Galmudug: Ethiopia waxay na weydiiyeen meydadka kaliya, hubka iyo askarta kale waan haynaa wali

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ayaa faahfaahin dheeri ah ka bixiyay askarta u dhalatay Ethiopia oo lagu qabtay dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay deegaanka Kaxandhaale.

Wasiirka arimaha gudaha Galmudug Duraan Maxamed Samatar ayaa sheegay in dagaaladii ka dhacay deegaanka Kaxandhaale lagu qabtay askar Ethiopian ah kuwo kalana lagu dilay dagaalada.

Wuxii sheegay inay Xiriiro ay la sameeyeen taliska ciidanka Ethiopia ee ku sugan Hiiraan iyo mamulka Kililka, isaga oo sheegay inay kala hadleen ciidamada lagu qabtay dagaalka iyo kuwa lagu dilay.

“Maleeshiyada gacantooda ayay ku jireen ragga ajaaniibta ah, waan kasoo wareejinay, Meydna wuu jiraa oo Ethiopia ah, Waxaan la xiriirnay safaaradaha Ethiopia, waxaan la xiriirnay Sector 4 oo ah ciidamada Ethiopia ee Hiiraan Jooga, waxaan la xiriirnay maamulka Jigjiga, waana ku wargelinay inaan heyno xitaa meydadkooda”ayuu yiri wasiirka arimaha gudaha.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay inay diyaar u yihiin inay dowladda Ethiopia ku wareejiyaan askarta nolosha lagu qabtay iyo hubka, isaga oo sheegay in hadda askartaasi ay ku jiraan gacanta Galmudug.

“Wey Nool yihiin askarta, weyna caafimad qabaan, waan kasoo wareejinay maleeshiyaadka oo ciidamada ayaa hadda gacanta ku haya, way nala soo xiriireen waxay naga dalbadeen meydadka, waxaana u sheegnay in xitaa qalabkooda aan heyno”ayuu yiri wasiirka.

Caasimada Online
Xafiiska Galmudug
Caasimada@live.com