25.6 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Xog-Warran: Siyaasadaha ku hareereysan socdaalka R/W Khayre ee Puntland

Garoowe (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal, halkaasi oo uu ku casuumay madaxweynaha Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas.

Garoonka Garoowe waxaa kusoo dhoweeyey mas’uuliyiintan madaxda sare ee maamulka Puntland iyo sidoo kale dadweyne badan.

Boqolaal shacab ah ayaa isugu soo baxay barxadda weyn ee magaalada Garoowe, halkaas oo ay doonayaan iney kaga qeybqaataan soo dhoweynta Ra’iisul wasaaraha.

Magaalada Garoowe oo dhan waxaa lagu xardhay boorar uu ku dheggan yahay sawirka Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Waxaa lagu wadaa in Ra’iisul wasaare Kheyre uu booqdo magaalooyin kale oo Puntland ah, dhanka kalena wuxuu ka qeybgali doonaa sanad-guuradii 20-aad ee aas-aaska maamulka Puntland oo dhici doonta 1-da bisha August.

Wafdiga Ra’iisul wasaaaraha ayaa waxa kamid ah qaar ka tirsan golihiisa Wasiirada, xildhibaano iyo tageerayaal kale oo la sheegey in qaarkood  muddo asbuuc ah kaga soo horeeyeen magaalada Garoowe kuwasoo la filayo iney ka qayb qaataan soo dhaweynta loo sameynayo wasiirka Kowaad ee xukuumadda FS.

Xasan Cali khayre oo safarkaan u ah midkiisii ugu horeyeey oo uu ku yimaado Puntland tan iyo intii xilka loo magacaabey Febuary 2017, ayaa waxaa uu ku soo beegmaya xilli Puntland ay ku jirto xaalado coladeed iyo kuwo siyaasadeed, sida doorashooyinka la filayo iney ka dhacaan maamulkaan sanadka 2019.

“Madaxweyne Gaas waxuu isaga sii jeedinayaa booqashada Khayre cadaadiska ka haysta furumaha Tukaraq iyo doorashooyinka taasoo uu rabo inuu maalmo shacabka reer Puntland isaga mashquuliyo,” sidaas waxaa yiri siyaasi ku sugan magaalada Garoowe oo diidey in aan magaciisa xusno.

Ra’iisul wasaare Khayre ayaa sidoo kale booqashadiisa Garoowe waxaa lagu tiilmaamey mid ku soo beegmeysa xilli magaalada Muqdisho ay ka haystaan culeyso siyaasdeed iyo kuwo amni.

Waxaa tusaale u ah fashilka ku yimid qorshihiisii xasilinta magaalada Muqdisho kaasoo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya dabada ka riixayey, iyadoo amniga xarunta dowlada Soomaaliya lagu wareejiyey ciidamada booliska kulankii maalintii khamiista golaha wasiirada yeesheen..

Dadka la socda siyaasada Villa Soomaaliya ayaa aaminsan in marka laga soo tago codsiyada horey ugaga yimid xubnaha golayaasha kaga jira dowlada Federaalka Puntland in Khayre booqasho ku tago maamulkaan ayaa haddana waqtiga ay dhaceyso waxaa loo dhihi karaa iney tahay fursad shacabka indhahiisa uu kaga weecinayo culeysyada ka jira Muqdisho.

Madaxweyne Gaas ayaa dhinaca kale dalab hordhigey imaanshaha R/W Khayre ee magaalada Garoowe isagoo horey ugu sheegey inuu geynayo Garacad halkaasoo uu rabo in loo soo dhagax dhigo dakad la sheegey in laga dhisayo tuuladaas.

Xasan Cali Khayre ayaa waxaa kala hadlay dalabka kaga yimid Gaas ee ku aadan dhagax dhiga Dakadda Garacad xildhibaano kasoo jeeda Galmudug iyo kuwo kasoo jeeda gobolka Barri “Puntland” kuwasoo welwel ka muujiyey booqashada RW Xasan Cali Khayre ku tagayo tuuladaas.

Xildhibaanada kasoo jeeda maamulka Galmudug ayaa sida aan wararka ku heleyno waxay u sheegeen Khayre in dhagax dhig kale oo dowlada Feederaalka ku sameyso dekad kale ay caqabad ku tahay qorshaha la damacsan yahay in dekad lagaga dhiso degmada Hobyo taasoo Madaxweyne Famaajo uu dhagax dhigey January 2018, halka mudaniyaasha kasoo jeeda gobolka Barri ee Puntland Ra’isal wasaare Khayre dhinacooda u sheegeen in Madaxweyne Gaas dakado kale dhisayo halka uu ku guuldareystey in dakada Boosaso qorshihii lagu balaarin lahaa ama weli la bilaabin iyadoo dib u dhac weyn ka jiro uu sabab u yahay.

Ugu dambeyn, booqashadaan ayaa ah midii labaad ee mas’uul sare oo ka tirsan DF Soomaliya ku yimaado Puntland tan iyo intii ciidamada Somaliland January 8, 2018 qabsadeen tuulada Tukaraq ee gobolka Sool.

Isha: Garoowe Online

Saameyn noocee ah ayuu safarka Farmaajo ee Eritrea ku yeelan doonaa XIRIIRKA SOOMAALIYA iyo Jabuuti?

Asmara (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa booqasho ku joogo Magaalada Asmara ee dalka Elatariya, waxaana durba bilaabatay saameyn xoog leh oo uu safarkaan ku yeelan doono xiriirka u dhaxeeyo dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti.

Madaxweyne Farmaajo ayaa casuumaad ka helay dhigiisa  Afwerki, waxayna Casuumaadaan kusoo aaday xilli ay taagan tahay hadal heyn ku aadan inay Imaaraadka  heshiiska Soomaaliya usoo mari doonto dowladaha Itoobiya iyo Eretariya oo ay sanado badan kadib heshiisiisay.

Sababta ay dowladda Imaaraadka u heshiisiineyso dowladaha Itoobiya iyo Eretariya ayaa loo fahansan yahay inay tahay sidii cadaadis loogu saari lahaa dowladda Jabuuti oo dhawaan dalkeeda ka ceyrisay shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta.

Safarka Madaxweyne Farmaajo ee Asmara ayey dadka ku xeel dheer siyaadda ku tilmaameyn inuu carqaladeyn  doono ama xumeyn doono xiriirka ka dhaxeeyo dowladaha Jabuuti iyo Soomaaliya.

Madaxweeynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaan ku farxin socdaalka Asmara maadaama xurguf dhuleed uu ka dhaxeeya waxaana reer Jabuuti ay hadda hadal hayaan in Safarka Farmaajo uu dhabarjab ku noqon karo.

Dr. Maxamed Xasan oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed oo siyaasadda ku takhasusay ayaa tilmaamay inay qalad aheyd inuu Farmaajo waqtigaan Asmaro tago maadaama ay taagan tahay xiisadda ka dhaxeyso Imaaraadka iyo Jabuuti.

Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle weli ma uusan ka hadlin arrintaan balse sida xogta lagu helayo waxay arrintaas ku noqotay lama filaan .

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa dardargelin ku wado loolanka ay ku dooneyso inay kula wareegto Xeebaha Geeska Africa waxayna hadda arrintaas isku khilaafsan yihiin dowladaha Jabuuti iyo Soomaaliya.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa iska hor keentay dowladda Soomaaliya iyo Madaxda Maamul Goboleedyada kadib markii laga diiday dalabkeedii ahaa in xiriirka loo jaro dalka Qatar.

Sidoo kale waxay hadda diyaarinteeda wadaa sidii buuq iyo qalalaaso siyaasadeed loogu furi lahaa dalka Jabuuti iyadoo la isku dirayo iyada iyo Eretariya oo uu muddo badan ka dhaxeeyey muran dhanka dhulka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

CC Shakuur oo si yaab leh u dhigay mideynta booliiska iyo nabad-sugida Xamar

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo uu soo baxay amar lagu mideynaayo Ciidamada Nabadsugida iyo Booliska Somalia ee gobolka Banaadir ayaa waxaa arrintaasi dhaliilo kala duwan ka muujiyay Siyaasiyiin iyo dad shacab ah.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah shaqsiyaadka sida weyn u dhaliilsan dowlada ayaa sheegay in tilaabadaan mideynta ah ay dhabar jab iyo Sharaf dhac ku tahay taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame waxa uu tilmaamay in tilabadaan ay ka hor imaanayso dhismihii Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxa uuna carab dhabay in labada ciidan aysan iskumid ka aheyn dhanka tababarka.

Nuqul kamid ah haddalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ahaa “Talaabadani waxay dhabarjab ku tahay heshiiskii Hindisaha Amniga Qaranka, gaar ahaan Barnaamijika Wadajirka ah ee Boolisnimada heer maamul Goboleed iyo mid Federaal ah”.

Waxa uu intaa raaciyay “Waxaan ugu baaqayaa Baarlamaanka, gaar ahaan gudiga Amniga iyo Arrimaha Gudaha in ay arrinkaas dabagal ku sameeyaan” ayuu Yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayuu diray baaqaan”Waxaan kaloo ugu baaqayaa Taliska Ciidanka Booliska in aysan aqbalin sharaf dhaca iyo sumcad dilka lagula kacayo Ciidanka Booliska Soomaaiyeed, xitaa hadii ay xilkooda kalifto”

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, waxa uu sheegay in ciidamada Nabadsugida Somalia ay ku fashilmeen howlaha amni ee Gobolka Banaadir, waxa uuna cadeeyay in indha adeegooda ay ku bahdili karaan Booliska.

Sidoo kale, waxa uu ka digay in Saraakiisha taliska Booliska ay aqbalaan qorshaha loogu daray ciidamada Nabadsugida oo uu sheegay inay keeni karto dhibaatooyin aan iminka muuqan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

XOG: Dacwad ka dhan ah mid ka mid ah wasiirada DF oo gaartay xafiiska Kheyre

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Ganacsato kasoo jeeda Gobolka Banaadir ay Dacwad ka dhan ah Wasiirka Ganacsiga u gudbiyeen Xafiiska Ra’isul wasaaraha xukuumadda Somalia Xasan Kheyre.

Wararku waxa ay sheegayaan in dacawada Ganacsatada ay tahay mid salka ku heysa in Wasiirka Ganacsiga Maxamed Cabdi Xayir Maareeye uu caqabad ku yahay ganacsigooda. Dacwada Wasiir oo gaartay Xafiiska Ra’isul wasaare Kheyre ayaa lasoo sheegayaa in lagu hayo baaritaan lagu xaqiijinaayo xaqiiqda dacwada.

Waxa ay Ganacsatadu ku eedeysay Wasiir Maxamed Cabdi Xayir maareeye inuu ka hor istaagay howlo Ganacsi oo dhowr ah, taasina ay ugu wacan tahay inay gudbiyaan dacwada.

Mid kamid ah Ganacsatada oo dacwadaasi nooga xog waramay ayaa sheegay in Wasiir Maxamed Cabdi Xayir maareeye uu ku kordhiyay lacagaha sharci darada ah ee ku dhacda Xafiiskiisa, xili ay dowlada Somalia ka qaado lacago canshuur ah.

“Ma suuragaleyso inaan bixino canshuur hadana nalaga qaado lacago sharci daro ah uma dulqaadan doono baacsiga uu nagu hayo Wasiir Maareeye”

Ra’isul wasaare Xasan Kheyre ayay ka dalbadeen inuu baaritaan ku sameeyo Wasiirka iiyo Wasaaradiisa oo ay sheegen inay rug u noqotay sharci darro.

Sidoo kale, Dacwadan ayaa daba socta mid hore oo Ganacsatadu ay uga cabaneysay Wasiirka Ganacsiga Maxamed Cabdi Xayir maareeye oo faragalin ku haya Ganacsatada.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa horay u sheegay inuusan ka raali noqon doonin musuq-maasuq, waxaana xusid mudan in Wasiiro dhowr ah ay xilkooda ku waayen musuqa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Imaaraat, Ethiopia, Eritrea iyo qorshaha Soomaaliya iyo Jabuuti lagu ciqaabayo

Dubai (Caasimada Online) – Isku soo dhowaanshaha Ethiopia, Eritrea iyo Imaaraadka Carabta ayaan ahayd wax si caadi ah ku yimid, balse waa siyaasad lasoo dhisay oo la doonayo in lagu dhaawaco Jabuuti iyo Soomaaliya, oo Abu Dhabi ay u aragto cadow halis ku ah.

Ayada oo ay jirto in Imaaraadka uu muran dekadeed kala dhaxeeyo Soomaaliya iyo Jabuuti, saaxiibtinimada Abiy Ahmed iyo Imaaraadka ayaa dhaawici karta xiriirka Ethiopia la leedahay Soomaaliya iyo Jabuuti, oo sida ay hadda wax u socdaan aan ku faraxsnaeyn.

Caasimada Online ayaa ka warhaysa in Soomaaliya, Jabuuti iyo Sudan aysan ku faraxsaneyn go’aanka deg degta ah ee Abiy ku ogolaaday in xayiraadda dhaqaale looga qaado Eritrea, taasi oo ay kasoo shaqeysay Imaaraadka Carabta.

Haddii Imaaraadka Carabta uu gacanta ku dhigo Eritrea oo dekado leh, iyo Ethiopia oo ah dalka uga ballaaran uguna awoodda badan Geeska Afrika, wuxuu si darran oo siyaasadeed iyo dhaqaaleba u ciqaabi karaa Jabuuti, oo ka baxday heshiiska ay la gashay shirkadda DP World iyo Soomaaliya oo diidan heshiisyada dekadaha Berbera iyo Boosaaso.

Dekadda Doraleh ee Jabuuti ayaa waxa ay si aad ah ugu tiirsan tahay dalka Ethiopia, oo 95% badeecadaha gala halkaas looga soo dejiyo. Sidaa darteed, Imaaraakda ayaa doonaya in badeecadahaas loo kala weeciyo dekadaha Berbera iyo Asssab, Eritrea, si dhaqaalaha Jabuuti dhulka loogu dhufto.

Marka ay noqoto Soomaaliya, Imaaraadka ayaa Ethiopia iyo mamaul goboleedyada dalka Soomaaliya u adeegsanaya inaysan xasilooni siyaasadeed ka dhicin dalka, si aysan Soomaaliya halis dhaqaale u noqon, maadaama ay aad uga weyn tahay Eritrea, ugana dekado badan tahay.

Ujeedka ugu dambeeyey ee Imaaraadka Carabta ayaa ah inay maamulaan dhammaan dekadaha iyo dhaqdhaqaaqyada dhaqaale ee gobolka, si dekadda Jabal Cali ee Dubai oo ah isha dhaqaale ee ugu weyn Imaaraadka aysan halis u gelin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

FARMAAJO iyo AFWERKI oo HESHIIS taariikhi ah ka gaaray arrin muhiim u ah

Asmara (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Eritrea ayaa isku raacay inay dib usoo celiyaan xiriirkooda diblomaasiyeed, ayaga oo dib u furaya safaaradihii labada dal ee labada caasimad, kadib is-afgarad taariikhi ah oo ka dhacay kulankii labada hoggaamiye ee labada dal.

Go’aankan ayaa lagu gaaray kulankii ugu horreeyey ee madaxweynaha Soomaaliya uu magaalada Asmara kula yeesho dhiggiisa dalka Eritrea Isiais Afwerki, isaga oo ku guda jira booqasho saddex maalmood qaadan doonta oo uu ku joogo magaalada Asmara. Soomaaliya iyo Eritrea ayaan lahayn wax xiriir diblomaasiyeed ah, muddo 15 sano ah.

Wasiirka warfaafimnta Soomaaliya, Daahir Maxamuud Geelle ayaa yiri “Waxaad waqti aan dheereyn arki doontaan safiirada Soomaaliya iyo Eritrea oo ku kala sugan magaalooyinka Asmara iyo Muqdisho”

Geelle ayaa sidoo kale sheegay in labada hoggaamiye ay sidoo kale ka wada hadleen ammaanka gobolka, iyo xiriirada is-bedbedelaya ee dalalka Geeska Afrika, oo sandihii dhowaa ay aad u saameysay siyaasadda dalalka khaliijka oo ku loolamaya.

Wada-hadallada Farmaajo iyo Afwerki ayaa sii socon doona maanta, waxaana dhammaadka booqashada Farmaajo ee Asmara laga soo saari doonaa war-murtiyeed faahfaahsan oo ay ku qeexan yihiin dhammaan wixii ay ku heshiyeen labada dal.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sidee xildhibanada DAMUL JADIID u arkan XIRIIRKA cusub ee Somalia iyo Eritrea?

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo uu Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uu booqasho seddex cisho ku joogo magaalada Asmara ee dalka Eriteria ayaa waxaa arrintaasi ka hor imaaaday xubno ka tirsan Kooxda Damul-Jadiid ee horay usoo maamulay dalka.

Xildhibaan Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) oo mar soo noqday Agaasimaha Madaxtooyada Somalia kana tirsan garabka Damul-Jadiid ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay socdaalka iyo xiriirka uu Farmaajo la sameynayo Eriteria.

Cali Balcad, waxa uu sheegay inaanu jirin sabab xiligaan ay dowlada Somalia xiriir ula sameyso dalka Eriteria, waxa uuna tilmaamay in Eriteria ay dhibaato ku heyso dalka Jabouti.

Cali Balcad, waxa uu sheegay in xiligaan loo baahan yahay in laga fiirsado cida ay dowlada Somalia la sameyneyso xiriirka, waxa uuna cadeeyay in isbedelada ka jira Gobolka uusan faa’iido ugu jirin Somalia.

Cali Balcad waxa uu sheegay in sababta uu uga hor imaanayo xiriirka cusub ee labada dal ay tahay mid ku saleysan laba arrin oo kala ah in Eriteria ay dhul balaarsi ku heyso dalka Jabouti oo uu tilmaamay inay walaalo dhow la yihiin Somalia iyo in Eriteria ay wado dabino ka dhan ah Somalia, sida uu hadalka u dhigay.

Cali Balcad, waxa uu sheegay in dowladii hore ay iska fogeyn jirtay arrimaha ceynkaani ah, sidaa aawgeed ay dowlada hadda jirta ku degdegtay xiriirka Eriteria.

Sidoo kale, Cali Balcad ayaa Madaxweyne Farmaajo kula taliyay in latashiyo uu la sameeyo Madaxweynaha dalka Jabouti Ismaaciil Cumar Geele, si aanu u xumaan calaaqada Somalia iyo Jabouti.

Haddalka Cali Balcad, ayaa imaanaya xili dowladii hore ee Damul-Jadiid ay aad uga soo horjeeday la dhaqanka dowlada Eriteria, iyadoo sababta lagu sheegay in maamulkii hore ee Damul-Jadiid ay ka shidaal qaadan jirtay Ethiopia oo aan xiligaa xiriir kala dhexeen Eriteria.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

AMISOM oo JAWAAB ka bixiysay amarkii uu R/W Xasan Kheyre dul dhigay

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo Ra’isul wasaaraha Somalia Xasan Cali Kheyre uu amar ku bixiyay in Garoonka cayaaraha Muqdisho laga saaro ciidamada AMISOM ayaa waxaa hadalkaasi jawaab ka bixiyay Taliska ciidamada AMISOM ee Muqdisho.

Taliska ciidamada AMISOM ayaa sheegay in ka bixitaanka Garoonka cayaaraha Muqdisho uu yahay mid khuseysa Taliska isla markaana ay ciidamada ka saari doonaan xiliga qorshahaasi la dajiyay.

Taliyaha howlgelinta Ciidamada AMISOM Korneyl fabian oo arrintaan ka hadlay ayaa sheegay in kabixitaanka Ciidamada AMISOM Garoonka Ciyaaraha ee Muqdisho uu yahay qorsho hor yaala Taliska Ciidamada AMISOM islamarkaana ay horay u dajiyeen.

Korneyl fabian waxa uu sheegay inay muhiim tahay in laga shaqeeyo amniga caasimada maadaama ay wakhti qaadan doonta inay faarujiyaan Garoonka Cayaaraha Muqdisho.

Sidoo kale, Korneyl fabian ayaa tilmaamay in ciidamada AMISOM ay ka bixi doonaan garoonka hase yeeshee ay qaadan doonto muddo.

Hadalka korneyl fabian oo ah Taliyaha howlgalinta Ciidamada AMISOM ayaa imaanaya kadib markii Ra`isul wasaare Xasan Cali Kheyre uu ku amray in si dhaqsi ah ay uga baxaan Ciidamada AMISOM Garoonka Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Isbeddelo amni oo weyn oo Xamar ka dhacay iyo nabad sugidda oo la baabi’iyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Is-beddelo amni oo waa weyn ayaa xalay ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, oo maalmihii dhowaa dowladda ay ka wadday qorshooyin amni oo cusub, kadib fashilkii ku yimid qorsheyaashii hore.

Xog goordhow ay heshauy Caasimada Online ayaa sheegeysa in is-beddelada dhacay ay ka mid yihiin in gebi ahaanba la baabi’iyay taliskii ciidanka Nabad-sugida gobolka Banaadir oo ahaa ciidan muuqday.

Nabad-sugidda gobolka Banaadir ayaa hadda kadib noqon doonta kaliya kuwa dharcad ah, oo aan muuqan, kana shaqeeya arrimaha sirdoonka, halka markii hore ay ka ahaayeen ciidamo hubeysan oo wata baabuurta dagaalka iyo qoryo.

Ciidamada nabad-sugidda gobolka Banaadir ayaa si aad ah ugu xirnaa ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, oo ay saaxiibo dhow ahaayeen ninkii madaxda ka ahaa ciidankaasi ee Saadaq John.

Saadaq John, ayaa loo magacaabay Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir, isagoo laga soo wareejiyay Taliskii uu madaxda u ahaa ee Nabad-sugida Gobolka Banaadir, maadaama la baabi’iyay.

Taliyihii Booliska Gobolka Banaadir Jen. Maalin ayaa loo magacaabay iosna inuu noqdo Taliyaha Taraafikada Gobolka Banaadir.

Dhowaan ayaa sidoo kale ciidamadii xaslinta ee uu sameeyey ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre laga wareejiyey maamulka amniga Muqdisho ayada oo lagu beddelay ciidamo boolis ah, gaar ahaan qeybta 14-ka October. Tallaabadaas ayaa waxaa amray madaxweyne Farmaajo.

Xog dheeri ah oo arrintan ku saabsan naga filo dhowaan, insha Allah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

ONLF oo ka hadashay sida ay u arkaan booqashada FARMAAJO ee ASMARA

Asmara (Caasimada Online) – Iyadoo uu Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu booqasho Seddex cisho ah ku joogo magaalada Asmara ee dalka Eriteria ayaa waxaa booqashadaasi ka hadlay jabhada ONLF.

Afhayeenka jabhadda ONLF Caddaani Hirmooge, ayaa sheegay in safarka Madaxweyne Farmaajo ee magaalada Asmara uu yahay mid muhiim u ah labada Shacab Eriteria iyo Somalia.

Caddaani Hirmooge, waxa uu sheegay in dowlaha Somalia iyo Eritrea uu ka dhaxeeyo xiriir soo jireyn ah balse hadda la doonaayo in mar kale la cusbooneysiiyo xiriirka.

Caddaani Hirmooge, waxa uu tilmaamay in Somalia ay ku noolyihiin shucuub badan oo kasoo jeeda dalka Eriteria, halka Eriteria-na ay ku noolyihiin shacab Soomaaliyeed oo la doonaayo inay kawarqabto dowladooda.

“Waa arrin fiican in labada dal ay ka shaqeeyan sida lagu hagaajin lahaa xiriirkii soo jireenka ahaa waanu taageersanahay isbedelka ka jira Gobolka”

Sidoo kale, Caddaani Hirmooge ayaa sheegay inay rajeynayaan inay la kulmaan Madaxweyne Farmaajo maadaama ay ku wada sugan yihiin Asmara.

Haddalka Afhayeenka ONLF Caddaani Hirmooge ayaa kusoo beegmaya iyadoo dhawaan dowlada Somalia ay shaacisay in Jabhada ONLF ay u aqoonsan yihiin urur argagixiso.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Halkee bay QM marineysaa XAL u raadinta colaadda Puntland iyo Somaliland?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Somalia Danjire Micheal Keating ayaa sheegay inay ku guuleysteen xalinta Colaada ka taagan deegaanka Tukaraq ee u dhexeysa Somaliland iyo Puntland.

Danjire Micheal Keating, waxa uu sheegay in Colaada labada dhinac ay ku dhamaaden dad shacab ah, sidaa aawgeed QM ay xooga saartay sida lagu hakin lahaa dhiiga daadanaaya.

Waxa uu Danjire Micheal Keating cadeeyay in QM ay wakhti badan ku bixisay xalinta colaada, waxa uuna sidoo kale sheegay inay harsan tahay waxyar oo aan sidaa usii buurneyn.

“Inta badan xal ayaan u helnay colaada labada dhinac waanu kala hadalnay waxbadan ayaana isla qaadanay waxaanu rajeyneynaa in waxayar ee harsan aanu xal u helno”

Sidoo kale, Danjire Micheal Keating ayaa Puntland ugu baaqay inay hakiso siqida ay ciidamadeeda kawadan jiida dagaalka waxa uuna carab dhabay in ciidamada Puntland ay ku haminayaan dhul balaarsi hase yeeshee aanu la aqbali doonin.

Geesta kale, waxa uu ballanqaaday in xalinta harsan ay kusoo dhameyn doonaan muddo kooban, balse ay u harsan yihiin kulamo kooban oo labada dhan ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Qarax geystay khasaaro kala duwan oo ka dhacay magaalada MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Xaafadda Galmudug ee Degmda Hodan ayaa sheegaya in halkaa uu kadhacay Qarax lagu soo xiray gaari raaxo.

Sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka Labo Askari oo ka tirsanaa Ciidamada xoogga ayaa midna ku dhintay midna ku dhaawacmay ka dib Markii gaari ay wateen oo Noociso yahay Gaarib uu qarxay.

Gaariga oo ahaa Kaarib ayey Goob joogayaashu sheegen inuu Qarxay xili uu marayay meel aan siddaasi uga fogeyn xarunta Ciidamada Asluubta.

Ciidamo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya oo gaaray halka qaraxan uu ka dhacay ayaa wada baaritaanno, mana jirto faah faahin intaan ka badan oo qaraxan laga helay.

Magaalada Muqdisho waxaa kusii kordhaaya Gaadiidka raaxada ee lagu xiro Qaraxyada waxana asbuucii tagay agagaarka Taalada Daljirka Daahsoonee degmada Boondheere ka dhacay qarax gaari lagu xirey,taas oo sababtay dhimashada Darawalkii Gaariga iyo dhaawac Saddex ruux.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Maxaa kulankii Farmaajo iyo Afwerki looga hadlay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Asmara ee xarunta dalka Ereteriya ayaa wada hadallo la yeeshay dhiggiisa dalkaas Mudane Isaias Afwerki kuwaas oo ku qotoma dib u soo nooleynta xiriirka labada dal, xasilloonida gobolka iyo xoojinta iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha iyo nabadgelyada.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha ee Asmara Madaxweyne Isaias Afwerki, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada dalka Ereteriya, Saraakiil ciidan iyo cutubyo ka tirsan baambayda dalkaas oo salaan sharaf ku maamuusay soo dhaweynta Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sidoo kale, shacabka dalka Ereteriya ayaa isugu soo baxay fagaarayaasha caasimadda si ay u soo dhaweeyaan Madaxweynaha iyo wafdigiisa, iyagoo ku dhawaaqayey hal-ku-dhigyo ay ku muujinayeen xiriirka ka dhaxeeya labada shacab.

Madaxweyne Afwerki ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya aqbaaladda casuumaadda uu u fidiyey iyo booqashadan taariikhiga ah, isagoona tilmaamay in ay bilow wanaagsan u tahay waji cusub oo uu yeelan doono xiriirka labada dal.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo shacabka dalka Ereteriya soo dhaweynta diirran iyo martiqaadka heerka sare ah ee ay ku maamuuseen isaga iyo wafdigiisa.

Labada Madaxweyne iyo diblumaasiyiinta labada dal oo kulan is-xogwareysi ah ku qaatay Madaxtooyada dalkaas ayaa si qotadheer uga wadahadlay xaaladda gobolka, mustaqbalka xiriirka Soomaaliya iyo Ereteriya iyo sidii loo abuuri lahaa iskaashi ku saleysan danaha wadajirka ah ee labada dal iyo guud ahaan Geeska Afrika.

Soomaaliya iyo Ereteriya ayaa isku afgartay in la xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya, iyadoo lagu heshiiyay in la isweydaarsado danjirayaasha, lagana furo Muqdisho iyo Asmara labo safaaradood.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa inta ay ku suganyihiin dalka Ereteriya waxa ay kulamo kala duwan la qaadan doonaan dhiggooda dalkaas, waxaana qorshuhu yahay in ay booqasho iyo kormeer ku maraan goobo iyo xarumo ku yaalla caasimadda dalkaas.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Kulanka Xasan Sheekh iyo CC Shakuur & cabsi cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Siyaasiga Mucaaradka ah ee C/raxmaan C/Shakuur Warsame ayaa magaalada Ankara ee Dalka Turkiga kula kulmay Madaxweynihii hore ee Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Booqashada oo aheyd mid labada mas’uul ay ku balansanaayen ayaa waxa C/raxmaan C/Shakuur Warsame ku doonaayay inuu ku xoojiyo garabkiisa mucaarad, isagoo magaca uga faa’iideysanaayay Madaxweynihii hore.

C/raxmaan C/Shakuur Warsame, ayaa booqasho ugu tagay Xasan Sheekh Maxamuud oo ay ku wada tartameen doorashadii Muqdisho ka dhacday 8dii february taasoo uu ku guuleystay Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo).

C/raxmaan C/Shakuur Warsame, oo bartiisa Facebook kusoo qoray qormo kooban ayaa waxa uu ku sheegay in isaga iyo Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ay ka wada ahdleen Xaalada Dalku marayo iyo sida ugu Haboon ee mustaqbalka lagu wajihi karo.

Nuqul kamid ah haddalka C/raxmaan C/Shakuur Warsame  ayaa ahaa “Waxaan booqasho ugu tegey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud. Waxaan ka wada hadalnay xaalada dalku marayo iyo sida ugu haboon ee mustaqbalka lagu wajihi karo. Kulankeena wuxuu ku soo idlaaday isfaham iyo iskaashi.”

C/raxmaan C/Shakuur Warsame, waxyaabaha sida gaarka ah uu kala hadlay Xasan Sheekh waxaa kamid ahaa in badbaado degdeg ah loo sameeyo dalka iyo in laga hortago wixii dhibaato ah ee kadhacaya dowlada hadda jirta, waxaana la garaneynin biyo dhaca labadaani qodob oo muujinaaya wajiyo qarsoon oo labada mas’uul mideynaaya.

Madaxweynihii hore Xasan Sheekh iyo C/raxmaan C/Shakuur Warsame oo Siyaasad ahaan aan la dhacsaneyn dowlada hadda jirta ayaa waxaa aad looga cabsi qabaa inay ka shaqeynayaan qorshooyin lagu caburinaayo dowlada.

Xasan Sheekh Maxamuud iyo C/raxmaan C/Shakuur Warsame, waxaa la hadal hayaa in is aragooda uu caqabad hor leh u yahay dowlada Somalia oo cayaareysa Siyaasad ka duwan dowladihii hore.

Sidoo kale, Xasan Sheekh ayaa tan iyo markii uu xilka wareejiyay deegaan ka dhigtay magaalada Ankara oo ay qoyskiisa ku noolyihiin, isaga oo halkaa kulamo gaar gaar ah kula qaadanaayay dhinacyada mucaaradka.

Dhinaca kale, kulankan labada Mas’uul ayaa ku soo aaday, xilli mowjado siyaasadeed uu dalka ka jiro, iyo olole ay wadaan isbaheysiyo mucaarad ah oo maalmihii la soo dhaafay shirar ku lahaa magaalada Nairobi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Ciidamada NISA oo weerar ku qaaday guriga wasiir ka tirsanaa xukuumaddii CC

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada nabad-sugidda Soomaaliya ayaa xalay weerar saqdhexe ah ku qaaday guriga wasiir ku xigeenkii hore ee wasaaradda howlaha guud iyo dib u dhiska Soomaaliya Maxamed Cumar Geedi, oo ka tirsanaa xukuumaddii Cumar Cabdirashiid.

Shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Muqdisho, ayuu wasiirka ku sheegay in ciidamada ay kasoo boodeen darbiga gurigiisa oo ku yaalla agagaarka xarunta NISA ee godka Jilicow, ayna cabsi xooggan geliyeen isaga iyo qoyskiisa.

Maxamed Cumar Geedi ayaa sheegay in lagu soo bartilmaameedsaday sababo la xiriira inuu kasoo horjeedo, islamarkaana dhalleeceeyo siyaasadda xukuumadda ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Waxa uu sidoo kale shaaca ka qaaday in ciidamadan uu watay nin lagu magacaabo Jaabir oo madax ka ah godka Jilicow.

Waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in hay’adda NISA oo shaqadeedu tahay sugidda amniga Soomaaliya loo adeegsado fulinta hadafyo siyaaseed.

NISA ayaa hadda ka hor dhowr jeer sidan oo kale weeraro ugu qaaday siyaasiyiin mucaarad ku nah xukuumadda Kheyre.

Hoos ka daawo Maxamed Cumar

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Arag sawiro: Sida Farmaajo loogu soo qaabilay Asmara

Asmara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Asmara ee caasimadda Eritrea.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka Asmara ku so dhoweeyay madaxweynaha Eritrea Assias Afwerki iyo mas’uuliyiin kale.

Waddooyinka Asmara ayaa lagu xardhay calanka Soomaaliya, booqashada madaxweynaha iyo wafdigiisa darteed. Madaxweyne Farmaajo ayaa Saddex maalmood oo maanta ka bilaabaneysa joogi doona magaalada Asmara.

Boqollaal dad ah oo luxaya calammada labada dal iyo sawirka madaxweyne Farmaajo ayaa jooga hareeraha waddooyinka Asmara.

Labada madaxweyne waxa ay ka wada hadli doonaan xiriirka labada dal, iskaashiga iyo xasilloonida gobolka.

Waa markii ugu horreysay ee madaxweyne Soomaaliyeed uu booqdo Eritrea tan iyo markii uu dalkaasi madax bannaanidiisa ka qaatay Ethiopia sanadkii 1994-kii.

SAWIRRO: XOG yaab leh oo laga ogaaday MADAXDA Daacishta SOMALIA oo la maxkamadeeyey maanta

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Derejada koobaad ee Dalka ayaa Maanta xukuntay horjeegeyaal ka tirsanaa Kooxda Daacish. Mahad Max’ud Cabdi oo Magacyadiisa Af-garashada yihiin (Abtidoon, Abuu-yaasiin) iyo Max’ed Daa’uud Daahir Warsame  oo isagana loo yaqaanno  (Dr,raage)  ayaa loo heystaa in ay ka mid ahaayeen hor-joogayaasha kooxda Daacish.

Mahad Max’ud Cabdi  ayaa isaga dadaal ugu jiray sidii uu aas-aasi lahaa koox kale oo Daacish ah  kuwaasi oo ka madax banaan kooxda Daacishta ah ee uu hugaamiyo Cabduqaadir Muumin.

Safar dheer ayuu u soo galay sidii uu Soomaaliya ku soo gaari lahaa, waxa uuna heysta dhalashada Ruushka oo uu muddo ku maqnaa waddankaas, waxa uu sidoo kale ku soo qaatay qeyb ka mid ah noloshiisa waddanka Syria,  isagoo ugu dambeyn ku biiray  kooxda Daacish uu ka mid noqday kuwa ugu sarreeyo balse mar dambe oo ay is qabteen hor-joogaha kooxda Daacish   ayuu  go’aansaday in uuu aas-aaso koox kale.

Wax yaabaha gaarka ah oo ay xafiiska xeer ilaalinta soo bandhigeen waxaa ka mid ah warqad uu u qoray horjoogaha ugu sarreeyo kooxda Daacish, taasi oo uu ku gudbinaya cabashada ay ka wadaan horjooge Cabduqaadir Muumin, wax yaabaha ku qornaa waxaa ka mid ah;-

Hoggaan xumida hoggaamiyaha kooxda, Qorsha la’aanta howlahooda iyo Howl-galladooda, ku baahid la’aanta dhul ballaaran sida Koonfurta Soomaaliya iyo arrimo kale.

Max’d Daa’uud Daahir Warsame, oo Magiciisa Af-garashada yahay  (Dr,raage)  ayaa isna lagu eedeeyay in uu ahaa madaxa maaliyadda kooxda, sidoo kale  ahaa caawiye xagga caafimaadka ah ayaa cadeymaha Maxkamadda lala keenay waxaa ka mid ahaa Akoonada Lacageed ee uu isticmaalay iyo shirakidihii uu ka isticmaali jiray Lacagaha.

Farsoomyinka ay ka mid yihiin kala badalidda xawaaladaha, Sameynta akoonno kala duwan oo loo  sameeyay qaab-caawimaad iyo iska daba wareejinta sharikadaha in uu cadeeyo Hey’adaha uu sheeganayo shaqadooda iyo sharciyadda ay ku shaqeeyeen balse uu arrintaasi ah ka leex-leexday.

Ku xigeenka xeer ilaaliyaha Ciidamada qalabka Sida Dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi ayaa maxkamdda ka codsaday in la mar-siiyo ciqaab u dhiganto  qodobada ay ku soo eedeeyeen, waxa uuna Maxkamadda ka codsaday in dil-toogasha ah.

Qareenada u doodayay eedeysanayaasha  ayaa  maxkamadda ka hor sheegay  in aysan wakiiladooda   diidaneyn ka mid ahaanshiyaha kooxda Daacish balse ay ka  laabteen fikirkaas, sida mid ka mid ah qoraalkiisa cadeymaha uu ku cadeeyay hor-joogayaashan.

Guddoomiyaha Maxkamadda D, 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida  G/sare  Xasan Cali Nuur Shuute ayaa  soo xiray fadhiga Maxkamadda, waxa uuna u sheegay dhammaan ka qeyb-galayaasha in Maxkamadda ay go’aanka dib ka soo saari doonaan.

Horjoogeyaashan oo aan aheyn dad dhallinyaro lamarin habaabiyey ayaa doonayey in ay maskaxda dhallinyaro Soomaaliyeed   lumiyaan si ay ugu adeeggaan argagixiso aan arxan iyo aragti toona  lahayn.

Tallaabadi wasiir Canshuur sidee bay u saameyn kartaa habdhaqankii DF Somalia?

Muqdisho (Caasimada Online) – Talaadadii la soo dhaafay ciidama Kenya ee ku sugan xadka labada wadan ee kala qeybiya ee Somaaliya iyo dalkaasi waxa ay weerar ay shacab ah ku laayeen ku qaadeen xarunta shirkadda isgaarsiinta Hormuud ee ku taal degmada Dhuuntow ee gobolka Gedo.

Weerarkaas oo ay salaaddii subax waqti ku beegan geysteen ciidamada Kenya waxa ay ku dileen marxuum Cabdikariin Xassan Cali oo ahaa sarkaal ka tirsanaa shirkadda Hormuud.

Isla weerarkaas waxa ay ciidamada Kenya ku dileen Baxar Iidoor oo ka mid ahaa dadkii deegaanka, kaas oo ku jiray toddobaadkii kowaad ee arooskiisa.

Ciidanka Kenya intaas kaddib waxa ay walxaha qarxa ku xireen xarunta iyaga oo gubay gabi’ahaanba dhismeheeda.

Ma jirin ciidanka Kenya sabab ay u aaneeyeen weerarkooda waxashnimada ahaa, walow aysan ahayn markii ugu horreeysay ee ay sidaas deeganada xadka ku dhaw ama gudaha dalka ku dhibaateeyaan shacaka Soomaaliyeed.

Hase ahaatee, dowladdihii Soomaaliya ee isaga dambeeyey xukunka wey adkeyd in ay ka falceliyaan tacadiyadda ay Kenya ku hayso shacabka Soomaaliyeed, taas oo ay dhalleeceyn ugala kulmi jireen shacabka.

Waxaa jirtay in ay Kenya ay bilowday dhismaha darbiga ay ka dhiseyso xadka labada dal kala qeybiya, taas oo ay gudaha Soomaaliya ugu soo galeen ilaa iyo xad, hadana waqti ayey ku qaadatay in dowladda Soomaaliya ay ka falceliso ama ay dowladda Kenya kala hadasho.

Yeelkeede, Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyadda Cabdi Canshuur Xassan ayaa toddobaadkii hore sameeyey arrin taas ka bedelan isaga oo durba falkaas gurracn cambaareeyey.

QORAAL LA SOO DHIGAY BOGGIISA FACEBOOK WAXAA LAGU YIRI

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta oo cambaareeyey Weerarkii Xarunta Hormuud ee deegaanka Dhuuntoow

Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda Mudane Eng. Cabdi Cashuur Xasan ayaa cambaareeyey Weerarkii lagu qaadey Xarunta Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ee deegaanka Dhuuntoow ee degmada Ceel-waaq.

Wasiirka oo u tacsiyeeyey ehellada dadkii ku dhintey weerarkaasi ayaa sheegay in ay kulan gaar ah arrintan kala qaateen Wasaaraddaha Amniga, Gaashaandhiga, Arrimaha Gudaha & Dibedda degdegna looga bixin doono jawaabta ku habbon, isaga oo ku tilmaamey weerarkaasmid aan loo dulqaadan karin.

“Waxa aan ka qaadi doonaa weerarkan talaabooyinka ku habboon kadib kolka ay soo dhamaadaan baaritaanada hay’adaha ku shaqadda leh” ayuu yiri wasiir Cashuur.

“Waxaa muhiim ah in la ogaado in uu dhamaadey xiliggii isla xisaabtan la’aanta oo ay tahay in cid weliba ay si dhab ah u qaadato masuuliyadeedda, waxa aanna rajaynaynaa in ay degdeg u soo dhamaadaan baaritaanadan” ayuu yiri wasiir Cashuur.

Hadaba falcelinta Wasiir Canshuur mala oran karaa waxa ay wax ka bedeshay habdhaqankii siyaasadeed ee dowladda federaalka ah, eek a fal-celinta dhibataada shacabka loo geysto, mase tahay mid ku filan, maxayse dowladda qaadi kartaa oo tallaabo?

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

Xasan Shiikh & CC Shakuur oo HESHIIS gaaray kadibna digniin u diray madaxda DF

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la yeeshay siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka mid ah xubnaha sida aadka ah u mucaaradsan dowladda federaalka Soomaaliya, ayada oo ay gaareen heshiis iskaashi..

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu Xasan Sheekh ku xaqiijiyey kulankan, oo ka dhacay dalka Turkiga, waxaana qoraalkiisa ka muuqday digniin ay madaxda dowladda ugu dirayaan inaysan isku koobin talada dalka.

Hoos ka aqris qoraalka uu Xasan soo dhigay twitter.

Maanta waxaan kulannay Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo igu soo booqday magaalada Ankara ee Turkey.

Md Cabdiraxmaan waxaan ka wada hadalnay caqabadaha maanta haysta dalkeenna iyo Fursadaha jira ee looga gudbi karo.

Waxaan isla garannay in Soomaaliyada maanta ay u baahan tahay in la ballaariyo saaxadda siyaasadeed ee lagu qaabeynayo dowlad dhisidda iyadoo si qoto dheer looga fakarayo xaaladda siyaasadeed ee Gobolka Geeska Afrika ee aan ka tirsannahay

Sidoo kale Waxaan isla soo qaadnay iyadoo la tixgelinayo xaaladaha siyaasadeed ee Gobolka geeska iyo kuwii horay uga jiray gudaha dalka, sida ay muhiim u tahay in dowladda iyo hoggaamiyayaasha dalka aaney isku koobin talada ee ay ballaariyaan saaxada wadatashiga ee siyaasiyiinta heer kasta leh iyo dadweynaha Soomaaliyeed dal iyo dibadba.

Kulankeenna waxaan ku soo gabagabeynay in siyaasiyiinta Soomaaliyeed heer kasta ha joogaane, loo baahan yahay wax kasta in laga hormariyo sidii si wadajir ah loogu istaagi lahaa dalka iyo dowladnimada.

Caasimada Online
Xafiiska Istanbul
[email protected]

XOG: Sidee ayay ku timid booqashada FARMAAJO uu ku tagey Eritrea (Dhageyso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta u ambabaxay magaalada Asmara ee dalka Eriteriya halkaas oo ay uga bilaabanayso booqasho rasmi ah oo qaadaneysa muddo 3 maalmood ah.

Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle, oo ka hadlay sida ay booqashada ku timid ayaa  sheegay in Soomaliya iyo Eretrea ay sameynayaan xiriir diblomaasiyadeed oo cusub, isagoo madaxweyne Madaxamed C/llaahi Farmaajo ii halkaasi kulan kula qaadan doono dhiggiisa Eritrea Isaias Afwerki.

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in booqashada uu madaxweyne Farmaajo ku tegi doono Eritrea ay noqoneyso tii ugu horreysay ee uu madaxweyne Soomaaliyeed ku tago dalkaasi, taasoo sare u qaadeysa xiriirka labada dowladood.

Booqashadan ayaa ku timid xiriiro diblomaasiyeed, soo sidoo kale ay gacan ku leedahay dowladda Ethiopia, sida aan xogta ku helnay, kadib markii Ethiopia iyo Eritrea ay soo afjareen colaaddii muddada fog ka dhaxeysay.

Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallo weyn oo socda oo la doonayo in meesha looga saaro coloaaddii iyo msinaceybkii ka dhex jiray dalalka Bariga Afrika, loogana dhigo dalal horumarsan oo wax wad qabsada.

Booqashada madaxweynaha Soomaaliya ee dalka Eretrea ayaa waxa ay ku soo aadeysaa xilli dhawaan ay heshiis wada gaareen mdudo 20-sano ka dib dowladaha Itoobiya iyo Eretria oo mudo uu dagaal ka dhaxeeyey.

Hoos ka dhageyso codka wasiirka warfaafinta Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]