26.9 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan dal uusan wali u socdaalin + Qorshaha

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in maalmaha nagu soo fool leh uu u ambabaxo dalka Shiinaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay inuu casuumaad ka helay dhigiisa dalka Shiinaha, waxa ayna casuumaadan qeyb ka tahay casuumadaha kale ee uu ka helo dowladaha saaxiibada la ah Somalia.

Madaxweyne Farmaajo ayaa marka uu gaaro dalkaasi la kulmi doona dhigiisa iyo madaxda kale, waxaana lasoo sheegaya in mas’uuliyiinta wehlin doonta ay u badnaan doonaan Wasiir.

Waxa uu Farmaajo inta uu dalkaasi joogo ka qeybgali doonaa shir Madaxda Africa uga furmaayo dalkaasi kaa oo looga hadli doono hormarinta ganacsi ee Africa.

Waxa ay si gaara Shiinaha uga wada hadli doonaan xiriirka labada dal, Ganacsiga, Siyaasada, Ammaanka, iyadoo ay horay u jireen heshiisyo ay kala saxiixdeen labada dal.

Booqashada uu Madaxweynaha ku tagayo Shiinaha ayaa noqoneysa tii ugu horeysay oo uu ku tago dalkaasi, isagoo horay u booqday dalal kale oo dhowr ah isla markaana heshiisyo ganacsi kala dhexeeya Somalia.

Geesta kale, Shiinaha ayaa Somalia horay ugu ballanqaaday inuu waxbadan ka qaban doono burburka waddooyin iyo dhismooyin waaweyn ah isla markaana muhiim u ah dowlada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

CC Shakuuur oo shaaciyey wada-hadallo u socday isaga iyo DF oo fashilmay iyo cidda leh sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa shaaca ka qaaday inay fashilmeen wada-hadallo u socday isaga iyo dowladda oo xal looga gaari lahaa weerarkii ay ciidamada NISA ku qaadeen gurigiisa 17-kii December, 2017.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku sheegay inay jireen dadallo ay wadeen xubno uu ka mid yahay wasiirka arrimaha dibedda Soomaalida iyo saraakiil kale balse ay fashil kusoo idlaadeen.

Waxa uu ku eedeeyey madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inuu isaga is-hortaagay in arrintan xal laga gaaro.

Hoos ka aqriso qoraalka uu soo dhigay facebook.

“Ilaa iyo maanta dawladu baaritaan kama samayn weerarkii lagu qaaday 17 December ee sanadkii tegey hoygayga, kaa soo lagu dilay 5 will oo ciidanka Xooga Dalka ka tirsan, kabahoodana lagu xabaalay.

Ma jirto cid lagala xisaabtamay, loo xiray ama xil looga qaaday falkaas. Waxaa jiray dadaal uu waday Wasiirka Arrimaha Gudaha, iyo saraakiil kale oo iskood isku xilqaamay oo doonayey in arrinka xal laga gaaro. Waxay ku guuleysteen in la bixiyo diyadii shanta wiil.

Hantidii la burburiyey, tii la dhacay iyo xadgudubkii kale ee loo gaystay xubnaha Xisbiga Wadajir weli dawlada garawshiyo kama bixin, lamana xalin. Waxaa la ii sheegay in Madaxweynaha uu yahay ninka howshaas hor istaagay”

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Ma dhabaa in madaxweyne Isaias Afwerki uu ku soo fool leeyahay Soomaaliya?

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia uu kusoo fool leeyahay madaxweynaha dalka Eriterea Isias Afewerki.

Wararku waxa ay sheegayaan in Isias Afewerki uu casuumaad ka helay dhigiisa Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo oo waayadan siyaasad ahaan aad isugu dhow.

Casuumadan ayaa la sheegay inay tahay mid asbuuci hore gaartay xafiiska madaxweyne Isias Afewerki.

Magaalada Muqdisho waxaa hadda ku sugan wafdi  uu hogaaminayo Wasiirka arrimaha dibadda Eriterea iyo La-taliyaha Madaxweynaha Ereterea Yemane Gebreab oo safar laba cisho ah ku joogi doono Muqdisho.

Xogtu waxa ay tibaaxeysaa in wafdiga Wasiirka ay hordhac u yihiin Madaxweynaha Eriterea Isias Afewer, wallow aan la ogeyn xaqiiqda imaanshaha madaxweynaha.

Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda federaalka Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad oo wax laga weydiiyay wararka sheegaya in madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uu casuumaad u fidiyay dhigiisa Eriterea ayaa ka gaabsaday inuu turxanbixiyo hadal heynta imaanshaha Isias Afewer.

Sidoo kale, Wasiir Cawad, waxa uu tilmaamay in su’aashasi tahay mid uusan kasii hordhici Karin, balse wixii jiraa ay banaanka usoo bixi doonaan.

Si kastaba ha ahaatee, waxaan la ogeyn xaqiiqda wararka sheegaya in magaalada Muqdisho uu kusoo fool leeyahay Madaxweynaha Eriterea Isias Afewer oo wafdi dalkiisa ka socda ay hadda ku sugan yihiin Muqdisho, waxaana xusid mudan DFS ay ka gaabsatay arrintaas.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Ururka ONLF: Xabad  joojin xilligeedii ku soo aaday..!!

15, Agoosto 1984,  ayaa la asaasay Jabhada Wadaniga  xoreynta Ogadeeniya, (JWXO)    (Ogaden National Liberation Front) waa ururkii ugu muddada  dheera  ee ka  daggaalama  Dhulka Soomaali Galbeed.

Bishii Janaayo  sannadkii 1992dii  ayaa  Magaalada Garbo ee Gobolka Nogob  waxaa  lagu qabtay Shirwenihii koobaad  ee Dalka Gudihiisa ay ku yeeshan ONLF.

Waxaana lagu dhisay Gole dhexe oo ka kooban 45 xubnood oo uu xog haye guud u ahaa  ANH  Shiikh  Ibraahim Cabdalla Muxamed   oo markii dambe  noqday Guddoomiyaha Jabhadda JWXO.

22 Febraayo  sannadkii 1994kii  Ciidanka  Malitariga Itoobiya  ayaa  weerar ku qaaday  Guddoomiyihii

Jabhadda ONLF Shiikh  Ibraahim Cabdalla Muxamed oo socdaal ku jogay  Gobolka Doollo xaruntiisa Wardheer.

Lagasoo bilaabo  1994, Ururka hubaysan ee   (ONLF) wuxuu   bilabay daggaal  hubaysan oo uu kala soo horjeeday  Dawladda  Itoobiya  qadiyadda  Jabhaddu waxay ahayd inay  xornimo  iyo madax Bannani garsiiyan Dhulka Soomaali Galbeed ee hada lamagac baxay  Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

34,Sanno kadib Jabhadda  Wadiniga  Xoraynta   Ogadeeniya  waxay  ku dhawaaqaday Xabbad joojin rasmiya  taaso dhaqan gashay 12, 08/ 2018.

Waxan u aragnaa in Xabbad joojintu ay  Dadkeenna maslaxad u tahay”, sidaa waxaa yiri Cabdulqaadir Xasan Hirmooge (Caddaani), afhayeenka ONLF, oo (BBC) u warramayey isagoo jooga Nairobi.

Xabbad  joojinta ONLF) waxay kusoo aaday   iyadoo   siyaasaddii Dalka Itoobiya isbedel weyn ku yimid  Ururka ONLF-na laga saaray  liiska Ururada argagaxisada uuna furmay  jawi wada hadal iyo isu soo dhawaasho dhanka Madaxda Itoobiya iyo Hoggaanka ONLIF.

Xabbad  joojintu waxay kusoo aaday  iyadoo  Gobolka Soomaalida Itoobiya laga helay Shidaal cayriin Waana mida soo dadajisay in Ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo  Albaabada  u furo dhamman Jabhaddihii Dawladda Itoobiya daggaalka kula jiray.

Xabbad joojinta Jabhadda (JWXO)  waxay kusoo aaday  iyadoo  Waddamada  Itoobiya iyo Eratariya  oo daggaal  muddo dheer socday  lasoo afjaray lagana heshiiyey  Itoobiyana ay ka tanaasushay Dhulkii  la isku haystay, waxa  xusud mudan in Jabhadda wadaniga xoraynta Ogadeniya  ay Dawladda  Eratariya gabbaad siin jirtay.

ONLF, Daggaalka ay  muddada dheer kula jiren  Itoobiya  wuxuu sababay   in Ismaamulka Soomaalidu noqdo  dhul Ciidan Milatari xarumo u ah inta badan  hase yeeshee  10kii  sanno , ee  ugu dambeysay  Ismaamulka Soomaalida  waxa laga asaasay Ciidan  Boolis Milatar ah loona yaqan Liyuu boolis kuwas oo si xasaasi ah ula daggaalamay Jabhadda ONLIF, wiiqayna Dhaqdhaqaqii Jabhadda ee Dalka Gudihiisa ahaa.

Ugu dambayntii  waxaa lasoo gaaray   waqtigii ONLF ay  Itoobiya la heshiin lahayd  waxayna ku dhawaqeen Xabbad  joojin iyo isu soo dhawaasho  waxana la filaya in ONLF iyo xukumadda Itoobiya ay wada garan heshiisyo muhiima.

Soomaalidu waxay ku maahmaahda, haddii (Dhayda la wayo Ciirtu waa dhadhata oo dheylo waa subagsiin) waxan ula jeeda  haddii  Madax bannaani  la wayey waa in  (ONLF ) ay qeyb ka noqoto isbedelka Bariga Afrika  ee loo   raadinayo xasilooni iyo degganaasho si loo cirib tiro  faqriga iyo colaadaha.

W/Q: Cabdinuur Faarax Maxamuud
[email protected] 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Ayatollah oo fariin jees jees ah u diray D. TRUMP kadib hadal la buun-buuniyay.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo inta badan baraha bulshada aad looga hadal hayo Khilaafka diblumaasiyadeed ee ka dhexeeya Dowladaha Iran iyo Mareykanka ayaa waxaa arrintaasi markii ugu horeysay ka hadlay Hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Ayatollah Ali Khamenei.

Khamenei, ayaa sheegay inay la socdaan hadal heynta baraha bulshada ee ku aadan wadahadal dhexmaraa Iran iyo Mareykanka oo uu khilaaf u dhexeeyo.

Khamenei ayaa meesha ka saaray wadahadal ay xukuumada Iran la gasho maamulka madaxweyne Donald Trump, waxa uuna tilmaamay inay aad u adkaan doonto xiriir diblumaasiyadeed oo Iran ay la gasho maamulka Trump.

Khamenei ayaa sheegay in aysan dhici doonin arimaha maalmihii la soo dhaafay lagu buun buuniyay baraha bulshada oo aheyd wadahadal dhexmara labada dowladood waxa uuna hadal heyntaasi ku sheegay mid mugdi un sii galineyso rajadii laga qabay isku soo dhawaanshaha.

Waxa uu sheegay hadii ay dhacdo xitaa wadahadal in ay la galaan mareykanka aysan noqon doonin waqtigan taasi oo uu ula jeeday in aysan diyaar u aheyn la macaamilka xukuumada hada Jirta.

Mr Khamenei, waxaa uu sheegay in Iran muhiimada ay saari doonto oo kaliya heshiiskii ay la gaartay dowladaha caalamka oo mareykanka uu qeyb ka yahay sanadii 2015-kii kaasi o quseeyay Arimaha Nuclear-ka Iran.

Sidoo kale, Khamenei waxa uu ku goodiyay in daandaansiga Trump uu sabab u noqon doono xasil darro ka dhacdo dalka Mareykanka.

Si kastaba ha ahaatee, hadalkan ayaa waxaa jawaab cad oo kama danbeys ah u yahay war horay uga so baxay madaxweyne Trump oo ahaa in uu diyaar u yahay wadahal uu la galo madaxda maamulka Iran.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Ololaha doorasho ee Ilhaan Omar oo caqabad la kulmay

Minneapolis (Caasimada Online) – Warbaahinta Mareykanka ayaa ku warantay in Koox Cunsuriyiin ah oo kasoo horjeedda dadka Muslimiinta ah in ay Carqaladeeyeen Xaflad Olole oo ay qaban rabeen Ilhaan Cumar iyo Gabadh u dhalatay Falastiin oo u sharaxan Koongareeska Mareykanka.

Ilhaan iyo  Rashida Tlaib Waxa ay ku tartamayaan kuraas kala duwan,waxaa ay Minnesota ku qabsadeen xaflad ololaha doorashada ay kula hadli lahaayeen taageerayaashooda.

Warbaahinta Mareykanka ayay u sheegeen  Rashida Tlaib iyo Ilhaan Cumar in ay hor istaageen kooxda cunsuriyiinta ah oo ay hoggaamineysay  Haweeney lagu magacaabo Laura Loomer, oo uu Muslim naceybka ku badan yahay.

Ciidamada Booliska ayaa la sheegay in ay soo gaareen goobta Markii Kooxdaasi ay bilaabeen in ay Carqaladeeyaan Xafladda Ololaha labadda Gabdhood ee Muslimiinta ah.

Gabadha Reer Falastiin ee  Rashida Tlaib,waxaa u tartameysaa Kursiga Kongareeska ee Gobolka   Michigan,halka Ilhaan Cumar ay u tartameyso Kursiga Kongareeska ee Gobolka Minnesota.

Dadka Muslimiinta ah ayaa la kulmaya dhibaatooyin badan oo kaga yimaada Kooxaha Cunsuriyiinta ah ee kasoo horjeedda xilliyadda ay Mareykanka isku soo taagaan xilalka waa weyn.

Doorashadda dhexe ee Mareykanka ayaa waxaa ka dhiman wax ka yar 100 Maalmood, waxaana hadda socda Olole xooggan.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
[email protected] 

Ciidamada Liyuu Boolis “oo dilay 31 qof oo shacab ah”

Jig-Jiga (Caasimada Online) – Masuul ka tirsan Dawlad goboleedka Oromada ayaa sheegay in 31 ruux oo Oromo ah la dilay ka dib markii ciidammada gaarka ah ee deegaanka Soomaalida ee Liyuu Booliis ay rasaas ku fureen dad shacab ah subaxnimadii Axadda.

Arrintaas ayaa ka dhacday xadka gobolka Oromada iyo Soomaalida.

Dadka dhintay waxaa ku jira carruur iyo ciroole, shan ka mid ahna waxaa lagu sheegay dumar. Ma jirto cid si madax banaan u xaqiijin karta sheegashada maamulka Oromada dalka Ethiopia

Sidoo kale, Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka ciidammada Liyuu Booliiska ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada, ayaa waxaa bilihii dhowaa ka dhaxeeyey colaad sababtay dhimashada boqolaal qof oo labada dhinac ah, ayada oo xasuuqyo badan ay soo wariyeen labada dhinac.

Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa dhowaan sheegay in ciidamada federaalka Ethiopia ay faro-gelin doonaan xiisadda, islamarkaana wax ka qaban doonaan, hase yeeshee illaa iyo hadda ma muuqato in arrintan ay kasoo raynayso.

Caasimada Online
Xafiiska Addis-Ababa
[email protected] 

Maamul goboleed Somalia ka dhisan oo CABDI ILEY lacag u qaaday (Warbixin)

0

Nairobi (Caasimadda Online) – Siyaasiga caanka ah ee reer Kenya Faarax Macallin Dawaar ayaa daaha ka rogay tallaabo uu qaaday dhawaan madaxweynaha maamul gobolleedka Jubbaland Axmed Madoobe.

Faarax ayaa sheegay in Madoobe uu Itoobya aaday markii ay ciidamada Federal-ka ee dalkaas ay gudaha u galeen caasimadda Soomaali Galbeed ee Jigjiga kulana wareegeen xarumihii maamulka.

Tallaabadaas kaddib waxaa xilkii iska casilay madaxweynihii Soomaali Galbeed ee Cabdi Maxamuud Cumar oo kaddib ay Itoobiyaanku u kaxeyeen Addis Ababa isaga oo xiran.

Faarax Macallin oo boggiisa Twitter-ka soo dhigay ayaa sheegay in Axmed Madoobe lacag u qaaday Cabdi Maxamuud Cumar isaga oo isku dayey in uu taageero u muujiyo.

Hase ahaatee, gudoomiye kuxigeenkii hore ee barlamaanka Kenya ayaa sheegay in uu Axmed Madobe bahdilaad kala soo kulmay Itoobiya oo lagu soo amray in uu ka tago dalka.

HOOS KA AQRISO WIXII UU TWITTER-KIISA SOO DHIGAY FAARAX MACALLIN

Madaxweyne maamul ka tirsan Soomaaliya ayaa u safray Addis Aababa isaga oo lacag wada si uu u taageero hiliblihii Jigjiga ee ka amar qaadan jiray saraakiisha TPLF. Waa la soo eryry. Dhammaan madaxweyne gobolleedyadan tuugta ah ha aadeen Mekele, Adwa ama Axum si ay u dhuuntaan.

Madaxweynaha Somaliland oo safiiro u magacaabay dhowr dal + Magacyada

Hargaysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-179/082018, uu maanta ku magacaabay masuuliyiin cusub.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Magacaabid

Markaan Arkay:  Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay:   Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiintan:

1 – Baashe Cawil Cumar, Wakiilka Somaliland ee Dalka Kenya.

2 – Xasan Hirad Yaasiin, Wakiilka Somaliland ee Dalka Imaaraadka Carabta.

3 – Bashiir Sheekh Cumar Good, Wakiilka Somaliland ee Dalka Maraykanka.

4 – Cabdillaahi Cabdi Cali (Dhakaar), Ergayga Gaarka ah ee Somaliland u qaabilsan Urur Goboleedka Horumarinta iyo Xidhiidhka Bulshada Bariga Afrika (EAC) .

5 – Xasan Axmed Ibraahin (Embassy) Maareeyaha Haamaha Kaydka Shidaalka Qaranka.

Waxaan uga mahadcelinayaa muddadii uu hayey xilka Qaranka Wakiilkii hore ee Somaliland u fadhiyey Dalka Maraykanka Mudane, Rashiid Maxamed Nuur (Gaaruf)

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

Qorshe xilka looga tuurayo Axmed Madobe oo si xowli ah u socda (Dhageyso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Wadamo ka mid ah Qaarada Yurub iyo Ameeriko ayaa waxaa ka socda wadatashi ay wadaan Golaha isbdel-doonka Jubbooyinka,bkuwaas oo doonaya in ay isbedel dhanka hoggaanka ah lagu sameeyo Maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe.

Xubin ka mid ah Golahaas oo lagu Magacaabo Cabdirisaaq Xuseen Maxamed Shiino,oo wareysi siiyey Radio Dalsan ayaa waxa uu sheegay in ay weli Soomaaliya iyo Wadamo ka mid ah Yurub iyo Ameeriko ka wadaan shirar gooni gooni ah oo ka dhan ah Maamulka Jubbaland.

Waxa uu sheegay in Maamulka Jubbaland uu yahay mid kaliya ku kooban Magaalada Kismaayo, isla markaana uusan aheyn mid ay u dhan yihiin dadka ku nool gobolada Jubbooyinka, sidaas daraadeedna ay wadatashi la sameynayeen dadka ka soo jeeda gobolada Jubbooyinka ee ku sugan Qaaradaha Ameeriko iyo Yurub.

Wareysiga oo aad u dheeraa ayaa waxa uu soo hadal qaaday isbedelada xooga leh ee ka socda Itoobiya iyo saameynta ay ku yeelatay,waxaana uu sheegay in taasi ay muujineyso in uu go’ay xiriirkii Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe kala dhaxeeyey dowlad deegaanka  Soomaalida Itoobiya ee Killinka Shanaad.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga oo dhameystiran

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

VILLA SOMALIA oo go’aan cusub ka gaartay safaarada Imaaraadka ee Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar madax-banaan ayaa sheegaya in madaxtooyada Somalia ay dib u fasaxday shaqooyinkii ka socday Safaarada Imaaraadka carabta ee Somalia.

Wararku waxa ay sheegayan in Safiirka dowladda isu taga Imaaraadka Carabta ee Somalia Maxamed Axmed Cismaan Al Xamaadi uu ka shaqo bilaabay safaarada, kadib markii laga dulqaaday xayiraad muddo kooban saarneyd.

Diplumaasiyiinta Imaaraadka ee ka howlgali jiray Safaarada ayaa iyaguna la sheegay inay dib usoo shaqo galeen inkastoo ay ka yaryihiin tiradii hore.

Shaqooyinka Safaarada oo xiligaan aad u kooban ayaa waxaa laga soo saarin fiisooyinka, waxaana xusid mudan in howlaha ka socda ay yihiin kuwo aan sidaa usii weyneen.

Mid kamid ah howlwadeenada Safaarada ayaa inoo xaqiijiyay in Safiir Al Xamaadi uu wakhtigiisa inta badan ku dhameysto socdaal dibadda ah, taasi oo muujineysa in shaqooyinkii hore aysan ka dhex socon Safaarada.

Sidoo kale, waxa uu howlwadeenkan tilmaamay in Safaarada ay xiligaani tahay mid magac u yaal ah oo aan qumaati u shaqeyn maadaama uu wali jiro khilaaf Siyaasadeed u dhexeeya Somalia iyo Imaaraadka carabta.

Docda kale, Safaarada Somalia ee dalka isu taga imaaraadka ayaa wali saameyn khilaafka labada dal waxaana si qumaati ah u socda shaqada Safaarada Somalia ee dalkaasi maadaama halkaasi ay ku sugan yihiin ganacsato badan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Wafdiga Eritrea oo caawa ku hoyanaya Muqdisho iyo Cawad oo xog ka bixiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdigan oo aad u kooban ayaa waxaa maanta Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre iyo Wasiirka arrimaha dibadda Somalia Axmed Ciise Cawad.

Wafdi ka socda Dowladda Eritrea oo uu hoggaaminaayo Wasiirka arrimaha dibadda dalkaasi Cusmaan Saalax, ayaa waxaa qeyb ka ah la-taliyaha Madaxweynaha dalkaasi Afwerk kuwaa oo magaalada Muqdisho u imaaday arrimo muhiim ah, sida ay xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan Villa Somalia.

Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda federaalka Somalia Axmed Ciise Cawad oo goordhow la hadlay mid kamid ah Idaacadaha maxaliga ayaa uga waramay arrimaha ay magaalada Muqdisho u soo gaareen wafdiga Eritreaa.

Wasiir Cawad oo faahfaahinaayay safarka ayaa waxa uu sheegay waxyaabaha ay wafdigan u yimaadeen Muqdisho inay ka mid tahay inay ka mahad noqaan booqashadii Madaxweyne Farmaajo ku tagay dalka Eritrea.

Cawad, waxa uu tilmaamay in Madaxda Qaranka ay kala hadleen arrimo ay kamid yihiin xiriirka labada dal, dhaqan galinta Heshiiskii lagu wadagalay magaalada Asmara, Is weydaarsiga xogaha khuseeya furashada labada safaaradood iyo in la adkeeyo xiriirka labada dal.

Waxa uu Wasiir Cawad tilmaamay in dowalada Somalia ay ahmiyad gaara siineyso dalka Eriterea oo uu sheegay inay kaga dhow yihiin dalal badan oo xiriirkooda uu yahay mid cusub.

“Wafdiga caawa waxa ay ku hoyanayaan magaalada Muqdisho inta ay joogan waxa ay sii wadi doonaan kulamada kala dhexeeya madaxda Soomaalida maadaama booqashadoodu tahay laba cisho”

Wuxuu sheegay in maanta wafdiga si weyn loo soo dhaweeyay, sidoo kalena magaalada Muqdisho ay booqasho ku joogi doonaan Laba maalmood.

Cawad ayaa cadeeyay in dowlada Somalia ay si dhaqsi ah ku furan doonto Safaaradeeda Asmara oo uu tilmaamay inay ahmiyad gaara u leedahay Somalia, isla markaana safarkooda uu qeyb ka yahay sida ay ku xoojin lahaayen arrimaha Safaarada.

Sidoo kale, Wasiir Cawad ayaa ka gaabsaday wararka sheegaya in magaalada Muqdisho uu kusoo fool leeyahay Madaxweynaha Eritrea, isla markaana safarka Wafdigaani uu hordhac yahay.

Dhawaan ayay aheyd markii magaalada Asmara ee dalka Eriterea uu gaaray Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo oo halkaa heshiis kula soo galay dhigiisa Eriterea.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Gudoomiyaha BF oo amar adag duldhigay wasaarada dastuurka kadib kulan

Guddiga joogtada ee golaha shacabka ayaa maanta xarunta golaha shacabka kula kulmay xubno uu hogaaminaayay wasiir ku xigeenka wasaarada Dastuurka ee xukuumadda Soomaaliya Mudane Xuseen Cabdi Cilmi.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay halka ay marayaan hanaanka dib u eegista Dastuurka, wada shaqeynta guddiyada Dastuurka iyo wasaarada Dastuurka.

Wasaarada Dastuurka ayaa soo bandhigtay intii uu kulanka socday cutubyada lagu guuleystay in dib u eegis lagu sameeyo iyo kuwa hada ay dib u eegista ku socdaan.

Sidoo kale wasaarada Dastuurka ayaa soo bandhigtay jadwalka shaqada ee la xiriira howlaha dib u eegista iyo caqabadaha hor taagan in qodobada qaar dib u eegis lagu sameeyo.

Wasiir ku xigeenka wasaarada Dastuurka ee xukuumada Soomaaliya Mudane Xuseen Cabdi Cilmi ayaa sheegay in wasaarada Dastuurka ay wado dadaaladii ugu dambeeyay ee dib u eegista loogu sameynayo.

“Runtii wasaarada dadaal ayay wadaa, golaha shacabka waxaan ka codsanayaa in wasaarada Dastuurka iyo guddiyada dhisan inaad kala shaqeysaan howlaha culus ee horyaalla, si loogu guuleysto in Dastuur loo dhan yahay aan yeelano”. Ayuu yiri wasiir ku-xigeenka wasaarada Dastuurka.

Xubnaha guddiga joogtada ee kulanka ka qeyb galay ayaa wasiir ku xigeenka iyo xubnihii la socday weydiiyay su’aalo ku saabsan cutubyada dib u eegista lagu sameeyay, sidoo kale waxa ay ku biiriyeen talooyinkooda.

Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee golaha shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa kulanka ka sheegay in ay muhiim tahay in si wadajir ah loo wada shaqeeyo.

“Wasaarada iyo qubaradu aad bey u mahadsan yihiin wixii xog ahaa wa la kala helay maanta waana la is wareystay, waxa aan ka hadleyno waa masiirka umadda Soomaaliyeed, hadii aan la iska kaashan oo aan la istaageerin laguma guuleysanayo howlahaan socda”. Ayuu yiri guddoomiye Mahad Cabdalla Cawad.

Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo kulanka soo xeray ayaa ku dheeraaday muhiimada Dastuurka iyo dardar gelintya howlaha dib u eegista.

Guddoomiyaha ayaa wasaarada Dastuurka faray shaqooyinka ay wadaan inay sii Labada jibaaraan, golaha shacabkana ay u soo gudbiyaan warbixin dhameystiran si waqtiga haray loogu faa’iideysto.

“Golaha shacabka waxa uu matalaa shacabka Soomaaliyeed, warbixinta aad maanta na siiseen ma ahan mid aan ku qanci karno mana aqbaleyno in howsha dib u eegista ay sidaan ku sii socoto, waxa rabnaa inad la timaadaan qorshe cad, golaha shacabka waxa uu diyaar u yahay inuu idiinla shaqeeyo habeen iyo maalin”. Ayuu yiri guddoomiyaha golaha shacabka.

Ugu dambeyn guddoomiye Mursal ayaa sheegay in guddiga joogtada ee golaha shacabka uu la xisaabtamayo wasaarada Dastuurka iyo guddiyada ku howlan dib u eegista Dastuurka.

Maxaa kulkankii Farmaajo & wasiir dibadeedka Eritrea kasoo baxay? + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Ereteriya Mudane Cusmaan Saalax iyo Lataliyaha Madaxweynaha Ereteriya Mudane Yemane Gebreab oo saaka soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Socdaalkan wafdiga Ereteriya ku soo gaareen magaalada Muqdisho ayaa daba socda safarkii uu Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayay ay ku tageen magaalada Asmara dabayaaqadii bishii hore, halkaas oo ay labada Madaxweyne ku kala saxiixdeen heshiis lagu dardargelinayo iskaashiga labada dal.

Qodobbadii ay labada Madaxweyne ku heshiiyeen waxaa kamid ahaa in labada dal ay si rasmi ah u yeeshaan xiriir dibloomaasiyadeed oo asaaskiisu yahay in la isweydaarsado safaarado iyo dibloomaasiyiin iyo in laga shaqeeyo, lana dhammaystiro hirgelinta qorshaha isdhexgalka dhaqaale ee Geeska Afrika.
Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey wafdiga socdaalka ay ku yimaaddeen Muqdisho, waxa uuna xusay mudnaanta uu iskaashigu u leeyahay horumarka Gobolka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa adkeeyey in dalalka Geeska Afrika aanay sinnaba u kala maarmi karin maadaama oo ay dano badan isaga xiran yihiin, wuxuuna ballanqaaday in dawladdiisu ay ka shaqaynayso sidii iskaashi buuxa u dhexmari lahaa dalalka Geeska Afrika.

Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa ka go’an soo celinta maqaamkii ay Soomaaliya ku lahayd Geeska Afrika, waxayna diyaar u tahay inay door weyn ka qaadato iskaashiga dhinacyada isdhexgelka dhaqaale, bulsho, iyo amni oo dhexmara dalalka Geeska Afrika.

Sawirro: Xarun shirkadda Hormuud ay laheyd oo la gubay iyo xog laga helay

0

Dhoobley (Caasimadda Online) – Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Kenya ayaa mar kale gubay xarun ay laheyd Shirkadda Isgaarsiinta Soomaaliyeed ee Hormuud.

Ciidamadaan ka tirsan kuwa Kenya oo kasoo tallaabay xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya ayaa Xalay qaraxyo loo adeegsaday Miinooyin ku burburiyey xaruntii Shirkadda Hormuud ee Tuulada Calibuley oo 30KM dhanka waqooyi uga beegan Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubada Hoose.

Isgaarsiinta deegaanka ayaa weli hawada ka maqan iyadoo Shacabka halkaas ku nool siin jirtay adeegyo kala duwan oo isugu jiray Isgaarsiin iyo adeegga EVC Plus oo muhiim u ah nolosha dadka halkaas ku nool.

Dhawaan ayey aheyd markii Saamileyda Shirkadda Hormuud ay kulan deg deg ah ka yeesheen dhibaatada ay ciidamada Kenya ku hayaan ganacsigooda iyagoo Dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay arrintaas wax ka qabato.

Ma jirto tallaabo muuqato ama isla xisaabtan ay dowladda Soomaaliya kala yeelatay dowladda Kenya maadaama ciidamadooda ay kamid yihiin howlgalka Midowga Africa ee AMISOM.

Ilaa hadda si rasmi ah looma oga sababta keentay inay Ciidamada Kenya ugaarsadaan xarumaha Shirkadaha Isgaarsiinta, waxaase dadka falanqeeya arrimaha geeska Africa ay sheegayaan in Kenya dooneyso in ay dhulka ku teedsan xudduudda labada waddan ka dhigto Lama degaan.

Ciidamada Kenya ayaa horey u gubay Xarumo ay laheyd shirkadda Hormuud Telecom oo ay kamid ahaayeen Ceelbaande, Dhamase, Khadiijo Xaaji , Dhegalaab iyo Dhuuntow oo ku wada tirsan Gobolka Gedo, waxayna xaruntaan hadda la gubay noqoneysaa middii lixaad oo ay ciidamada Kenya si bareer ah u gubaan.

Dhageyso: R/W Kheyre oo digniin culus siiyey wasiiro iyo mas’uuliyiin ka tirsan DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta mar kale shaaciyey in xukuumadda federaalka Soomaaliya aysan aqbaleyn in la musuq maasuqa hantida qaranka, cidii ku kacdana tallaabo laga qaadi doono.

Waxa uu sheegay cid walba oo ka tirsan dowladda iyo kuwa iskudaya in ay musuq maasuq ku dhaqaaqaan in aysan calfan doonin, lagana dabi-tagi doono oo ay wajihi doonaan tallaabada ku habboon.

“Ma aqbaleyno in dalkan lagu dhaqo musuq maasuq, qof walba oo Soomaaliyeed ama wasiir ahaw ama cid kale ahaaw ee xil u haya dowlada  Soomaaliyeed ee ku fikiraya in aad ku tagri-fasho xoolaha ummadda ama musuq maasuqdo, waxana kuu sheegayaa inaadan calfaneyn” ayuu yiri ra’iisul wasaare Kheyre.

Hadalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku soo aadaya xilli dhawaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya loo xir xirey arrimo la xiriira musuq maasuq, kuwaas oo isugu jira Wasiiro,t aliyeyaal iyo kuwo kale.

Dowladda Soomaaliya ee hadda jirta ayaa ah tii ugu horreysay ee mas’uuliyiin u xirta, una maxkamadeysa musuq-maasuq, waxaana hadda socda baaritaano lagu hayo xubno dhowr ah oo ka tirsan dowladda.

Hoos ka dhageyso codka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya

Caasimada Online
Xafiska Muqdisho
[email protected]

 

Mas’uul sare oo ka tirsan DF oo maxkamad loo soo taagayo musuq-maasuq

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Mas’uul ka tirsan Wasaradda Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya ayaa loo xiray arrimo la xiriira masuq maasuq iyo wax isdamarin khilaafsan xilka xafiiskiisa, iyadoo uu dadaal loogu jiro in damaanad looga sii daayo Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 13/8/2018-ka,waxay u fariisaneysaa dhageysiga codsi dammaanad siin ah oo ay soo gudbiyeen qareenada eedeysane C/shakuur Aadan Maxamuud.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Garyaqaan Muuse Macallim Maxamed ayaa sheegay in eedeysanahan oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya qeybta qandaraasyada loo heysto arrimo la xiriira masuq maasuq iyo wax isdamarin khilaafsan xilka xafiiskiisa.

“Maxkamadda Gobolka Banaadir maanta oo ay taariikhdu tahay 13-8-2018,waxay u fariisaneysaa dhageysiga codsiga dammaanad siin ah oo ay soo gudbiyeen qareenada eedeysane C/shakuur Aadan Maxamuud oo mudo todobaad ah u xirnaa arrimo la xiriirka masuq maasuq iyo wax isdamarin khilaafsan xilka xafiiskiisa,” ayuu sheegay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Muuse Macallim Maxamed.

Dowladda Soomaaliya ayaa waddo qorshe ay kula dagaalameyso arrimaha masuq maasuqa iyo ku takri falka Hantida Qaranka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Turkiga oo wajahaya xaalad adag kadib isbeddel lama filaan ah oo ku yimi Liiraha

0

Ankara (Caasimadda Online) – Dawladda Turkiga ayaa sheegtay in ay qaadayso tallaabo ay ku dajinayso suuqyada ka dib markii qiimaha lacqagtoodu uu meeshii ugu hoosaysay ka gaaray suuqyada saamiyada ee Aasiya.

Faahfaahinta tallaabadaas ayaa wax yar ka dib la shaacin doonaa, sida uu wargaeyska Turkiga ka soo baxa ee Hurriyet u sheegay wasiirka maaliyadda. “Subaxnimada Isniinta iyo wixii ka dambeeyaba hay’adaheena waxay qaadi doonaan tallaabooyinka muhiimka ah, waxa aan shaacinaynana suuqyada ayaan la wadaagi doonaa,” ayuu yiri Berat Albayrak.

Jamcihii ayay lacagta Turkiga ee Iira lumisay 20% qiimaheedii marka lagu sarifayo doolarka. In kabadan 40% ayayna qiimo beeshay sannadkii hore.

Albayrak ayaa sheegay in dalku uu si degdeg ah wax uga qaban doono arrintaas” isla markaasna ay qorshaha ugu jirto in ay gacan siiyaan bangiyada iyo gancsatada yaryar iyo kuwa meel dhexaadka ah, kuwaas oo ay saamaynta ugu wayn ku yeelatay qiima dhaca ku yimid lacagta Iira.

Ballan qaadkan ayaa yimid ka dib markii madaxweyneha Turkigu uu qiima dhaca lacagta dalkiisa ku eedeeyay shirqool ka dhan ah dalkiisa.

Recep Erdogan ayaa mar kale ku baaqay in dadka Turkida ahi ay gadaan doolarka ay hayaan oo ay ku iibsadaan lacagta Iira-da si loo xoojiyo sarifka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Maxaa sabab u ah inaysan hir-gelin heshiisyada dalka Imaaraadka & Somaliland?

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo ka hadlaayay heshiisyada ay la galeen dowlada Imaaraadka carabta ayaa sheegay inay muhiim tahay in la dhaqan galiyo heshiisyada.

Wasiir Sacad, waxa uu tilmaamay in wixii ka danbeeyay heshiisyada labada dhinac aanu la fulin, balse ay iminka bilaabi doonan dadaalka lagu dhaqan galin lahaa heshiiska.

Waxa uu sheegay in qodobada ugu weyn ay kala yihiin dadajinta dhismooyinka Saldhiga iyo Dekadda oo uu sheegay inay muhiim u yihiin Somaliland.

Dekadda Bebera ayuu sheegay in dowlada Imaaraadka ay ku sameyn doonto dhismooyin hor leh oo looga maarmi doono Dekadaha kale ee Somalia, halka la doonaayo in dhismaha Saldhiga la dadajiyo.

“Waa arrin labada dhan muhiim u ah in la dhiso Dekadda iyo Saldhiga, horay uma jirin heshiis lawada galay oo la fuliyay insha allah waanu fulin doona kuwa aan hadda galnay”

“Imaaraadku waa uu nooga dhaw yahay dowladaha kale waxa aanu kawada shaqeyneynaa danaheena sidaa darted waxa aanu shirkii ugu danbeeyay ee kadhacay Abu Dabai ku go’aaminay in la howlgaliyo heshiisyada”

Sacad, waxa uu sheegay in sababta ugu weyn ee aan loo dhaqan galin heshiisyada ay tahay dib u dhacyo ku imaada wadatashiyo la qorsheenayay in laga yeesho hanaanka loo mari lahaa dhismooyinka.

“Sababta ugu weyn ee hirgalin la’aanta ayaa ah inaanu wali qabsoomin wadatashiyo kama danbeyn ah oo lagu wajihi lahaa qaabka loo wajahaayo hirgalinta heshiisyada”

Sidoo kale, waxa uu sheegay in heshiisyada Imaaraadka iyo Somaliland uusan saameyn doonin qeyla dhaanta ka imaaneysa dowlada Somalia waxa uuna meesha ka saaray in Somaliland laga maamulo magaalada Xamar.

Si kastaba ha ahaatee, dowlada Imaaraadka carabta ayaa inta badan ka caga jiida hirgalinta heshiisyada ay la gasho Somaliland, maadaama uu muran kala dhexeeyo dowlada Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Arrin ku soo korortay dhex dhexaadintii caalamka ee Somaliland iyo Puntland

0

Garoowe (Caasimadda Online) – Caasimadda Online waxa ay heleysaa xogo hoose oo ku saabsan xaaladdii colaadeed ee u dhexeysay maamulada Puntland iyo Somaliland eek u saabsaneyd Goboladda Sool, Sanaag iyo degmada Buuhoodle.

Tan iyo bilowgii sanadkan labada maamul waxa ay ku dagaalamayeen deegaanka Tukaraq oo ay ilaa iyo hadda isku horfadhiyaan.

Hase ahaatee, waan waan ay beesha caalamku ka dhex bilowday ayaa muddo hakad galiyey collaadii u dhexeysay labada maamul.

Hadaba, maxaa ugu dambeeyey xaaladdaas?

Sida ay ilo xog ogaal ah ku warramayaan, beesha caalamka ayaa ku qancisay labada maamul in ay kala qaadaan ciidamada isku hor fadhiya Tukaraq.

Somaliland waxa ay aqbashay in ay ciidamadeeda ka qaaddo Tukaraq oo ay dib ugu noqoto halkii ay markii hore ka soo duuleyn oo ah tuulada Kambadha oo Laas Caanood waxyar u jirta.

Dhinaca Puntland waxa ay iyaguna joogi doonaan halka ay hadda ku sugan yihiin ee God Qaboobe.

Hadafka ugu weyn ee laga gaadhay heshiiskan ayaa noqonaya in labada maamulba ay ka fogaadaan Tukaraq oo ah deegaan uu yaalay KASTAM ilo dhaqaale oo xoog leh uga soo xeroon jiray labada maamul.

Deegaanka u dhexeeya labada ciidan, gaar ahaan Tukarqa waxa ay noqon doontaa aag ciidamada ka caagan (Buffer Zone).

Hase ahaate,wali labada dhinac ama beeshii caalamka ee ku dhex jirtay ma aysan xaqiijin heshiiska lagu kala qaadayo labada dhinac.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]