25.8 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Fariintii qalbiga taabatay ee wasiirka warfaafinta Eritrea uu TWITTER-ka soo dhigay kadib socdaalkii Farmaajo

Asmara (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta ee Eritrea Yamane G. Meskel ayaa si dareen leh u muujiyey sida shacabka dalkiisa ay kalgacal ugu hayaan umadda Soomaaliyyed.

Madaxweyne Mohamedd Abdullahi Farmaajo oo shalay ku tagay booqasho rasmi ah oo uu saddex maalmood ku joogay ayaa loo soo dhaweyey si muxubo ku dheehan tahay.

Shacabka Eritrea ayaa jidadka Asmara ee ah caasimadda dalkaas safaf dhaadheer u galay si  u qaabilaan waftidgii Soomaaliya oo uu hoggaaminayey Madaxweyne Farmaajo.

Isaga oo ka falcelinaya dareenkaas ayuu wasiirka warfaafinta Eritrea beegsaday bartiisa Twitter-ka isaga oo soo dhigay qoraalka.

“Xilligii dagaalkii qaboobaa, xiriirki adkaa ee ka dhexeeyey labada shacab [Eritrea iyo Soomaaliya] waxa uu noqday xiriir gaar ah iyo waliba kii isugu dhawaaa ee Geeska Afrika. Waan ku faraxsannahay taariikhdan. Xushmad ayey u hayaan shacabka Eritrea shacabka walaalaha ah ee Somalia taas oo ku qotonta kalgacalkan taariikhiga ah.”

Dowladdii dhexe ee Soomaaliya ee bur burkii kahor waxa ay si weyn isu garab taagtay dhaq dhaqaaqii gobonimo doonka ahaa ee Eritrea, kuwaas oo doonayey in ay ka goostaan Itoobiya.

Taageeradaas waxa ay keentay in ay jabhaddii uu hoggaaminayey Isaias Afwarki,  Madaxweynaha Eritrea iyo tii Melez Zenawi ee TPLF ay xukunka ka tuuraan hoggaamiye kacaanka ee Itoobiya Mingisu Hailemariam.

Kaddib markii la riday Mingistu, waxaa Eritrea u suurtagashay in ay 1991kii ka go’aan Itoobiya iyaga oo abaalkaas uga haya wali shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa saacado ka hor kasoo dhoofay dalka Eretariya, wuxuuna kusoo wajahan yahay magaalada Muqdsho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

Sawiro: Lubnan oo 2 sabab oo yaab badan badda ugu shubtay kaareyaal badan

Saydaa (Caasimadda Online) – Waa suurto gal in ay wax lala yaabo kugu noqoto in dadka ka shaqeeya daryeelka deegaanku ay go’aansadaan in 10 kaare lagu rido badda si wax looga qabto xashiishka tuulan magaalada ay ku nool yihiihiin.

Waa se dhab oo arrintani waxay ka dhacday Lubnaan oo koox u ololeeya daryeelka degaanka oo ku nool magaalada Saydaa ayaa falkaa ku kacay, rajada ay qabaanna waxa weeyi in kaarayaashaa badda lagu guray aanay noqon doonin oo keliya wax dalxiiseyaasha soo jiita e, ay sidoo kale degaan haboon oo shacaabi ah u abuuri doonto kalluunka ku nool badda Mediterranean-ka.

Dad fara badan ayaa Sabtidii iskugu soo baxay si ay u daawadaan kaarayaashaas oo badda lagu gurayo oo lagu daadinayo meel xeebta u jirta 3 Km.

“Waxay halkani noqon doontaa seere ay ka helaan dadka quusa, waxa kale oo ay noqonaysaa meel kalluunku ku tarmo” ayuu yidhi Kaamil Kosbaar, oo ka mid ah ururka daryeeleyaasha xeebta Saydaa oo wakaaladda AFP la hadlay.

Waxa aanu ku rajo waynyahay in dhirta biyaha ka dhex baxda ee badda gunteeda ku taal si dhakhso ah u qarin doonto kaarayaashaas, taas oo suurto gelin doonta yoolka ururkooda ah oo in uu samaysmo “seere badda gunteeda ku yaal” oo noqon doona mid ka duwan muuqaalka xeebaha Lubnaan ee xashiishku ka buuxo.

Bishii Jeeneweri ayaa waxa soo baxay muuqaallo muujinaya xashiish tuulan xeebta dhanka woqooyi ee magaalo madaxda Bayruut.

Laakiin hawshani ma aha oo keliya mashruuc lagu daryeelayo deegaanka, [ee waxa ku ladhan ujeeddo kale] oo waxa ururku si kas ah kaarayaashaa ugu jeediyey dhanka dalka ay dhanka koofureed ollogga ka yihiin ee Israel.

Sida uu sheegay Kosbaar na waxa sidaa loo yeelay “si loo muujiyo diir naxa loo qabo Falastiiniyiinta”.

Sawiro: Farmaajo & Afwerki oo kala saxiixday HESHIIS taariikhi ah (Aqri qodobada)

Asmara (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Eritrea oo saddexdii maalmood ee tagey ay wada-hadallo uga socdeen magaalada Asmara ayaa kala saxiixday heshiis afar qodob ka kooban, sida ay shaacisay wasaaradda warfaafinta Eritrea.

Afarta qodob ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Isaias Afwerki ay ku heshiiyeen ayaa kala:

1-Soomaaliya waxaa lagu maneystay inay ku taal bar istaraatiiji ah, waxayna leedahay kheyraad daabiic ah iyo mid aadami. Si kastaba, waxaa ka faa’iideysasha kheyraadkaas ka hor-istaagay  dhibaato gudaha ah iyo faragelin dibedda ah. Sidaas darteed Eritrea waxa ay si xooggan u taageereysaa madaxbannaanida siyaasadeed, qarannimo iyo sharafta dhuleed ee Soomaaliya iyo sidoo kale dadaallada dadka iyo dowladda Soomaaliya ay kusoo celinayaan maqaamkii ay Soomaaliya mudneyd iyo ku guuleysashada himilooyinka ay dadka Soomaaliyeed leeyihiin..

2-Soomaaliya iyo Eritrea waxay isku dayi doonaan inay dhisaan xiriir aad u dhow oo siyaasadeed, dhaaale, bulsho, dhaqan iyo sidoo kale wada shaqeyn difaac iyo mid amni.

3-Labada waddan waxay aas-aasi doonaan xiriir diblomaasiyeed ayaga oo is-dhaafsan doona safiiro, waxayna sare u qaadi doonaan xiriirka ganacsi iyo kan maal-gashi, ayaga oo sidoo kale is-weydaarsan doona waxbarashada iyo dhaqanka.

4-Eritrea iyo Soomaaliya waxa ay ka wada shaqeyn doonaan xoojinta nabadda, xisloonida iyo is-dhexgalka dhaqaale ee gobolka.

Heshiiska kadib ayaa madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Faraamjo iyo wafdigiisa ay kasoo dhoofeen magaalada Asmara, waxaana garoonka kusoo sagootiyey madaxweyne Afwerki.

Maxkamad amar ku bixisay in lasoo xiro laba sarkaal oo ka tirsan DF + Magacyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Amar goordhow kasoo baxaya Gudoomiyaha Maxkmadda Gobolka Banaadir Muuse Maxamed ayaa waxaa Hay’adaha amaanka lagu faray inay kusoo xiraan Saraakiishii dhowr ah.

Guddoomiyaha Maxkamada ayaa amar ku bixiyay in si dhaqsi ah lagu soo xiro Saraakiisha ka danbeysay xariga Agaasimaha Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Daahir Nuur.

Guddoomiyaha Maxkamada ayaa amarkaani soo saaray kadib markii uu saaka si hordhac ah u dhagaystay dacwada agaasimaha.

Gudoomiyaha ayaa amray in marka hore lasoo xiro laba sarkaal oo ka tirsan CID kuwaa oo amray xariga Agaasimaha.

Saraakiisha la amray in lasoo xiro ayaa lagu kala magacaabaa Maxamed Cabdi Axmad iyo Farxaan C/xakiin mursal.

Geesta kale, Saraakiisha ayaa loo heystaa in ineysan waddo sax ah u marin xariga Agaasimaha iyo ineysan heysan warqad amar soo qabasho, taasina ay keentay in la xiro.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Muuqaalladii ugu horeeyay ee kulankii FARMAAJO iyo madaxda ONLF oo la helay

Asmara (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaya muuqaalladii ugu horeeyay kulankii magaalada Asmara ee dalka Eritrea ku dhex maray madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxda Ururka ONLF oo uu horkacayey Guddoomiyaha ururkaasi Maxamed Cumar Cusmaan.

Guddoomiyaha ONLF ayaa shaaciyey kulankaasi oo sheegay in madaxweyne Farmaajo uu raaligelin ka bixiyey dhiibistii ay dowladiisa Itoobiya u gacan celisay C/kariin Qalbidhagax oo ahaa sarkaal ka tirsan ONLF.

Wareysi uu siiyey idaacadda VOA, ayuu Maxamed Cumar ku sheegay inuu madaxweyne Farmaajo kula kulmay magaalada Asmara ee dalka Eritrea, islamarkaana uu si shaqsi ah isaga raali-gelin uga bixiyey dhiibistii Qalbi-Dhagax iyo qaladaadkii ka dambeeyey ee dhacay.

Guddoomiyaha Ururka ONLF Maxamed Cumar Cusmaan oo la hadlay VOA-da ayaa yiri “Madaxweynuhu waxa uu raali galin kabixiyay haddalka kadhacay dowlada iyo xarigii sanadkii hore loo geystay Sarkaalka ka tirsan Jabhada ee lagu magacaabo C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax)”.

Guddoomiyaha waxa uu sheegay in kulanka uu ahaa mid ka dhacay magaalada Asmara ee dalka Eriteriya waxa uuna aad usoo dhaweeyay in dowlada Somalia ay garwaaqsatay hadalkii khaladka ahaa ee kadhacay.

 

Xildhibaan ka tirsan BF oo shaaciyay halka dilalka iyo qaraxyada lagu diyaariyo

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo xubin ka ah guddiga arrimaha gudaha iyo amniga ee golaha shacabka oo u waramaayay Idaacada risaala ee magaalada Muqdisho ayaa si qoto dheer uga hadlay halka laga soo agaasimo Qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ee kadhaca magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Daahir Amiin, ayaa sheegay in Qaraxyada iyo dilalka qorsheysan aysan ka imaan banaanka sare ee magaalada waxa uuna cadeeyay in Qaraxyada lagu dhex sameeyo gudaha Muqdisho, halka maleeshiyaadka xirxira iyo kuwa fuliya ay ku dhex noolyihiin isla magaalada.

Xildhibaan Jeesow ayaa sheegay in Wasaaradda amniga looga baahan yahay iney shaqadeeda qabsato oo aysan u taagneyn magac ahaan.

“Maaha in la isticmaalo keliya magaca wasaarada amniga waa in lagu shaqeeyaa wasaarada waxaa laga doonayaa inay nabadeyso magaalada Muqdisho”

Sidoo kale, Xildhibaan Daahir Jeesow waxa uu tilmaamay in dhammaan xubnaha Guddiga arrimaha gudaha iyo amniga ee golaha shacabka ay aminsan yihiin in dadka ka dambeeya dilalka qorsheysan ee Caasimada ka dhaca iyo qaraxyada iney ku sugan yihiin gudaha Muqdisho.

Geesta kale, Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in ay muhiim tahay in shacabka Muqdisho ay iska soo dhex saaraan dadka ku dhexjira ee falalka amni dario ka wada Caasimada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

CC SHAKUUR: 3 arrin ayaa ka dhimman raali-gelinta Farmaajo ee Qalbi-Dhagax

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ka mida siyaasiyiinta ku kacsan dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay so dhoweeyay raaligelintii uu madaxweyne Farmajaao ka bixiyey dhiibistii C/kariin Qalbi dhagax, sida uu shaaciyey Guddoomiyaha ONLF oo Asmara kula kulmay madaxweynaha Sooomaaliya.

Siyaasiga ayaa sheegay in cudurdaarka uu bixiyey Madaxweyne Farmaajo ay ka dhiman tahay saddex qodob oo ay ka mid yihhiin inuu raaligelin buuxda shacabka ka siiyo iyo in xukuumadda ka laabato go’aankii ay ururka ONLF uga dhigtay mid argagixiso ah, waxaana qodobadaasi ka mida:

1- Cudurdaar buuxa oo uu Madaxweynuhu siiyo Shacabka Soomaaliyeed, maadaama dhiibista Qalbidhagax ay ahayd danbi laga galay Shacabka. Waxaana taa cadayn u ah falceliska shacabka meel kasta oo ay joogeen iyo duruuf kasta oo ay ku sugnaayeen.

2- Waxaan kaloo madaxweynaha xil ka saaran yahay in Xukuumadu ay ka laabato go’aankii ahaa in ONLF ay urur argagexiso tahay, loona ogolaado in ay Muqdisho xarun ka furato.

3- In uu Madaxweynuhu balanqaad siiyo Shacabka Soomaaliyeed in uusan mar danbe muwaadin Soomaaliyeed shisheeye u gacan gelin doonin.

Mar uu ka hadlayey Cabdiraxmaan Cabdishakuur haddii uusan Farmaajo qaadin seddexaas qodob ayuu yiri”

“… Hadii kale Madaxweynuhu wuxuu u muuqanayaa nin cadaadiska Ajnabiga u nugul oo dhiibista Qalbidhagax ay Itoobiya oo ONLF ka soo horjeeda ku cadaadisay, halka cudurdaarkana Eritrea oo ONLF taageersan ka dalbatay..” .

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

DF Somalia oo ka hadashay wararka ah in Farmaajo uu raali galiyey Qalbi-Dhagax

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Somalia ayaa markii ugu horeysay ka hadashay wararka sheegaya in Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uu magaalada Asmara ee xarunta dalka Eriteria kula kulmay hoggaanka ugu sareeya jabhadda xoreynta Ogaden ama ONLF.

Dowladu waxa ay sheegtay in Madaxweyne Farmaajo uu la kulmay hoggaanka ONLF iyaga oo kawada hadlay arrimo dhowr ah.

Wasiirka Warfaafinta Somalia Daahir Maxamuud Geelle oo la hadlaayay BBC-da ayaa xaqiijiyay in uu kulan dhex maray madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo hoggaanka ugu sareeya ONLF.

Wasiirka oo ku sugan magaalada Asmara ayuu sheegay in kulanka uu ahaa mid aanan horey loosii qorsheynin balse looga wadahadlay arrimo loo arkay inay ahaayen muhiim.

Wasiir Geelle ayaa yiri “Ugu horeyn madaxweynaha waxa uu kulan la qaatay hoggaanka sare ee ONLF, kaas oo ahaa mid aan horey loosii qorsheynin, markii aan halkan nimid ayay noo yimaaden, waana kulanay, aad iyo aad ayaa loosoo dhaweeyay, kulanka qeybtiisa hore mid furan ayuu ahaa anagana waan ka qeybgalnay, qeybta kale madaxweynaha ayay isku hareen, waxaana laga wada hadlay guud ahaan arrimaha Geeska Afrika”.

Wasiir Daahir Geelle waxa uu ka gaabsaday wararka sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu raali galin ka bixiyay xariga Qalbi-Dhagax balse waxa uu qiray in arrimaha Qalbi Dhagax la’ isla soo hadal qaaday.

Si kastaba ha ahaatee, hadalka wasiirka ayaa soo baxay xilli warbaahinta Soomaalida ay aad u tabinayso war ku saabsan in madaxweyne Farmaajo uu raaligalin ka bixiyay dhiibistii dowladda Soomaaliya ay Ethiopia ugu dhiibtay Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo ah sargaal sare oo ONLF ka tirsan, markii dambena dowladda Ethiopia  ay xabsiga kasoo daysay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

CC Shakuur: Dunida waxay xaqiiq aan la qaadan karin hadda ka ogaadeen NISA

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo ah hadda ah mucaaradka ugu weyn ee dowladda Soomaaliya ayaa weerar ku qaaday hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya ee NISA.

Qoraal uu soo dhigay barta twitter-ka ayuu Cabdiraxmaan ku sheegay in qaar badan oo ka mid ah dalalka deeqda bixiya ee caawiya NISA ay iminka ogaadeen xaqiiqda aan la qaadin karin ee ah dhimshada NISA.

Si kastaba, Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoralkisia ku sheegay in NISA aysan maanta dhiman balse ay dhimatay maalintii, sida uu sheegay, ay ka leexatay hadafkeeda rasmiga ah ee la dagaalanka argagixisada, loona adeegsaday in lagu weeraro siyaasiyiinta.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa waxaa hadda kor hor gurigiisa ku weeraray ciidamo ka tirsan NISA, halkaas oo dagaal ka dhacay lagu dilay qaar ka mid ah ilaaladiisa, isagana lagu xiray.

Hay’adda NISA ayaa waxaa toddobaadyadii tagey ka dhex jiray qalalaase, ayada oo qaar ka mid ah xubnaha sare ee hay’adda xilalka laga qaaday, xafiisyadoodana loo dhacay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

SOMALIA oo go’doominta Qatar ka baratay 5 qodob oo muhiim ah sanad kadib

Muqdisho (Caasimada Online) – Somaaliya iyo Qatar waxa ay wadaagaan Astaamo Siyaasadeed, Bulsho iyo Dhaqan-dhaqaale, Qatar na waxa ay kasoo gudubtay go’doomintii iyo cadaawadii ugu ba’need ee soo marta dawlad yar oo Qatar oo kale ah, Astaamaha ay wadaagaana Qatar iyo Somaaliya waxaa ka mid ah:

1-Qatar waa dawlad yar dad ahaan iyo dhul ahaan, waxa ayna deris la tahay dawlado ka badan dad ahaan iyo dhul ahaan oo doonayey muda dheer in ay liqaan ama qaataan kadib Xorriyadeedii.

2-Waxa ay leedahay Khayraat ka badan dadkeeda oo aysan haysan dawladaha dereska la ah sida Gaaska dabiiciga.

3-Waxa ay ka fur-furantahay ama ka fir-fircoontahay dadka iyo dawladaha deriskeeda ah.

4-Waxa ay Dhul, Dhaqan, Luqad, Qaraabo iyo Galaan-gal ku leedahay dadka iyo dawlaha deriska la ah.

5-Waxa ay xiriir iyo saamayn siyaasadeed iyo mid dhaqaale ku leedahay dawladaha waawayn ee dunida gaar ahaan ku leh codka Viitada.

Qodobadaas ayaa keenay in walaalaheed deriska la ah Xasdaan, iskuna dayaan mar badan in ay tirtiraan ama ay qaataan iyaga oo adeegsaday wado kasta oo ay ku gaari karaan hadafkaas sida:

1-Inqilaab melatery oo ay isku dayeen ilaa 4 jeer kadib Xornimadii Qatar.

2-Go’doomintii ugu wayneed oo la saaray sanad ka hor kadib markii laga xiray Dulka, Hawada, Ganacsiga iyo Dhaq-dhaqaaqii dhaqaalaha, lana eryey dhammaan Jaaliyadihii Qatar ee ku noolaa dawladaha deriska.

3-Waxaa lagu eedeeyey in ay taageerto Arga-gaxisada Hoyna u tahay Arga-gaxiso.

4-Waxaa lagu furay Dicaayado iyo Borabagando loo adeegsaday xarumo Cilmi-baaris, kuwo Warbaahin, Xatooyo Macluumaad iyo Tashwiis lagu furay Warbaahinta Qatar.

5-Waxaa Olole iyo dadaal dheer loo galay, dhaqaale fara badana lagu bixiyey in lagu qanciyo dawladaha caalamka gaar ahaan kuwa waawayn in ay ka qeyb-qaataan Go’doominta Qatar.

Qatar waxa ay halgan dheer u gashay, dhexdana u xiratay in ay ka guulaysato, kana gaashashamato culayska iyo cadaadiska ay saareen walaalaheed deriska la ah iyada oo adeegsatay wado kasta oo ay uga guulaysan-karto sida:

1-In ay gasho heshiisyo difaac Melatery, Saldhigna siiso dawladaha Mareykan iyo Turkey.

2-Waxa ay xoojisay Ganacsigeeda iyo kaydkeeda Cuntada.

3-Waxa ay xoojisay xiriirkeeda Siyaasadeed, Dhaqaale iyo Diplomaasi ee Caalamka, waxa ayna soo ceshatay xiriirkii Iran ee Carabtu horay u goysay.

4-Waxa ay xoojisay Warbaahinteeda iyo Saamaynteeda Adduunka gaar ahaan TV ga Aljazeera oo dagaalka ugu wayn ka dhashay.

5-Waxa ay Dacwad iyo Ashtako ka dhan ah dawladaha go’doominta u gudbisay Golayaasha iyo Maxkamadaha Adduunka gaar ahaan kuwa Qaramada Midoobay.

Go’doomintii Qatar Sanad kadib waxa ay ku guulaysatay helitaanka:

1-Magac dheer; dawladda ugu yar Adduunka uguna Magac dheer, uguna saamaynta badan.

2-Karti, Adkaysi, fir-fircooni iyo Galaan-gal dheeraad ah.

3-Kala garasho Cadaw iyo Saaxiib, Kasbasho Saaxiiba Cusub iyo Suuqya Cusub.

4-Hanashada Marti-gelinta Ciyaaraha Koobka Adduunka 2022, kadib markii dagaal dheer loo galay in la dhaafiyo laguna sunto Arga-gaxiso, waxa ayna noqotay dawkadii Carbeed ee ugu horeysay ee hanata marti gelinta Koobka Ciyaaraha Adduunka.

5-Waxa ay ku guulaysatay Dacwadii Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ka dhanka aheed dawlada Emaaraatka.

Hadaba Somaliya maxay ka bara kartaa Qatar:

1-Sida loola dhaqmo deriska haddii uu kaa tiro iyo awood badsho.

2-Sida looga faa’iidaysto Khayraatkaaga iyo Hantidaada looguna kasbado Saaxiibo.

3-Sida loo galo dagaal Diplomaasi looguna adkaado, loogana maarmo dagaal Milatery iyo mid Hubb.

4-Sida loo kasbado Saaxiibo Dunida loona yeesho Magac dheer iyo Maamuus.

5-Sida Dunida maanta Tira badan, Ciidan badan iyo Hubb badan uga Qiimo iyo Macna badantaha Tayada badan, Dhaqaalaha badan iyo Aqoonta badan.

W/Q. Mohamed Gacal (Dr Gacal)

Jabuuti oo si cajiib ah uga jawaabtay helista uga soo socota is-bedelada Geeska

Jabuuti (Caasimada Online) – Dawladda Djibouti yaa ka jawaabtay dareenka falanqeeyayaasha siyaasadda ee aaminsan in isbedelada gobalka Geeska Afrika ka socdaa ay go’doomin doonaan Djibouti.

Wasiirka arrimaha dibadda Djibouti Maxamuud Cali Yuusuf oo tan iyo markii ay wada hadal bilaabeen Ereteriya iyo Itoobiya bilaabay dhaqdhaqaaqyo diblomaasiyadeed, ayaa wuxuu meesha ka saaray in waxyaabaha socda ay go’doomin karaan Djibouti.

“Kuwa filaya in arrimaha dhacayaa ay sababi doonaan in Qaramada Midoobey ay go’doomiso Jabbuuti. Waxa aan si deggen ugu sheegayaa, in ay nabaddu marka koowaadba dan u tahay kuwii sannadahaas oo dhan iyagu burburinayey/dhaawacayey.” Sidaas ayuu yidhi Wasiir Yuusuf oo shalay qoraalo dhawr ah ku baahiyay twitterka, waxaanu intaas raaciyay “Djibouti waxa ay sii ahaan doontaa dal albaabadiisu u furan yihiin nabad, aan ku imanayn in laga gorgortamo danaheeda qaran.”

Dad badan oo siyaasadda falanqeeya ayaa aaminsan in dalka koowaad ee isbedelada uu la yimid raysalwasaaraha Itoobiya ay saamaynayaan noqon doonto Djibouti.

Caasimada Online
Xafiiska Jabuuti
[email protected] 

“7-dii bilood ee Muse Biixi xilka hayay ha is-qiimeeyo, Faysal baa FARMAAJO isla soo sawiray caqli maahee”

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, ayaa ayaa Madaxweyne Biixi ugu baaqay inuu is qiimeeyo toddobadii bilood ee uu talada dalka hayay.

Eng Faysal Cali Waraabe oo ka soo laabtay dalka dibadiisa ka dib markii uu Madaxweynaha Soomaaliya Mr. Farmaajo kula kulmay dalka Beljamka ayaa si balaadhan loogu soo dhaweeyay magaalada Hargeysa. Faysal oo saaafadda la hadlay wuxuu  sheegay in aanu filayn soo dhawayn noocan ah laakiin, uu fahansan yahay in ay jirto wax dadweynaha soo kiciyay taas oo u muuqata in uu u jeedo shakiga bulshadu ka qabtay in loo xidho kulankii uu Farmaajo la qaatay.

Guddoomiyaha ayaa ka sheekeeyay waxyaabaha uu Somaliland la soo qabtay ilaa wakhtigii AHUN Cabdiraxmaan Tuur oo uu tilmaamay in uu arrimaha qaranka kala shaqayn jiray madaxweyne kasta. Waxa uu sheegay in aanu la’aantii Siilaanyo meelmariyeen Saldhigga iyo heshiiska DP World isaga oo sheegay in uu madaxweyne Biixi si weyn uga difaacay Soomaaliya markii dadaallada diblamaasiyadda iyo saxaafadda lagaga dheereeyay xukumadda Biixi taas oo gaadhsiisay in dadku is waydiiyo in Faysal noqday afhayeenka Madaxweyne Biixi.

Ujeedadiisa Shirka Brusells wuxuu ku sheegay in madaxda Soomaaliya oo ah qurbejoog Somaliland cudqad ugu haya maxaa Siyaad Barre loo riday ay beesha caalamka ku cadaadinayeen in aan Somaliland deeq la siin iyada oo aan xukumadduna wax dadaal ah ku samayn sidii ay beesha caalamka ugu qancin lahayd in aanay dhegaysan Somalia oo Somaliland loo wado deeqaha “Inta aynu iska yuurursanay Hargeysa iyo Madaxtooyada ayaynu nidhi anagu baryi mayno ninka lacagta bixinaya, markaas ayaa nalala soo hadlay oo nala yidhi waar dee taga oo dadka dhaqaalaha bixinaya u taga sidaas ayaanu ku tagnay,” ayuu yidhi Eng Faysal oo sheegay in $500 oo milyan oo la bixinayo Somaliland la siinayo ilaa $200 Milyan taasna ay tahay guul ay soo hooyeen isaga iyo Cali Khaliif.

Waxa kale o uu cudur daar u sameeyay sawirro uu la galay safiirka Somalia ee Midawga Yurub waxaanu sheegay in uu yahay nin ay ehel yihiin oo seedigii ah taageerana siiya carruurta Somaliland ee Liibiya ku xanniban “Innaga (Somaliland) sharci innoo yaalla oo la yidhi Wallowayn ha salaamin ma jirin.. dawladnimada Somalilandna meel Faysal Cali Waraabe wax yeelayo maaha.. nimanka baarlamaankana waxaan leeyahay idinkaan sharci ku joogin,” Sidaas ayuu yidhi Eng Faysal.

Guddoomiyaha UCID oo yidhi “Anigu ma ihi nin Somaliland looga baqayo,” waxa uu cudur daar u sameeyay kulankii Farmaajo oo uu sheegay in uu ahaa mid codsigiisu ka yimid Farmaajo oo ay aqoon shakhsi ah isu lahaayeen. Waxa uu sheegay in Farmaajo ka dhaartay in uu taageerayo durbaanka daaroodiyada ee lagu abaabulayo dagaalka Tukaraq iyo in uu wax hub ama taageero ah siiyo Cabdiwali Gaas. Waxa uu sheegay in ay isla garteen in uu dadka u sheego in aanu dagaalka Tukaraq ahayn mid beeleed sidoo kalena dib loo bilaabo wada hadallada Somaliland.

Eng Faysal Cali Waraabe ayaa u muuqda in uu iska dhawray eedo uu u jeediyo xukumadda madaxweyne Muuse kadib markii madaxweynuhu dhawaan sheegay in uu amakaag ka qaaday kulanka Farmaajo “”Annigu la ficil tamimaayo Muuse Biixi Kursiga ayuu noo fadhiyaa”ayuu yidhi Eng Faysal Cali Waraabe.

Waxa uu u soo jeediyay in aanu ku mashquulin kulanka Farmaajo iyo Faysal ee uu qiimeeyo waxqabadkiisa todobada bilood ee uu xilka hayay “Todobadii bilood ee Muuse Biixi kursiga hayay ha is qiimeeyo..Faysal baa Farmaajo isla sawirray caqli maahee.”

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
[email protected] 

Maxaan ka barran karnaa haddalada Anwar Gargash ee iska soo hor-jeeda?!!!

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa dalbatay in dowladda Somalia ay raali gelin buuxda ka bixiso dhacdadii bishii April ee sanadkan Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho, taasi oo la xiriirtay Diyaarad Imaaraadku lahaa oo lagu xanibay garoonka.

Dalbka raali galinta ayaa waxaa soo jeediyay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta Dr. Anwar Gargash oo sheegay in dowladda Somalia ay hada qiratay khaladka ay ka gashay Imaaraadka.

Dr. Anwar Gargash oo u muuqday mid uu is khilaafayo haddalkiisa ayaa marka hore sheegay in Somalia ay ka dalbanayaan inay bixiso raali galin, halka qodobka labaad uu ka sheegay in Somalia ay qiratay inay khalad ka gashay Imaaraadka.

Anwar Gargash, waxa uu horay u sheegay in dowlada Imaaraadka ay lacagtaasi u waday meel kale balse ay u gacangashay dowlada Somalia, isagoo xiligaa hadalkiisa ku muujinaayay mid ay ku khaldanaayen maadaama aysan wargalin dowlada Somalia, mana cada sababta uu isku khilaafayo haddalka Imaaraadka.

Erayada adag ee uu adeegsanayo Anwar Gargash waxa uu daba socdaa wadahadalka ay dowlada Eriterea ay ka dhex abuureyso Somalia iyo Imaaraadka, waxa uuna dhoolatus u yahay in Somalia ay ku khasbanaan doonto aqbalaada wax waliba oo kaga imaanaya dowlada Imaaraadka sida in raali galin ay bixiso iyadoo dulman.

Wuxuu sheegay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta in dowladda Somalia ay ku xad gudubtay dowladdiisa.

Anwar Gargash, waxa uu sheegay in Somalia ay ku khasban tahay inay cafis ka dalbato Somalia si xal iyo waan-waan looga dhexsameeyo labada dal oo uu sheegay inuu weli ka dhexjiro khilaaf.

Wuxuu sheegay Gargash isaga oo ka hadlayay xarunta cilmi baarista ee Policy Exchange ee magaalada London ayaa wuxuu sheegay in ay socdaan dadaalo lagu xalinayo khilaafka labada dowladood.

Madaxda Dowlada Imaaraadka carabta waxa ay inta badan si maldahan isugu dhexyaaciyan hadalada iyo eedaha ay u jeediyaan Somalia, taas oo ugu wacan inay ku fashilmaan dhamaan danihii ay ka lahaayen Somalia.

Sidoo kale, Dhaxal sugaha dalka Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed Bin Zaa’id Aala Nahyaan, ayaa dhankiisa ka sheegay in Somalia ay ku abaal-dhacday Imaaradaka carabta isagoo tilmaamay inaysan ka helin abaal gudkii ay ka filayeen.

Si kastaba ha ahaatee, dowlada Imaaraadka carabta ayaa xooga saareysa wadada ay Somalia ku bixin laheyd raali galin iyadoo qarineysa khaladaadka ay ka gashay Somalia oo ahaa mid lagu duminaayo qaranimada Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

8 arrin oo SOMALIA ay uga mid noqon karto dalalka ugu horumarsan DUNIDA

Muddo dheer waxaan wax ka baarayay sababta dowladi u horumarto midna udib dhacdo, amaba waxyaabaha ugu muhiimsan ee kadanbeeya horumarkaas iyo sidoo kale habka ugu habboon ee dowlad ku horumarto, sidoo kale waxaan wax badan ka baadhay cawaamisha keenta horumar bulsho iyo mid dowladeed,haddaba somalia oo ah dal muddo dheer burbursan sidee unoqon karaa mid kamid ah dowladaha ugu horumarsan ee kuyaal dunida?.

Aniga oo ka jawaabaya su’aashaas, waxaan jeclahay in aan soo bandhigo marka hore muuqaal guud oo ah somalia caqabadaha haysta, fursadaha horyaalla, iyo xalka loo baahantahay.

Tobanaan cilmi baarayaal aduunka kazoo kala jeeda ayaa 20 kii sano ee ugu danbaysay ku ahaa  mashquul si ay wax uga ogaadaan sababaha keena horumar iyo dib-udhac dowlad ku yimaadda, gaar ahaan waxaa la ogaaday dowlado markoodii hore ahaa kuwo dib dhacsan oo waqti kooban kamid noqday mid kamid ah dowladaha ugu horumarsan dunida tusaale: Singapore, turkey, Malesia iyo IWM.

Waxaan kaga duwanahay dad badan oo waqti badan geliyay cilmi baaris kusaabsan kobaca iyo horumarka dowladaha, eray bixinta ah, dowlad horumarsan ama  dib-dhacsan waxaan aaminsanahay in lagu beddelo eray bixintaas maamul horumarsan ama maamul dib-dhacsan, ujeedkaas waxaa uu tilmaan uyahay in hormarku ama dib dhacsanaantu ay ka timaaddo cidda wax maamulaysa  hadii awood uu u yeesho hoggaanka maamulaya shirkadda,bulshada, amaba dowladda hab maamul wanaagsan oo leh hufnaan iyo isla xisaabtan wanaagsan waxaa uu horseedi karaa maamulkaas in uu soo saaro bulsho wacyigeedu sarreeyo oo leh  horumar dhaqaale, deganaanshiyo siyaasadeed, waxaan hubaa hadii lahelo tilmaamaha kor kuxusan in dalkaas gaari karo horumar lamid ah sida kuwa kale u horumareen, hadii xatooyo dhaqaale iyo musuq meesha yimaaddana wax walba afka ayay ciidda lagelayaan, waxaana luma markaas kalsoonida bulshada waxaa ay dareemaan bulshadu niyad jab “psychological defeat”.

Farqiga u dhexeeya dowlad horumartay iyo mid dib-dhacsan maaha yaraanta ilaha dhaqaalaha oo kaliya ee waa kumaamulida garaad aqoonaysan”Smart education” maamul wanaag ama maamul xumo jirta owgeed ayaa wax hagaajin karta ama wax xumayn karta, tusaale waxaa u ah dowladaha aan soo sheegay halka ay joogeen xilli dhow iyo maanta meesha ay gaareen.

United Nations Development Programme  waxaa jira halbeeg ama “standard” ay ku eegaan horumarka dowlad gaarto waxaana kamid ah.

– ka qayb galka muwaadinka  wax soosaarka dalka .
– Danaynta dowladda baxnaaninta caafimaad ee muwaadinkeeda iyo heerkiisa nololeed.
– Danaynta heerka wax barasho: “sida aan lasocono halbeegga wax barasho waa midka ugu muhiimsan oo laga eego bulsho ama dowlad horumarkeed ama dib dhacsanaanteeda, dalka somalia dowladdiisii dhexe markii ay burburtay wax walba waa ay laburbureen”.

Qodobbo aan u arko in ay kamaqan yihiin dowladnimada dalkeena somaliya, hadii ay innoo hagaagaanna ay kamid noqon karto mid kamid ah dowladaha ugu horumarsan dunida.

1.  Is dhaliilid nafteenna ah “Self criticism” waxaa waajib ah in aan is dhaliilno oo aan si hoose u eegno halka aan joogno, halka aan hiigsanaynana hoosta aan kaxaeiiqno su,aalana iska waydiino si aan horay ugu socono hadii heerkeenu hooseeyo sidii aan usii dar dargali lahayn.

2. Doonis “volition” Doonis  waa awoodda ugu wayn ee qof ama ummad haysato, ummad haysata Doonis majoojiso joogtaynta in ay raadiso waddada horumarka lagu gaaro ilaa ay u dhabowdo doonisteedu, taas beddelkeed ummada soomaaliyeed waddada horumarka ma eegaan ee iyagaa ayaa is eedeeya oo kaliya, waa inaan ogaanaa is eedayntu hadii ay badato waa tusaalaha dib dhacsanaan mid kamid ah.

3. Garaad aqoon leh ” Scientific mind” dhibkeena ugu wayn hadii aan soomaali nahay  ma aaminsanin in aqoon iyo garaad wax lagu gaaro, waxaanu nahay bulsho caadifadaysan “emotional society” waa in aan ogaanaa qofkii cilmi haysta waa horumaraa qofkii jahli hoy unoqdana waxaa uu ahaadaa mid dib dhacsan oo kabayra waddada guusha iyo hormarka, dhamaan dowladaha ahaa kuwo dib dhacsan ee manta hormarsan waxaa ay siiyeen mudnaanta waxbarashada.

4. Daganaashiyo siyaasadeed, “political stability” hoggaamiyaha bulshdiisa ku hogaamiya deganaashiyo siyaasadeed oo ay hoos imaanayaan cadaalad, deganaashiyo dhaqaale, sinaan, hufnaan, eex la,aan, awoodda hoggaamineed  aan lakeli noqon oo yeesha lataliyaal kuhaboon aqoona uleh waxa ay kala talinayaan, waxaa uu noqdaa mid bulshadiisa ku hoggaamiya waddada guusha oo ah mid lahubo halka ay tagayso oo ah horumar iyo barwaaqo sooran.

5. xoriyad “freedom” qof kastaa  waxaa uu   dhashay isaga oo xor ah, waana hibo ilaahay siiyay qof kasta, sidaa daraadeed cidina kama hor istaagi Karto, qof xor ahna ma aqbalo adoonsi iyo kelitalisnimo, sidaas awgeed ummadaha  xorta ah waa kuwo tiigsada hormar, ummada soomaaliyeed waxaa looga baahan yahay in ay isku tashato si ay oga xorowdo faragalin dabadeed oo lawadaagta siyaasadooda gudaha.

6. dhaqan galinta qaanuunka ” law enforcement” sarraynta sharciga lana dhaqan geliyaa una sinnaadaan dadku iyadoon lakala soocin waa qodobo kamid ah dowladnimo wanaaga iyo hufnaanta, waana waxa ay kugaari garto somalia horumar wanaagsan iyo cadaalad saraysa.

7. Shaqo “Job” bulshada soomaaliyeed dadkeedu ama xubneheeda shaqaalaha gaarka ah iyo kuwa dowladda oo si joogta ah u shaqeeya iyagoo kutiirsan naftooda iyo awooddooda, hankooduna sareeyo iyo ku kalsoonaanta dalkooda waxaa ay noqon kartaa markaa makaas somalia mid kamid noqota dowladaha  ugu horumarsan dunida, waxaa ayna si fudud u gaari kartaa barwaaqo sooran dhaqaale, bulsho iyo mid siyaasadeed.

8. Wadaniyad ” nationalism” wadaniyadu si guud marka loo eego waa dareen jacayl oo aad u qaado wadankaaga iyo adigoo lajeclaada wax kasta oo wanaag ah lana naca wax kasta oo aan u qalmin, waana tilmaan abtirsi dal iyo dad ama mid kamid ah labadaas .

Ugudanbayn Somalia waxaa ay u baahantahay isku kalsoonaan waxaa ayna ku gaari kartaa, isku tiirsanan dhaqaale si xal waara loogu helo daganaashiyo la,aanta iyo faragalinta siyaasadeed, qodobada aan kor kusoo xusay waa kuwa ugu muhiimsan oo aan is dhihi karo si guud waa kuwa kanoqo kara qayb samata bixinta  ummadeena soomaaliyeed iyo kuhorumarkeeda.

Abdiaziz Nur Abi Mohamed
Candidate PhD program faculty Economic and Social Studies department political science neelain university Sudan – khartoum.

Sawirro: Guddoomiye Mursal oo bixiyay Xafiisyo cusub kadib dhismaha Xarunta BFS

Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha Golaha shacabka ee baarlamaanka Somalia Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta irdaha u furay Xafiisyo dhowr ah oo lagu kordhiyay dhismaha baarlamaanka Somalia.

Mursal oo maanta gaaray Xarunta ayaa Xafiisyada ku wareejiyay qaar kamid ah guddiyada Golaha shacabka baarlamaanka si ay ugu shaqeeyan xafiisyada cusub.

Guddoomiye Mursal ayaa furayaasha xafiisyada ku wareejiyay gudiyo ay kamid yihiin:-

Guddiga arrimaha bulshada ee golaha shacabka, Guddiga ganacsiga iyo dhaqaalaha ee golaha shacabka, Guddiga difaaca ee golaha shacabka, Guddiga beeraha ee golaha shacabka, Guddiga xeer hoosaadka ee golaha shacabka.

Mursal ayaa sheegay in guddi waliba uu kula xisaabtami doono waxqabadkooda maadaama aysan ku andacoon Karin xafiis la’aan.

Sidoo kale, Mursal waxa uu cadeeyay inay adkaan doonto inay dhacdo guddi Xafiis la’aan ah waxa uuna ballanqaaday in gudiyada harsan ay heli doonaan Xafiisyo.

Guddoomiyaha Golaha shacabka ee BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa guddiyada golaha kula dardaarmay iney shaqooyinkooda sii laba jibaaraan, maadaama loo dhisay xafiisyadii ay u baahnaayeen.

Guddoomiyaha ayaa xusay inuu ku faraxsan yahay inuu ka dhabbeeyo balan qaadkii ahaa in guddi walbo uu helo xafiis u gaar ah.

 

Arag Sawirro: Farmaajo oo booqday xarumo Eritrea ay ka fulineyso mashaariic

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kormeeray goobo ay Dowladda Ereteriya ka fulisay mashaariic horumarineed ayaa sheegay in shacabka iyo Dowladda Soomaaliya ay maanta taagan yihiin xilligii ay la jaanqaadi lahaayeen horumarka ka socda waddamada Geeska Afrika.

Madaxweynaha iyo Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee qeybta ka ah wafdigiisa ayaa booqday goobo laga hirgeliyey warshado, biyo-xireenno, beero iyo xarumaha tamarta ileyska cadceedda ee dhaliya korontada.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in kormeerka uu Madaxweynuhu ku tagay goobaha laga fuliyey mashaariicdaas ay ka tarjumayo muhiimadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ay siinayso dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, horumarinta ganacsiga iyo wax-soo-saarka dalka.

“Ujeedka ugu weyn ee aan u kormeernay mashaariicdan ayaa ah inaan wax kala baranno oo aan eegno meelaha aan iskaashiga ka yeelan karno iyo dhinacyada ay ganacsatada labada dal maalgashi ku sameyn karaan sida wax soosaarka beeraha, ka faa’iideysiga ilaha kala duwan ee tamarta iyo warshadaha.”

Dhanka kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la kulmay qaar kamid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee deggan dalkan, waxa uuna ka wareystay xaaladdooda nololeed, isagoona la wadaagay qaar ka mid ah qodobada miradhalka ah ee ka soo baxay wadahadallada u socda labada dal, kuwaasi oo ay ka mid tahay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay safaarad ka furan doonto dalka Ereteriya, taasi oo u adeegi doonta jaaliyadda.

Socdaalka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhiggiisa dalkan Ereteriya Mudane Isaias Afwerki ay ku tageen degmooyin ka baxsan magaalada Asmara waxaa ku weheliyey Wasiirro ka kala tirsan labada dowladood.

Dhageyso: FARMAAJO oo raaligelin ka bixiye dhiibisti C/kariim QALBI-DHAGAX

Asmara (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Ururka ONLF Admiral Maxamed Cumar Cusmaan uu sheegay in dawladda Somalia ay raali-galin ka bixisay dhiibistii Cabdikariim Qalb-dhagax iyo in Ururka ONLF uu yahay urur argagixiso.

Wareysi uu siiyey idaacadda VOA, ayuu Maxamed Cumar ku sheegay inuu madaxweyne Farmaajo kula kulmay magaalada Asmara ee dalka Eritrea, islamarkaana uu si shaqsi ah isaga raali-gelin uga bixiyey dhiibistii Qalbi-Dhagax iyo qaladaadkii ka dambeeyey ee dhacay.

Guddoomiyaha Ururka ONLF Maxamed Cumar Cusmaan oo la hadlay VOA-da ayaa yiri “Madaxweynuhu waxa uu raali galin kabixiyay haddalka kadhacay dowlada iyo xarigii sanadkii hore loo geystay Sarkaalka ka tirsan Jabhada ee lagu magacaabo C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax)”.

Guddoomiyaha waxa uu sheegay in kulanka uu ahaa mid ka dhacay magaalada Asmara ee dalka Eriteriya waxa uuna aad usoo dhaweeyay in dowlada Somalia ay garwaaqsatay hadalkii khaladka ahaa ee kadhacay.

Isagoo kulanka ka hadlaayay ayuu yiri “Kulanka wuxuu ahaa mid ku soo dhamaaday guul, waxaan isla gaarnay in si wadajir ah loo wada shaqeeyo, arrintaas waxaan u maleynaya in golaha wasiirada ay ku dhawaaqeen, balse Baarlamanka ayaa sheegay in Ururka aanu aheyn Argagixiso”

“Madaxweynaha horeyna wuu u sheegay inuu aqoonsan yahay oo uu racsan yahay go’ankii Baarlamaanka, Madaxweynaha wuxuu inoo sheegay inuu arrintaas ka xun yahay raali gelina ka bixinayo”.

Madatooyada Soomaaliya weli ka aysan hadlin hadalka kasoo baxay ONLF.

Dhageyso wareysiga guddoomiyaha ONLF

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Aqriso: Khudbadii Farmaajo uu ka jeediyey Asmara oo uu ku jiray qodob xasaasi

Mudane Madaxweyne Isaias Afwerki, 
Mudanayaal iyo Marwooyin,

Sharaf weyn bay aniga iyo waftigaygaba u tahay in aan soo gaarno caasimadda qurxoon ee Ereteriya, casuumaaddii aad noo fidiseen ka dib.

Hubaashii, booqashadani waa mid labadeenna qaranba taariikhda u gelaysa. Waxaan kaaga mahadcelinayaa martigelinta iyo soo dhawaynta aad noo samayseen aniga iyo waftigayga. Waxaan sidoo kale u mahadcelinayaa dadka gobta ah ee reer Ereteriya, kuwaas oo maanta isugu soo baxay waddooyinka magaalada Asmara, soo dhawaynta diirran iyo sida ay u muujiyeen xiriirka taariikhiga ah ee kala dhexeeya walaalahooda Soomaaliyeed.

Mudane Madaxweyne,

Waxaan ku kalsoonnahay in booqashadan taariikhiga ah ay ka dhalan doonto horumar iyo barwaaqo, oo labadeenna qaranba dan u ah.

Wadahadal mira-dhal ah oo aan la yeeshay mudane Madaxweyne Esias Afwerki, waxaan diiradda saarnay sidii aan u xoojin lahayn xiriirka aannu wadaagno labadayada waddan oo aan keliya taariikhi ahayn, balse lagamamaarmaan u ah mustaqbalka ifaya ee aannu wada dhisi doonno.

Labadayaduba waxa aannu ogsoonnahay in mustaqbalkayagu uu isku xiran yahay, maaddaama aannu nahay labo waddan oo walaalo ah, isku gobolna ah.
Waxa aannu sidoo kale ku heshiinney inaan xoojinno iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo horumarka gobolka.

Iskaashigani waxa uu faa’ido weyn u leeyahay labadeenna dal, maaddaama aan ka simannahay caqabado isku mid ah.

Iskaashiga waxtarka leh ee ay dawladda Soomaaliyeed doonayso waa mid sahlaya in labadeenna qaran ay si buuxda u wada shaqeeyaan, labadeenna shacabna nabad iyo barwaaqo ku noolaadaan.

Waxaan doonaynaa in aynu caasimadeheenna ka hawlgelinno safaaradaha labadeenna qaran, wax-soosaarka dalalkeenuna si xor ah ugu kala gooshto gobolka oo dhan.

Dawladda Soomaaliya waxa ay soo dhawaynaysaa heshiiskii nabadeed ee dhawaan dhexmaray Ereteriya iyo Itoobiya. Waxa hubaal ah in gebi ahaanba Geeska Afrika uu ka faa’idi doono waagan cusub ee ku astaysan nabadda, saaxiibtinnimada iyo wadajirka gobolka.

Ereteriya waxa ay muhiim u tahay mustaqbalka Geeska Afrika, maamulkaygu waxa uu diyaar u yahay inuu kala shaqeeyo maamulkaaga danta labadeenna shacab iyo guud ahaan shucuubta Geeska Afrika.

Si taas loo gaaro, waxa aannu ku baaqaynnaa in gebi ahaanba cunaqabaynta iyo xannibaadaha dhaqaale laga qaado dadka reer Ereteriya si loo helo isdhexgel dhaqaale oo ka dhaca gobolka, loona gaaro heshiisyo suurtagelinaya ganacsi xor ah, kaasi oo fududeyn doona isu-socodka dadka iyo badeecadaha.

Waad mahadsan tihiin.

Xog: Maxaa u sabab ah in Eritrea ay dhex-dhexaadiso Somalia iyo Imaaraadka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Imaaraatka Carabta ayaa kaalin weyn ku lahaa Isku soo dhawaanshaha Ethiopia iyo , iyadoo uu dhaqaalo uu ku bixiyay sidii labada dhinac heshiis ay u gaari lahaayeen, Imaaraatka inuu la dhinac noqdo Ethiopia iyo Eritrea waxaa qasbay markii uu waayay heshiisyadii dekadaha ee Soomaaliya iyo Jabuuti.

Eritrea iyo Somalia ayaa hadda yeelanaya xiriir isku soo dhawaansho, waxaana 15 sano kadib ay is dhaafsanayaan safaarado, iyagoo safiiro magacaabi doonaan.

Siyaasadda Cusub ee Gobolka, ayaa timid markii heshiisyo ay gaareen Ethiopia iyo Eritrea, Imaaraatka Carabta ayaana hogaanka labada dal guddoon siiyay Bilado kadib heshiiskoodii.

Golaha shacabka iyo aqalka sare ee baarlamaanka Somalia ayaa ansixiyay sharci ogolaanaya in shirkadda DP World aysan ka shaqeyn karin dalka, waxaana sharcigaasi uu horyaala madaxweynaha Somalia oo aan wali saxiixin.

Haddii Eritrea ay ka shaqeyso isku soo dhawaanshaha Imaaraatka iyo Somalia, waxaana la ogeyn sida xaalka Shirkadda DP world noqon doono.

Wasiirka warfaafinta Somalia Daahir Maxamuud Geelle, ayaa sheegay in Eritrea iyo Somalia ay ka shaqeyn doonaan horumarka dalka geeska africa.

“Dabcan Dowladda Eritrea iyo Imaaraadka oo isku fiican, waxay kaalin mug leh oo macno leh ka qaadan kartaa inay isku soo dhoweyso Soomaaliya iyo Imaaraadka oo arrimo badan oo la kala tabanayay ay beryahan jireen”ayuu yiri Wasiir Daahir Geelle.

Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa dhowrkii bilood ee la soo dhaafay ahaa mid mugdi galay, tan iyo wixii ka dambeeyay bishii April ee sanadkan markii Ciidamada ammaanka Soomaaliya ay garoonka diyaaradaha Muqdisho ku qabteen lacag gaareysay 10-milyan oo u socotay Safaaradda Imaaraadka Carabta ee Muqdisho.

Dhacdadaas ayaa keentay in Imaaraadka Carabta ay cambaareeyaan sida loola dhaqmay oo ay ku tilmaameen inay tahay mid ka baxsan xeerarka diblomaasiyadda, waxaana ay joojiyeen howlihii tababarka iyo taageerida Ciidamada Soomaaliya.

Is bedelka ka bilowday Gobolka Geeska Afrika ayaa sabab u noqday xulufo cusub oo ka dhex bilowda dowladaha Eritrea, Itoobiya, Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta, waxaana muuqata in loolanka loogu jiro dalalka ku yaalla Badda Cas inuu saameyn ku yeelanayo Soomaaliya.

Booqashadii ra’iisul wasaare Abiy Axmed uu ku yimid Somalia 16 June 2018 iyo heshiisyadii afarta dekadood ee uu la galay madaxweynaha Somalia, ayaa dhalisay shaki badan, maadaama ka hor booqashada Abiy ee magaalada Muqdisho, uu la kulmay masuuliyiin ka tirsan Imaaraatka Carabta.

Waxaa sidoo kale Booqashadii Abiy Ahmed ee Muqdisho ka hor, Imaaraatka Carabta ay bangiga Ethiopia ku shubeen dhaqaalo gaaraya 3 milyan oo doolar, taasi oo la sheegay in lagu kabayay dhaqaalaha Ethiopia.

Imaaraatka ayaa joojiyay howlihii tababar ee uu ka waday magaalada Muqdisho, markii uu xumaaday xiriirkii kala dhaxeeyay Somalia, waxaana joogsaday dhaqdhaqaaqyo badan oo ay ka wadeen Somalia, laakiin ma aysan joojin dhaqdhaqaaqii ka socday qaar kamid ah gobolada dalka.

Waxaa jirtay dacwad dowladda Somalia ka gudbisay Imaaraatka Carabta oo loo diray Qaramada Midoobay iyo Jaamacadda Carabta, taasi oo ku aadaneyd inay faragelin toos ku hayaan Somalia.

Ka sokow Imaaraatka in xiriirka u la lahaa Somalia uu xun yahay, haddana xulufada Sacuudiga ayaa hogaanka Somalia ku xaq liya inay Qatar taageersan yihiin, laakiin dowladda waxay sheegtay inay dhex dhexaad ka tahay khilaafkii dhexmaray sanad ka hor Qatar iyo Xulufada Sacuudiga.

Isbaheysiga Cusub ee Gobolka oo Xulufadda Sacuudiga ay wadeen ayaa Caqabad ku noqon kara danaha Wadamada Turkiga & Qatar ka leeyihiin wadamada geeska Africa, gaar ahaan Somalia.

W/Q. Maxamed Ciise Maxamuud

Booqashada R/W Kheyre oo muujisay labada weji siyaasadeed ee Puntland

Garoowe (Caasimadda Online) – Raisul Wasaaraha xukumadda Federal-ka ah ee Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa saaka gaaray magaalada Garoowe oo ah xarunta dhexe ee maamul gobolleedka Puntland.

Iyada oo ay tahay markii ugu horreeysay ee uu Ra’isulwasaare Kheyre booqdo Puntland hadana waxaa loo soo dhaweyey si diiran oo ka duwan qaababki hore ee loo qaabili jiray Raisul Wasaareyaashii hore.

Waxaa jidadka si weyn ugu soo baxay shacab wata labada calan ee Soomaliya iyo Maamul Gobolleedka Puntlad.

Hase ahaatee, arintan oo aan ahayn mid ku cusub maamulka Puntland marka uu soo booqdo mas’uul ka tirsan dowladda dhexe hadana waxaa is qabaneyn muxubada ay muujiyeen iyo sida ay ficil ahaan ula falgalaan Muqdisho.

Waxaa caadi noqotay in Maamuka Puntland ay wax walba ku khilaafaan dowladda dhexe iyaga oo su’aal ka keenaa amarada iyo shaciyadda ka soo baxa goleyaasha dowladda dhexe.

Waxaa ugu daran marka ay xiriirka u jaraan dowladda dhexe sida in ay yihiin nidaam ka madax banaan!

maamulka hadda talada Garowe haya ee uu xilkaasa dhamaanayo waxa ay hormuud ka noqdaan iska horkeenidda dowladdaha xubnaha ka ah dowladda Federal-ka ilaa uu hoggaamiye ka noqday urur iskaashi ay sameysteen maamul gobolleedyada Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ah madaxweynaha Puntland.

Hadaba, soo dhaweyntii la yaabka lahayd ee Maamulka Land loogu sameeyey madaxweyne Farmaajo iyo midda maanta Kheyre soo lama oran karo waa laba wajiileyn dhaqan u noqotay Maamulka Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]