25.3 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

MURSAL oo faah-faahiyey go’aannadii uu qaatay iyo sababta ku qasabatay

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta oo sabti ah xildhibaanada Golaha Shacabka ka horjeediyay khudbad uu kaga hadlay khilaafkii dhacay iyo hakadka ku yimid howlaha Golaha.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa khudbadiisa kaga hadlay howlaha u qabsoomay Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in khilaafkii jiray ay saameyn badan ka dhalatay, sidoo kalena ay jiraan sharciyo badan oo weli qabyo ah.

“Dalka waxaa soo maray xaalado adag oo u baahnaa in loogu gudbo si deganaan ku jirto, waxyaabaha sababay dood sharciyeed oo ay ka mid tahay qabyo_nimada dastuurka, xeer-hoosaadka oo aan dib u eegis lagu sameyn tan 2013-kii, hay’adihii garsoorka iyo fasiraadda dastuurka oo qabyo ah, qaarna aysan dhisneyn”. ayuu yiri guddoomiyaha.

Guddoomiye Mursal ayaa sheegay in marka la raadinayo xal siyaasadeed ay tahay in la qanciyo qof walba taasina ay sababtay in culeys siyaasadeed oo badan uu dhaco.

Waxa uu xusay in dadaal badan iyo soo jeed badan ka dib ay sababtay in la qanciyo cid walbo oo wax tabaneysay si niyad furana lagu wada shaqeeyo.

“Go’aanada aan qaadanay waxaa hubaal ah ineysan noqon mid garab ka qoslisa, marka la raadinayo xal siyaasadeed mar walbo waxaa lama huraan ah in la isku miisaamo oo la qanciyo aragtida kala duwan, culeys aad u weyn ayaa guddoonka iyo madaxda sare ee dalka ka soo gaartay sidii xal loogu gaari lahaa, waxaa suura gal ah in aragtida lagu kala duwanaado laakiin waxaa nahay dhamaanteen xildhibaanada Golaha Shacabka”. ayuu yiri guddoomiye Maxamed Mursal.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa sheegay in khilaafkii dhacay laga qaadanayo cashar weyn oo looga nabad geli doono inta ka dhiman mudada xil heynta golaha.

Sidoo kale waxa uu umahad celiyay shacabka Soomaaliyeed ee ku baaqay in khilaafka wada hadal lagu xaliyo.

“Shacabka Soomaaliyeed kuwa gudaha jooga iyo qurba joogta waxa ay muujiyeen dareen saameyn nagu wada yeeshay oo ay ku dalbanaayeen inan lagu sii fogaan khilaafka, waxaan ka qaadaneynaa isfaham waaga dhacay cashar weyn oo aan ugu nabad geli doono khilaaf kale mudada xil heynta nooga dhiman baarlamaankan 10-aad”. ayuu yiri guddoomiyaha.

Guddoomiye Maxamed Mursal ayaa sheegay inuu bogaadinayo doorka wanaagsan oo ay xildhibaanada ka qaateen khilaafkii dhacay iyo tanaasulka ay muujiyeen.

“Markii ay timaado arrin taabaneyso maslaxada iyo masiirka Ummadda Soomaaliyeed waxa ay naga sugayaan wax maslaxooda ku jirto, xildhibaanadii tanaasulka muujiyay iyo xildhibaanada iskooda isku xilqaamay ee nagu hurdo beelay waxaan leeyahay dadaalkiina waan idiin kaga mahad celineynaa masuuliyad idiin saaran ayay ahayd in umadda Soomaaliyeed aad u qabataan waxyaabaha la idiin soo doortay, sidoo kale waxaa u mahad celinayaa siyaasiyiinta iyo culima’udiinka xikmada iyo qaboojinta nala garab joogay”. ayuu yiri guddoomiye Mursal.

Dhanka kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS mudane Maxamed Mursal ayaa qiray in kalfadhigaan 4-aad ay qabteen shaqo ka badan 3-dii kalfadhi ee ka horeysay.

“Waxaa sharaf noo wada ah inan halkaan ka qiro in kalfadhigan 4-aad aan qabanay shaqo badan oo aan isku amaaneyno marka la isugu geeyo 3-dii kalfadhi ee ka horeysay, 3-dii kalfadhi ee hore waxaa la ansixiyey 3 sharci oo keliya, kalfadhigan 4-aad waxaan ansixinay 4 sharci oo kala ah Dhismaha hay’adda naafada, mihnadlayaasha caafimaadka, xuquuqda siyaasiyiinta iyo kabidda miisaanidda 2018-ka, waxaa shaqo ku socotaa oo heerar kala duwan maraya 7 sharci”. ayuu yiri guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Ugu dambeyn guddoomiyaha ayaa xildhibaanada ugu baaqay iney ansixiyaan miisaaniyadda dowladda 2019 maadaama sanadku uu dhamaad marayo.

Dhammaad.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Guddoomiye cusub oo loo magacaabay YAAQSHIID

Muqdisho (Caasimada Online) – Degmada Yaaqshiid ee Gobolkaani Banaadir ayaa loo magacaabay Gudoomiye cusub kadib markii gudoomiyihii hore degmadaasi lagu sameeyay shaqo joojin.

War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska gudoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Yariisoow ayaa lagu magacaabay gudoomiyaha cusub ee Yaaqshiid yeelanayso.

Gudoomiyaha cusuab ee Degmada Yaaqshiid maanta loo magacaabay ayaa ah Cabdiweli Cabdullaahi Maxamed, waxaana xusid mudan in gudoomiye Cabdiweli uu horaan u ahaa Gudoomiyaha degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir.

Gudoomiyihii hore ee Yaaqshiid Geedoow ayaa la sheegay in shaqo joojin loogu sameeyay sababa la xiriira musuq maasuq lagu soo eedayay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho

[email protected] 

Xog: Xildhibaano u socday Garowe oo uu ku dhacay amarkii Cabdi Weli GAAS

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheega in afar xildhibaan oo ka mid ah mudaneyaasha baarlamaanka federaal-ka ah ay shalay ku fashilmeen safar ay ugu socdeen magalaada Garowe.

Xildhibaanada oo ka mid ah kuwa laga soo doorto Puntland ayuu ujeedkoodu ahaa in ay ka qeybgalaan doorashada bisha Janaayo 8-deeda Puntland ka dhaceysa.

Hase ahaatee, sida ay noo xaqiijiiyeen ilo ku dhow, afar xildhibaan oo golaha shacaka ka tirsan, safarkaas ayaa hadda baaqday, kadib markii ay ku dhacday qabtii uu soo rogay Gaas.

Xildhibaanadan waxaa sameeyey sida muuqata go’aankii ay Puntland soo saartay shalay ee ahaa in cid dowladda ka socota aysan imaan karin Garoowe inta doorshada ay socoto.

Walow aan qoraalka lagu xusin in xildhibaanada laga mamnuucay tegidda Puntland, hadana waxaa la dareemi karay in ay qeyb ka yihiin maadama Wasiirada iyo shaqaalaha rayidka ah la magacaabay.

Ma cadda wali sida ay dowladda uga falcelin doonto go’aanka Puntland iyo tallaabada ay qaadi doonto.

Dastuuriyan, Wasiirka Arrimaha gudaha ayaa dowladda Federal-ka u qaabilsan doorashooyinka maamulada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Ma dhab baa in xilka laga qaaday Sheekh Shaakir?

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Saacadihii ugu dambeeyay waxaa soo baxayay warar aad looga hadal hayay baraha Bulshada oo la xiriira in xilka laga qaaday madaxa xukuumadda Galmudug.

Qoraal kasoo baxay maamulka Galmudug ayaa lagu sheegay inay been abuur tahay in xilka laga qaaday madaxa Xukuumadda Sheikh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Galmudug ayaa u qornaa sidan.

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa beeniyay warar been abuur ah oo ay Facebook la wareejinayaan qolyaha diidan jiritaanka iyo hormarka Galmudug kaas oo ah in Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Gelle Xaaf uu xilkii ka qaaday Madaxa Xukuumada Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir.

Waxa uu xafiiska Madaxweynaha Galmudug u xaqiijinaya shacabka reer Galmudug in ay waraaqda la wareejinayo Facebook been abuur tahay Dacaayadaas raqiiska ah ee qolyaha naf la caariga ahi wareejinayaana ay ku diidanyihiin Hormarka Galmudug

Ma jiraan wax xil ka qaadis ah waana been abuur waxa jira qolyo isku dayaya in ay qalqal galiyaan Galmudug balse waan la xisaabtami doona dadka doonaya in ay fidnada iyo qalqalka ka dhax abuuran Galmudug mana aqbali doona in sidaa daciifka ah looga faa’iideysto in qalqal la galiyo jiritaanka iyo masiirka Reer Galmudug.

Caasimada Online
Xafiiska Galmudug
[email protected]

Musharixiinta Puntland oo madaxweyne C/Weli Gaas ugu heshiiyey si hoose

Garowe (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Garowe ayaa sheegaya in kulamo gaar gaar ah ay yeesheen qaar kamid ah musharixiinta maamulka Puntland, iyaga oo ka arinsaday doorashada maalmo kadib ka dhaceyso Garowe.

Xogo aan heleyno ayaa sheegayaa in musharixiinta Puntland oo gaaraya ilaa 7 Musharax ay yeesheen kulan gaar ah, kaasi oo ay ugu midoobayaan doorashada dhawaan ka dhaceysa magaalada Garowe.

Todobada Musharax ayaa la sheegay inay ku heshiiyaan inay doorashada wareegyada ugu dambeeya ay codadkooda siiyaan musharaxa ugu codadka badan ee iyaga kasoo dhex baxa.

Ujeedada ugu weyn ee Musharixiinta ay u heshiiyeen ayaa wararka waxay sheegayaan inau tahay in Madaxweyne Gaas ay kaga guuleystaan sidii uu markale ugu soo laaban laheyn xilka madaxweynaha Puntland.

Sidoo kale waxaan ka maqnayn heshiiskani dowladda federaalka Soomaaliya oo u balanqaaday musharaxiintani in ay si dhow ula shaqeyn doonto xiliga doorashada marka ay guulaystaanba si meesha looga saaro madaxweyne Gaas.

Madaxweyne Gaas ayaa dareemaya culeesaad badan, waxaana uu gabi ahaanba joojiyay in shaqaalaha dowladda ay tagaan deegaanada Puntland, isagoo ciidamo dhigay garoomada diyaaradaha ee Puntland.
Caasimada Online
Xafiiska Puntland
[email protected]

Bin Salmaan waxa uu Israel ku jeclaaday sababahan

Dhaxal Sugaha Sucuudiga, Maxamed Bin Salmaan waxa uu aaminsan yahay in Israel ay meteleyso dal aan Carab ahayn oo muhiim u ah sida aragtidiisa ah in gobolka is dhexgalo, waxaa qortay jariidadda Jerusalem Post.

Bin Salmaan waxa ay isaga u tahay, isaga oo dareensan xiisadda taariikh ahaan kacsan ee gobolka, in Israel muujisay iyada oo adeegsaneysa awoodeeda iyo go’aamadeeda ka dhanka ah cadawgeeda, in ay tahay saaxiib la’isku haleyn karo marka uu la tacaalayo cadawgiisa.

In dalka sidaas u yar badbaado isaga oo ku dhex jira dagaal heerka xagjirnimadiisa aad u sarreeyo ee uu kala kulmo quwadaha dariska la ah waxa ay horseeday in ay Carabtu marna jeclaadaan, marna naceyb u qaadaan Israel.

Bin Salmaan, oo ah mid waaqici ah, waxa uu jeclaaday ruuxiyadda dowladda Yuhuudda, waxa uuna raadinayaa qaabab uu isugu xiro awoodaas oo uu uga faa’ideysto siyaasaddiisa ku salaysan naceybka, iyo aragtida siyaasadeed ee Islamka ee gobolka.

Taas waxaa dheer, in uu jiro dareen lagu jeclaaday Yuhuuda, sida uu aaminsan yahay Bin Salmaan, oo ah in dowladooda ay tahay midda kaliya ee Bariga Dhexe ee haysata rikoor ay uga guuleysato cadawgeeda xataa haddii ay ahaan lahayd adeegsiga weerarro iyo cudud Militari iyada oo aan dhag u dhigin cambaareynta caalamka. Duqeymihii ay dhawaan ka gaysatay xarumaha Iran ee dalka Suuriya iyo dagaalkii lixda cisho ayaa tusaalooyin muuqda u ah.

Sida ay leedahay Jerusalem Post, aragti kale ayaa ah in xiriirka saaxiibtinimo ee Sucuudiga iyo Israel ku koray in uu sabab u yahay Ra’isul Wasaare Benjamin Netanyahu. Netanyahu waxa uu ku guuleystay in uu bedelo sumcad xumadii uu ku lahaa caasimadaha Carabta ee uu abuurtay sagaashameeyadii, halkaas oo looga arki jiray mid aan la’isku halayn karin, khalkhal badan, kana tirsan midigta fog ee xagjirada ah, waxa uu noqday hoggaamiye la’aamini karo.

Jerusalem Post aya atiri “Waxaa xaqiiqo ah in Netanyahu kasbaday xushmad weyn oo uu ka helay hoggaamiyeyaasha Carabta oo uusan helin Ra’isul Wasaare kale oo Israel ah 70-kii sano ee u dambeeyey”

Go’aanada adag ee uu Netanyahu ka istaagay Sunniyiinta iyo Shiicada iyo sidii uu diyaarka ugu ahaa in uu iska caabbiyo cadaadiskii Mareykanka xilligii Obama ayuu ku helay xushamadda Bin Salmaan.

Dhaxal Sugaha waxa uu sidoo kale u riyaaqay is bedelka aan ku imaan Netanyahu, oo taageero u muujiyey Bin Salmaan, xilli uu qudhiisa wajahayo cadaadis uga imaanaya Mareykanka iyo beesha caalamka kaddib dilkii Khashoggi.

Kalgaceylka uu Maxamed Bin Salmaan u qaaday Israel iyo Ra’iisul Wasaareheeda, waa dareen xooggan oo uu kaga aargoosanayo Turkiga iyo Siyaasaddiisa Islam-ka ku wajahan xilli uu doonayo in uu qaboojiyo cabsida ay Iran ku hayso Sucuudiga, taas waxa ay u muuqataa mid Bin Salmaan ku dhiirigalineysa in uu hore u sii wado oo uu sii raadiyo qaabab uu ku dhiso xiriir dhaw uu la yeesho dowladda Yuhuudda.

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
[email protected]

 

BF oo miisaaniyadda 2019 maanta go’aan ka gaaraya

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada golaha shacabka ayaa maanta kulan muhiim u ah shaqaalo badan oo dowladda ka tirsan ku yeelanaya magaalada Muqdisho, kadib markii shalay la hor geeyay miisaaniyadda lagu shaqeyn doono sanadka 2019.

Inkastoo Qorsheyaal badan ay horyaalaan xildhibaanada baarlamaanka haddana qodobka ugu muhiimsan ayaa ah inay maanta cod gacantaag ah ku ansixiyaan miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2019, waxaana sanadkaan ku jirta mushaaraadka shaqaalo badan oo dowladda ka tirsan.

Sidoo kale ajendayaasha Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa kamid ah u codeynta Xeerhoosaadka Golaha iyo Akhrinta 3aad Hindi Sharciyeedka Naafada Ciidamada.

Maalintii shalay xildhibaanada baarlamaanka ayaa dood ka yeeshay miisaaniyadda sanadka 2019, waxaana xildhibaano badan ay soo jeediyeen in dhaqaalaha lagu daro shaqaaleysiinta sanadka 2019.

Dowladda Soomaaliya ayaa hadda joojisay inay shaqaalo cusub qaadato, waxaana sida xogaha aan ku heleyno la qaatay go’aan ah in mushaari laga dhigo dhamaan shaqaalaha dowladda ee hadda aan mushaaraadka qaadan.

La soco go’aanka xildhibaanada ka qaataan Miisaaniyadda

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawirro: Beesha Mudulood oo Muqdisho ku yeelatay shir xasaasi oo ka dhana DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada beesha Mudulood ugu jira labada aqal ee baarlamanka Soomaaliya, siyaasiyiin, aqoonyahanno, iyo waxgarad kale ayaa maanta magaalada Muqdisho ku yeeshay kulan xasaasi ah oo looga hadlay arrimo quseeya beesha iyo dowladda federaalka.

Siyaasiyiinta Mudulood ee shirka ka qeybgalay ayaa waxaa ka mid ahaa: Cali Mahdi Maxamed, Nuur Xasan Xuseen (Nur Cadde), Cali Ugaas Cbadulle, Xasan Sheekh Maxamuud, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), Yuusuf Xuseen Jimcaale, Cadde Gaabow iyadoo xildhibaannada ay ka mid ahaayeen: Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali, Senator Muuse Suudi Yalaxow, xildhibaan Maxamuud Abukaato iyo xubno kale.

Xubnihii kulanka ka hadlay ayaa sheegay in xaaladda uu dalku ku socdo iminka ay tahay keli-talisnimo, taasoo halis gelin karta dowladnimada dib loo dhisayo ee Soomaaliya.

Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa lagu eedeeyey inay qaateen go’aano halis ah iyo inay awood u adeegsadeen dowlad Goboleedyada iyo mucaaradka kasoo horjeeda.

Xubnaha Mudulood ayaa sheegay inay ka digayaan ujeedka Farmaajo iyo Kheyre oo ay sheegeen inuu yahay inay talada sii heystaan.

Waxaa dhinaca odayaasha u hadlay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shirka ka sheegay inay xaaladda dalka ka tashan doonaan, lana kulmi doonaan madaxda dowladda, wixii kasoo baxana ay dib ugu soo celin doonaan shirka iyo Beesha Mudulood si ay go’aan uga qaataan.

Waxa uu kulanka ku dhammaaday iyadoo la isku afgartay in xaaladda dalku ku socdo iyo siyaasadda hoggaanka dowladda Federaalka ay u baahan tahay in degdeg wax looga qabto.

Mahad Salaad “Filan waa ayey igu noqotay in ciidamo Itoobiyaan ah loo soo wato dagaal beeleed”

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa ka hadlay dagaallada ka socda deegaanka Kaxandhaale ee gobolka Galgaduud, oo uu sheegay inay lama filaan ku noqotay in ciidamada Itoobiya ay ka qeyb galaan.

Dagaalkan oo dhaxeeya beelaha Habar-gidir iyo Mareexaan ayaa dad badan ay ku dhinteen, waxaana maanta dowladda Soomaaliya ay u dirtay wafti nabadeed.

Mahad Salaad ayaa sheegay in tani ay tahay taariikh madow oo qormaysa, una baahan in wax laga barto, islamarkaana horudhac u tahay wax badan oo in mudo ah uu ka digayey in ay soo socdaan.

Inkasta oo uusan sharxin, haddana hadalka Mahad Salaad ayaa waxaa loo arkaa inuu u dhigmayey mid muujinaya in ciidamada Itoobiya loo soo watay beeshiisa Habar-gidir, ayada oo arrintaas ay aad ugu jirtay baraha bulshada maalmahan.

Hoos ka aqri qoraalka Mahad Salaad ee faceebok.

DAGAALKA KAXANDHAALE WAA TAARIIKH MADOW OO QORMAYSA!

Waxaan ku baaqaynaa in deg deg loo joojiyo colaada ka aloosan deegaanka Kaxandhaale ee Gobalka Galgaduud. Colaad wiil ayaa ku dhinta ee wiil kuma dhasho. Dhulkana Alle ayaa u abuuray in aan ku cibaadeysano, deegaan iyo daaqsina ka dhigano ee Alle uma abuurin in aan isku dilno. Guurina maayo dhulkaan ee dadka walaalaha ee wada degan yaan la dabar goynin.

Sidoo kale waxaan tacsi u diraynaa dadkii walaalaha ahaa ee dagaalkaas ku dhintay Naxariistii Jano Alle haka Waraabiyo. Inta dhaawaca ahna ilaahey ha-u-boogo dhayo. Aamiin.

Sidoo kale waxaan canbaareynaynaa filanwaay iyo amakaagna nagu noqotay in dagaaladii ka dhacay deegaanka Kaxandhaale ee Gobalka Galgaduud lagu soo qabto Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka barbar dagaalamaya maleeshiyo beeleedyo isku heysta deegaan iyo daaqsin!

Waa taariikh madow oo qormaysa, una baahan in wax laga barto. Aanan isleeyahay waxay horudhac u tahay wax badan oo in mudo ah aan ka digaynay in ay soo socdaan natiijadeediina aan maanta aragno!

Waan ku bogaadinaynaa mas’uuliyiinta dowlada ee maanta ku baxay sidii colaadaas loo damin lahaa. Ilaahey ha idiin fududeeyo. Waxaanan idinku boorinaynaa in aadnan ku mashuulin si deynta askar Itoobiyaan ah ee dagaal beelo ka dhaxeeya lagu qabtay ee muhiimada aad saartaan sidii loo xalin lahaa asbaabaha colaada dhaliyay iyo sidii xal waara loogu heli lahaa. Meeshana looga saari lahaa faragelinta dowlada Itoobiya iyo ciidamadeeda.

Mahadsanidiin
Hon. Mahad Salad

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay caruurta wariye Cawil Daahir + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xafiiskiisa ku qaabilay qaar kamid ah caruurta Wariye Cawil Daahir Salaad oo kamid ahaa dadkii ku dhintay qaraxyadii ugu dambeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa lagu sheegay in wariye Cawil Daahir uu kamid ahaa dadka jecel dib dhiska dalka Soomaaliya.

“Waxaa maanta isoo booqday qaar ka mid ah caruurtii uu ka geeriyooday walaalkeen Cawil Daahir Salaad oo ahaa nin waddani ah, dalkiisa iyo dadkiisa jecel, hal abuur leh, dowlad-dhisidda Soomaaliyana kaalin muuqata ka geystay”

“Dadka waxtarka u leh bulshada sida Cawil oo kale waxay naga mudanyihiin in la maamuuso oo aragtiyadii wanaagsanaa ee ay xambaarsanaayeena lasii xoojiyo”

“Argagixisada dilaysa haldoorka ummadda Soomaaliyeed waa inaan u midownaa oo aan meel uga soo wada jeesannaa”ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska madaxweynaha.

War-saxaafadeed: Ciidamo Itoobiyaan ah oo dagaalka GALGADUUD lagu qabtay ayagoo taageeraya beel

Gelinsoor (Caasimada Online) – War Saxaafadeed ka soo baxay maamulka degmada Gelinsoor ee Galmudug, ayaa looga hadlay dagaaladii u danbeeyay ee ka dhacay deegaanka Kaxandhaale ee gobolka Galgaduud.

Qoraalka, ayaa lagu sheegay in duulaan lagu soo qaaday deegaano ay Nabad ku joogeen Beelo Somaliyeed, loona geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

War Saxaafadeedka ka soo baxay maamulka Gelinsoor, waxaa lagu sheegay in Ciidamo Itoobiyaan ah ay ka qeybqaateen dagaalka, iyagoo taageerayay mid kamid ah labada beel ee dagaalamayay.

Waxa ay sheegeen iney gacanta ku soo dhigeen laba kamid ah Ciidamada Itoobiya ee ka soo gudbay xadka si ay dagaalka uga qeybqaataan.

Halkan Ka Aqriso Qoraalka ka soo baxay maamulka Gelinsoor:

Jeesow: Xildhibaan wuxuu rabaa inuu wasiir noqdo hal sabab darteed (Dhageyso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah xubnaha baarlamaanka ee taageersan dowladda Soomaaliya oo ka hadlayay kulankii baarlamaanka ayaa soo jeediyay su’aalo loo baahan yahay in wasaaradda maaliyadda ay ka jawaabto.

Xildhibaan Daahir Jeesow ayaa ugu horeyn sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay xasilooni Siyaasadeed, waxaana uu sheegay in wasiir ku xigeenada ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya ay qaataan 7,200 oo doolar.

Isaga oo sii hadlayay wuxuu sheegay in xildhibaanada baarlamaanka aysan heysan dhaqaalo badan oo ay ugu laaban karaan deegaan doorashadooda “Halkey matalaan”, balse wasiir ku xigeenada ay qaataan dhaqaalo badan.

Sidoo kale wasiirka ayuu sheegay in ka lacag badan yahay wasiir ku xigeenka ayna u dheer tahay lacagta lagu dhaqaajiyo howlaha wasaaradda “Running Cost”, oo gacanta u gasha, taasi oo sababtay in dhamaan xubnaha baarlamaanka ay raadiyaan xilka wasiir ama ku xigeen.

“Maxaa miisaaniyadda loogu dari waayay lacago xildhibaanada u fududeynayo dib ugu laabashada deegaanada ay matalaan, Waxaa jiro Wasiir ku xigeen qaata 7200 $ Wasiirkana wuu kasii badan yahay, nin wasiir ku xigeen oo halkaan ila fadhiya oo lacagtaas qaadanaya iyo xildhibaan weysay lacag uu deegaan doorashadiisa ugu laabto, maxay tahay deganaanshada siyaasadeed ee la raadinayo, nin walbaa wasiir ayuu raadinooyaa baarlamaankii oo dhane”ayuu yiri xildhibaanka.

Hadalkiisa ayaa u muuqda mid uu ku cadeynayo kala sareynta mushaaradka xildhibaanada iyo wasiirada, taasi oo abuureyso in xildhibaan walbaa uu raadiyo xil wasiireed si uu dhaqaalo badan u helo.

Arrinta labaad ee uu su’aasha ka keenay xildhibaanka  ayaa ah ansixinta Mashaariicda tirada badan oo baarlamaanka ay asixiyeen balse aysan jirin ilaa iyo hadda mashruuc muuqda oo Soomaaliya laga fuliyay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Gaas oo xannibaad saaray Dr. Cali Ciise iyo siyaasiga oo mangal galay Faroole

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka laga helayo magaalada Garowe ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas uu laamaha aminiga ku amray in si dhaw loola socdo oo la xadido dhaqdhaqaaqa siyaasi Dr Cali Ciise Cabdi oo shalay gaaray Puntland.

Dr. Cali Ciise Cabdi ayaa la filayaa in uu ku biiro musharixiinta u taagan xilka madaxweyne ee Puntland.

Warbixinada waxa ay intaas ku daraayaan in Cali Ciise ku adkaatay la kulanka xildhibaanada cusub, xilli uu xalay ku hoyday guriga madaxweynahihii hore Puntland, Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Faroole.

Sida uu xildhibaan codsaday in aan magaciisa la xusin u sheegay Caasimada Online, waxyaabaha la faray laamaha amniga waxaa ka mid ah in Dr. Cali Ciise Cabdi si dhaw loola socdo waxyaabaha uu qabanayo, kulamada uu sameyno si ay ugu adkaato in uu sameeyo ol’olihiisa doorasho.

Caasimada Online waxa ay sidoo kale heleysaa warar sheegaya in Dr. Cali Ciise u baqay naftiisa oo uu bedelay hoygii uu markii hore qorsheystay in uu dago, kaas oo ahaa guriga Madaxweyne ku xigeenka Puntland Injineer Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey.

Dr. Cali Ciise waxa uu hadda dagay guriga Faroole oo uu ka dhigan doono saldhigiisa si uu uga badbaado shirqool iyo in lagu handado Garowe.

Cali Ciise Cabdi waa siyaasi saameyn badan oo ruxay ol’oleha doorasho ee Garowe taas oo soo keentay in uu Gaas bedelo qorsheyaashiisii hore.

Puntland waxa ay maanta soo saartay qoraal ay ku mamnuuceyso in madaxda dowladda Federal-ka ay ku soo galaan Garowe inta ay doorashada socoto.

Dadka qoraalka lagu xusay in aysan Puntland imaan karin waxaa ka mid ah Wasiiraro, shaqaalaha Villa Somalia, shaqaalaha rayidka ah iyo dhammaan dadka ku lugta ah dowladda dhexe.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

 

War cusub oo kasoo baxay gudoomiye Mursal kadib khilaafkii siyaasadeed

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal oo maanta ka hadlay aqalka markii ugu horreysay tan iyo khilaafkii siyaasadeed ee dalka, ayaa sheegay in khilaafkii dhacay laga qaadanayo cashar, oo looga nabad-geli-doono inta ka dhiman xil heyntooda.

Mursal waxaa uu sheegay in sharci badan ay qabyo yihiin “Waxyaabaha sababay dood sharciyeed oo ay ka mid tahay qabyo-nnimada dastuurka, xeer-hoosaadka oo aan dib u eegis lagu sameyn tan 2013-kii, hey’adihii dastuurka iyo fasiraadda dastuurka oo qabyo ah, qaarna aysan dhisneyn, go’aanada aan qaadanay waxaa hubaal ah inaysan noqon mid garab ka qoslisa, marka la raadinayo xal siyaasadeed, mar walbo waxaa lama huraan ah in la isku miisaamo, oo la qanciyo aragtiga kala duwan”.

Waxaa uu sidoo kale ka hadlay xalka khilaafka“Xildhibaannadii tanaasulay iyo kuwii iskood isku xilqaamay ee lagu hurdada beelay, waxaan leenahay dadaalkiina waan idiinka mahadcelineynaa, mas’uuliyad idiin saaran ayey aheyd in umadda Soomaaliyeed wixii la idiin soo doortay u qabataan, sidaasi oo kale waxaa jiray siyaasiyiin iyo culimaa’udiin xikmad nala garab joogay”.

Maxamed Mursal waxaa uu qirtay in shaqo badan hakad u gashay muranka “Kalfadhigan aad ee golaha shacabka, waxaa uu ahaa mid la eegayo ismariwaaga na dhex-galay hakad-geliyay habsami u socodka howlihii baarlamaanka”.

Dhinaca kale, guddoomiye Mursal waxaa uu ku dooday in kalfadhigan ay qabteen shaqo ka badan 3dii kalfadhi ee ka horeysay “ Kalfadhiga waxaa uu ahaa mid ka soo wax saar badan marka la isugu geeyo 3dii kalfadhi ee ka horeysay, 3dii kalfadhi ee hore waxaa la ansixiyey 3 sharci, kalfadhigan waxaa la ansixiyey 4 sharci oo kala ah: Dhismaha hey’adda naafada, mihnadlayaasha caafimaadka, xuquuqda siyaasiyiinta iyo kabidda miisaanidda 2018-ka”

Ugu dambeyntii, waxaa uu guddoomiye Mursal sheegay in 7 sharci oo kale ay mareen akhriska heerarkii kala duwan, isaga oo intaasi raaciyey in guul-darro ahaan laheyd in 31-ka bishan la gaaro iyada oo golaha xiran yahay, lana xalin khilaafka guddiga maaliyadda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

Wasiirada iyo shaqaalaha DF oo laga mamnuucday deegaannada PUNTLAND

Garowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa soo saaray qoraal digniin ah oo ka kooban 7 qodob oo kan ugu weyn uu yahay in wasiiradda xukuumada Soomaaliya aysan tagi karin Puntland.

War-Saxaafadeed ay Guddiga amniga soo saareen ayaa inta badan looga hadlay dhinaca Amniga, waxaana qodobada ku jira in Madaxda Dowladda iyo Shaqaalaha Dowladda Federaalka aysan deegaanada Puntland tegi karin inta lagu guda jiro doorashooyinka.

C/Welli Gaas ayaa walaac xoogan ka qabo in dowladda Soomaaliya ay dhaqaalo badan ku bixiso Doorashada dhawaan ka dhaceysa magaalada Garowe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Safiirkii Turkey ee Somalia oo dowladda Somalia ka dalbaday fulinta laba arrin

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa ka dalbaday dowladda Soomaaliya arin la xiriirta wadahadalada u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.

Safiirka dowladda Soomaaliya ee dalka Turkey Maxamed Cabdullaahi Jaamac, ayaa shaaciyay inay dhawaan dib u bilaaban doonaan wadahadalada u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.

Safiirka Soomaaliya ee Turkey ayaa dalkaasi kula kulmay danjirihii hore ee Turkey u qaabilsanaa Soomaaliya Olgen Bekar, waxaana ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo wadahadalada ay u jiraan.

Danjiraha ayaa ka dalbaday Dowladda Soomaaliya inay sida ugu dhaqsiyaha badan u bilowdo wadahadalkii Somaliland, isaga oo sheegay in wadahadalka wax badan lagu dhameyn karo.

Safiirka Soomaaliya ee Turkey ayaa ka jawaabay dalabka safiirkii Turkey ee Muqdisho, waxaana uu sheegay inay dhawaan dib u bilaaban doonaan wadahadalka labada dhinac.

Wuxuu dhankiisa Olgan Bekar uu balan qaaday inuu door weyn ka ciyaari doono wadahadalka Somaliland iyo Dowladda Soomaaliya, isagoo sidoo kale dalbaday in sidii Muqdisho loogu soo dhaweeyay looso dhaweeyo safiirkii isaga badalay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: DP World oo bedeshay qorshihii dekeda Berbera – Ethiopia oo caqabad culus ku noqotay SOMAILAND

Berbera (Caasimada Online) – Shirkadda Imaaraadka Carabta ee DP World ayaa wax ka beddeshay qorshaheedii dekedda Berbera, waxaana ay hoos u dhigtay muhiimaddii dekeddaas, Caasimada Online ayaa sidaas ogaatay.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in DP World aysan dooneyn inay maal-gelin buuxda ku sameyso dekedda Berbera, sida qorshuhu ahaa.

Sida aan xogta ku helnay, kulan uu guddoomiayah DP World Sultan Ahmed Bin Sulayman la yeeshay, madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxa uu u gudbiyey dhowr arrimood oo walaac uu ka qabo.

Sultan Ahmed ayaa Muuse Biixi u sheegay in DP World ay mar kasta hoggaamiso rabitaanka dowladda Ethiopia, maadaama Ethiopia ay tahay kalyantiga kaliya ee la qorsheeyey in dekedda uu isticmaalo, islamarkaana DP World ay sidoo kale maamuleyso dekedda Assab ee Eritrea. Tani waxa uu macanaheedu yahay haddii Ethiopia ay doorbideyso dekedda Assab, sababo siyaasadeed dartood, waxa ay DP World ku qasban tahay inay xoogga saarto dekedda Assab, taasi oo saameyn ku yeelan doonta horumarintii la qorsheeyey in DP World ay ku sameyso dekedda Berbera.

Markii heshiiska Bebera ay galeen Somaliland iyo DP World, Eritrea waxay ku jirtay go’doon siyaasadeed, waxaana Ethiopia maamulayey Hailemariam Desalegn. Isbeddelkii deg degga ahaa ee dhacay iyo imaatinkii Abiy Ahmed, oo xoogga saaray inuu soo dhoweysto Eritrea, ayaa wax walba beddelay, caqabadna ku noqday Somaliland.

Waxaa durba jira astaamo muujinaya in Ethiopia doorbideyso dekedda Assab. Dhowaan Addis-Ababa waxay ku gacan seertay codsi ka yimid Hargeysa oo ku saabsanaa in la dhiso dhuun gaas ah oo shidaalka kasoo qaadda dhulka Soomaalida ama Killinka Shanaad, marka shidaalka laga soo saaro, lagana dhoofiyo dekedda Berbera.

Wararka ayaa sheegaya in Ethiopia ay doorbideyso dekedaha Assaba ama Jabuuti midkood, dhuunta shidaalkana dhinacaas la mariyo.

Dhinaca kale, isaga oo amar ka helaya ra’iisul wasaare Abiy Ahmed, ayaa wasiirka arrimaha dibedda Ethiopia Workeneh Gebeyahu waxaa la sheegay inuu hor-istaagay in wafti ka socda Ethiopia ay ka qeyb galaan xafladdii furitaanka dekedda Berbera ee dhacday 11-kii October 2018.

Xogta Caasimada Online ayaa sidoo kale sheegeysa in tan iyo markii uu yimid xafiiska, uu Abiy Ahmed diiday dhowr codsi oo uu Muuse Biixi doonayey inuu kula kulmo.

Muuse Biixi ayaa la sheegay in wasiirkiisa arrimaha dibedda iyo wakiilka Somaliland ee Imaaraadka labada ka codsaday in la tashtaan Axmed Cusmaan oo ah dhaqaalyahan reer Somaliland ah oo ka shaqeeya Bankiga Adduunka, si loo eego waxa u furan oo ay Somaliland sameyn karto.

Si kastaba, Muuse Biixi ayaanay u furneyn albaabo badan oo uu go’aan ku qaadan karo, maadaama Imaaraadka uu bishii siiyo 4 milyan oo dollar oo miisaaniyaddiisa uu ku kabto, islamarkaana ay 7 milyan ku bixiyeen ololihiisa doorashada.

Xaaladda ayaa la sheegay inay la socoto dowladda Muqdisho, oo ay qosol meel la fadhido.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Gobolka Bari oo laga cabsi qabo inuu ka go’o Puntland

Doorashada 8-da bisha Janaayo ka dhici doonta Puntland waxa ay saameyn gaara u leedahay gobolka Bari ee ah isha dhaqaalaha maamulkaas.

Gobolka oo ah mid tirsanaya tacadiyo iyo xaqiraad badan ayaa sanadkan waxaa ka jira guux goosi oo waliba ay shacabka si weyn uga mideysan yihiin.

Waxaa gobolka Bari ee ay xarunta u tahay magaalo dekedda leh ee Boosaaso ka jira laba TABASHO oo kale ah –

1 – Xaqiraadda reer Muduga ku hayo dadka deegaanka

2 – Cali Saleebaan oo qaba ‘Cuqdad” ah qabashada la’aanta xilka Madaxweyne

Tabashada kowaad

Bulshada ku dhaqan gobolka Bari waxa ay ka kooban yihiin qabiilo badan sida; Cali Saleebaan, Dishiishe, Cismaan Maxamuud, Cali Jibraa’iil, Ugaar Saleebaan iyo Warsangeli.

Sidaas oo ay tahay, maamulka isha dhaqaale ee gobolka, Dekedda waxaa maamulada reer Mudug taas oo ay marar badan ka gadoodeen reer Bariga.

Arrintan waxa ay xoogeysatay markii uu xilka Madaxweyne qabtay Cabdiweli Cali Gaas oo ka soo jeeda gobolka Mudug isaga oo dhammaan xilalka waa weyn iyo ilaha dhaqaalaha u leexiyey beeshiisa Cumar Maxamuud.

Taas iyaga oo ka duulaya, haddii uu Cabdiweli Cali Gaas soo laabto waxaan shaki ku jirin in ay goosan doonaan ama gobolka Bari ka xiri doonaan inta kale ee Puntland.

Gaas oo kaliya ah ma aha musharaxa haddii uu soo boxo la kulmi doona cawaaqibkaas, Asad Diyaano ayey sidoo diidan yihiin reer Bariga.

Asad walow uu reer Bari yahay, hadana waxaa la fahansan yahay in uu Gaas soo sharaxday si uu haddii uu waayo u soo saaro. Waxaa jiri kale sababo kale oo ay reer Barigu ku diidan yihiin Asad Diyaano.

Tabasha Labaad

Qodobka labaad ee gobolka Bari ka jari kara Puntland waa mid ka halis badan midda hore.

Ma aha mid dhaqaale, ee waa mid cuqdad siyaasadeed dhabarka ku haysa.

Cali Saleebaan oo ah beesha ugu badan, uguna saameynta badan gobola Bari, gobol uu dhaqaalaha Puntland ku tiirsan yahay waxa ay isu arkeen in laga go’doomiyey siyaasadda Puntland ama Majeerteeniya.

20-ka sano ee ay Puntland jirto wali siyaasi Cali Saleebaan ka soo jeeda iska daa in uu ku guuleysteen xataa kuma dhawaan xilka Madaxweyne.

Sanadkan waaba sii fogaadeen oo xataa waxa ay dhabarka la galeen ururka Daacish oo uu hogaamiye ka yahay Sheekh Muumin oo Cali Saleebaan ah.

Dada qaar ayaa qaba in ku biiridda iyo xoojinta Cali Saleebaan ee ururka Daacish ay tahay qiil ay ka dhiganayaan siyaasadda laga go’doomiyey.

Waxaa hadda doorashada uga qeybgalaya siyaasiyiin cul culus sida; Faraax Cali Shire iyo Gallan.

Haddii ay dhacdo in sanadkan siyaasi Cali Saleebaan ah soo bixi waayo, waxaa laga cabsi qabaa in gobolka Bari ka go’o Puntland inteeda kale.

W/Q: Dalmar Xuseen Mire
Boosaaso, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Arag Sawirro: Villa Somalia oo lagu oo kordhinaayo dhisme cusub oo cajiib ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Somalia ee Villa Somalia ayaa waxaa lagu soo kordhinayaa dhisme cusub oo qorshuhu yahay inuu noqdo qayb gaar u noqon doonta shirarka iyo warsiinta warbaahinta.

Qaybtan oo ka kooban qolal gaar ah iyo qaaco ama hool wayn oo shirarku ka dhacaan ayaa lagu magacaabaa ”Gobdoon Conference Hall” ayaa la sheegay in dhaqse dhismihiisa loo bilaabi doono sida uu sheegay agaasimaha warfaafinta ee Madaxtooyada.

Guud ahaan Madaxtooyada Somalia ayaa u baahan dib u dhis iyo dib u naqshadayn guud, marka uu dalku yeesho dakhli ku filan in arrintaa lagu sameeyo maadaama aysan iminka la jaanqaadi karin heer caalamiga ah ee madaxtooyooyinka dunida.

Xog: Xasan iyo CC Shakuur oo mar kale kulmay iyo hal qodob oo la tuhmayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa habeenkii jimcaha markale hoyga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna hoggaamiyaha xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka Xassan Sheekh uu kula kulmay siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Sida ay ilo wareedyo ka ag dhaw Xassan Sheekh Maxamuud ugu warrameen Caasimadda Online, Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa markii labaad soo aaday guriga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Lama oga waxa uu kulankan labada siyaasi ku saabsanaa balse waxaa loo badinayaa in looga dhabeeyeey qodob ku jiray qoraal uu Cabdiraxmaan Cabdishakuur Facebook-giisa soo dhigay is aragii arbacadii kaddib.

Cabdiraxmaan waxa uu ku sheegay qoraalkiisa in la xoojin doono xiriirka isaga iyo Xassan Sheekh oo ay badan doonaan kulamadooda.

Kulamada ayaa ku soo aadaya xilli dalka uu ka soo kabayo xassilooni daradii ka dhalatay mooshinkii dhawaan tiro ka mid ah xildhibaanada ay ka gudbiyeen Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Hore waxaa u jirtay xan ahayd in Cabdiraxmaan Cabdishakuur kula midoobo Xassan Sheekh iyo xisbigii Daljir hal urur balse ma dhicin taas.

Walow aan la hubin, hadana waxaa macquul ah in loo gogol xaarayo midow labad xisbi ah, Midowga Nabadda iyo Horumarka iyo midka Cabdiraxmaan Cabdishkuur ee Wadajir ama laga hadlayo qaab kale oo ay isula jaan qaadi karaan.

Cabdiraxmaan waxa uu hore la taliye ugu soo noqday Xassan Sheekh xillii uu ahaa Madaxweynaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]