la gashado marka dad la siraayo ama kuwa kale la xumaynaayo, waxaana laga bixiyey xuduudoodii lagu aqoon jirey.

Qodob dastuuri ama sharci kale oo caalami ah oo loo cuskaday warqaddaas dalka looga eryay wakiilka Xoghayaha Guud ee qaramada midoobay ma jirin, kalimadda ugu cuslayd ee la adeegsadayna waxey ahayd “Madaxbanaanida dalka”, ayadoo la wada ogsoon yahay in mas’uulkaasi uu sheegay oo kaliya “Dilal loo geystay dad Soomaaliyeed, kuwo la xiray iyo Musharax la soo afduubtay oo intuba ka dhacay magaalada Baydhabo” kuliigood dhab ah.

Dadkaada ha dilin, sharci darro ha ku xirin, Isla markaana musharixiin tartamaysa ha u kala hiilin marka laguu soo jeediyo haddii ay noqonayso “in madaxbanaanidii dalka la faragaliyey” waxa jira cudur la yiraahdo “Kali-talisnimo” oo ay u daran tahay in dhagihiisu ay maqlaan: aragti ka duwan tiisa, xorriyatul qawl, rabitaanka dadweynaha, dimuqraadiyad…iwm.

“Haddii ay dhab tahay in madaxbanaani daleed la ilaalinayo, todobaadkaan gudihiisa waxaa warbaahinta Soomaaliyeed ay soo bandhigayeen askar itoobiyaan ah oo xuduuda ka soo gudubtay kuwaas oo ka qeybqaadanayey dagaalo beelo Soomaaliyeed dhexmarayey, ma aanan maqal illaa iyo hadda cid dawladda madaxbaanida ka tirsan oo ka hadashay dhacdadaas xadgudubka ah” laakin qoraalkii Nicholas Haysom 24 saac ka yar ayaa jawaabo kala duwan looga bixiyey.

Warqadda wasaaradda arrimaha dibaddu ay qortay waxey aheyd mid ka arradan luqadda diplomaasiyadda ee adduunku wax isugu qoro, degdeg iyo fudeyd ayaa ka muuqatay, sanadka cusubna wuxuu u eg yahay mid saanqaad qaldan ku bilowday.

Ugu danbeyn wuxuu mudan yahay in la cambaareeyo weerarkii lagu beegsaday xafiiska qaramada midoobey ee UNSOM shalay, waxaana soo jeedinayaa in baaritaan Madax banaan la baaro weerarkaas iyo waxyaalaha la xiriira.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Wasiirka arrimaha dibedda Somalia oo xog dheeri ah ka bixiyay cayrintii Haysom

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sharaxaad dheeri ah ka bixiyay ceyrintii Wakiilka Gaarka ah ee QM u qaabilsanaa Soomaaliya Nicholas Haysom.

Wasiir Cawad, ayaa si cad u sheegay in Haysom uu u dhaqmay sidii inuu yahay ninka ugu sareeyo dalka, taasina ay cay ku tahay sharafta iyo dhaqanka Qaramada Midoobay, kadib wareysi uu wasiirka siiyay BBC-da.

Wuxuu sidoo kale sheegay in arintaasi gaf weyn ku tahay dowladnimada Soomaaliya, waxaana uu warqadii ugu dambeysay uu usoo qoray wasiirka amniga, isaga oo ismooday in wasiirka amniga uu ka talo qaato Mr Haysom, sida uu yiri wasiirka arimaha dibadda.

“Mr Haysom wuxuu dhinacmaray nidaamka diblumaasiyadeed, wuxuu u dhaqmay sidii inuu yahay madaxa ama maamulaha dowladda Soomaaliya marka wuxuu Caay ku yahay dhaqanka Qaramada Midoobay, wuxuuna gafweyn ka galay qaranimada iyo madax banaanida Soomaaliyeed”

“Marar badan ayuu qalaladaad sameeyay oo warar uusan dowladda kala tashan sameeyay, tii ugu dambeysay waxay aheyd waraaq uu u qoray wasiirka amniga oo ula hadlayo sidii inuu wasiirka amniga isaga ka amar qaato”ayuu yiri wasiir Cawad.

“Waan u sheegnay xoghayaha guud ee QM in Haysom aan laga rabin Soomaaliya, waxaana fileynaa in sida ugu dhaqsiyaha badan uu uga baxo, inta uu ku urursan karo agabkiisa ayaan sugeynaa”ayuu hadalkiisa sii raaciyay Cawad.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayuu sheegay inay ku wargeliyeen in Haysom sida ugu dhaqsiyaha badan uu kaga guuro dalka Soomaaliya, maadaama aan dalka laga rabin islamarkaana ka sii shaqeyn karin.

Wasiirka arimaha Dibadda ayaa sidoo kale sheegay in Qaramada Midoobay aysan ka madax banaaneen dalka, laakiin Haysom uu marar badan qaatay go’aano uusan cidna kala tashan.

Ugu dambeyn dalka Soomaaliya ayuu sheegay in Dad Soomaaliyeed ay madax ka yihiin islamarkaana ay leeyihiin go’aanadooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Ma saxan tahay wadadda ay DF u martay ceyrinta wakiilkii QM ee Somalia?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda arimaha dibedda ee Soomaaliya ayaa ku amartay wakiilka gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya inuu si degdeg ah waddanka uga baxo, ka dib markii uu warqad ku aaddan rabshadihii ka dhacay Baydhabo u diray wasiirka amniga gudaha.

Wasaaradda arimaha dibedda ayaa ku wargelisay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, in Nicholas Haysom aan laga rabin isla markaana aanu ka shaqeyn karin Soomaaliya, sidaa awgeedna loo baahan yahay inuu dalka uga baxo sida ugu dhaqsaha badan.

Wasiirka arimaha dibedda ee Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad oo u warramay laanta af-Soomaaliga ee BBC ayaa sheegay in ergayga uu galay khaladaad badan, isla markaana uu wasiirka amniga gudaha ula dhaqmay sida mas’uul isaga ka amar qaata.

Mr Haysom wuxuu dhinac maray nidaamka iyo dhaqanka diblomaasiyadeed, wuxuu u dhaqmay sida inuu yahay madaxa ama maamulaha dowladda Soomaaliya. Marka wuxuu cay ku yahay dhaqanka UN-ta, wuxuuna gef weyn ka galay qaranka iyo madax-bannaanida Soomaaliya,” ayuu yiri wasiir Axmed Ciise Cawad.

Iid Bedel Maxamad, oo mar ahaa safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey ayaa BBC-da u sheegay in dowladda federaalka ay awood u leedahay cayrinta ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, balse waxa uu intaa ku daray in aanay sax ahayn qaabka loo maray tallaabadaasi.

“Tallaabada ay dowladdu qaaday waxaan u arkaa inay wax xooggaa ku yara degdegtay. Ma aha in isla markiiba la eryo ergeyga, tallaabooyin kale ayaa ka horreeya. Ninkan waxaa soo dirsaday xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, marka waxa ay ahayd in isaga lala xiriiro, jid diblomaasiyadeed la isticmaalo, loo sheego in safiirkii u fadhiyay Soomaaliya uu wax xooggaa xadgudub ah sameeyay, dowladda u dirto caddeynta, asagana ayna ka codsado inuu dib ula soo noqdo safiirka, intii ay dowladdu toos u eryi lahayd,” ayuu yiri danjire Iid Bedel.

Nicholas Haysom ayaa warqaddiisa uga hadlay saamaynta ka dhalan karta wararka sheegaya in ciidamo Soomaali ah oo ay taageerto Qaramada Midoobay ay ku lug lahaayeen xariggii Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ee dhacay 13-kii bishii Diseembar, iyo rabshadihii xigay ee la sheegay inay ku dhinteen 15 qof oo rayid ah.

Dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa waxa uu khilaaf kala dhexeeyaa qaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka, waxaana hadda muuqata in xiisad horleh ay ka dhex abuurantay iyada iyo xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan dalka.

Xuquuqda: BBC

 

War cusub oo kasoo baxay madaxweyne Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa baaq nabadeed u diray beelaha ku dagaallamaya gobollada Hiiraan iyo Galguduud.

Waxaa uu Odayaasha dhaqanka ee beelaha dagaallamaya kula taliyay in ay ku dadaalaan xallinta dagaal beeleedyada, maadaama ay iyaga ahaayeen dadka waligoodba xallin jiray khilaafka beelaha.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in dalka uu ku jiro duruufo adag, islamarkaana ay dhib ku tahay dagaal beeleed hor leh.

Waxaa uu baaqiisa u raaciyay Odayaasha Beelaha ku dagaallamaya Maamullada Hirshabeelle iyo Galmudug in ay xal ka gaaraan.

Xasan, ayaa sheegay in waaya aragnimo loo leeyahay dagaallada sokeeye islamarkaana dad badan ay qaxaan, heshiisna uu ka dambeeyo sidaas darteedna ay muhiim tahay in hadda inta aysan xaaladda sii xumaan.

Dhinaca kale Xasan Sheekh ayaa Dowladda Federaalka ah ugu baaqay in ay qaadato kaalinta kaga aaddan sidii loo joojin lahaa dagaallada ka socda Shabeellaha dhexe, Hiiraan iyo Galguduud.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

“Madaxweynihi hore arinta uu Muqdisho ka bilaabay waa mid aan ka fileynin”

Muqdisho (Caasimada Online) – Salaad Cali Jeele oo ah lataliyaha dhanka siyaasadda ee madaxweynaha Soomaaliya ayaa weeraray madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud.

Salaad Cali Jeelle, ayaa ku eedeeyay madaxweynihii hore ee dalka inuu abaabul qabiil uu ka wado magaalada Muqdisho taasina ay tahay mid aan laga fileysaneyn, sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sheegay in Fadhi uu isugu yeeray Qabiil, inkastoo uusan sheegin waxyaabaha ay ka wada hadleen fadhiga qabiileed ee uu abaabulay Xasan Sheikh Maxamuud, sida uu shaaciyay Salaad Cali Jeelle.

“Waxaan marqaati ka ahay in Hotel uu ka dhacay shir, kaasi oo madaxweynihii hore Xasan Sheikh Maxamuud abaabulkiisa lahaa, waxaa nasiib daro weyn ah marka in madaweynihii hore uu markii hore qabiil diid ahaa oo koox Damul Jadiid layiraa mar walba ku dhaganaa, inuu maanta oo xisbiyo ay dalka ka hana qaadeen, inuu maanta fadhi qabiil isugu yeero”ayuu yiri Salaad Cali Jeele.

“Inuu Qabiilka horboodo, waxay nagu tahay mid aanan kana maleysaheyn umadda Soomaaliyeedna ka fileyn, Soomaalidana ma ahan mid u qalanta maxaa yeelay, halkaan waa madaxii ummada Soomaaliyeed waxaana loo baahan yahay inay ka muuqato, dowladnimo iyo in gacmaha la is qabsado”ayuu yiri Salaad.

Xasan Sheikh Maxamuud ayaa maalmo ka hor kulan gaar ahaa la qaatay siyaasiyiin xilal kala duwan dalka kasoo qabtay iyo kuwo hadda haya, iyada oo aysan soo saarin waxyaabaha ay ka wada hadleen.

Ma jiro wax war ah oo dhanka Xasan Sheikh kasoo baxay oo looga jawaabayo hadalka kasoo yeeray Salaad Cali Jeelle.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Aqri magacyada: Guddiga doorashooyinka Puntland oo maanta lagu dhaaaqay

Garowe (Caasimada Online) – Waxaa goordhow la shaaciyay magacyada guddiga dorashada guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Puntland oo la doonayo in dhawaan lagu doorto magaalada Garowe.

Doorashada guddoomiyaha baarlamaanka ayaa ka dhaceyso magaalada Garowe, waxaana ku xigta doorashada madaxweynaha maamulka Puntland.

Waxaa gudigaasi Guddoomiye looga dhigay Ismaaciil Cabdi Abtiile, waxaana saacadihii ugu dambeeyay socday latashiyo ku saabsan guddigaasi iyo soo xulistiisa.

Hoos ka akhriso xubnaha guddiga doorashada Guddomiyaha baarlamaanka.

Caasimada online
Xafiiska Puntland
[email protected]

Maxay yihiin caqabadaha Gaas ka hor istaagi kara dib usoo laabashadiisa?

Garowe (Caasimada Online) – Muddo lix maalin ah ayaa ka harsan doorashada madaxweynaha maamulka Puntland oo dhawaan ka dhaceyso magaalada Garowe ee caasimada maamulkaasi.

Dadka falanqeeya siyaasadda doorashada ayaa sheegaya inay jiraan caqabado keeni kara in madaxweyne Gaas uusan markale kusoo laaban xukunta deegaanada maamulka Puntland oo muddo shan sano ah maamulayay.

Waxyaabaha la isleeyahay waxay dib u dhigeen rajooyinka dib usoo laabashada madaxweyne Gaas waxaa kamid ah:-

In xildhibaanada baarlamaanka ee lasoo xulay dhamaantood yihiin kuwo cusub oo doonaya in isbadal dhaco, taasi waxay noqon karta caqabada koowaad ee C/Welli Gaas, laakiin waxaa xusid mudan in isaga uu keenay inta badan xildhibaanada.

Arinta Labaad ayaa lagu sheegaa inay tahay xumeynta xiriirka kala dhaxeeyay dowladda Soomaaliya oo hor istaagay mashaariic badan iyo dhaqaalo la doonayay in lagu maalgeliyo deegaanada Puntland, sida dhawaan uu sheegay C/raxmaan Faroole.

Arinta seddexaad ayaa lagu sheegaa inay tahay fulin la’aanta balanqaadyo badan oo uu u sameeyay madaxda odayaasha dhaqanka ee Puntland, waxaana kamid ah dib u qabashada deegaanada ka maqan gacanta Puntland.

Xumaanshaha xiriirkii kala haxeeyay Isimadda dhaqanka Beesha Dhulbahante oo meesha ka baxay ayaa la sheegayaa inay tahay dhabarjab kale oo C/Welli Gaas  kasoo wajihi kara doorashada Puntland.

Laakiin waxaa jiro fursado uu ku guuleysan karo oo ay ugu horeyso saameyntii uu ku lahaa soo xulista xildhibaaada baarlamaanka iyo dhismayaashii uu isaga dhagax dhigay.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
[email protected]

ONLF oo ka digtay xaalad halis ah oo kusoo wajahan deegaannada Soomaalida

Jigjiga (Caasimada Online)- Ururka Onlf ayaa ka hadlay xiisaddo ka taagan deegaanada maamulka Soomaalida Ethiopia kuwaasi oo halis ku ah maamulka dowlad deegaanka, haddii aan wax laga qaban.

ONLF ayaa sheegtay in khilaaf cusub laga dhex abuurayo Soomaalida dhexdeeda iyada oo ujeedada laga leeyahay ku sheegay inay ku dagaalamaan dhul deegaanka ku yaala.

C/raxmaan Maxamed Sheikh xoghayaha ONLF ayaa ka dalbaday dowlad deegaanka Soomaalida inay ka hor tagto qatar kasoo socoto dadka reer miyiga ah ee deegaanka, kuwaasi oo dhexdooda colaado laga dhex abuurayo.

Xoghayaha ayaa sidoo kale sheegay inay ka digayaan colaad la doonayo in laga dhex abuuro Soomaalida iyo oromada, colaadaasi oo ka bilaaban karta dhul daaqsimeed cusub oo deegaanka ah.

Dowladda Federaalka Ethiopia ayuu dhankeeda ugu baaqay inay doorweyn ka ciyaarto sidii halistaasi looga hortagi lahaa, maadaama hadda ay xiisad u dhaxeyso Soomaalida iyo shacabka Oromada.

Wuxuu ugu dambeyn sheegay inaysan jirin cid uu ku eedeynayo inay hurineyso colaada labada beelood, balse wuxuu ku baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan loga hortago.

Caasimada Online
Xafiiska Jigjiga
[email protected]