25.6 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Ciidamada Puntland oo ka baxay Tukaraq + Sababta

Garoowe (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Dhaqan gelinta Dhex-dhexaadintii laga dhexwaday Puntland iyo Somaliland Kadib markii dhowaan ay Garoowe iyo Hargeysa tageen Xubno ka socday IGAD Iyo UNSOM.

Iyadoo Qoraal kasoo baxay uu Nuxurkiisu ahaa “in deegaanka Tukaraq ee dagaalku ka dhacay ay noqoto meel ka caagan ciidamada labada dhinac”

Somaliland waxay oggolaatey in ay dib ugu noqoto halkii ay joogeen ka hor 8 Janaayo 2018, laakiin Puntland oo joogtey 8 Janaayo Tukaraq heshiisku ma dhigaayo inay dib ugu noqon karaan halkaas, waxaana la doonayaa in Tukaraq ay noqoto meel ka caagan ciidamada ama Buffer zone.

HADABA INTAASI KADIB , MAXAA KA CUSUB DEEGAANKA ?

Qodobadii ay beesha caalamku ku dhexdhexaadisay labada maamul ee Puntland iyo Somaliland ayaa qayb ka mid ah dhinaca Puntland laga fuliyey, ilo xog ogaal u ah jiida labada dhinac isku horfadhiyaan ayaa waxa ay xaqiijiyeen in hubkii cuslaa Puntland dib ugu soo celisay magaalada Garoowe iyada oo todobaadka soo socda arrimaha ugu mihiimsan labada dhinac fulin doonaan.

Qodobada ugu horeeya ee la fulin doono ayaa ah in malayshiyaadka labada maamul la kala raro oo mid walba qiyaastii 10-15Km goobaha ay hada kala joogaan laga qaado, si qodobada kale loo fuliyo.

Arrinahan ayaa waxaa iska kaashanaya dawlada federaalka, IGAD, Qaramada Midoobay iyo dawladda Ingiriiska oo balan qaaday in ay bixindoonto adeeg kharashaadka lagu fulinayo heshiiska labada dhinac ogolaadeen.

Maamulka Puntland ayaa bilihii ugu danbeeyey cadaadis lagu saarayey inaanu wax talaabo ah qaadin iyada oo uu Cabdiwali Gaas artintaasi ku guulaystay, ayna yaraatay abaabulkii iyo hadaladii kululaa ee Maamulka Puntland hawada marin jiray.

Ciidamo tiro badan ayaa dib uga soo noqotay goobihii hore loogeeyey iyada ay dib ugu noqdeen magaalooyinkii ay ka yimaadeen, magaalada Garoowena waxaa aad looga dareemayaa ciidankan oo goobaha lagu Qayilo dhooban.

Isha: BoramaNews

Abiy Axmed iyo halista ku sugan deg-degiisa badan

Colaad soo jiitamaysay 20 sannadood, dhimashada 80,000, qaxa boqolaal kun, adeegsiga jabhado la isku afgembiyo, iyo kala qoqobnaanta labada shacab ee isu boholyoobay, Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed waxaa uu, muddo bil gudaheed ah, ku soo afjaray nabaddeyn, oohin kalgacayl, iskaashi iyo gaadada oo uu gaadada u saaro dhiggiisa Madaxweyne Isaias Afawerki.

Durbaba waxa soo yeedhay weedho nabaddeed

“Waxaa aan ku heshiinnay in dib loo furo safaaradahii labada dal, in la isu furo shacabka iyo xuduudaha dalka, in la isweydaarto duulimaadka ganacsiga ee dayuuradaha labada dal iyo in Ethiopia si xor ah uga adeegato dekadaha Eritrea,”ayuu sheegay Abiy Axmed isagoo ku ladhay. “Jacaylka ayaa ka awood badan hubka casriga ah, taangiga iyo gantaalka. Jacaylka oo keliya ayaa lagu hanan karaa quluubta dadka. Maantana, jacayl ayaa ka adeegay, halkan, Asmara.”

Maalin ka dib, safarkiisii taariikhiga ahaa ee uu ku tegay Asmara, weli jidadka iyo farasmagaalaha caasimadda waxaa ka sii babbanaya calanka Ethiopia. Shacabkuna waxaa ay ku luuqaynayaan amaanta madaxda isu soo helowday iyo yididiilada shacabka isu boholyoobay.

Haddaba, tan iyo amintii loo dhaariyay xilka, Abril 2018, Ra’iisal Wasaaraha Abiy Axmed Cali, waxaa uu ku dhawaaqay isbedello aad u culus. Isbedello u muuqda dhuxul danbas huwan, horena ay ugu dhici waayeen xukuumadahii ka horreeyay ee xisbigiisa EPRDF. Abiy Axmed ma aha Males Zanawi. Hase ahaateee, waxaa soo ifbaxday in uu maclinkiisii kaga duwan yahay saxidda waxii ka xumaaday iyo ku dhiirrashada waxii uu ka gaabiyay. Intaa waxaa u sii wehelisa in uu yahay hoggaamiye hore u soo qorshaystay jidka u marayo isagoo, mar kasta, dhawaaqiisa ku ladhay ficillo si xawlo ah ku socda.

Sidaa awgeed, mar kale, Ra’iisal Wasaare Abiy waxaa uu ku dhiirraday tallaabo ismiidaamin ah markii uu ka degay Asmara, magaalo-madaxda Eritrea. Waxaa ka go’nayd nabadayn kama danbays ah in uu kala xaajoodo Madaxweyne Isaias Afawerk. Waxaana uu kala soo ambabaxay guul iyo amankaag.

Dad badan ayaa socdaalkiisa u arka tallabo ay ku dheehan tahay geesinimo taasoo horseedi doonta xasilinta colaaddii ugu ba’nayd ee Geeska Afrika. Balse, xeeldheerayaal kale oo uu kuur gala  gobolka ayaa ku micneeyay qar- iska-xoornimo. Waxaana ay tibaaxeen safarkiisa in uu dacar leefsiiyay, ladhna ku kiciyay qaran-raaca (nationalists) ee qaba in aan si fudud loo lumin dhiiggii tobanaan kun oo ku qudh-baxay dagaalladii labada dal. Kuwaasoo, aaminsan Eritrea in ay ka mid tahay Ethiopia.

Waxaa ay ahayd 6dii June markii Abiy Axmed uu ku dhawaaqay dalkiisu in uu xurmaynayo go’aankii Komishanka Maxkamadda Hague ee Qaramada Midoobay ku kala xadeysay soohdimaha labada dal 2002. Xukunka iyo Dhexdhexaadintii Jazaa’ir waxaa u hoggaansamay xukuumaddii Madaxweyne Males Zenawi. Hase yeeshee Ethiopia waxaa ay hakad gelisay in ay ka kacdo degaanka Badme oo loo xukumay Eritrea.

“20 sannadood oo colaaddu dhex miranaysay labada dal waxaa aan ka dheefnay welwel,” ayuu tibaaxay Abiy Axmed isagoo ku ladhay, “waxaa loo baahan yahay awoodeenna in aan u jeedinno dhanka nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo in aan ka dhex muquuranno colaadda iyo kala qaybsanaanta. Weliba in aan diiradda saarno sidii xididada aan ugu siibi lahayn saboolnimada.”Waxaana uu carrabka ku dhuftay “walaaltinimada” iyo “wada dhalashada” ka dhexaysa labada shacab isagoo hoosta ka xarriiqay in uu u hanweyn yahay iskaashi dhaqaale oo dhex mara Asmara iyo Addis Ababa.

Haddaba, 6dii June, isla markii uu soo yeedhay dhawaaqa nabadaynta Eritrea, dibadbaxyo lagaga soo  horjeedo sida fudud ee Ra’iisal Wasaarahu u maaraynayo degaanka Badme ayaa laga aloosay Dawladda Degaanka Tegrayga. Waxaana Badme lagu sheegay dhul ka tirsan gobolkooda, ayna ku dhaqmaan dadkoodu. Degaankaas Ethiopia waxa ay ku soo ceshatay gulufkii 1998.

Sideedaba, aragtidaa Dawlad Dhexe “Centralist” oo lid ku ah siyaasadda Abiy Axmed waxaa si gaar ah ugu dheggan qoomiyadda labaad ee dalka ugu tirada badan ee Amxaarada. Sidoo kale, waxaa la qaba qoomiyadda ugu tugtugta roon ee Tigrayga oo dalka ka talinaysay waayahii Boqortooyada Axum iyo 27kii sannadood ee u danbeeyay.

Qoomiyadaha Oromada iyo Amxaarada oo ka badan 50% tirada dadweynaha ayaa ahaa kuwa Ra’iisal Wasaaraha u fududeeyay xil aanu tolkiis (Oromo) weligood haweysan. Isbedelka xukuumadda iyo doorashada Abiy Axmed waxaa ka danbeeyay dibadbaxyo is dabajoog ahaa oo dalka ka curtay sannadkii 2015 kuwaas oo sababay dhimashada boqolaal qof iyo xadhiga kumanyaal kale. Inkastoo 2016 dalka lagu soo rogay toban bilood oo Bendoo ah, waxaa ka gilgishay oo aa u jixinjixin kacdoonkii shacabka iyo dhallinyarada Qeerroo ee OromiyaFanno ee Amxaarada iyo Zerma ee Beesha Gurague ilaa, ugu danbeyntii, Feb. 2018 uu iska casilay RW Hailemariam Desalegn markaas oo la soo doortay Abiy Axmed.

Abiy Axmed waxaa loo aqoonsaday isbedel-doon, se marnaba laga ma filayn in uu toban toddobbaad ku fuliyo hawshii laga sugayay sannadaha uu xilka hayn doono. Waxaa uu u gogol xaadhay hannaanka xisbiyada badan, dimuqraadiyad dhab ah iyo xorriyadda erayga. Waxaa uu oodda ka qaaday maxaabiistii u xidhnayd siyaasadda iyo aragtidooda. Waxaa uu laalay xukunkii degdega ahaa. Isla markaana, waxaa uu u guntaday xasilinta nabadda gudaha isagoo markii xilka loo dhaariyay, maalmo gudahood, u kicitamay Dawlad Degaanka Somaalida, Jigjiga, taasoo uu u arkay in ay fure u tahay nabadda gudaha.

Waxaa uu si degdeg ah iyo sida hillaaca socdaallo ugu kala bixiyay Jabuuti, Sudan, Uganda, Rwanda, Kenya, Masar, Somaaliya iyo meel kastoo danta dalkiisu ku jirto.

Waxaa uu heshiisyo ka galay dekedaha Jabuuti, Port Sudan, Mombasa, Somaliya iyo Eritrea oo uu hadda qalinka ku soo duugay. Waxaana uu taageeray heshiiska dalkiisu kula jiro Dekedda Berbera, Somaaliland.

Waxaa uu furfuray dhaqaalahii dalka isagoo dalalka deriska ugu yaboohay in ay wadaag ka galaan shirkadaha yahaaburka ah ee dalkiisa sida Ethiopian Airlines. Ethio Telecom, shirkadaha gaadiidka iyo tamarta oo xukuumaddu gacanta ku hayso. Waxaa uu xilka ka qaaday taliyayaashii hay’adaha amniga sida ciidanka, booliska iyo nabadsugidda.

Haddaba, xawliga isbedel ee uu ku socdo Raiisal Wasaare Abiy Axmed ma laga yaabaa in uu u horseedo kuf iyo burbur mar haddi uu si toos ah ugu horyimid madaxdii ciidanka, siyaasadahii Qoomiyadaha Amxaarada iyo Tegrayga oo ka soo horjeeda nabadaynta Eritrea iyo weliba furfurka dhaqaalaha oo saamaynaya maalqabeenka dalka ee ku tanaaday kootada iyo nidaamkii dhaqaale oo iyaga u xidhnaa?

“Shacabka Eritrea maanta waxaa ay fursad u heleen in ay cabbiraan jacaylka dhabta ah ee ay u hayaan walaalahooda Ethiopia,” sidaa waxaa ku tiraabay Madaxweyne Isaias Afawerk xilligii cashada, waxaana u ballanqaaday in ay si wadajir ah ugu hortegi doonaan ciddii ka hortimaada go’aanka. “Waxaana aan malayn karaa culayska Ra’iisal Wasaarahu ku qaatay go’aankan. Se waxaan u ballan qaadaynaa in aan la wadaagno dhibaato kasta oo soo wajahda.”

Dhinaca kala xeeldheerayaasha ka faallooda arrimaha gees ayaa digtooni ka muujiya tallaabooyin Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed.

“Tallaabo kasta oo uu si degdeg ah u qaaday shacabku aad ayay ugu naaloodeen,” ayuu sheegay Awol Allo, oo u dhashay dalka sharcigana (law) ka dhiga jaamicadaha Britain. Balse, waxaa uu walaac ka muujiyay degdega uu ku socdo isbedelku.

“Waxaa aan ka welwelsan ahay sida degdega ah ee uu isbedelka u boobsiinayo iyadoo dalka aanay ka jirin hay’ado dimuqraadi ah oo difaaca siyaasadiisa iyo waxqabadkiisa horusocodka ah.” “Dadku waxaa ay u barteen nidaam jiitama kasoo wax kastoo dib-u-dhac ah dusha laga huwiyo shacabka,”ayuu hadalkiisa ku soo gunnaanaday Awol Allo.

Haddaba, waxaa hubaal ah shacabku in uu ku diirsaday, kalsooni badanna uga korodhay waxqabadka Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed. Hase ahaatee, waxaa isweydiintu tahay mawqifka xisbiga soo doortay ee EPRDF uu ka qabo talloobooyinka uu ku kacay ilaa maanta. Ogow, Xisbiga EPRDF ee gacanta ku hayay talada dalka 27kii sannadood oo u danbeeyay waxaa xubnahiisa lagu eedaynayaa dhib kasta oo la soo deristay dalka mudadaas. Waxaana ay sharraysan karaan waxqabad kasta oo lid ku ah ama tirtiraya danahooda, awoodooda iyo raadkooda siyaasadeed.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa la filayaa xisbiga EPRDF in uu shirweynaha Golaha Dhexe isagu yimaado bisha soo socota. August. Halkaas waxaa aan ka dheehan doonno halbeegga inta ay sii socon karo geeddi-socodka nabadeed, horumarineed iyo iskaashi ee Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed Cali. Waxaa kaloo, isweydiin mudan taageerada uu ka heli karo shacabka, deriska iyo bulshada caalamka haddii dabaylo kaga kacaan shirka. Sida aan maalayn karno marnaba shacabka Ethiopia iyo dunidu raalli ka ma noqon doonaan in la dhiciseeyo isbedelka dhabta ah ee Ethiopia kaasoo tilmaam ku dayasho mudan oo ah Qaaradda Afrika.

Xasan Cumar Horri
——–
Xassan Cumar Horri waa suxufi ka faallooda arrimaha Geeska iyo Bariga Dhexe. Kala xidhiidh[email protected] ama ku tixraac Twitterka @horrimania

Xog: Shariif Xasan oo amar ku bixiyay arrin HALIS ku ah mas’uuliyiin badan (Aqri)

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo garaya Madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan uu amar ku bixiyay in xabsi la dhigo Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta maamulka.

Xogtu waxa ay sheegeysaa in amarkaasi lasiiyay Wasiirka Amniga maamulka Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay) oo la faray inuu xiro gaar ahaan kuwa dhaliisha ka qaba soo laabashada Hogaamiye Shariif Xasan.

Shariif Xasan ayaa Wasiir Xasan Eelaay awood usiiyay inuu xabsi dhigo cid waliba oo ka hor imaada ololihiisa ama qorshaha uu ku doonaayo in mar kale uu ku hanto maamulka Koonfur Galbeed.

Waxa uu sidoo kale, Shariif Xasan, Wasiir Eelaay faray inuu il gaara ku hayo Musharaxiinta la tartameysa iyo Xildhibaano dhowra oo garab u ah musharaxiinta isla markaana ka shaqeynaaya inaanu soo laaban Shariif.

Hogaamiye Shariif Xasan ayaa aad uga walaacsan miraha kasoo bixi kara shirar looga soo horjeedo oo ka socda magaalada Muqdisho.

Dowlad Somalia qudheeda ayuu Shariif Xasan ka qabaa xasaasi ku aadan inay ka shaqeyso sida ay ku laali laheyd, iyadoo dooneysa in kursigaasi ay geesato mas’uul kale.

Si kastaba ha ahaatee, Shariif Xasan ayaa xooga saaraya sida uu kusoo laaban lahaa, waxaana la sheegayaa inuu jiro khilaaf kala dhexeeya Madaxda ugu sareysa ee maamulka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

DF SOMALIA oo shaacisay arrin cusub oo ku saabsan lacagta shillin Soomaaliga

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Somalia ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan la bedeli doono lacagta Sh/Soomaaliga ee iminka laga isticmaalo Somalia.

Dowladu waxa ay sheegtay in lacagtaasi ay sii dhamaaneyso isla markaana aysan sii shaqeyn Karin muddo badan.

Waxa ay dowladu tilmaantay inay muhiimadu siin doonto lacago cusub oo dhawaan ka shaqeysa Somalia si dalka uu u noqdo mid leh lacago lagu aqoonsan karo.

Daahir Maxamuud Geelle, Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Somalia, ayaa sheegay in lacagta hadda dalka laga isticmaalo ay tahay mid gacanta dadka ku duugowday,isla markaana u baahan in la bedelo.

Wasiir Daahir waxa uu sheegay in dhammaan lacagta dadka isticmaalaan hal hal loo bedeli doono,dhammaan maamul goboleedyada dalka ka jira iyo dowladda Federaalka Soomaaliya ay isla garteen in aan la soo daabicin lacago been abuur ah.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle,ayaa dhawaan soo bandhigay naqshada lacagta Shillinka Soomaaliga ah ee dowladda Soomaaliya soo daabici doonto wallow uu sheegay in waqti dheer ay qaadan doonto.

Dhinaca kale, waxa uu cadeeyay in lacagta la shaqo galin doono aan lagu sameyn Karin gacan kale, taasi oo uu sheegay inay ka taxadarta dowlada Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Waare oo si layaab leh uga hadlay hadalka Farmajo iyo carada dowlada Jabuuti

Jowhar (Caasimada Online ) – Hoggaamiyaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa markii ugu horeysay ka hadlay carada ay dowlada Jabuuti ka qaaday haddal uu dhawaan Madaxweynaha Somalia ka jeediyay magaalada Asmara ee dalka Eriterea.

Hoggaamiye Waare oo hadda ku sugan Magaalada Beledweyne ayaa sheegay in dowladda Jabuuti iyo Shacabka Soomaaliyeed ay yihiin walaalo waligoodna ay ahaan doonaan.

Waxa uu sheegay Waare in Madaxweyne Farmaajo uu ku degdegay dalabka cunaqabateynta looga qaadayo dalka Eriterea, balse waxa uu sheegay in Somalia ay xor u tahay inay xiriir la sameyso cida ay doonto.

Nuqul kamid ah haddalka Waare ayaa ahaa “ Waxaan ognahay wixii aad noo gasheen , garabkiina ayaa nahay walaalaha reer Jabuuti, Ilaa adduunyada laga duubo ayaan walaal nahay oo daris nahay”.

Hoggaamiye Waare oo la hadlayay VOA-da ayaa sheegay in saameyn weyn ay ku yeelaneyso tabashada ay qabto dowladda Jabuuti oo Ciidamo farabadan ay ka joogan deegaanada Maamulkiisa,iyaga oo ku howlgalla magaca AMISOM.

Maxamed Cabdi Waare ayaa ku tilmaamay Isbadelka ka socda Geeska Afrika in uu yahay mid wanaagsan oo u baahan in la xoojiyo, laakiin marwaliba ay jirikaraan Caqabado.

Xiriirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa waxaa ku yimid gaabis ka dib Markii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku dhawaaqay in cunaqabateynta hubka laga qaado dowladda Erateriya.

Si kastaba ha ahaatee, dowladda Jabuuti ayaa aad uga carootay hadalkii Madaxweyne Farmaajo ee uu QM uga codsaday in cunaqabateynta looga qaado dowladda Eriterea,iyaga oo jawaab ka bixiyey hadalkaas.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
[email protected]

Madaxweyne Gaas oo qiray awooda Daacish & halista ay ku yihiin PUNTLAND

Garoowe (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Puntland C/weli Gaas ayaa kahadlay dagaal uu sheegay in maamulkiisa uu kula jiro maleeshiyaadka Daacishta Somalia.

Gaas, waxa uu sheegay in Daacish ay kusii kordhayaan deegaanada Puntland isla markaana ay muhiim tahay in lasoo afmeero.

Wax uu Gaas sheegay in Daacish ay gudaha usoo gashay magaalooyinka waaweyn ee Puntland, isagoo tilmaamay in arrintaasi ay cabsi galineyso shacabka.

“Sida ay Daacish wax ku wado waa arrin cabsi galineysa shacabka dadkii ay ku hayaan dhibaatooyin joogta ah”

Waxa uu tilmaamay in qiimeyn lagu sameeyay weerarada ay geystaan Daacish ay tahay mid sii kordheyso, hase yeeshee ay taasi muujineyso inay awoodeysteen Daacish.

Gaas. Waxa uu cadeeyay in dhibaatooyinkii ka dhacay Muqdisho,Buuhoodle iyo Gaalkacyo ay mas’uul ka yihiin.

Isaga oo sii hadlayay ayaa waxa uu sheegay in aysan jirin fikir dhab ah oo lagu mideysan yahay in lagula dagaalamo Daacish,waxa uuna ku baaqay in la qabto Shir Caalami ah oo ku saabsan sidii looga hortegi lahaa.

“Qaati ayaan ka taaganahay Daacish cid aan uga dacwoono ma jirto iska celin mooyee,waxaanu dooneynaa in dagaal mideysan lagu qaado si loogu laayo halka ay hadda kaga sugan yihiin buuraha”

Si kastaba ha ahaatee, C/weli Gaas ayaa hadalkaan ka sheegay Munaasabada Sanad-guuradii 20aad ee ka soo wareegatay Aas-aaska Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

Maxay tahay sababta loo dilo dhallinyarada London ee Soomaalida (Warbixin)

12 kii bilood ee lasoo dhaafay waxaa magaalada London lagu dilay 12 dhalinyaro Soomaali ah, waxayna taas ka dhigantahay in bil kasta celcelis ahaan la dilayay hal wiil oo Soomaali ah.

Tirada guud ee dhalinyarada labka ah ee lagu dilay London waa 1299 qoowmiyadaha oo dhan, Soomaalida waxa ay tiradaasi ka tahay 10%.

Dadka carruurtooda la dilay waxaa ka mid ah Hooyo Fawsiyo Axmed, iyada oo oynaysa ayay BBC-da u sheegtay in ay haleeshay masiibo aysan aqoonin meel ay kaga timid.

Dadka qaar ayaaba hadda ka fikiraya sidii ay carruurtooda uga qixin lahaayeen Ingiriiska, islamarkaasna gayn lahaayeen meel bad qabta.

Naciimo Xareed oo ah agaasimaha ururka haweenka iyo dhallaanka ayaa sheegtay in dhibka ugu badan uu ku dhoco hooyooyinka, islamarkaasna aabayoowga ay yihiin kuwa maqan.

Balse Cabdi Muuse oo ah agaasimaha Ururka saaxiibadda Geeska ayaa qaba in hal qof uusan kaligiis wax qaban karin, wuxuuna yiri “Hal qof iyo hal qof oo inaga dhintaa xanuun weyn weeye, 10 boqolkiina waa wax badan, waxana anaga nala gudboon waxa ay yihiin in aan ogaanaa haddii aanan anaga is caawinin, cidna nama caawin karto”.

Waa maxay sababta loo dilo dhalinyarada?

Waxaa xusuusin mudan in dadka la dilo aysan ku jirin dumarka dhalinyarada ah, kaliyana ay yihiin dhalinyarada labka ah, haddaba maxay tahay sababta?

Cabdi Muuse ayaa sharaxaya “Dhawr arrimood ayaa sabab u ah, koow waa askartii oo la dhimay, meelaha aan degenahay oo meelo faqri ah, dhalinyaradii oo aanan loo samaynin siyaasad arrimaha bulshada, dhalinyaradii oo wax ay qabtaan aanan haynin”.

Mid ka mid ah dhalinyarada Soomaalida ee London oo magaciisa iyo wajihiisa aanan shaacin karin ayaa sheegay in dirir ka dhaxaysa kooxaha is abaabulay ee jinsiyadaha kala duwan iyo Soomaalida ay ugu wacanyihiin dilalka dhaca, wuxuuna yiri “Waxaa dhacda in la dilo wiil Soomaali ah oo aan xitaa ku lug lahayn rabshadaha, Soomaali ahaana loo dilo”.

Dadka horey ay dhibaatadan usoo qabsatay waxaa ka mid ah Maxamed Xaashi oo ah xildhibaan golaha deegaanka xaafada London ka tirsan, markii uu 15 jir ahaa ayaa mindi lagu dhaawacay, wuxuuna yiri isaga oo dhacdadaas ka sheekeynaya “Mindida waxa ay igu dhacday ciyaal rabay in ay talefoonkayga qaataan, waxaanan damcay in aan la dagaalamo, kadibna mindida ayay I galiyeen, aniga waan baqay, waxaanan muddo watay kiyaawe, sababtoo ah waxaan is weeydiiyay, iyaga mindiyo ayay wataan, aniga maxaan wataa?”.

Isaga xalka waxa uu arkaa in aanan Soomaalida gaar isu soocin, oo iyada oo ka mid ah bulshooyinka kale loo wajoho si wada jir ah.

Waxa kale oo uu qabaa in Soomaalida oo ka maqan golayaasha siyaasadda ee Ingiriiska ay ugu wacantahay in aanan la dajinin shuruuc lagu illaalinayo dhalinyarada Soomaalida.

Osama Bin Laden hooyadii oo markii ugu horreysay ka hadashay noloshiisa

Jeddah (Caasimada Online) – Waxaa markii ugu horreysay hadashay hooyada dhashay hogaamiyihii ururka Al-Qaacida ee la dilay Osama bin Laden.

Bin Laden hooyadii ayaa waxay sheegtay in wiilkeeda uu ahaa mid wanaagsan balse la duufsaday markii uu waxbarshada ku jiray islamarkana xagjir laga dhigay.

Wareysigii ugu horeyay oo ay siisay wargayska The Guardian, ayay Alia Ghanem waxa ay sheegtay in uu wiilkeeda isbadalay markii uu ku biiray jaamacad ku taalla dalka Sacuudiga.
Waxa ay intaa ku dartay in ay uga digi jirtay in uu ku biiro kooxahan.

Bin Laden ayaa la rumaysan yahay in uu isaga amray weerarkii 9/11, 2001 lagu qaaday Mareykanka iyo waliba howlgalo meelo kale oo caalamka ka dhacay.

Balse hooyadii ayaa sheegtay in uusan waligii u sheegin waxyaabaha uu samaynayo sababtoo ah aad ayuu u jeclaa hooyadii.

Xog badan oo ku saabsan waxyaabaha ku jira wareysigan dib ayaan idin kugu soo gudbin doonaa Insha allah.

CAYNTE oo Xasan Kheyre barta TWITTER-ka ku siiyey cashar la xiriira ixtiraamka

Muqdisho (Caasimada Onlien) – Wasiirkii hore ee qporsheynta iyo xiriirka caalamiga Soomaaliya Cabdiraxmaan Caynte ayaa cashar ku saabsan ixtiraamka ku siiyey ra’iisul wasaare Xasan Xasan Cali Kheyre barta twitter-ka.

Caynte ayaa ka jawaabay qoraal uu Kheyre shalay soo dhigay barta twitter, oo uga tacsiyeeyey geerida Maxamed Maxamuud Sheekh Cali, oo ahaa wiil dhallinyaro oo ganacsiyo hindise, balse Kheyre uusan xusin magaciisa.

Qoraalka Kheyre ayaa u dhignaa sidan:

Si kastaba Caynta ayaa u jawaabay Kheyre, isaga oo u sheegay in ixtiraamka uu ku jiro in mnagaciisa uu xuso wiilka la dilay, isaga oo kadibna u sheegay magaca saddexan ee wiilka iyo aabihii oo ah nin caan ka ah Soomaaliya. Hoos ka aqri qoraalka Caynte.

Caynta ayaa u muuqda mid ra’iisul wasaaraha tusayey inay ceeb tahay inuu garan waayey wiil uu dhalay mid ka mid ah taliyayaasha ciidamada dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Dhageyso: ONLF oo war cad kasoo saartay go’aanka ABIY ee qoondada shidaalka

Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Dr. Abiy Axmed ayaa markii ugu horeysay ka hadlay arrinta qoondada dadka deegaanka Soomaalida ay ka helayaan shidaalka laga soo saaray deegaankaas.

Dr Abiy oo dad badan kula hadlayay gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa sheegay in Soomaalida ay heli doonaan qoondadooda isla markaana aysan kusoo dhici doonin meel cidlo ah.

Abiy Axmed, waxa uu sheegay in dadka ku nool deegaanka soomaalida in ka badan 5 goobood looga helay shidaal waxa uuna yiri “Arrinta meesha taagan ma aha inaan ku faanno anigu shidaal ban helay, anigu bun ban leeyahay anigu biyaan leeyahay ee muhiimaddu waxaa weeyey sideen kheyraadkaasi meel isugu geeyna oo aan uga wada faa’ideysanna”.

“Sharci waxaa jira federaalka oo dhigaya in shidaal haddii uu soo boxo, ama xitaa kheyraad kale in deegaanka uu leeyahay boqolkiiba 40%, federaalkuna wuxuu leeyahay 60%, midda federaalka lafteeda ayaan wax ku leenahay” .

Abiy waxa uu kaga tagay jawaab hadal heyn iyo xasaasiyad badan dhalisay oo uu ka bixiyay qoondada shidaalka laga helay dhulka Soomaalida Ethiopia oo uu sheegay inay 5% ku yeelanayaan.

Afhayeenka ururkaas Cadaani Hirmooge oo u waramaayay VOA, ayaa sheegay inay wali ku jiraan gumeysi isla markaana aan la qaadan Karin in Soomaalida lagu maamulo hantidooda.

Waxa uu Afhayeenaka sheegay in khaladaad dhanka Dastuurka Ethiopia uu jiro kuwaa oo u baahan in dib loo sax si loo helo qoondo wanaagsan oo ay yeelan doonaan Soomalida maadaama uu jiro sharci awood qeybsi oo qudhiisa aan si xaqiiq ah loogu shaqeyn.

Waxa uu Afhayeenka sheegay inaanu jirin cid ku heshiisay inay dal qura la noqdaan Ethiopia, waxa uuna meesha ka saaray in loo dhamaa heshiiska ay Soomaalida kula midowday Ethiopia.

Waxa uu sheegay inay aad uga soo horjeedan haddalka Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ee qoondada Soomaalida, waxa uuna cadeeyay inaanu jirin sharci lagu soo saaray shidaalka.

Afhayeenka ururkaas Cadaani Hirmooge, waxa uu sheegay in shidaalka iyo wixii hanta ee laga soo saro dhulka Soomaalida ay 100% tahay mid ay leeyihiin Soomaalida, cidna aanu la qeebsan Karin.

Sidoo kale, waxa uu Afhayeenka sheegay in awood qeybsi uu imaan karo marka ay wadahadal lagu xaliyo tabashooyinka Soomaalida oo ay mataleyso ONLF, inta ka horeysana aysan aqbali doonin haddalka kasoo yeeray Abiy Axmed.

Hadalka Ra’isul wasaare Abiy Axmed ayaa kusoo beegmaaya iyadoo Ururka ONLF sanadii 2007-dii ay weerar u geysteen shaqaale Shiinaha u dhashay oo shidaal ka baarayay dhulka Somalida Ethiopia.

Jabuuti oo jawaab ka bixisay go’aankii laga gaaray kiiska DP World

Jabuuti (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti ayaa ku gacansayrtay go’aan ay shalay soo saartay Maxkamadda Caalamiga ah ee Dhexdhexaadinta ee fadhigeedu yahay magaalada London.

Go’aankaas oo ay maxkamaddu ku sheegtay inay khalad aheyd in dowladda Jabuuti ay maamulka iyo gacan ku haynta dekadda Dooraleh ay kala wareegto Shirkadda Dekadaha ee DP World.

Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in Maxkamadda aanay u yeerin oo dhinacooda aanay dhageysan sidaas daraadeedna aanay khusaynba go’aanka ay soo saartay.

Gudoomiyaha maamulka dekadaha iyo goobaha ka caaggan canshuuraha Abuu Bakar Haadi ayaa sheegay in horey ay shirkadda ugu heshiiyeen in heshiiska ay ka baxaan islamarkana qarashaadkii ka galay loo celiyo.

Gudoomiyaha aya intaa ku daray in shirkadda DP World aysan xoog ku haysan karin dekadaha dalka Jabuuti.

Dowladda Jabuuti ayaa 22 bishan waxay meesha ka saartay heshiiskii ay la gashay shirkadda DP World.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

Dhageyso: Dhibaatooyin ka jira xabsiyada ciidanka NISA oo lasoo bandhigayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha Guddiga Amniga u qaabilsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay waxa ay sheegeen in ay soo bandhigayaan dhibaatooyinka ka jira Xasbiyada ay Maamulaan Ciidamada Nabadsugida Soomaaliya.

Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed, Wasiirkii hore ee Amniga kana mid ah Xubnaha Guddiga ayaa ka hadlay kormeer ay ku tageen Xarumo ka mid ah goobaha ay dadka ku xiraan Ciidanka Nabadsugida oo uu ku jiro Godka Jilacoow.

Waxa uu sheegay in Xarumihii ay booqdeen ay ku soo arkeen waxyaabo aysan mudneyn dadka maxaabiista ah, isla marakana ka guddi ahaan,iyaga oo la xisaabtamaya dowaldda ay soo bandhigi doonaan dhibaatooyin ka jira Xabsiyada ay Maamulaan Ciidanka NISA.

Sidoo kale isaga oo sii hadlayay ayuu sheegay in ay yeesheen Guddigooda kulan ay su’aalo ku weeydiiyeen laamaha amniga oo uu hoggaaminayey Wasiirka Wasaaradda Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale.

Waxaa sidoo kale aan waxka weeydiiney farqiqa u dhaxeeya dowladda hadda jirta iyo dowladii uu ka soo noqday Wasiirka Amniga ee uu hoggaaminayey Xasan Sheekh Maxamuud.

Hoos ka dhageyso warbixinta

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

Abiy Ahmed oo shaaciyey qoondada Soomaalida ay ku leeyihiin SHIDAALKA

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed ayaa markii ugu horeysay ka hadlay arrin aad loo hadal hayay oo ku saabsan qoondada dadka deegaanka Soomaalida ay ka helayaan shidaalka laga soo saaray deegaankaas.

Dr Abiy oo dad badan kula hadlayay gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa ka jawaabay su’aal ahayd “Dhinaca deegaanka soomlida Itoobiy waxaa la iga weydiiyey dad badan oo shacabka dambiya ka galay ay jira maxaad ka damacsan tihiin, oil and gas iyo arrinta deegaanka shidaalka laga helay iwm?”.

Dr Abiy ayaa ku jawaabay “Walaalaheen deegaanka soomaalida waxaan u sheegay in ka badan 5 goobood ayaa Itoobiya shidaal laga helay, arrintu meesha taagan ma aha inaan ku faanno anigu shidaal ban helay, anigu bun ban leeyahay anigu biyaan leeyahay ee muhiimaddu waxaa weeyey sideen kheyraadkaasi meel isugu geeyna oo aan uga wada faa’ideysanna”.

“Sababta oo ah kunki sano ee la soo dhafay iyo 60 sana ee ugu dambeeysay ee shidaalkan la baadhayeyba shidaalkaas inu biya yahay inuu ciid yahay lama ogeyn.Hadda marka uu wixi uu shidaal noqday haddii aan dhahno dhulkeyga ayaa laga helay iyo waxyaaba noocaa natiijada ka dhalan karto waa inaan isleyno oo keli ah taana wax faa’ida ah malahan” ayuu intaasi ku daray ra’isulwasaaraha.

Wuxuu Dr Abiy Sheegay in kheyraadka dhulka Itoobiya uu yahay mid dadka oo dhan ay leeyihiin, wuxuuna sheegay qoondada ay yaalan karaan dadka Soomaaliya ee degan meelaha shidaalka laga heley, wuxuuna yiri “Hase yeeshee, iyada oo aan deegaanka Soomaalida oo keli ah loo eegeyn kheyraad kasta oo dabiici ah oo laga helo deegaan kasta 5-10% waxa lagu hormarinayaa deeganka kheyraadka laga helay, arrintaasina waa mid caada u ah oo ay ku dhaqmaan waddama badan oo ka tirsan qaaraddan Afrika”.

Maxay qabaan madaxda Soomaalida?

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaaliya Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa horey uga hadlay qoondada uu deegaanka ku leeyahay shidaalka, wuxuuna yiri “Su’aasha ay ka hadlayaan ee ay aad noo weeydiinayaan, waa imisa ayaan leenaya, wixiiba inaga ayaa lehe, imisa aan leenahay waa maxay?” ayuu yiri madaxweynaha oo intaas ku daray “Sharci waxaa jira federaalka oo dhigaya in shidaal haddii uu soo boxo, ama xitaa kheyraad kale in deegaanka uu leeyahay boqolkiiba 40%, federaalkuna wuxuu leeyahay 60%, midda federaalka lafteeda ayaan wax ku leenahay” .

Sheekh Ibraahim Dheere oo ahaa guddoomiyihii jabhaddii hubeysnayd ee heshiis la gashay dowladda Itoobiya ayaa “waa in la xaddidaa qoondo la’isla ogyahay , sidoo kale dadka deegaanka waa in laga shaqo galiyaa mashruuca, hadda waa ku yaryihiin”. Wuxuu la hadlayay BBC-da mar uu xarunta soo booqday kal hore.

Sidoo kale afhayeen u hadlay jabhadda ONLF ayaa sheegay in ay ka hortagayaan in kheyraadkii iyo hantidii dadka lasoo saaro iyada oo aanan dadkii lahaa laga talogalinin, sida uu hadalka u dhigay, kana hortagi doonaan wax kasta oo ay ku qaadataba.

Isha: BBC Somali

R/W Kheyre oo Puntland siiyey amar la xiriira inay…

Garoowe (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre, ayaa amar ku bixiyay in lasii daayo maxaabiis badan oo ku xiran xabsiyada Puntland.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa amarkaasi bixiyay xili uu magaalada Garoowe shir ugu qabtay Wasiirada Xukuumada Somalia iyo kuwa maamulka Puntland.

Kheyre ayaa arrinta deysmada maxaabiista u xil saaray ku-xigeenkiisa Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo Wasiirka Cadaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Daahir Maxamuud Geelle, Wasiirka Warfaafinta Somalia ayaa sheegay in Khayre uu amar ku bixiyay sidii loo sii deyn lahaa maxaabiistaasi, kadib markii ay ka wada hadleen isaga iyo Madaxda Puntland.

Wasiir Daahir waxa uu tilmaamay in maxaabiista lasii deyn doono ee uu amray Ra’isul wasaare Kheyre ay yihiin kuwo ku xiran Xabsiga Garoowe, kuwaa oo u xiran danbiyo aan sidaa usii weyneen.

Wasiirka Warfafinta ayaa yiri “Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa amar ku bixiyay in la sii daayo maxaabiista ku xiran halkan, wuxuuna hawshan u xil saaray Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka iyo Wasiirka Cadaaladda, sii deysmada maxaabiistan waxaa loo marayaa hanaankii lagu soo daayay maxaabiistii dibadda.

Dhinaca kale, Ra’isul wasaare Kheyre ayaa sheegay inaan loo dulqaadan doonin dhalinyaro si maalayacni iyo danbiyo la’aan loogu xiro Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

FIQI: “Bil 3 gurigaagana waa ay kaa kaxaysaa guri kalena kuma gayso”

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo madaxda dowlada Somalia ay ku kala aragti duwan yihiin go’aanka uu Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaaji adduunka uga dalbaday in cunaqabateynta laga qaado Eriterea ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan Baarlamanka Golaha Shacabka.

Xildhibaan Fiqi ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebooka kaga hadlay baaqii Madaxweyne Farmaajo ee ku aadanaa xukuumadda Asmara.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA XILDHIBAN AXMED MACALIM FIQI :

Taariikhda iyo Sooyaalka umadeed laguma bedeli karo hadal iska tuur ah iyo ficilo aan laga fiirsan oo miyir-qabka iyo dheelitirnaantu ka maqan tahay.

Siyaasadda qar iska tuurka ee madaxweynaheenu dhaawaca ugu geystay walaalaheen Djibouti waa abaaldhac iyo taariikh dhaamis, una baahan in la saxo isla markaana laga garaabo!

Habdhaqanka Madaxweyne Farmaajo wuxuu i soo xasuusiyey xikmaddii aheyd “Bil Saddex gurigaagana way kaa kaxaysaa guri kalena kuma gayso”! Siyaasadda iyo go’aanada dawladeed waxey u baahan yihiin xeerin iyo xeeldheeri, geesinimo iyo kal-adeyg, Uma baahna tanaasul joogto iyo ku xadgudub qiyamta umadda

Djibouti waa walaalo, aysan jirin cid booskooda noo geli karta, xaalad kasta iyo waqti walbana waa garab taagannahay!

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xudunta khilaafka Jabuuti iyo Soomaaliya (Xog cusub)

Jabuuti waxay Arbacadii soo saartay hadal ay uga caraysnayd baaq uu madaxweynaha Soomaaliya ka jeediyey Asmara, kaas oo uu ku dalbanayey in xayiraadda laga qaado Eritrea.

Waxay u sababaysay in arrintaas aysan ka filayn inay ka timaado Soomaaliya.

Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya, Aadan Xasan Aadan, oo BBC la hadlay wuxuu sheegay in Farmaajo uusan ka hadlin “dhulka iyo maxaabiista Jabuuti laga haysto”, oo taa beddelkeeda “uu Asmara kaga dhawaaqay in Eritrea cunaqabataynta laga qaado”.

Dhinaca Soomaaliya oo aan mas’uuliyiinteeda la xiriirnay, kama aysan hadlin.

Jabuuti waxay ku gooddisay inaysan arrintaas u dulqaadan doonin, ayadoo ciidankeeda ay Soomaaliya u joogaan “difaaca nabadda iyo deganaanshaha Soomaaliya” .

Soomaliya midkee u muhiimsan Eritrea iyo Jabuuti?

Dr Xasan Sheekh Cali oo arrimaha gobolka iyo kuwa islaamka falanqeeya wuxuu aaminsan yahay in juquraafi ahaan sida loogu kala dhow yahay Soomaaliya loogu kala muhiimsan yahay, oo muhiimadda 1aad ay u leeyihiin Soomaaliya dalalka jaarka la ah, ayadoo dhinaca kalena aysan meesha ka marnayn in Soomaaliya iyo Jabuuti ay ka dhaxeeyaan diin, dhaqan iyo dhalasho.

Maxamed Nuur Caalin oo hore u soo noqday diblomaasi, aadna u falanqeeya arrimaha gobolka wuxuu qabaa aragti midaas u yara dhow.

“Go’aan siyaasadeed ayaa dhici kara in madaxweyne Farmaajo lagu tirtirsiiyey in hadduu isku tuuro uu dano siyaasadeed ka helayo. Wuxuu qaatay go’aan halistiisa leh oo dadka maanta jooga aysan fahmi karin”.

Xasan Sheekh cali wuxuu sheegayaa in ay haboonayd in madaxweyne Farmaajo uu ku sii wargeliyo dhigiisa jabuuti, booqashada uu ku tagayo Eritrea, wuxuuna ku tilmaamay “farsamo xumo diblomaasiyadeed”.

“Waxaa meesha ka muuqanaysa in madaxweynaha Soomaaliya uusan si fiican u fahmin nidaamka siyaasadda juquraafiga ee mandiqadda” ayuu sii raaciyey.

Caalin ayaase u arka khilaafka u dhaxeeya Eritrea iyo jabuuti inuu yahay mid ku qotoma juqraafi ahaan meesha ay ku yaallaan iyo dhulka ay ku loollamayaan, oo Soomaaliya aysan xuduud ku lahayn, danaheeda istaraatijiyadeedna aysan ku xirnayn.

Jabuuti maxay uga gilgilatay cunaqabataynta saaran Eritrea?

Sagaalkii sano ee Eritrea ay cunaqabataynta saarnayd, Jabuuti waxay aad ugu ololaynaysay in cunaqabataynta lagu sii adkeeyo. Sababtu maxay tahay? Waa kan Caalin.

“Cunaqabataynta saaran Eritrea waxay Jabuuti u suurtogalisay in dekedo badan ay dhisato, ayadoo kuwa Eritrea looga cararay cunaqabataynta saaran iyo sawirka laga bixiyey oo aan qurxoonayn daraadood. Sidoo kale, joogitaanka ajaanibta ka fogaanaya inay Eritrea tagaan waxay ay Jabuuti ka heshaa dhaqaale badan, sidaa darteed, cunaqabataynta oo laga qaado Jabuuti waxay loollan adag gelinaysaa maqaamkeeda gobolka, waxayna soo nooleynaysaa Eritrea oo haddeerba cilaaqaad aad u fiican la soo ceshatay Itoobiya” ayuu yiri Caalin.

Haddaba ilaa xad dadka wax falanqeeya waxay khilaafkan wax ka saarayaan isbeddellada siyaasadeed ee gobolka ka socda.

Saamaynta isbeddelkaas uu ku yeeshay xiriirka Soomaaliya iyo Jabuuti maxaa lagu sheegi karaa? Mar kale Maxamed Nuur Caalin.

“Isbeddelka hadda socda waxaa loogu yeeraa isbeddelkii qowmiyadaha. Jabuuti waxay ka mid tahay dalalka uu isbeddelkaas saamaynayo, waayo qowmiyadaha aan ka hadlayno waa Soomaalida, Cafarta, Tigreega, Amxaarada iyo Orommada. Tusaale ahaan, dhinaca Cafarta oo kale, waxay maslaxadooda u arkaan in la isku furo dhulkooda, ilaa iyo Casab iyo Musawac” ayuu yiri Caalin.

Wuxuu tilmaamay in taasi ay timid bacdamaa deegaannada dekedaha ay dhistay Jabuuti ay ku yaallaan dhinaca xudduudda Soomaaliya, sidaa darteedna ay cafartu dareemayaan in si loo yara gacan bidixeeyey.

Talaabada xigta maxay noqon kartaa?

Maxamed Nuur Caalin wuxuu si aan leexleexad lahayn u abaaray waxa uu u arko inay noqon karto talaabada soo socota.

“Cunaqabataynta Eritrea waa laga qaadayaa, waayo waxaa u ololaynaya dalal waaweyn sida Itoobiya, Maraykanka, Israa’iil, Iimaaraadka iyo dalalka dhibaatada ku qaba dhallinyarada Eritrea ee dalkooda ka cararaya. Dhinaca kalena, dadaalka Eritrea ay u gashay in cunaqabataynta laga qaado waxaa keenay dekedaha waaweyn ee Jabuuti oo lagu wareejiyey Shiinaha, maraykanka iyo Shiinahana loollan adag ayaa Afrika ku dhex maraya” ayuu yiri Caalin.

Dhinaca cilaaqaadka Soomaaliya iyo Jabuuti marka la soo qaado, wuxuu sheegay Caalin oo hore diblomaasi u soo noqday in ay u muuqato in dawladda Jabuuti ay faragelin ku samayn doonto siyasadda arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

“Ismaaciil Cumar Geelle aad ayuu isaga ilaalin jiray inuu arrimaha gudaha ee Soomaaliya faraha la soo galo, markanse waxay u badan tahay inuu xilliga doorashooyinka keensado musharaxiin, waayo marnaba Geelle kama uusan filanayn in biriijka (buundada) cunaqabataynta looga qaadayo Eritrea ay ka mid noqoto Soomaaliya” ayuu falanqayntiisa ku gunaanaday Maxamed Nuur Caalin.

Inkastoo labada falanqeeye ay dhinacyo kala duwan ka eegeen arrintan, haddana waxaa muhiim ah in hoosta laga xarriiqo in khilaafka soo dhex galay Soomaaliya iyo Jabuuti uu ku soo beegamay in yar ka dib Kulankii ka dhacay Abu Dhabi 24kii Luulyo, ee dhex maray Sheekh Maxamed Bin Zaayid aala Nahyaan, Abiy Axmed iyo Isaias Afwerki, taas oo aan hore u falanqaynay.

Isha: BBC Somali

Boqor Salman oo Trump u diray warqad niyad jab ah iyo Sacuudiga oo isbedelay

Qudus (Caasimada Online) – Wargeyska Haaretz ee Israel ayaa shaaca ka qaaday in boqorka Sacuudiga Salman bin Cabdulcaziz uu aqalka cad ee Marekanka u diray warqad uu ku diidan yahay qorshaha madaxweyne Trump ee nabadda bariga dhexe.

Wargeyska ayaa yiri “Sacuudiga waxay maamulka Trump ku wargeliyeen inaysan taageeri doonin qorshaha nabadda Israel iyo Falastiin ee loogu magac data ‘Heshiiska Qarniga’, haddii aan lagu xusin in Bariga Qudus ay tahay caasimadda Falastiin”

Diblomaasiyiin la hadlay wargeyska ayaa sheegay in boqor Salman uu xaqiijiyey mowqifkiisa taageero ee Falastiin iyo qorshihii carabta ee 2002, kaasi oo dhigayey sameynta dal Falastiin oo ku salaysan xuduuddii 1967-kii, caasimadiisana ay tahay Bariga Qudus.

Wargeyska wuxuu sidoo kale qoray in boqor Salman uu dhowr goor taleefon kula hadlay saraakiisha Mareykanka iyo maamulka Falastiin, si uu u xaqiijyo mowqifkiisa.

Boqor Salman ayaa sidoo kale 80 milyan oo dollar siiyey maamulka Falastiin, si uu buuxiyo booskii ay beeneeyeen Mareykanka, oo lacagtii caawimadda ka jaray Falastiiniyiinta.

Wargeyska ayaa qoray in go’aanka Sacuudiga ay ku beddeleen mowqifkooda xilli ay markii hore taageersanaayeen qorshaha Mareykanka uu yimid, kadib markii Trump uu Qudus u aqoonsaday caasimadda Yahuudda.

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
[email protected]

Sawirro: Aqriso 6 qodob oo laga soo saaray shirkii DF iyo Puntland ee Garoowe

0

Garoowe (Caasimada Online) – Shirka golaha wasiirrada xukuumadda federaalka ah iyo wasiirrada dawlad gobaleedka Puntland oo uu shir-gudoominayay ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta (Khamiis 2-da Agoosto 2018), ka qabsoomay xarunta Puntland ee Garoowe.

Shirka ayaa looga dooday qodobbo ay ka mid yihiin; xoojinta midnimada, wada shaqaynta wasaaradaha federaalka iyo Puntland iyo qodobo kale, waxaana lagu heshiiyay:

1- Waxaa la bogaadiyay wada shaqaynta wasaaradaha federaalka iyo Puntland, waxaana la soo jeediyay talooyin ku aaddan sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta labada dhinac

2- Waxaa la isku afgartay in la baahiyo hannaanka afarta tubood (1- Tubta siyaasadda loo dhanyahay 2- Tubta amniga iyo caddaaladda 3- Tubta dhaqaalaha iyo 4- Tubta Arrimaha bulshada) oo ah hannaan ay xukuumadda federaalku ku shaqeyso si loo dardargeliyo dib u dhiska dalka.

3- Dardargelinta daadejinta nidaamka Federaalka iyadoo la tixraacayo dastuurka iyo heshiisyada qaybsiga awoodaha iyo kheyraadka.

4- In si wadajir ah loo ilaaliyo midnimada dalka.

5- Golaha wasiiradu waxa ay aqbaleen in ay ka qayb qaataan dabbaaldegga munaasabadda 20 sano guurada ka soo wareegtay aasaaska Puntland oo la qaban doono 3da bisha Agoosto 2018.

6- Ra’iisulwasaaraha iyo wafdigiisa ayaa uga mahadceliyay shacabka iyo madaxda dawlad gobaleedka Puntland soo dhawaynta hufan ee loo sameeyay.

Gaas iyo Biixi oo warar iska soo horjeeda kasoo saaray qaraxii BUUHOODLE..!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa si kulul uga hadlay qaraxii xalay fiidkii ka dhacay magaalada Buuhoodle ee gobolka Togdheer kaa oo lagu dilay Siyaasiyiin caan ahaa.

Qaraxa oo ahaa mid aad u xooganaa ayaa waxaa ku dhintay Wasiirki hore ee arrimaha gudaha maamulka khaatuma Axmed Maxamuud Doolaal iyo Cabdifataax Maxamed Cali oo la taliye u soo noqday Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake.

Waxa uu Hoggaamiye Muuse Biixi sheegay inay muhiim tahay in la sameeyo baaritaano lana ogaado cidii ka danbeysay Qaraxa maadaama ay ku dhinteen mas’uuliyiin.

Muuse Biixi, waxa uu laamaha amniga faray inay baaritaan buuxa ku sameeyan sida wax u dhaceen, islamarkaana gacanta ku soo dhigaan cidii ka dambeysay falkaas argagagax ku abuuray bulshada Buuhoodle.

Waxa uu Biixi sheegay in laamaha amniga ay kula xisaabtami doonaan Qaraxa, waxa uuna tuhun ka muujiyay Qaraxa iyo cida ka danbeysa.

Somaliland ayaa war saxaafadeedka ay soo saartay waxa ay ku sheegtay in Xukuumadda Somaliland aanay marnaba u dulqaadan doonin cida ka danbeysa Qaraxa, dhibaato iyo falal amni daro ku qaado shacabka Somaliland.

Hoggaamiyaha maamulka Puntland Cabdiwali Gaas oo isna ka hadlay Qaraxa ayaa amar ku bixiyay in saacado kooban lagu soo qabto shaqsiyaadka ka danbeeyay Qaraxa.

C/wali Gaas waxa uu sheegay in Puntland aysan indhaha ka qabsan doonin Qaraxyada loo maleegayo mas’uuliyiinta soo qabtay xilalka.

Gaas, waxa uu sheegay in Puntland ay banaanka soo dhigi doonto cida ka mas’uulka ah Qaraxa lagu dilay mas’uuliyiinta, waxaana haddalka C/weli Gaas ka muuqday tuhun aan cadeyn halka uu ku wajahan yahay.

Sidoo kale, Puntland waxa ay qoraal ku sheegtay in dadkii ku geeriyooday qaraxaas ay ka mid ahaayeen Siyaasiyiin ka soo jeeda deegaanada Maamulka Puntland, balse aan laga aamusi doonin.

Si kastaba ha ahaatee, labada maamul ayaa mid waliba sheeganaaya in Siyaasiyiinta lagu dilay Qaraxa ay ahaayen kuwo taabacsan maamulkooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Maxaad kala socotaa sirta ku duugan in Kheyre kaga adkaado GAAS Garowe?

0

Garoowe (Caasimada Online) – Muddo laba maalin ah ayaa waxaa taagnaa muran ku aadan in Shirka Golaha Wasiirada lagu qabto Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland.

Safarka Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ee Garoowe ayaa muhiimadiisa koowaad waxay aheyd inuu ka qeybgalo xafladda loogu dabaaldagayo sanadguuradii 20-aad ee kasoo wareegtay markii la aasaasay Maamulka puntland.

Ra’isulwasaare Kheyre ayaa sidoo kale waxaa jadwalkiisa ku jiray inuu dhagax dhigo Dekad la doonayo in laga sameeyo deegaanka Garacad balse waxaa la sheegay inuu xilli dambe go’aansaday inuu ka baaqdo kadib markii uu cadaadis siyaasadeed arrintaas kala kulmay.

Baaqashada Kheyre ee dhagax dhigga Dekadda Garacad ayaa sababtay inuu khilaaf xoog leh soo kala galo Kheyre oo dhinac ah iyo Madaxweynaha Puntland oo ay la safnaayeen qeybo ka tirsan Isimada deegaanadaas.

Khilaafka ayaa gaaray meel sare ilaa heer ay isamada Puntland iyo Gaas isku raaceyn inaan shirka Golaha Wasiirada lagu qaban Magaalada Garoowe.

Ra’isulwasaare Kheyre ayaa garab weyn ka helay Isimada Gobolka Nugaal sida Islaan Ciise Islaan Maxamed iyo Suldaan Saciid Garaase kuwaas oo u dhaartay Cabdiweli Gaas.

Sidoo kale waxaa si isku imid ah arintaas uga hor imaaday Xalay Dhamaan Isimada, Nabadoonada iyo Waxgaradka Gobolka Nugaal oo Gaas u sheegay inuusan Magalada Garowe ka sheegan karin Somali Wayn.

Madaxweynaha Puntland ayaa loolan adag kala kulmay  Wasiirka Arrimaha Debadda Soomaaliya Cawad, Wasiir  Xuseen Ciid iyo Xildhibaan Cali Yusuf Cali Xoosh  kuwaas oo ka shaqeeyey qorshayaal lagu  fashiliyey go’aankii Kheyre ee ahaa inuusan dhicin Shirka Golaha Wasiirada

Sidoo kale Xildhibaano iyo Wasiiro Kasoo Jeeda Gobolka Nugaal oo Ka tirsan Maamul Goboleedka Puntland Ayaa Iyaguna Sheegay iney is Casilayaan  haddii Shirka Golaha Wasiiradda aan lagu qaban Magaalada Garoowe.

Madaxda Reer Nugaaleed ama ha u shaqeeyeen  Federaal ama Puntland  iygaoo Kaashanaya Islaan Ciise iyo Suldaan Garaase ayaa Xalay Waxay Galeyn Shir, waxayna Gaas u sheegeen in Garoowe tahay Magaalo Soomaaliyeed, cid laga sheegan karana aysan Jirin, haddii magaalooyin la kala Sheeganayana  Gaas uu aadayo Gaalkacyo.

Ugu Danbayn Shirka Golaha Wasiiradda ayaa ka qabsoomay  Xarunta Wasaradda Maaliyadda DPL , sidoo kalana waxaa socdo Shir  Wadajir ah oo ay yeelanayaan Golayaasha Wasiirada Soomaaliya iyo Puntland .

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]