Shan su’aal oo ay ahayd in la weydiiyo ra’isul wasaare Kheyre, wareysigii BBC-da

Saxaafadda iyo baraha bulshada waxaa laga hadal hayay su’aal uu weyddiiyay Weriye Farhan Max’ed Jimcaalle ee ka tirsan BBC qeybteeda afka Soomaaliga ku hadasha R/W Kheyrre, taas oo ahayd in uu marti ku yahay Garoowe.

Haddaba waxa aan isla falanqeyn doonnaa ugu yaraan shan su’aal oo ka muhiimsaneynd kuwaas, oo la weyddiin karay mudane Kheyrre.

Waa markii ugu horreysay oo uu wasiirka koobaad kasoo hor muuqanayo warbaahin aan ahayn tan dowladda tan iyo markii uu xilkan qabtay, islamarkaana si toos ah loo weyddiinayo su’aalo.

Haddaba shantan su’aal ayeey ahayd in la weyddiiyo ra’iisul wasaaraha intii la weyddiin lahaa marti ku ahaanshiyihiisa Garoowe.

1)Qirashada qaladkii Dhiibistii Qalbi Dhagax:- Madaxweyne Farmaajo ayaa qirtay sida ay caddeeyeen madaxda jabhadda ONLF in ay qalad ahayd dhiibistii Cabdikariim Muuse Qalbi Dhagax, taas oo dhanka kale ay golaha wasiirrada oo uu Kheyrre madaxda u yahay ay ku sheegeen in ay sax tahay, ONLF na ay tahay jabhad Argiggixiso, haddaba su’aasha ah halka uu ka taagan yahay dhiibista Qalbi Dhagax ayeey ahayd in laga weyddiiyo su’aal sidoo kalena uu ka hadlo dhanka madaxweynaha iyo qirashada qaladkaas.

2) Hadalka Ra’iisul wasaare kuxigeenka iyo doorashada 2021-ka:- Mahdi Khadar oo ah wasiir kuxigeenka koobaad ee Soomaaliya ayaa meel fagaaro ah ka yiri in uu soo socdo xisbi weyn oo soomalida oo idil u furan, kaas oo uu madax ka yahay mudane Farmaajo, haddaba sidee bay isku waafiqi karaan hadafka Kheyrre ee doorashada xigta iyo hadalka Mahdi Khadar? su’aashaas iyana waxa ay ahayd mid kale oo muhiim ah islamarkaana dad badan ay u baahnaayeen.

3) Khilaafka Isaga iyo madaxweynaha iyo kaalinkii burburinta ciidanka xasillinta:– is qabsi xooggan ayeey warbaahinta baahisay, kaas oo laga garan karay in uu jiro kaddib markii hoos loo dhigay dhammaan qorshayaashii ammaan ee uu mudane Kheyrre atooraha ka ahaa, in arrinkan wax laga weyddiiyo ayaa ka mudneyd in uu weriyaha ku mashquulo marti ku ahaanshiyihiisa Puntland.

4) Qalqalkii la geliyay xajka sannadkan:- taariikhda markii ugu horreysay ayeey Soomaaliya qarka u kortay in aysan wax diyaarad ah oo xajka aadda aysan ka duulin gebi ahaan dhulka ay ka taliso dowladda Soomaaliya, taas na waxaa sabab u ahaa harddan la siyaasadeeyay oo ganacsatada u dhaxeeyay, doorka xukuumaddiisa ay ku lahayd qal qal gelinta xajka iyo sida ay wax u dheceen iyana waxa ay ahayd su’aal kale oo muhiim u ahayd in weriyaha uu weyddiiyo mudanaha.

5) Qaabka xukuumaddiisa ay u casisho wasiirrada:– ma jiro wasiir ka tirsan xukuumadda Kheyrre oo si qurux badan shaqada looga eryay, laga soo bilaabo min Yuusuf Garaad illaa wasiirka waxbarashada, nidaamka ceyrinta mas’uuliyiinta iyo sababta ay noocaas ku doorteen?

dhammaan waa su’aalaha wax laga weyddiin karay ra’iisul wasaare Kheyrre intii uu socday wareysigii uu siiyay barnaamijka caawa iyo caalamka ee TV ga BBC laanteeda la hadasha dadka Afka Soomaaliga ku hadla.

F.G:- Khibraddeydu ma gaarsiisna in aan wax u sheego qof sida Farxaan M. Jimcaale oo kale, ha yeeshee waa su’aalaha aan is leeyahay waa uu ilduufay weyddiinteeda

W/Q:- Cabdiwahaab Axmed Cali

E-mail:- C.wahaabyare@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid