Deni oo shaaciyay seddex meel uu kasoo xuli doono golaha wasiirada cusub

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa shaaca ka qaaday nooca ay noqon doonaan golaha wasiirada cusub ee maamulka Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in wasiirada uu dhawaan soo dhisi doono uu meelo badan ka eegi doono, isaga oo sheegay inuu ka fakarayo tayada ay yeelan doonaan wasiirada maamulka Puntland.

Ugu horeyn wuxuu sheegay in golaha wasiirada ee uu soo dhisayo uu kusoo xulan doono dhanka aqoonta, isaga oo sheegay inay doonayaan inay wax badan ka badalaan deegaanada Puntland.

Sidoo kale wuxuu sheegay in door weyn Haweenka ay ku yeelaan doonaan golaha wasiirada Puntland, waxaana haweenka ay aad ugu yar yihiin golaha wakiilada, maadaama hal haween ay ku jirto.

Wuxuu sidoo kale sheegay in dhalinyarada door muuqda ay ku yeelan doonaan golaha wasiirada maamulka Puntland, waxaana uu sheegay in dhalinyarada wax baratay ay wax ka badali karaan deegaanada Puntland.

Sideedii Bishaan Janaayo waxaa magaalada Garowe lagu doortay madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, kadib markii uu 4 cod kaga guuleystay Generaal Asad Cabdullaahi oo ay isku soo hareen wareegii ugu dambeeyay.

Waxaa hadda laga sugayaa inuu soo dhiso golaha wasiirada maamulka Puntland, waxaana saacadihii ugu dambeeyay uu waday kulamo wadatashi ah.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com