26 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Midowga YURUB oo farriin culus u diray siyaasiyiinta mucaaradka ku ah DFS

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Egreyga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika Alexander Rondos ayaa bogaadiyey tallaabooyinka Dowladda Soomaaliya ay u qaadday dhanka dib u soo kabashada iyo horumarinta hay’adaha dowladda.

Rondos ayaa ugu baaqay dhammaan siyaasiyiinta Soomaaliyeed in ay u jehaystaan dhanka horumarka, gacanna ay ka geystaan sidii ay dadkooda mustaqbal wanaagsan ugu abuuri lahaayee.

“Soomaaliya waa ay socotaa, tallaabooyinkanna waa caddeymo ka dhan ah kuwa shakiga gelinaya horumarka Soomaaliya.  Waxaan idiin rajaynayaa horumar loo dhan yahay iyo mustaqbal ifaya.”

Hadalka Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan waddamada Geeska Afrika ayaa daba socda hadallo iyo dhambaallo beesha caalamku ay ku bogaadisay horumarka ka socda Soomaaliya, tan iyo markii la doortay Madaxweyne Farmaajo, iyadoona ay sii kobceyso kalsoonida Beesha Caalamku ay ku qabto Dowladda Soomaaliya.

Horey waxaa u soo saaray dhambaallo bogaadin iyo kalsooni xambaarsan, Hay’adda Lacagta iyo Bangiga Adduunka, Midowga Yurub, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka maraykanka iyo Qaramada Midoobey.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: Maxay tahay ujeedka Shariif Xasan ugu yeertay xildhibaanno ka tirsan BF?

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Sharif Xasan Sheekh Aadan, oo magaalada Baydhabo ka bilaabay lole uu ka kasbanayo odayaasha beelaha kasoo jeeda deeganada Koonfur Galbeed, ayaa waxaa arrintaasi gacan weyn ku siiyay xildhibaano ka mid ah baarlamaanka federaalka oo magaalada Muqdisho ka qaatay diyaarad gaar ah oo uu usoo diray Shariif Xasan.

Sharif Xasan iyo odayaasha dhaqanka ayaa aad u kala fogaa mudooyinkii u danbeeyay oo ay ku dhaliilayeen maamulkiisa mid fadhiid ah loona baahan yahay isbadal cusub, iskana hor wareejiyaan Shariifka, waxayna arrintaani muujineysaa u dikar garowga Sharif Xasan ee doorashada madaxweyne ee Koonfur Galbeed.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Sharif Xasan lacago u qeybshay qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka mid ka mid ah beelaha Digil & Mirifle si loogu soo xero galigyo Xildhibaanada Koonfur Galbeed maadama uu markale yahay musharax u taagan qabashada xilkaasi.

Odayaasha lacagaha loo qeybshay ayaa loo adeegsaday Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya, kuwaasi oo laga wacay magaalada Muqdisho si ay u kala fur furan Odayaashasi oo qaarkood diiday in ay la kulmaan Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ay dhaliilsan yahiin qaabka maamulka Koonfur Galbeed ku hoggaaminayo iyaga oo Warbaahinta horey ugu sheegay in loo baahan yahay isbadal Hoggaanka Maamulka ah madaama Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed dhawaan la filaayo in any ka dhacdo Magaalada Baydhabo.

Xildhibaanada Magaalada Baydhabo tagay si ay u kala fur furan Odayaasha dhaqanka,  Koonfur Galbeed uguna soo xera galiyaan Sharif Xasan, waxaa kami ah Xildhibaan Aadan Ibrahim Dhaayow,  Xildhibaan Ibrahim Isaaq Yarrow,  Xildhibaan Maxamed Mursal Boorow, Xildhibaan Isaaq Cali Subag iyo xildhibaano kale oo aad u taageersan Shariif Xasan.

Waxaa xoogeysanayay isbaheysi siyaasadeed oo ka dhan ah Sharif Xasan kaasoo ololahooda laga dareemayo magaalooyinkna Muqdisho, Nairobi iyo Baydhabo, iyadoo doorashada madaxweyne ee Koonfur Galbeed la filaayo in ay qabsoonto bisha 11-aad ee sanadkaan.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
[email protected]

SOMALIA oo magdhaw ka dalbatay waddan dhibaato u geystay dad Somali ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo ciidamada dowlada Kenya dhibaatooyin badan ku hayaan shacab Soomaaliyeed ayaa waxaa arrintaasi si adag uga hadlay Senator Axmed Macalin Nadiir oo ka tirsan Aqalka Sare ee BFS, ahna guddoomiyaha guddiga arrimaha bulshada ee Golahaasi.

Senator Axmed Macalin Nadiir, ayaa sheegay in dowlada Kenya aysan inkiri karin dhibta ay ciidamadeeda ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Waxa uu Senator Axmed Macalin Nadiir, tilmaamay  in dhibaatooyinka ugu badan ay tahay mid ay ciidamada u geystaan shacabka ku nool xadka ka dhexeeya Somalia iyo Kenya kuwaa oo loo geysto dhibta ugu badan.

Waxa uu cadeeyay in diyaaradaha Kenya ay duqeymo ka dhan ah shacabka ka fuliyaan Gobollada Gedo iyo Jubbooyinka, kuwaas oo uu sheegay in si gaar ah loola beegsado dadka reermiga ah ee ku sugan gobolladaasi.

Senator Axmed Macalin Nadiir, oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in ciidamada Kenya ay burburiyeen xarumo shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ay ku laheyd halkaasi, loona baahanyahay in dowladda dalkaasi ay magdhow ka bixiso burburka hantidaasi.

“Kenya wax badan waa looga aamusay suuragal maaha in looga aamuso khaladaadka muuqda waa inay magdhaw ka bixisaa burburinta xarunta shirkada iyo xasuuqyada ka dhaca Jubbooyinka”

“Intaan kasii badan uma dulqaadan doono baabi’inta ay nagu heyso Kenya waa in si dhaqsi ah ay uga hadashaa burburinta xarunta iyo xasuuqa shacabka maadaama ay jiraan cadeymo”

Geesta kale, Senator Axmed Macalin Nadiir waxa uu cadeeyay in ka baarlamaan ahaan ay aad uga xub yihiin dhibta ay Kenya ku heyso Somalia, wuxuuna dowlada Somalia ugu baaqay inay wax ka dhahdo dhibaatada muuqata.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Erdogan oo ku dhawaaqay inay cunaqabatayn kusoo rogi doonaan Mareykanka

Ankara (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Turkiga Racep Tayyib Erdogan ayaa sheegay in dalkiisa uu cunaqabatayn kusoo rogi doono badeecooyinka elektronica ah ee Maraykanka.

“Haddii ay heystaan iPhone, waxaa dhanka kale yaala Sansung” ayuu yiri Erdigan oo ka hadlaya shirkadda Apple ee Maraykanka iyo tan tartanka uu kala dhaxeeyo ee Kuuriyada Koonfureed.

Erdogan ayaa waxa uu sheegay in ay qaadayaan tallaabooyin ay ku adkaynayaan dhaqaalaha dalkaas, isaga oo intaas ku daray in aysan u jabi doonin wax uu ku tilmaamay ‘hagardaamooyinka cadawga’.

Wasiirka arrimaha dibeda ee Ruushka Sergei Lavrov ayaa cunaqabatayntii Maraykanka uu kusoo rogey Turkiga ku tilmaamay mid aan sharci ahayn. Waxa kale oo uu Maraykanka ku eedeeyay in ay adduunyada ka waddaan tartan ganacsi oo aan xaq iyo xalaal ahayn.

Tallaabadan uu Erdigan qaaday ayaa waxa ay ka dambeysay kadib markii lacagta Liiraha ee dalkaas ay hoos u dhacday boqolkiiba 34%, waxaana ka dhashay in qiimaha badeecooyinka oo dhan ay sare u kacaan.

Bangiga dhexe ee Turkiga ayaa ballanqaaday in uu kaabayo lacagta Liiraha,Wasiirka Maaliyada Turkiga oo ah wiil  uu soddog  u yahay Erdogan ayaa lagu wadaa in maalinta Khamiista ee soo socota inuu u xaqiijiyo illaa boqol maalgeliyaal caalami ah in dowladu ay ka go’an tahay in ay gacan ka geysato sidii qiimaha Liiraha  uusan hoos ugu dhici  lahayn.

Caasimada Online
Xafiiska Ankara
[email protected]

BANKI caalami ah oo DFS hordhigay shuruudo adag

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaarada Maaliyadda xukuumada Somalia Abdirahman Duale Beyle, ayaa shaaca ka qaaday in deyn cafinta Somalia la dul dhigay shuruudo adag.

Wasiir Beyle oo la hadlaayay warbaahinta maxaliga ayaa sheegay in dowlada Somalia deyntaasi laga cafin doono keliya marka ay kasoo baxdo shuruuda la duldhigay.

“Somalia waxaa deyn cafinta lagu xujeeyay shuruudo adag, waxa uu heshiisku yahay in deynta laga cafiyo waa haddii ay kasoo baxdo”

Wasiir Beyle ayaa tilmaamay in shuruudahan ay hordhigeen EU-da iyo World Bank, isla markaana ay rajeynayan inay kasoo baxaan shuruuda si looga gudbo deymaha horyaal Somalia.

Wasiir Beyle waxa uu xusay in arrintan kaliya looga gudbi karo juhdi iyo dadaal dheeri ah, waxa uuna meesha ka saaray in qaab kale ay ku imaankarto cafinta deymaha marka laga soo gudbo shuruuda.

Waxa uu tilmaamay in shuruudaha qaar ay yihiin kuwo u sahlan dowlada Somalia, hase yeeshee Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha Somalia ayuu sheegay inay xalin doonaan shuruudaha badi.

Sidoo kale, Wasiir Beyle oo ka daabsanaaya shuruudaha ayaa si guud u sheegay inay yihiin kala ceyn isla markaana ay ka kala imaanayaan EU-da iyo World Bank.

Haddalka Beyle ayaa imaanaya xili Madaxweynaha Somalia iyo Ra’isul wasaraha ay sheegen in Somalia ay xal buuxa u heshay deymaha lagu leeyahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sirta qolka sirta ee Aqalka Cad ee USA oo la kashifay

La taliyihii hore ee madaxweyne Trump Omarosa Manigault Newman ayaa si qarsoodi ah ku duubtay wada sheekeysi dhexmaray iyada iyo agaasimaha Aqalka Cad John Kelly, iyada oo kadibna cajalkii ku faafisay warbaahinta.

Balse dhibka jira ayaa waxa uu yahay in wada sheekeysiga uu ka dhacay Qolka Sirta ee Aqalka Cad, halkaas oo ah bugcadda xogteeda loogu illaalinta badanyahay Maraykanka, waxaana suurtogal ah in haweenaydan ay jabisay habraaca amniga ee dalkaas.

Ma cadda sababta Mr Kelly uu gabadhan u geeyay Aqalka Sirta marka horeba, halkaas oo ah darajada ugu sareysa ee amniga Maraykanka. Waxaase jiray in dad kale oo la shaqeeya xitaa uu halkaas ku waraystay sida uu qorey wargeyska Axios.

Haweenaydan ayaa sheegtay in sababta ay wada sheekeysiga u duubtay uu ahaa in aysan aaminsanayn madaxweynaha iyo agaasimaha in ay hadhoow runta ka sheegi doonaan sababtii ay shaqada oga tagtay, sidaas darteedna ay u baahnayd caddeymo.

Balse go’aankeeda ah in ay duubto hadalka, kadibna faafiso ayaa dibadda usoo saaray arrimo muhiim ah, waxaana la’isweeydiinayaa waxyaabaha banaan iyo kuwa reebban ee ku saabsan Qolka Sirta.

Qolkan waxaa la dhisay sanadkii 1961-dii, waana halka lagu hayo sirta loogu illaalinta badanyahay ee Maraykanka, kana dhacaan shirarka aadka xasaasiga u ah ee lagu kala warqaato si maalinle ah, waana qolka ay kasoo fulaan xogaha madaxweynaha maalin kasta loo sheego.

Sida uu qabo Steven Aftergood oo ka tirsan ururka seynisyahanada Maraykanka, kaas oo ku taqasusay sirdoonka dowladaha ayaa yiri “Waa bugcadda ugu xasaasisan ee ku taala gayiga Maraykanka”.

“Waa halka laga bixiyo amarada ciidamada Maraykanka, xitaa amarada la xiriira hubka Niyuukleerka, waana halka hawlgalada sirdoonka ay fuliyaan lagala socdo” ayuu intaas ku daray.

Qolkan waxa uu aad usoo caan baxay kadib markii Aqalka Cad uu soo bandhigay sawirro muujinaya madaxweynihii Maraykanka Barack Obama oo Qolka Sirta kala socda hawlgalkii lagu dilay hoggaamiyihii Al Qaacida Cusama Bin Laden.

Marka laga tago in ay tahay meel nabdoon oo uu madaxweynaha kala socon karo arrimaha banaanka ka dhacaya, waxa uu qolkan leeyahay nidaam lagu kala hufi karo xogaha sirta ah.

Saacad saacad, iyo maalin kasta, ayaa askarta isku badasha illaalada qolkan ay indhaha ugu hayaan waxyaabaha waaweyn ee adduunka ka dhaca, kuwaas oo laga yaabo in ay Maraykanka micno u samaynayaan, si madaxweynaha loogu gudbiyo kuwa muhiimka ah.

Waxa uu ku yaalaa gunta hoose ee Aqalka Cad, waxana uu ka koobanyahay dhawr qol sida ay sheegeen dadkii halkaas shirarka uga qeybgalay.

Waxa kaliya ee qolkaas loo ogolyahay dadka haysta ogolaanshaha amni ee ugu sareeya.. Dadkan waxaa kala xula hay’adaha sirdoonka Maraykanka, waxaana xitaa la baraa sida ay tahay in ay u dhaqmaan marka ay qolkaas ku jiraan.

Qofna looma ogola in uu la galo taleefoon ama xitaa qalab elektaroonik ah “Taleefoonka waxaad ku rideysaa sanduuq yar oo banaanka yaala, furaha ayaad shirka la galaysaa” ayuu yiri Brett Bruen oo ka tirsanaa maamulkii Obama.

Hase yeeshee ma jirto meel la isku baaro marka laga galayo Aqalka Sirta, sida uu sheegay Mr Bruen.

Siyaabo kale ayaa sharciga loo dhaqangaliyaa, iyada oo dadka halkaas galaangalka u leh ay iyaga is xilqaamaan.

Dad badan ayaa aad ula yaabay xogta ay duubtay, misne faafisay, balse waxaa la sheegay in xogta ay faafisay aysan ahayn sir weyn oo mamnuuc ay ahayd in la faafiyo, hase yeeshee waxaa la isku waafaqsanyahay in ay jabisay sharciyada Aqalka Sirta.

Isha: BBC

Boqolaal walxaha qarxa ah oo lagu qabtay Ethiopia iyo cabsi xoogan oo taagan

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Warbaahin maxalli ah oo ka dhisan dalka Ethiopia, ayaa kusoo warrantay in boqolaal walxaha qarxa lagu qabtay waqooyiga Itoobiya, ayna jirto cabsi ku saabsan qorshaha laga lahaa aaladahan.

Mas’uuliyiin ku sugan gobolka Tigreega ee dalka Itoobiya waxay sheegeen in meel buunddo ah hosteed ka heleen ilaa 425 alaadaha qarxo oo lagu qariyay halkaasi.

Hubka ayaa la sheegay in la qorsheyanayay in loo daabulo caasimmada gobolka Tigreega ee Mekele. Mana cadda waxaa la doonayay in loo adeegsado waxyaabahan qarxa.

Tirada bulshada qowmiyadda Tigreega ah ayaa ah mid yar dalka Itoobiya marka loo barbardhigo bulshooyinka kale, xisbiga Tigreega ee TPLF ayaa muddo tobbonaan sanno ah hoggaaminayay dalka Itoobiya.

Kadib imaatinkii ra’iisukl wasaare Abiy Ahmed, waxaa jirtay cabsi xoogan oo Tigreega ay ka qabaan in la beegsado, ayada oo laga aargudanayo sanadihii ay xilka hayeen, oo qowmiyada badan ay ka tirsanayaan tacaddi.

23-kii June, qarax ayaa ka dhacay magaalada Addis-Ababa xilli uu khudbad jeedinayey ra’iisul wasaare Abiy, waxaana farta lagu goday Tigreega, inkasta oo aan weli la hayn wax caddeymo ah oo qaraxa ayaga la xiriirnaya.

Sidoo kale toddobaad kadib waqtigaas ayaa madaxweyne ku xigeenka gobolka Tigreega waxa uu sheegay inay ka go’ayaan Ethiopia, haddii lasii wado in dastuurka lagu xadgudbo, sida uu hadalka u dhigay.

Baarlamanka Puntland oo gaaray go’aan uusan Gaas ku farxin kuna dhawaaqay..

Boosaaso (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Goroowe ee xarunta maamulka Puntland ka dhacay kulan aan caadi aheyn oo u dhexeeyay baarlamaanka maamulka.

Xildhibaanada oo intooda badan ku dhamaa kulanka ayaa waxa ay iclaamiyeen xiliga ay dhici doonto doorashada maamulka iyo qaabka ay u dhici doonto.

Waxa ay Xildhibaanadu isla garteen xilliga ay dhaceyso doorashada Hoggaamiyaha cusub ee Puntland, iyaga oo isku raacay in doorashada Puntland ay dhacdo 8-da January ee sanada 2019-ka.

Xildhibaanada waxa ay sidoo kale kulankooda ku shaaciyen in dhammaan Xildhibaanada baarlamaanka Puntland la kala diri doono 31 Decembar ee 2018 ee sanadkan 2018.

Waxa ay isku raaceen in wixii ka danbeeya 31 Decembar ee 2018 la bilaabi doono soo xulitaanka Baarlamaanka cusub ee uu yeelan doono Maamulka Puntland.

Sidoo kale, go’aanka Baarlamanka Puntland uu maanta ka gaaray arrimaha doorashada ayaa waxa uu noqonayaa mid meesha ka saari doona hadal heyn badan oo ku aadaneyd in Madaxweyne Cabduweli Gaas uu doonayo mudo kororsi.

Dhinaca kale, waxaa magaalada Garoowe ku sugan musharaxiin dhowr ah oo dooneysa in kursiga ay kala dagaan Hoggaamiyaha uu wakhtigiisu dhamaaday Cabdiwali Gaas.

Caasimada Online
Xafiiska Boosaaso
[email protected]

Dowlad ISLAAMI ah oo tiri “Ragga iyo dumarka waa ay u siman yihiin dhaxalka”

Tunis (Caasimadda Online) – Madaxweynaha xukuumadda Tunisia ayaa ku dhawaaqay in dowladdiisu ay aqoonsatay sharci ku sheeg dhigaya in ragga iyo dumarka ay dhan walba ka simanyihiin.

Alqaa’id Beeji Sebsi oo ah madaxweynaha Tunisia ayaa kalimad uu ka jeediyay Telefeshinka Afka dowladda ku hadla wuxuu uga dhawaaqay in dowladdiisu ay ogolaatay in ragga iyo dumarka ay isku mid yihiin ayna dhanka dhaxalka ka simanyihiin.

“Ragga iyo dumarka waa simanyihiin wax faqri ahna uma dhaxeeyaan dhanka dhaxalka laakin waa in aan doodda sii wadnaa oo aan ka dhignaa sharci xukuumadeed” ayuu yiri Qaa’id Beeji Sebsi.

Wuxuu sheegay in waqti aan dheerayn xeerkan laga dhigi doono mid waafaqsan dastuurka wadanka uyaal, durbadiiba dibad baxyo ballaaran ayaa ka oogmay gobollada wadanka Tuunis oo muslimiintu ugasoo horjeedaan sharciigaan meelka ka dhaca ku ah shareecada islaamka.

Madaxweynaha Tuunis ayaa ku qowllay hadal diinka ka bax ah waxaa kale oo uu sheegay in diinta islaamka aysan dowladdiisa meelna kasoo gelin ayna qaateen hanaanka calmaaniyadda diin la’aanta “Qowlka oranaya Marjiciyadda dowladda Tuunis waa mid diimeed waa khalad faaxish ah, annagu waxaan nahay dowlad calmaani ah oo wax walba aqbalaysa” ayuu hadalkiisa sii raaciyay hoggaamiyaha Tuunis.

Dibad baxyo ay soo abaabuleen axzaabta Midigta calmaaniyaddu ku fogaatay ayaa ka dhacay dhowr magaalo waxaana dibad baxyadaas lagusoo dhoweynayay go’aankan sheydaaniga ah ee dowladda Tuunis kasoo baxay.

SAWIRRO: Jubaland oo ka hadashay sababti loo xiray taliyaha hay’ada NISA ee…

0

Kismaayo (Caasimadda Online) – Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, ciidanka Nabad Sugidda Jubbaland ayaa xabsiga dhigay Taliyaha Nabad Sugidda iyo ku-xigeenkiisa oo dowladda Soomaaliya ay u magacawday degaanada Jubbaland.

Ciidanka Nabad Sugidda ayaa labadan sarkaal waxa ay ka qabteen garoonka diyaradaha magaalada Kismaayo, kadib markii halkaasi ay ka degtay diyaarad ka qaaday magaalada Muqdisho.

Labada Taliye ee la xiray ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Cali Mire Ducaale oo ah Taliyaha iyo ku-xigeenkiisa Maxamed Ibraahim, waxayna caawa ku hooyanayaan xabsi ku yaalla magaalada Kismaayo.

Saraakiil u hadashay Jubbaland ayaa waxa ay sheegeen sababta loo xiray raggan inay tahay sababo amni daro darteed, islamarkaana aanan lagu soo wargelin imaanshiyahooda.

“Hay,adda Nabad suggida iyo sirdoonka Jubbaland oo ah Hay’ad taliska dhismeheeda iyo kan ciidanba dhameystiranyahay ayaa gacan bir ah ku dhigtey Amniga gudaha Dowlad goboleedka Jubbaland taas oo keentey xasiloonida iyo Amniga ka jira Jubbaland ee ay bulshada reer Jubbaland kuwada naaloonayaan .

Sidoo kale Saraakiishu waxa ay sheegeen in Dowladda Soomaaliya ay tahay mid ka soo horjeeda Maamulka Jubbaland iyo horumarka ka jira Waa sida ay hadalka u dhigeyn.

Ilaa hadda dowladda federaalka kama aanay hadlin xariga Jubbaland ay kula kacday saraakiishan ka tirsan NISA, balse waxaa socda dadaalo lagu doonayo sidii loo sii deyn lahaa saraakiishan.

Sidan oo kale maamulka Jubbaland 13-kii July ee sanadkan waxay garoonka Kismaayo ka celiyeen diyaarad siday Gen. Cali Bogmadow oo ay Dowladda u magacowdey qeybta 43-aad ee Ciidanka xooga dalk, inkastoo markii dambe xal laga gaaray.

Kaalinta sirdoonka Itoobiya ee qabashadii iyo dhiibistii Qalbidhagax (Baaris VOA)

0

Adis Ababa (Caasimadda Online) – Toddobaadka dambe waxay ku buuxdaa sanad markii dawladda Soomaaliya ay dawladda Itoobiya u gacan gelisay sarkaalka ururka ONLF ee Cabdikariim Muuse Qalbi Dhagax.

Dhiibistaasi waxay dawladda u abuurtay qalalaasihii siyaasadeed ee ugu weynaa sannadkaas tan iyo markii ay xukunka qabatay.

Isbeddellada ka dhacay Itoobiya ayaa keenay in ugu dambayn xabsiga laga sii daayo Cabdikariim Muuse Qalbi Dhagax iyadoo dawladda Itoobiya ay liiska argagixisada ka saartay ONLF.

Cabdikariim Qalbi Dhagax ayaa sidoo ale ka mid ahaa saraakiil ka tirsan ONLF ah oo bartilmaameed u ahaa shirqool khaarajin ah, sida ay muujinayaan diiwaannada maxkamadaha Soomaaliya.

HOOS KA DHAGEYSO BARNAAMIJKA GALKA BAARISTA EE VOA

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Donald Trump Sacuudiga ma ku sameyn doonaa wixii uu ku sameeyey IRAN?

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump waxa uu ku amray saaxiibadda Mareykanka in aysan wax cilaaqaad ganacsi ah aysan la sameyn Iran isaga oo ku tilmaamay in uu sare ugu qaadayo NABADDA ADUUNKA, oo uu sheegay in Iran ay halis ku tahay. Sidaas oo kale ma ku sameyn doonaa Sacuudiga, si loo joojiyo musiibada bani’aadannimo ee ka socoto dalkja Yemen.

Hase ahaatee waxa ay u muuqataa siyaasadda maamulka Trump ee Bariga dhexe in ay ku kooban tahay oo kaliya kahor tagidda Iran.

Maamulka Trump waxa ay taas mar marsiinyo uga dhiganayeen tallaabooyinka ay Iran ku taageereyso kooxaha dagaalada ka wada Bariga sida Xuutiyiinta ka dagaalamaya Yaman.

Yeelkeede, meesha lagama saari karo in siyaasadda guracan oo ay Mareykanku ku taageerayaan isbahaysiga Sucuudiga iyo Imaaradka ee dagaalada ka wada Yemen in ay dhalisay masiibo bini’aadannimo.

Waxaan shaki ku jirin in Iran ay ka faa’iideysaneyso xaalada bili’aadannimo ee ay Yemen ka abuureen Sucuudiga iyo Imaaraadka si ay saameynteeda ugu xoojiso ugana qeyb qaadato dagaalka sii daba dheeraday ee Yemen.

Haddii Mareykanka ay dhab ka tahay in la soo afjaro dagaalka Yemen kana hortago in aysan Iran isku ballaarin gobolka waxaa waajib ku ah in uu joojiyo taageeridda dagaalka danaha gurracan laga leeyahay oo ay wadaan saaxiibadiisa.

Marka la doonayo in nabad waarta la helo waxaa lagama maarmaan ah in dhammaan faragalinta shisheeye la joojiyo haddii ay ahaan lahayd dagaalada tooska ah oo ay wadaan Sucuudiga iyo Imaaraadka ama dagaalka dadban ee Iran.

Yaa ku saameyn badan dagaalka Mareykanka, xulufadiisa uu sucuudiga hoggaamiyo iyo Iran?

Sucuudiga waxaa la qiyaasay in bishii uu dagaalka uga baxo $6 billion, lacag aad uga badan inta uga baxda Iran laakiin waxaa dagaalkaas ku awood iyo saameyn badan Tehran.

Waxyaabaha Iran u fududeeyey in ay awooddeeda ku ballaariso Yemen waxaa ugu weyn guulaha uu madaxweynaha Suuriya Bashaar Al Asad ka gaarayo kooxaha la dagaalama.

Masiibooyinka uu dagaalka Yemen dhaliyey waxaa ka mid ah duqeymihii lagu dilay ardaydii saarneyd Bus-ka iyo dumarka uurka leh oo xaaladooda aad u liidato.

JUBBALAND oo garoonka Kismaayo ka celisay taliye cusub oo DF magacawday

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in ciidamada Garoonka magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland ay is hortaag ku sameeyen mas’uul ay DFS u magacawday Taliyaha NISA ee Jubbooyinka.

Ciidamada maamulka ayaa la sheegay in gudaha Garoonka ay ku xanibeen Cali Mire oo iminka loo magacaabay taliyaha cusub ee NISA.

Ciidamada maamulka ayaa taliyaha cusub u diiday inuu gudaha u galo magaalada, waxaana lasoo sheegayaa in amarka loogu diiday galitanka magaalada uu kasoo baxay madaxtooyada maamulka ee Kismaayo.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka ayaa laga soo xigtay in Cali Mire maalinta beri ah dib loogu soo celin doono magaalada Muqdsiho oo uu markii hore  ka baxay.

Maamulka Jubaland ayaa horey u diiday in magalada Kismaayo uu galo taliyihii xooga ee maamulkooda loo magacaabay iyadoo ugu dambeyn ka dagay Baardheere oo uu xarun ka sameystay.

Geesta kale, maamulka ayaa celinta Taliyaha cusub NISA ee Jubbooyinka u cuskaday la tashi la’aan waxaana soo baxaaya warar sheegaya in Axmed Madoobe uu xilkaasi la doonaayo keliya reerkiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xaaladda adag ee Turkiga uu wajahayo iyo halka ay dhibaatada ka socoto

Waxaa ku soo socda Jamhuuriyadda Turkiga dagaal dhaqaale oo hubka loo adeegsanayo uu yahay cunaqabatayn, canshuur, sarifka Doolarka Ameerika, iyo Twitter.

Waxaa kale oo haysta J. Turkiga xaalad adag oo dhaqaale. Sicir bararku waa 15%; naaquska ganacsiga caalamiga ah (trade deficit) iyo naaquska miisaaniyadda dowladda (fiscal deficit) oo gaaray heer sare; shaqo la’aanta ayaa kor u kacday; wax soo saarkuna hoos ayuu u dhacay.

Qaska dhaqaale ee hadda haysta J. Turkiga waxaa keenay badenkeed dagaalka dhaqaalaha, gaar ahaan sarifka Doolarka iyo Liiraha Turkiga, Canshuurta lagu kordhiyay Alumiiniyam ka iyo Birta uu Turkigu u dhoofiyo Ameerika, iyo qoraalka Twitter ka ee MW Trump.

Suuqa Saamiyada Turkiga ayaa hoos u dhacay 17%; Dulsaarka deynta dowladda (Yield on 10-Year Government Bond) ayaa gaaray 18%; Liiraha Turkiguna wuxuu gaaray heer aad u hooseeya (1 USD = 7.24 TL, August 13, 2018 ayow ku furmay saakay laakin waa soo kacay oo hadda waa 1 USD = 6.87 TL, August 13, 2018, 18:15 Hrs.).

Hoos u dhaca qiimaha Liiraha waxaa la socda faa’iido iyo dhibaato weyn. Dadweynaha mushaarkoodu ama dakhligoodu yahay Liire ayaa dhib weyn ku qabo hoos u dhaca Liiraha oo waxaa yaraaday awoodda wax iibsashadooda. Waxaa sii kordhay sicirka badeecada taal suuqa. Sidoo kale, waxaa dhib weyn ku qaba hoos u dhaca Liiraha Shirkadaha Turkiga, gaar ahaan kuwa dhismaha oo qaatay deyn badan oo Doolar ah si ay uga faa’iidaystaan ganacsiga dhismaha guryaha oo aad u kordhay saddexdi sano ee la soo dhaafay.

Waxaa ku adkaan doonta shirkadaha deynsaday Doolarka in ay bixiyaan deynta ku taagan oo badatay Liira ahaan.

Hoos u dhaca qiimaha Liiraha waxaa ka faa’iiday dalxiisayaasha la yimid Turkiga Doolar ama Sterling Pound, ama Euro oo waxaa raqiis u noqday Hoteelada, Cuntada, iyo dukaamaysiga.

Waxaa kale oo ka faa’iidi doona hoos u dhaca sarifka Liiraha shirkadaha dhoofiya badeecada Turkiga oo badeecada ay dhoofiyaan ay raqiis ka noqon doonto suuqyada caalamka.

Maxaa Sababay Dagaalka Dhaqaale oo Ay Ameerika Ku Qaaday J. Turkiga

Arrimo siyaasadeed oo la xiriira gobolka (geopolitical issues) iyo kuwa dhaqaale ayaa sal u ah dagaalka gardarada ah ee lagu soo qaaday J. Turkiga.

Dowladda Jamhuuriyadda Turkiga ayaa xirtay Oktoobar 2016ki Wadaad Masiixi ah oo la yiraahdo Andrew C. Brunson oo Ameerikaan ah. Waxaa ninkan lagu eedeeyay in uu gacan saar la lahaa kooxdi ka dambayseesay Inqilaabki fashilmay ee 2016ki iyo dagaalyahanada PKK (Kurdistan Workers’ Party).

Dowladda Ameerika ayaa ka xumaatay xariga ninkan, dalbatayna in la sii daayo ama ay cunaqabatayn dhaqaale ay saari doonto J. Turkiga.

Waxaa kale oo dowladda Ameerika (iyo EU) ka xanaajiyay calaaqaadka ganacsi iyo mid siyaasadeed ee sii xoogaysanaya ee J. Turkiga kala dhaxeeya Ruushka iyo Iiraan oo labadaba la saaray cunaqabatayn dhaqaale.

Sidoo kale, Ameerika raali kama aha go’aanka J. Turkiga, oo ka mid ah NATO, oo ka soo iibsanaysa Ruushka hubka/nidaamka difiaaca gantaalada (missile defense system). Waxaa kale oo jira khilaaf ku saabsan wax ka qabashada dagaalada ka socda Suuriya.

Dadaalka Madaxda Dowladda Jamhuuriyadda Turkiga

Madaxweynaha J. Turkiga, Md. Recep Tayyip Erdogan, Wasiirka Maaliyadda, Md. Berat Albayrak, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda, Md. Mevlut Cavusoglu, aad iyo aad ayay ugu dadaaleen in ay dajiyaan suuqyada maaliyadda soona bandhigaan waxa jira. MW Erdogan wuxuu la hadlay shacabka J. Turkiga una sheegay in dalkiisa lagu hayo dagaal dhaqaale oo loo adeegsanayo Doolar. Wuxuu ugu baaqay shacabka Turkiga in ay iska iibiyaan Doolarka iyo Dahabka ay haystaan oo ku badeshaan Liiraha Turkiga.

Wasiirka Maaliyaddu wuxuu soo bandhigay Barnaamij cusub oo wax looga qabanayo xaaladda dhaqaale ee Turkiga. Nasiib daro, waxaa tashuush ku furay xafladdii lagu daahfurayay barnaamijkan MW Donald Trump oo soo saaray go’aan uu ku labalaabay canshuurta Alumiiniyamka (20%) iyo Birta (50%) kuna qiima riday Liiraha Turkiga.

Bangiga Dhexe ee Turkigu wuxuu kordhiyay lacagta Doolarka iyo Liiraha (TL 10 billion, $6 billion iyo $3 billion dahab ah) ee taala bangiyada kaydka iyo ganacsiga si aysan u liicin bangiyadu. Dhinaciisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda wuxuu la kulmay Safiirada Ajnabiga ah ee jooga Ankara wuxuuna u sharxay siyaasadda arrimaha dibadda ee Jamhuuriyadda Turkiga. Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxay baaritaan ku haysaa ku dhawaad 350 ah baraha bulshada oo dacaayad xoog leh ku haya dhaqaalaha iyo lacagta Turkiga.

Gunaanad Iyo Baaq

Waxaa dhici karta in dagaalka dhaqaale ee lagu qaaday Jamhuuriyadda Turkiga uu noqdo fidno faafta oo saamaysa wadama kale. Qayb ka mid ah Turkigu waa Yurub; qayb kalena waa Aasiya. J. Turkiga waxay xuduud sided wadan oo qaarkood ay ka jirto xasilooni daro, sida Suuriya iyo Ciraaq, iyo kuwo aan dhaqaale adag lahayn sida Giriik iyo Iiraan. Waxaa ka howlgala gudaha Turkiga bangiyo iyo shirkado badan oo laga leeyahay Fransiiska, Jarmalka, Talyaaniga, Ingiriiska, Jabaan, iyo Ameerika (waa tan keentay in suuqyada saamiyada Yurub iyo Aasiya ay badankood ay dhacaan maanta).

Madaxweyne Erdogan wuxuu ku baaqay in laga maarmo in Doolarka Ameerika loo isticmaalo ganacsiga caalamiga ah oo la adeegsado lacagta ay dowlad kasta leedahay.
Ruushka oo ka jawaabaya baaqaas ayaa ku dhawaaqay in shidaalka Ruushka lagu iibin doono lacagta dalkaas ee Ruubel ka (Russian Ruble or Rouble). Waxaa kale oo xusid mudan in dowladda Ruushka ay iska iibisay deynti ay ku la heyd dowladda Ameerika 80% (US Treasury Bonds). Waddanka Shiinaha ayaa ku leh deynta uga badan ee lagu leeyahay dowladda Ameerika (Dec. 2017: $1.18 trillion).

Waxaan ugu baaqaa ummadda Soomaaliyeed in ay u duceeyaan dowladda Turkiga oo hadda waqti adag ku jirta. Sidoo kale, waxaan ugu baaqaa ganacsatada Soomaaliyeed ee haysta Doolarka in ay maalgashtaan Turkiga.

Waxaa ka jira Turkiga fursado fiican oo ganacsi qofkii lacag haysta oo waxaa hadda hoos u dhacay qiimaha guryaha, gaar ahaan magaalooyinka gobolada dalka, Hoteelada, iyo ka ganacsiga badeecada Turkiga. Weliba la soco oo hadda waa u fududahay Soomaalida in ay helaan ciqaamadda Turkiga.
Wa Allahu Aclam.

Dr. Ismail Ali Siad
Vice Chancellor,
University of Somalia (Brighter Future)
[email protected]; www.uniso.edu.so

Haweeney baahisay COD sir ah oo DONALD TRUMP laga duubay (Dhageyso)

Haweenay la taliye horey ugu ahayd madaxweyne Donald Trump ayaa baahisay cajalad sir ah oo ay ka duubtay Trump.

Cajalkan oo cod ahaa oo laga sii daayay taleefishinka NBC ayaa laga maqlay cod u eg kan Trump oo haweenaydan Omarosa Manigault uu kula hadlayo, kuna leeyahay “mQofna iima sheegin arrintan”, isaga oo ula jeeda in iyada shaqada laga eryay maalin ka hor.

Haweenaydan ayaa soo saaraysa buug xusuus qorkeeda ah, waxayna kaga hadlaysaa waxyaabihii ay kala kulantay Aqalka Cad.

Trump oo isniintii fariin soo dhigay boggiisa Twitterka ayaa dhaleeceeyay haweenaydan, wuxuuna sheegay in ay eedeysay kaliya markii iyada shaqada laga eryay, isaga oo sidoo kale ku eedeeyay in ay tahay qof aanan karti lahayn.

Garyaqaanka Trump ninka lagu magacaabo Rudy Giuliani ayaa sheegay in laga yaabo in haweenaydan ay sharciga jabisay maadaamaa ay duubtay wada sheekeysi sir ah.

Omarosa Manigault iyo Trump ayaa is bartay xilligii uu daadihiyaha ka ahaa barnaamijka The Apprentice, waxayna sidoo kale la taliye uga noqotay arrimaha Afrikaanka Amerika xilligii ololaha doorashada 2016-kii.

Ma ahan markii ugu horeysay oo cajal sir ah laga duubo Trump, lagana baahiyo warbaahinta.

Is-beddalo deg-deg ah oo laga dareemay JIG-JIGA

0

Jigjiga (Caasimadda Online) – Tan iyo intii uu is badalka ku yimid maamulkii dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, gaar ahaan markii ay dib u habeyn lagu sameeyay xisbiga talada haya, waxaa magaalada Jig Jiga laga dareemayaa isbadalo aanan horay loo arag.

Waxaa magaalada ka qabsoomaya shirar kala duwan oo noocooda oo kale horey mamnuuc u ahaa, waxaana laga jeedinayaa hadalo aad uga duwan kuwii hore.

ESTV

Isbadalada dhacay waxaa ka mid ah shir weyn oo aqoonyahanada deegaanka ay isugu yimaadeen oo ka dhacay magaalada Jig Jiga, kaas oo ay kasoo qeybgaleen xubno sare sare oo ka mid ah maamulka.

Shirkan oo wixii lagaga hadlay, iyo qodobadii kasoo baxay si toos ah looga baahiyay taleefishinka ESTV ayaa waxaa qodobadii lagu heshiiyay shirka ka hor akhriyay wariye Buurgaabo oo ka mid ahaa wariyeyaashii caanka ahaa, balse muddo u xirnaa maamulka, wuxuuna yiri “Waxaan soo jeedinaynaa in sharciga la hor keeno dadkii ka dambeeyay burburinta xarumaha diinta, maadaamaa dhibaatooyinka dhacay ay sabab u tahay maamul xumadii kasoo jirtay deegaanka, waxaan soo jeedinaynaa in ciidanka ay noqdaan dad aqoon leh, oo bulshadana kalsoonideeda haysta”.

Shirka ayaa xitaa looga hadlay arrimo xilli aad xasaasi u ahaa in laga hadlo sida arrimaha Liyuu Booliiska, wuxuuna Buurgaabo shirka ka yiri “Waxaan aaminsanahay in ciidanka Liyuu Booliiska ay yihiin ciidan dowladeed, oo aysan ahayn ciidan uu shaqsi leeyahay, sidaas darteed waxaan ugu baaqaynaa in ay xasilooni kusoo dabaalaan”.

Shirka ayaa dhanka kale lagu taageeray guddoomiyaha cusub ee xisbiga talada haya Axmed Shide Maxamed, waxaana loogu baaqay in xisbiga sameeyo isbadal heer kasta ah.

Hadalo Qeexan

Dadkii shirka ka hadlay ee aqoonyahanada ahaa ayaa mid mid ah uga hadlay wax ay sheegeen in ay muddo la aamusnaayeen, iyaga oo qaarkood ka sheekeeyay dhibaatooyin si shaqsiyan ah loogu geystay, waxaana ka mid ah nin yiri “Waxaa la’iga soo qabtay magaalada Addis Ababa, waxaa isoo qabtay dowladda Federaalka, hadda waan socon kari la’ahay, loowyaha ayaa nalaga garaacayay”.

Waxaa xitaa goobta ka hadlay madaxweyne ku xigeenka deegaanka Mudane Xamdi Aadan Cabdi , madaxweyne ku xigeenka , ahna wasiirka arrimaha deegaanka , wuxuuna yiri “Dhibaato waa ay jirtay deegaanka, maamul xumo way jirtay, waxyaabo badan oo dhibaato ah in ay jirtay oo aan la iska indho tiri karin in ay jirtay halkan waan ka caddaynayaa, dhibaatada dhacday in dhalinyarta Heego ay ku lug lahaydna waa mid aan shaaca ka qaadayno, laakiin in maamulkii xiligaas jiray ay iska cabursanaayeen, dhammaantood waa laga wada warqabaa, aniga ka hoggaamin ahaa dadkii ugu horeeyay ee isbadalka soo dhaweeyay baan ka mid ahaa, waanan sii hirgalin doonaa”.

Hadaladan waa kuwa aad uga duwan kuwii horey looga bartay madaxda deegaanka iyo dadka ku sugan gudaha deegaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Jigjiga
[email protected]

3 arrin oo muujineysa inuu CC Shakuur caqabad ku yahay xasiloonida Xamar

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga CC Shakuur oo kamid ah Siyaasiyiinta aadka uga soo horjeeda siyaasada dowlada Somalia ayaa waayadani culeyska saaraya sida jahwareer amni loogu ridi lahaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somali.

CC Shakuur oo inta badan ku sugan dalka dibadiisa ayaa codkiisa mucaaradnimo kusoo koobay ka hadalka arrimaha amniga.

CC Shakuur oo naawilaaya in mar un uu qabto mid kamid ah xilalka ugu sareeya dalka ayaa u muuqda mid ay ka luntay diirada, waxa uuna sabab u noqonayaa halis amni darro oo usoo dagdagta dadka reer Muqdisho.

CC Shakuur, waxa uu inta badan shaqo iyo dhaliil siyaasadeed ka dhigtaa arrimaha amniga waxaana xusid mudan in arrintaasi ay ku dhalatay kadib weerarkii lagu qaaday hooygiisa xili uu kulan kula jiray Xildhibaano iyo Siyaasiyiin ka tirsan garabka mucaaradka.

Tan iyo weerarkii lagu qaaday laguna dhaabacay CC Shakuur waxa uu naceyb xoogan u qaaday Hay’adaha amniga dalka gaar ahaan Hay’adda Nabadsugida oo xiligaa u dhigtay cashar lama ilaaban ah.

Haddaba CC Shakuur ayaa u muuqda mid caqabad ku ah amniga iyo xasiloonida ka jirta magaalada Muqdisho maadaama uu xooga saaro arrimaha Gobolka waxaana tusaale u ah Seddex qodob oo kala ah:

1-In dhaliishiisa amni ay tahay mid ku kooban amniga Muqdisho, waxa uuna durbaanka u garaacayaa sida jahwareer amni loo galin lahaa Muqdisho oo xudun u ah dalka.

2-Ka hor inta aan la burburin ciidamada xasilinta wax uu ku qeyla dhaaminaayay inaan dhismaha ciidamadaasi loo marin sharci waxa uuna si joogta ah ugu baaqayay in la kala diro ciidamada, iyadoo ay xusid mudan tahay in ciidamada keliya ee arrimaha amniga looga cabsan jiray ay ahaayen kuwa xasilinta.

3- Goortii la burburiyay ciidamada xasilinta waxa uu CC Shakuur mar kale ku qeyla dhaamiyay in Taliska Booliska aysan ka raali noqon in lagu soo daro ciidamada xasilinta oo uu ku eedeeyay inaysan u qalmin Boolis, waxa uuna qodobkaani muujinayaa in CC uusan Muqdisho u ogoleyn amni iyo xasilooni isaga oo fiirsanaaya danihiisa Siyaasadeed.

Sidoo kale, CC Shakuur waxa uu Xildhibaanada qaar dhaqaale ku siiyaa inay ka hadlaan wax waliba oo lagu bahdili kara sumcada dowlada Somalia, si ay ugu sahlanaato inuu ku cod darsado Xildhibaanada jeedineysa dhaliilaha.

Su’aasha ugu badan ee kadhalata dhaliilaha CC Shakuur ayaa waxaa kamid ah sababaha uu uga hadli la’yahay dhacdooyinka kale ee kadhaca Gobolada dalka, halka ay dhaliishiisu tahay mid ku kooban Gobolka Banaadir.

Dhinaca kale, CC Shakuur oo gaashaan u ah dowladaha carbeed ayaa u muuqanaaya mid loo adeegsanaayo burbur ka dhaca Somalia, maadaama dhaliishiisu tahay mid aan xikmadeesneen.

W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad
Muqdisho, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Dagaalka Somali Galbeed iyo Oromada ma dagaal isir mise dagaal wakaaladeed?

Jigjiga (Caasimada Online) – Dadka Somaaliyeed ee deegaanka Somaali-galbeed waxa ay taariikh dheer ku leeyihiin Qowmiyadaha dega Geeska Afrika sida; halgankii Diinta Islaamka, kii Gobanima-doonka iyo dhismihii dawladihii ka hana qaaday Geeska Afrika 5 tii Qarni ee lasoo dhaafay, waxaana lagu yaqaanaa; Somaali-ku faan, Gumaysi-diid, Dagaalyahan-nimo, Hal-abuur, Qab iyo Isla-wayni iwm.

Nasiib daro Qarnigii 20 aad markii uu baxay Gumaysigii reer Galbeedka waxaa u bedelay Gumaysi AMXAARO & TEGREE oo isu daba maray kana dilay Qiyamkii, Qabkii, Somaali-nimadii iyo Midnimadii, una adeegsaday wax kasta oo lagu Gumayn-karo sida;

1-Gobalka oo lagu magacaabay magac Qabiil (Ogaden) si beelaha kale loo dareen-siiyo in aysan talo iyo awood ku laheen.

2-Waxaa loo kala qeybiyey Qabiil-Qabiil iyo Deegaan-Deegaan, halka Qowmiyadaha kale ee Ethiopia ay Mid-Mid yihiin (Qeybi oo Xukun).

3-Waxaa loo diiday in ay Talada iyo Go’aanada dawladda dhexe wax ku yeeshaan, kana mid noqdaan Isbahaysiga EPRDF.

4-Waxaa Madax looga dhigay kuwii dadka ugu liitay uguna damiir xumaa oo dadkoodii Gun ka dhigay, Gobalkoodina ka dhigay xarumo Ciidamada Fedaraalku degaan kuna Ciaabaan ama ku Dilaan ciddii ay rabaan sida uu qiray Madaxweynihii hore ee Gobalka “in ciidankii Tegreegu ku qasbeen Ciqaabta dadkiisa”.

5-Waxaa Gobalka loo sameeyay Maleeshiyaad aan laheen Sharci iyo Asluub qabata oo dilay ama duleeyay qof kasta oo wax-gal ahaa, Somaalina ahaa (Liyu Police).

6-Waxaa denbiile-yaal iyo Arga-gaxiso laga dhigay Wiilashoodii shalay ahaa Mujaahidiin Gobanima-doon ah, laguna amray in mid kasta iyo qoyskiisa lagu Ciqaabo ama lagu Toogto hortooda (ONLF).

7-Waxaa lagu diray oo cadaawad iyo Karaahiyo la dhex-dhigay Walaalahooda degan Jamhuuriyada oo lagu eedeeyay in ay sabab u ahaayeen dib u dhaca iyo dagaalada ka dhacay Gobalka, loona soo dhaweyn karin qaraaba-nimo, halka Gobalka NFD ee Kenya uu soo dhaweeyay Walaalahood Jamhuuriyadda, dagaaladii Sokeeye kadib.

8-Waxaa lagu amray Maamulkii Gobalka in uu Taageero, Xaruna u noqdo Maamul-gobaleedyada Somaaliya, si uu uga qeyb-qaato kala qaybinta, kala goo-goonta iyo colaad ka hurinta Jamhuuriyada Somaaliya.

9-2017 markii uu xoogaystay kacdoonkii OROMADA ee ka dhanka ahaa Rajiimkii TEGREEGA Somaalida waxaa loo adeegsaday in lagu jebiyo kacdoonka Oromada, waxaana la dhex-dhigay Fitnada Qabiilka, Qowmiyada iyo Deegaanka ee ilaa maanta socota.

10-Isbedelkii Siyaasadda Ethiopia ee sanadkan waxa uu abuuray rajo ah; in Qowmiyadaha Ethiopia ay ka xoroobi karaan Gumaysigii haystay 5 ta Qarni ee Amxaarada iyo Tegreega, lkn qaar ka mid ah Qowmiyada Somaalida ayaa weli raba in ay u shaqeeyaan Rajiimkii dhacay ee Tegreega.

Hadaba dagaalka Somasli-galbeed iyo Oramada waxaa lagu sheegay in uu ka dhashay; khilaaf dhul deegan ama Shidaal laga helay Gobalka ama Beeshii haysatay maamulkii hore oo ka baqeysa in Maamulka laga wareejiyo loona qabsado tacadiyadii dhacay xilligii Tegreega!
Laakin waxaa muuqda in labada Qowmiyadood ay Wakiil uga yihiin dagaalkooda Rajiimkii Tegreega oo raba in uu kusoo laabto Xukunka Ethiopia ama ay kala go’go’do (الحرب بالوكالة)
(الفتنة نائمة لعن الله من ايقظها).

W/Q. Mohamed Gacal (Dr Gacal)

Al-Jazeera oo daabacday XOG sir ah oo ceebeysay Sacuudiga iyo Imaaraadka

Talefishinka Caanka ah ee Al-Jazeera qeybtiisa Afka Carabiga ayaa soo bandhigay warbixin kashiftay sir badan oo ka dhan ah xulafada Sacuudiga iyo Imaaraadka ee weerarka ku qaaday dalka Yemen.

Warbixintaan ku qorneyd afka Carabiga ayaa waxaa idiin soo turjuntay Shabakadda Caasimadda Online waxayna u qorneyd sidaan:

Warbixin sir ah oo ceebeysay Xulafada Sacuudiga iyo Imaaraadka ee Yemen

Al-Jazeera ayaa heshay warbixin sir ah oo ay soo diraariyeen shakhsiyaad Militari ah oo la shaqeeyey  Xulafada Sacuudiga iyo Imaaraadka ee Yemen, warbixintaas oo ku saabsan Xaaladaha xabsiyada, xarumaha qarsoodiga ah iyo dadka sida qasabka ah loo wato.

Warbixintaan sirta ah ee la helay ayaa wadato caddeymo isugu jiro dadka xabsiyada ku jiro iyo qaar ka tirsan ciidamada Xulafadaan ee maamulo xabsiyada, waxayna warbixintaan sirta ah xoojisay baaritaanadii hore ee Associated Press.

Warbixintaan ayaa shaaca ka qaaday qaar ka mid ah dambiyada ka jiro  xabsiyadan qarsoodi ah ee koonfurta Yemen  taasoo ay maamusho Imaaraadka Carabta oo isku badalay Bakhaaro lagu iibiyo jirka bini’aadanka,  cabsi gelinta Maxaabiista iyo dadka lasoo afduubay iyadoo loo marayo jirdil iyo Xayiraad.

Sidoo kale warbixintaan ayaa lagu soo bandhigay Magacyada Goobaha, Qolalka qarsoodiga ah, dadka la xiray oo la dilay kadib jirdil iyo cadaab loo geystay, magacyada dadka maqan,  magacyada Mas’uuliyiinta sameeyey xadgudbkaan iyo Su’aalo la waydiiyey Maxaabiista.

Kufsi Qalab loo adeegsaday

Warbixintaan la helay ayaa lagu soo bandhigay qeybaha kala duwan ee Cadaabka jirdil ka ah ee ka jiro xabsiyada ay maamusho Imaaraadka oo ku yaalo dalka Yemen.

Xabsiyadaan ayaa waxaa ka jiro kufsi dadban oo loo adeegsaday qalab sida ulo Nimanka iyo Gabdhaha  loo isticmaalo iyadoo laga gelinayo xubinta taranka halka raggana laga geliyo xubinta Saxarada, sidoo kale waxaa ka jiro kufsi toos ah oo ay sameeyaan shakhsiyaad.

Sidoo kale xabsiyadaan ayaa waxaa ka jiro cadaab kii ugu xumaa oo ah in dadka maqaarka looga siibo Koronto sida Xabadka, Kilkilaha iyo xubnaha taranka.

Sidoo kale waxaa maxaabiista lagu garaacaa Ulo, Fiilooyin iyadoo looga garaacayo qeybaha kala duwan ee jirka bini’aadamka si gaar ah madaxa .

Cusbo iyo Suugo kulul:

Sidoo kale daldalaada waa mid kamid ah waddooyinka lagu ciqaabo Maxaabiista, sidoo kalana waxaa kamid ah ciqaabta maxaabiista in cusbo iyo suugo kulul looga  shubo meelaha dhaawacan ee jirka, hurdada iyo daawada oo loo diido.

Sidoo kale aaladaha loo isticmaalo ciqaabta maxaabiista ayaa waxaa kamid ah Dharbaaxyo , Haraati, Biyo kulul oo lagu shubo jirka, Cay iyo aflagaado.

Gubista Lafaha

Xabsiyada qarsoodiga ah ee hoos yimaada Kormeeraha amniga Gobolka Aden  Cali Saleh  oo  daacad u ah Imaaraadka Carabta, dadka maxaabiista ah ayaa waxaa lagu soo rogay ciqaab joogto ah oo ka kooban: Maqaarka oo looga siibo biro kulul iyo Koronto,  Lafaha oo lagu burburiyo dhagxaan iyo gubista lafaha, Jirka oo lagu gubo Balaastiko dhalaaleyso, Maxaabiista oo la geliyo goobo lagu magac daray (Cadaadiye) sidoo kalana waxaa lagu xiraa qalab lagu dhibaateeyo xaniinyaha dhanka  kalana waxaa cirbado looga mudaa ciyadaha hoostooda.

Tacadiyada loo geysto maxaabiista ayaa waxaa hormuud u ah nin lagu magacaabo Cowd Rishad kaasoo lagu naaneyso (Bahal), sidoo kalana waxaa la sheegay inuu qeyb ka yahay dilalka loo geysto maxaabiista.

Ninkaan ayaa u qaabilsan Imaaraadka in la qariyo dadka la dilay iyo kuwa lasoo qabtay, wuxuuna inta badan howshaas u adeegsadaa in kale oo lagu magacaabo (Cali Al-Imaaraatiye).

Sidoo kale waxaa cadaabta kamid ah inay maxaabiista ka cabanayaan nadaafad darro, daryeel caafimaad la’aan,  iyo inaan xabsiyada laga heli karin biyo nadiif ah.

Dil Jirdil ah:

Warbixinta ayaa lagu xusay magacyada 47 qof oo ku dhintay xabsiyada kadib jirdil xooggan oo loo geystay,  19 kamid ah ayaa waxaa dilkooda Mas’uul ka ahaa Hoggaamiyaha Amniga u qaabilsan Imaaraadka oo lagu magacaabo Yusran Al-Maqtari. Halka isbaheysiga uu fuliyey dilka  6 qof.

Sidoo kale warbixinta waxaa lagu xusay magacyada iyo meesha ay ku yaalaan Shan Qabuur oo lagu aaso dadka ay dilaan Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Dhanka kale waxaa warbixinta lagu xusay magacyada 26 qof oo aan ilaa hadda la garaneyn waxa ay ku sugan yihiin, waxaana kamid ah 3 qof oo Ajnabi ah.

Xabsiyo

Warbixintaan ayaa waxaa lagu xusay 27 Xabsi oo isugu jiro kuwa hore iyo kuwa cusub kuwaas oo ku yaalo Aden, Hadramout, Socotra  iyo Jaziirada Muyun  oo ku taal Baabu Mandab.

Waxaa sidoo kale jiro xabsi ku yaal dalka Eretria oo ay saldhig Militari ku leedahay Imaaradka Carabta taasoo lagu sheegay warbixinta lana geeyo qaar kamid ah dadka laga soo qabto Yemen.

Daldalayaal Imaaraadka u dhashay

Dadka soo diyaariyey warbixintaan ayaa soo bandhigay Magacyada iyo  naaneysyada daldalayaal  mas’uul ka ah ciqaabta loo geysto Maxaabiista, waxaana shakhsiyaadkaas kamid ah  kuwa naaneystooda ay muujineyso  inay jinsiyad ahaan kasoo jeedaan Imaaraadka sida “Al-Shaxi” iyo “  Balooshi” oo ah Naaneysyo laga isticmaalo Imaaraadka.

 Baarayaal Mareykan ah

Sidoo kale warbixintaan ayaa lagu xusay in cadaabta ka jirto xabsiyada Yemen oo ay gacanta ku hayaan Imaaraadka ay soo kormeereyn ilaa 22  baarayaal oo ka kala socday Mareykanka, Suudaan , Sacuudiga iyo kuwa kasoo jeedo Imaaraadka.

Halkaan ka akhriso warbixinta oo Carabi ah oo ay qortay Al-Jazeera

تقرير سري يفضح التحالف السعودي الإماراتي باليمن

Imaatinka Xasan oo 2 arrin hogaamin doona (Kacdoon iyo maqaamka Muqdisho)

Ex-madaxweyne Xasan Shiikh wuxuu mudooyinkii dambe ku noolaa Turkiga iyo Tanzania, halkaas oo ay labadiis xaas degan yihiin. Maalmihii lasoo dhaafay wuxuu waday kulamo siyaasadeed oo xoogan waxaana la hadal hayaa inuu dhowaan imaan doono Muqdisho.

Waxaa la filaayay inuu Xasan Shiikh asbuucan imaan doono Muqdisho balse waxaa safarkiisa loo badalay asbuuca soo aadan. Xubno ka tirsan kooxdiisii Qabyo iyo shacab taageersan xukunkisii hore ayaa abaabul iyo diyaar garoow ka wada Muqdisho.

Imaatinka Xasan ayaa kusoo aadaya iyadoo bisha soo aadan uu dib u furmi doono Baarlamaanka Somalia, sidoo kale waxaa la filaya inuu bilaabi doono olole ka dhan ah Dowlada hada jirta. Bilihii lasoo dhaafay shirar ka dhacay Nairobi iyo Ankara ayaa lagu gorfeeyay sidii loo mideyn lahaa aragtida mucaaradka Somalia. Ilo muhiim ah ayaa sheegaya in Xasan Shiikh uu si ku meel gaar ah u hagi doono qorshaha mucaaradka.

Dadka aadka ula socda howlaha isbaheysiga mucaaradka ayaa sheegaya in Xasan uu imaanayo bilaawga kacdoon siyaasadeed oo ka dhan ah Kheyre iyo Farmaajo, sidoo kale waxaa la filaya in lasoo cusbooneysiiyo dooda maqaamka caasimada oo aad u xooganeyd xiligii uu Xasan xafiiska joogay. Kulan dhex mari doona isaga iyo odeyaasha dhaqanka ayaa laga yaabaa in arrintan lagu gorfeeyo.

Waxaa la aaminsanyahay inuu duulanka Xasan Shiikh waqtigiisii kasoo hormaray marka la eego xilliga la joogo iyo qofka uu Xasan yahay. Dad badan ayaa rumeysan in Xasan ay la gudboon tahay inuu sannad kale ka aamuso taliska madaxweyne Farmaajo oo aan wali u dhaqaaqin sidii loo bahnaa.

Waxey dad badan tusaaleynayan in arrintan ay sawir qaldan ka bixin karto shaqsiyada Xasan Shiikh Maxamuud.

W/Q: Abdullahi Osman Farah