Xaaf: Waxaan ka baqayaa in sidii Roobow oo kale ay igu dhacdo (Daawo Video)

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa muddo kadib maanta ka hadlay xaaladda Guud ee siyaasadda maamulka Galmudug, waxaana uu markale sheegay in dhibaato badan ay ku heyso dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Xaaf ayaa ugu horeyn sheegay in muddo 19 bilood ah oo uu dhisan yahay maamulkiisa wali uu dareemayo culeesaad kaga imaanayo dhanka dowladda Soomaaliya, waxaana uu xisay in waxyaabaha uu qabtay mudadaasi inuu xoog iyo maquunin uu ku qabtay.

Xaaf, ayaa si cad  sheegay in laga cunaqabateeyay dhaqaalihii ay ku sameysan lahaayeen ciidamo boolis ah, iyo dhaqaalihii ay ku dhisi lahaayeen hay’adaha kala duwan ee maamulka Galmudug.

Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya dadka ay doonto inay diyaarado ku geyso deegaanada maamulka Galmudug, iyadoo aan lagala tashan, wuxuuna tusaale usoo qaatay safarkii wasiiro xukuumadda ka tirsan ay ku tageen Cadaado.

Madaxweyne ayaa si cad u sheegay in laga soo xerxeray meel walbaa, isaga oo ku tilmaamay inuu ka baqayo in ciidamada NISA loo diro Galmudug, islamarkaana loosoo xiro sida Mukhtaar Roobow.

Wuxuu sidoo kale sheegay inay iska difaaci doonaan ciidan walbaa oo dowladda Soomaaliya ay u dirto deegaanada Galmudug, sida uu hadalka u dhigay.

Caasimada Online
Xafiiska Galmudug
Caasimada@live.com