Wararkii ugu dambeeyey ee qorshaha magacaabista gudoomiyaha ajnabiga ah ee Bankiga Dhexe (Xog)

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa qaadday tallaabadii ugu horreysay ee la xiriirtay magacaabista guddoomiyaha cusub ee Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, oo markii ugu horreysay noqonaya qof ajnabi ah.

Caasimada Online ayaa xogtan xasaasiga ah shaaca ka qaaday Jimcihii [Halkan ka aqri], waxaana hadda la isugu yeeray xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya oo la horgeyn doono sharci wax looga beddelayo xeerka Bankiga Dhexe, oo dhigaya in shuruudda koowaad ee laga doonayo qofka xilka guddoomiyaha bankiga dhexe qabanaya uu yahay muwaadin Soomaaliyeed.

Qoraal xildhibaanada loo diray jimcihii ayaa loogu sheegay in “Sabti Tar. 12/1/2019, uu dhacayo shirkii Golaha, Ajendaha looga hadlayana uu yahay:  U codeynta wax ka badelka sharciga Hantidhawraha guud iyo  Xeer Maamul Bankiga dhexe, laakiin 35 daqiiqo kadib waxaa soo baxday wargelin kale oo dib loogu dhigay kulanka.

Si kastaba, kulanka ayaa dib loo dhigay ayada oo fariin kale oo loo diray xildhibaanada lagu yiri “Dhammaan xubnaha xildhibaanada waxaa lagu wargalinayaa in uu baaqday shirkii berito lagu balansanaa oo laga dhigay maalinta isniinta tr.14/1/1/219, Waxaa la farayaa in ay xidhibaanada maqan si deg deg ah ku soo galaan.”

Baaqashada kulanka ayaa timid saacado kadib warbixintii ay Caasimada Online ka qortay arrintan, ayada oo xildhibaano la hadlay Caasimada Online ay sheegeen in arrintan sir ahayd, balse hadda ay guux badan abuurtay oo dowladda ka cabsatay in sharciga la diido.

Wararka qaar ayaa sheegaya in xilkan loo magacaabi doono nin lagu magacaabo Nigel Roberts oo u dhashay dalka Britain muddo badanna kasoo shaqeeyey Bankiga Adduunka, inkasta oo aan si rasmi ah loo xaqiijin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com