25.8 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

R/W Kheyre oo Qardho ka shaaciyey inay awoodda dalka u gacan gelinayaan…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa ku dhawaaqay in dowlada Somalia ay ahmiyada koowaad siineyso dadka shacabka ah.

Ra’isul wasaare Xasan Kheyre oo khudbad ka jeedinayay magaalada Qardho ee gobalka Bari ayaa ku dhawaaqay in awooda dalka loo gacan galin doono dadka shacabka ah.

“Waxaan hortiina ka cadeynayaa in wixii maanta ka danbeeya awooda dalka loo gacangalin doono shacabka Soomaaliyeed oo aan kala sooc laheyn”

“Dowladu waxa ay raacda shacabka shacab aan awood laheyn waa dal aan awoodiisa muuqan, waa inaanu shacabka ku wareejinaa awoodooda”

Kheyre, waxa uu sheegay in ay soo labatay rajadii umadda Soomaaliyeed waxaana uu ka digay in la dhagaysto dadka dhahay Soomaaliya waa ay burburtay waana adagtay in ay soo laabato.

“Kuwa sidaa dhahaaya waxaanu ka adeejin doona muwaadiniinta diyaarka u ah dhisida dalkooda meel waliba waxanu ku buuxin doonaa kuwa wanaagsan ee u danqanaaya dalkooda”

Sidoo kale, Kheyre ayaa sheegay in dowlada iyo maamulada jira ay talo waliba la wadaagi doonaan dadka shacabka ah.

Haddalka Kheyre ayaa u muuqanaaya mid lagu doonayo in lagu soo nooleeyo rajada shacabka Shacabka Soomaaliyeed oo sanadihii danbe aheyn mid burburtay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Somaliland: Lacag malaayin DOLLAR ah oo la lunsaday 2017 oo lasoo bandhigay!!

Hargeysa (Caasimadda Online) – Guddiga Ilaalinta iyo dabagalka Hantida ee golaha wakiillada Baarlamaanka Somaliland ayaa maanta sheegay in shakhsiyaad iyo masuuliyiin ka tirsanaa xukuumaddii hore ee Somaliland ay lunsadeen hanti iyo lacago kala duwan.

Guddida oo warbixin dheer ka hor akhriyay golaha wakiillada ayaa sheegay in sannadkii 2017-kii shakhsiyaadka hantida iyo lacagaha lunsaday ay ka mid ahaayeen dad masuuliyiin ka ahaa xukuumaddii hore ee madaxweyne Siilaanyo, iyagoo xusay wasiirkii hore ee wasaaradda hawlaha guud Cali Xasan Maxamed (Cali Marreexaan).

Guddoomiyaha guddida Ilaalinta iyo dabagalka Hantida ee golaha wakiillada Somaliland Naasir Cali Shire ayaa sheegay in lacago badan oo ka baxay Khasnadda dawladdu ay ku baxeen meelo aan loo baahnayn isla markaana la lunsaday inta badan lacagahaasi.

Wuxuu xusay in lacag dayn ah oo gaadhaysa 1.6 Milyan oo doollar ay qaateen shakhsiyaadkaasi ka tirsanaa xukuumaddii hore ee Somaliland, iyadoo lacagaha qaar ay ku baxeen Telefoonno iyo shidaallo dheeraad ah oo la isticmaalay.

7.5 Milyan oo doollar ayaa ku baxay dhismayaal la sheegay in la dhisay sannadkii 2017-kii hase ahaatee guddiga waxuu sheegay in waxaa ay soo arkeen iyo dhaqaalaha baxay ay aad u kala fog yihiin.

Goobaha uu guddiga soo arakay ee ay walaaca ka muujiyeen dhaqaalihii la sheegay in uu ku baxay ayaa waxaa kamid ahaa:

Roogga cagaaran ee la dhigay garoonka kubadda cagta ee magaalada Laascaanood kaasi oo la sheegay in ay ku baxday lacag dhan 182-kun oo doollar.

Dhismaha Jeelka wayn ee Burco oo ay ku baxayso 1.5 Milyan oo doollar, iyadoo weli uu socdo dhismaha jeelku.

Dhismaha wasaaradda hawlaha guud ee magaalada Burco, waxaa ku baxday lacag dhan 175-kun oo doollar (Uma dhiganto lacagtaasi meesha aanu soo aragnay ayuu yidhi guddoomiyaha guddida Ilaalinta iyo dabagalka Hantida Naasir Cali Shire).

Dhismaha dugsiga xirfadlayaasha magaalada Buuhoodle waxaa ku baxday 20-kun oo doollar, laakiin ma jiro dugsigaasi oo lama dhisin.

Dhismaha wasaaradda maaliyadda ee gobolka Awdal waxaa ku baxday 70-kun oo doollar.

88,800 oo doollar  oo loogu talo galay roogga cagaaran ee garoonka kubadda cagta ee Burco oo aan weli la dhisin.

Dhulka Lineka Booliska magaalada Hargeysa oo uu iibiyay wasiirkii hore wasaaradda Hawlaha Guud Cali Xasan Marreexaan ayaa waxaa laga iibiyay shirkadda Dahabshiil waxaana laga siiyay 920-kun oo doollar hase ahaatee waxaa la lunsaday 380-kun oo doollar oo kamid ah lacagtaasi.

Waasaaradda xannaanada xoolaha oo iibsatay Shaybaadh (Lab) balse la waayay.

194-kun oo doollar ayaa la siiyay dhismaha garoonka kubadda Cagta ee Shulaac oo magaalada Hargeysa laga dhisayo.

Ugu dambeyntii, Guddiga Ilaalinta iyo dabagalka Hantida ee golaha wakiillada Somaliland ayaa Xeer ilaaliyaha guud ugu baaqay in uu baaris iyo dabagal ku sameeyo hantidaasi ay sheegeen in la lunsaday.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Ogow xaqiiqda sababta ay Isimada Puntland weerarka ugu qaadeen R/W Kheyre

Garcad (Caasimadda Online) – Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo booqasho ku jooga degaanada Puntland ayaa ka baaqdsaday qorshe uu ku dhagax dhigi lahaa dekadda degmada Garacad ee Gobolka Mudug.

Maamulka Puntland ayaa qorsheeyay in goobaha uu booqan doono Ra’iisal wasaare Kheyre ay ka mid noqoto degaanka xeebta Garacad oo Puntland ay in muddo ah raadineysay inay ka dhisto dekadda, laakiin maamulka iyo dadka Galmudug ay u arkaan mid looga soo horjeedo dadaalka ay ugu jiraan dhismaha dekadda Hobyo.

Warar laga helayo magaalada Garowe ayaa sheegaya in Ra’iisal Wasaare Kheyre iyo madaxweynaha Puntland ay ka wadahadleen arrinta dhagax dhigga Dekadda Garacad oo ka mid ahayd goobaha loo qorsheeyay inu booqdo Ra’iisal wasaaraha, laakiin la isku afgartay in laga reebo socdaalka, kadib culeysyo siyaasadeed oo la sheegay inay ka yimaadeen siyaasiyiinta iyo xildhibaannada ka soo jeeda Galmudug.

Islaan Bashiir Islaan Cabdulle oo ka mida odayaasha dhaqanka Isimada Puntland ayaa qarxiyey qorshe ay heshiis ku ahaayeen madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya oo ahaa in Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre uu dhagax dhigo Dekadda Garacad ee Gobolka Mudug.

Islaanka oo ka hadlayey Garacad ayaa shaaciyey wixii dhex maray iyaga iyo madaxweyne Farmaajo, wuxuuna yiri: “Waxaan afkayga kula hadlay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaana u sheegay in dhismaha dekedda Garacad la dhagax dhigayo, waxaana ka codsaday in madaxda Qaranka kasoo qeyb galaan dhagax dhigga,. Wuxuu igu yiri, waan soo tashanayaa isug. Wuu igu soo laabtay wuxuuna igu yiri Ra’iisal wasaare Kheyre baa idiin imaanaya. Kheyre Puntland waa joogaa mana noo imaan..”

Wuxuu intaas ku daray in iyadoo Ra’iisal wasaare Kheyre ku sugan yahay Puntland aanu haddana tegin Garacad oo xaflad lagu dhagax dhigayo dekad ay ka socotay maanta, wuxuuna si kulul u yiri: “Madaxda Soomaaliya waxaan u heysannay iney yihiin madax qaran, laakiin taa mid ka duwan ayeey na tuseen”.

Ra’iisal wasaare Kheyre oo maanta gaaray magaalada Qardho ayaa ka baaqsaday dhagax dhigii la qorsheeyay ee dekadda degaanka Garacad oo reer Galmudug ay uga digeen iyagoo u arka in looga soo horjeedo dekadda ay doonayaan inay ka dhistaan Hobyo.

Waxa uu sheegay inay arrintaas kala xisaabtami doonaan marka uu dib u laabto haddana ay ku ixtiraamayaan martida uu yahay.

Hadalkaas marka laga sheegayey xafladda waxaa goobjoog ahaa Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas oo isaga xariga ka jaray Dekadda la doonayo in halkaas laga sameyo.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

Yaa lagu bedelay xilkii laga ceyriyey GABRE ee IGAD?

Muqdisho (Caasimada Online) – Nuur Maxamed Sheekh ayaa waxaa si rasmi ahaan loogu magacaabay  La-taliyaha  Sare ee  Xoghayaha Guud ee Urur-gobaleedka IGAD ee Arrimaha Siyaasadda ee dalka Koonfurta Suudaan.

Muwaadinkaasi waxa uu La-taliye dhinaca Samafalka Aadminimadda haatan ka ahaa Urur-gobaleedka IGAD, wuxuuna horey uga soo shaqeeyey Xarunta Dhexe ee QM ee magaalladda New York, isagoo markii dambe u soo wareegay Dhismaha QM ee magaalladda New York.

Nuur Maxamed Sheekh oo ah Soomaali haysta dhalashadda dalka Britain, kana soo jeeda magaalladda Baraawe oo la hadlay Radio Dalsan ee magaalada Muqdisho waxa uu sheegay inuu  bishan July 2-dii Tartan u galay Xilka cusub ee La-taliyaha Xoghayaha Guud ee IGAD ee Arrimaha Siyaasadda dalka Koonfurta Suudaan, isla markaana uu Kaalinta Koowaad ka galay dadkii imtixaanka u galay Xilkaasi.

“Markii uu Kolonel Gabre ka tagay  IGAD, waxaa la soo bandhigay inuu Xilkaasi bannaan yahay, kadibna, waxaan Imtixaan la galay Tartamayaal ka kala socday dalalka xubnaha ka ah IGAD. Waxaa Wareysi la ila yeeshay bishii July 2-dii, Waxaana noqday qofkii ugu sarreeyey Tartamayaashii kale ee doonaysay Xilkaasi” ayuu yiri Nuur Maxamed Sheekh.

Nuur Shekh ayaa ayaa  ku guuleystay Xilka La-taliyaha Sare ee Arrimaha Siyaasadda Koonfurta Suudaan ee Xoghayaha Guud ee IGAD, Maxbuub Maalin kadib tartan furan

Hawsha La-taliyaha waxay doorkiisa noqonaysa La-talinta Ergayga IGAD EE Koonfurta Suudaan ee horumarinta dhinaca  Siyaasadda ee dalkaasi iyo guud ahaan Gobalka iyo inuu dhamaan qeybaha ay khuseyso Arrimaha Koonfurta kala shaqeeyo sidii loo hubin lahaa inay si hagaagsan u socdaan Geeddi-socodka taageeradda ka geysanaya hirgelinta Natiijadda soo baxa iyo Heshiiska socda ee dalkaasi.

Si kastaba ha ahaatee, La-taliyaha Cusub ee IGAD ugu qaabilsan Arrimaha dalka Koonfurta Suudaan, Nuur Maxamed Sheekh oo ah Soomaali haysta dhalashadda dalka Britain waxa uu ku dhashay magaalladda Baraawe ee Gobalka Sh/hoose, waana Mas’uulkii ugu horreeyey oo Soomaali ah oo Xil Sare ka qabta Urur-gobaleedka IGAD oo la asaasay bishii Janaayo ee sannadkii 1986-kii.

Ururkaasi waxaa xubno ka ah 8 Waddan oo ku yaalla Bariga Afrika, kuwaasi oo kala ah: Somalia, Jabuuti, Kenya, Uganda, Ethiopia, Eritrea, Sudan iyo Koonfurta Suudaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

Kheyre oo si lama filaan ah uga laabtay qorsho halis ku ahaa dekadda HOBYO

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo booqasho ku jooga degaanada Puntland ayaa ka baaqdsaday qorshe uu ku dhagax dhigi lahaa dekadda degmada Garacad ee Gobolka Mudug.

Maamulka Puntland ayaa qorsheeyay in goobaha uu booqan doono Ra’iisal wasaare Kheyre ay ka mid noqoto degaanka xeebta Garacad oo Puntland ay in muddo ah raadineysay inay ka dhisto dekadda, laakiin maamulka iyo dadka Galmudug ay u arkaan mid looga soo horjeedo dadaalka ay ugu jiraan dhismaha dekadda Hobyo.

Warar laga helayo magaalada Garowe ayaa sheegaya in Ra’iisal Wasaare Kheyre iyo madaxweynaha Puntland ay ka wadahadleen arrinta dhagax dhigga Dekadda Garacad oo ka mid ahayd goobaha loo qorsheeyay inu booqdo Ra’iisal wasaaraha, laakiin la isku afgartay in laga reebo socdaalka, kadib culeysyo siyaasadeed oo la sheegay inay ka yimaadeen siyaasiyiinta iyo xildhibaannada ka soo jeeda Galmudug.

Diyaargarow soo dhoweynta Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo dhagax dhigga Dekeda Garacad ayaa la sheegay inay ka socotay degaanka Garacad, basle waxaa hadda tegi doona madaxweynaha Puntalnd iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya.

Maamulka Puntland ayaa muddo soo waday qorshaha dhismaha dekadda Garacad oo loo heysto in looga soo horjeedo dekadda Hobyo ee Galmudug ololaha ugu jirto dhismaheeda, waxaana sida dekadda Hobyo dhowr jeer halkaasi la geeyay ganacsato ajnabi ah oo sheegay inay dib u dhisayaan.

Sababaha baaqashada Ra’iisul Wasaaraha ee Garacad ayaa lagu tilmaamay culeys siyaasadeed iyo saameyn ka dhalan karta haddii uu dhagax dhigo, maadaama uu horay ugu baaqday dhagax dhigga Dekeda Hobyo ee Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug, halkaasoo bilo ka hor ay tageen wafdi ka socday Wasiiro ah oo ka socday Xukuumadda, kuwaasoo dhagax dhigay Dekeda Hobyo.

Siyaasiyiin iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa la sheegay in Ra’iisul Wasaaraha kula taliyeen inuu ka baaqdo safarka Garacad iyo dhagax dhigga Dekeda laga hirgelinayo halkaas.

Hase ahaatee Ra’iisul Wasaaraha ayaa maanta safar dhinaca dhulka ah ku tagaya degmada Qardho, halkaasoo uu ku booqanayo Boqorka Beelaha Daarood Boqor Burhaan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dib ugu soo laaban doona magaalada Garowe oo la qorsheynayo in Khamiista uu ka dhaco shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Kadib Farmaajo, Kenyatta iyo Geelle oo kusii jeeda ASMARA (Maxaa socda?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in Magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea ay booqasho ku tagaan Madaxweynayaasha dalalka Jabuuti iyo Kenya, Ismaaciil Cumar Geelle iyo Uhuru Kenyatta.

Madaxweynayayaasha dalalka Jabuuti iyo Kenya ayaa caasuumad ka helay dhigooda dalka Eriterea Afwerki oo kaalin weyn ka qaadanaaya isbedelka Gobolka.

Booqashada magaalada Asmara ayaa waxaa ku hormari doona Madaxweynaha dalka Jabuuti, waxaana xigi doona Madaxweynaha Kenya Uhurro Kenyatta.

Madaxweynaha Jabuuti iyo dhigiisa Eritrea Afwerki ayaa kawada hadli doona arrimaha Gobolka iyo sida xal looga gaari lahaa khilaafka ka dhexeeya labada dal oo meel xun gaarsiisan.

Madaxweyne Afwerki oo heysta dhul baaxad weyn oo ay leedahay Jabuuti ayaa doonaya inuu dib ugu celsho dalka Jabuuti waxa uuna socdaalka Madaxweyne Ismaaciil Geele yahay mid ku qotoma arrimahaasi.

Madaxweynaha dalka Kenya ayaa isna arrimo gaara kala hadli doona dhigiisa Eriterea Afwerki waxaana socda dadaal lagu xoojinaayo xiriirka Eriterea iyo Kenya.

Dalka Eriterea waxaa dhawaan booqasho ku tagay Ra’isul wasaaraha Ethiopia Aby Ahmed Ali oo heshiis taariikhi ah la soo galay madaxda dalkaasi Afwerki.

Sidoo kale, Madaxweynaha Soomaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo shalay soo gaba gabeeyay booqasho uu ku joogay dalkaasi ayaa Afwerki lasoo galay heshiis ka kooban afar qodob kaa oo meesha ka saaray khilaafka labada dal.

Si kastaba ha ahaatee, dowladda Eritrea oo xiligan miisaan ku dhex leh Qaarada Africa ayaa ku dadaaleysa sidii ay xiriirka diblomaasiyadeed ula sameyn laheed  dalalka deriska ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

“Go’aanka Farmaajo waxa uu magaalada Muqdisho u horseedi doonaa hal arrin”

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaarada Amniga Gudaha Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow (Ducaale), ayaa sheegay in isbedelka lagu sameeyay Hay’adaha amniga dowlada Somalia ay waxbadan ka bedeli doonto amniga dalka.

Waxa uu Wasiir Ducaale, sheegay inay muhiim tahay in dib u sixid lagu sameeyo hanaanka shaqo ee Hay’adaha waxa uuna carab dhabay in ciidamada Xasilnta si toosa loo hoos geeyay Taliska Booliska Soomaaliyeed.

Waxa uu sheegay in dowlada Somalia ay ku khasban tahay inay hagaajiso hanaan waliba oo la xiriira dhanka amniga waxa uuna aad usoo dhaweeyay go’aanka Madaxweyne Farmaajo ee ku aadan isbedelka.

“Ciidamada NISA qeybta xasilinta waxa ay si toosa uga amarqaadan doonaan taliska Booliska si amniga Muqdisho lagula xisaabtamo Booliska”

“Nabadsugida dharcada ayaa ku filan wixii macluumaad ah ee ku saabsan Gobolka shaqada sidaa ayay ku socon doontaa waa inaanu la imaanaa isbedel dhab ah”

Waxa uu carab dhabay in Nabad Suggida lagu soo koobay kaliya qaybta Sirdoonka ee dharcadka ah kuwaasi oo la kordhin doono cadadkooda.

Sidoo kale, Wasiir Ducaale waxa uu sheegay in isbedel waliba oo dhaca uusan yeelan Karin saameyn waa haddii aan la helin wada shaqeynta Hay’adaha amaanka iyo shacabka.

Ducaale ayaa ballanqaaday inay xooga saari doonaan amniga magaalada Muqdisho oo uu sheegay inay tahay mid muhiim ah.

Arrintaani ayaa imaaneysa kadib markii Taliyihii Nabad Suggida Gobolka Saadaq Cumar Xasan laga dhigay Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Banaadir ciidankii Nabad Suggidana, halka Taliyihii qaybta Booliska Gobolka Banaadir Jeneraal Axmed Xasan Maalin laga dhigay Taliyaha qaybta taraafikada Gobolka Banaadir.

Caasaimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: Xasan Cali Kheyre oo hadal ka farxiyey C/WELI Gaas ka jeediyey Garoowe

Garoowe (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha xukuumada Faderalka ah ee Soomaaliya Xasan Cli Kheyre ayaa sheegay in Puntland aysan ka maarmi doonin Hoggaamiyaha hadda haya xilka ee C/weli Gaas.

Kheyre waxa uu tilmaamay in Puntland ay ka dhismo qurxoon tahay dhammaan Gobolada kale ee ka jira dalka, waxa uuna carab dhabay inay ku gaartay iskaashi iyo wada shaqeyn.

Waxa uu sheegay inay muhiim tahay in Xildhibaanada iyo shacabka Puntland ay garab ka qaatan sida uu kusoo laaban lahaa Gaas oo uu sheegay inuu qabtay wax la taabkara.

Waxa uu Kheyre dhankiisa ka sheegay in Xukuumada Somalia iyo Guud ahaan dowlada Federaalka ay ka qeybqaadan doonto sida uu mar kale kusoo laaban lahaa maamulka uu wakhtiga kasii dhamaanayo ee Kheyre.

“Dowladu waxa ay ku khasban tahay inay taageero u noqoto cid waliba oo dhiseysa dalkeeda cidii fiican waxaanu ka garankarnaa dadkiisa iyo sida ay u taalo halka uu ka arimiyo”

Sidoo kale, Kheyre ayaa C/weli Gaas uga farxiyay inay ku garabsiinayaan sida uu mar kale kusoo laaban lahaa waxa uuna ballanqaaday in dowlada ay kaalin weyn ka qaadan doonto doorashada dhawaan ka dhici doonto Puntland.

C/weli Gaas ayaa horay u shaaciyay inuu yahay musharax mar kale u taagan qabashada xilka Hogaamiyenimo ee maamulka.

Ma cadda in dowlada Somalia ay ka dhabeyn doonto taageerida C/weli Gaas waxaana xusid mudan in Gaas bilahaani uu caqabad ku yahay Siyaasada dowlada.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

XOG: Khilaaf xooggan oo ka dhex-taagan Cabdi Iley iyo AXMED MADOOBE

Kismaayo (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe uu khilaaf adag kala dhexeeyo dhigiisa dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Iley).

Khilaafka Axmed Madoobe iyo Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Iley) oo waayadan ahaa mid taagan ayaa waxa uu sii xoogeystay tan iyo mudadii uu xirnaa Sarkaalka ONLF Cabdikariin Qalbi-Dhagax oo dhawaan lasii daayay.

Axmed Madoobe ayaa horay uga careysnaa kadib markii Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Iley) uu sabab u noqday fashil ku yimid dadaalo lagu wada hadalsiinaayay Dowlada Ethiopia iyo Jabhada ONLF oo dagaal uu ka dhexeeyo.

Khilaafka labada mas’uul ayaa iminka gaaray heerkii ugu xumaa sida laga soo xigtay mas’uuliyiin kasoo jeeda Dhulka Soomaalida kaa oo iminka gaaray heer aad u xun.

Xogta aan heleyno ayaa tibaaxeysa in Hoggaamiye Axmed Madoobe uu iminka ka shaqeynaayo sida Dowlada Ethiopia ay kursiga uga laali laheyd Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Iley) oo muddo ku fadhiyay kursiga.

Axmed Madoobe ayaa laalida Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Iley) u kaashanaaya mas’uuliyiin ka tirsan ONLF gaar ahaan garabka iminka ku sugan magaalada Asmara ee dhawaan kulanka saacadaha qaatay la yeeshay Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed.

Dowlada Ethiopia ayaa aaminsan Hogaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe, waxaana xusid mudan in Madoobe uu yahay Hogaamiyaha keliya ee maamulada ka jira Somalia ee la kulmay Ra’isul wasaare Abiy Axmed.

Dhawaanahaani waxaa soo baxaayay hadal heyn muujineysa in Ra’isul wasaare Abiy Axmed uu isbedel dhanka maamulka ku sameynaayo maamulka Soomaalida taa oo xoojineysa khilaafka Axmed Madoobe iyo Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Iley).

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

Kheyre oo shaaciyay halka uu marayo qorshe Amisom looga saarayo Soomaaliya

Garoowe (Caasimada Online) –Iyadoo dhawaan lagu wado in Somalia laga saaro ciidamada AMISOM ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Ra’isul wasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Somalia Xasan Cali Khayre oo ku sugan magaalada Garoowe.

Ra’isul wasaare Xasan Kheyre, ayaa sheegay inay muhiim tahay in amniga Somalia si rasmi ah loogu wareejiyo dowlada, waxa uuna tilmaamay in meel wanaagsan uu marayo qorshaha ka bixitaanka ciidanka AMISOM ee Somalia.

Ra’isul wasaare Xasan Kheyre, waxa uu sheegay in Xukuumada Somalia ay dadaal ugu jirto sida Somalia looga saari lahaa ciidamada AMISOM isla markaana amniga loogu wareejin lahaa ciidamada Qaranka oo iminkaba uu sheegay inay yihiin kuwo diyaarsan.

Kheyre oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay inay diyaarinayaan qorshayaal dhameystiran oo AMISOM loogala wareegayo amniga dalka, isaga oo arrin muhiima ku sheegay in ciidamada Qaranka ay hantaan mas’uuliyada amniga.

Waxa uu xusay Ra’isul wasaaraha iney diyaariyeen goobaha ugu horeeya oo AMISOM ay ka baxayaan iyo ciidankii la wareegi lahaa.

Sidoo kale, qorshaha la jideeyay ayaa waxa uu yahay in ciidanka AMISOM ay Soomaaliya ka baxaan marka la gaaro sanadka 2019, waxaana dowladda federaalka Soomaaliya ay hada wadaa dadaaladii ugu dambeeyay ee lagu diyaarinayo ciidamo Soomaali ah oo AMISOM kala wareega guud ahaan amniga dalka.

Si kastaba ha ahaatee, haddalka Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa imaanaya iyadoo Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay intooda badan hada ku sugan yihiin meelo badan oo Soomaaliya ka mid ah.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

Halkee la qorsheynayaa in laga furo safaarada cusub ee Eritrea ee Soomaaliya?

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Dowladaha Somalia iyo Eriterea ayaa ku heshiiyay inay is dhaafsanayaan Safaarado si mar kale looga feejignaado xiriir xumo dhexmarta labada dal oo muddo calaaqadkooda uu ahaa mid uu mugdi hareereeyay.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Eritrea Isaias ayaa si wada jir ah ugu dhawaaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay ku furi doonaan Safaaradaha, iyadoo dal waliba uu magacaabi doono Danjire matala.

Xogo hoose oo aan ka heleyno illo Diplumaasiyiin ka tirsan dowlada Somalia ayaa sheegaya in dowlada Somalia ay qorsheyneyso in Eriterea dhul KMG ah laga siiyo Madaxtooyada Somalia gaar ahaan meel ku dhow halka ay iminka ku taal Safaarada Ethiopia.

Waxa ay xogtu intaa kusii dareysaa in Safaarada Eriterea ay kusii shaqeyn doonto Madaxtooyada inta ay ka dhisaneyso dhul baaxad weyn oo laga siin doono Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho oo iminka ay degan yihiin inta badan Safaaradaha shisheeye.

Dowlada Erirerea ayaa Danjiraheeda usoo magacaabi doonta inta lagu guda jiro bisha fooda nagu soo heysa, halka Somalia ay Danjiraha ka magacaabi doonto gudaha bisha dhalan doonta sida uu qorshuhu yahay.

Dowladaha Somalia iyo Eriterea oo xiriir aan sidaa usii weyneen uu ka dhex jiray ayaa iminka isku raacay in si wada jira looga hortago wax waliba oo keeni kara tashwiish Siyaasadeed.

Lama oga halka ay dowlada Eriteria ka yagleeli doonto Safaarada Somalia waxaana suuragal ah in Somalia dib loo siiyo dhul cusub.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Dowlada, mucaaradka iyo duqaymaha ay Kenya ka waddo gudaha Soomaaliya

“Dalka waxbaan ku leenahay, mana oggolaanayno in aan aayihiisa u sii deyno caada-qaatayaal bilaa xakame ah.” Cabdi Faarax, Guddoomiyihii hore ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

Dhibaato baahsan oo ay dowladda Kenya u geysanayso shacabka, xoolaha, hantida iyo geyiga Soomaaliyeed  ayaa beryahan dambe laga soo tebinayaa gobollada Jubbaland oo dhan, gaar ahaan gobolka Gedo. Duqeymo sharci darro ah oo shacab lagu laayay, weerar toos ah oo lagu burburiyay qalabkii isgaarsiinta shirkadda Hormuud isla markaasna lagu dilay dad goobta ka shaqaynayay, gabdho Soomaaliyeed oo dhibaato loo geystay, dad xoolahoodii la dhaafiyay, iyo tacaddiyo kale ayaa ka soo yeeraya gobolka Gedo.

Waxaa intaas dheer, Kenya waxay derbi sharci darro ah ka dhisaysaa dhul Soomaaliyeed iyada oo gawaarida gaashaaman u adeegsanaysa shacab aan hub sidan. Dhanka kale, waxaa socota dacwo ay Kenya ku doonayso in ay inooga dhaxal wareejiso qayb ka mid ah xad badeedka Soomaaliya.

Dhibaatooyinkaas waxaa si isku mid ah uga aammusay dowladda Soomaaliya oo mas’uul ka ah ilaalinta nafta, sharafta iyo hantida shacabka Soomaaliyeed. Waxaa kaloo ka aammusay tacaddiyadaas mucaaradka oo looga bartay in ay qayliyaan markii dowladdu gaabiso si ay shacabka iyo dowladda isaga hor keenaan. Haddaba, waa maxay sababta ay dowladda iyo mucaaradku uga wada aammuseen tacaddiga ay dowladda Kenya ku hayso shacab Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan?

Sababaha mideeyay dowladda iyo mucaardka waa:

  1. Madaxda dowladda iyo mucaaradka labaduba waxay hanti iyo hoy ku leeyihiin dalka Kenya. Sida la ogsoon yahay, mucaaradka waxaa rug u ah Kenya. Sidoo kale, madaxda dowladda ugu sarreysa ayaa Kenya u daabbula lacagtii lagu geli lahaa doorashada 2020. Danta dadka waxaa labada dhinacba kala weyn danta gaarka ah.
  2. Halka mucaaradku ay Kenya u saxiixeen badda Soomaaliya, dowladdu waxay Kenya u saxiixday sharafkii ummadda Soomaaliyeed. Tusaale ahaan, madaxda dowladda Soomaaliya waxay dhowaan ballan qaadeen in ay Kenya ka taageeri doonaan in ay ka mid noqoto Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay sannadka 2020. Maxaa arrintaas ku jaban? Kenya waxay tartan kula jirtaa dowladda aan walaalaha nahay ee Jabuuti. Maxaa keenay in Kenya loo ballan qaado taageero iyada oo Jabuuti joogto? Arrintaas waxaa sababay in madaxda dowladdu is leeyihiin kasbada taageerada Kenya oo mucaaradka uga dhowaada.

Dhaqanka Kenya ee ah in la baabi’iyo dadka iyo xoolaha, gaar ahaan geela oo ah laf-dhabarta dhaqaalaha dalka, in la burburiyo hantida gaarka loo leeyahay sida qalabka is gaarsiinta, in la bah dilo haweenka Soomaaliyeed ee sharafta leh lana laayo shacabka waa dhaqan gumeysi oo soo jireen ah. Waa dhaqan laga dhaxlay gumeystihii Ingiriiska laguna naafeeyay dadka Soomaaliyeed ee deggan gobolka Waqooyi Bari.

Maxaa talo ah haddii Xukuumadda hadda joogta oo uu madaxda ka yahay Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre iyo tii ka horreysay ee Cumar Cabdirashiid ay labaduba heshiis ku yihiin in aan Kenya laga hor imaan?

  1. Shacabka Soomaaliyeed waa in ay muujiyaan dareenkooda ku aaddan tacaddiga dowladaha shisheeye u geystaan dadka iyo hantida Soomaaliyeed. Qofkii qoraal ku muujin kara, kii hay’adaha xuquuq insaanka gaarsiin kara, kii telefoon ku hadli kara, kii saxaafadda adeegsan kara, kii madaxda fursad u hela oo weydiin kara, kii bannaanbax samayn kara, iyo kii si kale u muujin kara sida aan uga xunnahay dhibaatada lagu hayo dadka Soomaaliyeedba waa waajib in codkeenna la maqlo.
  2. Xildhibaannada Soomaaliyeed waa in ay dowladda kula xisaabtamaan dhibaatada loo geysanayo shacabka Soomaaliyeed. Inta golaha shacabku xiran yahay, waa in ay xildhibaannadu mid mid ula xiriiraan madaxda ay khusayso arrintaan kuna khasbaan in ay dhibaatadaas ka sal gaaraan. Markii la furo baarlamaanka, xildhibaannadu waa in ay madaxda dowladda su’aalo ka weydiiyaan arrimahan.
  3. Qurbajoogta Soomaaliyeed waxaa saaran waajib gaar ah. Waa in madaxda dowladda, oo qaarkood qurbaha ka tagay, mar walba la xusuusiyo in la maxkamadayn karo markii ay dalalkay ka tageen ku soo noqdaan haddii ay dayacaan mas’uuliyaddii ay u dhaarteen ama ay si xun u adeegsadaan magaca ummadda. Inta ay xilka hayaan lafteeda, waa in ay ku talagalaan in lagu kicin doono bannaan baxyo laguna eedeyn doono dhibaatada shacabka la gaarsiinayo in ay raalli ka yihiin.

Haddii aynaan indhaha furin lana xisaabtamin dadka xilalka ku magacaaban, waxaynu soo baraarugi doonnaa xilli layna dhaxal wareejiyay oo shakhsiyaad dan leh ay tooda ka hor mariyeen teenna. Haddii aysan madaxda dowladdu dhegeysan talada shacabka iyo xildhibaannada Soomaaliyeed, waxay dhegeysan doontaa talada shisheeyaha iyo dad dano gaar ah dowladnimada ku fushanaya waxaana soo noqnoqon doona khaladaad masiiri ah sida baddeennii loogu saxiixay Kenya ama Qalbi-Dhagax loogu dhiibay cadowga.

Haddii aan lala xisaabtamin xukuumadda, waxaa dhacaysa in Khayre ku kaco gefaf taariikhi ah sidii Cumar Cabdirashiid, ka dibna Madaxweyne Farmaajo yiraahdo lama ogeyn sidii Sheekh Shariifba u yiri ma ogeyn badda la bixiyay.

W/Q: Maxamed Cali
[email protected]

 

Xog ku saabsan qorshaha socdaalka FARMAAJO ee Afgooye iyo ciidan gaaray

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo uu maanta kusii jeedo  degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dadka deegaan ayaa soo sheegaya in saaka aroortii ay kusoo tooseen Ciidamo isugu jira Milateri, Boolis iyo Nabadsugid aad u hubeysan oo la dhigay dhammaan xaafadaha iyo waddooyinka waaweyn ee Degmada.

Ciidamada ugu badan ayaa waxaa waddooyinka lasii dhigay xalay saqdii dhexe si ay ugu gogol xaaraan Madaxweynaha.

Ciidamo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya iyo Ciidamo kale oo wata eeyo taba baran ay howgalo Saakay ka wada Xaafadaha magaalada Afgooye gaar ahaan dhanka galbeed ee magaalada.

Qorshaha ayaa ah in Madaxweynaha uu la kulmo maamulka deegaanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, waxaana lasoo sheegayaa inuu jiro khilaaf maamulka dhexdiisa ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shalay ka soo laabtay Booqasho seddax Cisho qaadatay oo u tagay dalka Eretariya.

Bishii May ee Sanadkii hore ayay aheyd markii Madaxweynuhu uu safar dhulka ah ku tagay degmada Afgooye.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Laba-kaclaynta loolanka Geeska Afrika – Q. 2-aad

Halkan ka aqri qeybtii 1-aad

Qormadaan tii ka horraysay waxay gogal dhig u ahayd qormooyin dhowr ah oo tilmaamayo sababte keentay inuu soo cusbaanoodo loollanka loogu jiro hanashada siyasadda iyo ganacsiga Geeska afrika iyo cidda ku loollamayso. Qormadaan waxaan ku eegi doonnaa marki uu soo noolaaday loollanka iyo cidda bilwoday iyo dalalka ku jiro.

Qoramadi hore waxaan ku tilmaamay in dhibaatooyinka ka jiro marinka Baab-Al-Mandan aysan waxba u dhimin isu socodka ganacsiga adduunka. Laakiin asbuucaan gudahiisa ayuu bilowday culayski ugu horreeyay ka dib marki Sacuudigu uu sheegay inuu joojinayo shidaalka uu mariyo marinkaas khatar xagga ammaanka oo timid darteed. Khatartaan ayaa ah in kooxaha Xuutiyiinta ee Yemen ka dirira ay ku hanjabeen inay duqaynayaan maraakiibta sidda shidaalka ee ka timaadda sacuudiga. Intaas waa wixii ka danbeeyay qormadi hore.

Dowladda yar ee Qatar ayaa afuuftay dabka ka bixi jiray Bariga Afrika ee waa hore baqtiyay. Qatar ayaa sanadihii labo kunnadii horraanteedi bilwoday inay dunida isu tusto waddan dhexdhexaad ah o nabad doon ah. Bishii labaad 2009’ki ayay Qatar wada hadal u furtay dowladda Suudaan iyo kooxaha kasoo horheedo Daanfuur. Sidoo kale waxay heshiis kala dhex dhigtay Jabuuti iyo Eritareeya.

Waxaa sidoo kale xusid mudan kaalinti ay Qatar ka cayaartay dagaalki Soomaaliya looga xoreeyay guumaystaha Itoobiya sanadki 2007’di. Inkastoo aysan ahayn taageero muuqato oo ay ku faantay haddana waxay ahayd arrin ay wada ogayd Soomaalidu. Qaar walaalnimo u arakayay iyo qaar cadow taageer u arkayayba. Qatar ayaa idaacadda Aljazeera oo ay iyadu maalgaliso u isticmaashay sara-u-qaadidda maqaamka ay ku leedahay dunida.

Hasa ahaatee, dardarti Qatar waxay hoos u dhacday marki boqorki talada hayay uu xilkii u banneeyay wiilkiisa sanadki 2013’ki. Waxaa isla markiiba booski buuxiyay Turki oo kasoo muuqday meel aan laga fillayn. Raysulwaraasha markaas talada hayay haddana ah madaxweynaha dalkaas mudane Recep Erdogan ayaa lahaa han ahaa inuu dib usoo nooleeyo kaalinti hoggaamineed ee dowladdi Cusmaaniyiintu ku lahayd dunida.

Isagoo isticmaalayo, awoodda jilicsan ee ganacsiga, waxbarshada, iyo gargaarka, ayuu Ordegan doonayay inuu saammayntiisa gaarsiiyo waddamadi hoos imaan jiray khilaafadii Cusmaaniyiinta oo Bariga Afrika uu ku jiro. Ordegan ayaa noqday madax dowladeedki ugu horreyay oo Xamar kasoo dago tan intii ay burburtay dowladdi dhexe. Sidoo kale, Turki ayaa noqday dalki ugu horreeyay ee safaarad rasmi ah ka furto Soomaliya sidii dowladdi u dhacday. ku darsoo, wuxuu taageero muuqato la garab istaagay dowladda dhexe xilli dunidu dayrisay oo waxa la siiyo loo marayo NGO_yo. Talaabooyinkaan ayaa hurdada ka nixiyay waddamada Carabta ee Soomaaliya ku xisaabsado dagmooyin iyaga hoos yimaado.

Turkgu wuxuu sidoo kale maalgalin xoog badan ku sameeyay Suudaan, wuxuuna la wareegay jasiiradda Badda-cas ee Suukun. Dekaddaan ayaa ahaan jirtay mid ka mid kuwa ugu mashquulka badnaa Badda-cas waqtigii Cusmaaniyiinta . Waxay isku xirtaa Suudaan Itoobiya. waxay sidoo kale masaafo gaaban u jirtaa Jedda oo ku taal Sacuudiga.

Masar ayaa iyana mardhow baraarugtay ka dib waqti dheer oo hudo ah. Masar ayaa ka qayb galin shirarka midowga Afrika ee ka dhaca Adis Ababa ilaa 1995’ti waqtigaas oo madaxweynihii talada hayay Xusni Mubaarak uu ka badbaaday shirqoo dil ahaa. Itoobiya ayaa ka faaidaysatay maqnaasha Masar iyadoo bilowday inay ka dhaadhiciso dowladaha Afrika inay ku taageeraan dadaalka ay ku doonaysay in dib loogu noqdo qaabka loo qaybsado biyaha Wabiga Niil.

Wabiga Niil ayaa maro dalalka, Itoobiya, Tansaaniya, Koongo, Kiinya, Ruwanda, Yugandha, Burindi, Suudaan iyo Masar. Biyaha uu keeno wabiggaan 86% waxay ka yimaadaan Itoobiya, hasa yeeshee dalka Masar ayaa xaq loo siiyay isticmaalka biyaha Niil saddex meelood labo (2/3). Caddaalad-darrada loo qaybiyay biyaha ayay muddo ka doodaysay Itoobiya, waxayna fursad u heshay inay taageero ka hesho dalalka kale ee uu wabigu maro iyo kuwa uusan marin ee Afrikaanka ah inti ay Masar saaxada siyaasadda Briga Afrika ka maqnayd.

Itoobiya waxay sidoo kale dardar galisay biyo xireenka ay doonayso inay ka dhaliso koronto u ogolaan doonta, haddii lagu guulaysto, inay noqoto dalka dhoofiya korontada ugu badan Afrika. Biyo xireenkaan ayaa qaadan doono biyo xad dhaaf ah oo laga yaabo inuu wax u dhimo biyaha ay Masar ka hesho wabiga Niil.

Intaas oo dhan inta ay dhacayeen Masar waa jiiftay, waxayse si dhab ah u baraarugtay sanadki 2013ki oo ahayd marki la laalay xubinnimadeeda midowga Afrika. Laalidda aya ka danbaysay af-ganbigii militirigu ku sameeyay dowladdi sharciga ahayd ee shacabku doortay. Waqtigaas ayay Masar bilowday dadaal aan caadi ahayn oo ay ku doonaysay in dib loogu soo celiyo ka mid ahaanshaha midowga Afrika taasoo loo ogolaaday sanadki 2014’ki.

Masar Itoobiya kaliya kalama dhaxayso xurgufta biyaha Niil iyo sidoo kale Suudaan ayaysan isku fiicnayn sababtoo ah Suudaan oo eegayso danteeda gaar ah ayaa taageertay qorshaha Itoobiya ka leedahay Wabiga Niil. Sidoo Masar waxay ka carootay la wareegidda Turkiga ee Suukin.
Sacuudiga iyo Imaaraatka ayaa iyaguna kusoo biiray loollanka. Faragalinta labadaan dal, oo u muuqdo kuwo hal isku ah, ayaa ku salaysan masayrka kala dhexeeyo Iiraan iyo Turkiga. Saamaynta Iiraan ay Afrika ku leedahay ayaa korortay. Waxaa sidoo kale hoos u dhacay middii Maraykanka oo Sacuudigu ku tiirsanaa. Waxaa timid cabsi Sacuudigu ka qabo in Iiraan oo isticmaalayso awoodda ay ku yeelato Bariga Afrika ay carqaladayso shidaalkeeda maro Bab-Al-Mandab. dhinaca Turkiga Sacuudi oo gabay masuuliyaddii ka saarnayd muslimiinta iyo Islaamka ayaa ka qabsi qabo inuu Turkiga loo arko midka kaliya ee matalo danaha muslimiinta.
Sacuudigu wuxuu ka billabay dalalka Suudaan, Soomaaliya iyo Jabbuuti dadaallo uu xiddada ugu siibayo Iiraan. Sanadki 2014’ki ayuu Sacuudigu ku guulaystay in la xiro xarumihii Iiraan ku lahayd dalalkaas oo ay ku jiraan goobo waxbarsho iyo kuwo caafimaad iyo xataa gargaarki aadannimo. Laakiin waxay arrimuhu cirka isku sii shareereen sanadki 2015’ki oo uu Maxamed Bin salmaan (MBS) uu weerar ku qaaday Yemen oo ay qabsadeen kooxaha Xuutiyiintu.
Eritareeya iyo Suudaan ayaa u tartamay raalin-galinta MBS. Eritareeya ayaa si dhaqso u xirtay xafiiski ay Xuutiyiintu ku lahaayeen Casmara muddo dheer. Sidoo kale waxay yaboohday saldhig iyo ciidan looga duulo Yemen. Eritareeya tani waxay u ahayd fursad ay kaga bixi karto go’doonka adduunku ku sameeyay. Waxay u furtay saaxiibbo cusub oo kaalmo iyo garab-ba ay waydiisan karto.
Suudaan ayaa iyaduna ku deeqday 7000 oo askari oo Yemen wax ka weerarto. Madaxweynaha Suudaan ayaa isaguna arrintaan ka dhex arkayay fursad ahayd inuu helo waddan uu Maraykanka wax ka maqlo oo taageero ku siiyo in laga qaado cunaqabataynta, tasoo dhacday ugu danbayn.
Imaaraatka ayaa waxyar ka dib kusoo biiray dagaalki Yeman, isla markiina wuxuu noqday hoggaanka dagaalka. Waxay markiiba saldhig ciidan ka furtay Casab. Dhinaca kale waxay bilowday dadaal si xowli kusocdo oo ku doonayso inay kula wareegto dakedaha Barbara iyo Boosaaso iyadoo isticmaalayo shirkaddeeda DPWorld. Waxay sidoo kale xariir dhow oo siyaasadeed la samaysay Masar. Dalal Imaraatka waxaa majaraha u hayo dhaxal suguha dalkaas Muxamed Binu Zeyd (MBZ) oo ay saaxiib dhow yihiin isku aragtina ka yihiin siyaasada dunida MBS.
Waxay xaaladdu sii murugtay sanadki 2017’ki. Dowladaha Sacuudiga, Imaaraatka, Basar iyo Baxrayn ayaa go’doomiyay dowladda Qatar. Sidii ay Iiraan ku sameeyaanba waxay dalalka saaxiibka la ahaa u sheegeen inay irdaha u xiraaxaan danaha Qatar nooca ay yihiinba. Amarki kasoo baxay MBS iyo MBZ waxaa si dhaqso ah ugu hoggaansamay dhammaan dalalki Iiraan xariirka u jaray Suudaan ma ogiye. Hasa yeeshee Soomaaliya oo in muddo ahayd cammaad goorti la doono lagu maalo meeshi la doono ayaa si lama filaan ah, sidii qaalin farabarad ah, gorof-lagadka ugu dhufatay damicii loola yimid. Soomaaliya go’aansatay inay dhexdhexaadka ka noqoto mushkiladda ka aloosan dalal daris  iyo xigto ah.
Sacuudigu sabab keentayba waa ka gaabsaday inuu arrintas u ciqaabo Soomaaliya. Hasa yeeshee Imaaraat ayaa geed walba u fuulay inuu afka ciida u galiyo dowladda taagta yar’e Soomaaliya ka taliso taasoo sidey filaayeen ka adkaatay.
Docda kale, Imaaraatka wuxuu maalgalin xoog leh ku sameeyay Itoobiya iyo Eritareeya oo is diidan. MBZ ayaa booqday Itoobiya wax yar ka hor inta uusan Abiy ku dhawaaqin inuu la hsehiinayo Casmara. Waxaa muuqato in Imaaraatka door muhiim ah ku leeyhay heshiishka taariikhiga ah ee dhex maray labada dal ee dariska aha. Arrintaas ayaa dhinac ka ah tallaabo loo dabbaal dago, halka dhinaca kale ay ka tahay in loollanka siyaasadda Bariga Afrika uu kusoo biiray miisaan culus oo dhibkiisa wato.
Xaaladda maanta ka jirta Bariga Afrika waxay u ektahay middi ka jirtay qarnigii 19aad waqtigaas oo quwadihii waaweynaa ee Yurub ku loollamayee gacan ku haynta xeebaha Bariga Afrika. Hasa yeeshee maanta waxaad moodda inaysan dowladaha mandhiqaddaasu sidii bariggaas hore aysan iska jiifin balse loollaankaan ay u gaddiyeen mid iyaga u dan ah.
Suudaan waxay si xirfadaysan u dheeli-tirtay xariirkeeda. Wali si buuxdo xariirka uguma jarin dal saaxiib dhow lahaa iyadoo sidoo kale u khuduucaysay cadaadiska dalalka loollanka ksuoo biirayay. Eritareeya loollanka waxay u rogtay fursad u furto dunida iyo albaab cusub oo dhaqaale, maalgashi iyo siyaasadba kor u qaado. Jabbuuti waxay si xariifnimo ah uga faaiidaysatay dadalalka loollanka ugu jiro xeebaheeda iyadoo yaraysay ku tiirsanaanta hal dal furatayna albaabbo badan oo midba may ay gali karto.
Itoobiya waxay isu keentay xariirka  maalgashi iyo midka amni ee sacuudiga, Imaaraatka iyo Qatar. Mid kasta oo dalalkaan ka mid ah wuxuu ku leeyahay Itoobiya maalgashi ballaaran oo ballaayiin dhaafay. Soomaliya iyadu qudheedu ma qatana. Puntland, Somaliland iyo dowladda dhexaba waxay ka faaidaysteen tartanka loogu jiro xeebaha dalka, xoogaa maalgashi ah ayayna ka heleen inkastoo uu dhib abuuray.
 Laakiin ma sidaas ayay u qurux badanyihiin howlaha ka socdo mandhiqadda? Maya mana xigto qurux. Waxaa furmay dagaal cusub oo dabo dheeraan doono. Waxaa bilowday tartan loogu jiro qaybsiga ilaha muhiimka ah ee mandhiqadda, waxaana lagu jiraa qaybsigii 1884’ti oo kale. Middaas ayaan ku eegi doonnaa qormada xigto hadduu Eebbo idmo. Haddase aan soo koobo intaan kor ku sheegay.
Bariga Afrika siduu u dhammaday dagaalki qaboobaa waxaa ka yaraaday faragalinti shisheeye. Waa dhexe ayay soo noolaatay rabitaanka loo hayo mandhiqadda. Dalal badan ayaa soo galay loollanka oo midba mar yimid. Qatar ayaa bilowday, Turki ayaa ku xigay, Masar ayaa ka daba timid, Sacauudi iyo Imaaraat oo is wato ayaa gaariga soo fuulay, Shiine oo dhinac ahna waa dhex boodayaa oo aan si gooni ah ooga hadli doono hadduu Eebbe idmo. Intaas waxaa dheer awoodaha qarsoon ee ree Galbeedka.
W/Q: Ibrahim Aden Shire

Shirka golaha wasiirada oo ka dhici doona magaalo aan Muqdisho ahayn (Xog)

Garoowe (Caasimada Online) – Sida aan xogta ku heleyno waxaa lagu wadaa in Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay todobaadkan shirkooda ugu horeeyay ku qabsan doonaan magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Xogtu waxa ay sheegeysaa in Wasiirada Xukuumada Somalia ay magaalada Garoowe iska xaadirin doonaan maalinta arbaca ee fooda nagu soo heysa, sida uu qorshuhu yahay.

Magaalada Garoowe waxaa hadda ku sugan Ra’isul wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo xubno ka kala tirsan Golayaasha Wasiirada iyo baarlamaanka oo socdaalka ku wehlinaaya Ra’isul wasaaraha.

Sidoo kale, waxaa la sheegayaa in Golaha Wasiirada ay kulankoodii ugu horeyay ee Puntland ku qabtaan uu dhici doono maalinta Khamiista ah oo ay taariikhdu tahay 2 bishan Agoosto.

Dhinaca kale, shirka Golaha wasiirada Xukuumada ay ku yeelan doonaan magaalada Garoowe ayaa kusoo beegmaaya xili Ra’isul wasaare Kheyre uu horay u shaaciyay in shirarka Golaha lagu qaban doono caasimadaha maamul Goboleedyada waxa uuna horay uga dhacay magaalada Kismaayo ee Jubbaland.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

Dhamaadkii dalka Ethiopia? TIGRAYGA oo shaaciyey in ay ka go’ayaan ETHIOPIA

Mekelle (Caasimada Online) – Jabhadda xoreynta Tigrayga Ethiopia ee TPLF ayaa ku hanjabtay inay dhulka ay degaan dadka Tigrayga uu ka go’ayo dalka Ethiopia intiisa kale, xilli ay jirto xiisad ka dhex oogan ayaga iyo ra’iisul wasaare Abiy Ahmed.

Debrestion Gebremichael oo ah madaxweyne ku xigeenka gobolka Tigrayga ayaa khudbad uu u jeediyey dad isugu soo baxay garoonka kubadda cagta magaalada Mekelle waxa uu uga digay in la ixtiraamo dastuurka dalka Ethiopia.

“Laba mid ayaa dhici doonta in annaga iyo qowmiyadaha kale aan Ethiopia ugu wada noolaano si xushmad leh, ama inaan burburino Ethiopia, oo koox walba ay dal sameysato” ayuu yiri Debrestion Gebremichael isaga oo xiran koofiyad uu ku sawiran yahay ra’iisul wasaarihii hore ee Ethiopia Meles Zenawi, oo asna Tigray ahaa.

Qaar ka mid ah warbaahinta dalka Ethiopia ayaa cinwaan ka dhigay “TPLF waxay dib usoo saartay siyaasaddii xornimada ee sanaddii 1976-kii”

“Dadka Tigrayga iyo TPLF iyo Eritrea waxa ay si iskula mid ah ula dagaalameen hal cadow, waxaana Tigrayga ay hadda diyaar u yihiin inay la kulmaan walaalahooda Eritrea” ayuu yiri Debrestion Gebremichael.

Tigrayga oo ku dhowaad 25 sano xukumayey Ethiopia, ayaa hadda ay u muuqataa in taladii iyo awooddii ay dalka ku lahaayeen ay agacnta ka baxday, waaxana ay aad u dhibsanayaan siyaasadda ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ee talada dalka oo dhan looga qeyb-gelinayo qowmiyadaha kale.

Caasimada Online
Xafiiska Addis-Ababa
[email protected]

Abiy Ahmed oo jawaab lala yaabay siiyey dhaxalsugaha Imaaraadka oo yiri diinta Islamka baan idin bareynaa

Virginia  (Caasimada Online) – Amiirka leh Dhaxaltooyadda Imaaradda Abu Dubai ee dalka Isutagga Midoobay ee Imaaraadka, Maxamed Bin Zaayid Bin Sultan Al-nahyaani waxa uu xaallad xannuun badan kala kulmay  RW Ethiopia, Abiy Ahmed Ali, kadib, markii uu ka codsaday inuu taageero ka geysto sidii Machad Islaami ah looga dhisi laaha magaalladda Addis Abeba.

Abiy Ahmed waxa uu hadalkaasi ku sheegay mar uu Kulan Furan uu Jaalliyadda Ethiopian-ka ku nool MaraykanKA kula yeeshay Xarunta Ururka Badar ee Ethiopia oo ku yaalla magaalladda Virginia ee dalKaasi.

Dhaqdhaqaaq-yahan Ethiopian oo ka qeyb galay Kulankaasi.ayaa la sheegay inuu dhacdadaasi u gudbiyey Shabakadda Wararka ee Al-khaleej Online.

RW Abiy Ahmed oo ka hadlayey Wada-sheekeysigii uu la yeeshay Maxamed Bin Zaayid waxa uu wax ka weydiiyey Dhismaha Machadka Islaamka.

“Maxaad idinka (Imaaraad) ahaan nagu taageeri kartaan ?” ayuu Abiy Ahmed weydiiyey Dhaxal-sugaha Amiirka Abu Dhabi, oo isagana ku jawaabay: “Waxaa idinka taageeri doonaa wax kasta, waana idin bari donaa”.

Abiy Ahmed waxa uu joojiyey Dhaxal-sugaha, kadibna sii weydiiyey: “Annaga kaa dooni mayno inaad Annaga na barto Islaamka ee aad Adiga lumisay?. Wxaan kaa doonaynaa Adiga inaad sida ugu dhaqsaha badan noo barto Luqadda Craabiga, si aan awood ugu yeeshanao inaan fahamno Islaamka Saxda ah, kadibna aan dib kuugula soo laabano”.

RW Ethiopia waxa uu sii raaciyey: “Waxaan u sheegay isaga, haddii aan helno dhamaan tirada guud ee dadka ku nool Gacanka Carbeed, waxaan heli doonaa inay aad uga tiro yar yihiin  tirada Muslimiinta ku nool gudaha Ethiopia.

Dhaxal-sugaha Amiirka Imaarada Abu Dubai, Maxamed Bin Zaayid waxa uu RW Ethiopia weydiiyey: “Maxaad uga hadlaysaa tiradaasi?”.

RW Abiy Ahmed waxa uu tilmaamay inuu ugu jawaabay sidatan: “Waayo Islaamku waxa  uu aqoonsan yahay in badnaanshaha tahay isha Awoodda ama Xoogga”.

Hadalka RW Ethiopia waxa uu aad u sii ifiyey barta Twitter-ka ee Carabta iyo Ethiopia ee @AR_Ethiopia.

Si kastaba ha ahaatee, ma aha markii ugu horreysay ee ay Ethiopia ka hor timaado hadallo ka soo baxay Dhaxal-sugaha Amiirka ee Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka.

Bartamihii bishan July, Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Ethiopia waxay beeniyeen  sheegashadda Imaaraadka ee ahaa inay door Dhexdhexaadin ka qaateen xalinta Khilaafkii Ethiopia iyo Eritrea ee lagu soo af-jaray Colaadii u dhexeeyey 20-kii sanno ee la soo dhaafay.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Ethiopia, Meles Alem waxa uu sheegay in Heshiiskii dhawaan ay kala saxiixdeen Dowladaha Ethiopia iyo Eritrea uu ku jiro Danaha Labada Waddan, mana jirin dhexdhexaadin ka timid dhinac 3-aad oo ku lug lahaa Heshiiskaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sideed dal oo Islaam ah, Mareykanka iyo Yahuudda oo isku baheysanaya dal kale oo Islaam ah

Washington (Caasimadda Online) – Maraykanka ayaa si aamusnaan ah u riixaya in uu abuuro heshiis cusub oo dhinaca ammaanka ah iyo mid siyaasadeed oo uu la yeelanayo lixda dowladood ee gacanka Carbeed iyo Dowladaha Masar iyo Jordan si looga hortago isballaarinta ay wado dowladda Iiraan.

Aqalka Cad ayaa doonayo inuu helo Isaashi qoto dheer oo kala dhaxeeyo dowladahaas  dhanka Difaaca Gantaalada, Tabarada Militari, la dagaalana Argagixissada iyo Arrimo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka dhanka Dhaqaalaha iyo diblomaasiyadda sida ay arrintaas u sheegeen wakaaladda Wararka ee Reuters afar illo wareed oo kala duwan .

Sida laga soo xigtay saraakiil Carbeed iyo kuwa Maraykanka, Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa  fure u ah abuuritaanka amniga iyo iskaashiga siyaasadeed ee u dhexeeya Maraykanka iyo lixda dowladood ee Gacanka Carbeed,  Masar iyo Jordan  si looga hortago fiditaanka ay Gobolka u wado dowladda Iiraan.

Sida xogta hoose sheegeyso, Netanyahu wuxuu dhisayaa xiriir adag oo dhinaca amniga ah oo uu la yeelanayo Masar iyo boqortooyooyinka Sunniga ah ee Gacanka, kuwaas oo dhamaantood u arkeen Iran iyo Islaamiyiinta inay ku yihiin qatar  ka baxsan awoodooda Taariikhiga ah oo ay ku lee yihiin  Falastiiniyiinta.

Qorshahaan cusub oo ay Aqalka Cad iyo Bariga dhexe ugu magac dareyn (NATO-da Carabta) ee isbahaysiga Sunniga ah ee Muslimiintu ayaa la aaminsan yahay inay kor usii qaadi doonto xiisadaha u dhaxeeyo dowladaha Mareyanka iyo Iiraan, waxayna arrintaan kor usii kacday markii uu Trump la wareegay Maamulka.

Dowladda Mareyanka ayaa rajeeneyso in qorshahaan  oo mabda’ ahaan loo yaqaano Isbaheysiga Istaraatiijiga ee Bariga Dhexe (MESA) looga doodo kulanka loo qorsheeyey inuu Washington ka dhaco 12-13 Bish October sida ay sheegeen illo lagu kalsoonaan karo.

Aqalka cad ayaa xaqiijiyey in isbaheysigaan fikradiisa muddo badan ay iskala shaqeenayeen saaxiibadooda Gobolka.

Illo wareedyo Mareykanka u dhashay ayaa xaqiijiyey inay dowladda Sacuudiga ka dalbatay Mareykanka Iskaashi dhanka amniga ah ka hor inta uusan madaxweynaha Mareykanka Trump dalkaas booqan sanad ka hor.

Caasimada Online
Xafiiska Washington
[email protected]

 

Kheyre “Ma dhici karto in ay isku awood noqdan DF Somalia iyo maamullada”

Garoowe (Caasimada Online) – Ra’isal wasaaraha xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre oo booqasho ku jooga magaalada Garoowe ayaa shaaca ka qaaday inay muhiim tahay in la helo Siyaasad kala saari karta awooda DFS iyo maamul Goboleedyada.

Ra’isul wasaare Kheyre waxa uu sheegay inaanu suuragal aheyn inay isku awood noqdan dowlada Somalia iyo maamulada, waxa uuna cadeeyay inay adkaan doonta siyaasad mideysan oo ka dhaqan gasha dalka.

Ra’isul wasaare Kheyre waxa uu hadalkan ka sheegay Khudbad uu ka jeedinaayay magaalada Garoowe waxa uuna cod dheer ku sheegay in loo baahanyahay Siyaasad hufan oo kala saarta Awoodda Dowladda Fedraalka iyo Dowlad-Gobaleedyada.

Waxa uu sheegay in sanadka 2020-ka ay dowladda rajeyneyso in dalka laga hirgaliyo Dastuur dhab ah shacabka Soomaaliyeed ay leeyihiin, kaas oo ah sharci dadka kala hagaya.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxda Jaamacada Bariga Africa ee magaalada Garowe ayaa Ra’iisul Wasaare gudoonsiiyey shahaado sharaf ku saabsan sida uu ugu guuleystay xasilinta dalka, waxaana isla goobta lagu siiyey buug ka hadlayey sida loo noqdo hogaamiyo wanaagsan.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

R/W Kheyre oo markii ugu horeysay war kasoo saaray dagaalka S/Land & P/Land

Garoowe (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre oo ku sugan magaalada Garowe ee xarunta dawlad gobaleedka Puntland ayaa hoolka Jaamacadda Bariga Afrika kula hadlay bulshada qeybaheeda kala duwan, waxa uuna ku baaqay in Colaadda ka taagan deegaanka Tukaraq lagu bedelo Xasilooni, horumar iyo midnimo.

“Aafada cusub ee dagaalka Tukaraq ee nahor taallaa waa in lagu bedelaa xasilooni, waa in lagu bedelaa horumar waa in lagu bedelaa midnimo. Midnimada Ummadda Soomaaliyeed waa Muqaddas. Dadka Soomaaliyeedd meel kala aadimaayaan hadii ay wax kala tabanayaan waa in ay isu yimaadaan. Hadii aad tahay Dhalinyaro Haween iyo Culimo, qof waliba oo Soomaaliyeed waa in uu aqbalaa dhib waxaa noogu filan 30-kii sano ee lasoo dhaafay”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayre.

Dhalinyada Soomaaaliyeed ayuu sheegay Ra’iisul Wasaare Khayre in ay yihiin Raasumalka, hogaamiyaashii Mustaqbalka, Maskaxda, indhaha, gacmaha, dhegaha iyo xoogga dalka sidaa darteed looga baahanyahay in ay noqdaaan Tabiliiqa cusub ee nabadeynta, dawladnimada iyo hogaanka dib-u-heshiisiinta ummaddda Soomaaliyeed si loo nooleeyo midnimada.

Waxa uu sheegay Ra’iisul Wasaare Khayre in dhalinyarada Soomaaliyeed ay ka aqoon badanyihiin, ka hanti badanyihiin, ka fursad fiicanyihiin dhalinyaradii xornimada dhalisay ee SYL, sidaa darteed looga baahanyahay in ay taariikhda dalka baal dahab ah ka galaan oo ay dalkooda u shaqeeyaan.

Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya ayaa khubadiisa kusoo hadal qaaday horumarka la gaaray sanadkii iyo barkii xukuummadu jirtay isaga oo hoosta ka xariiqay in dhaqaalaha dalku kobcay, wax soo saarka guduhu (GDP) horumar sameeyay, awoodda wax iibsigu ay sare u kacay, dawladdu ay ku guuleysatay bixinta mushaarka, sicir bararku hoos u dhacay iyo in xaddiga faqrigu hoos u dhacay.

Waxa uu ra’iisul Wasaare Khayre khudbadiisa ku sheegay inay Muhiim tahay in la helo Ciidan Soomaaliyeed oo Sharafta iyo karaamaha ummadda soo celiya, ka qayb qaata la dagaalanka musuqmaasuqa iyo in la helo nidaam cadaladeed dhamaystiran, lagu kalsoonaan karo, bulshadana kala haga.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]