“Qurxinta Israel” Maxamed Bin Salmaan oo howl-gal cusub oo yaab leh amray

Riyadh (Caasimada Online) – Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan, ayaa la-taliyiihiisii hore ee gaarka ahaa Sacuudi Al-Qaxtaani waxa uu xil saaray howl-gal gaar oo ah “inuu ka shaqeeyo in dadweynaha Sacuudiga loo muuneeyo Israel”, sida ay sheegeen warbaahinta Israel iyo Mareykanka.

Qoraaga Israel, Jackie Hawki ayaa warbixin uu ku qoray wargeyska Maariv ee Israel waxa u ku yiri “Qorayaasha Sacuudiga, suxufiyiinta, aqoonyahanada iyo taxliiliyayaasha ku dhow Maxamed Bin Salmaan waxaa la amray inay diiradda saaraan in warbaahinta ay ku muujiyaan wanaagga Israel”

Sida warbixintan ay leedahay, Maxamed Bin Salmaan ayaa doonayey in dadweynaha Sacuudiga laga gado muuqaal wanaagsan oo Israel ku saabsan ka hor inta uusan si rasmi ah u shaac bixin xiriirka hoose ee kala dhaxeeya Israel.

Wargeyska Mareykanka ee Wall Street Journal ayaa isna weriyey in Al-Qaxtaani uu wakiil ka ahaa howlgalkan yaabka leh oo loogu magac daray “Qurxinta Israel.”

“Al-Qaxtaani ayaa u adeegsanayey dadka waxgalka ah ee Sacuudiga inay dadka Sacuudiga u muujiyaan damqasho ku saabsan Israel, iyo fikrado ka dhan ah Falastiiniyiinta oo laga dhigayey dad nabad-diid ah, waxaana qorshahan u muuqdaa mid lagu soo diyaariyey xafiiska Benjamin Netanyahu” ayuu qoray Wall Street Journal.

Hawki waxa uu yiri “Bin Salmaan waxa uu doonayey in xiriirka uu la leeyahay Israel laga soo saaro sirta oo banaanka la keeno, balse ka hor dadka Sacuudiga maskaxdooda la beddelo. Si kastaba, qorshahan ayaa waxaa soo dhex-galay oo caqbaad ku noqday dilkii weriye Jamaal Khaashuqji”.

Ra’iisul wasaaraha Israel ayaa la filayaa in sanadkan 2019 uu qarsoodiga kasoo saaro islamarkaana si rasmi ah u shaaciyo xiriirka sirta ah ee ka dhaxeeya Sacuudiga iyo Israel.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com