25 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo maanta saxiixay sharci muhiim ah + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay sharciga lagu aasaasayo Hay’adda Naafada Qaranka oo si gaar ah ugu adeegi doonta dadka naafada ah ee Soomaaliyeed.

Munaasabad ka qabsoontay Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Madaxweynuhu ku saxiixay Sharcigan, wuxuuna Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare uga mahadceliyey ansixintiisa, isagoona xusay inay jiraan 29 Hindise-sharciyeed oo horyaalla Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ay tahay inay meelmariyaan.

“Waxaan rabaa inaan u mahadceliyo Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo lix biloood gudahood ku soo dhammeeyay shaqadan, waxaana ku dhiirrigelinayaa inay si dhakhso ah usoo dhammeystiraan Hindise-sharciyada haray oo uu ugu horreeyo hindise-sharciyeedka Xaqsiinta Ciidamada Qalabka Sida.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa horraantii Diseembar ugu baaqay Aqalka Sare inay dedejiyaan hindise-sharciyeedka dhismaha Hay’adda Naafada Qaranka, isaga oo xusay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso dadka naafada ah iyo daryeelkooda.

Munaasabadda uu Madaxweynuhu ku saxiixay sharcigan ayaa waxa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada, Guddoomiyayaasha Guddiyada Xuquuqul Insaanka ee labada Aqal iyo xubno ka socdey Ururrada ay ku midaysan yihiin Naafada Soomaaliyeed.

Taliyaha ciidamada badda oo xilka laga qaaday (Xog)

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in xil ka qaadis lagu sameeyay taliyaha ciidamada badda Soomaaliya Admiral Xasan Nuur Col Joog oo bartamihii bishii August 2018 loo magacaabay xilkan.

Xil ka qaadistan oo uu sameeyey madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaan la ogayn sababta dhabta ah ee ka dambeysa, mana sheegin madaxweynaha.

Si kastaba, ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in ay jiraan tallaabooyin baal marsan shuruucda ciidamada oo uu lagu eedeeyey inuu Taliyahu ku dhaqaaqay, inkasta oo aan weli la faafaahin.

Waxaa si ku meel gaar ah xilka taliyaha ciidamada badda loogu loo magacaabay S/Guuto Cabdi Warsame Cismaan.

Taliye Xasan Nuur, ayaa xilka la wareegay un 22-kii bishii August ee sanadkan, isaga oo beddelay Admiral; Maaddeey Sheekh Nuureey (Ufuroow), waxaana uu xilkan haye kaliya afar bilood.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Dr. Cali Ciise – Kaarkii ugu dambeeyey oo ay beesha DHULBAHANTE xoqato

Waxaa si weyn isha loogu hayaa doorashada ka dhaceysa Puntland, 8-da bisha Janaayo 2019.

Waxaa ku loollamaya musharixiin gaaraya 30, haddii aysan ka badneyd, balse wali ma cadda murashaxa ugu cad cad xilka belidda Cabdiweli Cali Gaas.

Hase ahaatee, 48-dii saacadood ee la soo dhaafay waxaa gebi’ahaanba la wareegay ol’olaha ka socda Puntland murashax Dr. Cali Ciise Cabdi.

Maxaa sabab u ah?

Waa su’aal is weydiin mudan waxa 72 saacaood oo uu joogo Garoowe oo ay uga soo horreeyeen musharixiin ku sugnaa xarunta Puntland dhawr bilood in uu sidaas oo dhan u qariyo ama uga saameyn bato.

Waa sax, waxaa jiri kara in dadka qaar ay ku xaman karaan ama ay jirto in Nabad iyo Nolol kaalin ku leedahay, laakiin taas ma aha MARMARSIIYO, waayo, waxaa la ogyahay oo jira kuwo kale oo ay dowladda dhexe wadato sida lagu tuhmayo, waxaana ka mid ah; Cali Xaaji Warsame, Jabiye, Faarax Cali Shire, Moorgan iyo Saadaq Eenow!

Hadaba, maxaa ku gaar ah Dr. Cali Ciise Cabdi?

Waa jawaab sahlan! Dr. Cali Ciise Cabdi waa Dhulbahante, kaas oo noqon doonaya siyaasigii ugu tunka weynaa ama ugu saameynta badnaa oo Dhulbahante ah oo isu soo sharaxaya xilka Madaxweyne.

Ma aha in uu yahay musharixii ugu horreeyey oo reer Sool ah oo xilkaa u hanqal taaga, waayo? Hadda waxaa barbar socda laba musharax oo kale oo sidiisa oo kale doonaya xilkaas, laakiin maxay tahay baaruudda uu dheer yahay?

Dr. Cali Ciise Cabdi waxaa ku gaar ah in uu yahay siyaasiga qura ee haysta kalsoonida beesha uu ka soo jeedo oo uu ku kasbaday dhisiddii Khaatumo State iyo waliba go’aankii dambe ee uu Cali Khaliif Galaydh ugu khilaafay in lagu biro Somaliland oo uu ugu dambayn Galaydh ka dhabeeyey!

Sidoo kale, Dr. Cali Ciise Cabdi waxa uu halgan dheer u galay sidii uu gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ugu sameyn lahaa maamul ka madax bannaan Somaliland iyo Puntland, walow uu mar walba Garoowe u arkayey meel ay Dhulbahante wax ka dhisteen oo haddii xorreynta Sool la xaqiijiyo laga wada hadli karo masiirka Khaatumo iyo Puntland.

Taas oo ay jirto, is sharaxaadiisa kaddib, Dhulbahante oo dhan si weyn ayey isu garab taageen oo waxaa ka go’an in uu xilkaas qabto.

Dhulbahante oo xoqonaya kaarkii ugu dambeeyey ee Hartism?

Ma dhicin inta taariikhda la xusuusto Dhulbahante isku raacay hal siyaasi, is sharaxaadda Cali Ciise Cabdi waxa ay si xooggan u mideysay Dhulbahante oo doonaya ugu dambeyn in ay Laascaanood dib ugu soo celiyaan gacantooda iyo Puntland.

Hore waxa ay tabasho ka qabeyn beesha Maxamuud Saleebaan ama Majeerteen oo ay ka dareemeen in aysan daacad ka ahayn xorreynta gobolka Sool.

Taas oo jirta, Dhulbahante waxaa la hubaa in hadda 90% ay la socdaan ama ugu yaraan ay garowsiyo u hayaan Somaliland, haddii ay Puntland dooran weyso siyaasigoodii ugu weynaa oo ku soo dhiiraday in ay 10% hartayna si rasmi ah uga siiban doonaan Puntland.

Waxaa xaqiiqo ah, in Dr. Cali Ciise Cabdi yahay kaarkii ugu dambeeyey ee Dhulbahante ay Puntland ka xoqdaan!

W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad
Muqdisho, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Daawo: Faroole oo si xun u bah-dilay Cabdi Weli Gaas

Garoowe (Caasimada Online) – Shir Jaraa’id oo uu shalay Garoowe ku qabtay ayuu Madaxweynihii hore ee Puntland Dr. Cabdiraxmaan Shikeh Maxamed Maxamuud Faroole uga hadlay qodobo muhiim ah.

Waxyaabaha uu Faroole ka hadlay waxaa ka mid ahaa doorshada Puntland ka dhaceysa 8-da Janaayo 2019, oo ku beegan labada toddobaad ee soo socda, xulista xubnaha baarlamaanka iyo xallinta khilaafaadka.

Hase ahaatee, Faroole qeybaha dhexe ee shirkiisii jaraa’id waxa uu ku tuntay Cabdiweli Cali Gaas oo uu qiimeyn qodobeysan ku sameeyey waxyaabihii uu qabtay shanti sano ee uu talada Puntland hayey.

Faroole waxa uu warbaahinta u soo bandhigay lana wadaagay maashiircdii uu ku wareejiyey Gaas markii uu kaga adkaaday doorashadii 2014.

Mashaariicdaas oo dhammaatood heshiisyadooda la saxiixay waxaa ka mid ahaa madaarka Boosaaso, Garowe iyo Jaamacadda Maakhir ee Badhan.

Sida uu Faroole xaqiijiyey ma jirto mashruuc kale oo weyn oo uu Gaas intii uu talada hayey meelmariyey, waxaa intaa u dheer in uu ku eedeeyey inuu musuq maasuqay dhaqaalaha kuwii hore loo saxiixay sida garoonka diyaaradaha ee Garowe.

Muxuu Gaas qabtay oo uu Faroole u qiray?

Faroole oo qoslaya ayaa sheegay in uu Idaacadaha ka maqlo Gaas oo ku faanaya in uu hirgaliyey barnaamijka goleyaasha deegaanka (City councils) ee lagu dhisayo kaabeyaasha dhaqaalaha ee loo yaqaan GPLG, hase ahaatee, Faroole waxa uu caddeeyey in iska daa Gaas uu mashruucaas jiray markii uu isagu Cadde Muuse (UAN) uu xilka kala wareegay.

Waxaa qosol badnaa markii uu Faroole sheegay in uu Gaas fuliyey ama qabtay oo loo qirsan yahay dhisidda Suuliyo/musquliyo tuulooyinka laga dhisay! Faroole oo dhoolla caddeeynaya ayaa sheegay in shaqadaas ay islaamaha xataa ku filan yihiin!

Hoos ka daawo Faroole

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

Safiirkii hore ee Turkiga ee Somalia oo xil cusub loogu soo magacaabay Somalia

Hargeysa (Caasimada Online) – Dawladda Turkiga ayaa ergey gaar ah u magacowday wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, oo hadda ku jira hakad. Sidaas waxaa Caasimada Online u xaqiijiyay ilo diblomaasiyadeed oo xogogaal ah.

Danjire Dr. Olgan Bekar, oo ahaa safiirkii hore ee Turkiga u qaabilsanaa Soomaaliya oo ay bishan ka dhammaatay mudadiisii xil hayneed, ayaa markii uu ku noqday dalka Turkiga waxa loo magacaabay ergayga cusub ee wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya.

Safiirka Soomaaliya u qaabilsan Turkiga Danjire Jaamac A. Maxamed, ayaa danjire Dr. Olgan Bekar ku bogaadiyay xilka loo magacaabay, waxaana farriin uu diblomaasigan Soomaaliga ahi ku qoray bartiisa twitterka ku sheegay in dawladda Soomaaliya ay danjire Dr. Olgan Bekar ka taageeri doonto hawsha cusub ee wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya ee loo magacaabay.

“Farxad ayay ii ahayd inaan danjire Olgan Bekar ku qaabilo Ankara.” Ayuu yidhi, isagoo raaciyay intaas, “Wuxuu qiimo u lahaa xidhiidhka Soomaaliya iyo Turkiga, waxaanan u balan qaaday taageeradayada xilkiisa ah ergayga cusub ee Turkiga ee wada hadalada Dawladda Soomaaliya iyo Somaliland.”

Xukuumadda Somaliland, ayaan weli ka hadal magaacaabista ergaygan Turkiga.

Waxase la isweydiinayaa doorka Turkigu wakhtigan ku leeyahay wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya oo istaagay, iyadoo ay Somaliland hore u sheegtay inaanay la dhacsanayn dhexnimada Turkiga ee wada hadalada labada dhinac.

Madaxweyne Biixi iyo Madaxweyne Farmaajo, ayaa horaantii sannadkan intii aanay wada hadaladu burburin waxay isla garteen inay Djibouti ku yeeshaan kulan daah-furis loogu samaynayo dib u bilaabista wada hadalada Hargeysa iyo Muqdisho.

Biixi iyo Farmaajo, ayaa sidoo kale iyadoo ay diblomaasiyiin shisheeye u kala dab qaadayeen waxay isla garteen in Switzerland martigeliso wada hadalada oo laga soo wareejiyo Turkiga.

Turkiga, ayaa la sheegay inaanu jeclaysan talaabadaas lagaga wareejiyay wada hadalada, waxaanu xidhiidho la sameeyay Somaliland iyo Soomaaliya. Lamase oga in Turkigu hadda go’aansaday inuu soo ceshado doorkii uu ku lahaa wada hadaladaas iyo inuu doorkiisii fududaynta madasha wada hadalada u bedelayo door dhexdhexaadiye.

Caasimada Online
Xafiiska Istanbul
[email protected] 

Somaliland oo war ka soo saartay heshiiska ay DF la gashay dowlada Shiinaha

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay heshiiska ay Dawladda federaalka Soomaaliya la gashay Shirkadaha Shiinaha laga leeyahay ee ku bahoobay COFA, kaas oo ay Soomaaliya ugu saxeexday inay ka kalluumaystaan badda Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon, ayaa yidhi “Waanu ka war haynaa, oo waanu maqalnay inay Dawladda Soomaaliya heshiis la gashay Shirkado kaalluumaysi, laakiin heshiisyadaasi inaga inama khuseeyaan, Dawladda Soomaaliyana waa u nacasnimo inay Shirkado heshiis kula gasho Bad iyo Xeebo aanay ka talin”

Waxa uu hadalkiisa ku dara “Baddeena iyo Xeebaheena inaga ayaa ALLE sokadii ka taliya, oo maamulna, dal iyo cid kale oo ku soo xad gudubtana raali kama nihin, mana yeelayno, waxaana xaqiiqo ah inaynu nahay dal jira oo ilaashanaya xadka baddiisa, waxaana inoo jooga Ciidankeena Badda, oo cadaw kasta iyo cid kasta oo xad gudub inagu soo sameeysa ka difaacaya”.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa sidoo kale ka hadlay halka uu ku dambeeyey maamulkii Hawada Soomaaliya oo ay si buuxda ula wareegtay dowladda iyo Xukuumad ahaan waxaa uga qorsheysan.

Faratoon ayaa yidhi “Horta ALLE sukadii inaga ayaa iska leh Hawadeena, Baddeena, iyo Dhulkeena, inaga ayaa ilaashanayna, maamulka Hawadeena in Soomaaliya laga maamulana waxaynu raali ka nahay, oo aynu ogol nahay maaha, maxaa yeelay Soomaaliya inooma taliso, isku dalna ma nihin, ee laba dal oo jaara ayeynu nahay, laakiin caqabadaha caalamiga ah ee dalkeena Somaliland haysta ayaa keenay in maamulka hawadeena Soomaaliya lagu wareejiyo, laakiin waxaynu raali ka nahay maaha, dibna weynu u soo ceshan doonaa’

“Waxaa jira heshiiskii ahaa in laba dalba wada maamulan hawada, laakiin heshiiskaasi si cad bay Somaliya u jabisay, Xukuumad ahaan iyo Dawlad ahaanba waxaynu ku dadaalaynaa inaynu dib u soo ceshano maamulkii hawadeena, Dawladda Somaliya xaasidnimo iyo xiqdi kasta oo ay inala daba socoto waxba inagu yeeli mayso”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected] 

Sarkaal ka tirsan ciidanka militariga Somalia oo lagu dilay degmada Waaberi

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil ka dhacay degmada Waaberi ee gobolka Banaadir, kaasi oo loo geystay sarkaal ka tirsanaa ciidamada Meletariga Soomaaliya.

Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Gaashaanle Dhexe Cabdi Maxamed Culosow “Cabdi Madoobe” waxaana lagu dilay xaafad ku taala degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.

Kooxaha dilka geystay ayaa ka baxsaday halka uu dilka ka dhacay, waxaana wararka ay sheegayaan in labo kamid ah ilaaladiisa ay ka maqnayeen Cabdi Madoobe markii la dilayay.

Cabdi Madoobe, ayaa mar isku soo sharaxay guddoomiyaha degmada Waaberi, waxaana uu caan ka ahaa xaafadda Horseed ee degmada Waaberi, iyadoo dadkii dilka geystay aanan la ogaan ilaa iyo hadda.

Maamulka degmada Waaberi ayaa sheegay in ciidamo ka baxay saldhiga degmada ay wadaan baaritaanka la xiriira sida dilka uu u dhacay.

Caasimada Online
Xafiisa Muqdisho
[email protected]

Wararkii ugu dambeeyey ee doorashada Puntland

Garowe (Caasimada Online) – Waxaa maanta la filayaa in la shaaciyo xildhibaanada baarlamaanka Puntland oo maalmihii ugu dambeeyay lagu soo dooranayay deegaanada maamulkaasi.

Xildhibaanada ayaa waxaa soo xulayay odayaasha deegaanka ay matalayaan, waxaana walaac laga muujiyay hanaanka lagu  soo xulay kuraasta xildhibaano badan oo golaha wakiilada kamid ah.

Xildhibaanada baarlamaanka Puntland ayaa ka kooban 66 xildhibaan, waxaana maanta marka la shaaciyo xildhibaanada kadib ay gali doonaan isku diyaarinta doorashada guddoomiyaha baarlamaanka Puntland.

Doorashada Guddoomiyaha kadib waxaa la filayaa inay isku diyaariyaan soo xulista guddiga doorashada madaxweynaha, iyadoo kama dambeys 8 Janaayo doorashada madaxweynaha ay ka dhici doonto magaalada Garowe.

Inka badan 25 Musharax ayaa u taagan xilka madaxweynaha Puntland, waxaana dhamaantood ay doonayaan in midkood uu qabtaa xilka madaxweynaha, waxaa musharixiinta kamid ah C/Welli Gaas oo horey u shaaciyay inuusan isa sharaxi doonin.

Caasimada online
Xafiiska Puntland
[email protected]

Saraakiil Soomaali ah oo dhoolatus ciidan uga qeyb galaya dalka Sacuudiga

Riyadh (Caasimada Online) – Magaalada Jidda ee dalka Sacuudiga waxaa shalay ka bilowday dhoolutus ciidan oo ay ka qeyb galayaan ciidamo badan oo ka socdo dalalka ku xeeran Badda Cas.

Ciidamo badan ayaa ka qeyb galaya dhoolutuskaasi oo loogu magac daray HIRKA KOOWAAD EE BADDA CAS, waxaana ay ka socdaan dalalka Sacuudiga, Sudan, Jabuuti, Masar, Urdun iyo Yemen.

Saraakiil ka socoto Meletariga Soomaaliya ayaa la sheegay inay ka qeyb galayaan dhoolutuskaasi ka dhacaya dalka Sacuudiga, sida ay baahiyeen wakaaladaha wararka ee kasoo baxaya dalka Sacuudiga.

Inkastoo aysan jirin qoraal dowladda Soomaaliya ay ku shaacineyso ciidamadaasi kaga qeyb galaya dhoolutuska haddana General Saqar Al-xarbi ayaa sheegay in ciidamadaasi ay ka shaqeyn doonaan Danaha Dowladaha ku teedsan Badda Cas iyo sidii loo joogteyn lahaa Carbiska Wadajirka ee dalalkaasi.

Si kastaba ha ahaatee, Boqorka dalka Sacuudiga, Salmaan Bin C/casiis waxa uu bishan December 12-dii kulan la yeesho Wasiiro ka kala socday dalalka Mandiqadda, waxayna Aragti ahaan isku raaceen in la dhiso Urur-gobaleed ay ku mideysan yihiin dalalka Badda Cas.

Caasimada Online
Xafiiska Sacuudiga
[email protected]

Yaa ku guulaysan doona doorashada Puntland?

Hoos ayaan ku falanqayn doonaa doorashada Puntland ee 2019-ka iyo qofka ku habboon in la doorto laakiin marka hore sheeko yar.

Buur baa waa’ foolatay

Waxa la yiri Buur baa waa’ foolatay. Saa waxay dhashay Jiir ama Doolli, qofba siduu u yaqaan. Dadkii way yaabeen waxayna dhaheen suuragal ma aha in adiga oo sidaa u wayn oo uurka wayn lahaa muddada shanta sano ah, annaguna aan hanka wayn kuu qabnay, aad dhasho jiir yar.

Sheekadaan waa sheeko dheer oo xiiso badan, insha Allah mar kale ayaan dhamaystiri doona, laakiin sida buurtu hanka uga jabisay dadkii degaankeeda ayaa hadda dadka reer Puntland waxay aad uga wel-welsan yihiin in doorashadaanina sidii tii 2014-ka ay hanka uga jabin doonto.

Xaalka Puntland hadda ku sugan tahay 

Waxaan ognahay sida loogu khasaaray wixii ka dhashay doorashadii 2014-ka. Puntland maanta waxay fadhidaa gebi cidla’ ah. Dhaqaalaheedii waa bur-buray, ammaankii faruhuu ka baxay, waxbarashadeedu tayo fiican ma leh, qabiil walba maduxuu iskula jiraa oo waxay isku haystaan xildhibaanadii beeshooda u fariisan lahaa baarlamanka Puntland, degaannada qaarkoodna waxa ka jira colaad ka dhex taagan qabaa’ilka wada dega.

Dhanka kale, waxaa maamulka Cabdiwali Gaas hareeyay musuq-maasuq xad dhaaf ah, naas nuujis xigaalo, maamul xumo, isla xisaabtan la’aan, iyo khayraadkii badda iyo dhulka Puntland oo uu si sharci darro ah gacanta ugu galiyay dawlado shisheeye iyo shirkado calooshood u shaqaysta yaal ah oo Madaxwayne Cabdiwali Gaas uu isagu dullaal ka yahay, laakiin dadka deer Puntland aysan waxba ka intifaacsan.

Halkan ka akhri faah-faahin ku saabsan musuq-maasuqa hareeyay xukuumadda Cabdiwali Gaas (runaway corruption, nepotism, and inefficiency) by Dr. Abdullahi Y. Muse, (Abdiwali Gaas a shameless incorrigible betrayer of his nation), (Gaas-and-the-floundered-presidency) sida ay ku qoreen website-ka Wardheernews, Osman Hassan, iyo Faisal Rooble. 

Ballanqaadyadii uu Madaxwayne Gaas fulin waayay 

Madaxwayne Cabdiwali Gaas wuxuu buriyay ballamihii uu galay  dhammaadkii 2013-ka markii uu u tartamayay madaxwaynanimada.

Tusaale ahaan wuxuu ballan qaaday inuu xorayn doono goballada (Sool, Sanaag, iyo Cayn) oo Somaliland ka haysato Puntland, inuu mashaariic horumarineed oo dhaqaalaha gobolka kor u qaada hirgalin doono, inuu tayada waxbarashada kor u qaadi doono, inuu ammaanka sugi doono.

Laakiin  ballanqaadka ugu wayn ee uu ku fashilmay Madaxwayne Gaas waxuu ahaa kan uu yiri dib isuma soo sharrixi doono doorashada 2019-ka. Waraysiyo laga qaaday Madaxwaynaha sanadihii 2014 ilaa 2017-kii wuxuu isagoo kalsooni muujinaya si cad u sheegi jiray inuusan dib dambe isu so sharrixi doonin marka waqtigiisu dhamaado. Wuxuu dhihi jiray aniga ujeeddadaydu ma aha jago, ama lacag ee waxa keliya ee aan rabaa waxa weeye inaan hormariyo dhaqaalaha, waxbarashada, iyo  amaanka Puntland, iyo inaan dhallin yarada shaqo u abuuro, musuqana la diriro, horumariyo nidaamka dawlad wanaagga,  iyo sarraynta iyo ka dambaynta sharciga.

Madxwaynuhu wuxu yiri, wax kaleba yeelkoode haddii aan fulin waayo ballanta ah hal-qof-hal-cod, inaan noqon doono qof xukunkiisu fashilmay. Halkan ka dhagayso Ballamihii uu galay Madaxwayne Gaas 2014-kii laakiin uu ku fashilmay. Markii la gaaray 2018-kii ayuu bilaabay inu dhaho markii la gaaro xilliga doorasada ayaan sheegi doonaa inaan mar kale tartami doono iyo in kale.

Hadda oo la gaaray xilligii doorashada, wuxuuna Madaxwayne Gaas ku dhawaaqay 18-kii December 2018 inuu dib isu soo sharraxay (Gaas oo ku dhawaaqay inuu mar kale isa sharraxayo ) iyadoo aysan jirin wax mashaariic ah oo uu sameeyay oo sababi kara in dib loo soo doorto, isla markaana aan u aaba yeelin ballamihii uu hore u qaaday oo uu fulin waayay.

Waxaa is waydiin leh ma la rumaysan doonaa wax dambe oo uu sheego Madaxwayne Gaas iyo ballan dambe ee uu qaado maadaama uu ka baxay ballamihii hore oo dhan, kuwaasoo uu isagu afkiisa isku xukumay inu noqonanyo qof fashilmay haddii uu fulin waayo!!!

Dambiyo waa-wayn oo Madaxwayne Gaas ka galay Puntland/Soomaaliya

Boobka Khayraadka Puntland 

Puntland waxaa ka buuxa khayraad tiro badan oo aan wali la soo saarin kuwaasoo ay ka mid yihiin kalluun, shidaal, iyo  macaadin kala duwan oo kulligood ah gancsi gal.  Sidaasoo ay tahay dhaqaalaha Puntland aad ayuu u hooseeyaa, dhallinyaradii waxaa haysta shaqo la’aan baahsan, tayada nolosha dadkuna aad bay u liidataa. Sababtuna waxay tahay khayraadka Puntland waxaa si sharci darri ah u qaata dawlado shisheeye iyo shirkado calooshood u shaqaysta yaal ah.

Wa ayaan darro in masuuliyiinta ay ku qanacdo inay qaataan lacag yar oo markay ugu badato gaaraysa dhowr malyan oo dollar halka waddamada iyo shirkadaha shisheeyuhu ay ka la baxaan Puntland khayraad gaaraya balaayiin dollar.

Maxaa laga qabtay dekaddii Boosaaso?

Waxaa kale oo is waydiin leh maxaa laga faa’iday dekeddii Boosaaso ee uu ku wareejiyay Imaaraatka. Waxay ahayd in shaqada lagu bilaabo sannad gudihiis. Labo sano ku dhowaad ka dib, wax horumarin ama dhisma ah lagama qaban dekadda Boosaaso. Halka ganacsatada lagu kordhiyay canshuurihii laga qaadi jiray badeecooyinka ka soo dega dekedda. Waxaa la dhihi karaa cidda keliya oo ka faa’idday waa shirkadda la wareegtay maamulka dekadda.

Lunsasho hanti guud

Cabdiwali Gaas aad baa loogu han waynaa markii la doortay 2014-kii waxaaana la filayay inuu noqdo hoggaamiye horumariya Puntland isagoo adeegsanaya qoonta iyo khibradda uu sheegtay inuu u leeyahay maamul wanaagga (good governance), kobcinta dhaqaalaha, uruurinta canshuuraha, iwm. Hase yeeshee, shantii sano ee uu xukunka hayay waxaa lagu eedeeyay inuu si gaar ah u lunsaday hanti badan oo dalal dibadda ah (sida Kenya, Zambia, Ethiopia, iyo UAE) uu gaystay.

Gaas wuxuu soo gatay warshad lagu sameeyo lacagta Shilling Soomaaliga.

Cabdiwali Gaas wuxuu Puntland iyo Soomaaliyaba ka galay hal dambi oo aad u wayn, kaas oo curyaamiyay dhaqaalihii Puntland, sababayna in ganacsatadii reer Puntland ay isaga cararto Puntland maadaama ayasan la tartami karin ganacsatada isticmaasha dekadaha Berbera iyo Muqdisho.

Samaynta lacag sharci darro ah waxay keentay in sicir barar xad dhaaf ah ku yimaado badeecooyinkii yaallay suuqa, isla markaana uu qiimo jabo wayn ku yimaado Shilling Soomaaligii. Waxaa is waydiin leh sidee u dhici kartaa inuu lacag sharci darro ah daabacdo nin ku faanaya inuu ku takhasusay cilmiga dhaqaalaha.

Dawladda ugu awood ciidan iyo dhaqaale wayn dunida maanta aan ku nool nahay wa tan Maraykanka iyadana Madaxwaynaheedu awood uma leh inuu soo gato warshad lacagta lagu sameeyo oo markii uu rabo ku daabacdo wixii lacagoo uu u baahdo.

Cabdiwali Gaas wuxuu mudan yahay in maxkamad sharci la hor keeno oo uu xabsi u galo lacagta uu sida sharci darrada u samaystay iyo bur-burka dhaqaale eeka  dhashay arrintaas.

Since Mr. Gaas is a Somali native and a naturalized U.S. citizen, he is subject to criminal justice laws in both countries. Printing fake money is a serious crime anywhere in the world. Therefore, both the U.S. government and the Somali government are under legal obligation to bring Mr. Gaas to a court of law for printing counterfeit Somali Shilling notes.

Ma aha in Cabdiwali Gaas lagu abaal mariyo in mar kale la soo doorto si uu u sii lunsado hanti kale, dhaqaalaha Puntland u baabi’iyo. 

Yaa faa’iida ku qaba in Cabdiwali Gaas dib loo soo doorto?

Dadka keliya ee faa’idada ku qabi kara in dib loo soo doorto Cabdiwali Gaas waa dadka hadda u shaqeeya xukuumaddiisa. Waxayse san ogayn in haddii Cabdiwali Gaas dib loo soo doorto aan wax badan iska baddali doonin dhismaha dawladdiisa. Isla waziirada, ku xigeenada, agaasimayaasha, shaqaalaha madaxtooyada, iyo madaxda ciidamada ee hadda la shaqeeya xukuumaddiisa ayay u badan tahay inay soo noqdaan. Waxa laga yaaba inuu dhowr waziir midba mid kale ku baddalo, umana badna inuu wajiyo badan oo cusub ku soo kordhin doono dhismaha dawladdiisa. Sidaa awgeed dadka u hanqal taagaya inay jago ka helaan dawladdiisa haddii dib loo soo doorto way ku hungoobi doonaan.

Dhanka kale, haddii Madaxwayne cusub la soo doorto, wuxuu soo dhisi doonaa dawlad hor leh oo ay hoggaaminayaan wajiyo cusub oo ka kala imaanaya qaybaha kala duwan ee bulshada Puntland. Sidaa awgeed, qofkii rajo ka qaba inuu ka mid noqdo maamulka shanta sano ee soo socota waxaa u fursad wanaagsan inuu tageero murashax cusub.

Yaa badbaadin kara Puntland 

Puntland waxa badbaadin kara qof ay ku wayntahay:

  • Waddani aamninsan midnimada iyo horumarka Soomaaliya
  • ka han iyo himilo wayn dan gaar ah
  • aan rabin inuu boobo hantida guud , laaluushna qaadan
  • khibrad u leh maamul wanaag , lehna ammaano iyo hufnaan
  • iskala sarreeya ku dhaqanka qabyaaladda
  • aan xigaalo iyo xidid si sharci darro ah u naas nuujin
  • leh shakhsiyad wanaagsan, dhaqan wanaagsan, aqoon sare, iyo cadaalad.

Markii aan aad u daraaseeyay murashixiinta hadda tar-tamaya oo dhan waxaan si kalsooni buuxda ku jirto u oran karaa, qofka keliya ee leh sifooyinkaas kor xusan oo dhan iyo kuwa kale oo badan oo iyaguna wanaagsan, inuu Cali Xaaji Warsame yahay nin si buuxda ugu qalma inuu hoggaamiyo Puntland iyo waliba Soomaaliyaba.

Maxay u tar-tamayaan murashixiin badan oo og inaysan guulaysanayn?

Qaar badan oo murashixiinta ka mid ah way og yihiin inaysan soo baxayn laakiin waxay rabaan inay qalqaalsadaan oo ay ka helaan dawaladda cusub jagooyin: sida waziir, ku xigeen waziir, agaasime, ama wax la mid ah. Qaar kalena waxaa tar-tanka soo geliyay Cabdiwali Gaas si uu ugu kala jabiyo awoodda qaar ka mid ah murashixiinta leh furasad fiican inay guulaystaan.

Taageero ku salaysan mabda’

Badanaa taageerada dadkeenu waxay ku salaysan tahay saaxiibtinimo, qabiil, ama dan gaar ah. Laakiin anigoon la qabiil ahayn, dan gaar ahna ka lahayn taageeriddiisa, ayaan haddana waxaan ku taageerayaa murashax Cali Xaaji Warsame, fikir, ama qadiyad aan aamminsahay inaan wadaagno darteed. Qaddiyaddaas oo ah ilaalinta midnimada iyo wada jirka dalka iyo dadka Soomaaliya, dhisidda xukuumad loo dhan yahay oo aan ku salaysnayn qabiil iyo qof jeclaysi, iyo  danta guud oo laga hormariyo tan gaarka ah.

waxaan aamminsanahay in murashaxiinta hadda tar-tamaya uusan ku jirin mid ka daacadsan, ka waddanisan, ka ethics wanaagsan, ka khibrad shaqo wanaagsan, ka aqoon maamul wanaagsan, kana ammaano wanaagsan murashax Cali Xaaji Warsame.

Cali Xaaji Warsame wuxuu waxbarashadiisa ilaa heerka kowaad ee jaamacadda (Bachelor) ka dhigtay machadkii SIDAM, ka dibna MBA ayuu ka qaatay American University in London, UK.

Wuxuu maamule ka noqday dekadda Boosaaso, ka dibna wuxuu CEO ka noqday shirkadda is gaarsiinta ee Golis. Ka dib wuxuu wasiirka waxbarashada ka noqday Puntland.

Dadkii la shaqeeyay waxay isku raceen inuu yahay nin leh ammaano, karti, aqoon, iyo dhaqan wanaagsan. 

Xiriirka Puntland iyo dawladda dhexe

Dadka reer Puntland waxay rabnaa in Puntland uu madaxwayne ka noqdo qof xiriir wanaagsan la yeelan kara dawladda dhexe ee Soomaaliya waayo haddii Soomaaliya bur-burto, Puntland ma dhisnaan karto. Waxaa dadka Soomaaliyeed dhibay madaxwayne maamul goboleed oo hadba ku hanjabaya inuu xiriirk u jarayo dawladda dhexe.

Asal ahaan yaa masuul ka ah doorashada madaxada xun

Eedda doorashada madaxda xun waxa marka koowaad leh xildhibaanada laaluushka ku soo baxa dabadeedna doorta murashaxii lacagta ugu badan siiya, waxaa kale oo eedda qayb lixaad leh ka ah oday dhaqameedyada soo ansixiya xildhibaanadaas. Haddii xildhibaanadu ahaan lahaayeen waddaniyiin ka damqanaya bur-bur iyo dib u dhaca soo gaara Soomaaliya, codkooda laaluush kuma gateen. Waxay marag ma doonta ah in inta badan xildhibaanada Puntland ah jeebkooda waxa gala uga muhiimsan tahay horumarka waddankooda, diintooda,  iyo dadkooda. Taasina waa ayaan darro ku habsatay Soomaaliya oo dhan gaar ahaan Puntland. Xalku waa in la gaaro qof-iyo-cod si laaluush ku soo bixiddu meesha uga baxdo.

Gaba-gabo

Gaba-gabadi waxaan xildhibaanada ka codsanaynaa inaysan nagu soo celin Cabdiwali Gaas iyadoo ay jiraan murashixiin kale oo aad uga waddanisan, uga daacadsan, uga turid badan Soomaaliya, kanana ammaano wanaagsan is ilaalin wanaagsan.

Haddii Cabdiwali Gaas dib loo soo doorto sii jiritaanka Puntland shaki wayn baa ku jira waayo dhinac dhulkeedii waxaa ku soo fiday oo xoog ku qabsaday Somaliland, dhanka kalena bur-bur dhaqaale, isku dhac beeleed, iyo musq-maasuq baa ku habsaday Puntland.

Waxaan leenahay u hiiliya carruurtiina iyo carruuraha ay dhali doonaan.

Allaha wayn waxaan waydiisanaynaa inuu Puntland madaxwayne uga dhigo kii danta dalka iyo dadka ku jirto.

W/Q: Axmed Bashir
Email: [email protected]
Twitter: @bashir1631

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ku dhowaaqay go’aan lama filaan ah oo la xiriira xisbiga UPD

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa si lama filaan ah caawa uga baxay xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD) ee uu hogaamiyo madaxweyne hore Xasan Sheekh Maxamuud.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook ayuu xildhibaanka ku yiri “Waxaan Maanta oo ay Taariikhdu tahay 30/12/2018 halkaan ku cadaynayaa in aan ka tanaasulay Xubinimada Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD)”

Xildhibaanka ayaa sheegay inuu xisbiga uga baxay sababo isaga u gaar ah oo uusan shaaca ka qaadin waxa ay yihiin.

“Waxaan u mahad celinayaa dhamaan Madaxda, Xubnaha iyo Taageerayaasha Xisbiga oo aan si wanaagsan usoo wada shaqaynay ahna Saaxiibo igu qaali ah. Waxaana u rajaynayaa Xisbiga Mustaqbal Wanaagsan iyo Horumar Wacan” ayuu yiri xildhibaanka.

Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa ka mid ah xildhibaanada ugu saamaynta badan baarlamanka Soomaaliya, waxaana ka bixitaankiisa xisbiga ay dhaawac xooggan ku tahay xisbigan, inkasta oo xubno kale oo saameyn leh ay weli ku jiraan.

Cabdullaahi Maxamed Nuur oo hore wasiiru dowlaha maaliyadda uga soo noqday dowladdii Xasan Sheekh ayaa dhowaan laga saaray guddiga maaliyadda baarlamanka Soomaaliya oo uu ahaa xoghayaha guddiga, kadib markii ay soo saareen warbixin musuq-maasuq xooggan ku eedeysay xukuumadda Kheyre.

Waa mid ka mid ah xildhibaanada sida adag uga soo horjeeda xukuumadda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Puntland: Dr. Cali Ciise oo is-sharaxay iyo laba arrin oo dhici kara – Hartism iyo beesha Dhulbahante oo…

Maanta ayuu si rasmi ah xaflad ka dhacday Garowe ugu shaaciyey Dr. Cali Ciise Cabdi in uu yahay musharax u taagan xilka Madaxweyne ee Puntland.

Toddobaad kahor uun ayey soo shaac baxday hanka Dr. Cali Ciise, waxa ayna noqotay lama filaan halka ay walbahaar ku abuurtay musharixiinta 30 kor u dhaafaya ee loolanka markii hore ka dhexeeyey.

Sida xogta lagu helayo, guriga uu Dr. Cali Ciise ka dagay Garowe waa mid saxmad iyo mashquul badan iyada oo ay bulshada reer Puntand dhammaan isla qireen in uu yahay shaqsiga maanta ugu habboon ee hore u sii wadi kara maamulka 21 sano jirsaday.

Walow aan la saadaalin karin in Dr.Cali Ciise sanadkan ku guuleysan doono xilka Madaxweyne ee Puntland, waxaa hubaal ah in laga dhaxli doono laba qodob natiijada ka soo baxda hoolka doorasha maalinta ay taariikhdu ku suntan tahay 8-da Janaayo 2019.

Haddii uu guuleysto, waxay guusha Dr. Cali Ciise Cabdi noqon doontaa waayo cusub oo u beryey Puntland, xiisaha ggaarka ah ee uu leeyahay waa mid is weydiin mudan? Ma musharixii ugu horreeyey oo xilkaas u tartama oo a soo jeeda Dhulbahantaa? Ma markii ugu horreeysaybaa in Dhulbahante hoggaamiyo Puntland?

Jawaabaha su’aalahaas waa MAYA! Maanta oo la joogo Dhulbahante waxaa xilkaas ugu tartamaya saddex oo uu Dr. Cali Ciise ku jiro, su’aasha labaad – Dhulbahante hore Puntland xilka Madaxweyne waa uga soo qabteen – Maxamed Cabdi Xaashi ayaa muddo dhawr bilood ah xilkaas hayey xilli looga adkaaday doorashadii xigtay tiro ka yar 6 cod.

Taas marka la fahmo, aan u daadago labadii qodob ee aan sheegay ee laga dhaxali doono waxa hoolka doorashada ka dhaca –

Qodobka Kowaad 

Ka soo qaad, guusha waxa ay maalintaas raacday Dr. Cali Ciise Cabdi – waa madaxweynihii shanaad ee Puntland, maxaa xiga?

Waxaa xigi doono in ay si toos ah laba shey oo hadda laga xishoodo dib u soo shaac baxayaan; Hartism iyo Puntland la wada leeyahay.

Puntland waa maamul ku dhisan HARTIS ama beelaha Harti ee kooban qaabilo dhawr ah oo laga xusi karo; Majeerteen (Maxamed Harti), Dhulbahante (Siciid Harti), Warsangeli (Maxamuud Harti) iyo Dishiishe (Axmed Harti).

Hartism waxa ay meesha ka baxday 2007 wixii ka dambeeyey xilligaas oo ay Somaliland la wareegtay gacan ku haynta gobolka Sool iyo qeybo ka mid ah Sanaag.

Isku dayo badan ayaa la sameeyey oo dib loogu xorreenayo Sool base waxa ay ka suuragali weysay madaxdii Majeerteen gaar ahaan Maxamuud Saleebaan ee hoggaanka isu bed bedelayey.

Waxaa ka dhashay in meesha gebi’ahaanba ay meesha ka baxdo HARTISM-kii oo ay Dhulbahante u qaataan siyaasadda Majeerteen mid ku daneysi aan dhaafsiisneyn maadama in xilka Madaxweyne ay banneeyaan rabin, dhulkii maqnaana noqdo sheeko xariiro lala soo shirtago maalmaha ol’oleyaasha doorasho!

Waxaa Iyana quustay oo la waayey sheekadii ahayd Puntland la wada leeyey. Caadiyan Puntland waxaa wada dhistay beelaha Harti ee aan meesha ku xusay iyo qyebo ka mid ah Daarood Weyne sida Leelkase, Awrtable iyo Jambeel.

Xukunkii oo soo dhaafi waayey Maxamuud Saleebaan oo ah jifi ka mid ah Majeerteen waxa ay keentay iska daa Puntland ay wada leeyihiin beelaha kor ku xusan ee wada dhistay, xataa waxaa isku nacay Majeerteen dhexdiisa.

Haddii Cali Ciise soo boxo, waxaa dib u istaagi doona labaddii tiir ee lagu aslay Puntland markii 1998 dhidhibada loo aasay –HARTISM iyo Puntland la wada leeyahay.

Qodobka Labaad

Dhulbahante oo midooba, taas waxa ay Iyana u gogol xaari doontaa gobolka Sool oo si sahlan oo aan dagaalba ka dhicin dib ula midooba Puntland inteeda kale.

Gobolka Sool oo ah xuduntii Dhulbahante aadna ahmiyad ugu leh Puntand ilaa iyo 2007 waxaa gacanta ku haya Maleeshiyo beeleed ka gadooday siyaasadda HAGBADDA ah ee Puntland iyo Somaliland oo gacan saar la leh.

Haddii Dr. Cali Ciise oo ah maanta shaqsiga ugu sumcadda badan beesha Dhulbahante noqdo Madaxweynaha Puntland waxa ay soo de dejin doonta midowga reer SSC iyo Laascaanood oo dib loo xorreeyo.

W/Q: Xuseen Muuse Guuleed
Nairobi, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Wararkii ugu dambeeyay ee askartii Ethiopia ee lagu qabtay dagaal beeleedka

Gelinsoor (Caasimada Online) – Wararka caawa naga soo gaaraya deegaanka Kaxandhaale ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamada Ethiopia oo lagu qabtay dagaal beeleed ka dhacay deegaanka, maanta gelinkii dambe la wareejiyay.

Ciidamada Ethiopian-ka oo labo askari ahaa ayaa loo diiday in lagu wareejiyo dowladda Soomaaliya, iyadoo odayaasha deegaanka ay isla garteen in askartaasi si nabad ah loo wareejiyo, maadaama ay bixiyeen xog ku saabsan sida ay dagaalka kusoo galeen.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamada loo gacan geliyay ciidamada Liyuu boolis oo ku sugan dhulka dowlad deegaanka kadib is afgarad dhex maray odayaasha deegaanka lagu dagaalamay.

Wararka ayaa sheegaya in sidoo kale la wareejiyay hubkii ay ku dagaalamayeen ciidamada dagaalka lagu qabtay, waxaana caawa kulamo gaargaar ah ay ka socdaan deegaanka.

Wasiirka arimaha gudaha ayaa doonayay in ciidamadaasi lagu wareejiyo dowladda Soomaaliya si dowladda ay ugu wareejiyo dowladda Ethiopia, balse qorshahaasi waxaa ka hor yimid odayaasha dhaqanka.

Deegaanka ayaa waxaa hadda ka bilowday dhexdhexaadin beelaha ku dagaalamay Kaxandhaale oo dhul daaqsimeed isku haya.

Caasimada Online
Xafiiska Galmudug
[email protected]

15 musharaxiinta Puntland ka mid ah oo soo saaray go’aanno culus (Daawo)

Garoowe (Caasimada Online) – Ilaa 15 musharax oo u taagan qabashada xilka madaxweyne ee Puntland ayaa shir ay ku yeesheen magaalada Garoowe waxa ay uga hadleen arimo la xiriira amaanka doorashada, go’aamadii kasoo baxay gudiga amniga.

Musharaxiintan ayaa ka digay in la isku dayo in la hor-istaago shirarka iyo kulamada musharaxiinta iyo xuquuqda ay u leeyihiin in ay dadka la hadlaan.

Waxa ay sheegeen in loo baahan yahay in layska kaashado amaanka inta ay socoto doorashada iyagoona gudiga amniga faray in ay xiriir la yeeshaan ilaalada musharixiinta xilka madaxweyne ee Puntland.

Shirkooda jiraa’id ayay sidoo kale ku baaqeen in laga fogaado waxkasta oo carqaladeyn kara habsami u socodka doorashada iyagoona si gaar ah farta ugu goday faragelin ay ka digeen in lagu sameeyo doorashada Puntland.

8 january ayaa loo balansan yahay in Puntland ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha waxaana marba marka ka dambeysa sii kordhaya loolanka ay musharixiintu ugu jiraan ku guuleysiga kursiga madaxweyne ee Puntland.

Hoos ka daawo go’aanada lasoo saaray

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected] 

Warbixin: Sida uu u dhacay iyo cidda fulisa weerarkii lagu dilay gudoomiye ku…

Matabaan (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar jidgal ah oo lagu dilay guddoomiye ku xigeenkii degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa.

Weerarka lagu dilayGuddoomiye ku xigeenkii degmada Matabaan Faarax Nuur Guure (Faarax Dheere), ayaa waxa uu ka dhacay inta u dhaxeysa degmada Maxaas iyo magaalada Baladweyne, waxaana sidoo kale u dhintay saddex askari oo ka mid aheyd ilaaladiisa.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa ka tegay degmada Maxaas, waxaana uu kusii jeeday magaalada Baladweyne, hase yeeshee rag hubeysan ayaa la sheegay inay ka rasaaseeyeen gaarigii uu watay, islamarkaana dilka kadib ay qaateen gaarigii iyo hubkii uu watay.

Ma jirto cid weli sheegatay mas’uuliyadda weerarka lagu dilay Guddoomiye ku xigeenkii degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa, hase yeeshee wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in maleeshiyo beeleed ay dileen.

Allaha u naxariistee Guddoomiye ku xigeenkii degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan Faarax Nuur Guure (Faarax Dheere) ayaa sida la sheegay ku howlanaa xalinta dagaal beeleedyada kasoo cusbonaaday tuulooyinka hoostaga degmada Maxaas.

Caasimada Online
Xafiiska Beledweyne
[email protected] 

Miisaaniyadda DF 2019 oo hab yaab leh loo ansixiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa cod wada ogol ah ku ansixiyay miisaaniyadda dowladda 2019.

174 Xildhibaan ayaa ogolaaday, ma jiro Xildhibaan ka aamusay ama diiday ansixinta miisaaniyadda dowladda 2019. Waa markii ugu horreysay ee qaabkan lagu ansixiyo sharci.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal oo kulanka shir guddoominaya ayaa sheegay in dhamaan xildhibaanada qaranka ay cod wada ogol ah ku ansixiyeen miisaaniyadda dowladda 2019.

Golaha wasiirada Soomaaliya ayaa horay ansixiyey miisaaniyadda sanadka 2019, oo gaareysa 340 milyan oo dollar.

Dawladda ayaa dhaqaalaha loogu tala galay miisaaniyadda 55.8% (189.9 Milyan) ka filaysa gudaha, 44.2% (124.6 Milyan) waxaa ay ka imaanaysaa deeqaha dawladda la siiyey.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Axmed Fiqi oo ka carooday muuqaal laga sameeyay Daylaaf, Xuseen Goleey iyo Xuseen Cali Salaad

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa qoraal jawaab ah soo dhigay Bartiisa Facebook kadib markii muuqaal laga sameeyay Ganacsato ay isku heyb yihiin, kuwaasi oo lagu weeraray muuqaalka.

Walow aanan la ogeyn halka lagu diyaariyay muuqaalka haddana Villa Somalia ayuu ku eedeeyay inay ka dambeeyaan muuqaalo maalmihii ugu dambeeyay laga sameynayay xildhibaanada ka aragti duwan xukuumadda.

Qoraalkiisa ayaa u qornaa sidan:-

Af-xumo nabadna kaa kaxaysay, colaadna waxba kama tarto.

“Kuwa Soo sameeyey iyo kuwa maalgaliyey video-yadaan akhlaaq xumadu ka muuqato ee lagu jaa’ifaynayo isla markaana lagu bartimaameedsanayo xildhibaannada kooxda Villa Somalia ka aragtida duwan iyo kuwa ganacsatada waaweyn ee dalka qaarkood lagu magac-dilayo waxey reebi doonaan dhaqan-xumo siyaasadda dalka muddo ku sii jiri doonta”

“Dadku waa ay dareemi karaan mashruucaan gurracan ujeedada ka danbeysa balse waxaa nasiib wanaag ah in la fahmi karo dulucdiisa waxa uu xambaarsan yahay oo u badan naceyb iyo cuqdad oo ah laba cudur oo qofkii ay ku dhacaan ay adag tahay In laga daweeyo”

“Waxaa intaas ka sii daran haddii lacagta lagu maalgalinayo akhlaaq xumadaas ay noqoto tii dadka ka dhaxeysay ama magaca umadda lagu Soo qaaday”

“Waxaan raalli-gelin u diraynaa Xildhibaanada iyo ganacsatada sharafta ee sharaftooda iyo karaamadooda meesha looga dhacay, kuwaasoo waxa ay Soo qabteen dadka yaqaana ay qirsan yihiin”

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xildhibaan ka tirsanaa BF oo Xamar ku geeriyooday

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan ka mid ahaa baarlamaanka Soomaaliya ayaa la xaqiijiyay inuu ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle, oo ku magac dheeraa Korneyl Ruush ayaa la xaqiijiyay inuu ku geeriyooday magaalada Muqdisho kadib markii wadnaha uu istaagay, sida xildhibaanada baarlamaanka ay xaqiijiyeen.

Xildhibaan Ruush ayaa ka mid ahaa guddiga dastuurka ee baarlamaanka Soomaaliya, waxaana xanuunka uu kusoo booday maanta, sida ehelkiisa ay xaqiijiyeen.

Axmed Mayoow Cabdulle ayaa waxaa laga soo doortay deegaanada Koonfur Galbeed, waxaana uu kamid ahaa Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Cabdi Weli Gaas oo farta ku fiiqay musharaxa u qalma inuu ka beddalo Puntland

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland, Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa dareemaya culees badan oo kaga imaanaya musharaxiinta isbadal doonka ah ee ka qeyb galaya doorashada madaxtinimada Puntland.

Madaxweyne Gaas oo dhowaan kusoo laabtay Garoowe ayaa la kulmay qaar ka mid isimada Puntland, kuwaa oo ay ka wada hadleen sidii ay u qabsoomi laheyd doorashada, looguna wada qancin lahaa natiijada.

Gaas waxaa uu sheegay iney muhiim tahay iney Puntland horey usii socoto, wuxuu muujiyay inuu u baahan yahay in markale la doorto si uu uga guul gaaro arrimo badan oo meel dhexe u maraya.

Arrinta uga xiisaha badan ayaa aheyd inuu Gaas u sheegay odayaasha in aan isbadal-doonku dhinac qaldan uleexin Puntland, wuxuu ku yiri odayaasha “Anigu waxaan doonaya in aan dib u shaqeeyo, laakiin hadii ay dhici weyso waxaan aaminsanahay inuusan jirin qof Cabdi Faarax Siciid Juxa ka mudan inuu hogaamiyo Puntand.

Wuxuu sheegay inuu yahay Juxa nin mabda’a leh, oo aad u yaqaana qiimaha Puntland ,meesha ay maanta joogtana wax weyn ku kordhin kara.

Hadalkaan ayaa odayaasha qaar ku fasireen in Cabdiweli yahay muwaadin wali laxaw badan kaga jiro deegaanka, sidoo kale waxey fariintaan isimada ku qasbi kartaa iney aad u eegaan musharaxa ay garab istaagi karaan, oo xiligaan adag samata bixin kara Puntland.

Puntland ayaa doorasho aadi doonta 8da bisha soo aadan ee Janaayo, waxaana adag in lagu fududaado natiijada marka laga cabir qaato tirada iyo tayada musharaxiinta u taagan kursigaas.

Caasimada Online
Xafiiska-Garoowe
[email protected]

Galmudug: Ethiopia waxay na weydiiyeen meydadka kaliya, hubka iyo askarta kale waan haynaa wali

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ayaa faahfaahin dheeri ah ka bixiyay askarta u dhalatay Ethiopia oo lagu qabtay dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay deegaanka Kaxandhaale.

Wasiirka arimaha gudaha Galmudug Duraan Maxamed Samatar ayaa sheegay in dagaaladii ka dhacay deegaanka Kaxandhaale lagu qabtay askar Ethiopian ah kuwo kalana lagu dilay dagaalada.

Wuxii sheegay inay Xiriiro ay la sameeyeen taliska ciidanka Ethiopia ee ku sugan Hiiraan iyo mamulka Kililka, isaga oo sheegay inay kala hadleen ciidamada lagu qabtay dagaalka iyo kuwa lagu dilay.

“Maleeshiyada gacantooda ayay ku jireen ragga ajaaniibta ah, waan kasoo wareejinay, Meydna wuu jiraa oo Ethiopia ah, Waxaan la xiriirnay safaaradaha Ethiopia, waxaan la xiriirnay Sector 4 oo ah ciidamada Ethiopia ee Hiiraan Jooga, waxaan la xiriirnay maamulka Jigjiga, waana ku wargelinay inaan heyno xitaa meydadkooda”ayuu yiri wasiirka arimaha gudaha.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay inay diyaar u yihiin inay dowladda Ethiopia ku wareejiyaan askarta nolosha lagu qabtay iyo hubka, isaga oo sheegay in hadda askartaasi ay ku jiraan gacanta Galmudug.

“Wey Nool yihiin askarta, weyna caafimad qabaan, waan kasoo wareejinay maleeshiyaadka oo ciidamada ayaa hadda gacanta ku haya, way nala soo xiriireen waxay naga dalbadeen meydadka, waxaana u sheegnay in xitaa qalabkooda aan heyno”ayuu yiri wasiirka.

Caasimada Online
Xafiiska Galmudug
[email protected]