Wasiir Sabriye oo ka hadlay halka ay dacwaddii CC SHAKUUR ku dambeysay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta dowladda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa ka hadlay hadal kasoo yeeray Xisbiga Wadajir oo ku aadanaa Dacwada Kiiska Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Xisbiga Wadajir ayaa tilmaamay inaan weli la xallin oo aan waxba laga qaban kiiska dacwadii ku saabsaneyd weerarkii lagu qaaday guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur kaasoo ay ku dhinteyn ilaa lix qof oo ahaa ilaaladiisa gaarka ah.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Eng. Sabriye ayaa tilmaamay in kiiska dacwadii Cabdiraxmaan Cabdishakuur la xaliyey iyadoo arrintaas loo maray qaab dhaqanka Soomaaliga ah.

Wasiirka ayaa tilmaamay inuu isaga qaaday mas’uuliyadda Kiiskaas iyo sidii xal loogu heli lahaa isagoo tilmaamay inay arrintaas hadda dhamaatay.

“Waxa aan la kulmay qoysaskii dhibka gaaray iyo madaxada dalka waxaana la isla gartay in lacag magdhaw ah la siiyo qoysaska ay ka soo jeedeen dadkii ku dhintay weerarkii ka dhacay guriga Cabdiraxmaan Cabdishakur”  ayuu yiri Sabriye.

Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in xallinta kiiskaan ay gacan weyn ka geysteen ganacsato iyo odayaal dhaqmeedyo beesha kasoo jeedo idaasna si isagarad ah loogu xaliyey dhibaatadii taagneyd.

Wasiirka ayaa sheegay in uusan isaga dhex galin ama uusan isku dayin in uu dhex galo dowlada iyo siyaasiga oo arimo gaarka ah isku haystaan.

Dhawaan ayaan xisbiga Wadajir ay ku doodeen in uu burburay wadahadalkii iyaga iyo dowladda ka dhaxeeyay.

Waxa is waydiin mudan waa maxay arimaha laga wada hadlayo marba hadii uu Cabdiraxman Cabdishakur raali ku noqday magta lacageed oo ay dowladda bixisay?

Ma dowladda ayuu ka sugaayay in ay lacag isaga siiso ama raali galin ka siiso wixii dhacay?

Dadka qaar ayaa la yaabay sida ay suuragal ku tahay in C/raxaman Cabdishakur sheegto in wadahadal isaga iyo dowladda u socday isaga oo habeen iyo maalin ka dhaleeceeya warbaahinta hogaanka dowladda?

Waxaa muuqato in Kiiskaan mar hor la xaliyey iyadoo ay taas caddeyn u tahay inaysan jirin dood iyo qeylo dhaan ka imaaneyso Odayaasha kasoo jeedo Beesha Ceyr oo arrintaan ka aamusay maadaama diyo la kala qaatay.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa hadda ah debad joog aan dalka ka sameyn karin wax dhaqaaq ah kadib cadaadis xoog leh oo kaga imaaday dowladda dhexe kaasoo keenay in xataa loo diido shirar uu ku qabsan lahaa dalka Kenya.

Siyaasigaan ayaa hadda ku sugan dalka Mareykanka wuxuuna weerarkii lagu qaaday kadib cagta soo mariyey wadamo badan oo uu kula kulmayey dadka Soomaaliyeed si uu uga gado siyaasadiisa uu ku doonayo inuu dalka Madaxweynaha uga noqdo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com