Somaliland oo warqad ay ku qoran tahay dalab culus u dirtay QM kadib Haysom

Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa horey uga soo horjeestay ceyrintii dowladda Soomaaliya ay ku sameysay wakiilkii xoghayaha Qaramada Midoobay ee Somalia Nicholas Haysom.

Todobaad kadib Somaliland ayaa sheegtay inay warqad codsi ah u dirtay Qaramada Midoobay, taasi oo ah in wakiil gaar ah loo Soo magacaabo deegaanada maamulka Somaliland.

Tan iyo sanadkii 1991 Somaliland ayaa ku dhawaaqday inay ka go’een Soomaaliya inteeda kale, waxaana ay shaaciyeen inay yihiin dal madaxbanaan, walow aysan helin aqoonsiga caalamka.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud ayaa sheegay inay codsi u direen Qaramada Midoobay kaasi oo ah in loosoo magacaabo wakiil u gaar ah deegaanada Somaliland.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu cadeeyay sida ay kaga xun yihiin go’aankii dowladda Soomaaliya ay ka qaadatay Nicholas Haysom, taasi oo shaki badan dhalisay, maadaama ay sheegan jireen inay yihiin dal ka go’ay Somalia.

Dadka taxliiliya siyaasadda Soomaaliya ayaa sheegaya inay adag tahay in Qaramada Midoobay ay wakiil u magacowdo Somaliland, iyadoo aysan helin aqoonsi caalami ah.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com