Independent oo qoray in UK ay joojisay safar Muqdisho uu ku tagi lahaa wasiirka difaaca UK iyo sababta

London (Caasimada Online) – Wargeyska The independent ee kasoo baxa London ayaa qoray in xiisad siyaasadeed oo xooggan ay ka dhex oogan tahay dowladaha Soomaaliya iyo UK.

Wargeyska ayaa sheegay in go’aankii dowladda Soomaaliya ay ku cayrisay wakiilkii QM ee Soomaaliya Nicholas Haysom uu sababay in UK ay joojiso safar la qorsheeyey in wasiirka difaaca dalkaas Gavin Williamson uu ku tago magaalada Muqdisho.

Wargeyska waxa uu sheegay in Williamson uu la kulmi lahaa madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda, hase yeeshee UK ay baajisay safarkaas ayada oo u muujineysa Muqdisho, sida aysan ugu qanacsaneyn go’aanka lagu cayriyey Haysom.

Williamson ayaa taas beddelkeeda booqday magaalada Hargeysa, halkaasi oo uu kulmay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi.

Britain ayaa golaha ammaanka ee QM hor-dhigtay bayaan sabtidii la isku raacay oo golaha uu ku muujiyey sida uu uga xun yahay go’aanka dowladda Soomaaliya ay ku cayrisay Haysom.

Wargeyska waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya aysan wax fal-celin ah ka sameyn bayaanka UK ee golaha ammaanka iyo joojintii safarkii la qorsheeyey inuu Williamson ku tago magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com