Erdogan oo ku dhawaaqay inay cunaqabatayn kusoo rogi doonaan Mareykanka

Ankara (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Turkiga Racep Tayyib Erdogan ayaa sheegay in dalkiisa uu cunaqabatayn kusoo rogi doono badeecooyinka elektronica ah ee Maraykanka.

“Haddii ay heystaan iPhone, waxaa dhanka kale yaala Sansung” ayuu yiri Erdigan oo ka hadlaya shirkadda Apple ee Maraykanka iyo tan tartanka uu kala dhaxeeyo ee Kuuriyada Koonfureed.

Erdogan ayaa waxa uu sheegay in ay qaadayaan tallaabooyin ay ku adkaynayaan dhaqaalaha dalkaas, isaga oo intaas ku daray in aysan u jabi doonin wax uu ku tilmaamay ‘hagardaamooyinka cadawga’.

Wasiirka arrimaha dibeda ee Ruushka Sergei Lavrov ayaa cunaqabatayntii Maraykanka uu kusoo rogey Turkiga ku tilmaamay mid aan sharci ahayn. Waxa kale oo uu Maraykanka ku eedeeyay in ay adduunyada ka waddaan tartan ganacsi oo aan xaq iyo xalaal ahayn.

Tallaabadan uu Erdigan qaaday ayaa waxa ay ka dambeysay kadib markii lacagta Liiraha ee dalkaas ay hoos u dhacday boqolkiiba 34%, waxaana ka dhashay in qiimaha badeecooyinka oo dhan ay sare u kacaan.

Bangiga dhexe ee Turkiga ayaa ballanqaaday in uu kaabayo lacagta Liiraha,Wasiirka Maaliyada Turkiga oo ah wiil  uu soddog  u yahay Erdogan ayaa lagu wadaa in maalinta Khamiista ee soo socota inuu u xaqiijiyo illaa boqol maalgeliyaal caalami ah in dowladu ay ka go’an tahay in ay gacan ka geysato sidii qiimaha Liiraha  uusan hoos ugu dhici  lahayn.

Caasimada Online
Xafiiska Ankara
Caasimada@live.com