Xog: Sirdoonka dal kale oo ku lug lahaa amarkii C/W Gaas uu ku mamnuucay DF

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland taliskiisa waqtigu ka dhammaaday ayaa shalay soo saaray digreeto ay xubnaha dowladda Federaal-ka ah uga mamnuuceen in ay yimaadaan Garowe iyo magaalooyinka kale ee maamulkaas inta ay ka dhaceyso doorashada bisha Janaayo la qaban doono.

Tallaabadan oo ahayd mid hore loo sii saadaalin karay ayey Puntland ku tirisay xubnaha aan soo gali karin maamulkeeda oo kala ah; Wasiirada, shaqaalaha rayidka ah iyo shaqaalaha Villa Somalia.

Hayeeshee, waxaa wali la ogeyn in xubnaha golaha shacabka iyo Aqalka Sare oo aan digreetada lagu xusin ku jiraan liiska la mamnuucay.

Sida ay Ilo xog-ogaal ah u sheegeen Caasimadda Online, sirdoonka dowladda Imaaraadka ayaa ka dambeeyey in Cabdiweli Cali Gaas go’aankaas qaato.

Imaaraadka ayaa la sheegay in ay si weyn uga hawgalayaan Puntland oo ay sirdoonkooda toddobaadyadii tagay yimaadaan.

Xogaha la helayo ayaa sheegaya in Imaaraadka si toos ah uga qeyb qaadanayaan doorashada iyaga oo doonaya in ay xaqiijiyeen in Cabdiweli Gaas soo laabto (Qorshahooda kowaad) ama xubanaha kale ee iyaga ku matalaya dowladda oo uu ka mid yahay Cabdullaahi Siciid Deni (Qorshaha labaad).

Dowladda Imaaraadka oo dagaal ba’an kula jirta dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaa dooneysa in ay difaacato Dekedda Boosaso oo haddii musharax ka madax bannaan soo boxo ay u badan tahay in uu kala laabto qandaraaska muddada dheer ee lagu siiyey.

Sirdoonka Imaaraadka ayaa ku wargaliyey Gaas in dowladda dhexe ay dhaqdhaqaaq xooggan ka waddo Puntland si ay u soo saaraan musharax gacan saar leh.

Arrintan waxa ay ku soo beegmeysaa xili Nabad iyo Nolol lala xiriirnayo musharixinta kale ah Saadaq Eenow, Cali Xaaji Warsame, Faarax Cali Shire iyo Dr. Cali Ciise Cabdi oo la filayo inuu shaaciyo musharaxnimadiisa.

Lama oga tallaabada ay dowladda dhexe qaadi doonto iyada oo ay jirto qodob dastuuri ah oo sheegaya in Wasaaradda Arrimaha Gudaha u xilsaaran tahay doorashooyinka ka dhacaya maamul gobolleedyada.

Sidoo kale, waxaan la ogeyn, in haddii ay tagaan Garowe xubanaha Golaha Wasiiradda Puntland ku metala sida; Wasiirka Arrimaha Dibedda Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Kalluumeysiga Iyo Kheyraadka Badda Cabdillahi Bidhaan Warsame, Wasiirka Qorsheynta Jamaal Xassan, Wasiirka Dastuurka Cabdi Xoosh Jibriil iyo Wasiirka Beeraha Siciid Ciid in laga soo celin doono garoonka iyo in kale.

Waxaa xusid mudan, in Gaas ku fashilmay isku daygiisii ahaa in uu is hortaago shirkii Golaha Wasiiradda Xukumadda Federal-ka ah ku qabsatay Garowe xilligaas oo uu dagaal arrintaas ku saabsan kala kulmay Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Faroole.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
caasimada@live.com