Xog: Xildhibaano u socday Garowe oo uu ku dhacay amarkii Cabdi Weli GAAS

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheega in afar xildhibaan oo ka mid ah mudaneyaasha baarlamaanka federaal-ka ah ay shalay ku fashilmeen safar ay ugu socdeen magalaada Garowe.

Xildhibaanada oo ka mid ah kuwa laga soo doorto Puntland ayuu ujeedkoodu ahaa in ay ka qeybgalaan doorashada bisha Janaayo 8-deeda Puntland ka dhaceysa.

Hase ahaatee, sida ay noo xaqiijiiyeen ilo ku dhow, afar xildhibaan oo golaha shacaka ka tirsan, safarkaas ayaa hadda baaqday, kadib markii ay ku dhacday qabtii uu soo rogay Gaas.

Xildhibaanadan waxaa sameeyey sida muuqata go’aankii ay Puntland soo saartay shalay ee ahaa in cid dowladda ka socota aysan imaan karin Garoowe inta doorshada ay socoto.

Walow aan qoraalka lagu xusin in xildhibaanada laga mamnuucay tegidda Puntland, hadana waxaa la dareemi karay in ay qeyb ka yihiin maadama Wasiirada iyo shaqaalaha rayidka ah la magacaabay.

Ma cadda wali sida ay dowladda uga falcelin doonto go’aanka Puntland iyo tallaabada ay qaadi doonto.

Dastuuriyan, Wasiirka Arrimaha gudaha ayaa dowladda Federal-ka u qaabilsan doorashooyinka maamulada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com