27.1 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Kulankii golaha wasiirada ee Garoowe oo uu baaqday khilaaf xoog leh oo soo kala dhex galay Gaas iyo Kheyre

0

Garoowe (Caasimadda Online) – Wararka hadda naga soo gaarayo Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ayaa sheegayo inuu baaqday kulankii la filayey inay halkaas ku yeeshaan Golaha Wasiirada.

Sida xogta lagu helayo Shirka Golaha Wasiirada ayaa u baaqday Khilaaf Xoog leh oo soo kala dhex galay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas iyo Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Xasan Cali Kheyre.

Khilaafka xoogiisa ayaa dhashay kadib markii uu Ra’isulwasaare Kheyre diiday inuu dhagax dhigo Dekad laga furayo Magaalada Garacad.

Madaxweyne Gaas ayaa markii dambe go’aansaday inuu kaligiis ka dhigo waxayna arrintaas keentay khilaaf iyo inay Isimada kasoo jeedo Puntland hanjabaad u diraan Ra’isulwasaare Kheyre.

Ra’isulwasaaraha iyo madaxda ugu saresyo Maamulka Puntland ayaa xalay dhan lahaa kulamo xasaasi ah kuwaas oo looga wada hadlayey diidmada Kheyre iyo sida laga yeelayo kulanka Golaha Wasiirada.

Dood dheer kadib madaxda Maamulka Puntland ayaa isku raacay inaan kulankaas lagu qaban karin Magaalada Garoowe waxaana Kheyre loo sheegay inuu baajiyo.

Kulanka ayaa ugu dambeyn lagu kala tagay waxaana sidaas ku baaqday kulankii Golaha Wasiirada oo intooda badan la filayey inay Maanta ka dhoofaan Magaalada Muqdisho.

Khilaafka ayaana sii xoogeystay iyadoo hadda Kheyre uu xuska sanadguurada Puntland uu uga qeybgeli doono Boosaaso Xilli Cabdiweli Gaasna uu uga qeyb geli doono Magaalada Garoowe.

Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Saciid Juxa ayaa bartiisa Facebook kusoo qoray inuu Kheyre Puntland u quuri waayey Qaando Shamiito ah taasoo muujineyso halka uu gaarsiisan yahay Khilaafka Puntland iyo Kheyre.

Sidoo kale  Islaan Bashiir Islaan Cabdulle oo ka mida odayaasha dhaqanka Isimada Puntland ayaa qarxiyey qorshe ay heshiis ku ahaayeen madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya oo ahaa in Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre uu dhagax dhigo Dekadda Garacad ee Gobolka Mudug.

Islaanka oo ka hadlayey Garacad ayaa shaaciyey wixii dhex maray iyaga iyo madaxweyne Farmaajo, wuxuuna yiri: “Waxaan afkayga kula hadlay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaana u sheegay in dhismaha dekedda Garacad la dhagax dhigayo, waxaana ka codsaday in madaxda Qaranka kasoo qeyb galaan dhagax dhigga,. Wuxuu igu yiri, waan soo tashanayaa isug. Wuu igu soo laabtay wuxuuna igu yiri Ra’iisal wasaare Kheyre baa idiin imaanaya. Kheyre Puntland waa joogaa mana noo imaan..”

Wixii warar ah ee kusoo kordha la soco Inshaa Allah.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

Mashruuc halis oo Xamar ka bilowday iyo carruurtii oo laga joojiyey iskuulada

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka bilowday mashruuc cusub oo ka dhan ah Carruurta gaar ahaan kuwooda gabdhaha ah.

Degmada Yaaqshiid oo kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka taagan cabsi ay muujinayaan Dadka Degmadda oo ku aadan Caruur la Afduubtay isla markaasna laga rabo madax furasho

Dadka deegaankaas dagan ayaa cabsidaas darted joojiyey inay carruurta u diraan dugsiyada iyo Iskuulada sida ay idaacadaha Maxaliga ah u sheegeen qaar ka tirsan dadka halkaas dagan.

Cabdulqaadir Sheekh cusmaan oo ka mid ah Dadka Degmadda Yaaqshiid ayaa idaacadaha Muqdisho u sheegay in Qoyskiisa gabar laga Afduubtay, walina ay la’yihiin .

Wuxuu sheegay in gabadhooda oo aheyd 12 jir ay ka waayeen wax war ah balse markii dambe la ogaaday in la afduubtay.

Wuxuu intaas ku daray inay gabadhaas kasoo hadashay Degmada Afgooye ee gobolka shabeelaha Hoose.

“cabsi badan ayaa nagu jirta, waayahaan gabdhihii waa lagadanayaa, madaxfurasho ayaa laga qaadayaa dhib intaas ka weeyna wuu imaan karaa, marka walwal ayaan dareemeeynaa” Cabdulqaadir Sheekh cusmaan.

Meesha uu Afguubkaan ka dhacay waa xaafadda carafad ee Degmadda Yaaqshiiq, sidoo kalana waxaa jiro ilmo kale oo la afduubtay oo laga qaaday lacag.

Mashruucaan ayaa ah mid Xamar ku cusub baryahaan waana dabeecad jiri jirtay xilligii dalka ku jiray dagaaladii sokeeye balse hadda waxaa muuqato in dib loo soo celiyey.

Dhawaan ayey aheyd markii Gabar laga afduubtay Degmada Hodan, gaar ahaan Xaafadda Seybiyaano la heystay muddo kadibna lagu soo tuuray laamiga.

Arrintaan weli ma aysan ka hadlin Maamulka Gobolka Banaadir gaar ahaan guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid oo ah meesha cabsida hadda ka taagan tahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Shan su’aal oo ay ahayd in la weydiiyo ra’isul wasaare Kheyre, wareysigii BBC-da

Saxaafadda iyo baraha bulshada waxaa laga hadal hayay su’aal uu weyddiiyay Weriye Farhan Max’ed Jimcaalle ee ka tirsan BBC qeybteeda afka Soomaaliga ku hadasha R/W Kheyrre, taas oo ahayd in uu marti ku yahay Garoowe.

Haddaba waxa aan isla falanqeyn doonnaa ugu yaraan shan su’aal oo ka muhiimsaneynd kuwaas, oo la weyddiin karay mudane Kheyrre.

Waa markii ugu horreysay oo uu wasiirka koobaad kasoo hor muuqanayo warbaahin aan ahayn tan dowladda tan iyo markii uu xilkan qabtay, islamarkaana si toos ah loo weyddiinayo su’aalo.

Haddaba shantan su’aal ayeey ahayd in la weyddiiyo ra’iisul wasaaraha intii la weyddiin lahaa marti ku ahaanshiyihiisa Garoowe.

1)Qirashada qaladkii Dhiibistii Qalbi Dhagax:- Madaxweyne Farmaajo ayaa qirtay sida ay caddeeyeen madaxda jabhadda ONLF in ay qalad ahayd dhiibistii Cabdikariim Muuse Qalbi Dhagax, taas oo dhanka kale ay golaha wasiirrada oo uu Kheyrre madaxda u yahay ay ku sheegeen in ay sax tahay, ONLF na ay tahay jabhad Argiggixiso, haddaba su’aasha ah halka uu ka taagan yahay dhiibista Qalbi Dhagax ayeey ahayd in laga weyddiiyo su’aal sidoo kalena uu ka hadlo dhanka madaxweynaha iyo qirashada qaladkaas.

2) Hadalka Ra’iisul wasaare kuxigeenka iyo doorashada 2021-ka:- Mahdi Khadar oo ah wasiir kuxigeenka koobaad ee Soomaaliya ayaa meel fagaaro ah ka yiri in uu soo socdo xisbi weyn oo soomalida oo idil u furan, kaas oo uu madax ka yahay mudane Farmaajo, haddaba sidee bay isku waafiqi karaan hadafka Kheyrre ee doorashada xigta iyo hadalka Mahdi Khadar? su’aashaas iyana waxa ay ahayd mid kale oo muhiim ah islamarkaana dad badan ay u baahnaayeen.

3) Khilaafka Isaga iyo madaxweynaha iyo kaalinkii burburinta ciidanka xasillinta:– is qabsi xooggan ayeey warbaahinta baahisay, kaas oo laga garan karay in uu jiro kaddib markii hoos loo dhigay dhammaan qorshayaashii ammaan ee uu mudane Kheyrre atooraha ka ahaa, in arrinkan wax laga weyddiiyo ayaa ka mudneyd in uu weriyaha ku mashquulo marti ku ahaanshiyihiisa Puntland.

4) Qalqalkii la geliyay xajka sannadkan:- taariikhda markii ugu horreysay ayeey Soomaaliya qarka u kortay in aysan wax diyaarad ah oo xajka aadda aysan ka duulin gebi ahaan dhulka ay ka taliso dowladda Soomaaliya, taas na waxaa sabab u ahaa harddan la siyaasadeeyay oo ganacsatada u dhaxeeyay, doorka xukuumaddiisa ay ku lahayd qal qal gelinta xajka iyo sida ay wax u dheceen iyana waxa ay ahayd su’aal kale oo muhiim u ahayd in weriyaha uu weyddiiyo mudanaha.

5) Qaabka xukuumaddiisa ay u casisho wasiirrada:– ma jiro wasiir ka tirsan xukuumadda Kheyrre oo si qurux badan shaqada looga eryay, laga soo bilaabo min Yuusuf Garaad illaa wasiirka waxbarashada, nidaamka ceyrinta mas’uuliyiinta iyo sababta ay noocaas ku doorteen?

dhammaan waa su’aalaha wax laga weyddiin karay ra’iisul wasaare Kheyrre intii uu socday wareysigii uu siiyay barnaamijka caawa iyo caalamka ee TV ga BBC laanteeda la hadasha dadka Afka Soomaaliga ku hadla.

F.G:- Khibraddeydu ma gaarsiisna in aan wax u sheego qof sida Farxaan M. Jimcaale oo kale, ha yeeshee waa su’aalaha aan is leeyahay waa uu ilduufay weyddiinteeda

W/Q:- Cabdiwahaab Axmed Cali

E-mail:- [email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Guuxa doorashada P/Land: Yaysan soo laaban Gaas iyo Maxamuud Saleebaan

Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa si weyn Puntland looga dareemayaa dhaq dhaqaaqa olole ee ay wadaan murashixiin tiro badan oo doonaya in ay u tartamaan xilka madaxtinimo ee maamulkaas.

Waxaa loolanka ku jira rag miisaan culus ku leh siyaasadda deegaanada Puntland iyo waliba guud ahaan dalka sida Siciid Cabdullaahi Deni, wasiirkii hore ee arimaha gudaha Juxa, Cali Xaaji Warsame iyo kuwo kale.

Waloow aysan si rasmi ah u shaacin, waxaa Iyana la filayaa in ay loolamaan madaxweynaha haatan talada haya Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke. Musharixiinta waxaa sidoo kale ka mid ah General Maxamd Siciid Xirsi Moorgan.

Hadaba waa maxay Guuxa ugu weyn ee ka jira Puntland?

Garowe oo ah caasimadda maamulka Puntland waxaa hadda ku sugan oo walina ku soo qul qulaya murashixiinta tartamaya waxaana ka socda is xulufeysi.

Sida ay Caasimadda Online xogo hoose ku heshay, siyaasiyiinta waa weyn ee Puntland waxaa sanadkan ka go’an laba arrimood.

KOW –  Hadal haynta ugu weyn ee ka dhex jirta siyaasiyiinta waa in uusan soo laaban Cabdiwali Cali Gaas oo uu hadda xilka ka sii dhammaanayo

Midda Labaad: In sanadkan madaxtinimada la dhaadfiyo beesha Maxamuud Saleebaan oo intii ay Puntland jirtay soo haysay talada.

Kaliya, waxaa si KMG ah madaxweyne aan ahayn beesha Maxamuud Saleebaan u soo qabtay Maxamed Cabdi Xaashi oo ku xigeen u ahaa AUN madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdullaahi Yusuf Axmed, Cabdi Xaashi waxa uu ahaa Dhulbahante waxa uuna xilka hayey wax ka yar shan bilood!!

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

 

Aqri: Prof. Gaandi oo soo bandhigay 6 qalad oo ah istaraatiiji oo ay gashay DF

Muqdisho (Caasimadda Online)-  Prof. Gaandi oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay qaladaadka istaraatiijiga ah oo ay gashay dowladda federaalka Soomaaliya, mar uu wareysi siiyey Universal TV.

Prof. Gaandi ayaa qaladaadka dowladda u kala qaaday mid Istaraatiiji  ah iyo mid siyaasadda ah, waxaana warbixintaan kusoo qaadaneynaa Qaladaadka Istaraatiijiga oo uu Prof-ka ka hadlay.

1) Amni

Prof. Gaandi ayaa sheegay inuu amniga ahaa muhiimada koowaad ee laga sugayey dowladda Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in laga sugayey dowladda inay gacanta ku dhigto amniga, wuxuuna xusay inay arrintaas dowladda ku fashilmatay oo aysan waxba ka qaban.

2) Dib u heshiisiinta

Prof. Gaandi ayaa xusay inay dadka Soomaaliyeed soo mareyn dhibaato iyo dagaalo badan loona baahan yahay in la heshiisiiyo lana iloobo wixii soo dhacay.

Dowladda Soomaaliya ayuu sheegay inaysan xoogga saarin dib u heshiisiinta.

3)  Dhameystirka Dastuurka:

Prof. Gaandi ayaa xusay inay dowladda Soomaaliya ku fashilan tahay inay Dastuurka ka saarto kumeel gaarnimda isla markaasna la gaarsiiyo dalka qof iyo cod, wuxuuna sheegay inaan weli jidkaas la qaadin .

4) Maqaamka Muqdisho

Prof. Gaandi ayaa qodobka afaraad ee Istaraatiijiga ah oo ay ku fashilmatay dowladda ku sheegay inay tahay maqaamka Muqdisho.

Wuxuu tilmaamay laga soo bilaabo dowladdii Carto in cid kasta ay ka leexaneysay lagana gaabinayey in maqaamkaas la caddeeyo.

Gaandi ayaa aaminsan inay dowladda Soomaaliya ee hadda jirto qaaday wadadii dowladahii hore.

5) Adeegga Garsoorka

Gaandi ayaa qabo inay dowladda Soomaaliya ku fashilmatay inay wax ka qabato adeegga Garsoorka oo uu u arko inay tahay qodobada ugu muhiimsan markii nabad la helo kadib.

6) Tiro Koob

Ugu dambeyn Gaandi ayaa qodobka ugu dambeeyo ku sheegay inuu yahay tiro koob laga sameeyo dalka si loo gaaro doorasho qof iyo cod ah, wuxuuna qabaa inay arrintaas dowladda ku fashilmatay waqtigana uu ku socdo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Puntland iyo Somaliland oo ogolaadey qorshe ay QM iyo IGAD soo bandhigeen

Hargeysa (Caasimada Online) – Wefdi ka socdey urur goboleedka IGAD iyo Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa booqasho ku kala bixiyey magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa waxaana ay kulan la qaateen madaxda labada maamul, wada hadalka ayaa la xiriirey in ay labada dhinac oggolaadaan qorshe IGAD iyo UNSOM ay soo dejisey oo xaaladda lagu dejinaayo.

Sida aan ogaanay waxaa qorshahan si weyn u soo abaabuley dowladda Ingriiska, waxaana uu dhigayaa sidii dagaal danbe aanu u dhici lahayn, qorshahan ayaa dhaqaalaha ku baxaya waxaa bixinaya dowladda Ingriiska.

War saxaafadeed ka soobaxay UNSOM iyo IGAD ayaa lagu sheegay in ay la kulmeen, Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Cali Gaas, ku-xigeenkiisa Cabdixakiin Camey, Isimada Puntland gaar ahaan kuwa ka soo jeeda Sool, sidoo kale waxay Hargeysa kula kulmeen, Madaxweynaha Somaliland Muse Biixi Cabdi, Wasiirka arrimaha dibadda ee Somalland Dr. Sacad Cali Shire, Golaha Wasiirada, Xildhibaano, hoggaamiyaasha UCID iyo Waddani.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka labada dhinacba waxay soo dhaweeyeen in nabad lagu dhameeyo xaladda, waxaana ay soo dhaweeyeen qorshaha IGAD-UNSOM, warka ka soo baxay ergada qorshaha nabadda wada ayaa sheegay in todobaadyada soo socda wadahadalku sii socon doono.

Wararka ayaa sheegaya in qorshahan cusub ee xaaladda lagu dejinayaao uu dhigaayo in isu socodka labada maamul, ganacsiga iyo is-dhexgalka sidii hore uu ahaa loo soo celiyo, in dadka uu saameynta ku yeelatey colaadu loo oggolaado in gargaar bini’aadanimo la gaarsiiyo, in ciidamada la kala qaado oo Somaliland ay dib ugu laabato xeryahoodi hore, gobolka Soolna laga dhigo mid ka caagan ciidamada.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Juxa oo weerar ku qaaday Kheyre “Wuxuu noo quuri waayey qaado shamiito ah”

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa ayaa weerar culus oo afka ah ku qaaday ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo socdaal ku maraya deegaanada Puntland, oo Juxa uu kasoo jeedo.

Juxa ayaa wax aan la qaadan karin ku tilmaamay in Kheyre uu Puntland u quuri waayo, sida uu hadalka u dhigay, qaaddo shamiito ah, isaga oo kaga jeeda inuu diiday dhagax dhigga dekadda Garacad ee Puntland.

Kheyre ayaa maanta ka baaqday munaasabaddii dhagax dhigga dekaddaas, ayada oo sida la sheegay uu cadaadis uga yimid siyaasiyiinta Galmudug oo dekaddaas u arkay inay halis ku tahay dekedda Hobyo, oo dhismaheeda uu socfo.

Juxa ayaa qoraalkii uu soo dhigay Facebook, oo uu cinwaan uga dhigay “Safarkii Khayre ee “Qaaddo- quuriwaa”.  ku yiri “Raysal wasaare Khayre markii ugu horraysay 18 bilood ayuu booqasho rasmi ah ku yimi Puntland. Si weyn ayaa loo soo dhoweeyey. Waxay ballantu ahayd inuu dhagax-dhigo dhismaha Dekedda Garacad oo ah dadaal ay bulshada reer Puntland si iskutashi ah u wadday muddo dheer. Nasiib darro Raysal wasaare Khayre wuxuu reer Puntland u quuri waayey qaaddo shamiito ah oo dhagax dhig ah. Waxaa la is-weydiinayaa maxaa hadaba safarkiisa Puntland ku saabsanaa, muxuuse Madaxweyne Gaas ka bedeshay?”

Kheyre iyo Juxa ayaa horey ay xiisad uga dhaxeysay, ayada oo Juxa xilka wasiirka arrimaha gudaha ku waayey, markii ay is-qabteen Yaxye Cali Ibraahim oo ahaa xoghayihii joogtada wasaaradda, oo sida la sheegay la wareegay shaqadiisa, isaga oo tagaeero ka helaya Kheyra, inkasta oo markii dambe loo beddelay xafiiska Kheyre. Yaxye iyo Kheyre ayaa isku beel ah.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

ABIY AHMED oo sheegay HADAL dareen gaar ah gelinaya SOOMAALIDA.!!

Minneapolis (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Axmed ayaa daboolka ka qaaday in dowladiisa ay aad usoo dhaweysato Somalia oo uu sheegay inay wadaagan dhaqan isa shabaha.

Ra’isul wasaare Abiy Axmed waxa uu xaqiijiyay in marka la eego wadamada kale ee afrikaanka ah ay aad uga soo dhaweystan Somalia, waxa uuna sababta ku sheegay in shacabka Soomaaliyeed aysan aheyn kuwo dhib badan isla markaana lala noolaankaro.

Abiy Axmed oo ka qeybgalaayay kulan ay Madaxtooyada Addis Ababa ku yeelanayeen qaar kamid ah Xildhibaanada dalkaasi oo ay ku jireen kuwo asal ahaan kasoo jeeda Somalia ayaa sheegay in Ethiopia ay diyaar u tahay inay u faa’iideyso Somalia oo xiligaan u bisil nabadda iyo midnimada.

Waxa uu sheegay in Ethiopia aysan ka raali noqon doonin in la kala jaro, waxa uuna cod dheer ku sheegay inay dhexda u xiran doonaan sida ay Somalia dib ugu midoobi laheyd.

“Ethiopia baalmadow kama gali doonto Somalia waxaanu horay u ballanqaadnay ka shaqeynta horumarka Somalia, haddana waxaan xaqiijinayaa in Somalia iyo Ethiopia ay isugu imaan doonaan wadada wanaaga”.

“Waayo Soomaalida waan kasoo dhaweysanaa wadamada kale waxaana u sabab ah inaanu wadaagno dhaqan, midab iyo diin”

Sidoo kale, Abiy Axmed waxa uu kulankaasi ka cadeeyay in mudada uu hayo xilka ay xooga saari doonaan ka shaqeynta nabadda, horumarka iyo midnimada Somalia.

Haddalka Abiy Axmed ayaa u muuqda mid lagu dhiirigalinaayo dowlada Somalia oo iminka ku dadaaleysa dib u hagaajinta arrimaha horumarka dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Addis Ababa
[email protected]

Farmaajo oo isu diyarinaya safar kale oo dibadeed iyo dalka uu ku sii jeedo

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ku wajahan Magaalada Khartoum ee Caasimada Dalka Sudan, sida uu shaaciyey Wasiiru Dowlada Madaxtooyada Somalliya C/Qaadir Macalin Nuur.

Warbaahinta Sudan ayaa soo xigatay wasiiru dowlaha oo sheegay in safarka Madaxweyne Farmaajo uu salka ku hayo sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo heshiisyo ay kala saxiixaan doonaan Madaxweynayaasha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Sudan Cumar Hassan Axmad al-Bashiir.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay in safarka Suudaan ay ku wehlin doonaan Wasiiro ka tirsan Xukuumada Somaliya iyo qaar kamida la-taliyeyaashiisa, waxaana safarkan uu noqonayaa kii labaad uu Madaxweyne Farmaajo ku tago Dalka Suudaan, isagoo safarkiisii ugu horeeyay ku tegay dalka Suudan October Sanadii 2017.

Waxaa lagu wadaa in Madaxweyne Farmaajo markii tago suudan uu kulan la qaato Madaxweynaha dalkaasi,waxaana ay labada mas’uul kawada hadli doonaan xoojinta xiriirka wanaagsan ee ka dhexeya dalalka Soomaaliya iyo Suudaan iyo qodobo kale.

Madaxweyne Farmaajo ayaa maalmahan dib usoo cusbooneysiiyay Safaradiisii tirada badnaa ee uu ku tagayay Wadamada Caalamka isagoo Isniintii kasoo laabtay Dalka Eritrea oo uu saddex maalmood ku sugnaa, wuxuu kaloo 19-kii Bishan dib uga soo laabtay Magaalada Brussels ee dalka Biljim halkaas oo uu uga soo qeybgalay shirkii arrimaha Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xubnaha beelaha Garxajis ee Somaliland oo weerar ku qaaday Michael Walls

Hargeysa (Caasimada Online) – Boqoro iyo qaar ka mid ah gudida beesha Garxajis ayaa canbaareeyay Mr. Michael Walls oo ay ku tilmaameen mid aan dhex-dhexaad ka ahayn goob jooganimada doorashadii madaxtooyada oo uu hogaaminayay goob joogayaasha caalami ah.

Waxa ay madax dhaqameedkani beesha caalamka ay ka codsadeen in aan mar danbe goob jooge nimo ugu soo dirin Somaliland Michael Walls oo ay ku tilmaameen mid aan dhex ka ahayn arimaha  doorashada iyo qabaalika ee Somaliland.

Boqor Faysal Cismaan oo ka mid ahaa odayaasha hadlay ayaa waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, “Maanta waxaanu halkan ku canbaaraynaynaa, ku ceebaynaynaa, ku dhaleecaynaynaa saancadaalii Michael Walls oo ku xad gudbay xuquudayada magacayaga iyo shirkayagaba.”

Boqor faysal waxa uu sheegay in aanay beeshoodu wax lug ah ku lahayn samayntii filimkii ‘Baadigoob’ laakiin waxa uu sheegay in eedaha filimkaas ku jiray in ay run ahaayeen uu caddeeyey Michael Walls, isaga oo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi, “Barnaamijkii baadigoob isaga [Michael Walls] ayaa u furay inuu ahaa barnaamij run ah oo sax ah oo xaqiiqo ku salaysan, waxa cadaatay in aanu ahayan goob jooge ee uu ahaa garba jooge cid gaar ah u adeegayay, waxa cadaatay in aanu ka mid ahayn daneeyayaasha doorashadii dalka ka socotay ee uu ahaa danayste cid gaar ah u adeegaya, sida qaran dumisku u jiro, ayaa waxa jira qabiilo dumis ninkaas waxaanu leenahay meel kasta oo uu aduunka ka joogo cid kasta oo magaca nala wadaagtaa waa inay gacan bir ah ku soo qabtaa haduu Yurub tago iyo haduu meel kale tagoba oo maxkamadaha dunida la hor geeyaa”

Dhinaca kalana, boqorka oo  Michael Walls ku xidhiidhinaya xarunta dhaqanka ee Hargeysa ayaa waxa uu yidhi, “Waxa aan leeyahay xarunta dhaqanka ee uu waxaas faxshiga ah ka sheegay, waa in haayada wanaagfarista iyo xumaan reebhista la geliyo waxa aanu haynaa warar aan diinteena ku wanaagsanayan, dhaqankeena ka baxsan.  Michael Walls arimaha dhaqankeena meel  buu kaga dhacay, kuwa diinteena meel buu kaga dhacay waana isku keen dilayaa waana isku keen dirayaa, jeegaantiina haday laba geesood ahayd waxay u baahatay gees sadexaad oo saanbuus sadex gees ah la samaynaayo, dalka hadii aan laga dayn saanbuuskaas sadex geeska ah waxaanu keeni doonaa mid afar gees ah oo aan waligiiba hore loogu arkin.”

Boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi ayaa isaguna dhankiisa waxa uu shirkaas jaraa’id ee ay warbaahinta kula hadleen uu ka seegay”Shirkan jaraa’id waxaanu u qabanaynaa arintii yaabka lahayd ee fajicisada lahayd ee gaal iyo islaamba ka yaabisay ee ninka cadaanka ah ee beesha Garxajis shirkeedii soo farogaliyay, arimahaas waxa galiyay aad ayaanu ula yaabnay taariikhda la qarinaayo ee garxajis oo aan qarsoomayn oo baryahanba ay ka shaqaynaysay jeegaantu, waxaanu u sheegaynaa wax la qarin karo in aanay ahayn. Waxaanu ka doonaynaa beel weynta Garxajis meel kasta oo ay ku nooshay in sidii Saleebaan Rushdi ninkaas loo raadiyo oo la horkeeno maxkamada caalamiga ah, waxaanuna leenahay haayad kasta oo uu u shaqeeyo ama jaamacada uu ka shaqeeyo waxaanu u sheegaynaa in aanu ninkaasu waxa uu sheegay aanay waxba ka jirin, beeshaas iyo Somaliland-na meel kaga dhacay.”

Guddoomiye ku xigeenka guddida beesha Garxajis ayaa isaguna dhankiisa waxa uu halkaas ka sheegay “Ninkaas ahaa madaxa goob joogayaasha waxa uu soo farogaliyay wax ka duwan waxii shaqadiisu ahayd  oo ah inuu qabaalika Somalilad farogaliyo, oo uu ku sheegay shirkii beelweynta Garxajis ay ku qabsatay Gacanlibaax iyaga oo aan soo hadalqaadin doorashooykii iyo goobjoogayaashii oo ka hadlay dantooda gaarka ah, waxa uu ku soo daray inuu Garxajis ku lug lahaa barnaamijkii Baadigoob, waxaanu arintaas u aragnaa inuu si dhaqan xumo ah ugu milmay beelaha Somaliland oo uu wax ka sheegooda ku soo dhiiraday, waxaanu u gudbin doonaa dacwad oo aanu looyaro u qaban doonaa cid kasta oo ay arintiisu xidhiidh la yeelato hadii ay tahay Jaamcadii soo dirsaday iyo cid kasta oo ay arintiisu gasho, waxaanu leenahay hadii uu ka tagay dalka intuu kalmadahaas foosha xun ee loo dhiibay sii yidhi kuma soo noqon karo, sababta aanu ugu soo noqon karina waa amaankiisa ilaa iyo uu soo cadeeyo oo uu keeno xaqiiqooyin, hadii u soo cadayn waayaana isaga ayaa la kulmi doona talaabo waafaqsan talaabooyinkii uu qaaday.”

Shirkadda Hormuud oo soo bandhigay khasaaraha ay u geysteen ciidanka Kenya 

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Shirkada Isgaarsiinta Hormuud  oo shalay shir aan caadi aheyn oo xog wareysi ah ku qabtay Magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo, Kismaayo, Jowhar, Beled Xaawo iyo Beledweyne ayaa soo bandhigay gabood falka ciidanka kenya ay kula kaceyn  xarumo ay shirkadda isgaarsiinta Hormuud ku leedahay degaano ka tirsan gobolka Gedo.

​Ujeedada kulankaan ayaa eheyd in Saamileyda Shirkadda Hormuud xog laga siiyo dhibaatadii ay ciidamada Kenya u geysteen afar xarumood oo ay leedahay Shirkadda.

Intii uu kulanka socday Saamileyda Shirkadda ayaa loo sheegay in malaayiin doolar ay ku qasaartay qalabka iyo agabka kala duwan  oo ay burburiyeen ciidanka Kenya.

Aftarta Xarun oo ay ciidamada Kenya burburiyeen ayaa waxay dhammaan ka tirsan yihiin gobolka Gedo ee dalka Soomaaliya  waxayna kala yihiin xarumahaas:

  1. Khadiijo Haji,
  2. Ceel Baande,
  3. Dhamase, iyo
  4. Dhuuntoow.

Sidoo kole waxay sheegeen  in xarunta Shirkadda ku lahayd  deegaanka Dhuuntoow ay ciidanka kenya ku dileen injineero ka mid ah shirkadda iyo sidoo kale dad shacab ah.

Shirkadda Hormuud ayaa sheegtay in Xarumahaas la burburiyey ay sababtay in 40,000 qof ay waayeen isgaarsiin iyo biilashii loogu soo diri jiray adeegyada kala duwan ee Shirkadda bixiso.

Sidoo kale Shirkadda Hormuud ayaa sheegtay inay dacwad u gudbiyeen hay’adaha kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliyeed  iyo Maamul Goboleedka Jubaland oo ay khuseyso arrintaas.

Dhamaadka kulankii xog wareysiga ahaa ee Saamileyda Shirkadda Hormuud ayaa waxaa shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda loogu baaqay inay ka dhiidhiyaan falkaasi, sidoo kole waxay dalbadeen  in cadaalada la horkeeno ciidanka Kenya ee ka dabbeeyey falkaasi.

Sidoo kale, Gudoomiyaha Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Mudane Axmed Maxamuud Yuusuf ayaa u sheegay Saamilayda Shirkadda in dib loo dhisi doono loona howl galin doono xarumihii dhibku soo gaaray, wuxuu isla goobtaasi amar ku baxshay in si degdeg loo dhiso xarumihii la Burburiyey si Dadka ku nool deegaankaasi ay u helaan Adeegyad isgaarsiineed.

Halkaan hoose ka dhageyso

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Liis: Guddoomiyaashi soo maray maxkamadda sare ee Somalia (1960-2018)

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaan halkan idinkugu soo gudbin doonnaa warbixin Kooban oo aan ka qornay Guddoomiyayaashii soo maray Maxkamadda sare ee Dalka Soomaaliya laga soo billaabo 1960-2018.

Waa muhiim in la haayo xogta Garsoorka annagoo u kuur galeyna inaan helno war bixin wax ku ool ah oo wax tar u leh Shacabka Soomaaliyeed ,gaar ahaan bahda garsoorka.

Waxaan si hor dhac ah idiinla wadaagi doonnaa warbixin kooban oo aan ka helnay  Xafiiska warfaafinta ee Garsoorka  Gobolka Banaadir.

Gudoomiyayaashii soo maray Maxkamadda sare ee Dalka (Hogaanka Garsoorka).

  1. Alto Boronaajo (Talyaani 1960)
  2. raxman Sh.Cali Siciid (1968)
  3. Maxamud Sh.Axmed (1969)
  4. Axmed Shire (1974)
  5. Xasan C.laahi Faarax (1976)
  6. Maxamed Axmed Xuseen (1985)
  7. Axmed Xasan C.le Xasan (1988-1991)
  8. Adan Gaab (2000)
  9. Sh.Maxamuud Sulaymaan (2002)
  10. Yuusuf Haaruun (2004)
  11. Maxamuud Cumar (indhabuur 2007-2011)
  12. Caydiid Ilka xanaf (2011-2016)
  13. Garyaqaan Ibraahim iidle Suleyman (2016-2018)
  14. Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed (2018).

Xafiiska Warfaafinta Garsoorka

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Kenya: RAILA ODINGA oo kiis fadeexad ah ku furay madaxweyne KENYATTA

Nairobi (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Kenya ee Raila Amolo Odinga, ayaa madaxweynaha Kenya Uhurro Kenyatta ka dalbaday in la hakiyo musuq uu sheegay in lagu hayo hantida Qaranka.

Raila Amolo Odinga, waxa uu Kenyatta u xaqiijiyay in boob lagu hayo hantida Qaranka, gaar ahaan kuwo ku jira Bankiga.

Odinga, waxa uu Kenyatta qudhiisa ku eedeeyay inuu lunsado dhaqaale xad-dhaaf ah, balse ugu baaqay inuu qirto musuqa uu ka galaayo Qaranka.

“Hantida Qaranka waxa ay u dhexeysaa Kenyatta iyo madaxda ka hooseysa waxaa nagu adag inaanu indhaha ka qabsano waxa dhacaaya”.

“Waa inaan banaanka keena musuqa lagu hayo hantideena si meesha looga saaro tuhunada iyo boobka lagu hayo hantida”.

Sidoo kale, Raila Amolo Odinga, ayaa madaxweyne Kenyatta u xaqiijiyay in boobka socda ay u hayaan cadeymo sidaa aawgeed la doonaayo in la xaqiijiyo boobka tagan.

Haddalka Raila Amolo Odinga, ayaa imaanaya xili uu dib usoo noqonaayo khilaafka kala dhexeeya madaxweyne Uhurro Kenyatta.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

Caqabadaha adag ee hor taagan doorasho qof iyo codkii oo ka dhacday dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Doorasho cod iyo qof waxaa Soomaaliya ugu dambeysay 1969, 40 sano kadib waxaa la qorsheynayaa inay ka dhacdo doorasho qof iyo codkii ah, sida lagu ansixiyay shirkii magaalada Baydhabo ka dhacay oo ay yeesheen madaxda dowladda Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada.

Dowladdo KMG ah oo dalka soo maray waxaa baarlamaankooda soo xulayay odayaal dhaqameedyo, laakiin baarlamaanka hadda dhisan ee labada gole, hab ka duwan odayaal dhaqameedyada ayaa lagu soo xulay, waxaana xildhibaan kasta u codeynayay 51 ergo oo beeshiisa laga soo xulay.

Laakiin doorashada Hal qof iyo codkii, wey ka sii duwan tahay doorashooyinkii u dambeeyay, sida uu sheegayo wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Cabdi Maxamed Sabriye.

“Nidaamkani wuxuu uga dawanaan doonaa qofka doortaha ah inuu inta tago xisbigiisa iyo xildhibaankiisa doorto isaga oo fiirinaya fahamsana inta aan horey u sheegay, taasi waxay imaaneysaa side qofka wax dooranaya ee muwaadinka ah loo gaarsiiyaa fariin sax ah oo ku saabsan doorashada iyo kaalinta uu ku leeyahay, xaqa uu leeyahay iyo waajibaadka isaga laga rabo.” Ayuu yiri Wasiir Cabdi Sabriye.

Caqabado muuqdo iyo kuwa daahsoon ayaa horyaala doorasho qof iyo codkii ah, kuwaasi oo u baahan in laga gudbo ka hor sanadka 2020, waxaana ka mid ah hagaajinta ammaanka, Qabyo tirka Dastuurka Dalka, meel marinta Sharciga Doorashooyinka Qaranka, kaasi oo ka hadlaya habraaca doorashada, Fahamsiinta dadka doorashada iyo waxa ay tahay, bislaashaha siyaasiyiinta iyo midnimadooda, dhameynta Danaha is diidan ee u dhaxeeya dowladda iyo dowlad goboleedyada, tirakoobka dadka codeynayo iyo arimo kale.

Prof Maxamed Muuse Mataan oo ah Barre ka ah jaamacadaha ku yaala Muqdisho qaarkood, ayaan weydiiyay caqabadaha daahsoon ee imaan kara waqtiga doorashada, haddii la xaliyo caqabaha loo wadajeedo oo amaanka uu ugu horeeyo.

“Kuwa daahsoon way imaan karaan runtiii waa kuwo farsamo ku imaan kara ama ha ahaato dhaqaalihii iyo farsamo ahaan hadii degmada Afgooye oo kale dadkiisa la tira kobo, hadana la baxo oo Baraawe la tago, waxaa suuragal noqon karta inay Afgooy ka tagaan dadkii halkaasi lagu tira koobay, waa arrin laakiin laga shaqeyn karo.” Ayuu yiri Prof. Maxamed Muuse Mataan.

Doorashadan waxaa ku tartami doona axsaab siyaasadeed, 4 September sanadkii 2016 Xasan Sheikh Maxamuud, madaxweynihii hore ee dalka ayaa saxiixay sharciga axsaabta dalka oo Lixdii June 2016 baarlamaanka dalka ay ansixiyeen, 11 Xisbi ayaa la diiwaan geliyay sida guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka ay sheegeen.

Kuma qanacsana Xisbiyadda qaar sharcigan, maadaama ay aaminsan yihiin in laga soo min guuriyay sharciga axsaabta ee dalka Kenya, dhankoodana ay gudbiyeen warqad ay ku cadeynayeen meelaha u baahan in laga saxo.

Guddiga doorashooyinka waxay horey u shaaciyeen in loo baahan yahay 139 Milyan oo Dollar, si looga gudbo dhammaan caqabaha hor taagan doorashada cod iyo qofkii ah, Baarlamaankana wali looma gudbin sharciga doorashooyinka dalka si Labada Gole ay u ansixiyaan, ma jirto Maxkamad Dastuuri ah oo kala saari doonta haddii qodobada doorashada la isku qabto ama murun ka yimaado doorashada.

Prof. Maxamed Muuse Mataan ayaan markale weydiiyay inay jiraan waxyaabo la taaban karo oo ilaa iyo hadda la gaaray, si doorashadaasi ay u dhacdo.

“Wallaahi hada dowladan inta ay jirtay, dowladihii hore waa laga yaabaa, waxaan xusuustaa in la sameeyay sharcigii axsabaha, ugu yaraan hadii aan la tagi Karin degmooyinka iyo tuulooyinka, waxaa lagu qaban karaan xarumaha maamul goboleedyada, ugu yaraan waa in meesha laga durqo oo sanaadiiq la geeyo xarumaha maamul goboleedyada.” Ayuu markale yiri Prof. Mataan.

Fullinta balanqaadyadda ay sameeyaan madaxda inta ay ololaha ku jiraan ayaa badan, balse dhaqan gelinta balamaha ayaa laga sugayaa madaxda hadda taladda dalka haya, maadaama badankood ay horey balamahan u qaadeen.

W/D:- Mohamed Isse Mohamud

Jaceylka dadka reer Eritrea ay u qabaan Soomaalida & dhacdadii Faarax Macallin ku qabsatay Asmara (Aqri)

Nairobi (Caasimada Online) – Siyaasiga Soomaaliyeed ee reer Kenya Faarax Macallin Darwaar ayaa si aan caadi ahayn uga hadlay jaceylka ay dadka reer Eritrea u qabaan umadda Soomaaliyeed.

Faarax Macallin oo caan ku ah naceybka Itoobiya iyo hadallada aan gambashada lahayn ayaa hore u soo noqday guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Kenya.

Macallin oo si gaar ah uga faalooda is beddelada ka dhaca siyaasadda gobolka Geeska Africa iyo gaar ahaan Soomaaliya ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay qoraalkan hoose.

“Eritrea waa dalka qura ee aduunka ku yaal ee jaceyl xad dhaaf ah oo shuruud la’aan ah u qaba Soomaalida oo ay sabab u tahay sooyaalka iyo halganka ay wadaagaan.  Dukaanleyaal saddex kala duwan ah oo ku yaal Asmara ayaa dhawaan mar ay ii aqoonsadeen in aan ahay Soomaali hab isiiyey oo ugu soo xoomay jaceyl dartiis. Wey ii ogolaan waayeen in aan iska bixiyo lacagtii aan ku dukaameystay.

Arintan ayaa ku soo beegmeysa iyada oo uu shalay soo gunaanay madaxweyne Farmaajo booqasho rasmi ah oo uu saddex cisho ku joogay dalka Eritrea kaddib markii uu casumaad ka helay dhiggiisa Isias Afwerki.

Waxaa xusud mudan in dhawaan uu isa wasiirka warfaafinta Eritrea oo sharraxayey sidii diiranneyd ee loogu soo dhaweeyey Asmara madaxweyne Maxammed Cabdullahi Farmaajo ka hadlay kalgaceylka ka dhexeeya labada ummadood ee Eriteriyaanka iyo Soomaalida. Halkan ka aqriso.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

Ciidamo ka socdo maamul goboleedyada oo amniga MUQDISHO la wareegay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamo boolis ah oo ay leeyihiin maamul Goboleedyada dalka laga howlgeliyay magaalada Muqdisho iyagoo xalay ka bilaabay isgoysyada caasimadda inay amniga sugaan.

Ciidamadan oo ah Boolis tababar socday muddo saddex bilood ah ugu soo dhammaaday dalka Jabuuti ayaa markii ku soo laabteen magaalada Muqdisho waxaa la dejiyey xarunta Gaadiidka Booliska Muqdisho ee degmada C/casiis, waxayna bilaabeen howlgallo lagu sugayo amniga caasimadda.

Wararka ayaa sheegay in ciidamadan ka yimid dalka Jabuuti ay qaar ka mida deganadooda ku laabteen, laakiin intooda badan ay Muqdisho ka howlgelayaan xilligan, iyadoo arrintan lagu tilmaamay midlagu tijaabinayo.

Amniga Muqdisho oo hadda lagu wareejiyay ciidamada Booliska ayaa u muuqda mid marna lagu tijaabinayo ciidamo gaara, iyadoo xukuumadda ay u caalweysan tahay sugidda caasimadda.

Ciidankaan qaar kood ayaa la dhigay Isgooysyada muhiimka ah ee gobalka Banaadir halkaas oo ay ka bilaabi doonaan waajibaadkooda ku aadan sugidda Amaanka magaalada .

Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamadii Xasilinta waxa ay ka daad guraysay magaalada Muqdisho iyada oo dib logu celiyay xeryahoodii halka maalmihii la soo dhaafayna magaalada lagu arkayay ciidamo aan badnayn oo sugaya amaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Isimada Puntland oo R/W Kheyre u hanjabay xilli uu C/W Gaas goobjooge ahaa

Garacad (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo booqasho ku jooga degaanada Puntland ayaa ka baaqdsaday qorshe uu ku dhagax dhigi lahaa dekadda degmada Garacad ee Gobolka Mudug.

Maamulka Puntland ayaa qorsheeyay in goobaha uu booqan doono Ra’iisal wasaare Kheyre ay ka mid noqoto degaanka xeebta Garacad oo Puntland ay in muddo ah raadineysay inay ka dhisto dekadda, laakiin maamulka iyo dadka Galmudug ay u arkaan mid looga soo horjeedo dadaalka ay ugu jiraan dhismaha dekadda Hobyo.

Warar laga helayo magaalada Garowe ayaa sheegaya in Ra’iisal Wasaare Kheyre iyo madaxweynaha Puntland ay ka wadahadleen arrinta dhagax dhigga Dekadda Garacad oo ka mid ahayd goobaha loo qorsheeyay inu booqdo Ra’iisal wasaaraha, laakiin la isku afgartay in laga reebo socdaalka, kadib culeysyo siyaasadeed oo la sheegay inay ka yimaadeen siyaasiyiinta iyo xildhibaannada ka soo jeeda Galmudug.

Sidaas awgeed Madxweynaha Puntland ayaa u baxay Garacad isagoo dhagax dhig u sameeyey Dekad halkaas laga sameyn rabo.

Dhagax dhigga kadib ayaa waxaa Garacad lagu qabtay xafladay kasoo qeyb galeen qeybaha kala duwan ee deegaanada Puntland.

Qaar ka tirsan isimada Puntland oo xafladaas khudbad ka jeediyey ayaa hanjabaad u diray Ra’iulwasaare Kheyre iyagoo ku eedeeyey inuu uga baxay ballantii aheyd inuu kasoo qeybgalo xafladda furitaanka.

Isimada ayaa ku dooday in ilaa saaka jidadka loo taagnaa Kheyre isla markaasna ay si lama filaan ah u maqleyn inuu ka baaqday.

Waxay sheegeyn inay arrintaas kala xisaabtami doonaan marka uu dib u laabto haddana ay ku ixtiraamayaan martida uu yahay.

Hadalkaas marka laga sheegayey xafladda waxaa goobjoog ahaa Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas oo isaga xariga ka jaray Dekadda la doonayo in halkaas laga sameyo.

Idaacadda BBC-da ayaa Kheyre xalay waydiisay inuu marti ku yahay Magaalada Garoowe iyo in kale wuxuuna ku jawaabay inuusan marti ku aheyn balse hadalka kasoo yeeray isimada ayaa bixinayo micno kale.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

Sadexda hadaf ee dalalka khaliijka ka leyihiin Geeska Afrika iyo loolanka Shiinaha

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Waddamo badan oo ka mid ah golaha iskaashiga khaliijka, ayaa isku dayaya in ay xoojiyaan joogiddooda Geeska Africa sababo dhawr ah awgood; sida laga soo xiganayo qoraayaal iyo fallanqeeyeyaal caalami ah.

Dhacdooyinkii ugu dambeeyey waa natiijo ka dhalatay wadamada gacanka oo loo yaqaan GCC, oo doonaya in ay ka muuqashadooda mandiqadda ballaariyaan. Iyaga oo isku hadaf ah, wadamada GCC waxa ay raadinayaan suuq iyo kheyraad.

Sida laga soo xiganayo Leulseged Girma, oo ah cilmi baare ku foogan siyaasadaha is diidan ee (Geopolitics), kaas oo ka tirsan ha’yadda daraasaadka xiriirka caalamiga ah iyo istiraatijiyadda ee Itoobibiya (Ethiopian Foreign Relations Strategic Studies Institute (EFRSSI), dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee ku wajahnaa xiriirka u dhexeeya Itoobiya iyo dalalka GCC waxay salka ku haysaa saddex ujeeddo oo waa weyn.

Wadamadaas waxaa aad uga go’an in ay hoos u dhigaan ku tiirsanaantooda shidaalka, waxa ayna isku dayayaan in ay dhaqaalahooda uu noqdo mid qeybo badan ka kooban. Ma helayaan meel uga wanaagsan oo uga dhaw Geeska Africa. Wadamada Geeska waxa ay bilaabeen in ay fur furaan dhaqaalahooda oo laga fahmi karo sida ay Itoobiya dhawaan u bedeshay qaabkii ay u maamuli jirtay ganacsigeeda oo ay ka mid yihiin shirkadaha isgaarsiinta, diyaaradaha iyo Hotel-lada. Wadamada GGC iyaguna wax ay aad maalgalin ugu sameeyeen  sidii ay Geeska Afrika cunto ku filan u heli lahayd, waxaana aad uga faa’iideystay Itoobiya iyo Sudan, sidaas uu sheegay Leulseged, oo markaa qiimeyn ku sameenaya waxa ka dambeeya is bedeladda dhawaan dhacay.

Waxa uu intaas ku daray Leulseged: “Khilaafka dalalka khaliijka waxa ay sidoo kale saameyneysaa Geeska Africa iyo danaha ay ka leeyihiin mandiqadda marka ay go’doomiyaan Qadar iyo Iran, kana horitaagaan adeegsiga Badda Cas ee muhiimka ah. Taas waa sababta ah ay dalalka heshiisyada maamulidda dekedaa ku yaal Badda Cas iyo Geeska si ay baahidoodda ugu daboolaan. Khilaafka UAE iyo Qadar waxa ay saameysay Soomaaliya oo ay M/Gobolleedyadeedu si cad u muujiyeen xiriirka ay la leyihiin xulufada uu Sucuudiga horboodayo kuwaas oo xiriirka u jaray Qadar.”

Wadamada GCC sidoo kale waxa ay doonayaan in ay xaqiijiyeen ka muuqashadooda Geeska sababo la xiriira maalgalinta ballaaran ee ay China ka waddo, kuwaas oo la xiriira waddooyin iyo mashruuca Belt kuwaas oo inta badan ku fooggan isku xrika ganacsiga ee Bariga Africa oo dhan iyo Aasiyada fog..

Geeska Africa waxa uu ku yaal aagga Gacanka Cadmeed, waxaana mara Bab al Mandab iyo Badda Cas, waana mid ka mid ah marin biyoodyada ugu muhiimsan ee gacansiga aduunka. Bab al Mandab gaar ahaa waxa uu muhiim u yahay ganacsiga Aasiya sida China, Japan iyo India kuwaas oo halkaas Yurub iyo Africa wax badan uga dhoofiya iyaga oo marinkaas isticmaalaya. Waxaa intaas dheer, shidaalka ugu badan iyo saliidda dabiicga ah ee wadamada Gacanka ee ay Yurub u suuq geeyaan waxaa la mariyaa Gacanka Cadmeed, Bab al Mandab iyo marinka Badda Cas.

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
[email protected]

Hadalkii Yuusuf Garaad oo banaanka keenay tuhunkii laga qabay xukuumadda

Kaddib markii uu madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo la kulmay madaxda ONLF oo tabasho weyn ka tirsanayey dowladdiisa waxa ay taasi dhalisay dareenno kala duwan.

Bulshada Soomaaliyeed kulankaas qaabab kala duwan ayey uga falceliyeen, kuwa ka soo qaaday kulan ‘Bilaa saameyn ah’, iyo kuwo soo dhaweeyey.

Dadkaas waxaa ka mid ah wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Yuusuf Garaad Cumar oo  bartiisa Facebook tiigsaday. Yuusuf Garaad oo ka mid ahaa xubnihii ugu saameynta badnaa ee uu Xassan Cali Kheyre u xushay golihiisa waxa uu qeyb ka ahaa golihii wasiirada ee ONLF ku tilmaamay aragagixiso.

Taas oo ay jirto, Yuusuf Garaad waxaa la eryey isaga oo aan fileyn kana mid ahaa golaha wasiiradda muddo sanad ku dhaw.

Hadaba hadal qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa Facebook, Yusuf oo inta badan soo jiita falcelinno badan oo qoraaladiisa ah ayaa sidan u dhigay: Si la isu waafajiyo mawaaqifta Golayaasha dalka (Fulin iyo Sharci-dejin) iyo weliba habdhaqanka Madaxda Qaranka, ama aan si kale u dhigee si loogu hoggaansanaado go’aanka Baarlamaanka, Golaha Wasiirrada waxaa la gudboon in uu ka noqdo go’aankiisa ahaa in ONLF uu yahay urur arga-gixiso ah.

Qoraalka Yusuf marka aad si qotodheer u dhuuxdo waxaa kaaga soo baxaya sadarkan : “si loogu hoggaansanaado go’aanka Baarlamaanka, Golaha Wasiirrada waxaa la gudboon in uu ka noqdo go’aankiisa ahaa in ONLF uu yahay urur arga-gixiso ah’, in wasiirkii hore uu caddeynayo in golaha xukumadda ee uu Xassan Cali Kheyre hoggaamiyo ka awood badan yihiin golaha shacabka!

Yeelkeede, qoraalka Yusuf Garaad kahor, tuhunka arinkaas laga qabo waxa uu ahaa mid aad u weyn oo soo xoogeystay markii la riday Maxamed Shikh Cismaan Jawaari, gudoomiyihii hore ee Golaha Shacabka.

Siyaasiyiinta mucaaradka, indheer garadka siyaasadda iyo waliba qaar ka mida bushada waxa ay isla dhexmaraan in xukumadda maroorsatay awooddii baarlamaanka iyo waliba tii cadaaladda.

Waxaa xusid mudan in madaxweynaha uu hadda kahor isaga oo bbc-da u warramaya uu sheegay in uu raacsan yahay go’aankii baarlamaanka

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

Dowlada oo soo bandhigtay qandaraas nooc cusub oo la xiriira calanka Somalia

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa la sheegay in Heshiis Ganacsi ay la geyso shirkadaha sameeya daabacaada ee Awooda u leh in ay naqshadeeyaan Calanka Soomaaliyeed.

Waxaa kale oo Wasaaradu ay sheegtay in tartan daah-furan loo sameeyn doono shirkadaha soo buuxin kara shuruudaha uu soo saaray Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareye oo ku qoran Warqada.

Wasaaradda Ganacsiga ayaa qandaraaskaan shuruud uga dhigtay seddex qodob oo kala ah:

  • In lasoo sameeyo Calanka Somalia oo sax ah lana yaqaan walxaha Kiimiko ahaan uu ka kooban yahay
  • In cidda sameeneyso ay awood u leedahay inay furto xarumo laga helayo calanka guud ahaan dalka
  • In cidda qandaraaska la siinayo ay awood u leedahay inay sameyn karto noocyada kala duwan ee calanka Somalia sida kuwa la surto Madaxtooyada, Safaaraha, kuwa dadweynaha ku xafladeeyaan, kuwa Baabuurta madaxda la suro,  kuwa miisaska xafiisyada la saarto, Calamada Birta ah ee lagu dhajisto suudadka, Bilad Sharafyo iyo hadiyado la dhex geliyey oo lagu qurxiyey Calanka Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]