SOMALIA oo magdhaw ka dalbatay waddan dhibaato u geystay dad Somali ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo ciidamada dowlada Kenya dhibaatooyin badan ku hayaan shacab Soomaaliyeed ayaa waxaa arrintaasi si adag uga hadlay Senator Axmed Macalin Nadiir oo ka tirsan Aqalka Sare ee BFS, ahna guddoomiyaha guddiga arrimaha bulshada ee Golahaasi.

Senator Axmed Macalin Nadiir, ayaa sheegay in dowlada Kenya aysan inkiri karin dhibta ay ciidamadeeda ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Waxa uu Senator Axmed Macalin Nadiir, tilmaamay  in dhibaatooyinka ugu badan ay tahay mid ay ciidamada u geystaan shacabka ku nool xadka ka dhexeeya Somalia iyo Kenya kuwaa oo loo geysto dhibta ugu badan.

Waxa uu cadeeyay in diyaaradaha Kenya ay duqeymo ka dhan ah shacabka ka fuliyaan Gobollada Gedo iyo Jubbooyinka, kuwaas oo uu sheegay in si gaar ah loola beegsado dadka reermiga ah ee ku sugan gobolladaasi.

Senator Axmed Macalin Nadiir, oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in ciidamada Kenya ay burburiyeen xarumo shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ay ku laheyd halkaasi, loona baahanyahay in dowladda dalkaasi ay magdhow ka bixiso burburka hantidaasi.

“Kenya wax badan waa looga aamusay suuragal maaha in looga aamuso khaladaadka muuqda waa inay magdhaw ka bixisaa burburinta xarunta shirkada iyo xasuuqyada ka dhaca Jubbooyinka”

“Intaan kasii badan uma dulqaadan doono baabi’inta ay nagu heyso Kenya waa in si dhaqsi ah ay uga hadashaa burburinta xarunta iyo xasuuqa shacabka maadaama ay jiraan cadeymo”

Geesta kale, Senator Axmed Macalin Nadiir waxa uu cadeeyay in ka baarlamaan ahaan ay aad uga xub yihiin dhibta ay Kenya ku heyso Somalia, wuxuuna dowlada Somalia ugu baaqay inay wax ka dhahdo dhibaatada muuqata.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com