26.1 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Xaqiiqda 40-ka qof ee Oromada ay sheegeen in Liyuu Boolis ay dileen

0

Hararghe  (Caasimadda Online) – Maamulka Oromada Ethiopia ayaa sheegay in 40 qof ay ku dhinteen weeraro hor leh oo markale ka dhacay wadanka Itoobiya ee dhaca bariga qaaradda Afrika.

Waxay sheegeen in Ciidamada  Soomaalida Liyuu Booliska ay  xasuuq aan kala sooc laheyn kula kaceen  dad kasoo jeeda qowmiyadda Oromada, sida ay hadalka u dhigeen.

Weerarkan ayaa ka dhacay deegaannada ku dhow xadbeenaadka ay wadaagaan gobollada Oromia iyo Somaligalbeed.

Si kastaba, waxaa soo baxday in mas’uuliyiin ka tirsan Qoomiyada Oromada ay faafiyeen warar aan xaqiiq aheyn oo ku saabsan in weerarkaas lagu dilay ilaa 40 qof oo shacab ah taasoo ah wax ka fog xaqiiqda jirta.

Afhayeen u hadlay Maamulka Qoomiyadda Oromada oo lagu magacaabo Negeri Lencho ayaa sheegay in weerarka ay soo qaadeen ciidamada Liyuu Boolis lagu dilay 4o qof oo oromo ah halka dadkii kaso badbaaday weerarkaas ay wakaaladaha Wararka u sheegeyn in tiradu tahay 10 qof balse laga badbadinayo.

Madaxda faafinayo arrintaan ayaa doonayo inay sare usii qaadaan  xurgufta ka dhaxeyso qoomiyadaha Oromada iyo Soomaalida oo hadda gaartay meel sare iyadoo labada dhinac ay is dhaafsanayaan xasuuqyo kala duwan oo keenay inay dadka barakacaan.

Isbuucii lasoo dhaafay tobaneeyo qof Soomaali ah ayaa ku baxay gacanta ciidamada melleteriga itoobiya iyo maleeshiyo daacad u ah maamul goboleedka gobolka Oromia.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

Gaadiid xamuul iyo alaab lagala soo goostay Jigjiga oo gacanta lagu dhigay

Cadaado (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya degmada Balanballe ee gobolka Galgaduud, ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada amaanka ay halkaa ku qabteen gawaari nooca xamuulka oo lagala soo baxsaday DDSI.

Gaadiidkan ayaa lasoo sheegayaa inay ku rarnaayen alaabo lagala soo baxsaday maamulka, kuwaa oo la doonaayay in lagu kala iibsado deegaanka Balanballe.

Gacan ku dhigista Gaadiidka iyo alaabaha saarnaa ayaa waxaa saxaafada uga warbixiyay Taliyaha ciidanka Booliska degmada Balanballe Cabdi Muuse Cali.

Taliyaha oo u waramaayay idaacada KNN ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xuduudda lagala soo gudbay dhowr iyo toban gawaari ah, xilligana ay gacanta ku soo dhigeen gawaari aan tiro yareyn.

”Gaadiidka qaar waxa ay hadda ku jiran gacanteena darawalada oo aan wareysanay waxa ay inoo sheegen inay lasoo baxsadeen sidaa aawgeed anaguna inta aysan galin magaalada ayaanu gacanta ku dhignay”

Waxa uu sheegay taliyaha in gaadiidka qaar loola gudbay deegaano kale oo ka tirsan gobolka Galgaduud, waxa uuna cadeeyay inay ku guda jiraan baadi-goobka halka gaadiidkasi ay hadda ku sugan yihiin.

Sidoo kale, Taliyaha ciidanka Booliska degmada Balanballe Cabdi Muuse Cali ayaa baqdin ka qaba in gaadiidka lala soo baxsaday ay wadan alaabo muhiim u ah maamulka, hase yeeshee baaritaano kadib ayuu sheegay inay la xiriiri doonaan maamulka.

Si kastaba ha ahaatee, gaadiidkan lala soo baxsaday ayaa kusoo beegmaya xili gaadiid kale oo xamuula isla markaana lala soo baxsaday lagu qabtay todobaadkii tagay deegaano hoostaga Somaliland.

Caasimada Online

Xafiiska Cadaado

[email protected]

Daawo: Beyle oo ka hadlay lacagtii la sheegay in loo qeybiyey xildhibaanada

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Maaliyadda dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa markii ugu horeysay ka hadlay lacagihii loo qeybiyey xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya dhammaadka bishii Soonka.

Wasiirka Maaliyadda oo ka qeyb galayey Barnaamijka Dood Furan oo ay dadweynaha su’aal ku waydiinayeen ayaa kamid ah dadkii kasoo qeybgalay doodaadaas wuxuu Wasiirka Waydiiyey su’aal muhiim aheyd oo ah Waxa ka jiro in xildhibanada Baarlamaanka loo qeybiyey lacag aan aheyn middii mushaarka, hadidi Wasaaradda Maaliyadda lasoo marsiiyey iyo haddii uu isaga xataa lacagtaas wax ka qaatay maadaama uu kamid yahay xildhibaanada?

Wasiirka Maaliyadda Ducaaale ayaa arrintaas uga jawaabay inay tahay been abuur aan sal iyo baar midna laheyn.

Wuxuu ugu baaqay dadkii kasoo qeybgalay doodaas oo u badnaa arday inay iyaga baaritaan sameeyaan halkii ay sheegi lahaayeen warar ay ka maqleyn dad kale oo ku sugan fadhi ku dirirka sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay inaysan jirin lacag la siiyey xildhibaanada isla markaasna aysan santuuqa Wasaaradda Maaliyadda ka bixi karin lacag aan lasoo marsiin Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay inaysan xataa lacag siin dadka xafiiskiisa kusoo booqdo ee lacagaha waydiisto maadaama uu sheegay inaysan ku jirin heshiiska in lacag aan la ansixin la bixin.

Qaar ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa horey u sheegay in la siiyey lacag ay ku sheegeyn inay tahay xaqqul ciid dhammaadka bishii Ramadaan ee lasoo dhaafay inkastoo wasiirka uu hadda arrintaas inkiray.

Lacagtaas la siiyey xildhibaanada ayaa la sheegay inay aheyd abaalmarintii kaga soo aaday mooshinadii meesha looga saaray Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari oo hadda ku sugan Magaalada Nairobi.

Halkaan hoose ka daawo Jawaabta uu bixiyey Beyle

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Farmaajo oo safar kii hore ka duwan ku tegaya dalka Jabuuti iyo qorshahiisa

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku wajahn yahay magalada Jabouti ee xarunta dalka Jabouti.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa in maalinta beri ah uu ka ambabaxo garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, isaga oo gaari doona dalka Jabouti.

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa wehlin doona Wasiiro, Xildhibaano iyo Siyaasiyiin ka tirsan dowlada Somalia kuwaa oo mudada uu Madaxweynaha ku nagaan doono Jabouti la kulmi doona dhigooda dalkaasi.

Magaalada Jabouti ayaa waxaa loogu diyaar garoobaya soo dhaweynta Madaxweynaha Somalia iyo Wafdigiisa oo halkaa ku nagaan doona muddo laba cisho ah, sida aan xogta ku heleyno.

Xogta aan heleyno ayaa waxa ay tilmaameysaa in booqashada Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo ay salka ku hayso xoojinta xiriirka soo jireenka ee Labada dal iyo guud ahaan arrimaha gobolka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale dhigiisa Jabouti kala hadli doona dhex dhexaadin la doonaayo in laga dhex sameeyo Jabouti iyo Eriterea oo khilaaf diblumaasiyadeed uu ka dhexeeyo.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo waxa uu dhigiisa Jabouti la wadaagi doonaa wixii kasoo baxay kulan uu magaalada Muqdisho kula qaatay Wafdi ka socda dalka Eriterea oo uu kala hadlay wadahadal laga dhex abuuro Jabouuti iyo Eriterea.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa la rajeynaa inuu soo afjaro mad madowga siyaasadeed ee ka dhex jira labada dal, kadib markii Jabuuti ay ka carootay hadalkii Madaxweynaha Soomaaliya uu ka sheegay Asmara, kaasi oo ahaa in cunaqabateynta laga qaado Eritrea.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Duqa XAMAR oo shaqada ka joojiyey SARAAKIIL lagu eedeyey musuq-maasuq

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa soo saaray wareegto uu shaqada kaga joojiyey Saraakiil ka tirsan Ciidanka Ilaalada Deegaanka Xamar (Minishiibiyo) oo lagu soo eedeeyey masuq-maasuq.

Guddoomiyaha oo tix-raacaya soo jeedinta Agaasimaha Waaxda Maamulka Dhulka Dawladda Hoose ee Xamar ayaa u gudbiyey Xeer Ilaaliyaha Qaranka waraaqda shaqo joojinta saraakiishan, isagoona ka codsaday in baaritaan furan lagu sameeyo eedaymaha loo soo jeediyey saraakiishan oo ay ka mid tahay in ay lacago sharci darro ah ka qaateen qaar ka mid ah bulshada Gobolka Banaadir.

Saraakiisha shaqo joojinta lagu sameeyey ayaa kala ah, Taliyeyaasha Ciidanka Illaalada Deegaanka ee degmooyinka Hodan, Warta-Nabadda iyo Shibis, iyadoona Maamulka Gobolka ay u sii igmadeen shaqada ay hayeen saraakiisha shaqada laga joojiyey Kuxigeennadooda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay ka go’an tahay la dagaallanka Musuq maasuqa, waxaana horrey tallaabooyinka sharciga waafaqsan looga qaaday masuuliyiin iyo shaqaale ka tirsanaa maamulka Gobolka oo lagu helay masuq-maasuq iyo wax is-daba-marin.

2 ARRIN oo ku gadaaman guushii ay gaartay Ilhaan

0

Minnesota (Caasimadda Online) – Taageereyaasha xisbiga dimoqoraadiga ayaa Ilhan Cumar u doortay in ay noqoto musharaxa xisbiga ee kursiga Aqalka Congress-ka ee doorashadiisa la qaban doono bisha Novembar.

Waxa uu tartan dhexmari doonaa musharax ka tirsan xisbiga jamhuuriga ee madaxweyne Donald Trump, balse sida uu tabiyay taleefishinka CNN, waxa ay u badantahay in ay Ilhaan guuleysato maadaamaa meesha ay ka tartamayso ay taariikh ahaan tahay meel uu xisbiga dimoqoraadiga ku xoog badanyahay.

Haddii ay guuleysato, kaliya ma noqon doonto qofkii koowaad ee Soomaali ah oo gala Aqalka Congress-ka, ee sidoo kale waxa ay noqonaysa mid ka mid ah labada haween ee kaliya ee muslimiinta ah ee galaya Aqalka sharci dajinta Maraykanka ebed.

Waxaan dib u jaleeceynaa guusha Ilhaan iyo arrimaha ku gadaaman

Casrigii Trump

Ilhaan waxa ay kusoo hagaagtay casrigii madaxweyne Donald Trump oo loo jeediyay eedeymo badan oo ku saabsan tallaabooyin uu qaaday oo loo fasirtay in uu islaamka lid ku yahay, waxaa ka mid ah mamnuucistii socdaalka ee 7 dal oo ay Soomaaliya ka mid tahay in muwaadhiniintooda ay u safraan Maraykanka.

Go’aankaas horay ayay Ilhaan Cumar oga hortimid, waxayna sheegtay in ay la dagaalami doonto Trump sida uu faafiyay taleefishinka CNN.

Xilligii uu ololaha doorashada ku jiray, sanadkii 2016-kii, Trump ayaa laga soo xigtay haddalo lid ku ah Soomaalida, wuxuuna yiri “Halkan Minnesota, waad aragteen dhibka ka dhashay nidaamka qaabilaada qaxootiga, tiro badan oo qaxooti Soomaali ah ayaa gobolkan yimid idinka oo aanan ka warhaynin, islamarkaasna aanan ogolaanin”.

Sida uu qoray wargayska Guardian oo soo xiganaya tirakoobyo ay samaysay dowladda Maraykanka, 85,000 kun Soomaali ah ayaa ku nool gobolkaa , tirakoobka oo la sameeyay sanadkii 2010-kii oo hadda laga joogo 8 sano. waana gobolka tirada ugu badan ee Soomaali ah ay ku nooshahay dalka Maraykanka.

Waxyar kadib markii ay ku guuleysatay codad gaaraya 48%, ayay tiri “Waxaan biloownay olole aan ku cadaynayno in dadka ay diyaar u yihiin in ay u dagaalaan in la helo America dadka oo dhan u shaqayso, qof kasta oo ka qeybqaatay hawshan, guusha isagaa leh, wadajir ayaan degmadeena horey ugu marin karnaa”.

Waxyaabaha ay horey u balanqaadday in ka shaqayn doonto sidii sare loogu qaadi lahaa mushaarka shaqaalaha, meesha ugu hooseyso oo qofka saacadii ku shaqeeyo uu u noqon lahaa $15.

Lama oga sida ay isula jaanqaadi doonaan dowladda aqlabiyadda haysata ee Trump ee muujisay in ay kasoo horjeeddo aragtiyada ay matasho Ilhaan, oo marna soo galooti ah, marna Islaam ah.

Ilhaan iyo Rashida Dhaalib

Ilhaan oo kaliya ma ahan haweenka muslimka ah ee taariikhda ka samaynaya dalka Maraykanka, ee waxaa jirta haweenay asal ahaan kasoo jeeda dalka Falastiin oo lagu magacaabi Rashiida Dhaalib.

Rashiida waxa ay ku guuleysatay tartanka isreereebka xisbiga dimoqoraadiga ee Detroit, waxaana la hubaa in ay guuleysan doonto maadaamaa aysan jirin musharax jamhuuriga ah oo kursigaas kula tartamaya bisha November.

Labada gabdhood waa saaxiibo, midba midda kale ayayna taageertay, waxaase intaas u dheer in labaduba ay wada taageersanyihiin qadiyadda reer Falastiin.

Wargeyska Israa’iil kasoo baxa ee Haaretz ayaa soo qorey in Ilhaan horey looga xigtay haddalo ay ku garab istaagayso dadka reer Falastiin, islamarkaasna ku cambaareynayso xad gudubyada Israa’iil.

Sida uu tabiyay taleefishinka CNN, Ilhaan Cumar ayaa dowladda Israa’iil ku tilmaamtay ‘midab takoor’.

Rashida ayaa ka hambalyaysay guusha Ilhaan, waxayna tiri “Ma sugi karo in aan arko labadeena oo gacmaha is haysta, oo Aqalka Congress-ka dhex joogna”.

Waxa ay u muuqataa in labaduba ku baraarugsanyihiin baahiyaha dadka ay matalaan, iyo culeeska mas’uuliyadda fuushay ay leedahay.

Dowladda Maraykanka ayaa ah saaxiibka ugu weyn ee Israa’iil, inkasta oo marar badan ay hawlo dhexdhexaadin labada dhinac ka gashay, haddane talaabadii dhawaan uu qaaday Trump ee uu safaaraddiisa ugu raray Qudus ayaa ka caraysiisay dad badan.

Lamana oga sida qadiyadda reer Falastiin ay u hormarin doonaan labadan hablood.

Caasimada Online
Xafiiska Minnesota
[email protected]

Wasiirka warfaafinta Eritrea oo twitter-ka ku xaqiijiyey talaab uu qaaday Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Warfaafinta ee Eritrea Yemane G. Meskel ayaa xaqiijiyey in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu marti qaad u fidiyey dhiggiisa Eritrea Isias Afwerki.

Arintan ayaa imaneysa kaddib markii ay booqasho saddex maalmood ah ay dalka ku joogeen wafti ka socday Eritrea oo uu hoggaaminayey wasiirka arimaha dibedda ee dalkaas iyo la taliyaha gaarka ah ee madaxweyne Aferki.

Wasiirka Warfaafinta Eritrea ayaa boggiisa Twitter-ka ku xaqiijiyey cusummaadka uu madaxweyne Farmaajo u fidiyey Isias Afwerki.

“Waftiga Eritrea waxa ay soo gunaanadeen booqasho guul ah oo ay saddex maalmood  ku joogeen Soomaliya. Waxa ay la kulmeen madaxweynaha, Raisul Wasaaraha, afhayeenka barlamaanka, wasiirka arimaha dibadda iyo saraakiil kale. Duqa magaalada Muqdisho ayaa ku martiqaaday xaflad dhaqan oo lagu weynaye wafdiga. Waxa ay booqdeen xeebta Muqdisho. Madaxweyne Maxamed waxa ay casumaad u fidiyey Madaxweyne Isias.”

Dhacdooyinkan ayaa imaanaya kaddib markii uu madaxweynaha Soomaaliya booqasho rasmi ah ku tagay dalka Eritrea iyaga dib u soo celiyey xiriirkii wanaagsanaa ee labada dal ka dhexeeyey.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

ITOOBIYA oo ka hadashay QORSHE ay ka damacsan tahay ciidanka Liyu Boolis

0

JIG-JIGA (Caasimadda Online) – Wararka ka imanaya Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in magaalada Addis Ababa looga yeeray wasiiradda, ku xigennadoodii, maareerayayaasha wakaaladaha, gudoomiyayaasha 11-ka gobol ee uu deegaanka ka kooban yahay iyo dhammaan dadka uu xilalka u magacaabay maamulkii hore ee aan shaqaalaha caadiga ahayn.

Waxaa caasimadda horay usii joogay xubnaha golaha dhexe ee xisbiga dimuqraadiga ee shacabka Soomaalida Itoobiya oo 45 xubnood ka kooban ayna ku jiraan madaxweynaha iyo afhayeenka baarlamaanka.

Dadka qaar ayaa sheegaya in sababta mas’uuliyiintaasi la isugu geeyay Addis Ababa ay tahay qiimeyn lagu sameynayo shaqadooda iyo isla xisaabtan.

Dhanka kale, taliye sare oo ka tirsan ciidammada Itoobiya ayaa BBC u sheegay in aanu hadda jirin qorshe lagu kala dirayo ciidanka deegaanka Soomaalida ee Liyu Booliiska, sida uu BBC-da u xaqiijiyay Sareeye gaas Maxamed Tesema oo ah agaasimaha xiriirka bulshada ee wasaaradda gaashaandhigga ee Itoobiya.

Caasimada Online
Xafiiska Addis-Ababa
[email protected]

Wasiir Sabriye oo ka hadlay halka ay dacwaddii CC SHAKUUR ku dambeysay

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta dowladda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa ka hadlay hadal kasoo yeeray Xisbiga Wadajir oo ku aadanaa Dacwada Kiiska Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Xisbiga Wadajir ayaa tilmaamay inaan weli la xallin oo aan waxba laga qaban kiiska dacwadii ku saabsaneyd weerarkii lagu qaaday guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur kaasoo ay ku dhinteyn ilaa lix qof oo ahaa ilaaladiisa gaarka ah.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Eng. Sabriye ayaa tilmaamay in kiiska dacwadii Cabdiraxmaan Cabdishakuur la xaliyey iyadoo arrintaas loo maray qaab dhaqanka Soomaaliga ah.

Wasiirka ayaa tilmaamay inuu isaga qaaday mas’uuliyadda Kiiskaas iyo sidii xal loogu heli lahaa isagoo tilmaamay inay arrintaas hadda dhamaatay.

“Waxa aan la kulmay qoysaskii dhibka gaaray iyo madaxada dalka waxaana la isla gartay in lacag magdhaw ah la siiyo qoysaska ay ka soo jeedeen dadkii ku dhintay weerarkii ka dhacay guriga Cabdiraxmaan Cabdishakur”  ayuu yiri Sabriye.

Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in xallinta kiiskaan ay gacan weyn ka geysteen ganacsato iyo odayaal dhaqmeedyo beesha kasoo jeedo idaasna si isagarad ah loogu xaliyey dhibaatadii taagneyd.

Wasiirka ayaa sheegay in uusan isaga dhex galin ama uusan isku dayin in uu dhex galo dowlada iyo siyaasiga oo arimo gaarka ah isku haystaan.

Dhawaan ayaan xisbiga Wadajir ay ku doodeen in uu burburay wadahadalkii iyaga iyo dowladda ka dhaxeeyay.

Waxa is waydiin mudan waa maxay arimaha laga wada hadlayo marba hadii uu Cabdiraxman Cabdishakur raali ku noqday magta lacageed oo ay dowladda bixisay?

Ma dowladda ayuu ka sugaayay in ay lacag isaga siiso ama raali galin ka siiso wixii dhacay?

Dadka qaar ayaa la yaabay sida ay suuragal ku tahay in C/raxaman Cabdishakur sheegto in wadahadal isaga iyo dowladda u socday isaga oo habeen iyo maalin ka dhaleeceeya warbaahinta hogaanka dowladda?

Waxaa muuqato in Kiiskaan mar hor la xaliyey iyadoo ay taas caddeyn u tahay inaysan jirin dood iyo qeylo dhaan ka imaaneyso Odayaasha kasoo jeedo Beesha Ceyr oo arrintaan ka aamusay maadaama diyo la kala qaatay.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa hadda ah debad joog aan dalka ka sameyn karin wax dhaqaaq ah kadib cadaadis xoog leh oo kaga imaaday dowladda dhexe kaasoo keenay in xataa loo diido shirar uu ku qabsan lahaa dalka Kenya.

Siyaasigaan ayaa hadda ku sugan dalka Mareykanka wuxuuna weerarkii lagu qaaday kadib cagta soo mariyey wadamo badan oo uu kula kulmayey dadka Soomaaliyeed si uu uga gado siyaasadiisa uu ku doonayo inuu dalka Madaxweynaha uga noqdo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Axmed Madoobe: “Ma jiro xiriir iyo wadashaqeyn DF Somalia nagala dhaxeeya”

0

Kismaayo (Caasimadda Online) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay inay mas’uul ka tahay, kana danbeyso amni darrada dalka ka jirta.

Isagoo maanta ku laabtay magaalada Kismaayo kadib socdaal in muddo ah ugu maqnaa dalalka Kenya iyo Itoobiya wuxuuna saxaafadda kula hadlay magaalada Kismaayo isagoo sheegay in dowladda Soomaaliya aysan wax wada shaqen ah kala dhaxeyn ayna sabab u tahay amni darrada dalka ka jirta.

Hogaamiyaha Jubbaland ayaa carabka ku dhuftay in dowlad goboleedyadda dalka ka jira aysan kala dhaxayn dowladda Federaalka wax wadashaqayn ah, taasoo uu shaaciyay inay sababi karto amni xumo baahsan oo dalka lasoo darista.

Axmed Madoobe ayaa ka hadlay saraakiil ay magacawday dowladda Federaalka oo ka tirsan NISA oo laga soo celiyay magaalada Kismaayo, wuxuuna sheegay inaysan dowladda Federaalka wax xiriir ah iyo wadatashi kala sameyn magacaabista saraakiishaasi.

“Dowladda Federaalka iyadda ayaa amni xumadda dalka ka jirta qayb ka ah, maxaa yeelay hadii ay jiri lahayd wadashaqayn ay la yeelato dowladda goboleedyadda amniga wuxuu noqon lahaa mid hagaagsan,” ayuu Axmed Madoobe saxaafada u sheegay.

Warar hore u soo baxaya ayaa sheegayay in Axmed Madoobe uu Addis ababa u tegay si uu madaxda Itoobiya ugala hadlo arrinta madaxweynaha DDSI ee xilka laga qaaday Cabdi Iley, balse laga diiday dalabkiisii.

Hadalka Ahmed Madoobe ayaa imaanaya xili xiriirka u dhaxeeya dowlada Federaalka iyo Jubbaland uu ahaa mudooyinkii dambe mid hoos u dhacay, taasoo sababtay in tiro labo jeer ah laga soo celiyay Kismaayo taliye-yaal ay magacowday Dowladda dhexe.

Ma ahan markii ugu horeysay oo uu Axmed Madoobe dhaliilo culus ujeediyo dowladda, waxaana la xasuustaa in shirkii Brussels uu ku karbaashay maamulka Farmaajo, isagoo ku eedeeyay inay ka gaabisay la shaqaynta maamuladda iyo inay fara-gelin toos ah ku sameyso arrimahooda gudaha.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

 

ETHIOPIAN Airlines oo 41 sano kaddib billaabeysa duullimaadkii Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Duullimaadkan oo noqon doona mid ganacsi (Commerical Flights) ayaa sida ay Caasimadda Online xog hoose ku heshay ay diyaaradda Itoobiya toddobaadka dambe ku imaan doontaa garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde.

Diyaaradda Itoobiya waxa ay saddex maalin toddobaadkii isaga kala gooshi doontaa Addis Ababa iyo Muqdisgo sida uu sheegay Xuseen Xoosh oo ah maamulaha diyaaradda.

Soomaaliya waxa ay joojisay duullimaadyadii ganacsi ee isaga kala gooshi jiray Muqdisho iyo Addis Ababa markii uu qarxay dagaalkii 1977 ee ay labada dal foodda isugu dareen Soomaali Galbeed.

Diyaaradda Itoobiya sidoo kale waxa ay Soomaalida u fududeyn doontaa safarashada ay wadamada kale ku tagayaan.

Hadda, safarleyda Soomaalida waxa ay ku xiran yihiin diyaaradda Turkish Airline iyo duulimaadyada Nairobi si ay ugu gudbaan Europe iyo waqooyiga America.

“Go’aankan ayaa yimi kaddib markii ay ganacsata Soomaaliyeed ka codsadeen dowladda Itoobiya,” ayaa Xoosh laga soo xigtay.

2015kii, Diyaarad laga leeyahay Itoobiya ayaa duullimaadyo ka bilowday maamul gobolleedka Puntland.f

Jadwalka hab qeybsiga ee beelaha Puntland oo Juxa u diideysa guul doorasho

0

Garoowe (Caasimadda Online) – Wasiirkii hore ee arrimaa gudaha iyo Federal-ka Soomaalia Cabi Siciid Juxa ayaa xaflad lagu qabtay Garowe uga dhawaaqay murashaxnimadiisa xilka madaxweyne ee M/Gobolleedka Puntland.

Ma aha murashixii ugu horreeyey ee u soo tafa xayta in uu la loolamo Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo isna la filayo in uu shanta sano ee soo socota sii hoggaamiyo maamulkaas balse rag badan ayaa ka horreeyey dabcan waxaa ka dambeyn doona kuwa kale.

Hase ahaatee, Juxa oo ah murashaxa ugu tunga weyn ee u tartamaya beesha awoodda ku leh caasimadda Puntland, Garowe waxaa caqabadda ugu weyn ku noqonaya siyaasadda sumeysan ee ka jirtay 20kii sano ee ay dhisneyd P/land.

Puntland waxaa sida giraantii/giraangirtii isugu bedelayey xilka madaxweyne mudaddii ay jirtay saddexda jifo ee ku wada abtirsada Maxamuud Saleebaan.

Juxa waxa uu ka soo jeeda Ciise Maxamuud oo iyagu ugu dambeysay hoggaaminta P/land 2014kii markaas oo doorasho cod kaliya ah looga adkaaday Cabdiraxman Shiekh Maxamed Maxamuud Faroole.

Haddii aan si kale u dhigno, doorkan ma aha waqtigii Ciise Maxamuud!

AQRI SHAXDAN HOOSE

Madaxweyneyaashii soo maray Puntland tan iyo markii dhidhibadda loo aasay 1998.

1998 -2002, Cabdullaahi Yusuf Axmed (AUN) (Cumar Maxamuud)

2002 –waxaa la doortay Jaamac Cali Jaamac, laakiin waxaa xoog uga qaatay Cabdullaahi Yusuf Axmed oo sii ahaa madaxweyne ilaa iyo 2004.

2004 muddo sadde bilood ah waxaa madaxweyne noqday Maxamed Cabdi Xaashi  (Dhulbahante) oo ku xigeen u ahaa Cabdullahi Yusuf oo loo doortay madaxweynaha dowladdii KMG ahayd ee Soomaaliya.

2005-2009 – Cadde Muuse (AUN) –Cismaan Maxamuud

2009 -2014 – Cabdiraxmaan Shikh Maxamed Maxamuud Faroole – Ciise Maxamuud

2014 -2019 – Cabdiweli Maxamed Cali Gaas –Cumar Maxamuud

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

Muxuu dastuurku ka qabaa musaafurinta Jubbaland ee taliyayaasha dowladda

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Jubbaland ayaa galabnimadii shalay Garoonka magaalada Kismaayo ka celisay Taliyaha Hay’adda NISA ay u magacawday Jubbooyinka iyo ku-xigeenkiisa.

Jubbaland ayaa muddo bil gudaheed laba jeer garoonka Kismaayo ka celisay Taliyayaal ay magacawday dowlada Somalia.

Jubbaland waxa ay 13kii Bishii la soo dhaafay ee July Garoonka ka celisay Jeneraal Cali Maxamed Maxamuud Bagmadow oo loo magacaabay Taliyaha qeybta 43aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed .

Shalay maamulka Jubaland ayaa Magaalada Kismaayo ku xiray Taliyaha Nabad Sugidda Maamulka Jubaland iyo ku xigeenkiisa oo ay magacawday Dowladda Federaalka, waxaana lagu wadaa in maanta lagu soo celiyo Muqdisho.

Jubbaland ayaa dowlada Somalia ka tabaneysa ballan ka bax, waxaana xusid mudan inuu jiro Khilaaf Siyaasadeed ka dhashay shirkii dhawaan ka dhacay magaalada Brussels, iyadoo wixii intaa ka danbeysay uu sii xumaanayay xiriirka dowlada iyo maamulka Jubbaland.

Khilaafka oo xoogiisa soo shaac baxay 10 Bishii lasoo dhaafay ayaa iminka saameyn ku yeeshay xiriirka dhinaca amaanka taa oo dhalisay in Jubbaland ay dib usoo celiso mas’uuliyiinta ay magacawdo dowlada.

Marka dib loo eego Dastuurka Somalia oo kala maareynaya nidaamyada ka jira dalka ayaa qaba in talaabada ay Jubbaland kusoo celisay taliyayaasha ay tahay mid khalad ah.

Qodobada 53aad iyo 54aad ee dastuurka dalka ayaa bayaaninaaya habka wada shaqeynta DFS iyo dowladaha xubnaha ka ah dowlada.

Qodobka 53aad ee dastuurka waxa uu qabaa in DFS ay dowlad Goboleedyada kala tashato arrimaha kaalmada Caalamiga ah, Ganacsiga, arrimaha muhiimka ah ee la xiriira heshiisyada caalamiga ah, waxaa ay xubno ku yeelanayaan dowlad Goboleedyada xubnaha ka qeybgelaya heshiisyada caalamiga ah.

Sidoo kale, Qodobka 54aad ee Dastuurka KMG ah waxa uu sheegayaa in awood qeybsiga Siyaasadeed iyo tan dhaqaale ay ka wada qeybqaadanayaan dowladda Federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah.

Hayeeshee qodobkan waxaa uu si gaar ah u sheegayaa in dowladda Dhexe ama Federaalka ah ay u gaartahay afar qodob oo kala ah:-

1-Difaaca Qaranka.

2-Siyaasadda lacagta.

3-Jinsiyadda iyo socdaalka.

4-Arrimaha dibadda.

Khilaafka mugdiga lagu maamulaayo ee iminka u dhaxeeya Jubaland iyo DFS ayaa  la xiriira qodobka difaaca Qaranka oo ay dowladda Federaalka ah leedahay.

Dowlada Somalia ayaa u madaxbanaan in xilalka taliyayaal ay u magacawdo cida ay u aragto inay kasoo bixi karto mas’uuliyadaasi.

Maamulka Jubaland qeybtan waxa ay ku yeelan kartaa arrimaha madaniga ah sida Booliska iyo wixii la mid ah, waxaana ay u muuqataa in dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada aysan sina ugu wada dhaqmeyn Dastuurka KMG ah ee dalka u yaalla.

Si kastaba ha ahaatee, dowlada Somalia oo aan wali ka hadal talaabooyinka khilaafsan Dastuurka oo ay ku dhaqmeyso Jubbaland ayaa lagu wadaa inay qaado talaabo lidi ku ah maamulka oo dhawaan gali doona doorasho.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Sawirro: Farmaajo oo Villa Somalia kula shiray gudiga dhaqaalaha qaranka DF

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan la qaatay dhaqaaleyahannada Soomaaliyeed ee xubnaha ka ah Guddiga Dhaqaalaha Qaranka ayaa kala hadlay qorsheyaasha guud ee lagu kobcinayo dhaqaalaha dalka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in guddigan ay hortaallo masuuliyad culus, lagana sugayo in aqoontooda iyo khibraddooda ay ugu faa’iideeyaan kor-u-qaadista iyo kobcinta dhaqaalaha dalka, iyadoo la diyaarinayo siyaasadda dhaqaalaha qaranka iyo qorsheyaal ku qotoma horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo ka faa’iideysiga khayraadka dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Dowladdu ku kalsoon tahay in xubnaha Guddigani ay ka soo dhalaali doonaan shaqooyinka loo igmaday, maadaama lagu soo xulay aqoonta iyo khibradda ay u leeyihiin dhaqaalaha, Dowladduna ay mudnaanta siineyso talooyinka iyo qorsheyaasha ay soo diyaarinayaan ee la xiriira kobcinta iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Xubnaha Guddiga Dhaqaalaha Qaranka ee uu la kulmay Madaxweynuhu ayaa uga mahadceliyey soo dhaweynta iyo dhiirrigelinta uu u sameeyay.

Dhaqaaleyahannadan ayaa ballanqaaday in ay dadaal dheer ku bixin doonaan sidii ay cilmi-baaris iyo xog ururin uga sameyn lahaayeen dhaqaalaha dalka, una soo gudbin lahaayeen talooyin wax-ku-ool ah oo kor u qaadaya ganacsiga iyo heerka nolasha shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay xubnaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka in ay u kuur galaan ganacsiga iyo fursadaha shaqo ee ka jira dalka, mudnaan gaar ahna ay siiyaan dadka danyarta ah.

Sawiro: Kheyre oo la shiray gabar Somalia ka noqotay musharax madaxweyne

Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre ayaa kulan la qaatay Madaxa Haweenka Qaramada Midoobay u qaabishan Soomaaliya, Faadumo Dayib oo hordhac u ah wafdi ay hoggaaminayso agaasimaha arrimaha haweenka ee Qaramada Midoobay, Phumzile Mlambo-Ngcuka, oo Soomaaliya booqasho ku imaanaysa maalmaha soo socda.

“Ra’iisul Wasaaraha waxa aan u soo booqday in aan xoojinno wada shaqeynta ka dhaxaysa dawladda federaalka Soomaaliya iyo Xafiiska haweenka ee Qaramada Midoobay. Aad ayaan ugu faraxsanahay sida uu noo soo dhaweeyay uuna noogu dhiirri geliyay shaqada haweenka ee Qaramada Midoobay”, ayay tiri Faadumo Dayib oo ka war-bixisay kulanka ay la qaadatay Ra’iisul wasaare Khayre.

Ra’iisul Wasaare ayaa sidoo kale kala hadlay sidii codka dumarka Soomaaliyeed iyo ka qayb galkooda siyaasadda loo xoojin lahaa, waxa uuna ku dhiirri geliyay in ay sii laba jibbaaraan hawsha lagu horumarinayo dawrka haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin dawladnimada.

Musuq maasuq baahsan oo xiligan ka jira qeybaha ugu muhiimsan Adan Cadde

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in halkaa uu ka taagan yahay musuq maasuq baahsan.

Xogtu waxa ay tibaaxeysaa in musuqa ugu badan xiligani uu yahay mid ka jira Kastamka Wasaarada Maaliyada qeybta Garoonka iyo Magareeshinka.

Qeybtani Kastamka ayaa waxaa dhaqaale xoogan looga qaada dadka inta badan ka imaada dibadda, waxaana xusid mudan in dhaqaalaha badankii aysan ku dhicin qasnada Wasaarada.

Dhaqaalaha ugu badan ayaa ku dhaca jeebka labada mas’uul ee ugu sareysa Xafiiska Kastamka maaliyada, halka lacag aad u yar loo wareejiyo Wasaarada, taasi oo muujineysa in wali musuqa uu yahay mid ku baahsan xarumaha dowlada.

Cabashada ugu badan ayaa waxa ay ka imaaneysaa qeybaha la dhigo boorsooyinka dadka kusoo laabtay dalka, halkaa oo lagu qaato lacago u dhexeysa 15 ilaa 20$ oo ku dhacda jeebka haween Boolis ah, kuwaa oo hanta ka tabcaday.

Illo wareedyo ka tirsan maamulka Garoonka ayaa sidoo kale noo xaqiijiyay in musuq kaa ka xoogan uu ka jiro qeybta Magareeshinka oo dhaqaale xoogan looga furto dadka kasoo laabta qurbaha.

Shaqaalaha qeybta magareeshinka ayaa dhaqaale aan ku dhicin qasnada dowlada ka qaada dadka qurbaha ka imaada, taasi oo lagu kala qaato waddo sharci daro ah.

Dad badan oo dalka dib ugu soo laabtay isla markaana soo maray qeybta magareeshinka ayaa inoo sheegay in laga qaado dhaqaale xoogan oo sharci darro ah.

Mid kamid ah dadkaasi oo aan wareysanay ayaa inoo sheegay in laga qaaday lacag dhan 150 $ oo lagu sheegay howl fududeyn.

Waxa uu niyad jab ka muujiyay howlaha xiligan ka dhex socda Garoonka oo meel ka dhac ku ah Dowlada federaalka ah ee Somalia.

Mas’uuliyiin badan ayaa iminka u xiran arrinta musuqa kuwaasi oo lagu helay kiisas cad, halka qaarna ay cadeemo u keeneen shaqsiyaad ay kula kaceen musuqa.

Dhawan ayay aheyd goortii Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre ay magaalada Muqdisho kaga dhawaaqen barnaamijka la dagaalanka Musuqa waxa ayna labaduba cadeeyen in mas’uulkii arrintaasi loo qabto uu xilkiisa weyn doono.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

 

Cabdi Weli Gaas oo 2 arrin uga digay DF Soomaaliya

Garoowe (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha maamulka Puntland Cabdiwali Gaas ayaa mar kale ku celshay in maamulkiisa uu xiliga loogu tallo galay qaban doono doorashada.

Cabdiwali Gaas, waxa uu sheegay inay muhiim tahay in wakhti hore loosii diyaar garoobo doorashada waxa uuna cadeeyay in dhankooda ay ka diyaar garooben.

Cabdiwali Gaas, waxa uu sheegay in wakhti hore uu kasii digaayo in la carqaladeeyo arrimaha khuseeya doorashooyinka Puntland, isagoo faragalin dhacdaa cagsigeeda ku sheegay iska celin.

Waxa uu tilmaamay in si gaara ay ugu digayan Dowlada Somalia oo uu sheegay inay u caaboon tahay faragalin dhanka doorashada Puntland ah.

Waxa uu Cabdiwali Gaas sheegay inuu aad uga walaacsan yahay laba qodob oo wakhti hore uu uga sii digaayo dowlada kuwaa oo kala ah:-

1-In Puntland ay ka digeyso in dowlada Somalia ay faragalin ku sameyso doorashada Puntland oo uu tilmaamay inay muqadas tahay in loo madax-baneeyo maamulka.

2-In Puntland ay dowlada Somalia uga sii digeyso inay is garabtaagto musharaxiin gaara, xili uu jiray heshiis dhigaya in maamulada loo madaxbaneeyo howlahooda dhismo.

Cabdiwali Gaas, waxa uu cadeeyay in Puntland ay diyaar u tahay la shaqeynta dowlada Somalia, hase yeeshee aysan marnaba aqbali doonin in lagu xadgudbo hanaanka doorashada.

Hogaamiye Cabdiwali Gaas ayaa cod dheer ku sheegay inaanu dhici doonin dib u dhac ku imaada xiliga doorashada.

Haddalkan ayaa kusoo beegmaya xili Xildhibaanada Puntland ay isla garteen in doorashada Puntland ay dhacdo 8-da January ee sanada 2019-ka, halka Xildhibaanada baarlamaanka la kala diri doono 31 Decembar ee 2018 ee sanadkan 2018.

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

[email protected]

3 arrin oo hor taagan inuu Farmaajo saxiixo go’aankii BF ee heshiiskii Berbera?

Waxaa 5 bilood laga joogaa markii uu Baarlamanka Somalia diiday heshiiskii Berbera. Waxaa heshiiska diidmadiisa la daba dhigay inuu saxiixo madaxweyne Farmaajo kadibna ay xukuumada Kheyre gaarsiiso Dowlada Imaaratka. Arrintaas wali ma fulin.

Waxaa loo arkaa inuu amarkaasi ahaa dagaalkii sababay inuu is casilo gudoomiyihii Baarlamanka Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari.

Xafiiska Farmaajo waxaa yaala waraaqo badan oo u baahan inuu madaxweynuhu saxiixo si loo fuliyo. Dadka isha ku hayay arrintaan ayaa sabab uga dhigaya saddex arimood oo is biirsaday dartood in loo saxiixi diiday go’aankii Baarlamanka.

Mowqifka Somalia ee dhanka Imaaratka ayaa is badalay waxaan arrintaan loo arkaa mida ugu weyn ee sababtay in aan la dhaqan galin mowqifka Baarlamanka, mida labaadna waxaa lagu micneeyay in madaxda sare aaney muhiim u arag xiligaan fulinta go’aankan.

Siyaasiyiinta reer waqooyiga ah ee ka tirsan Dowlada federaalka ah ayaa la sheegay iney iyaguna diideen in Somaliland gooni loo beegsado iyadoo aan wali waxba laga qaban dekada Boosaaso oo iyaduna ay maamusho shirkada DP world.

Saddexdaas arimood ayaa loo arkaa iney sababtay in go’aankii Baarlamanka ee bishii March uu dhaafi waayo xafiiska madaxweynaha.

Baarlamanka ayaa dib u furmi doona bisha soo aadan waxaana laga yaabaa in xildhibaanadu dib u keenan dood la xiriirta sababta uusan madaxweyne Farmaajo wali u saxiixin go’aankii Baarlamanka ee shirkada DP world.

Xigasho: Muqdisho Evening Post

Muqdisho Evening Post waa wargeys madax banaan oo fiid walba kasoo baxa Muqdisho.

Mareykanka oo mowqif uu shaki ku jiro ka qaadatay xisada Saudi iyo Canada

Washington (Caasimadda Online) – Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka oo lagu magacaabo  Heather Neuert ayaa muujisay  walaaca Washington ee ku aaddan xiritaanka dadka u doodo xuquuqul Insaanka ee lagu xiray Sacuudi Carabiya.

Wasaaradda Arrimaha Debadda ayaa Maamulka Riyadh ku boorisay  hubinta in dacwad sharci ah loo heysto dadka la xiray iyo in loo cadaalad sameeyo.

Wasaaradda Arrimaha Debadda ayaa tiri “ Waxaan mar kasta tixgelineynaa xuquuqda Xuriyadda hadalka, waana arrin aan ka hadalno mar kasta oo lagu xadgudbo, waxaana hadda Sacuudiga kala hadalnay xariga loo geystay dadka u doodo xuquuqul Insaanka ,waana sii wadaynaa” .

Wasaaradda Arrimaha Debadda Mareykanka ayaa tilmaamtay inay si kasta iyo qaab kasta diyaar u tahay difaacidda Xuriyadda hadalka mar wax laga waydiiyey hadalkii Trump kasoo yeeray oo ahaa inaysan dowladiisa muhiimada koowaad u aheyn difaacidda Xuquuqul Insaanka.

Wariyaha Al-Jazeera uga soo hadlo Magaalada Washington Mohamed Ahmed ayaa sheegay arrinta ay soo faragelisay Wasaaradda Arrimaha Debadda inay tahay middii keentay inuu xumaado xiriirka dowladaha Sacuudiga iyo Canada.

Wariyaha Al-Jazeer ayaa sidoo kale sheegay inaysan Afhayeenka ka jawaabin su’aal  ay saxaafadda waydiiyeen oo aheyd haddii uu Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka Mike Pompeo uu Boqorka Sacuudiga u sheegay in USA ay taageersan tahay mowqifka dowladda Canada.

Wariyaha ayaa sidoo kale sheegay inaysan muuqan cadaadis xoog leh oo ay dowladda Mareykanka ku sareyso Sacuudiga inay sii deyso dadka ay xir xirtay ay u doodi jiray Xuquul  Insaanka.

Afhayeenka ayaa sidoo kale meesha ka saartay in Dowladda Mareykanka wado dhex dhexaadin ay u sameeneyso dowladaha Sacuudiga iyo Canada.

Waxaa shaki la gelinayaa mowqifka Sacuudiga ee ku aadan Xiriirka xumaaday u dhaxeeyo dowladaha Canada iyo Sacuudiga waxayna warar aan la hubin sheegayaan inay Mareykanka garab taagan tahay Canada.

Caasimada Online
Xafiiska Washington
[email protected]

Kenya oo sabab yaab leh u burburineysa dabaqyo ay leeyihiin dadka Somali ah

Nairobi (Caasimada Online) – Dowlada Kenya ayaa lagu wadaa inay burburiso dhismooyin badan oo ay leeyihiin Soomaalida Kenya kuwaa oo lagu tilmaamay sharci darro.

Dhismooyinkaan oo guryo waaweyn ay ku jiraan ayaa intooda badan ku yaalla magaalada caasimada ah ee Nairobi ee dalka Kenya.

Burburinta guryaha Soomaalida ee laga soo saaray go’aanka ayaa sidoo kale ku yaalla Degmada Strarehe oo daris la ah degmada kamakunji oo Somalida ay degantahay.

Milkiilayaasha Soomaalida ee leh guryahaasi ayaa waxaa soo food saaray walaac aad u balaaran oo ku aadan burburinta guryaha oo ay dowlada kenya ka bilowday caasimada dalkaasi.

Dowlada Kenya ayaa dhismayaashan ku calaamadeysay istalaabka waxaana ay sheegen in uu shaki ku jiro dhismayaashaas sharci ahaan shahooda.

Xaafada burhan State oo iyada qeyb ka ah degmada Starehe ayaa milkiilayaasha leh guryahay waxay sheegeen in ay qaarkood ka cabsi qabaan in la burburiyo.

Soomaalida ku nool Xaafada burhan State ayaa isla dhexmarayan maalmihii la soo dhaafay in dhammaan guryahooda la burburin doono.

Sidoo kale, dowlada Kenya ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa ay waday burburinta dhismayaasha sharci darada oo ay leeyihiin qaarkood xubno ka tirsan dowlada kenya.

Si kastaba ha ahaatee, dhulalkaan la burburinayo ayaa markii hore la sheegay in dhisashadooda loo maray hab aan waafaqsaneyn sharciga lahaan shiyaha dhulka ee Kenya.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]