25.3 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Xildhibaano ka tirsan BF oo soo saaray qoraal xasaasi oo ku socda Mareykanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Kudlada Badbaado Qaran, ayaa soo dhoweeyey waraaq uu qoray Ergeyga Gaarka ah ee QM u qaablisan Soomaaliya, Nicolas Haysom, u diray DF oo ku saabsan dhacdooyinkii Baydhaba ka dhacaykadib xarigii mukhtaar Roobow, waxayna dalab u direen dowladda Mareykanka.

Warqaddaas ayaa dowladda looga dalbaday inay soo bandhigto faahfaahin ku saabsan gabood falyadii ka dhacay Baydhaba iyo xarigii Mukhtaar Roobow.

Kudlada Badbaado Qaran waxaa ka mid ah xildhibaanada xisbiyada Nabada, Wadajir UPD, iyo xildhibaano madaxbanaan oon aan weli xisbiyo ka mid ahayn.

Qoraalka xildhibaanada Kudlada ayaa lagu yiri “Waxaan sidoo kale soo dhowaynaynaa walaaca ay ka muujiyeen dalalka, Ingiriiska, Jarmalka iyo ergada ka socota Midowga Yurub dhaqanka ciidanka amniga ee ku sugnaa dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed”

Dhinaca kale, Xildhibaanada Kudlada Badbaado Qaran ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in dowladda Mareykanka ay ka aamustay arrintan.

“Waxaa wax laga xumaado ah aamusnaanta Maraykanka ee ku aaddan arrimaha qallafsan ee siyaasadeed Soomaaliya gaar ahaan sida Xukuumadda Federaalku ugu tumato shuruucda dalka iyo kuwa caalamiga ah ee xuquuqda aadamaha. Marka la eego dhaqanka soo jireenka ah ee dawlada Maraykanku ugu ololeyso dawlad wanaagga iyo dimoqraadiyada, waxa aan la fahmi karin in Maraykanku ka aamuso ku tumashada xuquuqda aadamaha ee aan geed loogu soo gabban oo ay ka mid tahay xoogga xad dhaafka ah ee loo isticmaalay shacabka Baydhabo taas oo sababtay dhimashada qiil la’aanta ah ee 13 qof oo uu ka mid yahay xildhibaan degaanka ah, dhaawac faro badan, caburrin siyaasadeed, xannibaad ka dhan ah xorriyada qawlka, isu imaanshaha, urur ka mid noqoshada, iyo dhaqdhaqaaqa oo intaba dastuurku lama taabtan ka dhigay”

Hoos ka aqriso qoraalka xildhibaanada oo dhamaystiran.

 

Dhul boob lala damacsan yahay degmada Dayniile oo digniin laga bixiyey

Horay baa loo yiri, “Miskiin baa miska la fuulo leh“. Maalmahaan waxaa Muqdisha ka socda qorshe burcadnimo ku dhafan tahay, ee loo maleegay bulshada degan Degmada Dayniile. Bulshadaas badankeedu waxay ka kooban tahay qoysas Goofley ah oo qarniyaal badan noloshoodu ku tiirsaneyd tabcashada waambaha, moxogga, digirta, dhaqashada ariga iyo lo’da.

Waxay Caasimada Muqdisha usoo  suuq geyn jireen cawska xoolaha la siiyo, qoryaha la shito, caano iyo subag sixan ah. Noloshoodu waxay ahayd mid is-bixisa oo si buuxda ugu filan. Dhulkoodana waxay ka ilaalin jireen Nabaadguur  iyaga oo u tura dhirta iyo makhluuqa kale ee la nool oo ay quraanshadu u yar tahay.

Saraakiishii Soomaaliya afgembiga ku qabsaday 21/10/1969 waxay durbadiiba bilaabeen in ay deegaanka Dayniile iyo hareerihiisaba ka dhisaan xerroyin Milateri. Sida la wada oggsoon yahay Mileteriga sidiisaba waxaa loogu tala galay in ay dalka ka difaacaan  cadwga dibadda. Waxaana aalaaba la dejiyaa jiidda hore ee xuduudaha dalka.  Balse ciidamadii la dejiyay Dayniile waaxaa loogu tala galay in lagu difaaco Golihii Sare ee “Kacaanka” waayo xukunka waa ay boobeen, hay’adihii dastuuriga ahaa  & xildhibaanadii la soo doortay  sida Baarlamaanadii (1960-1969) waa ay kala direen, Dastuurkii 1960 ee aftida loo qaaday waa ay  laaleen. Saraakiishaasi waxay cadaadis xooggan dul dhigeen beelihii Hawiye sida Abgaal, Murusade, Wacdaan, shiiqaal iyo gaaljecel, iwm ee degenaa hareeraha Caasimadda. Bulshada Dayniile, xilligii dheeraa ay askartu dalka xukumaysay waxaa la soo deristay dhibaatooyin fara badan, oo aan halkaan ku soo koobikarin. Balse ma aysan qixin oo waa ay adkeysteen. Muddo ka dibna waxay hormuud ka ahaayeen kacdoomadii mucaaradka hubeysan ee soo afjaray kalitalisnimadii nabadda iyo nolosha shacabka raggaadisay. Waxaa Ilaahey mahaddiis  ah in ay maanta dalka ka dhisan tahay Dawlad federaali ah, oo aan ku imaan qorayga caaraddiisa.

Haddaba, bulshada waxay rajo weyn ka qabaan in dhulkoodii loo soo celiyo, magdhawna laga siiyo dhibaatooyinkii loo geystay iyo horumarkii loo diiday.

Nassibdarro, waxaa dhacday in xildhibaano ka tirsan baarlamanka oo ku abtirsada beesha Murusade ee degta Dayniile ay mar labaad haweysanayaan in ay shacabka masaakiinta ah dhulkooda ka boobaan. Iyaga oo sameysatay  Guddi Maqaar Saar ah, oo aan lagala tashanin dadkii deganaa Dayniile ab- ka-ab. Waxaa la yaab ah, halkii ay shacabka deegaanka ku taageeri lahaayeen in ay si madax-bannaan u dhistaan Guddi iyaga iyo danahooda matala, waxay xildhibaanadu doorbideen in ay iyagu u noqdaan Guddi Ismagacaabay.

Waxaa soo if baxday in Xildhibaanadii ay u xuubsiibteen Guddiga Arrimaha Bulshada. Su’aashu waxay tahay, maxaa xildhibaanda ku kalifay in ay sidaas u dhaqmaan? jawaabtu waa ay fudud tahay. Waxay rabaan in aagga u dhaxeeya shacabka dulmanaha ah iyo xukuumadda uu R/W Kheyre madaxda ka yahay, ay ka dhex furtaan Xafiis Dalaalnimo. Waxay rabaan in ay dhulka/hantida  ay goofleydu milkida u leedahay ay iyagu maamulaan: In qeyb dhulka ka mid ah ay ku laaluushaan madaxd a iyo saraakiisha sarsare ee Dawladda, qeybna ay ka dhigaan danguud, qaarna iyagu qaataan/ama caddeystaan, cadka yar ee soo harayna ay goofleeyda saboolka ah ay ku hafraan. Waxaa taas ka sii daran Qeyb kasta ay qolo siiyaanba, saami qarsoodi u ah ayey ku sii leeyihiin. Waxaa kaaga sii daran, waxay rabaan dhaqaalihii sida silaca, saxariirta iyo burcadnimada ah ay ku soo uruuriyeen in ay mar seddexaad ku iibsadaan kursaasta xildhibaanimo ee labada aqal, ee duurashada 2020/21.

Cabashadu intaas waa ay ka sii riiq dheer tahay, balse waxaan ku soo koobaynaa, in xildhibaanadu beesha Murusade qandigooda hadda maran, ay salka ka sii dhigtaan  arrimaha soo socda:

  1. Madaxweyne Maxamad cabdulaahi “Farmaajo” ma ahan M. Siyaad Bare, ma ahan           kali taliye, mana ahan laaluush qaate.
  2. Wadanka waxaa lagu maamulaa Dastuur ku salaysan Dimuqaraadiyad, caddaalad, iyo sinnaan, mana ahan Golihii          Kacaanka ama XHKS (xisbigii hantiwadaagga     kacaanka         Soomaaliyeed)
  3. Bulshada Goofleyda ah hantidooda idinku xaq uma lihidiin in aad iibisaan, dadkale  ku   laaluushtaan, dad u qeybisaan, ku takri             fashaan,          ama aad dallaaliin ka noqotaan. Dib u eega awooda uu      Dastuurku       idiin oggol yahay inta ay la’egtahay. Fadlan, isku daya    in aad ummadda ka    xishootaan,     hantidoodana ay  adinka        badbaado, maamulkeedana aad fara kala baxdaan.
  4. Dhalinyarada beesha Murusade waxay diyaar u yihiin in ay sharaftooda iyo       dhaxalkoodaba ay ku difaacdaan waddo       sharciga ah.

Lasoco Qaybta 2 aad insha allah

Qore:-Maxamed Maxamuud Warsame
Email:[email protected]
Muqdisho-Somalia

Xildhibaanada Mudulood oo kulan ka dhan ah DF la yeeshay odayaasha

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhaqanka iyo duubabka beesha Mudulood iyo xildhibaano ka soo jeeda beesha oo ku jira baarlamanka Soomaaliya ayaa saaka kulan quraac ah ku yeeshay magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa daba socday kulankii dhowaan dhex maray xildhibaanada iyo siyaasiyiinta rug cadaaga ee beesha Mudulood ee ku saabsanaa xaaladda dalka.

Kulankan ayaa xildhibaanada waxay warbixin ku siiyeen dhaqanka beesha, waxayna u sheegeen in siyaasadda dalka ay ku sii socoto xaalad mugdi ah, sida ay hadalka u dhigeen oo aan la garaneyn meesha ay ku dhammaan doonto.

Xildhibaanada Mudulood ayaa odayaasha dhaqanka u sheegay in loo baahan yahay in loo istaago sidii khararta soo socoto looga hortagi lahaa.

Xildhibaanada Mudulood waxay sheegeen in hoggaanka waddanka uusan diyaar u ahayn in uu ixtiraamo dastuurkii ay ku yimideen, ayna ku mashquulsan yihiin la dagaalanka siyaasiyiinta aan ku aragtida ahayn iyo maamul gobaleedyadi dhibka lagu soo dhisay, sida ay hadalka u dhigeen.

Waxa ay sheegeen in Soomaaliya ay maanta ka billaabatay “kali-talisnimo, caburin siyaasadeed iyo handadaad iyada oo si ula kac ah loo jebinayo dastuurka”

Waxaa kale oo ay sheegeen in gobalka Banaadir ay u dheer tahay jidgioyooyin aan wax macno ah loo eegin, oo dadweynihii gobolka ay ka ganacsan la’yihiin.

Xildhibaanada ayaa sheegay in loo baahan yahay “in loo caqli celiyo hoggaanka dalka, lagana hortago dhibaato aan beri waxba laga qaban karin”

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

Amarkii Gaas oo la jebiyey – Xubno ka tirsan dowladda oo gaaray Garowe + Sawiro

Garoowe (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka Soomaaliya oo laga soo doortay deegaanada Puntland ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe, xilli hore uu maamulka Gaas u mamnuucay xubnaha dowladda Soomaaliya inta ay doorashada socoto.

Xildhibaan Cumar Ismaaciil Waaberi iyo xildhibaan Cali Yuusuf Cali Xoosh ayaa gaaray magaalada Garoowe, iyada oo si weyn halkaasi loogu soo dhaweeyay.

Xildhibaanadan ma aysan shaacin sababta ay u tageen Garoowe, hase yeeshee xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya oo Muqdisho ku sugan ayaa sheegay inay la soconayaan doorashada madaxweyne ee ka dhacaysa Puntland.

Dhinaca kale, waxaa magaalada Muqdisho ka socda qaban-qaabada xildhibaano iyo wasiiro kasoo jeeda Puntland oo miisaan culus oo la sheegay inay beri tagi doonaan magaalada Garoowe.

Maamulka Puntland ayaan wax war ah kasoo saarin xubnaha ka socda dowladda ee maanta gaaray Garoowe.

Cabdi Weli Gaas, oo ka cabsanaya inay dowladda dhaqaale ku taageerto xubnaha isaga la loolmaya, ayaa xubnaheeda ka mamnuucay inay tagaan Garoowe, mana cadda wax tallaabo ah oo uu qaadi karo, maadaama xildhibaanada tagay halkaas ay kasoo jeedaan deegaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

Askari aabihiis horey uga dhigay naafo oo maanta-na MUQDISHO ku dilay….

Muqdisho (Caasimada Online) – Nin hubaysan ayaa deegaanka Garasbaaley ee gobolka Banaadir, gaar ahaan nawaaxiga Isbitaalka Macaani wuxuu ku dilay wade mooto Bajaajle, kadib markii ay wada murmeen.

Ninka dilka gaystay ayaa caan ka ah degaanka Tareedisho ee duleedka magaalada Muqdisho, waxaa lagu magacaabaa C/qaadir Ibraahim Caddow, wuxuuna dilay Alle ha u naxariistee Carab Siidow oo ahaa Bajaajle ka shaqeeya degaanada duleedka Muqdisho.

Ninka dilka gaystay ee C/qaadir Ibraahim ayaa joojiyay wadaha Mooto Bajaajlaha, kadibna wuxuu u sheegay inuu horay u sii qaado, iyadoo ninka waday Mooto Bajaajta uu diiday inuu raaco, kadibna taasi waxa ay keentay inuu rasaas ku furo.

Gacan ku dhiiglaha falka dilka ah gaystay ayaa ka baxsaday goobtii uu ku dilay marxuumka, iyadoo aysan jirin cid daba gashay oo gacanta ku soo dhigtay.

Askariga dilay ninkaan Mooto Bajaajlaha ah ayaa horay naafo uga dhigay Aabihiis Ibraahin Caddow, kadib markii uu xabado kaga dhuftay lugaha.

Ciidamada deegaanka garasbaaley ayaa baadigoobaya askariga falkaasi arxandarada ah aabihiis horay ugu gaystay, maantana dilay ninka Mooto Bajaajlaha ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

Baarlamaanka PUNTLAND oo guddoomiye doortay

Garowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Garowe ee caasimada maamulka Puntland ayaa sheegaya in baarlamaanka maamulkaasi ay doorteen guddoomiye KMG ah.

Guddoomiyaha kumeel gaarka ah ee baarlamaanka Puntland ayaa xilka heyn doono muddo kooban, waxaana uu ku wareejinayaa guddoomiyaha cusub ee loo doorto baarlamaanka Puntland.

Xildhibaan Xuseen Xaaji Yaasiin ayaa loo doortay guddoomiyaha KMG ah kadib markii maanta la dhaariyay xildhibaanada, waxaana xilkaasi loogu dhiibay maadaama uu noqday shaqsiga ugu weyn xildhibaanada.

Xildhibaanada baarlamaanka Puntland ayaa la dhaariyay saacado uun kadib markii shalay gelinkii dambe lagu dhawaaqay.

Guddoomiyaha cusub ayaa laga doonayaa inuu ka shaqeeyo soo xulista guddiga doorashada guddoomiyaha baarlamaanka, waxaana kadib xigi doono doorashada madaxweynaha.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
[email protected]

CC SHAKUUR oo aad ugu farxay go’aankii maamulka K/GALBEED laga qaatay

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur ayaa soo dhaweeyay qoraal kasoo baxay beesha caalamka, kaasi oo looga hadlayay xariga Mukhtaar Roobow iyo rabshadihii ka dhacay magaalada Baydhabo.

Qoraal dhinacyo badan ka koobnaa oo uu soo dhigay bartiisa Facebook ayaa u qornaa sidan:-

Waxaan soo dhowaynaynaa qoraalka ka soo baxay Xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Haysom, oo ay taageerayaan dawlada Ingiriiska, Jarmalka iyo Midowga Yurub. Fariinta Beesha caalamka u direen Dawlada Federaalka ah ee ku aadan dilkii iyo xarigii ay Ciidanka Booliska kula kaceen shacabka Koonfur Galbeed, waxay tilmaam u tahay in Beesha Caalamka bilwaday ka falcelinta gaboodfalka iyo ku takrifalka awoodeed ee madaxda Dawlada Federaalka ah.

Waxaan kaloo soo dhoweynaynaa hakinta deeqdii dhaqaale ee ay siin jireen Booliska Koonfur Galbeed inta xukuumada Federaalka ah ay ka jawaabayso su’aalaha sharciga ah ee la hordhigay ee ku aadan habdhaqanka Booliska Federaalka ah guud ahaan iyo Booliska Koonfur Galbeed gaar ahaan.

Cidii garasho leh waxay dareemi kartaa miisaanka siyaasadeed ee uu leeyahay qoraalka ka soo baxay xafiiska Ergeyga Qaramada Midoobay iyo raadayn taban ee dhinaca sharciga iyo xadgudubka xuquuql insaanka ee uu ku yeelan karo madaxda dawlada iyo saraakiisha ciidanka ee ku lug leh gaboodfalkii dhacay.

Waxaan xoojinayaa kulamada ay deeqbixiyayaashu ku dalbadeen in la xisaabtanka lagu daro gaboodfalka joogtada ah ee uu taliska Boolisku Gobolka Banaadir, gaar ahaan ciidanka Hay’adda Sirdoonka (NISA) laga soo wareejiyey ku hayaan Shacabka Muqdisho, gaar ahaan siyaasiyiinta iyo Xisbiyada siyaasadeed.

Hadii dawladu Dastuurka dalka ilaalin wayso, sharciga iyo qaanuunkana dhowri wayso, natiijadu waxay noqonaysaa laba midkood

1- In shacabku sharciga gacantooda ku qaataan, gabood falkana iska caabiyaan, waana cawaaqib xumidii dawladii hore dumisay 2- iyo in aduunka soo dhexgalo oo uu masuuliyada nagula xisaabtamo.

Waxaa lagama maarmaan ah in Hoggaanka sare ee dawlada ay ogaadaan in aysan jirin cid sharciga ka saraysa ama sida ay doonto ka yeeli karta. Hadii xil iyo awood laguugu aaminay macnaheeda maaha in aad sidii aad doonto ugu takri fasho. Xisaabtanka oo soo daaha macnaheeda maaha in aad cadaalada ka fakan karto, cadaalada maalin uun baa lagaa gudan. Waxaan u digaynaa saraakiisha ciidanka qaybihiisa kala duwan, Milateriga, Booliska iyo Nabadsugida in ay takrifal iyo xadgudub kula kacaan shacabkooda iyagoo fulinaya amaro sharciga iyo dastuurka dalka khilaafsan. .

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

SOMALILAND oo jawaab ka bixisay hadalkii ka soo yeeray Jeneraal Morgan

Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa markale ka hadlay hadalada hanjabaada ah ee kasoo yeeray inta badan musharixiinta u tartameysa xilka madaxweynaha maamulka Puntland.

Suleymaan Cali koore, wasiirka horumarinta Somaliland ayaa ka hadlay doorashooyinka dhawaanka dhacaya magaalada Garowe, waxaana uu u jawaabay musharixiin qaar oo sheegay inay qabsan doonaan deegaanada Somaliland ka joogaan Sool iyo Sanaag.

Suleymaan ayaa si toos ah ugu jawaabay Musharax Moorgan, isaga oo sheegay inuu ahaa shaqsi ciidanka ugu badan taliyaha u ahaa xiligii dowladii dhexe, balse uu noqday ruuxii ay reer Somaliland kasoo ceyriyeen deegaanada maamulkaasi, sida uu hadalka u dhigay.

“Moorgan wuxuu ahaa nin hogaaminayay ciidamadii ugu badnaa oo hub walbaa heystay xiligii dowladdii dhexe, wuxuuna noqday ruxii halkaan laga ceyriyay, haddaan dadku TAANGI noqoneyn, wuxuu hadda hayaa oo gacantiisa ku jiraa ma jirto”ayuu yiri Suleymaan Koore.

Somaliland ayuu sheegay inay hadda leedahay awood ciidan oo ay ku difaacdo deegaanada xuduuda ku yaala, balse wuxuu sheegay inay doonayaan in nabad lagu wada noolaado, sida uu hadalka u dhigay.

Musharixiin Badan ayaa balan qaaday inay soo celin doonaan deegaano ay aaminsan yihiin inay ka maqan yihiin shacabka Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Somaliland
[email protected]

Mahad Salad oo jawaab ka bixiyey qoraalkii xasaasiga ee kasoo baxay Haysom

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa qoraaal uu soo dhigay bartiisa facebook uga fal-celiyey qoraalkii wakiilka QM ee Soomaaliya Nicholas Haysom uu u diray Amisom iyo Itoobiya kadib markii ay ciidamadooda ku yeesheen dad lagu dilay Baydhabo markii lasoo xiray Roobow kadib.

Mahad Salaad ayaa ku baaqay inaan la siyaasadeyn waajibaadka shaqo ee Ciidamada Qalabka Sida iyo sharciyada Ciidamada AMISOM ay ku joogaan dalka Soomaaliya. Lana dhowro xorriyada hadalka iyo xaqa muwaadinka Soomaaliyeed.

Hoos ka aqri qoraalka Mahad Salaad uu soo dhigay facebook.

Midowga Yurub, Dowladaha Jarmalka iyo Ingiriiska ayaa joojiyay lacagtii ay siin jireen Ciidamada Booliska Koonfur Galbeed kadib markii lagu eedeeyay:

– Xarigii Mukhtaar Roobow.

– Dad shacab ah oo lagu laayay mudaharaadyadii Baydhabo ka dhacay 13 ilaa 15 December.

– Xirida ku dhawaad 300 Shacab ah oo intooda badan caruur ahaayeen sida warbixinta lagu sheegay.

Sidoo kale Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Nicholas Haysom ayaa waraaq u qoray AMISOM iyo Safaarada Itoobiya ku leedahay magaalada Mogadishu uu ku weydiinayo ku lug lahaanshaha Ciidamada Itoobiya gaboodfalladii ka dhacay magaalada Baydhabo 13 – 15 December.

Waxaan rajaynaynaa in aan la siyaasadeyn waajibaadka shaqo ee Ciidamada Qalabka Sida iyo sharciyada Ciidamada AMISOM ay ku joogaan dalka Soomaaliya. Lana dhowro xorriyada hadalka iyo xaqa muwaadinka Soomaaliyeed u leeyahay in uu fikirkiisa u cabiro si nabadgelyo ah sida ku cad dastuurka qaranka iyo shuruucda kale ee dalka u yaalla.

Mahadsanidiin
Hon. Mahad Salad

5 kamid ah xildhibaanada cusub ee Puntland oo la dalbaday inaan la dhaarin

Garowe (Caasimada Online) – Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Garaad Maxamuud oo kamid ah odayaasha dhaqanka ee Sool, Sanaag iyo Ceyn ayaa sheegay in la musuq maasuqay xildhibaanadii uu isaga gacantiisa ku qoray.

Garaadka ayaa sheegay in xildhibaanadii uu saxiixay kuwo aan aheyn lagu badalay xildhibaanada kasoo jeeda deegaanada Sool, Saaag iyo Ceyn, waxaaa uu sheegay in taasi ay tahay musuq maasuq cad.

Garaadka ayaa dalbaday inaan la dhaarin xildhibaanada lagu badalay kuwii uu isaga soo xulay, maadaama uu sheegay in hadda murun ka taagan yahay.

Xildhibaanada Garaadka uu dalbaday inaan la dhaarin ayaa kala ah:-

1. Saadiq Abshir Garaad.
2. Keyse Cawil Cali Boobe.
3. Axmed Yaasiin Cabdi.
4. Cabdi Siciid Kafad.
5. Ismaaciil Cabdi Abtiile.

Durba Waxaa muuqata in Qeylo dhaan ay ka timid soo xulista xildhibaanada baarlamaanka ee Puntland, waxaana sababta loo badalay xildhibaanada lagu sheegayaa in la doonayo in codadka laga helo.

Ma jiro wax jawaab ah oo ay bixiyeen xubnaha guddiga xalinta Khilaafaadka ee Puntland.

Caasimada Onlne
Xafiiska Puntland
[email protected]

Cadeymo muujinaya halka uu ku jiro meydka Jamaal Khaashuqji oo la helay

Istanbul (Caasimada Online)- Cadeymo badan oo Turkey uu ururiyay ayaa muujinaya in meydka wariye Jamaal Khaashuqji ee wali maqan uu ku dhex jiro ceelka beerta ku taala guriga Qunsulka Sacuudiga ee dalka Turkey.

Kadib markii si taxadar leh halkaasi ay u dhigeen kooxda Shabeelka ee dhaxal sugaha Sacuudiga Mohamed Bin Salmaan, sida uu sheegay qoraa buug cusub ka diyaariyay dilkii wariyaha.

Jamaal Khaashuqji, ayaa la waayay kadib markii uu galay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul bishii October ee sanadkii dhamaaday 2018, waxaana uu si weyn kaga soo horjeeday Bin Salmaan iyo boqortooyada Sacuudiga

Kadib todobaadyo oo ay beeninayeen dilka Wariyaha, ayaa cadaadis caalamka kaga yimid kadib, Sacuudiga wuxuu ugu dambeyn 18 ruux u xiray dilka, laakiin su’aasha wali taagan ayaa ah halka la geeyay meydkiisa maadaama wali aysan ka hadlin Sacuudiga.

Buug laga qoray dilka Wariye Jamaal oo todobaadkaan lagu soo bandhigay dalka Turkey ayaa lagu wareystay saraakiil sar sare oo Turkish ah, kuwaasi oo tooshka kusii daaray dambiga la xiriira dalka Jamaal.

Qorayaasha Buuga C/raxmaan Simsek, Nasif Kahraman iyo Ferhat Unlu, ayaa sheegay in dhamaan cadeymaha la helay ay muujinayaan in ceelka guriga uu degen yahay qunsulka lagu qariyay meydka, waxaana saraakiisha Turkida ay aamisan yihiin in ceelka uu ku jiro meydka, walow laga yaabo in meelo kale lagu qarin karo meydka.

Sacuudiga ayaa masuuliyiinta Turkey u ogolaaday inay biyo yar ka qaataan ceelka si ay baaritaan ugu sameeyaan, laakiin wax natiijo ah lagama helin, hase ahaatee xukuumadda Sacuudiga ayaa diiday dalab kaga yimid Turkey oo ahaa inay biyaha ceelka eber ka dhigaan si ay baaritaan kale gunta ceelka uga sameeyaan.

“Meydka waxaa la dhigay gunta ceelka kadib marii biyaha laga wada saaray, Tusaale ahaan waxay ku dhigi karaan gudaha ceelka iyaga oo Waxyaabo balaastiig ah dhexgeliya, waxaana jira tuhun aad u weyn oo ah in meydka la dhigay gudaha ceelka”sidaasi waxaa yiri mid kamid ah qorayaasha Buuga.

Qorayaasha ayaa ugu dambeyn sheegay inaysan dhageysan codka la duubay ee dilka wariyaha, balse ay heleen xoogaa xaqiiqooyin ah oo ay ka heleen masuuliyiinta Turkey.

Caasimada Online
Xafiiska Istanbul
[email protected]

“Meesha Gaas oo ku koray D/Mareeb uu Puntland iiga xigsanayo ma garan karo”

Garowe (Caasimada Online) – Musharax Madaxweyne Cali Ciise Cabdi ayaa si cajiib ah kaga jawaabay Su’aalo la wada sugayay jawaabahooda, kadib wareysi uu bixiyay musharaxa.

Ugu horeyn Musharaxa ayaa la weydiiyay su’aal aheyd, Dowladda Federaalka miyaa ku wadata?

Jawaab: Dowladda Federaalka waxan la soo shaqaynayey illaa xiligii Cabdillahi Yusuf, xiligii Sh Shariif, xilligii Xassan Sheekh illaa hadda, laakiin wax gaar ah oo naga dhexeeyaa ma jiraan, dowladduna nin hadda socda musharax kamay dhigateen bay ila tahay ee kuwii Sanadka sharraxnaa bay diran lahayd.

Suaal: Dr Cabdiweli Cali Gaas wuxu kugu eedeeyey in aanad ahayn Putlander rasmi ah oo Puntland lagu aamini karo, arrinkaas maxaad ka leedahay?

Jawaab: Horta u malayn maayo Dr Abdiweli oo aanu 30 sano isnaqaanay in uu sidaa odhanayo, haddiise uu yidhi dee waxaanan garanayn meesha Abdiweli oo Dhuusamareeb ku dhashayna Puntlanderka ku noqday Aniga oo Cali Ciise ah oo meel 30KM ama 50 kiiloomitir halkan aan hadda fadhino u jirta ku dhashay oo dooxyadan Garoowe u dhow Geela ku raaci jireyna aan Puntlander u noqon waayey. Samaysankii puntland waaba la’ ogyahay cidda samaysay. Qofka sidaas u hadlaana wuxu rabaa in Puntland lagu kala tago laakiin lagu kala tagi maayo ee isagaa tegaya.

Suaal: Waxad wax ka dhistay Khaatumo taas miyaan loo qaadan karin in aanad Puntland aaminsanayn!

Jawaab: Dan baan u arkayey in Reer SSC la isu daayo oo ay iyagu aayahooda ka tashadaan, laakiin haddii aan taadaba kuu raaco; haddii aan soo kordhin lahaa maamul goboleed cusub oo bahwadaag la’ ah Puntland sida Galmudug iyo Hirshabeele oo kale miyaan la odhan karin dad badan waaban ka bisayl horreeyey.

Suaal: Dhaqaale iyo Aqoon ba waad haysataa maxaad nolosha inta kaaga dhiman isaga raaxaysan weyday ee kugu kelifay in aad buuq iyo qaylo soo doonato?

Jawaab: 35 dal baan nidaamkooda dhaqaale wax ka soo dhisay; aqoontaas aan wax ku dhisayeyna hal Dollar oo aan leeyahay wax kuma baran, qaranka Soomaaliyeed baa wax i baray, deynkii in aan soo celiyo baan isu soo sharaxay. Charity begins at home. Samafalka gurigaaga waa in aad ka bilowdo.

Hadalkaan ayuu jeediyay kadib Wareysi uu siiyay Somali Cable

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
[email protected]

Video: “Dr. Cali Ciise Cabdi si dirqi ayuu C/Weli Gaas uga baxsaday” (Daawo)

Hargeysa (Caasimada Online) – Sida uu warbaahinta u sheegay Xildhibaan Nac Nac oo ka mid ah Golaha Wakiilada Somaliland, waxaa si dirqi ah Cabdiweli Cali Gaas uga badbaaday Dr. Cali Ciise Cabdi oo ah musharax kula loolamaya xilka Madaxweyne ee Puntland.

Dr. Cali Ciise ayaa dhawr maalmood kahor ka degay Garowe kahor inta uusan shaacin murashaxnimadiisa xilka madaxweynaha.

Maalintii xigtay ee uu Garowe tagay waxa uu Gaas soo saaray digteero Puntland in ay yimaadaan mamnuuceysa xubnaha qof ka tirsan dowladda Federal-ka ah sida Wasiirada, shaqaalaha rayyida ah iyo kuwa Villa Somalia.

Isla maalintaas waxa ay warbaahinta qaar ka mid ah soo gaaray war sheegaya in la xannibay dhaqdhaqaaqa musharax Dr. Cali Ciise Cabdi xilli laamaha ammaanka maamulka Puntlland uu Cabdiweli Gaas faray in ay si dhaw ula socdaan.

Ma jirto cid beenisay warkaas haddii ay ahaan lahaayeen maamulka Puntland iyo xerada ol’olaha Dr. Cali Ciise Cabdi.

Taas oo ay jirto, waxaa saxaafadda la hadlay xildhibaan Nac Nac oo sida muuqaalkan hoose ka muuqata sheegay in Dr. Cali Ciise Cabdi ku sigtay in lagu dilo Garowe oo ayna sababtuna tahay in beesha maamusha Puntland aysan diyaar u ahayn ama rabin in nin reer Sool ah Madaxweyne ka noqdo Puntland.

Xildhibaan Nac Nac oo ah mudane ka tirsan Golaha Wakiilada gaar ahaan kuwa ugu caansan ayaa ugu baaqay Dr. Cali Ciise in uu jagadaas Madaxweyne u soo doonto Somaliland taas oo lagu soo dhaweyn doono si ka badalan sida loogula dhaqmay Garoowe.

Hoos ka daawo muuqaalka xildhibaan Nac Nac.

ONLF oo ku dhowaaqday xisbi siyaasadeed cusub

Jigjiga (Caasimada Online) – Ururka ONLF oo dhowaan dalka Itoobiya ku laabtay kadib heshiis ay la gaareen dowladda dalkaas, ayaa maanta shaaca ka qaaday inay samaysteen xisbi siyaasadeed.

ONLF ayaa xisbigan siyaasadeed uga qeyb geli doono doorashada dowlad Deegaanka Soomaalida iyo tan federaalka, ayaga oo sida qorshahooda yahay ka dhex muuqanayaa siyaasadda dalka Itoobiya.

Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Sheekh Mahdi (Maadeey) oo ah xoghayaha arrimaha dibadda ONLF ayaa BBC u sheegay in si buuxda doorashooyinka soo socda ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ay uga qeyb geli doonaan.

Waxa uu sheegay inay isbahaysi la samaysanayaan oo ay iskaashanayaan xisbiyo ay bahwadaag yihiin oo ka dhisan gobolka soomaalida.

“Jabhadda xoreynta Ogaadenia 1991-kii ayay xisbi ka noqotay dalkan oo ay doorashada ka qeyb gashay oo maamulkii ugu horreeyay deegaanka soomaalida ka dhistay, hadda soo noqoshadeeda waxaan maanta shaaca ka qaadeynaa in si buuxda siyaasaddeedii dib ugu noqon doonto oo si nabadgelyo ah doorashooyinka soo socda uga qeyb geli doonto” ayuu yiri Maadeey.

Wuxuu sheegay in hadda ay si nabadgelyo ah ay ku raadinayaan xuquuqda iyo danaha shacabka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Muxuu Faarax Macalin ka yiri Cabdi Hoosow, wasiirka howlaha guud ee DF?

Nairobi (Caasimada Online) – Faarax Macallin, Guddoomiye ku Xigeenkii Hore ee Baarlamaanka Kenya ayaa ammaanay wasiirka cusub ee Howlaha Guud Cabdi Aadan Hoosow.

Faarax oo bartiisa Twitter ku soo bandhigayay aqoonta uu u leeyahay wasiirka iyo waxa laga filan karo ayaa yiri, “Cabdi Aadan Hoosow, wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u Dhiska ee Soomaaliya, waa saaxiib igu fog, nin hufnaan dhaliiltiran u saaxiib ah, aqoonyahan leh waxbarasho heer sare ah oo jaamacadeed”.

Faarax Macallin wuxuu sheegay in dhismaha kaabayaasja dhaqaalaha uu fure u yahay ia dhex galka gobolka Geeska Afrika iyo horumarkooda dhaqaale, abuurista shaqooyinka iyo nolol siinta dhallinyarada oo asaas u noqon kara si loo ciribtiro xaq jirnimada.

Faarax wuxuu qabaa in wasiir Hoosow uu si hufan uga soo  soo dhalaali doonno mas’uuliyadaas uu qaranka u dhiibtay asagoo tixraac uga dhigaya aqoonta uu Faarax shaqsiyan u leeyahay wasiirka.

Faarax Macallin wuxuu ka mid yahay siyaasiyiin dhowr ah iyo shacabka soo dhoweeyay magacaabistiisa.

Madaxweyne Farmaajo oo meelmariyey miisaaniyada dowlada ee sanadka 2019

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2019, kaddib markii ay ansixiyeen Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxwenaha ayaa ku bogaadiyey Xildhibaannada Golaha Shacabka sida xilkasnimada leh ee ay u guteen waajibaadka dastuuriga ah ee kaga aaddanaa qiimeynta iyo gorfeynta miisaaniyadda sannadlaha ah ee Dowladda oo ay ku ansixiyeen cod aqlabiyad leh.

Madaxweyne Farmaajo oo dul-istaagay kororka miisaaniyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faray Xukuumadda in ay xoogga saarto dardargelinta adeegyada bulshada, kobcinta fursadaha shaqo ee dhallinyarada iyo xaqiijinta amniga muwaadiniinta Soomaaliyeed.

“Kobaca dakhliga dalka waxa uu markhaati ka yahay miro-dhalka qorsheyaasha ku qotoma ladagaallanka musuqmaasuqa, sidaas darteed waa in isbeddel muuqda aan ka sameyno dhinacyada adeegga bulshada, amniga iyo hirgelinta kaabeyaasha dhaqaalaha, si dadkeennu ay u helaan nolol wanaagsan.”

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa tilmaamay in miisaaniyaddani ay ka markhaanti kacayso dadaalka wadajirka ah ee shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay ugu jiraan dib-u-dhiska dalkooda.

“Miisaaniyaddan qaybta ugu badan waxa ay ku suntan tahay dakhligeenna gudaha, taas oo muujinaysa kartideenna iyo sida ay nooga go’an tahay in dalkeennu uu la jaanqaado dalalka kale ee caalamka, isla markaana uu gaaro maqaamka iyo maamuuska uu mudan yahay.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhaqaalyahannada Soomaaliyeed diyaarinta iyo jaangoynta miisaaniyad waxtar u leh dadka iyo dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

Doorashada Puntland 2019 – Ma tuurnaa qabiil oo Dr. Cali Ciise Cabdi dooranaa

Madaxda Puntland, gaar ahaan maamulka Cabdiwali Gaas ee hadda xukunka haya waxay caan ku noqdeen wax qabad xumo, musuq-maasuq, qof iyo qabiil jeclaysi, isla xisaabtan la’aan, iyo maamul xumo,.

Intaas oo dhibaato markay is biirsadeen waxay keeneen bur-bur dhaqaale, sicir barar, qiimo jab ku yimid shilling Soomaaliga, ammaan xumo, waxbarasho aan tayo fiican lahayn, colaad ka dhex aloosanta beelaha wada dega , iyo in khayraadkii waddanka si sharci darro ah shisheeye gacanta loogu galiyay.

Waxaase gaar u ah Madaxwayne Cabdiwali Gaas inuu oofin waayay ballamihii uu galay  dhammaadkii 2013-ka markii uu tartamayay. Tusaale ahaan, wuxuu ku fashilmay inuu hirgaliyo nidaamka qof-iyo-cod, inuu xorayn waayay goballada Sool, Sanaag, iyo Cay oo Somaliland xoogga ku qabsatay, iyo ballantii ahayd inuusan dib isu soo sharrixin doonin marka shantiisa sano dhamaato.

Warshadda samaysa lacagta

Cabdiwali Gaas wuxuu Puntland iyo Soomaaliyaba ka galay hal dambi oo aad u wayn, kaas oo curyaamiyay dhaqaalihii Puntland, sababayna in ganacsatadii reer Puntland ay isaga cararto Puntland maadaama aysan la tartami karin ganacsatada isticmaasha dekedaha Berbera iyo Muqdisho.

Since Mr. Gaas is a Somali native and a naturalized U.S. citizen, he is subject to criminal justice laws in both countries. Printing fake money is a serious crime anywhere in the world. Therefore, both the U.S. government and the Somali government are under legal obligation to bring Mr. Gaas to a court of law for printing counterfeit Somali Shilling notes and thus destroying the Somali economy.

Yaa badbaadin kara Puntland 

Alle ka sokow, Puntland waxa badbaadin kara qof:

  • Aqoon iyo khibrad dheeri ah u leh kobcinta iyo maaraynta dhaqaalaha
  • Ah waddani ay ku wayntahay midnimada iyo horumarka Soomaaliya
  • Aan lahayn dan gaar ah, lehna han iyo himilo sare
  • aan rabin inuu lunsado hantida guud
  • leh amaano isla markaana aan rabin inuu qaato laaluush
  • khibrad u leh maamul wanaag
  • iskala sarreeya ku dhaqanka qabyaaladda
  • dadku u siman yihiin, xidid iyo xigaalana aan si sharci darro ah ku naas nuujin
  • leh shakhsiyad iyo dhaqan wanaagsan

Waa kuma Dr. Cali Ciise Cabdi?

Ugu horrayn, Dr. Cali Ciise Cabdi wuxuu leeyahay sifooyinka kor ku xusanb oo dhan iyo kuwa kale oo iyaguna sidoo kara bed-baadin kara dhaqaalaha, iyo dawladnimada Puntland.

Inkasa oo uusan wali ku dhawaaqin, haddana waxaa cad in Dr. Cali Cisse Cabdi uu isu soo sharrixi doono tartanka madaxwaynenimada Puntland.

Dr. Cali Ciise Cabdi wuxuu dugsiga hoose/dhexe/sare ka dhigtay waqooyiga Soomaaliya, ka dibna wuxuu magaca dawladda Soomaaliya ku helay deeq waxbarasho oo ay bixisay dawladda Maraykanka. Wuxuu galay Jaamacadda Washington Universty ee ku taal St. Louise, Missouri halkaas oo uu ka bartay cilmiga dhaqaalaha, kana qaatay shahaadooyinka Bachelor/Master/PHD isla jaamacaddaas.

Meelihii uu ka soo shaqeeyay waxaa ka mid ahaa Bankigii waynaa ee la oran jiray CitiBank, Bankigii dhexe ee Soomaaliya, Bankiga adduunka, iyo IMF-ta. Wuxuu la taliye xagga dib u dhiska dhaqaalaha u noqday in ka badan 30 waddan oo ay ka mid yihiin Uganda, Tanzania, Ethiopia, Jamaica, iyo Soomaaliya. Haddana wuxuu madax u yahay gudii khubaro ah oo dawladda Soomaaliya ka la taliya arrimaha dhaqaalaha.

Waddamadii uu la shaqeeyay badankoodu waxay ku guulaysteen inay ballaariyaan, sarana u qaadaan dhaqaalahooda.

Dr Cali Ciise Cabdi, ma aha nin doonaya lacag ama jago, si raaxo leh buu addunka meeshuu rabo ugu noolaan karaa noloshiisa inta ka dhimman,  laakiin wuxuu rabaa inuu bad-baadiyo dalkiisa hooyo ee siiyay fursadda deeqda waxbarasho. Wuxuu rabaa inuu dalkiisa uga faa’ideeyo aqoonta sare ee uu u leeyahay cilmiga dhaqaalaha, gaar ahaan dib u dhiska, kobcinta, iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

Soomaaliya iyada ayaa u baahan Dr. Cali Ciise Cabdi iyo dadka la midka ah.

Maxa caqabad ku noqon kara in Dr. Cali Ciise guulaysto

Inkasta ay u egtahay in dadka reer Puntland ay ka bislaadeen qabiil indho la’aan lagu taageero, haddana qaar ka mid ah dadka wax fallaanqeeya ayaa waxay aammin san yihiin in caqabadda ugu wayn ee soo wajihi karta ay tahay in beelaha qaarkood mideeyaan codkooda si xukunku uusan uga bixin gacantooda. Waxaan anigu u malaynayaa in xildhibaanada wax dooranaya ay garan karaan qofka danta u ah Puntland, codkoodana aysan ku salayn doonin qabiil.

Caqabad kale waxay noqon kartaa eedayn lagu eedeeyo inuu ka mid ahaa asaasayaashii Khaatumo.

Aragtida ah in asaasidda Khaatumo ay dhib ama lid ku tahay Puntland waa aragti meel dhow wax ka eegaysa. Sida bandanna dadka Soomaalidu meel dhow bay wax ka fiiriyaan oo had iyo jeer qabiil iyo dan gaar ah bay ka hormariyaan danta guud iyo mustaqbalka carruurtooda.

Maamul loo sameeyo Khaatumo wuxuu fure iyo horseed u noqon karaa midnimada iyo wadajirka Soomaaliya. Wax kasta oo keenaya inay Soomaaliya midaysnaato oo sharafteedii qaranimo soo ceshatana waa wax loo baahan yahay in juhdi lagu bixiyo.

Dadka reer Khaatumo waa dad ay aad ugu wayn tahay midnimada Soomaaliya. Dr. Cali Ciise Cabdi wuxuu ka soo jeedaa degaanka Sool, wuxuuna qayb libaax ka qaadan kara nabadaynta iyo horumarinta dhaqaalha Soomaaliya oo dhan, gaar ahaana Puntland.

Gaba-gabo

Gaba-gabadii waxaan xildhibaanada ka codsanaynaa inaysan nagu soo celin Cabdiwali Gaas iyadoo ay jiraan murashixiin kale oo aad uga aqoon wanaagsan, uga waddanisan, uga daacadsan, uga turid badan Soomaaliya, ugana ammaano wanaagsan.

Haddii Cabdiwali Gaas dib loo soo doorto sii jiritaanka Puntland shaki wayn baa ku jira waayo dhinac dhulkeedii waxaa ku soo fiday oo xoog ku qabsaday Somaliland, dhinaca kalena bur-bur dhaqaale, isku dhac beeleed, iyo musq-maasuq baa ku habsaday Puntland.

Waxaan xildhibaanada ka codsanaynaa inay u hiiliya carruurta Soomaaliyeed ee dhalan doona qarniyada soo socda.

Allaha wayna waxaan waydiisanaynaa inuu waafajiyo xildhibaanada inay soo doortaan qof ka wanaagsan madaxdii hore ee dibu dhaca u keenay Puntland. Qof ka damqanaya dhibaatada iyo dhaqaala xumada haysata dadka reer Puntland. Qof aan dadka ku kala soocin kuna kala soka marsan qabiil iyo qof jeclaysi.

Eebbow guusha sii kan danta dadka iyo dalka ka shaqayn doona.

W/Q: Axmed Bashir; Email: [email protected] ; Twitter: @bashir1631

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Xildhibaanada barlamanka Puntland oo la dhaariyay

Garowe (Caasimada Online) – Maxkamadda Sare ee maamulka Puntland ayaa maanta dhaarisay dhamaan xildhibaanada baarlamanka maamulkaasi, kuwaasi oo shalay lagu dhawaaqay.

66 Xildhibaan ayay gaarayaan xildhibaanada baarlamaanka maamulka Puntland, waxaana munaasabad ka dhacday magaalada Garowe lagu dhaariyay xildhibaanada maamulkaasi.

Waxgaradka maamulka Puntland ee ugu caansan ayaa ka qeyb galay munaasabadda dhaarinta, iyadoo shalay isimadda gobolka Sool ay ka hor yimaadeen in la dhaariyo xildhibaanada qaar oo kuraastooda murun uu ka jiray.

Saddexda Bishaan ayaa lagu waddaa in ay doortaan Gudoonka baarlamaanka, waxaana xildhibaanada Puntland ay ka kooban yihiin 66 Mudane oo ay ku jirto hal gabadh ah.

Ammaanka xarunta barlamaanka ayaa aad loo adkeeyay iyadoo gabi ahaanba la xiray wadooyinka soo gala xarunta Baarlamaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
[email protected]

Beesha caalamka oo qoraal ka dhan ah xariga Roobow iyo dilkii shacabka Baydhaba u dirtay DF una hanjabtay (Aqriso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka xoghayaha guud ee QM ee Soomaaliya Nicholas Haysom ayaa qoraal xasaasi oo ka dhan ah habkii loo fuliyey xariga Mukhtaar Roobow iyo dadkii lagu dilay Baydhaba u diray dowladda Soomaaliya, isaga oo ka wkaiil ah beesha caalamka.

Qoraalka oo ku socda wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale, ayaa lagu sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay gaysteen xadgudubyo ka dhan xeerarka xuquuqda aadanaha QM, islamarkaana maadaama QM ay bixiso mushaarka ciidamada qeyb ka mid ah, ay qasab tahay inay arrintan jawaab u raadiso.

Waxaa qoraalka lagu sheegay in xadgudubyada ay ciidama gaysteen ay ka mid tahay dilka 15 qof oo shacab ah kuwaas oo ayaga oo dibadbaxaya lagu dilay magaalada Baydhaba 13-kii iyo 14-kii December,  ayna jiraan caddeymo muujinaya xadgudubyadan.

Haysom ayaa qoraalka ku sheegay in dastuurka Soomaaliya uu dhigayo in ciidamada Soomaaliya ay xushmeeyaan xeerarka dalka iyo xuquuqda aas-aasiga ah ee bani’aadamka.

Waxa uu sidoo kale sheegay in qaraarka QM ee lagu aas-aasay xafiiska QM ee Soomaaliya UNSOM iyo ciidamada AMISOM uu dhigayo in si loo helo taageerada maaliyadeed ee QM ay qasab tahay in loo hogaansamo xeerarka xuquuqda aadanaha ee QM.

Waxa uu sidoo kale qoraalkiisa ku lifaaqay qoraal kale oo ay usoo direen Midowga Yurub, iyo dalalka Jarmalka iyo UK, oo taagerada kala laabtay booliska Koonfur Galbeed, sababo al xiriira falalkii ay ku kaceen. Saddexdan dhinac ayaa qeyb ka ah barnaamij lagu taageero booliska Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada oo loogu magac daray JPP (Joint police Program).

Midowga Yurub, Germany iyo UK ayaa sidoo kale jawaabo ka dalbanaya dowladda Soomaaliya, kuwaas oo ku saabsan xadgudubyada lagu tuhmayo ciidamadeeda.

Haysom ayaa qoraalkiisa ku sheegay in caddaymaha la hayo ay muujinayaan in xariga Roobow ay fuliyeen ciidamada NISA oo taageero ka helaya kuwa Itoobiya.

Waxa uu qoraalkiisa ku sheegay in wasaaradda amniga gudaha ay xariga Roobow sabab uga dhigtay inuu hub gaynayey magaalada Baydhaba, sidoo kalena abaabulayey maleeshiyo. Haysom ayaa yiri “Waa eedyemo culus, haddii ay jiraan balse dowladda wax dambi ah weli kuma soo oogin Roobow, ayada oo xeerka dambiyada dalka Soomaaliya uu dhigayo in eedaysanaha dacwad lagu soo oogo mudd 48 saac gudahood ah ama la sii daayo”

Waxa uu sioo kale qoraalkiisa ku yiri in inkasta oo dowladda ay ku eedeysay Roobow inuu jebiyey heshiiskii cafiska loogu fidiyey markii uu isa soo dhiibay, haddana Soomaaliya aysan lahayn xeer cafis.

Sidoo kalena dowladda, ayuu u sheegay inaysan weli shaacin qoraal saxiixan oo ku aadan waxa Roobow lagula heshiiyey.

Waxa uu dowladda ka dalbaday inay deg deg jawaab uga soo bixiso dhowr su’aalood oo ay ka mid yihiin 1 – Maxaa sharci ah oo loo adeegsaday xariga Roobow.

2 – Ciidankee ka tirsan kuwa Soomaaliya oo fuliyey xariga, kaalin intee la eg ayaysan ku lahaayeen ciidamada Itoobiya?

3 – Muxuu yahay sharciga loo adeegsaday in cafis loo fidiyo Roobow, maxayse ahaayeen shuruudaha lagula heshiiyey?

4-  Maxaa tallaabo ah oo la qaaday si lo helo amar xabsiga lagu sii hayo Roobow, wax ka baxsan 48-ka saac ee xeerka dambiyada Soomaaliya?

Haysom ayaa sidoo kale dhowr su’aal oo kale oo la xiriira dilkii dadka shacabka ahaa ee Bayhdaba hor-dhigay dowladda Soomaaliya, kuwaasi oo iminka jawaabtooda laga sugayo.

Haysom ayaa u muuqday mid ku hanjabaya in QM ay taageerada dhaqaale ka goosan doonto ciidamada Soomaaliya, haddii aysan dowladda bixin jawaabaha ku saabsan qaabkii laa maareeyey xariga Roobow, iyo tacadiyadii xuquuqda aadanaha ee ciidamada ay gaysteen oo ay ugu weyn tahay dilka dad shacab ah.

Hoos ka aqriso qoraalka oo English ah oo aan soo koobnay muhiimaddiisa.

Haweenka Puntland oo tiro aad loola yaabay ka helay xildhibaannada cusub

Garowe (Caasimada Online) – Waxaa lagu dhawaaqay gelinkii dambe ee maanta liiska xildhibaanada baarlamaanka Puntland oo muddooyinkii ugu dambeeyay aad loo hadal hayay, lana sugayay shaacinta magacyada xildhibaanada.

Liiska Xildhibaanada oo ay ka muuqdaan 66 xildhibaan ayaa waxaa laga soo kala xulay gobolada Puntland, waxaana xildhibaanada ay dhawaan dooran doonaan guddoonka baarlamaanka.

Arinta cajiibka leh ee laga dhex arkay liiska xildhibaanada la shaaciyay ayaa ah in kaliya hal ruux ay haween ka tahay, taasi oo ka dhigan in 65 ruux ay rag yihiin hal ruuxna ay dumar ka tahay baarlamaanka cusub ee Puntland.

Baarlamaankaan ayaa shaqeyn doona ilaa sanadka 2023, taasi oo ka dhigan inay yihiin xildhibaanada baarlamaanka Puntland shanta sano ee soo socota.

Xildhibaanada kaliya ee dumarka ka ah baarlamaanka Puntland ayaa lagu magacaabaa xildhibaan Nimco Cabdi Caarshe, waxaana baarlamaanka ay kasoo gashay deegaanada gobolka Sool.

Waa arin aan wali ka dhicin deegaanada maamul goboleedyada in hal ruux kaliya ay dumar ka ahaato baarlamaanada ka dhisan maamulada kale ee dalka, iyadoo meelaha qaar ay ku jiraan guddoonka baarlamaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
[email protected]