Xog: Xasan iyo CC Shakuur oo mar kale kulmay iyo hal qodob oo la tuhmayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa habeenkii jimcaha markale hoyga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna hoggaamiyaha xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka Xassan Sheekh uu kula kulmay siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Sida ay ilo wareedyo ka ag dhaw Xassan Sheekh Maxamuud ugu warrameen Caasimadda Online, Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa markii labaad soo aaday guriga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Lama oga waxa uu kulankan labada siyaasi ku saabsanaa balse waxaa loo badinayaa in looga dhabeeyeey qodob ku jiray qoraal uu Cabdiraxmaan Cabdishakuur Facebook-giisa soo dhigay is aragii arbacadii kaddib.

Cabdiraxmaan waxa uu ku sheegay qoraalkiisa in la xoojin doono xiriirka isaga iyo Xassan Sheekh oo ay badan doonaan kulamadooda.

Kulamada ayaa ku soo aadaya xilli dalka uu ka soo kabayo xassilooni daradii ka dhalatay mooshinkii dhawaan tiro ka mid ah xildhibaanada ay ka gudbiyeen Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Hore waxaa u jirtay xan ahayd in Cabdiraxmaan Cabdishakuur kula midoobo Xassan Sheekh iyo xisbigii Daljir hal urur balse ma dhicin taas.

Walow aan la hubin, hadana waxaa macquul ah in loo gogol xaarayo midow labad xisbi ah, Midowga Nabadda iyo Horumarka iyo midka Cabdiraxmaan Cabdishkuur ee Wadajir ama laga hadlayo qaab kale oo ay isula jaan qaadi karaan.

Cabdiraxmaan waxa uu hore la taliye ugu soo noqday Xassan Sheekh xillii uu ahaa Madaxweynaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com