Cabdi Weli Gaas oo farta ku fiiqay musharaxa u qalma inuu ka beddalo Puntland

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland, Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa dareemaya culees badan oo kaga imaanaya musharaxiinta isbadal doonka ah ee ka qeyb galaya doorashada madaxtinimada Puntland.

Madaxweyne Gaas oo dhowaan kusoo laabtay Garoowe ayaa la kulmay qaar ka mid isimada Puntland, kuwaa oo ay ka wada hadleen sidii ay u qabsoomi laheyd doorashada, looguna wada qancin lahaa natiijada.

Gaas waxaa uu sheegay iney muhiim tahay iney Puntland horey usii socoto, wuxuu muujiyay inuu u baahan yahay in markale la doorto si uu uga guul gaaro arrimo badan oo meel dhexe u maraya.

Arrinta uga xiisaha badan ayaa aheyd inuu Gaas u sheegay odayaasha in aan isbadal-doonku dhinac qaldan uleexin Puntland, wuxuu ku yiri odayaasha “Anigu waxaan doonaya in aan dib u shaqeeyo, laakiin hadii ay dhici weyso waxaan aaminsanahay inuusan jirin qof Cabdi Faarax Siciid Juxa ka mudan inuu hogaamiyo Puntand.

Wuxuu sheegay inuu yahay Juxa nin mabda’a leh, oo aad u yaqaana qiimaha Puntland ,meesha ay maanta joogtana wax weyn ku kordhin kara.

Hadalkaan ayaa odayaasha qaar ku fasireen in Cabdiweli yahay muwaadin wali laxaw badan kaga jiro deegaanka, sidoo kale waxey fariintaan isimada ku qasbi kartaa iney aad u eegaan musharaxa ay garab istaagi karaan, oo xiligaan adag samata bixin kara Puntland.

Puntland ayaa doorasho aadi doonta 8da bisha soo aadan ee Janaayo, waxaana adag in lagu fududaado natiijada marka laga cabir qaato tirada iyo tayada musharaxiinta u taagan kursigaas.

Caasimada Online
Xafiiska-Garoowe
Caasimada@live.com