27.5 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

CABSIDA iyo saameynta deg deg ah ee uu yeelan karo qarixii BUUHOOLDE

0

Buuhoodle (Caasimadda Online) – Xalay saaladdii Maqrib kaddib waxaa markii ugu horreeysay uu qarax ka dhacay magaalada Buuhoodle.

Laba ka mid ah dadka deegaankaas ugu saameynta badnaa ayaa qaraxaas lagula eegtay oo halkaas ku geeriyooday iyada oo uu dhaawacyo soo gaaray saddex kale.
Wali ma jirto cid qaadatay mas’uuliyadda weerarkaas walow ay tuhunno badan qabaan dadka deegaanka.

Hadaba, kahor inta aysan cid qaadan mas’uuliyadda ama aan lagu shaabadeyn qolo gaar ah, sameynta deg deg ah ee kuu yeelan karo maxay tahay?

Buuhoodle waa degmo ka tirsan Soomaaliya oo hoos tagta G/Togdheer ee Waqooyiga Soomaaliya.

Hase ahaatee, waa magaalo aad u camiran oo ka weyn qaar ka mida magaalo madaxyo gobollo oo dalka ku yaal iyada oo loo sababeenayo in ay ku taal xad beenaadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Magaalada gudeheeda ayaa u kala qeybsan Soomaaliya Iyo Itoobiya oo ay qeyb ka mid ah sheegataa Itoobiya.

Taas, waxa ay keentay in shacabka reer Buuhoodle ay ka cabsadaan falcelinta ka imaan karta ciidamaa Itoobiya eek u sugan deegaanka kuwaas oo hawlgallo ka bilaabi kara Buuhoodle.

Saameynta kale?

Buuhoodle waa magaalo dhaq dhaqaaq ganacsi oo xog leh ka jiro waxaana ka mid ah dadka tiir dhexaadka ah bulshada reer G/Galbeed ama Raxanweyn.

Sida ka dhacda Somaliland iyo Puntland haddii qarax dhaco ama falal amni darro waxaa si gaar ah loogu bartilmaameedsadaa dadka Raxanweynta ah ee jooga deeganaas, taas ayaa dhalisay cabsi ay qabaan dadkaas ku dhaqan Buuhoodle in ay dhibaato u geystaan.

Xog dheeraad ah: Qaraxii Buuhoodle + Magacyada siyaasiyiinta lagu dilay

0

Buuhoodle (Caasimadda Online)- Waxaa faafaahin dheeri ah laga helayaa qarixii xalay ka dhacay magaalada Buuhoodle oo ay saraakiisha sar saree e Khaatumo ka tirsanaa ku dhinteen.

Sid la xaqiijiyey waxaa qaraxaas ku dhintay wasiirkii hore ee amnig Khaatumo Axmed Maxamuud Doolaal iyo Cabdifataax Axmed Cali (Cabdifataax Reegal).

Sidee ayuu Qaraxo u dhacay?
Qaraxa oo la sheegay in uu dhacay salaaddii Maqrib kaddib ayaa saraakiisha lala eegtay iyaga oo taagan afaafka hore ee Masjid Jaamac oo ku yaal bartamaha magaalada.

Sida ay Caasimadda Online u xaqiijiyeen dad deegaanka ah qaraxu ma ahayn mid lagu fuliyey gaari laakiin waxaa is miidaamiyey naftii haligge watay sun.

Nafitii haligaha ayaa ku dhawaaqay halkii ay taagnaayeen madaxda qaraxa kahor inta uusan is qarxin.

Xalay waxaa durbadiiba la aasay kaddib markii jirkiisu googa’ay Axmed Maxamuud Doolaal balse saaka ayaa isna la aasay Cabdifataax Maxamed Cali (Cabdifataax Reegal).

Ma jiraan dhaawacyo?

Sida Caasimadda Online loo xaqiijiey marka laga yimaado labada mas’uul eek u dhintay qaraxa waxaa jira saddex dhaawac oo hadda lagu dabiibayo cisbitaalka magaalada Buuhoodle.

Caasimada Online
Xafiiska Buuhoodle
[email protected]

Xog: Jabuuti oo u yeeratay safiirkeeda SOOMAALIYA

Jabuuti (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti ayaa u yeeratay safiirkii ka jooga magaaalda Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, Aadan Xasan Aadan ayada oo aad uga carreysan in dowladda Soomaaliya ay dalbatay in cunaqabateynta hubka laga qaado dalka Eritrea.

Eritrea ayaa waxa ay haysataa dhul ka mid ah dalka Jabuuti, waxaana Jabuuti ay sheegtay in ayada oo taas jirto uu madaxwenaha Soomaaliya dalbaday in Eritrea laga qaado cunaqabateynta ay tahay arrin aysan ka fileyn Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay shaklay safiirka Djibouti ee Soomaaliya Aadan Xasan Aadan ayaa lagu yiri “Qaran ahaan, Soomaaliya waxaa ay xiriir la yeelan kartaa dalalka kale ee gobolka, laakin wax la aqbali karo ma aha in walaalaheen Soomaaliya ay taageeraan Eritrea  oo heysata dhulkeenna, isla markaana inkirtay inuu dhul Djibouti yahay. Waxaa xikmad ahaan laheyd in qoraalka ay ku darto Soomaaliya inuu jirto muran dhul oo u dhaxeeya Eritrea  iyo Djibouti, lana raadiyo sidii loogu heli lahaa xal siyaasadeed”

Safiirka ayaa qoraalkaas soo saaray isaga oo ku sugan magaalada Jabuuti, waxaana xog cusub oo soo baxday ay sheegeysaa in safiirka loo yeeray, ee aanu halkaas iska tagin.

Xiriirka labada dal ayaa lagu warramayaa in iminka uu yahay mid aad u xun, oo aanu jirin wax xiriir ah oo gebi ahaan dhex-maraya, lamana yaqaan sida lagu xalin doono iyo cidda kala dhex-gali doonta.

Caasimada Online
Xafiiska Jabuuti
[email protected]

XASAN Sheekh oo qoraal kulul kasoo saaray xiisadda Jabuuti iyo SOOMAALIYA

Anakara (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya inaysan marnaba ilaawi karin abaalka wanaagsan ee ay ka heshay dowladda Jabuuti oo ciidankeeda ay joogaan Somaliya.

Jabuuti ayaa si wayn kaga carootay hadalkii Madaxweyne Farmaajo uu ka sheegay Magaalada Asmara, kaasi oo ahaa in xayiraada hubka laga qaado dowladda Eritrea.

Warbixin uu soo dhigay Xasan Sheekh Boggiisa xiriika Bulshada ee Facebook, ayaa u dhiugneyd sidan:-

Waa tallaabo dhanka fiican loo qaaday haddii dowladda Soomaaliya ay hagaajineyso cilaaqaadka aan la leennahay dowladaha iyo shucuubta gobolka.

Hase yeeshe, shacabka iyo dowladda reer Jabuuti waxay naga mudan yihiin in aan dhowrno oo aan ugu hiillinno jiritaanka dalkooda iyo dowladnimadooda. Suurtagal nagama aha in ay nala sahlanaato dhammaanshaha dhulka reer Jabuuti iyo geesiyaasha wali dagaalka lagu la’yahay. Waxay naga mudan yihiin inaan ugu hiillinno sidii ay noogu hiilliyeen oo ay waligood noo garab taagnaayeen oo ay ugu dambeysay ragga iyo gabdhaha HIIL WALAAL ee naftooda Soomaaliya u huray. Dadnimada iyo damiirkuba waxay noo tilmaamayaan inaan laga abaal dhicin.

Bani’aadamka hadiyad uu bixiyo waxaa ugu qaalisan NAFTA. Reer Jabuuti xoog iyo xoolo kaliya naguma garab istaagin ee naf iyo dhiig ayey noo hureen.

Madaxdeennu ma isweydiyeen meeqa CARRUUR ah ayaa aabbayaashood ku waayay Soomaaliya. Sidoo kale meeqa MARWO AYAA SAYGII AY JECLAAYEEN ku waayay Soomaaliya ama meeq HOOYO ayaa wiilashii ay jeclaayeen ku waayay u hiillinta jiritaanka Soomaaliya.

Haddaba, Madaxda dalkeenna waxaan ugu baaqayaa iney dib u eegis dhab ah ku sammeeyaan MOWQIFKA ay ka qaateen arrimaha u dhaxeeya Jabuuti iyo Ereteriya.

Walaalaha reer Jabuutine waxaan leeyahay:

“HIIL WALAAL MA HUNGOOBO”

Caasimada Online
Xafiiska Istanbul 
[email protected] 

Xiriirka cusub ee dalalka Eritrea iyo Somalia: 8 rajo iyo 6 cabsi oo la qabo

Booqashada M. Farmaajo ee Dalka Eritrea ayaa laga muujiyey guulo iyo rajo wayn oo usoo hoyatay labada shacab iyo labada dawladood, sidoo kale cabsi ayaa laga muujiyay isbedelada gobalka iyo dawrka madaxda Eritrea?

HADABA QORMADAAN KOOBAN WAXAAN IS BARBAR-DHIGAYNAA RAJADA IYO CABSIDA:

Somaaliya & Eritrea waxaa ka dhaxeeyay xiriir sokeeye mudo ka badan 1000 sano kaas oo ku salaysnaa; deegaanka Geeska Afrika, soo gelitaankii Diinta Islaamka Geeska Afirika, Dagaaladii dhex maray Muslimiinta Geeska Afrika iyo Kirishtaanka, Dawladihii Islaamka ee Geeska Afrika soo maray, Boqortooyadii Islaamka ee Turkey ee Geeska Afrika, Gumeystihii Talyaaniga ee wada qabsaday Somaaliya iyo Eritrea Ciidamadoodina is ku bedelay iyo Halgankii xornima doonka labada shacab iyo hiiladii ay isa siiyeen iyo abaalka ay isku leeyihiin.

Eritrea waxa ay xor tahay 25 sano kaliya, halka Somaaliya ay xor tahay 58 sano lkn intii ay Eritrea xorta aheed Somaaliya waxa ay ku jirtay Dawlad la’aan, dagaal sokeeye iyo taag dari awoodeed, halka Eritrea na ay ku jirtay dagaal deriskeeda Ethiopia iyo Go’doomin beesha Caalamka gaar ahaan Afrika iyo IGAD.

Kulankaan labada Madaxweyne waa kii ugu horeeyey ee dhexmara labada dawladood iyo labada Madaxwayne oo rasmi ah kadib xorriyadii labada dal, rajada laga filan karo ayaa ah;

1-In si wada jir ah looga qeyb-qaato is bedelada Siyaasadeed, Amni, Dhaqaale iyo Bulsho ee Gobalka ka socda.

2-In la heshiisiiyo Jabuuti iyo Eritrea, kaalin -na ay ka qaataan M.Farmaajo iyo RW Abiy Ahmed.

3-In Mandiqada lagu soo dabaalo Nabad iyo Xasilooni, loona horseedo horumar dhaqaale iyo mid bulsho.

4-In Eritrea lagu soo celiyo IGAD, Afrika iyo Beesha Caalamka, lagana saaro Go’doominta iyo faquuqa.

5-In la xiro xarumaha iyo Saldhigyada Jabhadaha iyo Mucaaradka Somaaliya, Ethiopia, Jabuuti iyo Sudan ee dalka Eritrea.

6-In la isla fahmo qaabka loola dhaqmayo Quwadaha waawayn ee ku loolamaya Geeska Afrika gaar ahaan America iyo China.

7-In la isla fahmo khilaafka ka dhexeeya Carabta iyo faragelinta ay ku hayaan Geeska Afrika iyo dhibaatada ka socota Yemen iyo saamaynta ay ku leedahay Geeska iyo sida ay ugu fashilmeen dawladaha Carabtu gaar ahaan Khaliijka.

8-In dawlad kasta ay aqoonsato Siyaadada iyo Jiritaanka dawlada kale isna wada ixtiraamaan dawladaha Geeska Afrika.

ARIMAHA CABSIDA LAGA QABO WAXAA KA MID AH:

1-In Madaxda Eritrea ay is xigsiiyaan ama si gaar ah ugu dhawaadaan Ethiopia, Somaaliya iyo Jabuutina gaar u riixaan.

2-In Eritrea ay Isarael fursad u siiso in ay soo dhex gasho soona fara geliso arrimaha Geeska Afika, maadaama ay saldhig ku leedahay Eritrea.

3-In Jabhadihii ay Eritrea hoyga u aheed kusoo fidaan Somaaliya haddii xarumaha laga xiro culaysna ku noqdaan sidii dhacday 1988 markii M. Siyaad Barre iyo Mingisto heshiiyeen.

4-In Afawerk iyo Abiy Ahmed u weecdaan ama u bataan dhinaca Emaaraatka, Somaaliya iyo Jabuutina culeys ku saaraan in ay lumiyaan dhex-dhexaadnimadii khilaafka Khaliijka.

5-In M. Afawerk laga bedeli- waayo dhaqanka Jabhadnimada, lana qabsan-waayo Siyaasadaha fur-furnaanta iyo Dhaqaala abuurka Geeska Afrika ka socda.

Hadaba waxaa soo dhaweyn iyo taxadar mudan xiriirka cusub ee u bilawday Somaaliya iyo Eritrea.

W/Q. Mohamed Gacal (Dr Gacal)

Xog ka cusub KHILAAFKA xooggan ee CABDI WELI GAAS iyo R/W KHEYRE

Garoowe (Caasimada Online) – Kadib markii Ra’isal wasaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre cududaar ka bixiyey dorraad ka qayb galka munaasabad dhagax dhig ah ee loo  sameynayey Dekad laga dhisayo Garacad ”Gobolka Mudug” ayaa waxaa soo baxay khilaaf ka bilowdey kaasoo saameyn ku yeeshey kulamo la filayey iney dhexmaraan Puntland iyo Federaalka.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha dowlada Soomaaliya soo kala dhexgaley xiisada siyaasadeed ee ka bilaabatey dhagax dhig loo sameeyey dakad la sheegey in laga dhisayo Garacad. Madaxweyne Farmaajo oo khadka taleefanka kala hadlay Madaxweyne Gaas ayaa sida aan wararka ku heleyno ka codsadey in xiisada uu qaboojiyo.

Dhinaca kale in qayb ka tirsan golaha xukuumada Soomaaliya ayaa shalay waxay ka soo dageen garoonka diyaardaha magalada Garowe kuwasoo qorsheynaya iney ka qayb galaan kulan horey la filayo inuu dhexmaro  golayaasha xukuumada Puntalnd iyo Federaalka.

Xogta ayaa sheegeysa in qaar ka tirsan golaha xukuumada Puntland kulan ay la qaateen Madaxweyne Gaas habeenkii xalay aad uga biyo diidan  qabsoomida kulankaan.

Dhinaca kale Madaxweyne Gaas ayaa shalay ka baaqsadey xaflad qalan jabin ah ee ka dhaceysay jaamacada PSU Halkaas oo uu goob joog ka ahaa RW Khayre.

Xigasho: Garowe Online

Xukuumadda CABDI WELI GAAS oo hoos u dhigtey maqaamkii maalinta P/land

Kowdii August, 20 sano ka hor waa markii la saasey maamulkii u horeeyey ee federaal ah oo ay ku mideysan yihiin shan gobol iyo degmada Buuhoodle, warka laga reebo Bariga Mudug. Sanadkasta tan iyom 1999 waxaa Puntland laga xusaayey maalinta Puntland ee 01-da Agoosto marka laga reebo 2001-2002 oo Puntland xiisado colaadeed ka aloosnaayeen.

01-da Agoosto ayaa ah maalin dastuuri ah oo fasax ah, sida maalmaha kale ee ciidaha.

01-da Agoosto waxay u taagan tahay mid kamid ah calaamadaha ugu weyn ee maamulka Puntland, unkidda maamulkii u horeeyey ee federaal ah yo baadi goobkii dowlad Soomaaliyeed oo lawada leeyahay.

Sida taariikhda lagu hayo 01-da Agoosto waa maalintii u horeysay ee la dhaariyey Baarlamaan Puntland yeelato isla markaana ay yeesheen fadhigoodu u horeeyey iyada oo horey ergooyinku u soo doorteen Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf iyo ku-xigeenkiisi Maxamed Cabdi Xaashi.

Maamulada soo marey Puntland ayaa si weyn ugu kala duwan xuska maalintan oo kale, waxaana xuskii ugu weynaa loo sameeyey sanadkii 1999 oo u ekaa mid milteri iyo sanadkii 2009.

Marka laga hadlaayo 20 guuro waxaa lagu xusaa si ka weyn sidii hore maadaama ay tahay muddo ku filan jiritaan, qaar gaarnimo iyo horumar.

Xusid la’aanta sanakdan ee 01-da Agoosto

Guud ahaan maamulka Puntland ayaan laga dareemin 01-da Agoosto ee ku beegan 20 guuradii Puntland. Marka laga hadlaayo xuska waxaa ku bixi jirey dhaqaale badan kaas oo siyaabo kala duwan loo lunsan jirey, Puntland waxaa ka jira dhaqaale xumo aad u ba’an taas oo sababtey in Dowladdu bixin weydo 2018 oo dhan wax mushahar ah, waxaana dad badan ku doodaan in aan loo baahneyn xus lagu burburiyo dhaqaale si kale looga faa’ideysan karo, waxaa la is weydiinayaa sababta u diidey madaxweynaha in uu xitaa soo saaro baaq tahniyad iyo hambalyo ah haddii uu ka gaabsadey xusbkii uu maalmaha u diyaar garoobayey sababo maalmahan dhashey awgeed.

Booqashada Kheyre

Waxaa jira wraar ilaa maanta ka soo baxayey qaar kamid ah Golaha Wasiirada ee Xukumadda Cabdiweli Cali Gaas kuwaas oo sheegay in Raysalwasaare Kheyre dartiis loo baajiyey xafladdii 20 guurada ee Puntland ee raysalwasaaruhu u yimid in ay ka qayb-qaataan, maadaama uu ka baaqsadey in uu ka qaybqaato dhagax dhigga Dekadda la sheegay in laga dhisaayo Garacad oo lagu marti-qaadey.

Haddaba waxaa is weydiin mudan 01-da Agoosto miyaaney ahayn maalin dastuuri ah maxaa isku xirey xuska 01-da Agoosto iyo Raysalwasaare Kheyre.

10 bilood ee la soo dhaafey ayey u ahayd xukumadda Cabdiweli Cali Gaas kuwii ugu xumeyd ee soo mara, bishii Dismeembar 2017 waxaa baaqdey bandhig uu Madaxweynuhu ku sheegi jirey isla xisaabtan oo qalin iyo waraaq la hor fariisan jirey isla xukuumadiisa kuwaas oo soo bandhigi jirey wixii u qabsoomay sanadkaas, bandhiggan ayaa u ahayd Madaxweynaha waxybaaha ugu waaweyn ee uu ku faani jirey, inkasta oo xukuumaddu ay ahayd cid ka madaxbanaan sida Baarlamaanku in ay la xisaabtamaan.

Sideeda janaayo 2018 oo ahayd maalin kale oo aan dastuuri ahayn laakiin Madaxweynuhu xusi jirey maalintii loo doortey xafiiska ayaa sanadkan baaqatey kadib markii Somalilaan ay caasimadda Puntland kaabiga ku soo qabteen duulaana kula wareegeen Tukaraq.

Bishii May 14 iyo 24 keedi waxaa Tukaraq ka dhacay dagaalo culus kuwaas oo sababey dhimasho iyo maxaabiis la kala qabsado, laakiin aan Puntland u horseedin guul ay Somaliland uga saarto gobolka Sool.

Ugu danbeyntii baaqashada xuska 01-da Agoosto 2018 ee labaatansano guuradii Puntland ayaa noqoneysa markii u horeysey iyada oo wax xiisad ah ama siyaasad iska soo horjeeda aysan Puntland ka jirin, iyada oo weliba uu Garoowe ku sugan yahay Raysalwasaarihii Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaaliga ah.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Sawirro: R/W KHEYRE iyo FAROOLE oo markii ugu horeysay kulan yeeshay

Garoowe (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha XFS Xasan Cali Khayre oo ku sugan magaalada Garoowe ayaa booqasho aan sidaa loosii shaacin ku tagay Hooyga uu magaaladaasi ka degan yahay Senator C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole.

Ra’isul wasaare Xasan Kheyre ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay hooyga Faroole waxa ayna labada mas’uul halkaa ku yeesheen kulan muddo qaatay.

Ra’isul wasaare Kheyre iyo Sanator Faroole ayaa waxa ay kulankooda uga wada hadleen arrimo badan oo ay ka mid yihiin adkeynta dowladnimada, arrimaha doorashooyinka ee maamul goboleedyada iyo dadejinta wada hadalka Somaliland.

Sanator C/raxmaan Faroole oo la hadlay saxaafada kulanka kadib ayuu yiri “Ra’iisul wasaaraha ayaa gurigeyga igu soo booqday, waxaan ka wada hadalnay arrimo badan oo ay ugu horeyso dib u heshiisiinta dalka, waxaan isla soo qaadnay wada hadalka Somaliland sidii loo dadejin lahaa”

“Waxaan rajeyneynaa in Ra’iisul wasaaraha uu ka dhabeyn doono dhammaan arrimahaasi ee aan sida gaarka ah uga wadahadalnay anagu waxaanu dooneynaa in dowladnimadu gaarto heer wanaagsan”

Sidoo kale, Senator C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole oo mar soo ahaa Hoggaamiyaha maamulka Puntland ayaa carab dhabay in rajadiisu ay tahay mid wanaagsan isla markaana uu Ra’isul wasaaraha dhaqan galin doono miraha kasoo baxay wadahadalkooda.

Khayre ayaa booqasho todobaad qaadatay iminka ku jooga magaalada Garowe, halkaasi oo maanta oo la qorsheynayo inuu ka dhaco shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya.

 

HOOS KA DAAWO SAWIRADA KULANKA 

JABUUTI oo madaxweyne FARMAAJO ka dooneysa laba arrin midkood (Aqriso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Jabuuti ayaa markii ugu horeysay godob siyaasadeed ka tirsatay dowlada Somalia ee uu hogaamiyo Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Jabuuti waxa ay sheegtay in Somalia ay u muuqaneyso mid uga hiilineysa dowlada Eriterea hayeeshee la doonaayo inay ka laabato dalabka Madaxweyne Farmaajo ee ahaa in cunaqabateynta laga qaado Eriterea.

Dowlada Jabuuti waxa ay kaalin weyn kaga jirta dowladaha gurmadka u fidiyay Somalia tan iyo wixii ka danbeeyay burburka Somalia.

Jabuuti waxa ay ku andacooneysaa in wakhtibadan ay u hurtay Somalia si ay uga ambaqaadi laheyd halka ay dhowr sano ka hortiilay, hase yeeshee dowlada Somalia oo ay ku badan tahay dhaliilaha ayaan ka fiirsan ilaalinta shacuurta dowladaha kale ee saaxiibada la ah.

Jabuuti waxa ay fileysay in Somalia ay ku doodi doonto in marka hore Eriterea ay dib u celiso dhulka ay ka heysato Jabuuti, balse ma noqon sida ay arrinku mooday, waxa ayna Farmaajo iyo Afwerki ahaayen kuwo kulamadii dhexmaray uga hadlay arrimahooda gaarka ah.

Waxa ay dowlada Jabuuti siyaasad ahaan is khilaafsan yihiin dowlado dhowr ah oo dhaca Qaarada Africa sida Eriterea iyo Ethiopia oo dhawaan ay ka heshiiyeen khilaafka.

Waxaa muuqaneysa in Jabuuti ay dhowr jeer ku celcelisay in Eriterea oo dal ciidan ah looga qaado dhulkeeda, hase yeeshee ma aysan dhicin in dalabkeeda dhag loo raariciyo.

Haddaba Madaxweyne Farmaajo oo saaxiib dhow la ahaa Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciid Geele ayaa waxaa la gudboon 2 arrin midkood si aan loo didin Jabuuti kuwaa oo kala ah:-

1-In Madaxweyne Farmaajo uu raali galin degdeg ah ka bixiyo dalabka uu aduunka u jeediyay ee ahaa in cunaqabateynta laga qaado Eriterea.

2-In wadahadal iyo waan-waan degdeg ah uu ka dhex bilaabo Eriterea iyo Jabuuti, isagoo adeegsanaya dowladaha saaxiibada la ah labada dal sida Ethiopia, Ugandha, Kenya iyo Sudan.

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo oo dhaliisha kaga imaaday dowlada Jabuuti ku noqotay mid lama filaan ah ayaan la garan doonin waxa uu ka yeeli doono carada kaga imaaday Jabuuti.

Si kastaba ha ahaatee, inta badan dowlada Somalia ayaan xor u aheyn cabirka aragtida, iyadoo ay hubaal tahay in dhaliilo heer xun gaari kara ay kaga imaaneyso dowladaha kale maadaam Somalia tahay mid aan isku filneyn.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Khilaafka Sacuudiga iyo Qadar oo saameyn ku yeeshay cibaadadii Allah

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Qatar ayaa si caro leh u beenisay warar sheegaya in muwaadiniinteeda ay ka hor joogsatay in ay u safraan dalka sacuudiga si ay uga qeyb qaataan acmaasha xajka ee sanadan 2018-ka.

Qoraal kasoo baxay Qadar ayaa waxaa lagu sheegay in wararkaasi beenta ah ay baahisay dowlada Sacuudiga, hase yeeshee Qadar aysan ka suuroobin in dad cibaado doon ah ay is hortaag ku sameyso.

Mas’uuliyiin ka tirsan wasaarada diinta iyo awqaafta Qadar ayaa sheegay in muwaadiniintooda ay ku guda jiraan safarkooda dalka Sacuudiga si ay usoo gutaan waajibaadkooda, waxa ayna beeniyeen in khilaafka kala dhexeeya Sacuudiga uu saameeyay cibaadada.

Qoraalka Qadar ayaa waxaa lagu yiri “Khilaafka nagala dhexeeya Sacuudiga saameyn kuma yeelan doono arrimaha shacabka iyo cibaadada waana beenineynaa eeda sacuudiga”

Wasaarada ayaa intaa ku dartay in xajka uu ka mid yahay shanta tiir ee islaamka ayna arimahan kala xiriireen dhigooda sacuudiga.

Dowlada Qatar ayaa meesha ka saartay in siyaasada iyo acmaasha lagu waajib yeelay muslimiinta aysan isku xirneyn.

“Qadar ma gaarin heer ay acmaasha la meeldhigto siyaasada, shacabkeenu kama hor joogsan xajka mana dhici doonto”

Sidoo kale, dowlada Sacuudiga ayaa gudaha asbuucan shaacisay in dalkeeda uusan soo gaarin muwaadiniinta u dhashay Qatar ee gudanaya waajibaadka,sida uu sheegay Khalid bin Faisal Al Saud oo ka hadlay arimaha xajka.

Si kastaba ha ahaatee, dowladaha Qadar iyo Sacuudiga oo khilaafkooda uu meel xun gaaray ayaa waxa uu xiriirkooda xumaaday bartamihii sanadkii la soo dhaafay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Akhriso khudbadii cajiibka aheyd ee Isaias Afwerki u jeediyay waftigii Farmaajo

Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed,

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya,

Marti sharaf,

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Waxaan dareemayaa farxad aad u weyn markii aan soo dhaweynayo – anigoo ku hadlaya magaca dadka iyo xukuumadda Eritrea  Xidhiidhada taariikhiga ah ee u dhexeeya dadweynaha Ereteriya iyo Soomaaliya waxay ku lug leeyihiin muwaadiniinta ka soo baxay Geeska Afrika qaybta koonfureed ee Jasiiradda Carabta  iyo  Waqooyiga Afrika ka hor intaanay soo galin gumeysiga Galbeedka ee gobolka. Intaa waxa dheer  ka dib markii bilawgii gumeysiga reer galbeedka, wada-xaajoodka iyo addoonsiga saaxiibtinimada iyo midnimada labada dadkeena waxaa lagu xoojiyey marxalado kala duwan iyo qaabab iska caabin ah oo ku saleysan xukunka.

Muddadii dagaalkii qaboobaa ee ku soo kordhay kadib markii la joojiyay, xidhiidhka adag ee u dhexeeya labadayaduba waxay gaadheen heerkiisii ​​ugu dambeeyay si ay u noqdaan xidhiidhka ugu dhow ee Geeska Afrika, Waxaanu ku faannaa taariikhdan Ixtiraamka dadka Eretria ee dadka walaalaha ah ee Soomaliya xaqiiqdii waxay ku qanacsan yihiin qaddarintan taariikhiga ah.

Mudane Madaxweyne,

Waxaan wax badan ka bartay caqabadaha horey u soo maray tobankii sano ee la soo dhaafay ka dib dhammaadkii dagaalkii qaboobaa, maaddaama aanu dhammaanteen bilaabannay – sida Soomaaliya, Itoobiya, Ereteriya iyo Suudaan – iyaga oo si xamaasad leh ugu socda dhismaha qaranka iyo markii waxay u aragtay in ay jirto jawi ku habboon isdhexgalka istaraatiijiyadeed ee gobolka.

Dhismaha wadajirka ah waxaa lagu xakumay qowmiyadda iyo qabiilka, iyo burburinta; … horumarinta dhaqaalaha iyo barwaaqada waxaa lagu beddelay iskudhafnimada saboolnimada iyo gaajada oo ay weheliyaan xayiraad dibadeed iyo tuugo gudaha ah midnimada iyo madaxbanaanida dowladaha madaxa banaan ee ay kufilan yihiin micnaha isdaba marinta ee dhex mara hay’adaha Qaramada Midoobey iyo NGO-yada. iskaashiga gobolka iyo isafgaradku uu ku fidiyo dhibaatooyinka xuduudaha iyo dagaalka  nabadda iyo xasiloonida gobolka ee ku salaysan kheyraadka gudaha iyo awoodaha oo ay hoos u dhigtay dhibaatooyinka ba’an ee hoosta ku xusan “nabad ilaalinta” iwm.

Liiska ayaa dheer Marka la eego xaqiiqooyinka dhabta ah, dhexdhexaadinta iyo ballaadhinta gobollada ee magaca diinta, Dhaqanka dhaqameedka, ee fikradaha xagjirnimada kala duwan, argagixisanimada, burcad-badeednimada, tahriibinta dadka, iyo sidoo kale ganacsiga hubka iyo daroogada ayaa noqday New Normal ama “ganacsi sida caadiga ah”.

Dadka reer Eritrea waxay muujiyeen adkeysi aan caadi aheyn oo ay kaga hortagaan in ay carqaladeeyaan dhamaan noocyada kala-dambaynta ah ee lagu soo diray. Way ka adkaadeen xitaa xadgudubyada iyo cadaadiska ay u geysteen iyaga oo aan loo ogolayn. Dadka Itoobiyaanka ahi waxay ku guuleysteen siyaasadda qowmiyadaha  iyo shuruucda shisheeye. Waxay horay u socdaan si deg deg ah oo loogu talagalay iskudhafinta iyo xoojinta nidaam siyaasadeed oo heer qaran iyo mid siyaasadeed oo sax ah.

Shaki kuma jiro in dadka Soomalidu ay sida ugu dhakhsaha badan ula safrayaan dadka Itoobiya iyo Eritrea.

Mudane Madaxweyne,

Aniga waxaan mar kale ku celin doonaa xukunkayga ku saabsan waxtarka go’aanka ah ee dadka Soomaaliyeed ee ku jira mashaariicda waawayn ee aan si wadajir ah u shaqaynayno. Markaan tixraacayo, waxaan idiin rajeynayaa guusha ugu wanaagsan ee aad ku jirto dadaalkaaga aadka u culus si aad uga gudubto caqabadaha hortaagan iyo kor u qaadista iskaashiga labada dhinac iyo gobolka ee dhinacyada dhaqaalaha iyo ammaanka Waan ku mahadsanahay.

W/T: Cabdiraxmaan Rashid Axmed (Dalmar)
Suxufi madax banaan
Emil: [email protected]

Sawirro: Dowladda India oo dowladda Somalia ku wareejisay deeq caafimaad

Dowladda Hindiya  oo kamid ah dowladaha xeriirka dhaw la leh Soomaaliya ayaa deeq kala duwan  ku wareejisay Xukuumadda Federalka Soomaaliya waxaana deeqda ay isugu jirtay daawo iyo lacag.

Safiirka Hindiya u fadhiya Soomaaliya Ms. Suchitra Durai oo booqasho ku timid Magaalada Muqdisho ayaa deeqdaasi oo ka koobneyd daaawo dhan 70 Ton iyo hal Million oo doller waxa ay gudoonsiisay   wasiirka wasaaarda Caafimaadka Xukuumada Federalka Soomaaliya Drs Fowsi Abikar Nuur 18 Julay 2018.

Safiirka India u fadhiya Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in ay sii wadi doonaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya iyadoo xustay in deeqday ay ka timid Ra’isul wasaaraha Hindiya Narendra Modi iyo wasiirka arimaha dibadda ee dalkaasi  Mss Sushma Swaraj si Soomaaliya loo caawiyo.

Goobta deeqda dowladda india ay ugu wareejineysay Soomaaliya waxaa goob joog ka ahaa xubno iyo saraakiil ka tirsan xukuumadda Federalka Soomaaliya gaar ahaan Mas’uuliyiin ka socotay wasaarada Caafimaadka waxaana kamid ahaa Agaasimaha wasaaradda Dr. Abdullahi Haashi iyo wasiirad Fowsiyo Abiikar Nuur.

Dowladda Soomaaliya ayaa ka mahadcelisay deeqdan ay soo gaar siiyeen dowladda India oo gacan weyn ka geesaneysa in wax loogu qabto bulshada Soomaaliyeed ee u baahan daryeel iyo dabiib Caafimaad.

Sababta gobolka SOOL uu saamigiisa Somaliland ku waayey & Galayr oo lahaa…

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyihii ugu horeeyey ee Komishanka Doorashooyinka Somaliland Cabdilaahi Cabdi Xaaji Cumar (Cabdilaahi Jawaan), ayaa ka hadlay tabashada saami qaybsida ee Beelaha darafyada, ee Doorashada Golaha Wakiilada, iyo Kootada loo qoondeeyey Haweenka iyo Beelaha laga tirada badan yahay, waxaanu xusay in aanay suurtagal ahayn in saami qaybsi wakhtigan la sameeyo, Kootana loo qoondeeyo Haweenka iyo Beelaha laga tirada badan yahay.

Mudane Cabdilaahi Cabdi Xaaji Cumar (Cabdilaahi Jawaan), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay Shirka Ceel-afweyn iyo qodobo kale, waxaanu ugu horeyn uu yidhi “Qof waliba si buu wax u arkaa, maalin dhawayd waxaan daawanayey Prof:Axmed Ismaaciil Samatar Iyo nin kale oo ka hadlaayey Boorama, oo lahaa si cadaalada waxba looma qaybsan, had iyo goor waxa carabka lala dhacaa Beesha Dhexe, wax dheeraad ah oo ay sidato Beesha Dhexe oo Golaha Wakiilada ahi ma jirto, Golaha Wakiiladu wuxuu ku saleeysan yahay 33 kursi ee 1960 ee ahaa 2.5, sidaas ayuu Kursi waliba maanta u joogaa, wey jiraan in meelaha qaarkood aanay helin kuraastii ay xaqa u lahaayeen gaar ahaa Gobolka Sool, oo kuraastii ay heli lahaayeen ee Golaha Wakiilada waxbaa ka maqan, taas Somaliland may sameeyan, laakiin dadka deegaankaas ayaa sameeyey oo Doorashadii diiday, oo heshiiskii iyo nidaamkii Doorashada, iyaga ayaa diiday, oo yidhi geli mayno, waxyar baa ka galay.”

Mudane Cabdillaahi Jawaan, oo ka hadlaya sababaha keenay in gobalka Sool uu waayo saamigii uu ku yeelan lahaa golaha wakiillada oo sax ah, ayaa yidhi, “Komishankii ugu horeeyey ee Doorashada, oo aan ka mid ahaa aniga, ayaaba gacanta ku haynay, markaas waxaanu isla garanay waxan la yidhaahdo is xanbaarka, oo Rag aan la soo dooran oo liis lagu soo qoray, inay mataalan, dadkii aanay deegaanadooda Doorashadu ka dhicin, Sool iyo Sanaag Barri, oo Sanaag Barri, Doorashadu wey ka dhacday. Laakiin in Sool, waxaa la isla garay in dad Wakiil ka ah dadka Deegaankaas golaha lagu soo daro.

Markaas Gobolkan Sool waxa ka maqan dad badan oo miisaankooda leh, marka loo eego 1960, arintana Beesha Dhexe kumay sameyn, cid kalena kumay samayn, ee is afgaran waagii iyo diidmada aanay berigaas doorashada aanay caadi u galin ayaa keentay. Imikana haddii ay doorashadii caadi u galaan, waxaan filayaa inay helayaan waxay doonayaan.”

Waxa kale oo uu siyaasi Cabdillaahi Jawaan ka hadlay, in doorashada Somaliland aanay ku salaysnayn qaabka ah saamiqaybsi dhinaca qabiilka ah, balse ay ku salaysantahay goballo, isaga oo arrintaas sharraxayana waxa uu yidhi, “Asal ahaan doorashadu waxa ay ku saleeysantahay qabiil ma’aha, waa goballo. Waxa ay doorashadu ku saleeysan tahay lixdii degmo ee uu Ingiriisk u tagay. Lixdaas degmo ayaa lix Gobol loo bedelay, sidaas ayaa Doorashada lagu qabtay” ayaa uu yidhi, isaga oo ka hadlaya, taladiisa ku aaddan xaaladda saamiqaybsiga ee hadda jirta iyo doorashada gelitaankeedana waxa uu intaas ku sii daray, “Aniguna waxaan ku talin lahaa in inta la helayo tirikoob sax ah in Doorashada sidii hore lagu galo”.

Cabdilaahi Jawaan mar uu ka hadlaayey Gobolka Maroodi-jeex ayaa yidhi “Gobolka Maroodijeex qof walba uu iska sharixi karaa, laakiin waa Gobolka dulmiga ugu badan saaran yahay, sababtoo ah ninka lix kun oo cod keenay ayaa cod waayey, tusaale Wali Axmed Xaawa, oo Khadar Amasadoor bedelay, codkiisu wuxuu ahaa lix kun oo wax yar dhiman, haddana uu waayey kursigii, wuxuu ahaa sugaha kowaad ee Xisbiga UCID. Khadar Amasadoor markii uu is casilay, ayuu Barlamaanka soo galay Wali Axmed Xaawa.

Markaas cida ugu dulman, ee kuraas badani ka maqan yihiin haddii dadka loo qaybiyo, waa Caasimadda iyo Gobolka Maroodijeex, haddana qaylada waa lagaga badan yahay. Markaas meelna yaanay qaylinine, ee aynu iimaansano oo salka aynu arintan u dhigno. Nin cid bariis siinayaa cid kale ma jirto, ee ninka Barlamaanka galaa, ee reer, qoys iyo qabiilna, midna wax siin maayo, Sharciyada ay dajinayaana waa Sharciyo dalka oo dhan khuseeya. Waana Sharci qaranka oo dhan ka dhexeeya, ee Sharci u gaar ah Boorama, Saylaca, Burco, Laascanood, Berbera, Ceerigaabo iyo Hargeysa ma sameeynayaan”.

Mar uu ka hadlaayey sida la iskugu af gartay in Doorashada Wakiilada lagu galo sidii hore ayaa yidhi “33 kursi ee 1960 kii; Hargeysi todoba ay lahaan jirtay, Burco waxay lahaan jirtay lix kursi, afarta kalena wey sinaayeen oo mid waliba shan bay lahayd, muran kamuu jiri jirin,  waxaana sidan lagu galay  Doorashada 1960, axa lagu galay Doorashadii 1964, waxa lagu galay Doorashadii 1969. Burco markii la joogayna (Shirkii Burco ee 1991 kii), Cali Khaliif Galaydh ayaa soo jeediyey in sidaas waxa lagu qaybsado, Somaliland baa la aasaasay, waana la isla qaatay, in inta tirikoob la sameeynayo in sidaas hore lagu galana Cali Khaliif Galaydh ayaa soo jeediyey. ALLE ha u naxariiste Cali Faarax Dacar (Gargaar) waa uu ku raacay, si cad iyo sacab ayuu Golihii ku qaatay, sidaas ayuuna ku saleeysan yahay Barlamaanka fadhiya”.

Mar uu ka hadlaayey Kootada loo qoondeeyey Haweenka iyo Beelaha la hayb sooco ayaa yidhi “Waa tii maalin dhawayd Xukuumaddu gudbisay in wax loo qoondeeyo Haweenka iyo Beelaha laga tirada badan yahay, Caalamkana cid meel wax loo dhigo, ama cidaas waa laga badan yahay ee kursigaas ha loo dhgo ma jirto. Laakiin dadka codka laga helay, waa inay xuquuqdoo helaan oo aanay waayin, dadka ka helayna, waa inay si siman ugu shaqeeyaan dadka. Laakiin Haweenku waa tirada ugu badan dadka, tusaale ahaan Mareykanku naxariis iskumu galin oo  Hillary Clinton waxay la tartamaysay Trump, ee lama odhan Hillary Clinton, waa haweenay ee ha loo naariisto. Barlamaankana la iskuma naxariisto, meel walbana inanka iyo inantu wey tartamayaan, anagu markii aanu Komishanka ahayn, nin aqoonyahan ah oo imika Safiir Hindiya uga ah dalkiisa, oo naloo soo kireeyey, ayaanu nagu Dastuurka iyo Xeerka Doorashooyinka nagala soo tali, I siiya ayuu yidhi, markii aanu siinay, wuxuu yidhi haddii aydaan bedelin Dasuurkiina Xeerka Doorashada, oo aad isku daydaan inaad badashan, waxaad meel kaga dhacaysaan xuquuqda muwaadiniintiina, wuxuuna tilmaamay in Doorashada rag iyo haweenba loo siman yahay. Wuxuu yidhi haddii la doonayo in haweenka iyo dadka laga tirada badan waa inay Xisbiyadu sameeyaan liis oo ay ku soo daraan Musharixiintooda, laakiin qoodo loo sameeyaa Dastuurkiina iyo sharcigii Doorashada ay lid ku tahay buu yidhi. Doorahadii hore qabiil laguma galin ee Xisbiyo ayaa lagu galay, madaama aan Doorashada waayo-arag ku ahay, waxaan ku talin lahaa in Xisbiyada laga daayo, in dadka ay soo xulayaan ay qabiilku u soo xulaan, oo reer baa odhanaya hebel baanu soo saarnay.

Si aanay Xisbiyadu u baabin awooda xulashada dadka la sharaxayo waa in Xisbiyada loo daaya, markaas buu Xisbiyadu qiimo yeelanayaan, oo qabyaaladu yaraysaa, is aragii iyo is toocsigii dadka ayaa yaraanaya, oo tartan xalaal ah ayaa la gali sidii hore, laakiin qabiil ayaa imika dib loogu noqday, oo reer walba wuxuu leeyahay hebel baanu soo saarnay, taasina waa xaaran, Dimuqraadiyada waa ku xaaran in qabiil wax lagu soo xulo, ee Xisbiyada awooda xulashada musharaxiinta dib ha loogu celiyo, ee Xukuumadda iyo Golayaasha Sharci dejintaba waxaan leeyahay, waa in Xisbiyadu Musharixiintooda ku soo darsadaan Haween iyo Beelaha laga tiradan badan yahay, haddii ay noqoto Doorasho Barlamaan iyo Doorasho Deegaanba”.

Mar uu ka hadlaayey Saamiga Xukuumadda ayaa yidhi “Saamiga Xukuumadda, waxa ku shaqo leh Madaxweynaha hadba la doorto, qabiilba waxa lagu qaybiyo, ee waa in cadaalad wax loo qaybiyo, haddii cadaalada la dhawrana cid waliba wax bay helaysaa”.

Cabdilaahi Jawaan mar uu baaq u diraayey Xukuumadda iyo Xisbiyada ayaa yidhi “Waxaanu ku jirnaa marxalad adag, oo Adduunka iyo Geeska Afrikaba ay ka socdaan is bedelo xawliya, aada ku socda, is bedelkaas xaawliga ku socdaana wuxuu leeyahay feejignaantiisa, taxadirkiisa iyo in la adkeeyo isku duubnaanteena qaranimo, Xukuumadda haddii ay tahay, Mucaaradka haddii ay tahay, Muxaafidka haddii ay tahay, iyo umadda reer Somaliland haddii ay tahay, inaynu is midayno ayaa loo baahan yahay, Siyaasad ahaana yeynaan cidla ka taagnaan dabaylaha iyo is bedeladaas dhacaya, wixii ugu haboona waa inaynu la jaanqaadna, oo aynu doorkeena ka qaadana, sidaas ayaana u soo jeedinayaa Xukuumadda, Xisbiyada, Golayaasha iyo Shacabkaba”.

Cabdilaahi Jawaan mar uu ka hadlaayey Shirka Ceel-afweyn ayaa yidhi “Shirkaas sida wanaagsan ee Culimadu gacanta ugu hayso waxaan rajaynayaa in lagu guulaysan doono, oo waddadii ay Somaliland xalka ku gaadhi jirtay ayuu hayaa, khalad uu dhacaa, laakiin haddii uu garawshiiyo yimid oo labadii dhinacba garawshiiyo muujiyeen,guul buu ku dhammaan doonaa,maantana intii umadda ugu mudnayd, ama ugu aqoon roonayd, gaar ahaan Culimada Diinta, ee gacanta ku haya, ee yidhi Shareecada Diinta islaamka baanu ku saleeynaynaa go;aanadayda, Shirkani wanaag, is afgarasho iyo is aqbalaad,  buu ku dhammaan doonaa insha allaah, iyo nabad waarta oo labada beelood ee walaalaha ku wada nooladan, Xukuumaddana waxaan ku bogaadinayaa oo aan uga mahadnaqayaa talaabada ay qaaday ee ay ku ka faalo qaadatay 30 caruura ee agoonta ah, waxaan kale oo aan aad ugu mahadnaqayaa Odayga la yimid go’aanka milgaha iyo sharafta leh, ee uu ku saamaxay imanadiisa la dilay, ifkana sharaf iyo wanaag buu ka kasbaday, akhirana insha allaah jano iyo maca rasuulka ayaanu ugu ducaynaynaa”.

DUUB dhaqameed ma leeyahay door siyaasaded

Waxaa cad ineey soo xoogeysano ku milmidda siyaasadeed ee duub dhaqameedyada sidii dagaaladii sokeeye ay uga bilaabmeen Soomaaliya. Arinkaan waxeey soo fool saartay Soomaliweyn oo idil, hase ahaate beryahaan dabme waxeey si toos u saameysaa Beesha Mudulood oo aad dareemi karto jahowareerka ay keentay ka talinta arimaha siyaasadeed oo ay duub dhaqameedyada hogaamiyaan. Waxaa muuqda fikradaha siyaasadeed ee duub dhaqmeedyada Mudulood qaasatan Beesha Abgaal Cismaan in aysan ka turjimaynin danaha gaarka ah, taaso sababtay xaquuqdii dastuuriga ee beelahodii oo lunta, ha ugu horeysee mataladda siyaasadeed ee Gobalka Banaadir iyo kuwa kaleba.

Dib u dhaca xaquuq helidda Gobalka Banaadir waxaa loo sababi karaa hormuudka duub dhaqameedyada iyo ka ariminta siyasadda oon aheyn doorkoodi beesha ay ku mateli lahaayeen. Waxaa daliil u ah horbood-koodii ee shiraarkii Garoowe I iyo Garoowe II ee lagu marin habaabiyey umadda Somaaliyeed sababtayna ansixinta dustuurka lidka ku ah danaha bulsho-weynta ay matalaan gaar ahaan qodob kusheega 9aad “Maqaamka magaala madaxda Federaalka Soomaalya waxaa go’aan looga gaari doonaa dib u eegista dastuurka”. Ma la dhihi karaa duub dhaqameedyada saxiixay ogolaadeyna qodobka 9aad ay ka liitaan Af-Soomaliga fahankiisa iyo jawiga siyaasadeed!

Waxaa taas sii dheer in duub dhaqameedyada ay soo xulaan xildhibaanda metala belahooda ayagoon khibrad u laheyn maamul siyaasadeed.

Xildhibaanada metala Beesha Mudulood qaasatan Abgaal Cismaan, waxeey u badan yihin ganacsato ku ilaashada xilka danoohada gaarka ah oo marnaba u taagneyn danaha bulsho-weynta ay matelaan.

Markaad hesho fursad aad ugu tagto xildhibaanada ay duub dhaqmaeedyada soo xuleen ee metala beesha Mudulood oo aad u sheegto dhibka beesha si ay wax uga qabtaan una gutaan masuuliyadda saaran, jawaabtoda ugu horeyso waxay tahay “saaxiib aniga kursigaan lacagteyda ayaan ku gatay ee nac-nacda igala tag”. Lagama yaabo inaad xildhibaankii ku matali lahaay aad khadka telefoonka kula hadasho, xafiis aad uga tagtaana waa mid aan ku dhicin si fudud.

Waxaa is weydiin leh, maxaa gudboon oo ay Beesha Abgaal ku dhaqaaqi kartaa?

Berisimaadkii ayaa waxaa dhacday in Cali Maxamed Hiraabe (Cali Hagareey) iyo AUN Maxamuud Axmed Maxamed (Kutubo Xoor) oo ahaa labo xildhibaan ee Dowladii Rayidka kana tirsanaa xisbiga leegada “SYL” ay isku qabsadeen kii noqon lahaa musharaxa koowaad ee doorashadii 1968 dalka ka dheceysay. Markii ay isku mari-waayeen ayaa waxa loo yeeray AUN Imaam Cumar Imaam Cali Cubeyd , si uu u kala saaro, waxaan la dhigay gogosha deegaanka Cadale . Hadaba markii la qadeeyey ayaa shirkii loo fariistay si Imaamka loogu sheego waxa loogu yeeray, waxaana lagu yiri Imaamka waxaan kuugu yeernay inaad kala saarto Cali Maxamed Hiraabe (Cali Hagareey) iyo AUN Maxamud Axmed Maxamed (Kutubo Xoor) qofkii laga dhigi lahaay musharaxa kowaad ee doorashade soo socota ee xisbiga “SYL”.

Allaha u naxariistee, Imaam Cumar waxa uu yiri marka hore Faataxada noo mara, kadib markii Faataxada la maray ayuu wuxuu dhahay “in aan leego aan kala saaro Abgaal iima duuban” waana uu ka kacay gogoshii. Imaam Cumar oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu yiri “Leego maaha beelaha Soomaaliyeed ee wada hadalka naga dhexeeyo”.

Duub dhaqameed wuxuu ka taliyaa goob xoolo lagu dhaqo, beer lagu tacbo, ama xaajo beeleed lagu gorfeeyo shaqana kuma laha siyaasad iyo maamul dawladeed.

Oraah Soomaliyeed ayaa dhahaysa “Duub Tuf Maahinee Talo Siyaasadeed Ma Laha”.

Wararkii ugu dambeeyey qaraxa Buuhoodle iyo magacyada siyaasiyiinta lagu dilay + Sawirro

Buuhoodle (Caasimada Online) – Sida aanu horay u baahinay waxaa Caawa Salaadii Makhrib kadib magaalada Buuhoodle  ka dhacay Qarax gaystay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, Waxaana kasoo baxaya Faah faahin dheeriya sida wax u dhaceen.

Naftii halige isasoo miidaamyey ayaa isku qarxiyey baabuur ay saaraayeen masuuliyiin isugu jira siyaasiyiin, saraakiil ciidan iyo odayaal deegaanka ah, waxaana  Waxaa loo badinayaa in bartilmaameedku ahaa masuuliyiinta baabuurka saaraa oo kala ah.

Cabdifataax Maxamed Cali (Rotman) oo soo noqday lataliyaha Ra’isal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid oo arimaha siyaasada uu kala talin jirey, Axmed Maxamuud Doolaal oo ahaa wasiirkii hore ee armaha gudaha Khaatumo iyo Col Cabdiraxmaan Cabdilaahi Axmed Nuur (Afweyne) oo kamid ah saraakiisha ciidamada Gobolka Cayn.

Baabuurka ayuu is hortaagey naftii haligaha qaraxa fuliyey kadibna baabuurka ayaa istaagey sidaas ayuuna isku qarxiyey.

Khaasare dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxa waxaana la xaqiijiyey geerida AUN Cabdifataax Maxamed Cali (Ina Rotman) iyo Axmed Maxamuud Doolaal oo soo noqday wasiirkii arimaha gudaha Khaatumo.

Waxaa la helay Maydka qofka loo malaynayo inuu is qarxiyey oo wajigiisu badqabo halka jidhkiisa kale googo’ay walina ma jirto cid aqoonsatay qofka uu yahay wajigan la helay ee qofka wax qarxiyey.

Waxaa dhaawac sahlan soo gaarey Yuusuf Cismaan Baxnaan (Dhagcas) oo kamid ah odayaasha deegaanka sida weyn looga yaqaano, iyo Col Cabdiraxmaan Afweyne oo isagu dhaawac sahlan qaba iyo darawalkii baabuurka masuuliyiinta waday.

Buuhoodle loogama baran falalka noocan ah bulshada ayay anfariir ku noqotay dhacdadan aadka looga naxay waxaana kumanaan qof ay buux dhaafiyeen meesha qaraxu ka dhacay iyadoo markii danbe ciidamada amaanku rasaas ku kala didiyeen dadka meesha isasoo dhoobay.

Warbixinta | Khadar Cawl Ismaaciil, Kalshaale.com

Siyaasiyiinta Puntland ugu caansan oo qoraal 6 qodob ah ku weeraray KHEYRE

Garoowe (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka kasoo jeedda degaanada maamulka Puntland ayaa eedeyn u jeediyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo hadda ku sugan degaanada Puntland.

Waxaa ay sheegeen in ay tahay wax laga xumaado in Madaxweynaha Puntland uu dhagax dhigo Dekedda Garacad, iyadoo oo Ra’iisul Wasaare Kheyre uu ku sugan yahay degaanada Puntland.

Waxa ay sheegeen in lagu qanci waayay Kheyre in uu taggo degaanka Garacad ee gobolka Mudug oo uu dekedda Dhagax dhigo.

War kasoo baxay Dallad ay ku mideysan yihiin Siyaasiyinta kasoo jeedda degaanada Puntland ayaa lagu sheegay in ay tahay Nasiib daro weyn Kheyre in  uu diido horumarinta Puntland.

“Waxay Puntland Focus Group aad iyo aad uga xunyahay in Raysal Wasaare Xassan Khayre oo booqasho rasmi ah ku jooga Puntland uu diido ka qayb-galka iyo dhagax-dhigga mashruuca Dekedda Garacad oo ah dadaal reer Puntland si iskutashi ah u wadeen muddo dheer” ayaa lagu yiri Warka.

Waxa ay intaa kusii dareen”Waxaan aad uga xunahay niyad xumadda weyn ee ay arintani ku ridey shacabka reer Puntland”

Hoos ka aqri qoraalka oo dhameystiran 

Arbaca, August 1, 2018.

1 – Waxaa xusid mudan sidii qiimaha badneyd iyo hab-mamuuskii aan kala harka lahayn ee RW Xassan Kheyre loogu soo dhoweeyey Caasimadda Puntland ee Garoowe iyo magaaladda Qardho, taasoo muujineysay xushmadda reer Puntland u hayaan dowladnimada Soomaaliyeed iyo madaxda dalka ee heer Qaran, hase yeeshee ay bedelkeedii hungo ku mutaysteen.

2 – Waxay Puntland Focus Group aad iyo aad uga xunyahay in Raysal Wasaare Xassan Khayre oo booqasho rasmi ah ku jooga Puntland uu diido ka qayb-galka iyo dhagax-dhigga mashruuca Dekedda Garacad oo ah dadaal reer Puntland si iskutashi ah u wadeen muddo dheer.

3 – Waxay artintani su’aal weyn gelinaysaa xiriirka iyo niyadsamida Dawladda Federaalka, Dawladda Puntland iyo shacabka reer Puntland ka dhexeeya.

4 – Waxaan aad uga xunahay niyad xumadda weyn ee ay arintani ku ridey shacabka reer Puntland.

5 – Puntland Focus Group waxaa ay aad iyo aad uga xuntahay in Madaxweynaha Dawladda Puntland awoodi waayey, kuna guul daraystay, in uu ku qanciso RW Xassan Khayre in uu dhagax dhigo Dekadda Gara’cad.

6 – Waxaan shacabka reer Puntland ugu baaqeynaa midnimo, isku duubni iyo isku tashi.

Xubnaha siyaasiyiinta waxay kala yihiin:

Cabdi Faarax Saciid (Juxaa)
Cabdirisaaq Cabdulahi Jaamac (Janagale)
Cali Xaaji Warsame
Faarax Cali Shire
Jamiila Saciid Muuse
Xaji Maxamed Yaasin Ismaaciil
Ciise Maxamud Faarax (Dhollowaa)
Khalif Ciise Mudan
Maxamud Axmad Xasan (Dhagaweyne)
Saciid Cabdullahi Deni
Dr. Maxamed Salaad Qoryooley

Aqri jawaabihii laga bixiyey hadalkii Juxa ku weeraray Kheyre ee qaado-quuriwaa

Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa si weyn bulshadu u hadal haysaa hadalkii xalay uu bartiisa Facebook soo dhigay wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Cabdi Faarax Siciid Juxa ee uu ku dhaliilay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Juxa oo hadda ah murasharax u taagan xilka madaxtinimo ee Puntland ayaa ku dhalliilay Xassan Cali Kheyre ka baaqashadiisii degmada Garacad oo lagu dhagax dhigayey dekedda halkaas laga dhisayo.

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha kana tirsanaa xukumadda uu hoggaamiyo Xasan Cali Kheyre ayaa ciwaan uga dhigay hadalkiisa weedhan: Safarkii Khayre ee “Qaaddo- quuriwaa”. Waxaana uu ula jeeday in Kheyre diiday dhagax dhigga dekedda Garacad!

Hase ahaatee, shacabka baraha bulshada adeegsada ayaa si carro leh uga falceliyey qoraalkii Juxa iyaga oo ku tilmaamay hadal aan laga fileyn wasiirkii hore ee arrimaha Gudaha.

Dadka sida weyn u cambaareeyey hadalka Juxa sida ka muuqata qoraalada waxa ay u badnaayeen reer Puntland oo su’aal ka keenay ahmiyadda ay leedahay in xilligan deked laga dhiso degmada Garacad!

FALCELINADDII QORAALKA JUXA!

 

Sawirro: Diyaarad Xamar ka qaaday golaha wasiirada oo ka degtay GAROOWE

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa galabta magaalada Garowe ee caasimadda maamulka Puntland gaaray Wasiiro ka tirsan xukuumada Somalia ee uu hoggaamiyo Ra’isul wasaare Xasan Kheyre.

Wasiiradan ayaa waxaa hoggaaminaayay Ra’isul wasaare ku-xigeenka dalka Avv Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), waxa ayna magaalad Garoowe ku gaaren hal diyaarad oo ka qaaday Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Wasiirada ayaa waxaa Garoonka kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland, Saraakiil ciidan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Wasiirada ayaa lagu wadaa in magaalada Garoowe ay uga qeybgali doonaan shirka Golaha Wasiirada oo magaaladaasi lagu qabanayo maalinta berri ah.

Sidoo kale, shirkan ayaa waxaa guddoominaya Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo maalmo kahor gaaray magaalada Garowe.

Waxaa lagu wadaa in Shirkan ay ka qeyb galayaan Golaha Wasiirada Soomaaliya iyo Golaha Wasiirada maamulka Puntland waxaa looga hadlayaa arrimo badan oo la xiriira xaalada dalka sida ammaanka iyo horumarada dalka.

Waxaa jiray khilaaf halis galiyay inuu dib u dhac ku imaado shirka Golaha ee kadhacaaya magaalada Garoowe, hase yeeshee ugu danbeyntii waxaa xal laga gaaray Khilaafka oo u dhexeeyay Ra’isul wasaare Kheyre iyo C/weli Gaas.

ONLF oo war cusub kasoo saartay kulankii Farmaajo iyo ayaga ee ASMARA..!!

Asmara (Caasimada Online) – Ururka ONLF ayaa qoraal uu soo saaray faah faahin dheer kaga bixiyey kulankii magaalada Asmara ee xarunta wadanka Eritrea ku dhexmaray madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyo sidoo  kale guddoomiyaha ururkan Maxamed Cumar Cismaan.

Qoraalka ONLF ayaa sidan u qornaa:

Markii ay taariikhdu ahayd 28/07/2018, waxaa magaalada Casmara ee waddanka Eritrea ku kulmay Guddoomiyaha Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogaadeenya (JWXO) Admiral Mohamed Omar Osmaan iyo madaxwaynaha dowlada fedaraalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, oo booqasho rasmi ah ku joogay waddanka Eritrea.

Kulanku wuxuu dhacay, ka dib markii madaxwaynaha Soomaaliya uu codsaday inuu la kulmo guddoomiyaha JWXO, si ay uga wadahadlaan dhibaatooyinkii ka dhashay falkii sharci darrada ahaa ee dowlada Soomaaliya ay gumaysiga Itoobiya ugu gacan gelisay halgame C/kariim Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) iyo go’aankii uu Golaha Wasiirradu soo saaray ee ahaa in JWXO ay tahay urur argagixiso ah.

Wadahadal qoto-dheer oo Labada masuul dhex-maray ka dib, wuxuu madaxwaynaha Soomaaliya ka garaabay falkii sharci darrada ahaa ee dowlada Soomaaliya ay kula kacday halgame C/kariim Sh Muuse, wuxuuna sheegay in falkaasi ahaa mid si khalad ah ku dhacay.

Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogaadeenya (JWXO) waxay soo dhawaynaysaa kulanka dhex-maray labada dhinac iyo natiijooyinka ka soo baxay, waxayna rumaysan tahay in kulankaasi uu dhabbaha u xaadhi karo in la wanaajiyo xidhiidhka u dhexeeya JWXO iyo dowlada fedaraalka ah ee Soomaaliya.

Si loo dhammaystiro wixii ka soo baxay kulankaas, waxay JWXO ka sugaysaa dowlada fedaraalka ah ee Soomaaliya inay qaaddo tallaabooyinka soo socda; Inay buriso go’aankii Golaha Wasiirrada ee dowlada fedaraalka Soomaaliya ka soo baxay 06 September 2017 ee ahaa in JWXO ay tahay urur argagixiso ah.

Iyo inay cudurdaar rasmi ah ka bixiso falkii sharci darrada ahaa, oo dhaawac wayn u gaystay halgame C/kariim Sh Muuse iyo dadwaynaha Soomaaliyeed oo dhan, meel kastoo ay joogaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

Saameynta weerarkii ay siyaasiyiinta Puntland ku qaadeen Kheyre iyo hal arrin oo ka dhalan karta

Garoowe (Caasimada Online) – Tan iyo markii uu Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khyre booqday deegaanada Puntland oo uu hadda ku kala bixinayo magaalooyin kale duwan waxa ay noqotay mid muran siyaasadeed abuurtay.

Xasan Cali Kheyre oo booqday Puntland markii ugu horreeysay tan iyo markii loo magacaabay xilkaas, ayaa ku bilowday jawi qurux badan isaga oo loo sameeyey soo dhaweyn heer sare ah.

Yeelkeede, booqashadiisa waxaa bar badow u yeelay siyaasiyiinta Maamulka Puntland oo cambaareyn kala dul dhacay Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Dhalleeceyntan ayaa ka soo bilaabatay hadal u Garacd ka jeediyey Islaan Bashiir Islaan Cabdulle isaga oo tilmaamay in aysan fileyn sida uu u dhaqmay Xassan Cali Kheyre!

Maxaa sabab u ah?

Maalinimaddii salaasada waxaa degmada Garacd laga dhagax dhigay Deked cusub oo halkaas laga dhisayo waxaana ka qeyb qaatay Madaxweynaha Puntland, isimada iyo siyaasiyiin caan ah oo uu ka mid yahay Cali Xaaji Warsame.

Hase ahaatee, waxaa ka baaqday Kheyre oo ay maamulka Puntland filayeen in uu ka qeyb-qaato dhagax dhigga Dekedda Garacad, sababo aan la shaacin awgeed balse loo badinayo in aysan ku jirin qorshihii uu u aaday deegaanadaas.

Cabdi Faarax Siciid Juxa, wasiirkii hore ee arrimaha gudaha ee xukumadda Xassan Cali Kheyre ayaa noqday shaqsigii labaad ee dhaliila Kheyre isaga oo bartiisa Facebook-ka ku soo weeraray.

Waxaa lama filaan noqotay in ay isku wada raaceen Siyaasiyiinta Puntland eedeenta loo jeedinayo Ra’iisul Wasaaraha markiisii kowaad booqashada ku jooga deegaankooda.

War Saxaafadeed ay soo saareen golaha Puntland Focus Group ee ay ku bohoobeen siyaasiyiinta u tartameysa xilka madaxweyne ee Puntland ayaa si adag loogu cambaareeyey ka baaqashadii Raisul Wasaaraha ee dhagax dhigga Dekedda Garacad.

Saameynta ay arintaas ku yeelaneyso booqashada Kheyre ee Puntland?

Eedemahaas sidaas u culus ee ay isku raaceen siyaasiyiinta Puntland iyo isimadooda waxa ay qalbi jab ku abuurtay Kheyre oo aan  fileyn in sidaas ku dambeeyo boqashadiisii hilowga lahayd ee uu ugu ambabaxay Puntand.

Waa eedeemo ay suurtagal tahay in ay bilowdo khilaaf hor leh oo ka dhex dhasha Puntland oo hore caan ugu ahaa hagardaaminta dowladnimada Soomaaliya haddii ay tiisa meelmari weydo in ay xiriirka u jaraan dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Dhacdooyinkan ayaa su’aal ka keenaya hab-dhaqanka Siyaasiyiinta Puntland  maadama markii uu madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo booqday deeganaas si meeqaam sare ah loogu qaabilay oo aysan ka dhalan wax carqalad ah kuna soo dhammaatay guul, farxad iyo reyn reyn!

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]